"Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta
oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba.
"Ilaahna wuxuu arkay dhulka, oo bal eeg, wuu kharribnaa; waayo, intii jidh lahayd
oo dhammu jidkooday ku kharribeen dhulka. Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yiri, Intii jidh
leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaaray; waayo, dhulkii waxaa
ka buuxsamay dulmi iyaga xaggooda ka yimid, oo bal eeg, Iyagaan dhulka la baabi'in
doonaa."
"Rabbigu wuxuu Nuux ku yiri, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo,
waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda."
"Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada
oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen. Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare
xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen."