|
EXO
KITAABKII LABAAD EE MUUSE EE LA YIDHAAHDO
Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix
lambarka liiska:
1
Reer Binu Israa'iil Oo La Cadaadiyey
1 Haddaba waa kuwan magacyadii wiilashii Israa'iil, oo Masar
yimid; nin walba iyo reerkiisiiba waxay la yimaadeen Yacquub.
2 Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah, 3 Isaakaar, Sebulun,
iyo Benyaamiin, 4 Daan iyo Naftaali, iyo Gaad iyo Aasheer.
5 Oo dadkii ka soo go'ay xanjaadkii Yacquub oo dhammu waxay
ahaayeen toddobaatan qof; Yuusufna Masar buu markii hore joogay.
6 Yuusufna, iyo walaalihiis, iyo farcankaas oo dhanba way wada dhinteen.
7 Oo reer binu Israa'iilna waa bateen, oo aad bay u kordheen,
wayna tarmeen, oo aad iyo aad u xoogaysteen; dhulkiina way buuxiyeen.
8 Haddaba Masar waxaa ka kacay boqor cusub oo aan Yuusuf
aqoonin. 9 Markaasuu wuxuu dadkiisii ku yidhi, Bal eega,
dadkii reer binu Israa'iil waa inaga badan yihiin, wayna inaga xoog weyn yihiin.
10 Kaalaya, aynu si caqli ah ula macaamiloonnee; waaba intaasoo
ay tarmaan, oo ay markuu dagaal dhaco cadaawayaasheenna inoogu darmadaan, oo intay
inala diriraan ay dalka ka baxaane. 11 Haddaba sidaas daraaddeed
ayay niman madax uga dhigeen si ay culaabtooda ugu dhibaan, oo waxay Fircoon u dhiseen
magaalooyin wax lagu kaydiyo oo la yidhaahdo Fitom iyo Racmeses.
12 Laakiinse in kastoo ay aad u dhibeen, haddana aad bay u sii tarmeen,
oo aad bay u faafeen. Oo reer binu Israa'iil aawadood ayay la murugaysnaayeen.
13 Oo Masriyiintiina waxay reer binu Israa'iil ku qasbeen inay qaxar
ku adeegaan, 14 oo waxay naftoodii ku dhibeen hawl aad u
adag, oo ahayd dhoobo la qaso, iyo leben, iyo hawl kasta oo beeraha laga qabto,
oo hawl kastoo ay ku qasbeen inay qabtaanba way ku qaxri jireen.
15 Markaasaa boqorkii Masar wuxuu la hadlay umulisooyinkii
Cibraaniyadaha ahaa, oo middood magaceeda Shifraah la odhan jiray, tan kale magaceedana
Fuwah la odhan jiray, 16 oo wuxuu ku yidhi, Markii aad umulinaysaan
naagaha Cibraaniyadaha, oo aad aragtaan iyagoo gambarka umusha fadhiya, haddii uu
wiil yahay, waa inaad dishaan, haddayse gabadh tahay, ha iska noolaato.
17 Laakiinse umulisooyinkii Ilaah bay ka cabsadeen, mana ay samayn
wixii boqorkii Masar ku amray, ee way badbaadiyeen carruurtii labka ahayd.
18 Markaasaa boqorkii Masar u yeedhay umulisooyinkii, oo wuxuu ku
yidhi, Maxaad waxan u samayseen, oo aad u badbaadiseen carruurtii labka ahayd?
19 Markaasaa umulisooyinkii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Maxaa
yeelay, naagaha Cibraaniyaduhu la mid ma aha naagaha Masriga, oo waa ka dhaqso badan
yihiin, oo intii aan umulisooyinku u iman bay umulaan. 20
Haddaba Ilaah si wanaagsan buu u sameeyey umulisooyinkii, dadkiina waa tarmay, oo
aad bay u xoogaysteen. 21 Oo waxay noqotay, in Ilaah umulisooyinkii
reero u yeelay, maxaa yeelay, Ilaah bay ka cabsadeen. 22
Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa
inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan.
