Nolosha Cusub
Ku soo dhowaada Nolosha Cusub! Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib



Ilaah waxa uu Yacquub xasuusinayaa in ballanqaadkiisu yahay hubaal

Mararka qaarkood warku waxa uu noqdaa wax laga naxo oo qofka dhegaysanaya ku sababa u qaadan waa. Bal u fiirso Yacquub oo oday ah isla markaasna sanado badan u malaynayay inuu wiilkiisii Yuusuf dhintay xaaladdiisa. Kaddib, markii abaarta iyo cuno yaraantu dhacday ayuu Yacquub wiilashiisii u diray Masar si ay uga keenaan raashin, laakiinse waxa ay ku soo noqdeen iyaga oo u sida warkan diirran ee  layaabka leh:
“Yuusuf weli waa nool yahay, oo wuxuu u taliyaa dalka Masar oo dhan. Markaasuu taag darnaaday, waayo, wuu rumaysan waayay iyagii.”
Waxa sidan aan ka akhrin karnaa Tawreeddii nebi Muuse, Kitaabka Bilowgii 45:26.

Wiilashii Yacquubna waxa ay caddaynayaan warkan isaga ah:
27 Markaasay u sheegeen hadalkii Yuusuf kula hadlay oo dhan, oo markuu arkay gaadhifardoodkii Yuusuf u soo diray in isaga lagu qaado ayaa aabbahood Yacquub ruuxiisii cusboonaaday. 28 Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Igu filan mar haddii wiilkaygii Yuusuf weli nool yahay; haddaba waan tegi doonaa, oo waan arki doonaa isaga intaanan dhiman.”
Markii uu xooggiisa soo ceshaday, Yacquub waxa uu isu diyaarinayaa safarkii ugu danbeeyay noloshiisa. Bal u fiirso waxa uu sameeyay markii uu soo gaadhay dhulkii Kancaan (wakhti xaadirkan waa Falastiin/Israa’iil). Aan ka akhrinno Kitaabka Bilowgii 46 sidan:
“ 1 Markaasaa Israa'iil la guuray wixii uu haystay oo dhan, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac, oo halkaasuu Ilaaha aabbihiis Isxaaq allabaryo ugu bixiyey.”

Sidoo kale waxa aan arkaynaa, in Ilaah Awoodda lihi uu mar kale u muuqday Yacquub isaga oo dib u cusboonaysiinaya axdigii ballanqaadkiisa ee ku saabsanaa mustaqbalka farcankiisa:
“2 Markaasaa Ilaah riyooyinka habeenka kula hadlay Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Yacquubow, Yacquubow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
 3 Markaasuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha ah Ilaaha aabbahaa. Ha ka baqin inaad Masar ku dhaadhacdo, waayo, anigu halkaas baan kaaga dhigi doonaa quruun weyn.
 4 Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga.”

Ilaah ugu horrayn waxa uu Yacquub isu muujiyay isaga oo dhallinyar isla markaasna u qaxaya una socda Haaraan, oo ahayd meesha ay adeerradii ku noolaayeen (woqooyi-bari Suuriya). Dabadeed, markii uu kusoo laabtay Kancaan ee uu kasoo noqday Haaraan, Ilaah si gooni ah ayuu isaga uugula kulmay xadka si uu u dhiirrigeliyo una barakadeeyo. Saddexdan dhacdo ee ahaa badhtamaha iyo dhammaadka noloshii Yacquub waxa ay caddayn u tahay run-sheegnimada iyo ammiinnimadiisa Ilaah. Ilaah Qaadirka ahi waxa uu doonay, inuu Yacquub ka caawiyo sidii uu ku garawsan lahaa ballanqaadkii asal ahaan loo sameeyay awowgiis Ibraahim. Ballanqaadkaasi waxa uu ahaa in quruumaha oo dhan lagu barakadayn doono mid ka mid ah farcankooda.

Haddaba, wakhtigan aan joogno ma filan karnaa in aan helno muujin toos ah oo inooga timaadda xagga Ilaah? Jawaabtu waa maya, waayo waxa aan ku jirnaa taariikh gaar ah. Waxyigii nebiyada iyo rasuulladu wuu istaagay oo waxa uu ku soo geba-geboobay Midkii loo sii ballanqaaday Ibraahim, Isxaaq, iyo Yacquub. Kan farcankooda ugu weynina waxa uu ahaa Ciise Masiix oo jebiyay kana guuleystay awoodda dhimashada iyo sharka. Haddaba, Qorniinka waa la dhammaystiray, hase ahaatee, maadaama oo nolol maalmeedkeenna ay ka buuxaan loollan iyo dhibaatooyin, waxa aan u baahanahay in Ereyga Ilaah uu inooga raaxeeyo waxyaalahan. Waxa aan u baahi qabnaa in aan si joogto ah isu xasuusino runsheegnimada Ilaaha dhiirrigeliyay Yacquub wakhti uu u socday Masar isaga oo ka ordaya macaluul, balse waxa uu mar kale dib u helay wiilkiisii Yuusuf.

Si aad u dhegaysato qasiido gaara oo ku saabsan ballanqaadyada Ilaah, guji/
riix Codadka Iftiinka kaddibna dooro 07. Haddii aad qabto wax su’aalo ama faallo ah oo ku saabsan farriintan amaba boggan, fadlan halkan riix/guji.


Halkan guji/riix si aad heli kartid qormooyinkii hore ee taxanahan ku saabsan ballamadii Eebbe


3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab
.
Sabuurka 108:3-6