DEU SHARCIGA KUNOQOSHADIISA
KITAABKII SHANAAD EE MUUSE EE LA YIDHAAHDO
Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix
lambarka liiska:
1
Amarka In Laga Guuro Xoreeb
1 Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil
markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo
hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood,
iyo Diisaahaab. 2 Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa
Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca.
3 Oo sannaddii afartanaad bisheedii koob iyo tobnaad, maalinteedii kowaad ayaa Muuse
reer binu Israa'iil kula hadlay kulli amarradii Rabbigu ugu soo dhiibay oo dhan.
4 Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa
boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan
oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal. 5 Oo meeshaas ee
Webi Urdun ka shishaysa oo ku taal dalka reer Moo'aab ayaa Muuse ka bilaabay inuu
caddeeyo sharcigan, oo wuxuu yidhi, 6 Rabbiga Ilaaheenna
ahu wuxuu inala hadlay intaan Xoreeb joognay oo wuxuu inagu yidhi, Buurtan in idinku
filan waad degganaydeen, 7 haddaba noqda oo guura oo waxaad
tagtaan dalka buuraha leh oo reer Amor, iyo meelaha halkaas u dhow oo dhan oo ah
Caraabaah, iyo dalka buuraha leh, iyo dooxooyinka, iyo xagga koonfureed, iyo badda
xeebteeda, kuwaasoo ah dalka reer Kancaan, iyo Lubnaan, iyo tan iyo webiga weyn
oo Yufraad. 8 Bal eega, dalka waan idin hor dhigay, haddaba
gala oo hantiya dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq
iyo Yacquub inuu siinayo iyaga iyo farcankooda ka dambeeyaba
Magacaabiddii Odayaasha
9 Oo anna markaas waan idinla hadlay oo waxaan idhi, Anigu
idinma aan qaadi karo keli ahaantay. 10 Rabbiga Ilaahiinna
ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha
samada oo kale. 11 Oo weliba Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin
ha idinka dhigo kun jeer in ka sii badan intaad haatan tihiin, oo ha idiin barakeeyo
siduu idin ballanqaaday! 12 Oo bal anigoo keligay ah sidee
baan u qaadi karaa culayskiinna iyo rarkiinna iyo rabshaddiinna?
13 Haddaba siday qabiilooyinkiinnu yihiin waxaad kala soo baxdaan
rag xigmad leh oo waxgarad ah oo caan ah, oo anna waxaan iyaga ka dhigayaa madax
idiin talisa. 14 Oo idinna waad ii jawaabteen oo waxaad igu
tidhaahdeen, Waxaad ku hadashay waa noo wanaagsan yihiin inaannu samayno.
15 Sidaas daraaddeed waxaan soo kaxaystay madaxdii qabiilooyinkiinna
oo ah rag xigmad leh oo caan ah, oo waxaan ka dhigay madax idiin talisa, oo ah kun
u taliyayaal, iyo boqol-u-taliyayaal, iyo konton-u-taliyayaal, iyo toban u taliyayaal,
iyo saraakiil, siday qabiilooyinkiinnu ahaayeen. 16 Oo waagaas
ayaan xaakinnadiinna amray, oo waxaan ku idhi, Maqla dacwadaha walaalihiin dhex
yaal, oo caddaalad ugu kala garsoora nin iyo walaalkiis iyo shisheeyaha isaga la
jira. 17 Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii
yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina,
waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna
taas waan maqli doonaa. 18 Oo waagaas waxaan idinku amray
wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.
Diriddii Basaasiinta
19 Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay
cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro
dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu
nimid Qaadeesh Barneeca. 20 Oo anna markaas waxaan idinku
idhi, War waxaad timaadeen dalka buuraha leh oo reer Amor ee Rabbiga Ilaaheenna
ahu ina siinayo. 21 Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkii
buu idin hor dhigay. Haddaba u kaca, oo hanti u qaata sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin
uu idiin sheegay, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina. 22
Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu
niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan
jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno. 23 Oo anna
taas aad baan ugu farxay, markaasaan idinkala soo baxay laba iyo toban nin, oo qabiil
kastaba nin baan ka soocay. 24 Kolkaasay noqdeen oo buurtii
u kaceen, oo waxay gaadheen dooxadii Eshkol, wayna soo basaaseen.
