Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
Axdiga Cusub

OGEYSIIS:
Fayalka kutubtan weli ma bandhigan. Fadlan nala dulqaad...waxaannu rajaynaynaa dhowr bil gudaheed inaannu dhammaystirno dhisidda boggan.


Kitaabka Qoduuska ah waxaa ku jira 66 kutub, 27 waa Axdiga Cusub. Kitaabka Axdigia Cusub waxaa loo qoray rasuulladii iyo xertii Sayid Ciise Masiix muddadii 50 ilaa 95 AD. Asal ahaan, af-Giriig waa luuqadda ay ku qoraan. Isagoo ku isticmaalaya nebiyadu wixii Ilaah ku sheegay Axdigii Hore, waxaa lagu fuliyey Axdiga Cusub, waxaana fuliyey Masiixa. Axdiga Cusub waa kitaabka fulinta ama oofinta. Nebigii ugu dambeeyey ee sheega Ciise Masiix imaanshihiisa wuxuu ahaa Yooxanaa Baabtiisihii ama Makhuuriyihii [Yaxye]. Isaga ayuu ahaa kii Sayid Ciise muujiyey oo sheegay in Masiixa yahay kala guurkii Axdigii Hore, iyo Axdiga dambe. Nebi Yooxanaa wuxuu yiri: "Bal eega Wanka Ilaah", (Injiilka sida Yooxanaa u qoray 1:29). Nebi Yooxanaa Baabtiisihii waa maragfurkii ugu horreeyey. Markii Sayid Ciise uu arkay oo ugu horraysey, Yooxanaa Baabtiisihii wuxuu caddeeyey in Ciise isaga ka sarreeyo oo ka weyn yahay.

Erayga "injiil" waa kalmed af-Carabi oo asal ahaan af-Griigga ka yimid; micnadiisuna waa akhbaar wanaagsan ama bishaaro. Akhbaartaas wanaagsan ayaana ah lafdhabarta Axdiga Cusub. Axdiga Cusub waxaa lafdhabar u ah akhbaartaas faraxa leh oo lagaga badbaadshey dadka dembigooda, iyo ka raynta Shayddaanka Sayid Ciise ka raayey.

Axdiga Cusub waxay leeyahay afar qayb:

Guji halkan si aad heshid qisadooyin Injiilka iyo Falimaha Rasuullada
Guji halkan si aad heshid Waraaqihii rasuul Bawlos
Guji halkan si aad heshid Waraaqaha Cibraaniyadda iyo Waraaqaha Guud
Guji halkan si aad heshid Muujintii Ciise Masiix oo rasuul Yooxannaa loo muujiyey


" Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno. Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix..." Warqaddii Rasuul Bawlos U Qoray Dadkii Rooma 15:4-5