|
Ku soo dhowaada Nolosha Cusub!
Hordhac
Naftu waxay u baahan tahay Adduun iyo Aakhiraba, farxad, nabad, guul iyo nolol wacan
oo wanaagsan. Hase yeeshee, marka la eego xaaladaheenna adduunkan, inta badan ma
sahlana, waxaa jira duruufo innaga hor taagan in aan helno farxad iyo waxa ay nafteennu
si dhab ah ugu baahnayd, taasina waxaa sabab u ah sidaan carrabka ku soo dhufanay
dhibaatooyin farabadan oo ina soo food saaray sida: dagaal sokeeye oo sababay bara
kac iyo qax, qariibnimo, iyo cuduro, dandarro, caasinnimo iyo caddaaladdarro.
Boggan waxaad ka heleysaan aqoonta jidka nolosha cusub oo kugu hoggaaminaysa wanaagga,
nabad ku-wada-noolaanshaha, barwaaqada qalbiga, iyo barakada aan ka heleyno Eebbaheennna
ina abuuray ee ina jecel dhammaanteen. Boggani waa hoggaan u horseedaya ummadda
af-Soomaaliga ku hadasha wanaag iyo inay ku waarto nolol tayo leh! Ujeeddadayadu
waa inaan idin siinno dhiirrigelin ku salaysan ballamada Rabbiga, ballamadaas oo
qarni hore Ilaah u soo waxyooday nebiyada iyo rasuullada.
|
" Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna,
inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno.
Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix..." Warqaddii Rasuul Bawlos U Qoray Dadkii Rooma 15:4-5
|
|
|
|
|