25 Oo waxay gacmahooda ku soo qaadeen dalka midhihiisii, oo innagay
inoo keeneen, oo haddana intay inoo war keeneen ayay yidhaahdeen, Dalku waa dal
wanaagsan oo Rabbiga Ilaaheenna ahu ina siinayo.
Dadka Oo Ku Caasiyoobay Rabbiga
26 Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad
ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah. 27 Oo teendhooyinkiinna
ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo
aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor
oo ay ina baabbi'iyaan. 28 Bal xaggee baynu u sii kacnaa?
Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku
waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn
yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas
ku soo aragnay reer Canaaq. 29 Oo markaasaan idinku idhi,
Ha cabsanina, hana ka baqina. 30 Waayo, waxaa idiin dagaallami
doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna
hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar, 31 iyo cidladii oo
aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu
idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen.
32 Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna
ah 33 oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu
idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab
ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.
34 Oo Rabbigu wuu maqlay codkii erayadiinna, markaasuu cadhooday
oo intuu dhaartay ayuu yidhi, 35 Hubaal dadka qarnigan sharka
ah midkoodna ma arki doono dalka wanaagsan oo aan ku dhaartay inaan awowayaashiin
siinayo, 36 Kaaleeb ina Yefunneh mooyaane; isagu wuu arki
doonaa, oo waxaan dhulkii uu cag mariyey siin doonaa isaga iyo carruurtiisaba, maxaa
yeelay, isagu dhammaan ahaanba ayuu Rabbiga u raacay. 37
Oo weliba Rabbigu wuu ii cadhooday idinka aawadiin oo wuxuu yidhi, Adiguna halkaas
geli maysid. 38 Yashuuca ina Nuun oo hortaada taagan ayaa
halkaas geli doona. Isaga dhiirrigeli, waayo, reer binu Israa'iil ayuu dalkaas dhaxalsiin
doonaa. 39 Oo weliba yaryarkiinna, oo aad tidhaahdeen, Waa
la dhacayaa, iyo carruurtiinna maanta aan khayr iyo shar kala aqoon, iyagu dalkaas
way geli doonaan, oo iyagaan siin doonaa, iyana way hantiyi doonaan.
40 Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda
Cas loo maro. 41 Markaasaad jawaabteen oo waxaad igu tidhaahdeen,
Rabbiga waannu ku dembaabnay, haddaba waannu tegaynaa oo waxaannu u dagaallamaynaa
sidii Rabbiga Ilaahayaga ahu nagu amray. Oo midkiin waluba wuxuu dhexda ku xidhay
hubkiisii dagaalka, oo waxaad mooddeen inay fudud dahay inaad buurta u kacdaan.
42 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad iyaga ku tidhaahdaa,
Kor ha u kicina, hana dagaallamina, waayo, anigu idinkuma dhex jiro, haddii kalese
waxaa laydinku layn doonaa cadaawayaashiinna hortooda. 43
Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga
ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.
44 Oo reer Amorkii buurta degganaa ayaa idinku soo baxay oo idiin
soo eryaday sida shinnida, oo waxay idinku jebiyeen Seciir iyo tan iyo Xormaah.
45 Markaasaad soo noqoteen oo Rabbiga hortiisa ku ooydeen,
laakiinse Rabbigu codkiinnii ma uu maqlin, dhegna idiinma uu dhigin.
46 Sidaas daraaddeed Qaadeesh ayaad maalmo badan degganaydeen intii
ay ahaayeen maalmihii aad halkaas degganaydeen.
^ Dib u celi bilawga ^
2
Ku Wareegiddii Cidlada
1 Markaasaynu noqonnay, oo waxaynu u guurnay cidladii ku
tiil jidka Badda Cas loo maro, sidii Rabbigu igu amray, oo in maalmo badan ah baynu
ku wareegaynay Buur Seciir. 2 Markaasaa Rabbigu ila hadlay
oo wuxuu igu yidhi, 3 Idinku buurtan wakhti dheer baad ku
wareegayseen, haddaba xagga woqooyi u leexda. 4 Oo adigu
waxaad dadka ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Idinku waxaad dhex martaan soohdinta walaalihiin
reer Ceesaw oo Seciir deggan, oo iyana way idinka cabsan doonaan, haddaba si wanaagsan
u digtoonaada, 5 hana la diririna, waayo, dalkooda idinka
siin maayo xataa intii cagta la saaro, maxaa yeelay, Buur Seciir hanti baan u siiyey
reer Ceesaw. 6 Wax aad cuntaan lacag kaga iibsada, oo weliba
biyo aad cabtaanna lacag kaga iibsada. 7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna
ahu waa idinku wada barakeeyey shuqulkii gacantiinna oo dhan, oo isagu wuu yiqiin
socodkiinnii aad cidladan soo dhex marteen. Afartankan sannadood ayaa Rabbiga Ilaahinna
ahu idinla jiray, oo waxba uma aydaan baahan.
