BARYADA RABBIGA
(Injiilka sida Matayos u qoray 6:9-13)
Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.
Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo
sida jannada loogu yeelo.
Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.
Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.
Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du.
Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
|
|
"Xusuuso Eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.
Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, Eraygaagaa i soo nooleeyey.
Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen,Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.
" Sabuurka 119:49-51
|
|
|
|
|