Nolosha Cusub
Skip Navigation LinksHoyga > Maqal/Muuqaal > Qasiidooyin Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  

Qasiidooyin

Qasiidooyin Ilaah Ammaan Ah
Qasiidooyin Bishaaro Ah - 1
Qasiidooyin Bishaaro Ah - 2
Codadka Iftiinka - 1
Codadka Iftiinka - 2
Qasiidooyin Qadiimi Ah
Gabayada Xamdinaq Ah



Ka bilow qarnigii nebi Muuse, kaddibna wakhtigii nebi Daa'uud, muusikada waa qayb weyn oo ka mid ah Alle-ammaanista. Waxaan jeclahay in aad u riyaaqi doontid qasiidooyin [toddoba taxane amaba "CD" ah]. Mar kasta Ilaaheenna wuxuu istaahilaa xamdi, aammiin!

Sabuurka 150

Rabbiga ammaana.
Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah,
Ku dhex ammaana samada xooggiisa.
Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana,
U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.
Dhawaaqa buunka ku ammaana,
Oo shareerad iyo kataarad ku ammaana.
Ku ammaana daf iyo cayaar,
Oo ku ammaana alaab xadhko leh oo muusiko ah iyo biibiile.
Suxuunta laysku garaaco oo codka dheer ku ammaana,
Ku ammaana suxuunta sanqadha dheer.
Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen.
Rabbiga ammaana.


Sayid Ciise Masiix sidan ayuu dardaarmay xertiisa:
“26 laakiin Gargaaraha Ruuxa Quduuska ah oo Aabbuhu ku soo diri doono magacayga, wax kasta ayuu idin bari doonaa, wuxuuna idin xusuusin doonaa wax kasta oo aan idinku idhi. 27 Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.”  Injiilka sida  rasuul Yooxanaa u qoray 14:26-27