8 Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir
degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber.
Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.
9 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Reer Moo'aab ha dhibin, dagaalna ha kula diririn,
waayo, dalkooda waxba hanti idiinka siin maayo, maxaa yeelay, Caar waxaan hanti
u siiyey reer Luud. 10 (Waagii hore waxaa halkaas degganaan
jiray reer Eymiim oo ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq.
11 Oo kuwaasna sida reer Canaaq ayaa waxaa la odhan jiray Refaa'iim,
laakiinse reer Moo'aab waxay iyaga ku magacaabaan reer Eymiim.
12 Oo reer Xorna waagii hore waxay degganaan jireen Seciir, laakiinse reer Ceesaw
ayaa daba hantiyey oo hortooda ka baabbi'iyey, oo meeshoodii degay, sida reer binu
Israa'iil ay ku sameeyeen dalkii ay hantiyeen oo Rabbigu iyaga siiyey.)
13 Haddaba kaca oo ka gudba durdurka Sered. Oo markaasaynu ka gudubnay
durdurkii Sered. 14 Oo wakhtigii u dhexeeyey waagii aan Qaadeesh
Barneeca ka soo kacnay iyo markii aan durdurka Sered ka soo gudubnay wuxuu ahaa
siddeed iyo soddon sannadood, ilamaa qarnigii dagaalyahannada ahaa oo dhan laga
wada baabbi'iyey xerada dhexdeedii, sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay.
15 Oo weliba gacantii Rabbigu iyaga gees bay ka ahayd, si iyaga
looga wada baabbi'iyo xerada dhexdeeda jeeray wada baabba'aan.
16 Markii dadkii dagaalyahannada ahaa oo dhammu ay wada baabbe'een
oo ay dadka dhexdiisii ka wada le'deen, 17 ayuu Rabbigu ila
hadlay oo igu yidhi, 18 Maanta waa inaad ka gudubtaa Caar
oo ah soohdinta dalka Moo'aab, 19 oo markaad u soo dhowaato
reer Cammoon, iyaga ha dhibin hana la diririn, waayo, waxba hanti idiinka siin maayo
dalka reer Cammoon, maxaa yeelay, halkaas waxaan hanti u siiyey reer Luud.
20 (Weliba dalkaasna waxaa lagu tiriyaa inuu yahay dalkii reer Refaa'iim,
maxaa yeelay, waagii hore waxaa halkaas degganaan jiray reer Refaa'iim, laakiinse
reer Cammoon waxay iyaga ku magacaabaan Samsummiim, 21 oo
ahaa dad waaweyn oo badan oo dhaadheer sida reer Canaaq, laakiinse Rabbiga ayaa
hortooda ka baabbi'iyey, kolkaasay daba hantiyeen oo meeshoodii degeen,
22 siduu reer Ceesaw oo Buur Seciir deggan u sameeyey markuu hortooda
ka baabbi'iyey reer Xor oo ay daba hantiyeen oo ay meeshoodii degeen ilaa maantadan
la joogo. 23 Oo reer Caw oo degganaa tuulooyin tan iyo Gaasa
yiil waxaa wada baabbi'iyey oo meeshoodii degay reer Kaftoriim oo ka soo baxay Kaftoor.)
Boqorkii Xeshboon Oo Laga Adkaaday
24 Haddaba kaca oo guura, oo waxaad ka gudubtaan dooxada
Arnoon. Bal eeg, waxaan gacantaada soo geliyey boqorka Xeshboon oo Siixon ah oo
reer Amor iyo dalkiisaba. Haddaba waxaad bilowdaa inaad dalka hantidid oo aad isaga
la dagaallantaa. 25 Maanta waxaan bilaabayaa inaan cabsidaada
iyo baqdintaada ku soo dejiyo dadyowga samada ka hooseeya oo dhan, oo waxay maqli
doonaan warkaaga, kolkaasay gariiri doonaan oo kaa nixi doonaan.
