|
JDG
Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix
lambarka liiska:
1
Reer Binu Israa'iil Oo La Dagaallamay Reer Kancaan Ee Hadhay
1 Markii Yashuuca dhintay dabadeed ayay reer binu Israa'iil Rabbiga weyddiiyeen, oo yidhaahdeen, Yaa marka hore xagga reer Kancaan noo hor kici doona oo noo dagaal geli doona?
2 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.
3 Markaasaa reer Yahuudah waxay ku yidhaahdeen walaalahood reer Simecoon, Kaalaya oo markayaga na raaca aynu la dagaallanno reer Kancaane; oo annana sidaas oo kale markiinnaan idin raaci doonnaaye. Markaasay reer Simecoon raaceen.
4 Kolkaasay reer Yahuudah tageen, oo Rabbiguna wuxuu gacantoodii geliyey reer Kancaan iyo reer Feris, oo waxay Beseq kaga laayeen toban kun oo nin.
5 Oo waxay Beseq ka heleen Adonii Beseq, oo way la dagaallameen, oo waxay laayeen reer Kancaan iyo reer Feris.
6 Laakiinse Adonii Beseq waa cararay, oo iyana way eryoodeen, wayna qabteen isagii, oo waxay ka gooyeen suulashiisii gacmaha iyo kuwiisii lugaha.
7 Markaasaa Adonii Beseq wuxuu yidhi, Toddobaatan boqor oo suulashoodii gacmaha iyo kuwoodii lugahu ka go'an yihiin ayaa cuntadooda ka urursan jiray miiskayga hoostiisa; oo sidii aan yeelay ayaa Rabbigu ii abaalmariyey. Markaasay isagii keeneen Yeruusaalem, oo halkaasuu ku dhintay.
8 Oo Reer Yahuudah waxay la dirireen reer Yeruusaalem, oo intay magaaladii qabsadeen ayay dadkeedii ku laayeen seef, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen.
9 Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.
10 Oo reer Yahuudah waxay ku duuleen dadkii reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac), oo waxay laayeen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay.
11 Oo intay halkaas ka tageen ayay dadkii degganaa Debiir ku duuleen. (Oo waagii hore Debiir magaceedu wuxuu ahaa Qiryad Sefer).
12 Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
13 Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.
14 Oo markay u timid ayay kula talisay inuu aabbeheed berrin ka baryo; markaasay dameerkeedii ka soo degtay, oo Kaaleeb wuxuu ku yidhi iyadii, Maxaad doonaysaa?
15 Markaasay ku tidhi, Ii ducee, oo waxaad i siisaa ilo biyo ah, maxaa yeelay, waxaad i siisay dalkii koonfureed. Kolkaasaa Kaaleeb wuxuu siiyey ilihii sare iyo kuwii hooseba.
16 Markaasay kii reer Qeyn oo ahaa Muuse seeddigiis reerkiisii ka tageen magaaladii lahayd geedaha timirta ah, oo waxay reer Yahuudah u raaceen xagga cidladii reer Yahuudah taasoo ku taal Caraad xaggeeda koonfureed; oo intay tageen ayay dadkii la degeen.
17 Oo reer Yahuudahna waxay raaceen walaalahood reer Simecoon, oo waxay laayeen reer Kancaan oo Sefad degganaa, oo dhammaanteedna way baabbi'iyeen. Oo magaaladii magaceediina waxaa la odhan jiray Xormaah.
18 Oo reer Yahuudah waxay qabsadeen haddana Gaasa iyo xuduudkeedii, iyo Ashqeloon iyo xuduudkeedii, iyo Ceqroon iyo xuduudkeedii.
19 Oo Rabbigu waa la jiray reer Yahuudah, oo wuxuu hortooda ka eryay dadkii degganaa dalkii buuraha lahaa; maxaa yeelay, ma ay eryi karin dadkii dooxadii degganaa, waayo, waxay lahaayeen gaadhifardood bir ah.
20 Oo markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.
21 Oo reer Benyaamiin ma ay eryin dadkii reer Yebuus oo Yeruusaalem degganaa; laakiinse reer Yebuus waxay Yeruusaalem la degganaayeen reer Benyaamiin ilaa maantadan la joogo.
22 Oo reer Yuusufna waxay ku kaceen Beytel; oo Rabbiguna wuu la jiray iyagii.
23 Oo reer Yuusufna waxay Beytel u direen ilaallo soo basaasta. (Magaaladaas markii hore waxaa magaceeda la odhan jiray Luus.)
24 Markaasaa ilaaladii waxay arkeen nin magaalada ka soo baxaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, na tus iridda magaalada laga galo, oo annaguna wanaag baannu kuu falaynaa.
25 Markaasuu iyagii tusay iriddii magaalada laga geli jiray, oo waxay dadkii magaalada ku laayeen seef, laakiinse ninkii iyo xaaskiisii oo dhanba way iska sii daayeen.
26 Markaasaa ninkii wuxuu tegey dalkii reer Xeed, oo halkaasuu magaalo ka dhisay, oo magaceediina wuxuu u bixiyey Luus, kaasoo ah magaceeda ilaa maantadan la joogo.
27 Oo reer Manasehna ma ay eryin dadkii degganaa Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, ama kuwii Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, laakiinse reer Kancaan waxay doonayeen inay dalkaas degganaadaan.
28 Oo markii ay reer binu Israa'iil xoogaysteen ayay reer Kancaan addoonsadeen oo mana ay wada eryin.
29 Oo reer Efrayimna ma ay eryin dadkii reer Kancaan oo degganaa Geser; laakiinse reer Kancaan iyagay la degganaayeen Geser.
30 Oo reer Sebulunna ma ay eryin dadkii degganaa Qitroon, iyo dadkii degganaa Nahalaal, laakiinse reer Kancaan waxay degganaayeen iyaga dhexdooda, oo addoommo ayay u noqdeen.
31 Oo reer Aasheerna ma ay eryin dadkii degganaa Cakoo, ama dadkii degganaa Siidoon, ama kuwii Axlaab, ama kuwii Aksiib, ama kuwii Xelbaah, ama kuwii Afiiq, ama kuwii Rexob.
32 Laakiinse reer Aasheer waxay dhex degganaayeen reer Kancaan oo ahaa dadkii dalka degganaa, maxaa yeelay, iyagu ma ay eryin.
33 Oo reer Naftaalina ma ay eryin dadkii degganaa Beytshemesh ama dadkii degganaa Beytcanaad; laakiinse wuxuu degganaa reer Kancaan dhexdooda, kuwaasoo ahaa dadkii dalka degganaa; habase yeeshee dadkii degganaa Beytshemesh iyo Beytcanaad addoommo ayaa u noqdeen iyaga.
