YEXESQEEL
Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix
lambarka liiska:
1
Xayawaanka Nool Iyo Ammaanta Rabbiga
1 Haddaba sannaddii soddonaad, bisheedii afraad, maalinteedii shanaad, anigoo maxaabiistii Webi Kebaar ag joogtay ku dhex jira ayaa samooyinkii furmeen, oo waxaan arkay wax layga tusay xagga Ilaah.
2 Boqor Yehooyaakiin maxaabiis ahaantiisii sannaddeedii shanaad bisha maalinteedii shanaad
3 ayaa eraygii Rabbigu dalkii reer Kaldayiin ugu yimid wadaadkii Yexesqeel ina Buusii, isagoo Webi Kebaar ag jooga, oo halkaasay gacantii Rabbigu isagii ku kor saarnayd.
4 Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday dabayl duufaan ah oo xagga woqooyi ka timid, iyo daruur weyn, iyo dab iyada ku dhex jira, iyo iftiin hareereheeda ka widhwidhaya, oo dhexdeedana waxaa ku jiray wax la moodo sidii dhuxul cadaatay oo dab ka dhex dhalaalaysa.
5 Oo waxaa dhexdeedii ka soo baxay wax u eg afar xayawaan. Oo muuqashadooduna sidanay ahayd: waxay lahaayeen nin ekaantiis.
6 Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal.
7 Oo cagahooduna waxay ahaayeen cago toosan, oo baabacada cagahooduna waxay u ekayd weyl baabaceeda, oo waxay u dhalaalayeen sidii naxaas la safeeyey.
8 Oo baalashooda hoostoodana waxay ku lahaayeen nin gacmihiis oo kale oo afarta dhinacba uga yaal, oo afartooduba saasay u lahaayeen wejiyadooda iyo baalashoodaba.
9 Oo baalashooduna midba midka kaluu ku dhegganaa, oo markay socdeenna ma ay leexleexan ee midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay.
10 Oo xagga ekaanta wejiyadooduna waxay wada lahaayeen nin wejigiis, oo afartooduba dhanka midig waxay ku lahaayeen weji libaax, oo afartooduba waxay dhanka bidix ku lahaayeen weji dibi; oo weliba afartoodu waxay lahaayeen weji gorgor.
11 Wejiyadoodu saasay ahaayeen, oo baalashooduna kor bay u kala fidsanaayeen, oo midkood kastaaba laba baal ayuu midka kan kale kula dhegganaa, oo labana waxay ku daboolnaayeen jidhkooda.
12 Oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay, oo waxay tageen meel alla meeshuu ruuxu tegayoba, oo markay socdeenna ma ay leexleexan.
13 Oo xagga ekaanta xayawaanka waxay u ekaayeen dab qaxmaya dhuxulihiis iyo qoryo ololaya. Oo xayawaanka dhexdooduu hor iyo dib iska daba noqnoqonayay, oo dabkuna wuu dhalaal dheeraa, oo waxaa dabka ka soo baxayay hillaac.
14 Oo xayawaankuna sidii hillaaca biriqdiisa oo kale ayay u ordeen oo u soo noqdeen.
15 Haddaba intii aan xayawaanka fiirinayay waxaan arkay giraangir dhulka korkiisa iyo xayawaanka dhinacooda taal, oo mid kastaaba wuxuu u yiil afarta weji.
16 Oo giraangiraha waxay u ekaayeen midabka berullos oo kale, oo afartoodiiba way isu ekaayeen, oo muuqashadoodii iyo farsamadii loo sameeyeyna waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.
17 Oo markay tageenna waxay ku socdeen afartooda dhinac, oo mana ay leexleexan markay socdeen.
18 Oo wareegyadooduna aad bay u dheeraayeen, waxayna ahaayeen wax aad iyo aad looga cabsado, oo afartoodaba wareegyadooda waxaa ka buuxay indho miidhan.
19 Oo markay xayawaanku socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo xayawaankii markii dhulka kor looga qaadayba giraangirihiina kor baa loo qaaday.
20 Oo meel alla meeshii ruuxu tegeyba iyaguna way tageen, oo giraangirihiina iyagay la sara keceen, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.
21 Markii kuwaasu tageen, kuwanuna way tageen, oo markii kuwaasu istaageenna, kuwanuna way istaageen, oo markii kuwaas dhulka kor looga qaadayna giraangirihiina dhinacoodaa kor loola qaaday, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.
