Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
LEV LAAWIYIINTII
KITAABKII SADDEXAAD EE MUUSE EE LA YIDHAAHDO
LAAWIYIINTII

Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix lambarka liiska:


1


Qurbaanka La Gubo

1 Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha.

3 Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo. 4 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa inuu isaga u ahaado kafaaraggud. 5 Oo dibiga waa inuu Rabbiga hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan, oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka horteeda taal. 6 Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa. 7 Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka, 8 oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran, 9 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

10 Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn. 11 Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha meesha allabariga. 12 Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, 13 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

14 Oo haddii qurbaankiisa uu Rabbiga u bixinayo uu yahay haad qurbaan la gubo ah, markaas qurbaankiisa ha u bixiyo qoolleyo ama xamaam yaryar. 15 Oo wadaadku ha keeno meesha allabariga agteeda, oo madaxa ha ka maroojiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, oo dhiiggana ha lagaga miiro meesha allabariga agteeda. 16 Oo waa inuu ka soo bixiyaa gulgulada iyo baalasheeda oo ha ku tuuro meesha allabariga dhinaceeda bari, kaasoo ah meeshii dambaska. 17 Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

^ Dib u celi bilawga ^

2


Qurbaanka Hadhuudhka Ah

1 Oo markii qof qurbaan hadhuudh ah Rabbiga u bixinayo, qurbaankiisu ha ahaado bur, oo waa inuu saliid ku shubaa, oo fooxna saaraa. 2 Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 3 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

4 Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray, ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay. 5 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray. 6 Waa inaad cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah. 7 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray. 8 Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha keeno. 9 Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 10 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo. 11 Qurbaan hadhuudh ah oo aad Rabbiga u bixinaysaan waa inaan khamiir lagu samayn, waayo, waa inaydaan khamiir iyo malab toona sidii qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo u gubin. 12 Iyaga waa inaad Rabbiga ugu bixisaan sidii qurbaan midhaha ugu horreeya ah, laakiinse waa inaan meesha allabariga loogu dul gubin caraf udgoon aawadeed. 13 Oo qurbaan kasta oo ah qurbaankaaga hadhuudhka ah waa inaad cusbaysaa, oo waa inaadan innaba u oggolaan in cusbadii axdiga Ilaahaaga ay ka maqnaato qurbaankaaga hadhuudhka ah. Qurbaannadaada oo dhan waa inaad cusbo la bixisaa.

14 Oo haddaad Rabbiga u bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo midhaha ugu horreeya ah, qurbaankaaga hadhuudhka ah oo midhaha ugu horreeya ah waxaad u bixisaa sabuul qoyan oo la dubay oo la tumay. 15 Oo waa inaad saliid ku shubtaa, fooxna saartaa, waayo, taasu waa qurbaan hadhuudh ah. 16 Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan, waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

^ Dib u celi bilawga ^

3


Allabariga Qurbaannada Nabaadiinada Ah

1 Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah, oo uu lo'da ka bixinayo, lab ama dhaddig midduu yahayba, waa inuu Rabbiga hortiisa ku bixiyaa neef aan iin lahayn. 2 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga. 3 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 4 iyo labada kelyood iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado. 5 Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

6 Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef aan iin lahayn. 7 Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo. 8 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga. 9 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydhiisa iyo badhidiisa oo dhan, taasoo uu ka gooyo meesha ay lafta dhabarka ka haysato, iyo xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 10 iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado. 11 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.

12 Oo haddii qurbaankiisu neef riyo ah yahayna, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo. 13 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka, oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga. 14 Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 15 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado. 16 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh. 17 Tan iyo ab ka ab waa inuu qaynuun joogto ah ku ahaadaa meel kastoo aad deggan tihiinba inaydaan cunin xaydh iyo dhiig midnaba.

^ Dib u celi bilawga ^

4


Qurbaanka Dembi Lagu Bixiyo

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi, 2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii mid kama' ugu dembaabo waxyaalihii Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu sameeyo waxyaalahaas qaarkood, 3 iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn. 4 Oo dibiga waa inuu Rabbiga ugu hor keenaa iridda teendhada, oo waa inuu gacanta saaraa madaxa dibiga, oo uu dibiga Rabbiga hortiisa ku gowracaa. 5 Oo wadaadka subkanu waa inuu dhiigga dibiga qaarkiis qaadaa oo uu teendhada shirka keenaa, 6 oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka meesha quduuska ah. 7 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal. 8 Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 9 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado, 10 sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo. 11 Oo dibiga haraggiisa iyo hilibkiisa oo dhan, iyo madaxiisa, iyo addimmadiisa, iyo uurkujirtiisa, iyo uuskiisa, 12 iyo xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan, taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.