34 Markaasaa reer Amor waxay ku dirqiyeen reer Daan dalkii buuraha ahaa, maxaa yeelay, ma ay u oggolaan inay u soo degaan xagga dooxada.
35 Laakiinse reer Amor waxay doonayeen inay degganaadaan Buur Xeres oo ku taal Ayaaloon iyo Shacalbiim; laakiinse waxaa ka adkaatay gacantii reer Yuusuf, oo sidaas daraaddeed addoommo ayay u noqdeen.
36 Oo xuduudkii reer Amorna wuxuu ka bilaabmayay meesha laga koro Caqrabbiim marka laga bilaabo Selac iyo inta ka sarraysa.
^ Dib u celi bilawga ^
2
Malaa'igtii Rabbiga Oo Joogtay Bokiim
1 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay ka soo kacday Gilgaal oo Bokiim timid, oo waxay tidhi, Anigaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idin keenay dalkii aan ugu dhaartay awowayaashiin, oo waxaan idhi, Anigu weligay jebin maayo axdigayga aan idinla dhigtay.
2 Idinkuna waa inaydnaan axdi la dhigan dadka dalkan deggan; oo waa inaad jejebisaan meelahooda allabariga. Laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii. De haddaba maxaad sidan u yeesheen?
3 Sidaas daraaddeed waxaa kaloo aan idhi, Hortiinna kama eryi doono iyaga, laakiinse waxay idinku noqon doonaan sida qodxan dhinacyada idinkaga jirta, oo ilaahyadooduna waxay idinku noqon doonaan dabin.
4 Oo markay malaa'igtii Rabbigu erayadan kula hadashay reer binu Israa'iil oo dhan ayay dadkii codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen.
5 Oo meeshaas magaceedii waxay u bixiyeen Bokiim; oo halkaasay allabari Rabbiga ugu bixiyeen.
Caasinimadii Iyo Guuldarradii
6 Haddaba markii Yashuuca dadkii diray ayaa reer binu Israa'iil mid waluba u kacay dhaxalkiisii inuu hantiyo dalka.
7 Oo dadkuna Rabbigay u adeegeen wakhtigii Yashuuca noolaa oo dhan, iyo wakhtigii odayaashii Yashuuca ka nolol dambeeyey oo dhan, kuwaasoo wada arkay kulli shuqulkii weynaa oo Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.
8 Yashuuca oo ahaa ina Nuun oo addoonkii Rabbiga ahaa wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira.
9 Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Xeres, oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.
10 Oo weliba dadkii qarnigaas oo dhammu waxay ku darmadeen awowayaashood; oo waxaa ka daba kacay kuwo qarni kale ah oo aan aqoon Rabbiga, ama shuqulkii uu u sameeyey reer binu Israa'iil.
11 Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliimka.
12 Wayna ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, kuwaasoo ahaa ilaahyadii dadkii iyaga ku wareegsanaa, wayna u sujuudeen; oo Rabbigana way ka xanaajiyeen.
13 Oo intay Rabbiga ka tageen ayay u adeegeen Bacal iyo Cashtarod.
14 Markaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda.
15 Oo meel kasta oo ay tageenba gacanta Rabbigu dhib bay u ahayd, sidii Rabbigu ku hadlay, iyo sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay; oo iyana aad bay u dhibaataysnaayeen.
16 Markaasaa Rabbigu wuxuu kiciyey xaakinno iyaga ka badbaadiyey gacantii kuwii dhacayay.
17 Oo weliba xaakinnadoodiina ma ay dhegaysan, maxaa yeelay, ilaahyo kalay raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, wayna u sujuudeen; oo haddiiba gees bay uga leexdeen jidkii ay awowayaashood mareen iyagoo addeecaya amarradii Rabbiga; laakiinse iyagu sidaas ma ay yeelin.
18 Oo markii Rabbigu iyaga u kiciyey xaakinno ayuu Rabbigu la jiray xaakinkii, oo wakhtigii xaakinkii noolaa oo dhan wuxuu iyagii ka badbaadiyey gacantii cadaawayaashooda; waayo, Rabbigu wuxuu ka qoomamooday taahiddii ay ka taahayeen kuwii iyaga dulmay oo caddibay.
19 Oo haddana markii xaakinkii dhintay ayay dib u noqdeen, oo waxay ku kaceen wax ka sii xun wixii awowayaashood ay ku kici jireen, oo waxay raaceen ilaahyo kale inay u adeegaan oo ay u sujuudaan. Kama ay joogsan falimahoodii, iyo madax adkaantoodii.
20 Oo cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Quruuntanu way ku xadgudbeen axdigii aan ku amray awowayaashood, oo codkaygiina ma ay dhegaysan;
21 sidaas daraaddeed hadda ka dib ka eryi maayo hortooda mid ka mid ah quruumihii Yashuuca ka tegey markuu dhintay;
22 si aan iyaga ugu tijaabiyo reer binu Israa'iil bal inay xajiyaan oo ku socdaan jidka Rabbiga, sidii ay awowayaashood u xajiyeen iyo in kale.
23 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuu daayay quruumahaas, oo degdegna uma eryin; oo weliba iyagii sooma uu gelin gacantii Yashuuca.
^ Dib u celi bilawga ^
3
1 Haddaba kuwanu waa quruumihii Rabbigu u daayay inuu reer binu Israa'iil ku tijaabiyo, oo waxay ahaayeen in alla intii aan ogayn dagaalladii reer Kancaan oo dhan;
2 inay reer binu Israa'iil ogaadaan oo uu iyaga baro dagaal ayan waxba ka aqoon jirin.
3 Oo kuwaasu waxay ahaayeen shantii amiir oo reer Falastiin, iyo reer Kancaan oo dhan, iyo reer Siidoon, iyo reer Xiwi, oo degganaa Buur Lubnaan, iyo tan iyo Buur Bacal Xermoon, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.
4 Oo kuwaas waxaa loo daayay in reer binu Israa'iil lagu tijaabiyo, in la ogaado bal inay dhegaysanayaan amarradii Rabbiga oo uu ku amray awowayaashood oo uu Muuse soo faray iyo in kale.
5 Oo reer binu Israa'iil waxay dhex degeen reer Kancaan, kuwaas oo ahaa reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
6 Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.
Cotnii'eel
7 Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah.
8 Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood.
9 Oo markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil u kiciyey badbaadiye, kaasoo badbaadiyey, oo wuxuu ahaa Cotnii'eel ina Qenas oo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa.
10 Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.
11 Markaasaa dalkii xasilloonaa afartan sannadood. Oo Cotnii'eel ina Qenas wuu dhintay.
Eehuud
12 Oo reer binu Israa'iil mar kalay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu xoog u yeelay oo reer binu Israa'iil ku diray boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon, maxaa yeelay, waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun.