^ Dib u celi bilawga ^
2
Dhalashadii Muuse
1 Markaasaa waxaa tegey nin reer Laawi ah, oo wuxuu guursaday
gabadh reer Laawi iyana ah. 2 Markaasay naagtii uuraysatay
oo waxay dhashay wiil; oo markay aragtay inuu ilmo wanaagsan yahay, ayay qarisay
in saddex bilood ah. 3 Oo markay in dambe qarin kari weyday,
ayay waxay soo qaadday abxad caws duur ah, oo intay dhoobo iyo daamur ku malaastay
ayay wiilkii ku ridday, oo waxay dhex gelisay duur webiga qarkiisa ka baxay.
4 Walaashiisna waxay taagnayd meel ka fog, inay ogaato waxa isaga
lagu samayn doono. 5 Markaasaa gabadhii Fircoon webiga timid
inay ku maydhato. Gabdhihii addoommada u ahaana waxay socdeen webigii dhinaciisa.
Markaasay iyadu waxay aragtay abxadda duurka ku dhex jirta, oo waxay u diratay gabadhii
addoonta u ahayd inay u keento. 6 Markaasay furtay, oo waxay
aragtay wiilkii; oo bal eeg, yarkii waa ooyay. Kolkaasay u naxariisatay, oo waxay
tidhi, Kanu waa carruurtii Cibraaniyada midkood. 7 Markaasaa
walaashiis waxay gabadhii Fircoon ku tidhi, Ma kuugu yeedhaa naagaha Cibraaniyadaha
middood inay kuu nuujiso ilmaha? 8 Gabadhii Fircoonna waxay
ku tidhi iyadii, Haah, tag. Gabadhiina way tagtay oo waxay u yeedhay yarkii hooyadiis.
9 Markaasaa gabadhii Fircoon waxay ku tidhi iyadii, Tag,
oo ilmahan qaad oo ii nuuji, oo anna waxaan ku siin doonaa mushahaaradaada. Markaasay
naagtii yarkii qaadday oo nuujisay. 10 Yarkiina waa koray,
markaasay u keentay gabadhii Fircoon, oo wuxuu noqday wiilkeedii. Oo waxay magiciisii
u bixisay Muuse, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, anaa biyihii ka soo bixiyey.
Muuse Oo U Cararay Midyaan
11 Oo waayahaas, markii Muuse weynaaday, waxay noqotay inuu
walaalihiis u soo baxay, oo uu fiiriyey culaabta saaran. Markaasuu wuxuu arkay mid
Masri ah oo dilaya mid Cibraani ah oo walaalihiis ka mid ah.
12 Markaasuu iska fiiriyey xagga iyo xagga, oo markuu arkay inaan ciduna joogin
ayuu Masrigii kaw kaga siiyey, oo ciidda ku qariyey. 13 Markaasuu
haddana maalintii labaad soo baxay, oo wuxuu arkay laba nin oo Cibraaniyo ah oo
isla diriraya; oo kii gardarnaa buu wuxuu ku yidhi, War maxaad u dilaysaa wadaygaa?
14 Markaasuu wuxuu yidhi, Bal yaa amiir iyo xaakin nooga
kaa dhigay? Ma waxaad doonaysaa inaad ii disho sidaad u dishay Masriga? Markaasaa
Muuse cabsaday, oo wuxuu isyidhi, Hubaal wixii waa la ogaaday.
15 Haddaba markii Fircoon waxaas maqlay, ayuu wuxuu doondoonay inuu
Muuse nafta ka qaado. Laakiinse Muuse waa ka cararay Fircoon hortiisii, oo wuxuu
degay dalka Midyaan, oo ceel buu ag fadhiistay. 16 Haddaba
wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen
oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood.
17 Markaasaa adhijirro yimaadeen oo ka eryeen, laakiinse Muuse intuu
istaagay, ayuu caawiyey iyagii, oo idahoodii u waraabiyey.
18 Oo markay u yimaadeen Recuu'eel oo aabbahood ah ayuu wuxuu ku yidhi, Waa sidee,
maanta waad soo dhaqsateene? 19 Markaasay waxay yidhaahdeen,
Midkoo Masri ah ayaa naga samatabbixiyey gacantii adhijirrada, oo weliba biyuu noo
dhaamiyey oo idaha isagaa noo waraabiyey. 20 Markaasuu wuxuu
gabdhihiisii ku yidhi, Isagii meeyey? De maxaad ninkii uga soo kacdeen? U yeedha,
kibis ha cunee. 21 Muusena raalli buu ka ahaa inuu ninkaas
la joogo, oo isagu wuxuu Muuse siiyey gabadhiisii Siforaah.
