"Ilaahna wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii ayuu ka soocay
gudcurkii. Ilaahna iftiinkii wuxuu u bixiyey Maalin, gudcurkiina wuxuu u bixiyey
Habeen"
"Ilaahna wuxuu yiri, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen, oo ciidda
engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay. Markaasuu Ilaah ciidii engegnayd u bixiyey
Dhul; ururkii biyahana wuxuu u bixiyey Bado: Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan
tahay."
OGEYSIIS
Waxaad yeeshaa casharka marka
hore akhriso oo haddii ay suurtaggal tahay dhawr jeer ku noqnoqo, haddaba adiga oo fahamsan
oo helay dulucda casharka si degan oo fiiro gaara leh uga jawaab su’aalaha.
Su’aaluhu waa toban,
shanta ugu horaysa waa doorasho, macnaha su’aal walba oo shantaasi ka mid ah waxay
leedahay sadex qaybood/hab saddexdaas mid uun baa sax ah oo la oggol yahay in aad
doorato. Marka ta aad dooranayso, dhibicda geeska bidix kaga taal guji.
Tusaale ahaan sidan weeye:
1. Ilaah wuxuu joogaa.
○
Meel keliya isla mar?
○
Laba Meelood oo keliya isku mar?
Meel kasta isla mar?
Ma aragtaa sidaan uga shaqeeyay
su’aasha 1aad?
Shanta su’aalood ee ugu horeeya sidaas ayaad uga jawaabi doontaa.
Su’aasha 6 aad
ilaa iyo 8
aad ma aha sida kuwii hore, su’aasha ayaad
uga soo saaraysaa jawaab ereyada casharkii aad baratay.
Tusaale ahaan su’aasha 6 aad
ayaan kaaga jawaabayaa e la soco:
6. Ilaah waa qoduus, taas aawadeed muxuu ciqaabi doonaa?
“Dembi”
qor meel bannaan.
Sidaas ayaad uga jawabaysaa 6 aad , 7 aad & 8 aad.
Su’aasha 9 aad & 10 aad waxaad kaga jawaabaysaa
“R” ama
“B” taas
oo la macne ah
“Been”
ama “Run”. Marka aad dooranayso,
dhibicda geeska bidix kaga taal guji