Nolosha Cusub
Kutubta habka Gabayga u qoran

Kitaabkii Ayuub
Kitaabkan wuxuu ku qoran yahay afka Cibraaniga waana hab gabay oo kale, wuxuuna muujinayaa in aan Shayddaanku dadka waxyeelayn karin, haddii Ilaah aanu isaga u fasixin. Nebi Ayuub wuxuu ahaa nin Ilaah yaqaan. Hase yeeshee, Ilaah wuxuu oggolaaday inuu Ayuub rumaysadkiisa laga tijaabiyo. Ilaah dadkiisa waa la jiraa, haddii ay ku jiraan caloolxumo, shaki iyo hadday xataa isaga ku caasiyaanba.

Kitaabka Sabuurrada wuxuu ka kooban yahay 150 Sabuur
Waana qasiidooyin muujinaya sida Ilaah ummadiisu u xajiyaan ereygiisa. Kitaabka Sabuuradda wuxuu muujinayaa dadka Ilaah farxaddooda, shakigoodii, ammaanta ay Ilaah ammaanayaan, xasilloonaantooda, qalbiqaboojinta ay helaan, ku tiirsanaanta ay Ilaah ku tiirsanaadaan, iyo barwaaqada ay ka haysteen xagga Ilaah. Sabuurrada inta badan waxaa Ilaah u adeegsaday oo qoray boqor Daa'uud.

Kitaabka Maahmaayadii iyo Wacdiyaha
Kutubtan xigmadaysan waxay ku saabsan yihiin xigmadda Rabbaaniga ah, xigmadda Ruuxa Qoduuska ah. Boqor Suleymaan ayaa Ilaah u adeegsaday inuu qoro labadaba. Waxay tusaalaynayaan xigmad qoto dheer oo ku saabsan caqli-xumada banii-aadamka. Banii-aadamka caqli-xumadiisa waxaa ka toosan mar walba oo aan xataa la barbardhigi karin xigmadda Ilaah. Waa inaad garatid marka Kitaabka Maahmaahyadu isticmaalayo ereyga "xigmad", waxaa badanaaba loola jeedaa Masiixa.

Gabaygii Suleymaan
Gabaygii Sulaymaan waa hees waxyi ku saabsan, jacayl nadiif ah oo nin iyo naag dhex mara, labo aroosa, oo u muuqda sidii hadiyadda badbaadada Ilaah. Jacaylkaas aalaaba wuxuu hogatus iyo calaamad u yahay jacaylka Masiixu dadkiisa u qabo.




3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab
.
Sabuurka 108:3-6