Nolosha Cusub
Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Taariikhda Kiniisadda ee Soomaaliya Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  

Taariikhda Kiniisadda ee Soomaaliya

Dad badan ayaa Masiixiyadda ka aamminsan khalad, waxaanay u haystaan diin shisheeye oo ah diinta dadka reer galbeedka  sida Yurub iyo Ameerika. Run ahaantii, Masiixiyaddu waxay ka soo bilaabantahay Bariga Dhexe, oo faafitaankeeduna Afrika wuu kaga soo horreeyay marka loo eego waddamada reer galbeedka. Falimaha Rasuullada cutubka 8, waxaan ka akhrin karnaa, madaxii ugu sarreeyay boqortooyadii Nubiya oo ahayd woqooyiga waddanka Suudaan inuu noqday Masiixi. Kiniisadda Masar ayaa iyaduna waxay bilaabantay, in yar kaddib markii Sayid Ciise Masiix loo kor qaaday samada. Sidoo kale kiniisadda Itoobiya  ayaa iyaduna waxay bilaabantahay 320-kii markii wiil yar oo kasoo jeeday meesha maanta loo yaqaano Lubnaan ay afduubeen qolo budhcad ahi, sidaasi darteedna Frumentiyus waxa uu Masiixi ka dhigay Boqorkii Aksum. Intaas kaddib, taariikh yahannada Carabta ayaa waxay qoreen in kiniisadi ay ka dhisnayd magaalada Seylac ilaa intii ka dambaysay sanadkii 1000-kii.


Qoraalladeennan ayaa haddaba waxa ay yihiin kuwo aannu kaga sheekaynano kiniisadda Masiixa ee ummadda Soomaalida. Sidoo kalena waxa ka mid noqon doona taariikhda kuwo ka mida dadkii Soomaaliyeed ee Masiixiyiinta ahaa ee dhintay maantana ku jira jannada.

Cabdulqaadir Warsame Cumar

Shahiid Liibaan Ibraahim Xasan









3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab
.
Sabuurka 108:3-6