26 Oo anigu waxaan cidladii Qedemood uga diray boqorkii Xeshboon
oo Siixon ahaa wargeeyayaal hadallo nabdeed sida, oo waxaan ku idhi,
27 Dalkaaga aan dhex maree. Waxaan iska marayaa jidka weyn, oo u
leexan maayo xagga midigta iyo xagga bidixda toona. 28 Wax
aan cuno lacag igaga iibso, oo biyo aan cabbana lacag iga siiso, haddaba waxaa keliyahoo
aad ii yeeshaa inaan dalka cagahayga ku dhex maro, 29 oo
ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan
Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.
30 Laakiinse Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon inooma dayn
inaan dalkiisa marno, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa ruuxiisa qallafiyey oo qalbigiisana
wuxuu ka dhigay wax adag, si uu isaga u soo geliyo gacantaada siday maanta tahay.
31 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waxaan bilaabay
inaan Siixon iyo dalkiisaba gacantaada soo geliyo, haddaba waxaad bilowdaa inaad
hantidid aad dalkiisa dhaxashide. 32 Markaasaa Siixon iyo
dadkiisii oo dhammu inagu soo kaceen oo waxay inagula dirireen Yahas.
33 Oo Rabbiga Ilaaheenna ahu isaguu soo geliyey gacanteenna, oo
innana waynu dilnay isagii iyo wiilashiisii iyo dadkiisii oo dhanba.
34 Oo waagaasaynu wada qabsannay magaalooyinkiisii oo dhan, oo magaalooyinkii
la degganaa oo dhanna waynu wada baabbi'innay, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba, cidna
kama aynu reebin. 35 Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay
xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay. 36 Oo
magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda,
iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga
Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey. 37 Laakiinse
waxaa keliyahoo aadan u soo dhowaan dalkii reer Cammoon, iyo Webi Yabboq dhinaciisa
oo dhan, iyo magaalooyinka dalka buuraha leh, iyo meel alla meeshii uu Rabbiga Ilaaheenna
ahu inoo diiday.
^ Dib u celi bilawga ^
3
Boqor Coog Oo Laga Adkaaday
1 Markaasaynu leexannay oo waxaynu fuulnay jidka Baashaan
u baxa, kolkaasaa waxaa inagu soo baxay Coog oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii
oo dhan inay inagula diriraan Edrecii. 2 Markaasuu Rabbigu
igu yidhi, Isaga ha ka cabsan, waayo, gacantaan kuu geliyey isaga iyo dadkiisa oo
dhan iyo dalkiisaba, oo waxaad isaga ku samaysaa wixii aad ku samaysay Siixon oo
ahaa boqorkii reer Amor oo Xeshboon degganaa. 3 Oo sidaasuu
Rabbiga Ilaaheenna ahu Coogna oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhanba
gacanteenna u soo geliyey, oo waynu wada laynay ilaa aan isagii midna u hadhin.
4 Oo waagaasaynu magaalooyinkiisii oo dhan wada qabsannay,
oo magaalo aynaan isaga ka qabsan lama arag, oo waxaynu qabsannay lixdan magaalo
oo ahayd gobolkii Argob oo dhan, kaasoo ahaa boqortooyadii Coog ee Baashaan ku tiil.
5 Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen magaalooyin ay ku wada
deyran yihiin derbiyo dhaadheer iyo irdo iyo qataarro, oo aanay ku jirin magaalooyin
faro badan oo aan deyrnayn. 6 Oo dhammaantood waynu wada
duminnay, oo waxaynu ku samaynay sidii aynu Siixon oo boqorkii Xeshboon ahaa ku
samaynay oo kale, waynu wada baabbi'innay magaalo kasta oo la degganaa, iyo dumarkii
iyo dhallaankiiba. 7 Laakiinse waxaynu booli ahaan u qaadannay
xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka. 8 Oo waagaas ayaynu
dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa
tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon. 9 (Reer Siidoon
waxay Xermoon ku magacaabaan Siryon, reer Amorna waxay ku magacaabaan Seniir.)
10 Waxaynu wada qaadannay magaalooyinkii bannaanka ku yiil oo dhan,
iyo dalkii Gilecaad oo dhan, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo Salkaah iyo Edrecii
kuwaasoo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil oo dhan.