13 Oo ururka reer binu Israa'iil oo dhammu hadduu qaldamo, oo ay waxaasu indhaha shirka ka qarsoon yihiin, oo ay sameeyaan wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo ay saas eed ku leeyihiin, 14 dembigii ay dembaabeen markii la ogaado, shirku waa inuu dibi yar qurbaan dembi u bixiyaa, oo uu dibiga keenaa teendhada shirka horteeda. 15 Oo odayaasha ururku waa inay Rabbiga hortiisa gacmahooda ku saaraan madaxa dibiga, oo dibiga Rabbiga hortiisa ha lagu gowraco. 16 Oo wadaadka subkanu waa inuu dibiga dhiiggiisa keenaa teendhada shirka, 17 oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka. 18 Oo isagu waa inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal. 19 Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa. 20 Oo dibiga ha ku sameeyo siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa. 21 Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka dembiga.

22 Markii qof madax ahu dembaabo oo uu kama' u sameeyo mid ka mid ah waxyaalihii Rabbiga Ilaahiisa ahu uu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay, 23 haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid lab oo aan iin lahayn. 24 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa orgiga, oo uu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo oo Rabbiga hortiisa ah, waayo, kaasu waa qurbaan dembi. 25 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis ku qaadaa fartiisa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiiggana waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga qurbaanka la gubo. 26 Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii xaydhii allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo kale, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii, oo isna waa la cafiyi doonaa.

27 Oo dadka dhulka mid ka mid ahu hadduu kama' ku dembaabo, oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay, 28 haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid dhaddig oo aan iin lahayn, dembigiisii uu dembaabay aawadiis. 29 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka ah qurbaanka dembiga, oo waa inuu neefka ah qurbaanka dembiga ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo. 30 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga. 31 Oo xaydhiisa oo dhanna waa in laga bixiyaa sidii xaydha looga bixiyo allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, si ay Rabbiga ugu ahaato caraf udgoon; oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna waa la cafiyi doonaa.

32 Oo hadduu neef ido yar ah u keeno qurbaanka dembigana waa inuu neef dhaddig oo aan iin lahayn keenaa. 33 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka dembiga ah, oo waa inuu qurbaanka dembiga ugu gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo. 34 Oo wadaadku waa inuu qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo lagu baxsho, oo dhiigga oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga. 35 Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.


^ Dib u celi bilawga ^

5

1 Haddii qof ku dembaabo cod dhaar ah oo uu maqlay, ee uu isagu marag ka yahay, hadduu arkay iyo hadduu gartayba, hadduusan sheegin waa inuu dembigiisa qaataa. 2 Ama haddii qof taabto wax nijaas ah, hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis, ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh. 3 Ama hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan doonaa mid eed leh. 4 Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh. 5 Oo markuu ahaado mid waxyaalahan midkood eed ku leh waa inuu qirtaa wixii uu ku dembaabay, 6 oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud uga sameeyaa dembigiisii. 7 Oo haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn inuu neef baraar ah keeno, markaas dembigii uu dembaabay aawadiis waa inuu qurbaankii xadgudubkiisa Rabbiga ugu keenaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, oo mid qurbaan dembi ha ka dhigo, midda kalena qurbaan la gubo. 8 Iyaga waa inuu wadaadka u keenaa, oo isna marka hore ha bixiyo tan qurbaanka dembiga ah, oo madaxa ha ka maroojiyo, laakiinse waa inuusan kala dillaacin. 9 Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi. 10 Oo tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

11 Laakiinse haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn laba qoolley amase laba xamaam oo yaryar, markaas wixii uu ku dembaabay aawadood qurbaankiisa ha u keeno eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah, kaasoo qurbaan dembi ah, oo waa inuusan saliid ku shubin, waana inuusan waxba foox saarin, waayo, waa qurbaan dembi. 12 Oo waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo, sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi. 13 Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.

Qurbaanka Xadgudubka

14 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 15 Haddii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis, kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan xadgudub ha u bixiyo. 16 Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.

17 Oo haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay, oo waa inuu dembigiisa qaataa. 18 Oo isagu waa inuu idaha ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa. 19 Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga hortiisa eed buu ku leeyahay.