13 Oo isna wuxuu soo urursaday reer Cammoon iyo reer Camaaleq; kolkaasuu intuu tegey laayay reer binu Israa'iil, oo waxay qabsadeen magaaladii lahayd geedo timireedka.
14 Oo reer binu Israa'iil waxay boqorkii reer Moo'aab oo Cegloon ahaa u adeegayeen siddeed iyo toban sannadood.
15 Laakiinse markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu u kiciyey badbaadiye, kaasoo ahaa Eehuud ina Geeraa, oo reer Benyaamiin, oo ahaa nin gurran. Isaga ayay reer binu Israa'iil hadiyad ugu soo dhiibeen Cegloon kii ahaa boqorkii reer Moo'aab.
16 Oo Eehuudna wuxuu samaystay seef laba af leh, oo dhererkeedu yahay dhudhun, oo wuxuu ku xidhay meel dharkiisa ka hoosaysa oo ah bowdadiisa midig.
17 Oo wuxuu hadiyaddii u dhiibay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon; Cegloonna wuxuu ahaa nin aad u buuran.
18 Oo markuu dhammeeyey bixintii hadiyadda ayuu diray dadkii hadiyadda siday.
19 Laakiinse Eehuud wuxuu ka soo noqday dhagaxyadii qorqornaa Gilgaal agteeda, oo wuxuu yidhi, Boqorow, anigu waxaan kuu wadaa farriin qarsoon. Markaasuu yidhi, Iska aamus. Oo dadkii hareerihiisa taagnaa oo dhammuna dibadday uga baxeen isagii.
20 Markaasaa Eehuud u yimid isagii; oo isna wuxuu keligiis fadhiyey qowladdii uu ku laydhsan jiray, markaasaa Eehuud wuxuu ku yidhi, Waxaan farriin kaaga wadaa Ilaah. Markaasuu ka soo kacay kursigiisii.
21 Oo Eehuudna wuxuu soo bixiyey gacantiisii bidix, oo wuxuu seeftii kala soo baxay dhinaca bowdadiisii midig, markaasuu Cegloon caloosha kaga muday,
22 oo xataa daabkiina waa galay afkii dabadiis, oo seefta afkeediina waxaa qariyey xaydhii, waayo, seeftii kama uu soo bixin calooshiisii; oo uus baa ka yimid.
23 Markaasaa Eehuud wuxuu u baxay xagga qolqolka, oo uu soo xidhay qowladda albaabbadeedii, wuuna qufulay.
24 Haddaba markuu tegey waxaa yimid addoommadii Cegloon, markaasay intay wax fiiriyeen arkeen albaabbadii qowladda oo qufulan; kolkaasay waxay isyidhaahdeen, Hubaal wuu isku deday qowladdiisa uu ku laydhsado.
25 Oo way sugeen ilaa ay isla yaabeen; oo bal eeg isna albaabbadii qowladda ma uu furin, sidaas daraaddeed furahay qaadeen oo albaabbaday fureen, oo markaasay arkeen sayidkoodii oo dhulka ku dhacay oo meyd ah.
26 Eehuudna waa baxsaday intay sugayeen, oo wuxuu dhaafay dhagaxyadii qorqornaa, oo wuxuu u fakaday xagga Seciiraah.
27 Oo markuu yimid dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim ayuu afuufay buun, oo reer binu Israa'iilna isagay kala dhaadhaceen dalkii buuraha lahaa, oo isna wuu hor socday.
28 Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waayo, Rabbigu gacantiinnuu soo geliyey reer Moo'aab oo cadaawayaashiinnii ah. Oo iyana isagay ka daba dhaadhaceen, oo waxay reer Moo'aab ka qabsadeen meeshii webiga Urdun laga gudbi jiray, oo ninna uma ay oggolaan inuu ka gudbo.
29 Oo markaasay reer Moo'aab ka laayeen rag toban kun ku dhow, kuwaas oo ahaa kuwo xoog wada leh, oo xataa nin keliyuhu kama baxsan.
30 Sidaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood.
Shamgar
31 Oo isagii ka dibna waxaa kacay Shamgar ina Canaad, kaasoo reer Falastiin lix boqol oo nin kaga laayay usha dibida lagu shuqeeyo, oo isaguna reer Israa'iil wuu badbaadiyey.
^ Dib u celi bilawga ^
4
Debooraah
1 Oo reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markii uu Eehuud dhintay dabadeed.
2 Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin oo xukumi jiray Xaasoor; oo sirkaalkii ciidankiisu wuxuu ahaa Siiseraa kaas oo degganaa Xaroshed tii Quruumaha.
3 Oo reer binu Israa'iilna waxay u qayshadeen Rabbiga, waayo, ninkaasu wuxuu lahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, oo kaasu labaatan sannadood buu reer binu Israa'iil aad u cadaadinayay.
4 Oo waagaas waxaa reer binu Israa'iil xaakimad u ahayd Debooraah, naagtii Lafiidood, taasoo nebiyad ahayd.
5 Oo waxay hoos fadhiyi jirtay geedkii timirta ahaa oo Debooraah, oo u dhexeeyey Raamaah iyo Beytel, oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim; oo reer binu Israa'iilna iyaday ugu iman jireen inay u gar naqdo.
6 Oo iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun?
7 Oo anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa.
8 Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.
9 Kolkaasay ku tidhi, Hubaal waan ku raacayaa; habase yeeshee socdaalka aad tegaysaa ahaan maayo mid adiga sharaf kuu leh, waayo, Rabbigu wuxuu Siiseraa ka iibin doonaa naag gacanteed. Kolkaasay Debooraah kacday oo Baaraaq u raacday xagga Qedesh.
10 Markaasaa Baaraaq wuxuu Qedesh isugu yeedhay reer Sebulun iyo reer Naftaali; oo waxaa isaga raacay toban kun oo nin; oo Debooraahna isagay raacday.
11 Haddaba Xeber oo ahaa reer Qeyn ayaa hore isaga soocay reer Qeyn, kuwaas oo ahaa reer Xoobaab, Muuse seeddigiis, oo wuxuu meel iyaga ka fog teendhadiisii ka dhistay xagga geedkii ku yiil Sacananniim oo u dhow Qedesh.
12 Oo waxay Siiseraa u sheegeen, inuu Baaraaq ina Abiinocam koray Buur Taaboor.
13 Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.
14 Oo Debooraahna waxay Baaraaq ku tidhi, Kac, waayo, maanta waa maalintii Rabbigu Siiseraa gacantaada soo geliyey. Rabbigu miyaanu ku hor socon? Sidaas daraaddeed Baaraaq wuxuu ka dhaadhacay Buur Taaboor, isagoo ay toban kun oo nin daba socdaan.
