Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
Skip Navigation LinksHoyga > Kitaabka Quduuska Ah > Axdiga Cusub > Waraaqihii rasuul Bawlos qoray Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  

Waraaqihii rasuul Bawlos qoray



Waa 13 warqadood, waxaana la yidhaahdaa Rooma, 1 Korintos & 2 Korintos, Efesos, Filiboy, Kolosay, 1 Tesaloniika & 2 Tesaloniika, 1 Timoteyos & 2 Timoteyos, Tiitos, iyo Filemon. Intaba isaga ayaa Ilaah u adeegsaday si uu u qoro, wuuna qoray isaga oo Ilaahay hoggaankiisa ku qoray. Rasuul Bawlos meelo badan ayuu kiniisado ka sameeyey. Ciise Masiix wuxuu si xoog leh u adeegsaday Bawlos, wuxuuna wacdiyay akhbaarta wanaagsan taas oo Boqortooyada Masiixa midho badan u dhalisay, dad badan ayaana Masiixa u yimid oo isku dhiibay wacdiga Bowlos aawadiis, xataa Yurub dhexdeeda dad badan ayaa Masiixiyoobay. Hase ahaatee, Bawlos meel keliya waqti dheer ma joogi karin, sidaas darteed wuxuu kiniisadaha u magacaabi jiray waayeelo ama hoggaamiyayaal (Tiitos 1:5). Kiniisadahaas cusubi waxay mar kasta u baahnaayeen waxbarid, waana taas waxa Ciise Masiix u soo marin jiray Bawlos ee soo gaadhi jiray ururada kiniisadaha iyagoo waraaqo ku xardhan, Wuxuu u digey kuwo ay dhici kartay inay qalloocshaan Injiilka runtiisa, sida ku xusan Galatiya 1:6-10. Ujeeddada waraaqahaasu waxay kala ahaayeen inuu dhiirrigaliyo kiniisadaha aad na u baro runta injiilka. Warqadaha loo qoray kiniisadii Tesaloniika ku taalay ayaa qoraal ahaan ugu horeeyay, kuwaas oo la qoray A.D.51kii. Bawlos warqaddiisa 2aad wuxuu Timoteyos u qoray wax yar ka hor intaan Bawlos dhiman. Isu geyn, Bawlos warqadihii uu qorey waxay ku qaadatay 17-18 sannadood. Marka laga hadlayo sida waraaqaha Bawlos Kitaabka Qoduuska ah ugu qoran yihiin, waxaa ugu horreeyey kuwa kiniisadaha qaarkood loo qoray, iyo kuwo afar ah oo loo qoray shakhsiyaad: labadii Timoteyos, Tiitos, iyo Filemon.

Warqadaha kiniisadaha loo qoray waxaa lagu aadiyey meelaha kala ah: Rooma, Korintos, Galatiya, Efesos, Filiboy, Kolosay, iyo Tesaloniika. Warqadahaas oo dhan isku mawduuc ayaa ku qoran, kaas oo lagu soo koobi karo hadalkii uu yiri Bawlos. Warqaddii Rasuul Bawlos u qoray dadkii Rooma 1:16,17: "Waayo, anigu injiilka ka xishoon maayo, maxaa yeelay, waa u xoogga Ilaah xagga badbaadinta ku alla kii rumaysta, marka hore Yuhuudda dabadeedna Griigta. Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaadda, rumaysadna u socota, sida qoran, kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa."


"Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.
Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco. Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix." Injiilka sida Yooxaanaa u qoray 1:9, 16-17