^ Dib u celi bilawga ^

6

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid, amase hadduu deriskiisa dulmo, 3 amase hadduu helo wax lumay oo uu waxaas qarsado oo uu been ku dhaarto, hadduu waxyaalahaas midkood sameeyo oo uu saas ku dembaabo, 4 markaas hadduu dembaabay oo uu eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay, ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay, 5 amase wixii uu beenta ugu dhaartay, waa inuu celiyaa iyagoo kaamil ah, oo weliba waa inuu ku daraa iyada oo shan meelood loo dhigay meesheed. Oo waa inuu siiyaa kii waxaas lahaa maalintii la ogaado inuu isagu eedaysan yahay. 6 Oo isagu qurbaanka xadgudubkiisa aawadiis waa inuu Rabbiga ugu keenaa wan aan iin lahayn oo uu idaha ka soo bixiyey ee aad qiimaysay, oo qurbaan xadgudub aawadiis wadaadka ha ugu keeno. 7 Oo wadaadkuna waa inuu isaga kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa, oo isna waa laga cafiyi doonaa wixii uu sameeyey oo uu ku eedaysan yahay oo dhanba.

Qurbaanka La Gubo

8 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 9 Haaruun iyo wiilashiisa amar oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga qurbaanka la gubo ku saabsan: qurbaanka la gubo waa inuu habeenkii oo dhan saarnaadaa qoryaha meesha allabariga saaran tan iyo ilaa waagu ka baryo; oo dabka meesha allabarigana waa in laga sii ololiyaa. 10 Oo wadaadkuna waa inuu xidhaa dharkiisa wanaagsan, oo sirwaalkiisa marada wanaagsan laga sameeyeyna waa inuu gashadaa, oo waa inuu qaadaa dambaskii qurbaanka la gubayay oo dabku meesha allabariga dusheeda ku baabba'saday, oo waa inuu meesha allabariga ku ag shubaa. 11 Oo markaas waa inuu dharkiisii iska furaa oo uu dhar kale xidhaa, oo dambaska waa inuu meel daahirsan oo xerada dibaddeeda ah u qaadaa. 12 Oo dabka meesha allabarigana waa in had iyo goor la sii ololiyaa oo waa inuusan marna demin; oo wadaadku waa inuu subax kasta qoryo saaraa, oo uu qurbaanka la gubona ku dul hagaajiyaa, oo xaydha qurbaanka nabaadiinadana waa inuu ku dul gubaa. 13 Oo dab joogto ah waa in meesha allabariga dusheeda laga sii ololiyaa had iyo goorba, oo waa inuusan marna demin.

Qurbaanka Hadhuudhka Ah

14 Oo kanuna waa sharciga qurbaanka hadhuudhka ku saabsan: Wiilashii Haaruun waa inay ku hor bixiyaan meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa ah. 15 Oo isagu waa inuu cantoobadiisa muggeed ka qaadaa burka wanaagsan ee qurbaanka hadhuudhka ah iyo saliiddiisa, iyo kulli fooxa saaran qurbaanka hadhuudhka oo dhan, oo waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa caraf udgoon ee xusuus u ah Rabbiga. 16 Oo wixii qurbaankaas ka hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka. 17 Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka. 18 Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.

19 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 20 Kanu waa qurbaanka Haaruun iyo wiilashiisu ay Rabbiga u bixin doonaan maalintii isaga la subko, waana eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis, oo ah qurbaan hadhuudh oo joogto ah, oo intaas badhkeed subaxdii ha la bixiyo, badhka kalena fiidkii ha la bixiyo. 21 Oo waa in lagu sameeyo digsi oo saliid lagu sameeyo, oo markii la isku qooshay waa inaad gudaha soo gelisaa. Xabbad xabbad la dubay waa inaad u bixisaa qurbaanka hadhuudhka oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 22 Oo waxaa bixin doona wadaadka subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa in dhammaan Rabbiga loogu gubaa. 23 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo wadaadku bixiyoba waa in dhammaantiis la wada guba, oo waa inaan la cunin.

Qurbaanka Loo Bixiyo Dembiga

24 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 25 La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan. 26 Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka. 27 Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad ku maydhaa meel quduus ah. 28 Laakiinse weelka dhoobada ah oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa. 29 Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan. 30 Oo qurbaankii dembiga oo dhiiggiisa la soo geliyo teendhada shirka si meesha quduuska ah kafaaraggud loogu sameeyo innaba waa inaan la cunin, waase in dab lagu gubaa.