15 Oo Rabbigu wuxuu seef ku dhibay Siiseraa, iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo ciidankiisii oo dhan Baaraaq hortiisa; oo Siiseraa intuu ka degay gaadhifaraskiisii ayuu cagihiisii ku cararay.
16 Laakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.
17 Laakiinse Siiseraa cagihiisuu ugu cararay teendhadii Yaaceel taasoo ahayd naagtii Xeber kii reer Qeyn, waayo, nabad baa ka dhexaysay boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin iyo reerkii Xeber kii reer Qeyn.
18 Oo Yaaceelna intay dibadda u soo baxday inay ka hor tagto Siiseraa, waxay isagii ku tidhi, Soo leexo, sayidkaygiiyow, ii soo leexo, oo ha cabsan. Oo isna intuu ku leexday ayuu galay teendhada, oo markaasay buste ku dedday.
19 Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii in yar oo biyo ah oo aan cabbo, waayo, waan harraadsanahay. Kolkaasay u soo furtay sibraar caano ah, oo intay dhansiisay ayay haddana dedday isagii.
20 Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Teendhada iriddeeda istaag, oo haddii dad kuu yimaado oo ay i kaa weyddiiyaan, oo ku yidhaahdaan, Halkan nin ma jooga? waxaad ku tidhaahdaa, Maya.
21 Markaasaa naagtii Xeber oo ahayd Yaaceel ayaa qaadatay qori dhidib ah, oo gacantana waxay ku qabsatay dubbe, oo intay tartiib ugu dhowaatay ayay dhidibkii kaga dhufatay dhafoorka, oo intuu dhidibkii ka dusay ayuu dhulka muday, maxaa yeelay, isagu hurdo weyn buu ku jiray oo aad buu u daalay, oo sidaasuu u dhintay.
22 Oo bal eeg, Baaraaq intuu raacdaynayay Siiseraa, ayay Yaaceel u soo baxday inay isagii ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Bal kaalay oo waan ku tusi ninkaad doonaysid. Markaasuu u yimid, oo wuxuu arkay Siiseraa oo jiifa oo meyd ah, oo dhafoorkiisa dhidib ka taagan yahay.
23 Sidaasaa Ilaah maalintaas boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin ugu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.
24 Oo gacantii reer binu Israa'iil aad iyo aad bay uga sii adkaanaysay boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa, ilaa ay baabbi'iyeen boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa.
^ Dib u celi bilawga ^
5
Gabaygii Debooraah
1 Deedna maalintaas waxaa gabyay Debooraah iyo Baaraaq ina Abiinocam, oo waxay yidhaahdeen,
2 Madaxdii baa reer binu Israa'iil hoggaamisay,
Dadkiina iyagoo oggol ayay isbixiyeen,
Taas aawadeed Rabbiga ammaana.
3 Bal maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow,
Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga;
Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
4 Rabbiyow, markaad Seciir ka baxday,
Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom,
Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day,
Daruurihiina biyay soo daadsheen.
5 Buurihiina way u gariireen Rabbiga aawadiis,
Xataa Siinaydaasu way u gariirtay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil aawadiis.
6 Wakhtigii Shamgar ina Canaad,
Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen,
Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.
7 Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil,
Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay,
Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.
8 Waxay doorteen ilaahyo cusub;
Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay.
Afartan kun oo reer binu Israa'iil
Ma lagu arkay gaashaan ama waran?
9 Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil,
Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa.
Rabbiga ammaana.
10 Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan,
Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan,
Iyo kuwiinna jidka marow.
11 Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda,
Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa,
Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil.
Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.
12 Toos, toos, Debooraahoy;
Toos, toos, oo gabay ku gabay;
Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow.
13 Markaasay raggii gobta ahaa intiisii hadhay iyo dadkii soo degeen;
Rabbigu waa ii yimid oo wuxuu iiga hiiliyey kuwii xoogga badnaa.
14 Reer Efrayim waxaa ka soo baxay kuwo xididkoodii yahay Camaaleq;
Dabadeedna, adiga reer Benyaamiinow, iyo dadkaaga kugu dhex jira,
Oo reer Maakiirna waxaa ka soo baxay taliyayaal,
Reer Sebulunna waxaa ka yimid kuwo haya usha sirkaalka wax qora.
15 Oo amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah;
Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa;
Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda.
Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa
Wax weyn baa lagu goostay.
16 Maxaad xeryaha idaha u fadhiday,
Inaad maqasho biilbiilaha idaha u yeedhaya?
Biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa
Aad baa qalbiyo loogu baadhay.
17 Gilecaad wuxuu joogay Urdun shishadiisa;
Reer Daanna muxuu doonniyaha ugu hadhay?
Reer Aasheer wuxuu weli fadhiyey xeebta badda,
Oo wuxuu ag joogay durdurradiisa.
18 Reer Sebulun wuxuu ahaa dad geerida isku biimeeyey,
Reer Naftaalina wuxuu isku biimeeyey meelaha dhaadheer oo duurka.
19 Boqorradii waa yimaadeen oo dirireen,
Dabadeedna boqorradii reer Kancaanna waxay ku dirireen
Tacanaag taas oo u dhow biyaha Megiddoo:
Oo lacag faa'iido ah ma ay qaadan.
20 Waxay kala dirireen xagga samada,
Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen.
21 Oo waxaa qaaday Webi Qiishoon,
Webiga duqa ah oo Qiishoon la yidhaahdo.
Naftaydoy, adigoo xoog leh hore u soco.
22 Markaasay farduhu qoobabkoodii dhulka ku garaacayeen,
Maxaa yeelay, kuwoodii xoogga badnaa ayaa socod doonayay.
23 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay tidhi, Meeroos habaara,
Oo aad u habaara dadka deggan,
Maxaa yeelay, uma ay iman inay Rabbiga caawiyaan
Oo ay uga hiiliyaan kuwa xoogga badan.
24 Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel
Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa,
Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan.
25 Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano;
Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.
26 Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii,
Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya;
Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay,
Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa.
27 Oo cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay oo jiifsaday:
Cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay:
Oo meeshuu ku foororsaday ayuu ku dhacay isagoo meyd ah.
28 Siiseraa hooyadiis daaqadday wax ka eegtay oo qaylisay,
Shabaggay ka qaylisay oo tidhi,
Maxaa gaadhifaraskiisii u raagay?
Oo maxaa dib u riday giringirihii gaadhifardoodkiisa?
29 Dumarkeedii caqliga lahaa way jawaabeen,
Oo iyana way isu jawaabtay.
30 Oo waxay tidhi, Miyaanay wax helin oo boolidii qaybsan?
Oo nin kastaaba miyaanu helin gabadh ama laba gabdhood;
Oo Siiseraana sow ma helin dhar booli ah oo kala midab ah,
Oo miyaanu helin daabac kala midab ah,
Oo miyaanu helin daabac kala midab ah oo labada dhan ku yaal, oo boolida qoortooda sudhan?