22 Oo waxay u dhashay wiil, markaasuu magiciisii wuxuu u bixiyey
Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad.
23 Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii
Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen,
oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed.
24 Ilaahna waa maqlay cabaadkoodii, markaasaa Ilaah xusuustay axdigiisii
uu la dhigtay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub. 25 Markaasaa
Ilaah arkay reer binu Israa'iil, Ilaahna wuu ogaaday xaalkoodii.
^ Dib u celi bilawga ^
3
Muuse Iyo Geedka Ololayey
1 Muuse wuxuu ilaalinayay adhigii soddoggiis Yetroo oo ahaa
wadaadkii Midyaan, oo wuxuu adhigii u soo kexeeyey meeshii cidlada ahayd shishadeeda,
markaasuu wuxuu yimid buurtii Ilaah oo ahayd Xoreeb. 2 Markaasaa
malaa'igtii Rabbigu waxay uga muuqatay dab ololaya oo ka baxaya geed dhexdiis, kolkaasuu
fiiriyey oo wuxuu arkay geedkii oo ololaya oo dabku gubayo, geedkuna ma basayn.
3 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Anigu waan ku leexan doonaa,
waanan arki doonaa muuqashadan weyn, iyo waxa geedku u guban waayay.
4 Oo markuu Rabbigu arkay inuu ku soo leexday inuu arko ayaa Ilaah
uga yeedhay geedka dhexdiisii, oo wuxuu ku yidhi, Muusow, Muusow. Markaasuu yidhi,
Waa i kan. 5 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan ha u soo dhowaan,
kabahana iska siib, waayo, meesha aad taagan tahay waa dhul quduus ah.
6 Oo weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa
oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse
wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego.
7 Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar,
oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu
waan ogahay caloolxumadooda; 8 oo waxaan u imid inaan ka
samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul
wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha
ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo
reer Xiwi, iyo reer Yebuus. 9 Oo haatan bal eeg, waxaa i
hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu
ku cadaadinayaan iyaga. 10 Haddaba kaalay, oo waxaan kuu
dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga reer binu Israa'iil
ah. 11 Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal yaan ahay
anigu, markaan Fircoon u tegayo, oo aan reer binu Israa'iil ka soo bixinayo dalka
Masar? 12 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Xaqiiqa anigaa kula jiraya,
oo taasaa calaamo kuu noqonaysa, inaan anigu ku soo diray; markii aad dadka ka soo
bixiso Masar, Ilaah baad buurtan ugu adeegi doontaan.
13 Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal eeg, markii
aan u tago reer binu Israa'iil, oo aan ku idhaahdo iyaga, Ilaahii awowayaashiin
baa ii soo kiin diray, oo iyaga waxay igu odhan doonaan, De magiciisa maxaa la yidhaahdaa?
Haddaba maxaan ku odhan doonaa? 14 Markaasaa Ilaah wuxuu
Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku
odhan doontaa reer binu Israa'iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray.
15 Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa
reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo
Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay,
oo laygu xusuusto ka ab ka ab. 16 Bal tag, oo isu soo ururi
waayeellada reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin,
oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii muuqday,
isagoo leh, Hubaal waan idin soo booqday, oo waan arkay waxa laydinku sameeyey Masar
dhexdeeda, 17 oo waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi
doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer
Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano
iyo malab la barwaaqaysan. 18 Oo codkaaga way maqli doonaan,
markaas adiga iyo waayeellada reer binu Israa'iil waa inaad u tagtaan boqorka Masar,
oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa nala kulmay. Haddaba
waan ku baryaynaaye, Iska kaaya daa aannu meel saddex maalmood loo socdo oo cidla
ah tagnee, inaannu allabari u bixinno Rabbiga ah Ilaahayo.
19 Oo anna waxaan ogahay inaanu boqorka Masar idiin sii daynayn
inaad tagtaan, maya, ee wuxuuna idiinku diidayaa gacan xoog leh.
20 Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda
oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn
doonaa inaad iska tagtaan. 21 Oo anigu dadkan raalli baan
uga yeeli doonaa Masriyiinta; oo waxay noqon doontaa in markii aad tagtaan aydnaan
faromadhnaan ku tegin, 22 laakiinse naag waluba ha weyddiisato
deriskeeda iyo tan guriga la joogta alaab lacag ah iyo alaab dahab ah, iyo dhar;
waxaadna saari doontaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxaad dhici doontaan
Masriyiinta.