^ Dib u celi bilawga ^

7


Qurbaankii Xadgudubka

1 Oo kanuna waa sharciga ku saabsan qurbaanka xadgudubka. Kaasu waa kan ugu wada quduusan. 2 Meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco waa in qurbaanka xadgudubkana lagu gowracaa, oo dhiiggiisana waa inuu ku dul rusheeyaa hareeraha meesha allabariga. 3 Oo isagu waa inuu bixiyaa baruurta taasoo ah badhida, iyo xaydha gudaha ku duuban, 4 iyo labada kelyood iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, waa inuu kelyaha la qaadaa. 5 Oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, waayo, kaasu waa qurbaankii xadgudubka. 6 Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan. 7 Oo qurbaanka xadgudubku waa sidii qurbaanka dembiga oo kale. Oo iyagu isku sharci ayay leeyihiin, oo wadaadkii kafaaraggudka ku sameeyaa ha lahaado. 8 Oo wadaadkii qof qurbaan la gubo u bixiyaa ha iska qaato haragga qurbaanka la gubo oo uu bixiyey. 9 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo foorno lagu dubo, iyo wax alla wixii birdaawe ama digsi lagu sameeyo waxaa iska leh wadaadka bixiya. 10 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo saliid lagu daray amase engeg ah waa inay wiilasha Haaruun oo dhammu lahaadaan, oo sidii mid u cuno kan kalena ha u cuno.

Allabariga Qurbaannada Nabaadiinada

11 Oo kanuna waa sharciga ku saabsan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbiga loo bixiyo. 12 Oo hadduu mahadnaqid aawadeed u bixinayo, waa inuu allabariga mahadnaqidda la bixiyaa moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo moofo saliid lagu daray oo bur la qoyay laga sameeyey. 13 Kibis khamiir leh waa inuu la bixiyaa qurbaankiisa iyo allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah mahadnaqid aawadeed. 14 Oo qurbaan kastana waa inuu ka bixiyaa xabbad ah qurbaanka sare loo qaado oo Rabbiga loo bixiyo, oo waxaa iska lahaanaya wadaadka saydhsaydha dhiigga qurbaannada nabaadiinada. 15 Oo hilibka allabarigiisa qurbaannadiisa nabaadiinada ah oo uu mahadnaqidda u bixiyo waa in dhammaantiis la cunaa maalinta uu qurbaankiisa bixiyo, oo waa inuusan waxba ka gaadhsiin tan iyo subaxda dambe. 16 Laakiinse haddii allabariga qurbaankiisu uu yahay nidar amase qurbaan uu ikhtiyaar u bixiyo, waa in la cunaa maalinta uu bixiyo allabarigiisa, oo wixii ka hadhana maalinta ku xigta ha la cuno. 17 Laakiinse hilibka allabariga wixii ka hadha oo maalinta saddexaad gaadha waa in dab lagu gubaa. 18 Oo haddii hilibka allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah la cuno maalinta saddexaad, markaas la aqbali maayo, oo kii bixiyeyna loo xisaabi maayo, laakiin taasu waxay ahaan doontaa karaahiyo, oo qofkii cunaana isagaa dembigiisa qaadanaya. 19 Oo hilibkii taabta wax nijaas ahna waa inaan la cunin; waase in dab lagu gubaa. Oo hilibkana qof kasta oo daahir ahu wax ha ka cuno. 20 Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa. 21 Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

Cunitaankii Dhiigga Iyo Baruurta Oo La Mamnuucay

22 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 23 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaydaan cunin baruur lo'aad ama mid idaad amase mid riyood. 24 Oo neefkii iska dhinta baruurtiisa iyo neefkii dugaaggu bakhtiisto baruurtiisa toona waa inaydaan sinaba u cunin, laakiinse siyaalo kale waa loogu isticmaali karaa. 25 Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa. 26 Oo waa inaydaan degmooyinkiinna oo dhan ku dhex cunin dhiig cayn kasta ha ahaadee, hadduu yahay mid haad ama mid xayawaan toona. 27 Ku kasta ha ahaadee qofkii dhiig cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

Qaybta Wadaaddada

28 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 29 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kii Rabbiga u bixiyaa allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaankiisa uga keenaa allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah. 30 Waa inuu gacmihiisa ku keenaa qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; waa inuu keenaa baruurta iyo sakaarka in sakaarka Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo. 31 Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa. 32 Oo allabariga ah qurbaannadiinna nabaadiinada waxaad ka soo bixisaan bowdada midig oo waa inaad wadaadka siisaan, ha ahaatee qurbaan sare loo qaado. 33 Kii reer Haaruun ka mid ah oo bixiya dhiigga qurbaannada nabaadiinada iyo baruurta ayaa qayb ahaan u leh bowdada midig. 34 Waayo, anigu reer binu Israa'iil ayaan allabariga ah qurbaannadooda nabaadiinada kala baxay sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado, oo waxaan reer binu Israa'iil amar kaga siiyey wadaadka Haaruun iyo wiilashiisa weligoodba.