11 (Waayo, boqorkii Baashaan oo ahaa Coog keligiis ayaa ka hadhay
dadkii reer Refaa'iim, oo bal eeg, sariirtiisu waxay ahayd sariir bir ah, oo dhererkeedu
wuxuu ahaa sagaal dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa afar dhudhun, markii nin dhudhunkiis
lagu qiyaaso. Sariirtaas sow ma oollin Rabbaah oo ku taal dalka reer Cammoon?)
Kala Qaybintii Dalka
12 Oo dalkan waagaas ayaan hanti u qaadannay. Oo tan iyo
Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon agtiisa, iyo dalka buuraha leh oo reer Gilecaad
badhkiis iyo magaalooyinkiisaba waxaan siiyey reer Ruubeen iyo reer Gaad.
13 Oo waxaan qabiilka reer Manaseh badhkiis siiyey Gilecaad inteeda
kale iyo Baashaan oo dhan oo ah boqortooyadii Coog, intaasoo ah gobolka Argob oo
dhan iyo xataa Baashaan oo dhan. (Oo intaas waxaa lagu magacaabaa dalkii reer Refaa'iim.
14 Reer Yaa'iir oo ahaa ina Manasehna wuxuu qabsaday gobolka
Argob oo dhan iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo reer Macakaah, oo Baashaanna
wuu isugu magacaabay oo u bixiyey Hawood Yaa'iir, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.)
15 Oo Gilecaadna waxaan siiyey reer Maakiir. 16 Oo reer Ruubeen iyo reer Gaadna waxaan Gilecaad ka siiyey tan iyo
dooxada Arnoon taas oo ah dooxada badhtankeeda oo ah soohdinta, iyo xataa ilaa Webi
Yabboq kaasoo ah soohdinta reer Cammoon, 17 iyo Caraabaah,
iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah
oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.
18 Oo waagaas waxaan idinku amray oo idinku idhi, Rabbiga
Ilaahiinna ahu dalkan buu idiin siiyey inaad hantidaan. Raggiinna dagaalyahanka
ah oo dhammu idinkoo hub wata walaalihiinna reer binu Israa'iil hor mara oo gudba.
19 Laakiinse afooyinkiinna iyo yaryarkiinna iyo xoolihiinnu
ha iska joogeen magaalooyinkiinna aan idin siiyey, (waayo, waan ogahay inaad xoolo
badan leedihiin,) 20 ilaa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu
idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga
ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa
aan siiyey.
Muuse Oo Laga Maanacay Inuu Webiga Urdun Ka Gudbo
21 Oo waagaas ayaan Yashuuca amray oo waxaan ku idhi, Indhahaagu
way arkeen kulli wixii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku sameeyey labadan boqor. Oo boqortooyooyinka
aad u gudbaysid oo dhan Rabbigu saasuu u gelayaa. 22 Haddaba
ha ka cabsanina, waayo, waxaa idiin dagaallamaya Rabbiga Ilaahiinna ah.
23 Markaasaan Rabbiga baryay oo waxaan idhi,
24 Sayidow, Ilaahow, waxaad bilowday inaad anoo addoonkaaga ah i
tusto weynaantaada iyo gacantaada xoogga badan, waayo, waa kee ilaaha ku jiraa samada
amase dhulka oo samayn kara shuqulladaada oo kale iyo falimahaaga waaweyn oo kale?
25 Haddaba waan ku baryayaaye, aan u gudbo oo aan arko dalka
wanaagsan oo ka shisheeya Webi Urdun, kaasoo ah buurtaas wanaagsan iyo Lubnaan.
26 Laakiinse Rabbigu idinka daraaddiin buu igu cadhooday,
imana uu maqlin. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Intaasu ha kugu filnaato, oo
mar dambe xaalkaas ha igala hadlin. 27 Haddaba u kac Buur
Fisgaah dusheeda, oo indhaha ku taag xagga galbeed iyo xagga woqooyi iyo xagga koonfureed
iyo xagga bari, maxaa yeelay, adigu ka gudbi maysid Webigan Urdun.
28 Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu
wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad
arki doontid. 29 Sidaas daraaddeed waxaan degnay dooxada
ka soo hor jeedda Beytfecoor.