31 Rabbiyow, cadaawayaashaada oo dhammu sidaas ha u halligmeen;
Laakiinse kuwa Rabbiga jecel oo dhammu ha noqdeen sida qorraxda markay xooggeeda la soo baxdo.
Oo dalkiina afartan sannadood wuu xasilloonaa.
^ Dib u celi bilawga ^
6
Gidcoon
1 Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu intii toddoba sannadood ah gacanta u geliyey reer Midyaan.
2 Oo gacantii Midyaanna waa ka adkaatay reer binu Israa'iil; markaasaa reer binu Israa'iil waxay reer Midyaan aawadood u samaysteen boholo buuraha ku yaal, iyo godad, iyo dhufaysyo xoog leh.
3 Oo markii reer binu Israa'iil ay wax beeri jireen, waxaa iman jiray reer Midyaan iyo reer Camaaleq, iyo reer bariga, wayna ku kici jireen;
4 oo intay ag degaan ayay ka baabbi'in jireen wixii dhulka uga baxay, ilaa la soo gaadho Gaasa, oo reer binu Israa'iil ugama ay tegin wax la quuto, iyo ido, iyo dibi, iyo dameerro toona.
5 Waayo, waxay la iman jireen xoolahooda iyo teendhooyinkooda, oo waxay u faro badnaayeen sida ayaxa oo kale. Iyaga iyo geeloodu midna tiro ma lahayn; oo waxay dalka u iman jireen inay baabbi'iyaan.
6 Oo reer Midyaan aawadood ayay reer binu Israa'iil aad iyo aad ugu caydhoobeen; markaasaa reer binu Israa'iil Rabbiga u qayshadeen.
7 Oo markii reer binu Israa'iil Rabbiga ugu qayshadeen reer Midyaan aawadood
8 ayaa Rabbigu reer binu Israa'iil u soo diray nebi; oo wuxuu ku yidhi iyagii, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil sidan buu leeyahay, Anaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idinka soo saaray gurigii addoonsiga;
9 waanan idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii kuwii idin dulmi jiray oo dhan, oo kulligood intaan hortiinna ka eryay ayaan dalkoodii idin siiyey;
10 oo waxaan idinku idhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaydnaan ka baqin ilaahyada reer Amor oo aad dalkooda deggan tihiin; laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii.
11 Markaasaa waxaa yimid malaggii Rabbiga, oo wuxuu hoos fadhiistay geedkii ku yiil Cofraah, oo uu lahaa Yoo'aash kii reer Abiiceser; oo wiilkiisii Gidcoon ahaa ayaa sarreen ku tumayay meeshii macsaradda inuu ka qariyo reer Midyaan.
12 Markaasaa malaggii Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu waa kula jiraa, nin yahow xoogga lahu.
13 Oo markaasaa Gidcoon malaggii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, haddii Rabbigu nala jiro, de maxaa waxyaalahan oo dhammu noogu dhaceen? Oo meeye kulli shuqulladiisii yaabka lahaa oo ay awowayaashayo noo sheegeen, oo ay nagu yidhaahdeen, Miyaanu Rabbigu naga soo bixin dalkii Masar? Laakiinse haatan Rabbigu waa na xooray, oo wuxuu gacanta noo geliyey reer Midyaan.
14 Markaasaa Rabbigu isagii eegay, oo wuxuu ku yidhi, Xooggaagan ku tag, oo reer binu Israa'iil ka badbaadi gacanta reer Midyaan. Sow kuma aanan dirin?
15 Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Sayidow, maxaan reer binu Israa'iil ku badbaadiyaa? Bal eeg, reerkaygu waa kan ugu liita reer Manaseh, oo anna waxaan ahay kan ugu yar reerka aabbahay.
16 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Hubaal waan kula jirayaa, oo waxaad reer Midyaan u layn doontaa sida nin keliya.
17 Oo markaasuu wuxuu ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, de calaamo i tus inaad tahay kan ila hadlaya.
18 Waan ku baryayaaye, halkaas ha ka tegin ilaa aan kuu imaado, oo aan qurbaankayga kuu keeno, oo aan ku hor dhigo. Isagu wuxuu yidhi, Waan ku sugayaa ilaa aad soo noqotid.
19 Markaasaa Gidcoon gudaha galay, oo wuxuu diyaariyey orgi yar, iyo qiyaas eefaah bur ah oo uu ka sameeyey kibis aan khamiir lahayn. Hilibkii wuxuu ku riday dambiil, maraqiina dheri buu ku shubay, oo wuxuu ugu keenay oo ku siiyey geedkii hoostiisa.
20 Markaasaa malaggii Ilaah wuxuu ku yidhi isagii, Hilibka iyo kibista aan khamiirka lahayn qaad, oo waxaad saartaa dhagaxan, oo maraqana ku qub. Oo isna sidaasuu yeelay.
21 Markaasaa malaggii Rabbigu wuxuu soo taagay ushii gacantiisa ku jirtay dabadeedii, oo wuxuu ku taabtay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn, markaasaa dab ka soo baxay dhagaxii, oo wuxuu laastay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn; oo markaasaa malaggii Rabbigu ka libdhay araggiisii.
22 Markaasaa Gidcoon arkay inuu yahay malaggii Rabbiga, oo Gidcoon wuxuu yidhi, Waa ii hoog, Sayidow, Rabbiyow, waayo, malaggii Rabbiga ayaan fool ka fool u arkay.
23 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Nabad ahow, oo ha cabsan, adigu dhiman mayside.
24 Markaasaa Gidcoon halkaas wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Rabbigu waa nabad, oo taasu xataa maantadan la joogo waxay ku taal Cofraah tii reer Abiiceser.
25 Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu ku yidhi isagii, Kaxayso dibiga aabbahaa, kaasoo ah dibiga labaad oo toddoba jirka ah, oo waxaad dumisaa meeshaa allabariga loogu bixiyo Bacal oo aabbahaa haysto, oo geedaha Asheeraah ku ag yaalna jar;
26 oo Rabbiga Ilaahaaga ah meel allabari uga dul dhis dhufayskan, oo hagaaji, oo kexee dibiga labaad, oo geedihii Asheeraah oo aad gooysay qoryihiisa ku bixi allabari la gubo.
27 Markaasaa Gidcoon wuxuu soo kaxaystay toban nin oo addoommadiisii ahaa, oo wuxuu sameeyey wixii Rabbigu u sheegay, oo shuqulkii habeennimuu sameeyey, maxaa yeelay, wuxuu ka cabsanayay reerkii aabbihiis iyo dadkii magaalada, oo taas darteed maalinnimo ma uu samayn karin.
