Nolosha Cusub
Skip Navigation LinksHoyga > Kitaabka Quduuska Ah > Axdiga Cusub > Muujintii Ciise Masiix Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  

Muujintii Ciise Masiix Oo Yooxanaa Loo Muujiyey


Kitaabkan ugu dambeeya waxaa ku jira muujinta Rabbaaniga ah ee inoo tilmaamaysa waxyaabaha dhici doona ilaa dhammaadka taariikhda dunida. Kitaabka Muujintu wuxuu ka hadlayaa sida Ciise Masiix hawshiisa ugu sii wato jannada. Kitaabku wuxuu dhiirrigeliyaa kiniisadda Ciise Masiix ee dunida kala kulanta dhibaatooyinka joogtada ah xilli walba, wuxuuna ku adkaynayaa inay digtoonaadaan oo samir lahaadaan. Kitaabkaasi Muujintu wuxuu sheegayaa in dunidu la kulmi doonto dhibaatooyin waaweyn iyo dhacdooyin khasaaro leh. Kuwaas oo ah xukunka Ciise Masiix, weligoodna way sii jirayaan inta dunidu jirto dhibaatooyinkaas iyo halligaaddaas adduunka ka jira, waayo dadku waxay diideen inay dembigooda ka toobadkeenaan (bal akhri Muujintii Ciise Masiix oo Yooxanaa loo muujiyey 16:9,11). Kitaabka Muujinta ujeeddooyinkiisa waxaa ka mid ah in looga digo kiniisadda inay jiri doonaan xilli walba dad calaamooyin iyo waxyaalo lala yaabo muuminiinta/Masiixiyiinta ku soo jiidan doona, rumaysadkoodana ka leexin doona. Rasuul Yooxanaa waxyaalihii loo muujiyey oo dhan looma oggolaan inuu qoro (Muujintii 10:4). Wejiga kale ee loo qoray Muujintii Ciise Masiix ee loo muujiyey Yooxanaa, waxay ahayd inay kiniisaddu u digto dadka samaynaya waxyaalaha mucjisooyinka iyo yaababka ah, ee isku dayaya inay rumaystayaasha iimaanka ka lumiyaan. Sidoo kale, Kitaabka Muujintu wuxuu dhiirrigelinayaa kuwa rumaysiga leh ee ah Masiixiyiinta, si aanay u yaabin ama u cabsan markay arkaan dhacdooyin hallaag leh. Sayid Ciise xataa horuu u sheegay waxyaalahaas belaayooyinka ah ee dhici doona, isagoo yidhi: "Bal eega, horaan idiin ku sheegaye", (Injiilka sida Matayos u qoray 24:25). Kitaabada uu ka kooban yahay Kitaabka Quduuska ah ee 66ka ah ka ugu dambeeya wuxuu tiirinayaa kiniisadda marka ay la kulanto cadaadis. Baybalka gabagabadiisa wuxuu tiirinayaa/xoojinayaa ku kaste oo shaki qaba, wuxuuna siinayaa hubaal iyo rajo mustaqbalka iyo wakhti xaadirka ah, Sayid Ciise Masiix wuu soo noqon doonaa! Haa, mar dhow buu iman doonaa! (Muujintii Ciise Masiix oo Yooxanaa loo muujiyey 20:22).


"...markii buunka ugu dambeeya la yeedhiyo; waayo, buunku waa dhawaaqi doonaa oo kuwii dhintayna qudhunla'aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa. 53 Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana waa inuu gashado dhimashola'aanta.  54 Markii kan qudhmayaa uu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana uu gashado dhimashola'aanta, markaas hadalka qorani wuu noqon doonaa ee ah, 
Dhimashadii waxaa liqday libtii.
55 Dhimashoy, meeday libtaadii? 
Dhimashoy, meeday micidaadii?
56 Micida dhimashadu waa dembiga, oo xoogga dembiguna waa sharciga.
57 Laakiin Ilaah baa mahad leh kan libta inagu siiya Rabbigeenna Ciise Masiix."

Warqaddii 1aad ee rasuul Bawlos u qoray dadkii Korintos 15:52-57