^ Dib u celi bilawga ^
4
Cajaa'ibyadii La Tusay Muuse
1 Markaasaa Muuse jawaabay oo wuxuu yidhi, Laakiinse, bal
ogow, ima ay rumaysan doonaan, codkaygana ma ay dhegaysan doonaan, waayo, waxay
igu odhan doonaan, Rabbigu kuuma uu muuqanin. 2 Markaasaa
Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxaas gacantaada ku jiraa? Oo wuxuu yidhi, Waa
ul. 3 Markaasuu ku yidhi, Bal dhulka ku tuur. Markaasuu dhulka
ku tuuray, oo waxay noqotay abeeso. Kolkaasaa Muuse ka hor cararay.
4 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal gacanta soo fidi oo
dabada ku dheg, kolkaasuu gacantii soo fidiyey oo dabada ku dhegay, kolkaasay noqotay
ul gacantiisa ku jirta. 5 Sidaas yeel inay ku rumaystaan
inuu kuu muuqday Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii
Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. 6 Oo Rabbigu wuxuu kaloo ku
sii yidhi isagii, Bal gacanta laabta saar, markaasuu gacanta laabta saaray, oo markii
uu ka qaaday, bal eeg, gacantii baras bay yeelatay oo waxay u caddaatay sida baraf
cad. 7 Markaasuu ku yidhi, Bal gacanta laabta mar kale saar.
Kolkaasuu mar kale gacantii laabta saaray, oo markii uu ka qaaday laabtii, bal eeg,
waxay haddana u rogmatay oo u ekaatay sida jidhkiisii kale.
8 Oo waxay noqon doontaa, hadday kugu rumaysan waayaan oo ay calaamada
hore codkeeda maqli waayaan, de markaas calaamada dambe codkeeday rumaysan doonaan.
9 Oo haddana waxay noqon doontaa, hadday rumaysan waayaan
labadan calaamo, oo weliba ay codkaaga maqli waayaan, de markaas bal waa inaad webiga
biyo ka qaaddid oo aad dhulka engegan ku shubtid, oo biyihii aad webiga ka qaadday,
markay gaadhaan dhulka engegan dhiig bay noqon doonaan. 10
Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Rabbiyow, anigu codkar ma ahi, hadda iyo
hore toona, iyo tan iyo markaad ila hadashay anigoo addoonkaaga ah, maxaa yeelay,
anigu hadalka waan shigaa, waanan carrab la'ahay. 11 Markaasaa
Rabbigu wuxuu ku yidhi, Kan dadka afkiisa sameeyey waa ayo? Yaase dadka carrab tira,
ama dhego tira, ama wax tusa, ama indho tira? Sow anigan Rabbiga ah ma aha?
12 Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo anigaa afkaaga la jiri doona
oo ku bari doona wixii aad ku hadli lahayd. 13 Isna wuxuu
yidhi, Rabbiyow, Waan ku baryayaaye, dir kaad doonaysid inaad dirtid.
14 Markaasaa Rabbigu u cadhooday Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Sow ma
joogo walaalkaa Haaruun oo ah reer Laawi? Waan ogahay inuu isagu si wanaagsan u
hadli karo. Oo bal ogow, wuu u soo socdaa inuu kula kulmo, oo markuu ku arko, qalbigiisuu
ka farxi doonaa. 15 Haddaba waa inaad isaga la hadashaa,
oo aad erayada afkiisa ku riddaa, oo anigu afkaagaan la jiri doonaa, iyo afkiisaba,
oo waxaan idin barayaa wixii aad samayn lahaydeen. 16 Oo
isagu wuxuu kuu noqon doonaa ninka dadka kuula hadla, oo waxay noqon doontaa inuu
isagu af kuu noqdo, adna waxaad isaga u noqon doontaa Ilaah oo kale.
17 Haddaba waa inaad gacanta ku qaadatid ushan aad cajaa'ibyada
ku samayn doontid.