35 Taasu waa qaybtii subkidda oo Haaruun iyo qaybtii subkidda oo wiilashiisa oo la kala baxayo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, maalintii iyaga loo keenay Rabbiga inay isaga uga adeegaan jagada wadaadnimada, 36 kuwaasoo maalintii la subkay uu Rabbigu amray in reer binu Israa'iil iyaga siiyaan, oo taasna ab ka ab baa loo amray. 37 Haddaba kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, iyo kan quduuskadhigidda, iyo kan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah, 38 ee uu Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay maalintii uu reer binu Israa'iil ku amray inay Rabbiga u bixiyaan qurbaannadooda iyagoo jooga cidladii Siinay.

^ Dib u celi bilawga ^

8


Haaruun Iyo Wiilashiisii Oo La Caleemasaaray

1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 2 Waxaad keentaa Haaruun iyo wiilashiisa oo isaga la jira, iyo dharka, iyo saliidda lagu subkado, iyo dibiga ah qurbaanka dembiga, iyo labada wan, iyo dambiisha ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirto. 3 Oo ururka oo dhanna waxaad ku soo shirisaa iridda teendhada shirka. 4 Oo Muusena waa yeelay wixii Rabbigu isaga ku amray, oo ururkiina waa lagu soo shiriyey iridda teendhadii shirka. 5 Kolkaasaa Muuse ururkii oo dhan ku yidhi, Waxanu waa waxa Rabbigu amray in la sameeyo. 6 Markaasaa Muuse wuxuu soo kexeeyey Haaruun iyo wiilashiisii, oo biyuu iyagii ku maydhay. 7 Oo wuxuu isagii u geliyey jubbaddii, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhka, oo wuxuu u geliyey khamiiskii, eefodkiina wuu u geliyey, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhkii eefodka oo daabaca lahaa, oo kaasuu isagii ku xidhay. 8 Oo haddana wuxuu isagii saaray laabgashigii, oo laabgashigiina wuxuu geliyey Uuriimkii iyo Tummiimkii. 9 Oo madaxana wuxuu u saaray duub, oo duubka dhankiisa horena wuxuu ku dhejiyey waslad khafiif ah oo dahab ah oo ah taajka quduuska ah sidii Rabbigu Muuse ku amray. 10 Markaasaa Muuse soo qaaday saliidda lagu subkado, oo wuxuu ku subkay taambuuggii iyo waxyaalihii gudihiisa ku jiray oo dhan, oo dhammaantoodna quduus buu ka dhigay. 11 Oo qaarkeedna wuxuu toddoba jeer ku saydhsaydhay meeshii allabariga, oo wuxuu subkay meeshii allabariga iyo weelasheedii oo dhan iyo berkeddii weysada iyo salkeedii, si uu dhammaantood quduus uga dhigo. 12 Oo saliidda lagu subkado qaarkeedna wuxuu ku shubay Haaruun madaxiisa, oo isagii wuu subkay si uu quduus uga dhigo. 13 Oo haddana Muuse wuxuu soo kexeeyey wiilashii Haaruun, oo wuxuu iyagii u geliyey jubbado, wuxuuna ugu xidhay dhex-xidho, duubabna wuu u duubay sidii Rabbigu Muuse ku amray. 14 Oo haddana wuxuu keenay dibigii ahaa qurbaanka dembiga, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen dibigii qurbaankii dembiga ahaa. 15 Markaasuu dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud ugu sameeyo. 16 Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse intaasuu ku dul gubay meesha allabariga. 17 Laakiinse dibigii iyo haraggiisii, iyo hilibkiisii, iyo uuskiisiiba wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah sidii Rabbigu Muuse ku amray. 18 Oo haddana wuxuu keenay wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii. 19 Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga. 20 Oo wankii xubin xubin buu u kala googooyay, markaasaa Muuse wuxuu gubay madaxii iyo xubnihii iyo xaydhii, 21 oo isna uurkujirtii iyo addimmadii ayuu biyo ku maydhay, markaasaa Muuse wankii oo dhan ku dul gubay meesha allabariga, waayo, kaasu wuxuu ahaa qurbaan la gubo oo caraf udgoon loo bixiyo, wuxuuna ahaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 22 Oo haddana wuxuu keenay wankii kale, kaasoo ahaa wankii quduuskadhigidda, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii. 23 Markaasuu wankii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii oo wuxuu mariyey Haaruun caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig. 24 Oo haddana wuxuu keenay Haaruun wiilashiisii, kolkaasaa Muuse dhiiggii mariyey caaradda dhegahooda midig, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo Muusena wuxuu dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga. 25 Markaasuu soo qaaday baruurtii, iyo badhidii, iyo xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku yiil, iyo labadii kelyood, iyo xaydhoodii, iyo bowdadii midig. 26 Oo dambiishii ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirtay oo Rabbiga hortiisa tiilna wuxuu ka soo bixiyey xabbad ah kibis aan khamiir lahayn, iyo xabbad ah moofo saliid leh, iyo xabbad canjeero ah, oo wuxuu saaray baruurtii iyo bowdadii midig, 27 oo intaas oo dhan ayuu saaray Haaruun gacantiisii, iyo gacantii wiilashiisa, oo sida qurbaanka la ruxruxo ayaa Rabbiga hortiisa lagu ruxruxay. 28 Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo. 29 Kolkaasaa Muuse qaaday sakaarkii, oo Rabbiga hortiisa ayuu ugu ruxruxay qurbaan la ruxruxo aawadiis, oo kaasu wuxuu ahaa qaybtii Muuse ku lahaa wankii quduuskadhigidda sidii Rabbigu Muuse ku amray. 30 Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii, iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii iyo dharkii wiilashiisaba. 31 Markaasaa Muuse Haaruun iyo wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan. 32 Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan. 33 Oo idinkuna waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka intii toddoba maalmood ah, ilaa maalmaha quduus laydinka dhigay ay dhammaystirmaan, waayo, isagu wuxuu quduus idinka dhigayaa intii toddoba maalmood ah. 34 Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay, in kafaaraggud laydiin sameeyo. 35 Oo intii toddoba maalmood ah habeen iyo maalinba waa inaad ag joogtaan iridda teendhada shirka, oo Rabbiga amarkiisa xajiya yeydnan dhimanine, waayo, sidaasaa laygu amray. 36 Oo Haaruun iyo wiilashiisiina way wada yeeleen waxyaalihii Rabbigu amray oo uu gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.