22 Xayawaanka madaxoodana waxaa ka korreeyey cir ekaantiisa la moodo baraf aad looga cabsado oo ku dul fidsan.
23 Oo cirka hoostiisa ayaa baalashoodu ku toosnaayeen, oo midba kan kale xaggiisuu u sii jeeday. Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa laba baal oo dhinacan uga daboolan iyo laba baal oo jidhkiisa dhinacaas ugu daboolan.
24 Oo markay socdeenba waxaan maqlay sanqadhii baalashooda oo la moodo sida biyo badan guuxood, iyo sida Ilaaha Qaadirka ah codkiisii, iyo buuq sanqadhiis la moodo sidii ciidan hugunkiis oo kale. Oo markay istaageenna baalashoodii bay dejiyeen.
25 Oo cod baa ka yeedhay cirkii madaxooda ka korreeyey, oo markay istaageen baalashooda bay dejiyeen.
26 Oo cirkii madaxooda ka korreeyey dushiisana waxaa ka muuqday wax carshi u eg oo ekaantiisa la moodo sidii dhagax safayr ah, oo waxaa wixii carshiga la moodo dushiisa ka muuqday wax nin u eg.
27 Oo qaarkiisa hore wuxuu iila ekaa dhuxul cadaatay oo uu dab ku jiro oo hareerihiisa ku wareegsan, oo qaarkiisa dambena wuxuu iila ekaa sidii dab oo kale, oo hareerihiisana waxaa ku wareegsanaa iftiin dhalaalaya.
28 Oo ekaantii iftiinku ku wareegsanaana waxay u ekayd qaansoroobaad maalin roobeed daruurta ku taal. Taasu waxay ahayd ekaantii ammaanta Rabbiga. Oo markaan arkay ayaan wejiga u dhacay, oo waxaan maqlay mid hadlaya codkiis.
^ Dib u celi bilawga ^
2
U Yeeriddii Yexesqeel
1 Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye.
2 Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay.
3 Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaan kuu dirayaa reer binu Israa'iil oo ah dad caasiyiin ah oo iga caasiyoobay. Ilaa maantadan iyaga iyo awowayaashoodba way igu xadgudbayeen.
4 Iyagu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan. Iyagaan kuu dirayaa, waxaanad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay.
5 Oo iyagu hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, weli way ogaan doonaan in nebi iyaga dhex joogay (waayo, iyagu waxa weeye reer caasiyoobay).
6 Wiilka Aadamow, iyaga ha ka baqin, erayadoodana ha ka baqin, in kastoo yamaarug iyo qodxan ay kugu wareegsan yihiin oo aad hangarallayaal dhex deggan tahay, erayadooda ha ka cabsan oo aragtidooda ha ka baqin, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
7 Oo adigu waa inaad erayadayda iyaga u sheegtaa, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, waayo, iyagu waa kuwa aad iyo aad u caasiyoobay.
8 Laakiinse adigu, Wiilka Aadamow, waxaan kugu idhaahdo maqal, oo caasi ha noqon sida reerkaas caasiyoobay oo kale. Afkaaga kala qaad oo waxaan ku siiyo cun.
9 Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban.
2:10 Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.
^ Dib u celi bilawga ^
3
1 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaad heshid cun. Qorniinkan duudduuban cun, oo tag, oo waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil.
2 Sidaas daraaddeed afkaan kala qaaday oo isna qorniinkii duudduubnaa wuu i cunsiiyey.
3 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.
4 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal.
5 Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil.
6 Laguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen.
7 Laakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan.
8 Bal eeg, wejigaaga waan ka sii adkeeyey wejigooda, oo foolkaagana waan ka sii adkeeyey foolkooda.
9 Oo foolkaaga waxaan ka dhigay sidii dheemman dhagax ka sii adag oo kale. Ha ka cabsan iyaga, oo aragtidoodana ha ka baqin in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
10 Oo weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal.
11 Haddaba waxaad u tagtaa kuwa maxaabiista ah, oo dadkaaga ah, oo intaad la hadashid waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba.
12 Markaasaa ruuxu kor ii qaaday, oo waxaan gadaashayda ka maqlay cod guuxaya oo leh, Rabbiga ammaantiisu meesheeda barakay ku leedahay,
13 waxayna ahayd sanqadhii baalashii xayawaankii markay istaabtaabanayeen, iyo sanqadhii giraangirihii iyaga dhinac socday, oo sanqadh yaacideed ahayd.
14 Sidaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd.
15 Markaasaan Teel Aabiib maxaabiistii Webi Kebaar ag degganaa, iyo ilaa meeshii ay fadhiyeen ugu tegey, oo halkaasaan iyagii toddoba maalmood dhex joogay anigoo naxdin la fadhiya.
