Nolosha Cusub
Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Suugaan > Ilaahow na tilmaanoo Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  


Ilaahow na tilmaanoo

Ilaahow na tilmaanoo taada uun ha ahaato
Ilaahow aan tanaadnee mu'miniinta tayee.
Ilaahow taladeenniyo tacabkeenna wanaaji
Ilaahow nagu toosi tubta khayrku ku yaal.
Masiixiyiin isku tiirsan xaqa aan ka tageynin
Tukadaannu nahee na taabsii naxariis.
Taageeraad fidisaayoo dadka waad u turtaaye
Tuugmadeenna ajiiboo yaannan toobadda seegin.
Ilaahow hana tuurin Sayidka aan u tagnee
Ibliiskii la takooray tuuggu yuusan na leexsan.
Qofkii tiisa ku raaca wuu taxaabanayaaye
Turxaan yaanan u yeelanoo tukuhu yuusan na feenan.
Aadan buu tafantaafay tuhun buu gashey Xaawo
Tarankii ay dhaleenna tobanba meel u kaxaysay.
Wadda meel xun tageysiyo toorayaal u samee
Tabcadiisiyo xeesha Ilaahow kala tuur






3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab
.
Sabuurka 108:3-6