28 Oo dadkii magaaladu markay aroor hore soo tooseen ayay arkeen in meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray ay dunsan tahay iyo in geedihii Asheeraah oo agteeda ku yiil ay salka ka go'an yihiin, iyo in dibigii labaad lagu dul bixiyey meeshii allabariga oo loo dhisay.
29 Markaasaa midkoodba wuxuu kii kale ku yidhi, Yaa waxakan sameeyey? Oo markay haybiyeen oo dadkii weyddiiyeen ayaa la yidhi, Waxakan waxaa sameeyey Gidcoon ina Yoo'aash.
30 Markaasaa dadkii magaaladu waxay Yoo'aash ku yidhaahdeen, Soo bixi wiilkaaga aan dilnee, waayo, wuxuu dumiyey meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray, oo geedihii Asheeraah oo ku ag yiilna salkuu ka gooyay.
31 Markaasaa Yoo'aash wuxuu ku yidhi dadkii ku kacay oo dhan, Ma idinkaa u dagaallamaya Bacal? Oo ma isagaad badbaadinaysaan? Kii u dagaallama ha la dilo subaxda, waayo, hadduu isagu ilaah yahay, de ha isu dagaallamo, maxaa yeelay, waxaa laga jebiyey meeshiisii allabariga.
32 Sidaas daraaddeed wuxuu maalintaas Gidcoon u bixiyey Yerubbacal, oo wuxuu yidhi, Bacal ha la dagaallamo isaga, maxaa yeelay, wuxuu ka dumiyey meeshiisii allabariga.
33 Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.
34 Laakiinse Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Gidcoon, markaasuu buun ku dhuftay, oo waxaa ku soo ururay reer Abiiceser.
35 Oo wuxuu wargeeyayaal u diray reer Manaseh oo dhan, oo iyana markaasay ku soo urureen; oo haddana wuxuu wargeeyayaal u diray reer Aasheer, iyo reer Sebulun, iyo reer Naftaali, oo iyana way u yimaadeen inay la kulmaan iyagii.
36 Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Sidaad ii sheegtay, haddaad reer binu Israa'iil gacantayda ku badbaadinaysid,
37 bal eeg, meesha sarreenka lagu tumo ayaan dhigayaa dhogor idaad, haddaba haddii dharab qoyo dhogorta keliya oo dhulka kale oo dhammuna uu engegnaado, markaasaan ogaanayaa inaad gacantayda ku badbaadinaysid reer binu Israa'iil, sidaad ku hadashay.
38 Oo sidii bay noqotay, waayo, markuu toosay subaxdii dambe, oo tuujiyey dhogorta, wuxuu ka maroojiyey koob muuggiis oo biyo ah.
39 Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Cadhadaadu yaanay igu kululaan oo markan keliya ayaan hadlayaa. Markan keliya aan dhogorta wax ku hubsado, waan ku baryayaaye. Bal markan dhogorta keliya engeg ha noqoto, laakiinse dhulka kale oo dhammu dharab ha lahaado.
40 Oo Ilaahna sidii buu yeelay habeenkaas; waayo, waxaa engegnaa dhogortii keliya, oo dhulka kale oo dhammuna dharab buu lahaa.
^ Dib u celi bilawga ^
7
Gidcoon Oo Ka Guulaystay Reer Midyaan
1 Markaasay Yerubbacal oo ah Gidcoon iyo dadkii isaga la jiray oo dhan aroor hore kaceen, oo waxay degeen ishii Xarod dhinaceeda; oo xeradii reer Midyaanna waxay iyaga ka xigtay xagga woqooyi oo u dhow buurta Moreh, oo dooxadii ku dhex tiil.
2 Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadka kula socdaa way igu badan yihiin inaan reer Midyaan gacanta u soo geliyo, waayo, waaba intaasoo ay reer binu Israa'iil ii faanaan, oo ay isyidhaahdaan, Gacantaydaa i badbaadisay.
3 Haddaba tag oo dadka dhegahooda ku naadi, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii baqaya oo gariirayaa, ha iska noqdo oo ha ka tago Buur Gilecaad. Markaasaa dadkii waxaa dib uga noqday laba iyo labaatan kun oo nin, oo waxaa soo hadhay toban kun.
4 Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadku weli aad buu u badan yahay; bal waxaad geeysaa biyaha, oo halkaasaan iyaga kuugu tijaabinayaa, oo waxay noqon doontaa, kii aan kugu idhaahdo, Kanu ha ku raaco, kaasaa ku raaci doonaa, oo ku alla kii aan kugu idhaahdo, Kanu ku raaci maayo, kaasu waa inaanu ku raacin.
5 Sidaas daraaddeed dadkii wuxuu keenay biyihii; markaasaa Rabbigu Gidcoon ku yidhi, Ku alla kii biyaha carrabkiisa ku leefleefa sida eey oo kale, kaas gooni ahaantiisa u sooc, sidaas oo kalena ku alla kii u jilba joogsada inuu biyaha cabbo isna gooni ahaantiisa u sooc.
6 Oo kuwii leefleefay oo calaacalahooda afka saaray tiradoodii waxay noqotay saddex boqol oo nin; laakiinse dadka intiisii kale way wada jilba joogsadeen inay biyihii cabbaan.
7 Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Saddexda boqol oo nin oo calaacalahooda biyo ka leefleefay ayaan idinku badbaadinayaa, oo reer Midyaanna gacantaadaan soo gelinayaa; laakiinse dadka intiisa kale oo dhammu ha iska tageen, oo nin waluba ha ku noqdo meeshiisii.
8 Sidaas daraaddeed dadkii waxay gacmahoodii ku qaateen sahay iyo buunankoodii, oo kulli dadkii reer binu Israa'iil wuu iska diray, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii, laakiin wuxuu la hadhay saddexdii boqol oo nin. Oo xeradii reer Midyaanna waxay ku tiil dooxadii isaga ka hoosaysay.
9 Oo isla habeenkaas Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Kac, oo xerada ku dhaadhac, waayo, iyada gacantaan kuu geliyey.
10 Laakiinse haddaad ka baqaysid inaad ku dhaadhacdo, waxaad xerada kula dhaadhacdaa addoonkaaga Furaah,
11 oo waxaad maqli doontaa waxay isku leeyihiin; oo markaasay gacmahaagu u xoogaysan doonaan inaad xerada ku dhaadhacdo. Markaasuu hoos u dhaadhacay isagoo kaxaystay addoonkiisii Furaah ilaa meeshii ku wareegsanayd xerada oo raggii hubka lahaa degganaa.
12 Oo reer Midyaan iyo reer Camaaleq iyo reer barigii oo dhammu waxay ku jireen dooxadii, iyagoo u faro badan sida ayax oo kale, oo geelooduna tiro ma lahayn, oo waxay la faro le'ekaayeen cammuudda badda xeebteeda taal.