Israa'iil Oo Loo Digay
16 Oo markay toddoba maalmood dhammaadeen waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga isagoo leh,
17 Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii.
18 Markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan isaga u digin, oo aadan sharrowga la hadlin si aad jidkiisa sharka ah uga digto inaad naftiisa badbaadiso aawadeed, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.
19 Laakiinse haddaad sharrowga u digto, oo uusan isagu sharnimadiisa amase jidkiisa sharka ah ka soo noqon, markaas xumaantiisuu ku dhiman doonaa, adiguse naftaadii waad samatabbixisay.
20 Oo haddana haddii nin xaq ahu uu xaqnimadiisii ka noqdo oo uu xumaan sameeyo, intaan dhagax turunturo hor dhigo, isagu wuu dhiman doonaa. Uma aadan digin, oo saas darteed dembigiisuu ku dhiman doonaa, oo falimihiisii xaqa ahaa ee uu samayn jirayna lama soo xusuusan doono, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.
21 Habase ahaatee haddaad ninka xaqa ah u digtid, si uusan ka xaqa ahu u dembaabin oo uusan dembi u samayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, maxaa yeelay, wuu digniin qaatay, adiguna naftaadii waad samatabbixisay.
22 Oo gacantii Rabbiguna halkaasay igu kor saarnayd, oo wuxuu igu yidhi, Kac oo bannaanka u bax halkaasaan kugula hadli doonaaye.
23 Markaasaan kacay oo bannaankii u baxay, oo bal eeg, waxaa halkaas jirtay ammaantii Rabbiga, taasoo u eg ammaantii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo aniguna wejigaan u dhacay.
24 Markaasaa ruuxii i soo galay, oo cagaha igu taagay, wuuna ila hadlay isagoo leh, Tag oo gurigaaga isku xidh.
25 Laakiinse Wiilka Aadamow, bal ogow, xadhkaa lagugu xidhi doonaa oo adna waad ku xidhnaan doontaa, oo dadka dhexdiisana uma aad bixi doontid.
26 Oo carrabkaaga dhabxanaggaagaan ku dhejin doonaa, si aad carrablaawe u noqotid, oo aanad iyaga mid canaanta ugu noqon, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
27 Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
^ Dib u celi bilawga ^
4
Astayntii Hareerayntii Yeruusaalem
1 Wiilka Aadamow, xabbad leben ah soo qaad oo hortaada dhig, oo waxaad ku dul taswiirtaa magaalo, taasoo ah Yeruusaalem,
2 oo iyada weerar, qalcadona ku hareeree, oo tuulmona ku tuul, oo xerooyinna hareereheeda ka dhis, oo wax lagu dumiyona ku wareeji.
3 Oo weliba birdaawe soo qaad, oo waxaad ka dhigtaa derbi bir ah oo adiga iyo magaalada u dhexeeya, oo wejigaagana waxaad u sii jeedisaa xaggeeda, oo iyana waa la weerari doonaa, oo adiguna waa inaad iyada weerar u dhigtaa. Oo taasu calaamad bay u noqon doontaa reer binu Israa'iil.
4 Oo weliba dhinacaaga bidix u jiifso, oo waxaad kor saartaa xumaantii dadka dalka Israa'iil. Maalmaha aad ku jiifto inta tiradoodu tahay oo kale ayaad xumaantooda sidi doontaa.
5 Waayo, waxaan ku dul saaray sannadihii xumaantooda, inta maalmaha tiradoodu tahay saddex boqol iyo sagaashan maalmood, oo sidaasaad xumaanta dadka dalka Israa'iil u sidi doontaa.
6 Oo markaad intaas dhammaysid, haddana waxaad u jiifsataa dhinacaaga midig, oo waxaad afartan maalmood sidi doontaa xumaantii dadka dalka Yahuudah, maalin kastaba sannad baan kaaga dhigay.
7 Oo waxaad wejigaaga u jeedisaa weerarka Yeruusaalem xaggiisa, iyadoo gacantaadu qaawan tahay, oo waa inaad iyada wax ka sii sheegtaa.
8 Oo bal ogow, anigu xadhkaan kugu xidhxidhi doonaa, oo waa inaadan hadba dhinac isu rogin ilaa aad dhammaysid maalmihii weerarkaaga.
