Nolosha Cusub
Skip Navigation Links
Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Suugaan > Qaynuunka dahabkaa Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  


Qaynuunka dahabkaa

1. Qaynuunka dahabkaa
Qalbi khayr ku jiro buu
Qaneeco u siyaadshaa.

2. Kitaabkaan Quduuskaa
Qoraallada falliimaha
Qof nasiib leh baa hela

3. Qowlkii Masiixiyo
Ku qabownay nuurkoo
Qalbiguu daaweeyaa

4. Qaladkiyo habowgii
Quraafaadka beentaa
Naga saar qalloocii

5. Qorraxdaas iftiinkaa
Lama qarin karaayee
Qunyar maad wax fahantaan

6. Quwad loo dhawaaqdaa
Qaadir noo sameeyee
Qorshihiisu wacanaa

7. Qiritaanka Ciisiyo
Qaadashada kalaamkaa
Qalinkuba ku xiran yahay

8. Dembi baynu quusnoo
Qoor dhiibadkiisii
Naga qaad culayskii

9. Qodobbada gacmaha iyo
Qoobabkiisa lagu mudey
Waqdhaacii ma loo qalay

10. Qiyaamuhu hadduu dhaco
Qofna lama aqbalayee
War hoy maad isqabataan

11. Qoonkaas la duufsaday
Qiirada ku suganow
Maad qoomamaysaan

12. Qolo aan wax baarayn
Qaflad bay u halistee
Injiilka maad qur qur qurisaan

13. Qayrkeen siduu yahay
Aan quruxda gaarnee
Qar qarsiga ma goynaa






"Xusuuso Eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay. Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, Eraygaagaa i soo nooleeyey. Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen,Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan. Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey. " Sabuurka 119:49-51