Muuse Oo Ku Noqday Masar
18 Markaasaa Muuse tegey oo wuxuu ku noqday soddoggiis Yetroo,
oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Bal i sii daa aan tagee, oo ku noqdo walaalahayga
Masar jooga, oo aan soo arkee bal inay nool yihiin iyo in kale. Markaasaa Yetroo
wuxuu Muuse ku yidhi, Nabad ku tag. 19 Markaasaa Rabbigu
wuxuu ku yidhi Muuse, isagoo Midyaan jooga, Tag, oo Masar ku noqo, waayo, dadkii
doondoonayay inay nafta kaa qaadaan way wada dhinteen. 20
Markaasaa Muuse wuxuu watay naagtiisii iyo wiilashiisii, oo wuxuu saartay dameer,
wuxuuna ku noqday dalkii Masar. Markaasaa Muuse ushii Ilaah gacanta ku qaatay.
21 Rabbiguna wuxuu Muuse ku yidhi, Markii aad Masar ku noqotid,
cajaa'ibyadii aan gacantaada ku riday oo dhan Fircoon hortiisa ku samee, laakiinse
anigu qalbigiisaan qallafin doonaa, oo dadka ma uu sii dayn doono inay tagaan.
22 Oo waxaad Fircoon ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu yidhi, Israa'iil
waa wiilkayga curadka ah, 23 oo waxaan adiga kugu idhi, Wiilkayga
sii daa, ha tagee oo ha ii adeegee. Adiguse waad u diiday inuu tago. Bal hadda ogow,
waxaan dili doonaa wiilkaaga curadka ah. 24 Intay jidka sii
socdeen meel bay ku habeen dhexeen, Rabbi baana ugu yimid, oo wuxuu damcay inuu
dilo isaga. 25 Markaasaa Siforaah waxay qaadatay dhagax af
leh, oo wiilkeedii buuryadiisii bay ku gooysay, oo waxay ku ag tuurtay cagihiisa
oo tidhi, Hubaal waxaad ii tahay arooskii dhiigga. 26 Markaasuu
iska daayay isagii. Kolkaasay tidhi, Waxaad ii tahay arooskii dhiigga gudniinta
aawadeed. 27 Markaasaa Rabbigu wuxuu Haaruun ku yidhi, Tag
inaad Muuse kaga hor tagtid cidlada dhexdeeda. Markaasuu tegey, oo wuxuu kaga hor
tegey buurta Ilaah, kolkaasuu dhunkaday. 28 Kolkaasaa Muuse
wuxuu Haaruun u sheegay erayadii Rabbigu u soo faray oo dhan, iyo calaamooyinkii
uu ku amray oo dhan. 29 Markaasaa Muuse iyo Haaruun tageen
oo waxay isu soo ururiyeen waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan.
30 Markaasaa Haaruun kula hadlay erayadii Rabbigu Muuse u soo faray
oo dhan, calaamooyinkiina dadka hortiisuu ku sameeyey. 31
Dadkiina way rumaysteen, oo markay maqleen inuu Rabbigu soo booqday reer binu Israa'iil
iyo inuu arkay dhibaatadooda ayay madaxa hoos u foorariyeen oo caabudeen.
^ Dib u celi bilawga ^
5
Cadaadin Oo Sii Korodhay
1 Oo dabadeedna Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon,
oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sii
daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu ciidaan. 2 Markaasaa
Fircoon wuxuu yidhi, Waa ayo Rabbiga ay waajibka igu tahay inaan codkiisa maqlo
oo aan reer binu Israa'iil sii daayo? Anigu garan maayo Rabbiga, oo weliba sii dayn
maayo reer binu Israa'iil inay tagaan. 3 Markaasay waxay
ku yidhaahdeen, Ilaahii Cibraaniyada ayaa nala kulmay, haddaba waannu ku baryaynaaye,
Na sii daa, aannu tagnee meel cidla ah oo saddex maalmood loo socdo oo aan allabari
ugu bixinnee Rabbiga ah Ilaahayaga inuusan belaayo ama seef nagu soo dejin.
4 Markaasaa boqorkii Masar wuxuu ku yidhi iyagii, Muuse iyo Haaruunow,
maxaad dadka uga joojinaysaan shuqulladooda? Orda oo hawlihiinna culculus qabsada.