9 Oo weliba waxaad soo qaadataa sarreen, iyo shaciir, iyo digir, iyo misir, iyo hadhuudh, iyo heed, oo kulligood isku weel ku shub, oo kibis ka samayso, oo maalmaha aad dhinaca u jiifto intay tiradoodu tahay in le'eg, oo ah saddex boqol iyo sagaashan maalmood, waa inaad cuntaa.
10 Oo cuntada aad cuni doontaana waa inay ahaataa mid la miisaamay, oo maalintii labaatan sheqel ayaa kuu go'an, oo waa inaad goor ka goor cuntaa.
11 Oo biyahana waa inaad qiyaas u cabtaa, oo waxaa kuu go'an hiin lix meelood loo dhigay meeshiis, oo waa inaad goor ka goor cabtaa.
12 Oo cuntadaadana waxaad u cuntaa sida kibis shaciireed oo kale, oo waxaad ku dubataa saxaro dad iyadoo ay indhaha ku hayaan.
13 Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Sidaas oo kale ayaa reer binu Israa'iil kibistooda nijaasowday ugu dhex cuni doonaan quruumihii aan iyaga u kaxayn doonoba.
14 Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, bal eeg, naftaydu weligeed ma ay nijaasoobin, waayo, tan iyo yaraantaydii iyo ilaa haddatan marnaba ma aan cunin wax bakhtiyey ama wax bahal bakhtiistay toona, oo hilib karaahiyo ahuna innaba afkayga ma gelin.
15 Markaasuu igu yidhi, Bal eeg, saxaro dad waxaan kuugu beddelay saalo lo', oo waa inaad cuntadaada ku diyaarsataa.
16 Oo weliba wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal ogow, usha kibista ayaan Yeruusaalem ku dhex jebin doonaa, oo iyagu waxay kibista ku cuni doonaan miisaan iyo digtoonaan, oo biyahana waxay ku cabbi doonaan qiyaas iyo yaab,
17 si ay baad iyo biyo u waayaan oo uu midkoodba kan kale ula welwelo, oo ay xumaantooda aawadeed u wada baabba'aan.
^ Dib u celi bilawga ^
5
1 Wiilka Aadamow, seef af badan soo qaado, oo sida mandiisha rayiislaha ugu isticmaal, oo waxaad ku xiirataa madaxa iyo gadhka, oo markaas kafado soo qaado si aad timaha ugu miisaantid, oo kala qaybi.
2 Timaha saddexdooda dalool dalool magaalada dhexdeeda dab ku gub markii maalmaha weerarku ay dhammaystirmaan, oo haddana waxaad qaadataa dalool kale, oo magaalada hareereheeda seefta la dhac, oo daloolka saddexaadna dabaysha ku kala firdhi, oo aniguna seef baan ka daba qaadan doonaa.
3 Oo weliba wuxoogaa yar qaad oo daraftaada gunud.
4 Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.
5 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa Yeruusaalem. Quruumahaan dhex dhigay, oo hareereheedana waddammaa ku wareegsan.
6 Oo iyana xukummadaydii bay sharnimadeedii kaga caasiyowday in ka sii badan quruumaha kale, oo qaynuunnadaydiina way ka caasiyowday in ka sii badan waddammada hareereheeda ku wareegsan, waayo, iyagu xukummadaydii iyo qaynuunnadaydiiba way diideen, oo innaba kuma ay socon.
7 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumaha hareerihiinna ku wareegsan waad ka sii belaayo badiseen, oo qaynuunnadaydiina kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan xajin, oo quruumaha idinku wareegsan xukummadoodana ma aydaan samayn,
8 haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, aniga qudhaydu col baan kugu ahay, oo iyadoo quruumuhu ay indhaha ku hayaan ayaan xukummo dhexdaada ku samayn doonaa.
9 Oo waxaan dhexdaada ku samayn doonaa wax aanan hore u samayn, oo hadda ka dibna aanan samayn doonin wax la mid ah, waana waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan daraaddood.
10 Sidaas daraaddeed aabbayaashu dhexdaaday wiilashooda ku cuni doonaan, oo wiilashuna aabbayaashood bay cuni doonaan, oo dhexdaadaan xukummo ku samayn doonaa, oo kuwaaga hadhay oo dhanna waxaan u kala firdhin doonaa dabaylaha oo dhan.
11 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah, anigu waan ku dhimi doonaa, oo ishayduna kuuma ay tudhi doonto, oo innaba kuuma aan nixi doono, maxaa yeelay, waxaad meeshaydii quduuska ah ku nijaasaysay waxyaalahaagii la nacay oo karaahiyada ahaa oo dhan.