13 Oo markuu Gidcoon yimid waxaa jiray nin saaxiibkiis riyo u sheegayay, oo wuxuu yidhi, War riyaan ku riyooday, oo waxaan arkay kibis shaciir laga sameeyey oo ku soo giringiratay xerada reer Midyaan, oo waxay soo gaadhay teendhada, oo intay ku dhacday ayay dumisay, oo markaasay gembiday, oo teendhadiina way dhacday.
14 Markaasaa saaxiibkiis u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Taasu wax kale ma aha, seeftii Gidcoon ina Yoo'aash mooyaane, kaasoo ah nin reer Israa'iil ah. Ilaah baa kaas gacantiisa geliyey reer Midyaan iyo ciidanka oo dhanba.
15 Oo markii Gidcoon maqlay sheegistii riyada iyo micnaynteediiba ayuu Rabbiga caabuday, oo kolkaasuu xeradii reer binu Israa'iil ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, waayo, Rabbigu gacantuu idiin soo geliyey ciidanka reer Midyaan.
16 Markaasuu saddexdii boqol oo nin u kala qaybiyey saddex guuto, oo kulligoodba gacmahuu u geliyey buunan, iyo jalxado madhan oo ay qoryo ololayaa ku dhex jiraan.
17 Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Ii fiirsada, oo yeela sidaan yeelo oo kale; oo bal eega, markii aan gaadho meesha xerada ku wareegsan waa inaad yeeshaan sidaan yeelo oo kale.
18 Markaan buunka afuufo, aniga iyo inta ila jirta oo dhammu, idinkuna buunanka dhinac walba kaga afuufa xerada, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiga aawadiis iyo Gidcoon aawadiis.
19 Haddaba Gidcoon iyo boqolkii nin oo la jiray waxay yimaadeen meeshii xerada ku wareegsanayd, dhankii ugu fogaa, oo markaasna waxay ahayd habeenbadhkii goorta waardiyaha cusub la saaro; oo waxay afuufeen buunankii, jalxadihii gacmahooda ku jirayna way burburiyeen.
20 Markaasay saddexdii guutoba buunankii afuufeen, oo jalxadihiina way burburiyeen, oo qoryihii ololayayna waxay ku wada qabsadeen gacanta bidix, buunankiina gacanta midig inay afuufaan, oo waxay ku wada qayliyeen, Seeftii Rabbiga iyo Gidcoon.
21 Oo iyana nin waluba wuxuu istaagay meeshiisii iyagoo xerada ku wareegsan; markaasaa ciidankii oo dhammu wada yaacay; wayna qayliyeen oo carareen.
22 Oo iyana waxay afuufeen saddexdii boqol oo buun, markaasaa Rabbigu wuxuu nin walba ku kiciyey saaxiibkiis iyo ciidankii oo dhan; oo ciidankiina wuxuu sii cararayay ilaa Beytshitah oo ah xagga Sereeraad, iyo tan iyo xuduudka Aabeel Mehoolaah oo u dhow Tabbaad.
23 Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay isaga soo urureen reer Naftaali, iyo reer Aasheer, iyo reer Manaseh oo dhan, oo waxay eryoodeen reer Midyaan.
24 Markaasaa Gidcoon wargeeyayaal u diray dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Dhaadhaca, oo ka hor taga reer Midyaan, oo waxaad ka hor qabsataan biyaha ku jira tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun. Markaasay raggii reer Efrayim oo dhammu soo urureen oo waxay qabsadeen biyihii ku jiray tan iyo Beytbaaraah, iyo xataa Webi Urdun.
25 Oo waxay gacanta ku dhigeen labadii amiir oo reer Midyaan, oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; oo markaasay Cooreeb ku dileen dhagaxii Cooreeb, oo Se'eebna waxay ku dileen macsaraddii Se'eeb, wayna sii eryoodeen reer Midyaan; markaasay madaxyadii Cooreeb iyo Se'eeb Gidcoon ugu keeneen Webi Urdun shishadiisa.
^ Dib u celi bilawga ^
8
Sebah Iyo Salmunnac
1 Oo raggii reer Efrayim waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, War maxaad waxan noogu samaysay, oo aad noogu yeedhi weyday, markaad u soo kacday inaad reer Midyaan la dagaallanto? Oo aad iyo aad bay u canaanteen isagii.
2 Oo isna wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan sameeyey oo u qalma waxaad samayseen? Ururinta dambe oo canabka reer Efrayim sow kama wanaagsana ururinta hore oo canabka reer Abiiceser?
3 Ilaah wuxuu gacanta idiin geliyey amiirradii reer Midyaan oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; haddaba maxaan samayn karay oo u qalma waxaad samayseen? Oo markuu sidaas ku yidhi ayaa ciilkay u qabeen ka baxay.
4 Markaasay Gidcoon iyo saddexdii boqol oo nin ee la socotay isaga yimaadeen Webi Urdun, wayna ka gudbeen, oo in kastoo ay daalanaayeen weliba wax bay eryoonayeen.
5 Markaasuu dadkii reer Sukod ku yidhi, Waan idin baryayaaye, dadka ila socda kibis siiya, waayo, way daalan yihiin, oo anna waxaan eryoonayaa boqorrada reer Midyaan oo ah Sebah iyo Salmunnac.
6 Markaasaa amiirradii reer Sukod waxay ku yidhaahdeen, Sebah iyo Salmunnac miyey haatan gacantaada ku jiraan aannu colkaaga cunto siinnee?
7 Markaasaa Gidcoon wuxuu yidhi, Waa hagaag ee markii Rabbigu ii soo gacangeliyo Sebah iyo Salmunnac ayaan hilibkiinna ku jeexjeexi doonaa qodxanta cidlada iyo gocondhada.
8 Markaasuu intuu halkaas ka tegey ayuu u kacay xagga reer Fenuu'eel, sidii oo kaluu ku yidhi; oo raggii reer Fenuu'eel waxay ugu jawaabeen sidii ay reer Sukod ugu jawaabeen oo kale.
9 Kolkaasuu haddana wuxuu la hadlay raggii reer Fenuu'eel oo wuxuu ku yidhi, Markaan soo nabad noqdo ayaan dumin doonaa munaaraddan.
10 Haddaba Sebah iyo Salmunnac waxay joogeen Qarqor, iyaga iyo ciidammadoodii, oo waxay ku dhowaayeen shan iyo toban kun oo nin, oo intaasuna waxay ahayd intii ka hadhay ciidankii reer bariga oo dhan; waayo, waxaa ka la'day boqol iyo labaatan kun oo nin oo seefqaad ah.
