Kaca! I maqla! I dhegeysta!
Caro, ciqaab, iyo xukun baa dul iman doona kuwa Ilaah ka leexday. Toobadkeena! Toobadkeena!
Oo quluubtiinna Ilaah u jeediya!
Dadku waxay digitaankaas ka maqleen dhowr nebi. Welibana, mid kale ayaa yimid, isagoo
hareeraha webiga Urdun kaga wacdiyaya isla erayadaas. Waxaa markaas halkan jooga
nebi kale oo dadka uga digayey inay ka toobadkeenaan dembiga, oo aqbalaan qorshaha
Ilaah u hayo noloshooda, iyo inay Isaga ugu adeegaan kalgacal iyo daacadnimo.
Ninkani maanu ahayn nin soo jiidasho leh, oo hor mari jiray boqorro, sidii Ishacyaah.
Ninkanu wuxuu u ekaa nin duurjoognimo ay ka muuqato oo lamaddegaanka joogay, wuxuuna
gashanaa dhar maqaar laga sameeyey isagoo ku hadlaya erayo la garan karo.
Maxay haddaba dadku iyagoo hormo hormo ah inta magaalooyinka iyo beerahoodiiba ka
tageen u soo istaageen webi Urdun si ay u maqlaan? Laga yaabaa inay qaarkood sharraxaad
ka bixin kareen sida dareenkoodu u kacay markii ninkaanu toobadda ugu yeeray. Ma
ayan garan in wakhtiganu ahaa mid khaas ah oo taariikhda ku jira. Waxay lahaayeen
hab ay iskaga dhigaan dad diinta raacaya oo is huba. Laakiin, niyaddooda bay ka
dareemeen gocasho iyo marnaan. Waxay sugayeen akhbaarka ku saabsan Masiixii la ballanqaaday,
Kii Subkan ama la Caleemasaaray, Bixiyihii iman lahaa. Muxuu haddaba nebigan yaabka
leh ee Yooxanaa Baabtiisaha ama Maquuriyaha la yiraahdo oran lahaa? Maxayse u dhegaysanayeen
isaga?
Casharkan waxaad ka baran doontaa...
- Maxaynu u dhegaysanaynaa Yooxanaa Baabtiisaha?
- Farriin noocee ah ayuu inoo keenay?
- Sidee baynu u xaqiiqsan karnaa in taasu run tahay?
Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...
- Faallo ka bixiso meesha Yooxanaa Baabtiisaha uu kaga jiro qorshaha Ilaah.
- Faallo ka bixiso waxa loola jeeddo erayga Baraarka ama Wanka Ilaah.
- Sharraxaad ka bixiso sida wax-sii-sheegiddii Eebbe loo kaamilay.
- Doontid inaad wax badan ka barato Ciise Masiix.
MAXAYNU U DHEGAYSANAYNAA YOOXANAA BAABTIISAHA?
Ishacyaah wuxuu wax-ka-sii-sheegay in Ilaah soo diri doono qof la mid ah cod ka
dhawaaqaya lamaddegaanka oo ogeysiinaya imaanshaha Bixiyaha dhabta ah. Yooxanaa
Baabtiisaha ayaa ahaa codkaas.
Nebigan weyn wuxuu si mucjiso ah uga dhashay waalidiin da' weynaaday, oo la kala
yiraahdo Sakariyas iyo Elisabet. Ilaah wuxuu u soo diray iyaga malag, si uu ugu
sheego in wiil u dhalan doono. Malaggu wuxuu kaloo u sheegay inay ku magacaabaan
Yooxanaa, oo hawshiisu dad badan bay aad muhiim ugu ahaan doontaa. Shaqadiisuna
waxay noqon lahayd inuu jidka u diyaariyo Ilaah, si uu dadka isugu muujiyo. Taasu
waxay ahayd inuu quluubta dadka u diyaariyo inay aqbalaan muujinta Ilaah.
Yooxanaa wuxuu u dhashay, sidii malaggu sheegay. Markii uu korayeyna, waalidiintiis
waxay isagii bareen inuu ahaado addoon Ilaah oo daacad, aammin iyo muddiic ah. Maalmihii
hore ee noloshiisa ayuu ogaaday in Ilaah si khaas ahaaneed u isticmaali doono. Wuxuuna
aqbalay u yeerista Ilaah si uu u kaco oo uu ugu digo dadka. Ilaa wakhtigii uu bilaabi
lahaa shaqadiisii yimidna, si deggan buu ugu noolaa lamaddegaanka. Wuxuu cuni jiray
cuntada reer baadiyaha ee caadiga ah, wuxuuna wakhtigiisii oo dhan u huray tukasho
iyo akhrinta Erayga Eebbe, oo wuxuu si buuxda ugu go'ay Ilaah dhan kastaba.
Dabadeedna Ilaah baa isagii ku hoggaamiyey inuu wacdiskiisa ka bilaabo qarka webi
Urdun, sidaan soo aragnay. Noloshiisu waxay u go'day Ilaah, oo farriintiisuna way
caddayd oo waxay ahayd mid munaasab ah, taasoo keentay inuu dad badan soo jiito.
Waxaanay dadkii isku yiraahdeen, "Kaalaya, aynu dhegaysannee. Oo aynu maqalno
wuxuu leeyahay. Lagaba yaabo in ninkanu yahay Masiixii imaan lahaa."
Xaqiiqdii, waxaad arkaysaa, in badanaa dadku ay u aqbaleen dhaqanka caadi ahaan
ula xiriira diintooda. Uma bannaanayn inay waxyaabaha caadooyinkooda ku saabsan
su'aal ka keenaan. Laakiin sida xaqiiqda ahna ma ayan qanacsanayn. Waxay ugu muuqatay
in quluubtoodu ahaayeen sidii meel lamaddegaan ah. Bacdamaa ay garanayeen in noloshooda
ayan Ilaah ka farxinayn, waxay dareemeen eed. Farriinta Yooxanaa ayaa wareerisay.