Qoraal
Maqal/Muuqaal
Kitaabka Quduuska Ah
Jadwalka Idaacadda
La Xiriir
Nagala soo xiriir
Aqoondirsad
Qoraal Gaaban
Suugaan
Ilaah Keliya Iyo Jid Keliya
Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada
Dersiga Kowaad - Ilaah keliya
Dersiga Labaad - Xaawa iyo Aadan
Dersiga Saddexaad - Qaabiil iyo Haabiil
Dersiga Afraad - Nebi Nuux
Dersiga Shanaad - Nebi Ibraahim
Dersiga Lixaad - Nebi Muuse
Dersiga Toddobaad - Nebi Daa'uud
Dersiga Siddeedaad - Sayid Ciise Masiix
Dersiga Sagaalaad - Dembi
Dersiga Tobnaad - Ducada iyo carnal ka san
Dersiga Kow-iyo-tobnaad - Waxyaalaha dhici doona
Dersiga Laba-iyo-tobnaad - Jid keliya
Hordhac
Casharka 1aad - Nuux
Casharka 2aad - Ibraahim
Casharka 3aad - Yuusuf
Casharka 4aad - Muuse
Casharka 5aad - Daa'uud
Casharka 6aad - Ishaacyaah
Casharka 7aad - Yooxanaa Baabtiisaha
Casharka 8aad - Ciise
Qirashada Iimaanka
Baryada Rabbiga
Maragfurka Shahiidkii Mehdi Dibaaj
Miyaad Faraxsan Tahay?
Masiixinimo?
Waxba ha ka cabsan
Diin oo keliyaa?
Qaynuunka dahabkaa
Ilaahow na tilmaanoo
Xalay Baan Masiixii Arkoo
Guullow Ilaahow
Nuurkii Adduunka
Koobka Adduunka 2010
Duruus
Qasiidooyin
Kartuun
Qasiidooyin-Fiidayaw ah
Sidee baad u aragtaa Masiixa?
Jidka Caddaaladda
Taariikhda Kiniisadda
Aan Iska Daayno Qaadka
Tafsiirta Kitaabkii Bilowgii
Tafsiirta Warqaddii loo qoray dadkii Cibraaniyada
Arrimaha Guurka iyo Qoyska
Qasiidooyin Ilaah Ammaan Ah
Codadka Iftiinka - 1
Codadka Iftiinka - 2
Qasiidooyin Qadiimi Ah
Axdigii Hore
Axdiga Cusub
Tawreedda
Taariikhda
Gabayga
Waxyiga
Bilowgii
Baxniintii
Laawiyintii
Tirintii
Sharciga Kunoqoshadiisa
Yashuuca
Xaakinnada
Ruud
Kitaabkii Kowaad ee Samuu'eel
Kitaabkii Labaad ee Samuu'eel
Kitaabkii Kowaad ee Boqorradii
Kitaabkii Labaad ee Boqorradii
Kitaabkii Kowaad ee Taariikhdii
Kitaabkii Labaad ee Taariikhdii
Cesraa
Nexemyaah
Esteer
Ayuub
Sabuurradii
Maahmaahyadii
Wacdiyahii
Gabaygii Sulaymaan
Ishacyaah
Yeremyaah
Baroorashadii Yeremyaah
Yexesqeel
Daanyeel
Hoosheeca
Yoo'eel
Caamoos
Cobadyaah
Yoonis
Miikaah
Naxuum
Xabaquuq
Sefanyaah
Xaggay
Sekaryaah
Malaakii
Qisadooyin Injiilka iyo Falimaha Rasuullada
Waraaqihii rasuul Bawlos qoray
Warqaddii Cibraaniyada iyo Waraaqaha Guud
Muujintii Ciise Masiix
Matayos
Markos
Luukos
Yooxanaa
Falimaha Rasuullada
Rooma
1 Korintos
2 Korintos
Galatiya
Efesos
Filiboy
Kolosay
1 Tesaloniika
2 Tesaloniika
1 Timoteyos
2 Timoteyos
Tiitos
Filemon
Cibraaniyada
Yacquub
1 Butros
2 Butros
1 Yooxanaa
2 Yooxanaa
3 Yooxanaa
Yuudas
Idaacadda Kale
Bogag af-Carbeed
Bogag af-Soomaali
Filinka ku saabsan Sayid Ciise Masiix
Hoyga
>
Qoraal
>
Aqoondirsad
>
Ilaah Keliya Iyo Jid Keliya
>
Dersiga Siddeedaad - Sayid Ciise Masiix
Qof kale u dir
Ilaah Keliya Iyo Jid Keliya
Dersiga Siddeedaad
Sayid Ciise Masiix
Toddobadii dersi ee hore waxaynu ka soo barannay waxyaalo badan oo run ah oo lagamamaarmaan ah. Haddaba bal aynu waxyaalahaas dib u fiirinno.
