Nolosha Cusub
Skip Navigation LinksHoyga > Kitaabka Quduuska Ah > Axdiga Cusub > Warqaddii Cibraaniyada iyo Waraaqaha Guud Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  

Warqaddii Loo Qoray Cibraaniyada iyo Waraaqaha Guud


Warqaddii Loo Qoray Cibraaniyada

Warqaddan, waxaa qoray oo Ilaah u adeegsaday mid ka mid ah xertii ugu horeysay ee Masiixa. Magaca warqaddan waxaan ka garan karnaa in loo qoray kiniisaddii Yuhuuddii Masiixiyiinta ahayd. Qoraalka Warqaddani wuxuu ka waaninayaa Masiixiyiinta inaanay rumaysadka ka noqon ama dib uga dhicin oo ahaadaan kuwa aan isbeddelin oo runta ku taagan. Wuxuu kaloo micneeyey sidii Axdigii Hore wax loo caabudi jiray wuxuuna is barbardhigay Axdiga Cusub sida wax loo caabudo, kor u bixiddii Ciise Masiix ka dib. Waxaa siiba la yaab leh sida qoraalka warqaddani u muujinayo Sayid Ciise wadaadnimadiisa sare, oo uu u muujiyey in Ciise Masiix ka sarreeyo malaa'igaha, nebi Muuse iyo wadaadadii Axdigii Hore.

Waraaqaha Guud

Yacquub, 1 Butros & 2 Butros, 1 Yooxanaa, 2 Yooxanaa & 3 Yooxanaa, iyo Yuudas. Marka laga reebo warqadda 2aad iyo midda 3aad ee Yooxanaa, warqadaha guud cid khaas ah oo loo qoray ma jiraan, laakiin waxaa loo qoray muuminiinta Embaraadooriyaddii Rooma joogay oo dhan. Qorayaasha kala ah rasuul Butros iyo rasuul Yooxanaa waxay ahaayeen rasuulladii Sayid Ciise. Yacquub iyo Yuudas laakiin waxay ahaayeen Ciise Masiix walaalihiis, (Injiilka sida Matayos u qoray 13:55). Iyaga ayaannu u adeegsaday inay qoraan waxyaabahaas oo dhan. Dhammaan waa xertii Masiixa ee ka adeegtay gaarsiinta iyo qorida Ereyga Eebbe.


"...markii buunka ugu dambeeya la yeedhiyo; waayo, buunku waa dhawaaqi doonaa oo kuwii dhintayna qudhunla'aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa. 53 Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana waa inuu gashado dhimashola'aanta.  54 Markii kan qudhmayaa uu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana uu gashado dhimashola'aanta, markaas hadalka qorani wuu noqon doonaa ee ah, 
Dhimashadii waxaa liqday libtii.
55 Dhimashoy, meeday libtaadii? 
Dhimashoy, meeday micidaadii?
56 Micida dhimashadu waa dembiga, oo xoogga dembiguna waa sharciga.
57 Laakiin Ilaah baa mahad leh kan libta inagu siiya Rabbigeenna Ciise Masiix."

Warqaddii 1aad ee rasuul Bawlos u qoray dadkii Korintos 15:52-57