Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Aqoondirsad > Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  

Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada

Hordhac
Casharka 1aad - Nuux -- Wuxuu Sameeyey Sidii Ilaah ku Amray
Casharka 2aad - Ibraahim -- Wuxuu Ahaa Saaxiibkii Ilaah
Casharka 3aad - Yuusuf -- Wuxuu Muujiyey Jacaylka Ilaah
Casharka 4aad - Muuse -- Wuxuu Helay Erayga Eebbe
Casharka 5aad - Daa'uud -- Wuu Toobadkeenay Waana la Cafiyey
Casharka 6aad - Ishaacyaah -- Wuxuu Horey u Sii Sheegay Badbaado
Casharka 7aad - Yooxanaa Baabtiisaha -- Wuxuu Xaqiijiyey Waaqdhaaca Kaamilka Ah
Casharka 8aad - Ciise -- Wuxuu Dadka u Muujiyey Ilaah

Sidee ayaa Ilaah ugu yeedhay nebiyadii, oo u hoggaamiyey iyaga si ay banii-aadanka oo dhan u barakeeyaan?

Sidee ayaad Ilaah ku ogaan kartaa oo aad doonistiisa u samayn kartaa sidii nebiyaduba u sameeyeen?

Koorsadan Wixii Aan Ka Maqalnay Nebiyada waxay ka hadlaysaa isbeddelkii iyo waaya’aragnimadii ay soo martay nolosha sideed ka mid ah nebiyadii Ilaah. Haddii aad si taxaddar leh u baratid koorsadan, una adeecdid erayadii nebiyada, waxay kugu caawin doontaa oo aad ogaan doontaa sidii aad Ilaah ugu hoggaansami lahayd.


" Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno. Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix..." Warqaddii Rasuul Bawlos U Qoray Dadkii Rooma 15:4-5