^ Dib u celi bilawga ^

9


Wadaaddadii Oo Bilaabay Shaqadooda

1 Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil, 2 oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi. 3 Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah. 4 Oo dibi iyo wanna waxaad u keentaan qurbaanno nabaadiino in Rabbiga hortiisa allabari ahaan loogu bixiyo, iyo qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray, waayo, maanta ayaa Rabbigu idiin muuqan doonaa. 5 Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen. 6 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona Rabbiga ammaantiisa. 7 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray. 8 Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga. 9 Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga. 10 Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray. 11 Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah. 12 Oo haddana wuxuu gowracay neefkii qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga. 13 Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga. 14 Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa. 15 Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii dadka, oo wuxuu soo waday ridii dadka u ahayd qurbaankii dembiga, wuuna gowracay oo u bixiyey dembi aawadiis, siduu kan hore yeelay. 16 Oo haddana wuxuu keenay neefkii qurbankii la gubo ahaa, oo si qaynuunka waafaqsan ayuu u bixiyey. 17 Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada. 18 Oo weliba wuxuu gowracay dibigii iyo wankii ahaa allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo dadka aawadiis loo bixinayay; oo markaasay wiilashii Haaruun isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga. 19 Markaasay keeneen baruurtii dibiga iyo tii wanka, iyo badhidii, iyo xaydhii gudaha ku duubnayd, iyo kelyihii, iyo xuubkii beerka. 20 Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu ku dul gubay meeshii allabariga. 21 Kolkaasaa Haaruun Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo ugu ruxruxay sakaarradii iyo bowdadii midig, sidii Muuse amray. 22 Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada. 23 Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan u muuqatay. 24 Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.

^ Dib u celi bilawga ^

10


Dhimashadii Naadaab Iyo Abiihuu

1 Oo Naadaab iyo Abiihuu oo ahaa wiilashii Haaruun ayaa midkood waluba qaatay idankiisii, oo dab bay ku rideen, fooxna way dul saareen, oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad oo uusan ku amrin. 2 Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rab