Dersigii kowaad oo ku saabsanaa Ilaah keliya.
Dersigaas waxaynu ku aragnay in Ilaaha runta ahu uu dunida uumay. Waxaynu kaloo barannay dabeecooyinka Ilaah qaarkood. Ilaah wuu naxariis badan yahay oo naxariistiisa badan aawadeed ayuu inoogu naxariisan karaa.
Dersigii labaad oo ku saabsanaa Xaawa iyo Aadan.
Waxaan isna ku barannay qisadii Xaawa iyo Aadan oo dembaabeen markay Ilaah ku dhega'adkeen. Waxaynu aragnay sidii Ilaaha naxariista badanu ugu keenay wax ay xirtaan. Neef aan dembi qabin ayaana u dhintay inuu haraggiisa ay Xaawa iyo Aadan xiran lahaayeen noqdo.
Dersigii saddexaad ee ku saabsanaa Qaabiil iyo Haabiil.
Dersigan waxaynu ka barannay inaynu Ilaah u keenno allabbari qumman si uu inoo aqbalo aawadeed. Kaasoo aan ahayn allabbarigii Qaabiil oo kale (shaqadiisa), maxaa yeelay, Ilaah aqbali maayo allabbarigaas oo kale. Waa inuu ahaadaa sidii allabbarigii Haabiil (waqdhaaca dhiigga leh) oo kale.
"Dhiig daadin la'aanteed dembidhaaf ma jiro."
Dersigii afraad oo ku saabsanaa nebi Nuux.
Wixii nebi Nuux xukunkii halaagga ee Ilaah uga magangalay waxay ahaayeen doonni. Innaguna waa inaynu xukunka Ilaah ee ciqaabta dembiga magangal ka helnaa.
Dersigii shanaad oo ku saabsanaa nebi Ibraahim
Dersigan waxaynu ku aragnay in wan dhintay meeshii wiilkii Ibraahim ka dhiman lahaa. Wanku beddel buu isaga u ahaa, sidaas oo kale innaguna waa inaynu beddelaad helnaa.
Dersigii lixaad oo ku saabsanaa nebi Muuse.
Dersigan waxaynu ka barannay sidii addoomihii reer banii-Israa'iil ay masiibada kaga baxsadeen. Iyagu dhiig bay mariyeen albaabadii aqaladooda. Haddaba innaguna waa inaynu dhiig helno si aynu kaga baxsanno xukunka Ilaah.
Dersigii toddobaad oo ku saabsanaa nebi Daa'uud.
Nebi Daa'uud wuxuu ka hadlay midka dembigeenna u silci doona. Haddii aynu doonayno in Ilaah ina aqbalo, waa inaynu helno mid karaya inuu kaamilo waxyaalaha looga baahan yahay oo dhan.
Qofkaasu waa inuu noqdo haraggii huwiska Xaawa iyo Aadan la huwiyey oo kale.
Qofkaasu waa inuu noqdaa sidii allabbarigii Haabiil Ilaah u keenay oo kale.
Qofkaasu waa inuu noqdo meel la magangalo sidii doonnidu ay magangalka ugu noqotay nebi Nuux iyo qoyskiisii.
Qofkaasu waa inuu noqdaa beddel sidii uu wankuba beddel ugu noqday wiilkii Ibraahim oo kale.
Qofkaasu waa inuu dhiig marsadaa sidii ay addoomuhu dhiigga albaabkooda u mariyeen qarnigii nebi Muuse oo kale.
Qofkaasu waa inuu la yimaadaa waxyaalihii uu nebi Daa'uud sii sheegay oo dhan, in lagu majaajillooday oo la yasay oo la dilay, isagoo gacmaha iyo cagaha laga daldalooliyey.
Bal, qofkaasii yuu noqona karaa? Ma garanaysaa qof waxaas oo dhan ka soo bixi kara? Waxaa jira qof wada kaamili kara waajibaadka laga rabo. Qofkaasuu waa Ciise Masiix. Ma jiro qof kale oo heerka gaari karaa. Ilaah wuxuu yiri:
"Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno."
- Falimaha Rasuullada 4:12
Goormuu Ciise Masiix waxyigaas oo dhan oofiyey? Goormuu harag huwin ahaa? Goormuu beddel ahaa? Goormuu dhiig marsaday? Ma intuu noolaabaa? Maya. Isagu waxba dhiig ma u marsan intii uu noolaa.