12 Saddexdaada dalool baa belaayo u le'an doona, oo abaar bay dhexdaada ugu baabbi'i doonaan, oo daloolna seef buu hareerahaaga ugu le'an doonaa, oo daloolka saddexaadna dabaylaha oo dhan baan ku kala firdhin doonaa, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.
13 Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray.
14 Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan.
15 Sidaasay quruumaha hareerahaaga ku wareegsan ugu noqon doontaa cay, iyo ceeb, iyo wax lagu waana qaato, iyo wax lagu yaabo, markaan dhexdaada xukummo ugu sameeyo xanaaq iyo cadho iyo canaan kulul. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
16 Saasaa noqon doonta markaan dushooda ku soo dayn doono fallaadhaha baas ee abaarta ah, oo inay wax baabbi'iyaan u qaybsan, oo aan u soo diri doono inay idin baabbi'iyaan, oo abaartaan idiin sii badin doonaa, oo ushiinna kibistana waan kala jebin doonaa,
17 oo waxaan kugu soo dayn doonaa abaar iyo dugaag xunxun, oo iyana way ku gablamin doonaan, oo belaayo iyo dhiig ayaa ku dhex mari doona, oo seef baan kugu soo dayn doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
^ Dib u celi bilawga ^
6
Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Buuraha Israa'iil
1 Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, isagoo leh,
2 Wiilka Aadamow, wejigaaga buuraha dalka reer binu Israa'iil u jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg.
3 Oo waxaad tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku leeyahay buuraha, iyo kuraha, iyo webiyada, iyo dooxooyinkaba, Bal ogaada, aniga qudhaydu seef baan idinku soo dayn doonaa, oo waxaan wada baabbi'in doonaa meelihiinna sarsare.
4 Meelihiinna allabariguna cidla bay wada noqon doonaan, oo sanamyadiinna qorraxdana waa la wada burburin doonaa, oo raggiinna la laayayna sanamyadiinna waan ku soo hor tuuri doonaa.
5 Oo meydadka reer binu Israa'iil waxaan hor dhigi doonaa sanamyadooda, oo lafihiinnana waxaan ku kala firdhin doonaa meelihiinna allabariga hareerahooda.
6 Oo meel alla meeshaad deggan tihiinba magaalooyinka waa laga dumin doonaa, oo meelaha sarsarena cidla bay wada noqon doonaan, si ay meelihiinna allabarigu u burburaan oo ay cidla u noqdaan, oo ay sanamyadiinnuna jajabaan oo ay u wada dhammaadaan, oo sanamyadiinna qorraxdana loo wada jaro, oo shuqulladiinnana loo wada tirtiro.
7 Oo kuwa la laayayna dhexdiinnay ku soo daadan doonaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
8 Laakiinse qaar baan reebi doonaa, si aad wuxoogaa seefta kaga baxsaday quruumaha dhexdooda u lahaataan, markaad waddammada ku kala dhex firdhi doontaan.
9 Oo kuwii idinka baxsadaa waxay igu xusuusan doonaan quruumaha dhexdooda halkaasoo loo kaxaysan doono iyagoo maxaabiis ah, waayo, anigu waxaan ku calool xumaaday qalbigoodii dhilloobay oo iga tegey, iyo indhahoodii sanamyadooda dhillanimada la daba galay, oo iyaga qudhoodu waxay isku nici doonaan xumaatooyinkii ay ku dhex sameeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo dhan.
10 Oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.
11 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sacabbada isku dhufo oo cagta dhulka ku dhufo, oo Hoogay! u dheh waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan ee ay reer binu Israa'iil sameeyeen aawadood, waayo, waxay ku baabbi'i doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo.
12 Kii meel fog joogaa belaayo buu u dhiman doonaa, oo kii meel dhow joogaana seef buu ku dhiman doonaa, oo kii magaalada la weeraraya weli ku hadhaana abaar buu ku dhiman doonaa, oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammaystiri doonaa.
13 Oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii raggooda la laayay ay ku ag daadsanaadaan sanamyadooda ku hareeraysan meelahooda allabariga, oo kor saaran kur kasta oo dheer, iyo buuraha dhaladooda oo dhan, iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa, iyo geed kasta oo alloon la yidhaahdo oo weyn, kuwaasoo ah meelaha ay carafta udgoon ugu bixiyeen sanamyadooda oo dhan.
14 Anigu gacantayda ayaan iyaga ku fidin doonaa, oo dalkana meel cidla ah ayaan ka dhigi doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa meel ka sii daran cidlada ku taal xagga Dibla meelaha ay deggan yihiin oo dhan, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
^ Dib u celi b |