Nolosha Cusub
Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Suugaan > Nuurkii Adduunka Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  


NUURKII ADDUUNKA

1. Nabar aan daawo lahayn,
Oo lala nusqaamiyo,
Naf go’doo xabaalani,
Nooleeyihiiyow!
Nuurkii adduunkow,
Naruuradaada qaaliga ah,
Nimcadaada wax naga sii.
Nimcadaada wax naga sii.

2. Markii aan nuglaannee,
Niyadda naga xumaatee,
Qalbigu naafo gaadho,
Naxariistihiiyow!
Ciise nuurkii dunidow,
Naruuradaada qaaliga ah,
Nimcadaada wax naga sii.
Nimcadaada wax naga sii.

3. Adaa nacabka Shayddaan,
Ee qalbiga negida ku ahaa,
Niyadda iiga saaroo
Naarta iga xoreeyee.
Kuwa naca xambaarsanee
Aan garan nasteexada,
Nimcadaada gaarsii.
Nimcadaada gaarsii.








3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab
.
Sabuurka 108:3-6