11 Kolkaasaa Gidcoon u kacay xagga kuwii teendhooyinka degganaa oo ku jiray meel bari ka xigta Nobax iyo Yaagbehaah, oo wuxuu laayay ciidankii, maxaa yeelay, ciidanku nabad buu u fadhiyey.
12 Oo Sebah iyo Salmunnac way carareen, oo isna wuu eryooday, wuuna soo qabsaday labadii boqor oo reer Midyaan oo ahaa Sebah iyo Salmunnac, oo ciidankii oo dhanna wuu ka nixiyey.
13 Oo Gidcoon ina Yoo'aash wuxuu dagaalkii kaga soo noqday jiirtii Xeres.
14 Markaasuu wuxuu qabtay nin dhallinyar oo reer Sukod ah, oo wax weyddiiyey; oo isna wuxuu u tilmaamay amiirradii reer Sukod iyo odayaashoodii, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo toddobaatan nin.
15 Markaasuu wuxuu u yimid raggii reer Sukod, oo wuxuuna ku yidhi, Bal eega Sebah iyo Salmunnac, kuwii aad daraaddood iigu majaajilooteen oo aad igu tidhaahdeen, Sebah iyo Salmunnac miyey haatan gacantaada ku jiraan, aannu raggaaga daalan cunto siinnee?
16 Markaasuu kaxaystay odayaashii magaalada, oo wuxuu qaaday qodxantii cidlada iyo gocondho, wuuna ku edbiyey dadkii reer Sukod.
17 Oo munaaraddii Fenuu'eelna wuu dumiyey, dadkii magaaladana wuu laayay.
18 Kolkaasuu Sebah iyo Salmunnac ku yidhi, Raggii aad Taaboor ku layseen siday ahaayeen? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Waxay ahaayeen sidaadoo kale; oo mid waluba wuxuu u ekaa ilmo boqor oo kale.
19 Isna wuxuu yidhi, Waxay ahaayeen walaalahay oo ah wiilashii hooyaday; oo haddii aad iyagoo nool bixin lahaydeen, Rabbiga nool baan ku dhaartaye, idinma aan laayeen.
20 Markaasuu curadkiisii Yeter ku yidhi, Kac oo laa iyaga. Laakiinse wiilkii seeftiisii lama uu soo bixin; maxaa yeelay, wuu baqay, waayo, weli wuu yaraa.
21 Markaasaa Sebah iyo Salmunnac waxay ku yidhaahdeen, War adigu kac oo na laa; waayo, nin waluba siduu yahay ayaa xooggiisuna yahay. Markaasaa Gidcoon kacay oo laayay Sebah iyo Salmunnac, oo wuxuu qaatay bilihii ku xidhnaa qoorta awrtooda.
Eefodkii Gidcoon
22 Markaasaa dadkii reer binu Israa'iil waxay Gidcoon ku yidhaahdeen, Haddaba noo tali, adiga iyo wiilkaaga, iyo wiilkaaga wiilkiisuba; maxaa yeelay, waad naga badbaadisay gacantii reer Midyaan.
23 Kolkaasaa Gidcoon wuxuu ku yidhi, Anigu idiinma talin doono, wiilkayguna idiinma talin doono; laakiinse Rabbigaa idiin talin doona.
24 Oo haddana Gidcoon wuxuu ku yidhi, Waxaan idin weyddiisan lahaa in ninkiin waluba i siiyo hilqadihii uu boolida u helay. (Waxay haysteen hilqado dahab ah, maxaa yeelay, waxay ahaayeen reer Ismaaciil).
25 Oo waxay ugu jawaabeen, Annagoo raalli ka ah ayaannu ku siinaynaa. Kolkaasay maro gogleen, oo nin kastaaba wuxuu ku tuuray hilqadihii uu boolida u helay.
26 Oo hilqadihii dahabka ahaa oo uu weyddiistay miisaankoodii wuxuu noqday kun iyo toddoba boqol oo sheqel oo dahab ah, intaasoo aanay ku jirin bilihii, iyo murriyadihii, iyo dharkii guduudnaa oo ay boqorradii reer Midyaan xidhnaayeen, iyo silsiladihii sudhnaa qoorta awrtooda.
27 Markaasaa Gidcoon wuxuu dahabkii ka sameeyey eefod, oo wuxuu dhigay magaaladiisii taasoo ahayd Coofraah; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, markaasuu dabin ku noqday Gidcoon iyo reerkiisiiba.
Dhimashadii Gidcoon
28 Sidaasaa reer Midyaan loo hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda, oo mar dambena madaxooda kor uma ay qaadin. Oo wakhtigii Gidcoon dalku wuxuu nastay afartan sannadood.
29 Markaasaa wiilkii Yoo'aash, oo Yerubbacal ahaa intuu tegey ayuu iska degay gurigiisii.
30 Oo Gidcoon wuxuu lahaa toddobaatan wiil oo uu isagu dhalay, waayo, wuxuu qabay naago badan.
31 Oo naagtiisii addoonta ahayd oo degganayd Shekem, iyana wiil bay u dhashay, oo wuxuu magiciisii u bixiyey Abiimeleg.
32 Oo Gidcoon ina Yoo'aash ayaa dhintay isagoo da' weyn, oo waxaa lagu aasay xabaashii aabbihiis Yoo'aash, oo ku tiil Coofraah tii reer Abiiceser.
33 Oo isla markii Gidcoon dhintay ayay reer binu Israa'iil haddana noqdeen, oo Bacaliimkii raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, oo Bacal Beriidna ilaahoodii bay ka dhigteen.
34 Oo reer binu Israa'iilna ma ay xusuusan Rabbiga Ilaahood ahaa, oo ka samatabbixiyey cadaawayaashoodii dhan kasta ka xigay oo dhan;
35 raxmadna ma ay tusin reerkii Yerubbacal, kaasoo ahaa Gidcoon, siduu wanaagga oo dhan ugu sameeyey reer binu Israa'iil.
^ Dib u celi bilawga ^
9
Abiimeleg
1 Markaasaa Abiimeleg ina Yerubbacal tegey xagga Shekem iyo abtiyaashiis, oo wuu la hadlay iyagii iyo reerka awowgiis oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
2 Waan idin baryayaaye, La hadla dadka Shekem oo dhan, oo bal weyddiiya, Kee baa idiin wanaagsan, in wiilasha Yerubbacal oo ah toddobaatan ay idiin wada taliyaan, mise in mid keliyahu idiin taliyo? Oo waxaad kaloo xusuusataan inaan ahay laftiinnii iyo hilibkiinnii.
3 Markaasay abtiyaashiis ula hadleen dadkii Shekem oo dhan, oo waxay u sheegeen erayadiisii oo dhan; kolkaasay qalbiyadoodii u leexdeen inay Abiimeleg raacaan; waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu | | |