Nolosha Cusub
Kutubta Waxyiga

Kitaabkii Ishacyaah
Kitaabkii Yeremyaah
Baroorashadii Yeremyaah
Yexesqeel
Daanyeel
Hoosheeca
Yoo'eel
Caamoos
Cobadyaah
Yoonis
Miikaah
Naxuum
Xabaquuq
Sefanyaah
Xaggay
Sekaryaah
Malaakii

Qaybta weyn oo Axdigii Hore waa kutubta waxyiga.

Ujeeddada kutubta waxyigu waxaa weeye inay tilmaamaan imaanshihii Ciise Masiix. Nebiyada waxay uga digaan dadka reer banii-Israa'iil dembiyaasha aammin la'aanta iyo jecel la'aanta.

Amarka Ilaah iyagoo raacaya, waxay nebiyadu dadka ku booriyaan inay dhageystaan waxa Eebbe u sheegayo, nebiyadu waxay dadka u sheegaan in la ciqaabi doono haddii erayga Ilaah ay liidaan ama diidaan inay ka soo rujuucaan dembigooda.

Midda kale nebiyadu waxay faafiyaan imaanshaha Badbaadiyaha. Intaan Ciise Masiix imaan ka hor waxay sheegeen in Sayidku xanuunsan doono, carshiga boqorkii Daa'uud ku fariisan lahaa imaan doono

Saddexdii nebi oo ugu dambeeyey, Xaggay, Sekaryaah, iyo Malaakii, waxay waxyoon jireen waqtigii Yahuudah maxbuuska loo kaxaystay ka bacdi. Saddexdaas nebi ka bacdina, waxyigii waa joogsaday intii 300 oo sannadood ahayd.


3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab
.
Sabuurka 108:3-6