Haddaba goormuu waxyaalahaa oo dhan wada sameeyey? Hal jawaab oo qura ayaa jirta taasuna waa: Markii iskutallaabta lagu qodbay. Markuu dhintay ayuu hugeenna noqday. Markuu dhintay ayuu allabbari noqday. Markuu dhintay ayuu dhiig marsaday. Markuu dhintay ayuu wada kaamilay wixii ay sii sheegeen Aadan iyo Haabiil, nebi Nuux, nebi Ibraahim, nebi Muuse iyo nebi Daa'uudba.
Sidaas daraaddeed Masiixa waxaa hal mar loo bixiyey inuu qaado dembiyada kuwa badan. Dhiigga Ciise Masiix, oo ah Inankii Ilaah, wuxuu innaga nadiifiyaa dembi oo dhan.
Dhimashadiisu guuldarro ma ay ahayn, laakiinse guul weyn bay ahayd. Dhimashadiisu guul weyn bay ahayd, maxaa yeelay, markaasay adiga kuu suurowday in Ilaah ku aqbalo. Dhimashadii Ciise Masiix mooyaane, si kale oo Ilaah kuu aqbali karaa ma jirto. Ilaah wuxuu kaa doonayaa inaad qalbiga ka aqbashid dhimashadii Ciise Masiix, haddii kale, weligaaba waad hallignaanaysaa.
Dhimashadii Ciise Masiix ma aysan ahayn dhammaadkiisii. Ilaahay wuu ka sara kiciyey dhimashadii. Taasu waxay ahayd waqti la yaab leh oo taariikhdu caddaysay. Ciise Masiix wuxuu ka soo sara kacay kuwii dhintay oo wuxuu ku noqday jannada oo wuxuu la joogaa Eebbe.
Haddaba adiga waxaa kuu eg in Ciise Masiix aad u aqbashid inuu yahay beddelkaagii kuu dhintay. Waa inaad Ilaah ku tiraahdaa, "Ilaahow, anigu dembi baan qabaa, oo waxaan doonayaa inaad adigu i aqbashid. Waan ogahay in sida keliya oo aad igu aqbali kartaa ay tahay inaan Ciise Masiix u aqbalo beddelkayga. Waan ogahay inuu isagu bixiyey qaamihii dembigayga oo dhan."
Haddii aad sidaas tiraahdid oo ay daacad ka tahay, Ilaah wuu ku aqbali doonaa. Markii aad saas yeeshid, waxaad dooni doontaa inaad ku noolaato nolol aammin ah oo nadiifsan. Ilaah wuu kugu caawimi doonaa inaad nolol saas oo kale ah ku noolaato. Haddii aadan Ciise Masiix aqbalin weligaaba waad hallignaan doontaa.
Tijaabada Siddeedaad
Sayid Ciise Masiix
Waxaad doorta jawaabta saxda ah. Saddexda jawaab mid qura ayaa sax ah. Barta oo dhinaca bidix ku taal bal guji.
1. Anigu waxaan ahay
Qof xaqaani ah.
Mid Ilaah u aqbali karo sida uu yahay.
Dembile.
2. Ciise Masiix wuxuu u dhintay sidan
Shil oo kaleeto.
Beddelkayaga oo kale.
Masaal inaynu u kaalmayno dadka kale oo keliya.
3. Dhimashadii Ciise Masiix waxay ahayd
Guuldarro.
Guul.
Masiibo inuu ka leexdo oo uu isku dayey.
4. Dembigayga oo dhan waxaa iga nadiifin karaa
ficilladayda wanaagsan.
Diintayda.
Dhiigga Ciise Masiix.
5. Haddii aynan hadda aqbalin dhiigga Sayidka Ciise Masiix
Nolol wanaagsan baynu ku noolaan karnaa, Ilaah waa ina aqbali karnaa.
Aakhiro aynu ku heli doonnaa.
Waynu hallignaan doonnaa weligayba.
Su'aalahan dhawr oo erayada dersiga ku jira kaga jawaab:
6. Xaawa iyo Aadan waxay lahaayeen harag ay ka huwadaan. Innaga haragga huwiskeennu waa ayo?
7. Haabiil allabbari la aqbali karo ayuu bixiyey. Innaga allabbarigeennu waa ayo?
8. Waxyaalihii nebi Daa'uud sii sheegay oo dhan yaa kaamilay?
Kuwan "run" iyo "been" mid kaga jawaab:
9. Ciise Masiix wuu ka soo sara kacay kuwii dhintay.
Run
Been
10. Haddii aan doonayo in uu Ilaah i aqbalo, waa inaan rumaysto Ciise Masiix inuu yahay beddelkaygii oo aan aqbalaa.
Run
Been
Magacaaga oo dhan
:
Cinwaanka Iimaylka
:
Magaalada
:
Waddanka
:
Su'aal ama Ra'yi
:
"
Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa,
Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo,
Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
"
Sabuurka 56:4
Nagala soo Xiriir
|
Site Map
|
© Copyright 2006 Nolosha Cusub. All rights reserved.