Nolosha Cusub
Skip Navigation LinksHoyga > Qoraal > Qoraal Gaaban > Qirashada Iimaanka Qof kale u dir Boggan iimayl ugu dir saaxiib  

QIRASHADA IIMAANKA

Si aad u dhegaysato qirashadan oo duuban,waxaad gujisaa saddex xagalka dhinaceeda bidix ee cinwaanka "Qirashada Iimaanka" oo korka ku qoran..


Waxaan rumaysanahay Ilaaha Aabbaha ah
Oo ah Qaadirka uumay samada iyo dhulka,
Iyo Ciise Masiix, oo ah Inankiisa madigaa,
Inuu yahay Sayidkeenna,
In Ruuxa Qoduuskaa laga uuraystay,
Oo uu ka dhashay Maryan oo bikraa,
Oo uu ku hoos silcay Bontiyos Bilaatos,
Oo iskutallaabta lagu qodbay, oo uu dhintay,
Oo la aasay, inuu maalintii saddexaad soo noolaaday,
Oo samada aaday, oo uu haatan fadhiyo gacanta midigtaa
Oo Ilaah Aabbaha Qaadirkaa;
Oo halkaasuu ka iman doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
Waxaan rumaysanahay Ruuxa Qoduuskaa,
Kiniisadda Ciise Masiix oo caalamigaa, ururka awliyada, cafiga dembiga,
Sarakicidda jirka, iyo nolosha daa'imiskaa.
Aammiin.


3 Rabbiyow, mahad baan kuugu naqi doonaa dadyowga dhexdooda,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa quruumaha dhexdooda.
4 Waayo, naxariistaadu way ku weyn tahay samooyinka korkooda,
Oo runtaaduna waxay gaadhaa ilaa daruuraha.
5 Ilaahow, samooyinka ka sarree,
Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,
6 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed,
Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab
.
Sabuurka 108:3-6