5 Kolkaasaa Fircoon wuxuu yidhi, Bal eega, haatan dadka dalku
waa badan yihiin, oo idinku waad ka nasiseen hawlahoodii cuscuslaa. 6 Markaasaa Fircoon wuxuu isla maalintaas ku amray kuwii dadka hawsha
ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodii, isagoo leh, 7 Hadda
dabadeed waa inaydnaan dadka siin caws ay leben ka sameeyaan sidii loo siin jiray,
laakiinse iyagu ha tageen oo caws ha soo gurteen. 8 Oo lebenkii
ay markii hore samayn jireen tiradiisii oo kale waa inaad hadda ka dib ku qasabtaan
inay sameeyaan, oo waa inaydnaan waxba ka dhimin, waayo, waa caajisiin oo sidaas
daraaddeed waxay u qaylinayaan, iyagoo leh, Na sii daa aannu tagnee oo aan Ilaahayaga
allabari u bixinnee. 9 Haddaba nimanka ha lagu qasbo hawl
ka culus intii hore inay ku hawshoodaan, oo yaanay hadal been ah u jeedin.
10 Markaasay kuwii hawsha dadka ku cadaadin jiray iyo saraakiishoodiiba
dibadda u bexeen, oo waxay la hadleen dadkii, oo ku yidhaahdeen, Waxaa Fircoon idin
leeyahay, Caws idin siin maayo. 11 Idinku taga oo caws ka
doonta meeshii aad ka heli kartaan, laakiin hawshiinna waxba laydinka dhimi maayo
innaba. 12 Sidaa daraaddeed ayaa dadku ku kala firdhay dalkii
Masar oo dhan inay jirrido jajab ah soo ururiyaan meeshii cawska laga siin jiray.
13 Oo kuwii dadka hawsha ku cadaadin jirayna way daddajiyeen,
oo waxay ku yidhaahdeen, Dhammeeya shuqulladiinna, iyo hawshiinna intii aad maalin
walba samayn jirteen, sidii markii cawsku jiri jiray oo kale.
14 Oo saraakiishii reer binu Israa'iil, oo Fircoon kuwiisa dadka
hawsha ku cadaadiyaa ay dadka madaxda uga dhigeen, waa la garaacay, oo waxaa lagu
yidhi, War maxaad shalay iyo maantaba hawshiinna u dhammayn weydeen oo aad lebenkii
ugu samayn weydeen sidii hore? 15 Markaasay saraakiishii
reer binu Israa'iil waxay u tageen oo u cataabeen Fircoon, waxayna ku yidhaahdeen,
War maxaad addoommadaada sidan ugula macaamilootaa? 16 Addoommadaada
caws lama siiyo, oo waxay nagu yidhaahdaan, Leben sameeya. Oo bal eeg, addoommadaadii
waa la garaacaa, laakiinse gardarrada waxaa iska leh dadkaaga.
17 Laakiinse wuxuu ku yidhi iyagii, Caajisiin baad tihiin, caajisiin
baad tihiin, oo sidaas daraaddeed baad u leedihiin, Aannu tagno oo aan Rabbiga allabari
u bixinno. 18 Haddaba taga oo shaqeeya, waayo, caws laydin
siin maayo, oo weliba waa inaad keentaan tiradii lebenkii oo kale.
19 Oo saraakiishii reer binu Israa'iil waxay arkeen in xaalkoodii
xun yahay, markii lagu yidhi, Waa inaydnaan waxba dhimin lebenkii aad maalin walba
samayn jirteen. 20 Oo markay Fircoon ka soo bexeen waxay
ka hor yimaadeen Muuse iyo Haaruun oo jidka taagtaagan, 21
oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu ha idin fiiriyo oo ha idin xukumo, waayo, waxaad
naga dhigteen wax u ura Fircoon iyo addoommadiisii si ay noo nacaan oo ay intay
seefo noo qaataan noo laayaan.
Ilaah Oo Ballanqaaday Samatabbixin
22 Markaasaa Muuse mar kale Rabbiga u jeestay, oo wuxuu ku
yidhi, Rabbiyow, maxaad dadkan si xun ugula macaamilootay? Oo maxaad aniga ii soo
dirtay? 23 Ilaa markii aan u imid Fircoon oo aan magacaaga
kula hadlay isaga, wax xun buu dadkan ku sameeyey, oo adna dadkaaga kama aad samatabbixin
innaba.
^ Dib u celi bilawga ^
6
1 Markaas | | |