^ Dib u celi bilawga ^
4
Addeeciddii Qaynuunnada Oo La Amray
1 Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada
aan idin barayo oo yeela si aad u noolaataan, oo aad u gashaan oo aad u hantidaan
dalkii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idin siinayo. 2
Oo erayga aan idinku amrayo wax ha ku darina, waxna ha ka dhimina, si aad u dhawrtaan
amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan idinku amrayo. 3 Indhihiinnaad
ku aragteen wixii Rabbigu sameeyey Bacal Fecoor aawadiis, maxaa yeelay, nimankii
Bacal Fecoor raacay oo dhan Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinna wuu ka wada baabbi'iyey.
4 Laakiinse intiinnii ku hadhay Rabbiga Ilaahiinna ah midkiin
kastaaba maanta waa nool yahay. 5 Bal eega, qaynuunno iyo
xukummo ayaan idiin baray sidii Rabbiga Ilaahayga ahu igu amray, inaad saas ku dhex
samaysaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan. 6 Haddaba
iyaga dhawra oo sameeya, maxaa yeelay, taasu waa xigmaddiinna iyo waxgarashadiinna
aad ummadaha hortooda ku yeelanaysaan, kuwaasoo markay qaynuunnadan oo dhan maqlaan
odhan doona, Hubaal quruuntan weynu waa dad xigmad leh oo waxgarad ah.
7 Waayo, bal waa tee quruunta weyn oo leh ilaaha saas iyada ugu
dhow, siduu inoogu dhow yahay Rabbiga Ilaaheenna ahu mar alla markaynu barinno?
8 Oo bal waa tee quruunta weyn oo haysataa qaynuunno iyo
xukummo xaq u ah siduu yahay sharcigan oo dhammu ee aan maanta idin hor dhigayo?
9 Laakiin digtoonaada oo naftiinna aad u dhawra, si aydaan
u illoobin wixii indhihiinnu arkeen oo ayan cimrigiinna oo dhan qalbigiinna uga
bixin, iyagase ogeysiiya carruurtiinna iyo carruurtiinna carruurtooda.
10 Xusuusta maalintii aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa istaagteen
oo aad Xoreeb joogteen, markii Rabbigu igu yidhi, Dadka ii soo shiri, oo anna waxaan
maqashiinayaa erayadayda inay bartaan inay iga cabsadaan intay dhulka ku nool yihiin
oo dhan, oo ay carruurtoodana saas baraan. 11 Oo idinkuna
waad soo dhowaateen oo waxaad istaagteen buurta hoosteedii, oo buurtiina waxaa ka
qaxmayay dab samada ku tolan, oo waxaa jiray madow, iyo daruur, iyo gudcur qaro
weyn. 12 Markaasaa Rabbigu idinkala hadlay dabka dhexdiisii,
oo idinku waxaad maqasheen erayada codkoodii, laakiinse wax qaab leh ma aydaan arkin,
waxaase keliyahoo aad maqasheen cod. 13 Oo wuxuu idiin caddeeyey
axdigii uu idinku amray inaad samaysaan, kaasoo ah tobanka amar, oo wuxuu iyaga
ku qoray laba loox oo dhagax ah. 14 Oo markaas Rabbigu wuxuu
igu amray inaan idin baro qaynuunno iyo xukummo, inaad ku dhex samaysaan dalka aad
ugu gudbaysaan inaad hantidaan.
Caabudiddii Sanamyada Oo Laga Maanacay
15 Haddaba aad u digtoonaada, waayo, wax qaab leh ma aydaan
arkin cayn kasta ha ahaadee maalintii Rabbigu dabka dhexdiisa idinkala hadlay oo
aad joogteen Buur Xoreeb, 16 waaba intaasoo aad iskharribtaan,
oo aad samaysaan sanam xardhan qaab kasta ha lahaadee, oo u eg lab ama dhaddig,
17 ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka
dhex duusha, 18 ama u eg wax dhulka gurguurta, ama u eg wax
kalluun ah oo ku jira biyaha dhulka ka hooseeya. 19 Ama waa
intaasoo aad indhaha samada kor ugu taagtaan, oo markaad aragtaan qorraxda iyo dayaxa
iyo xiddigaha oo ah ciidanka samada oo dhan, laydin jiitaa oo aad caabuddaan iyaga,
oo aad u adeegtaan, kuwaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu u qaybiyey dadyowga samada ka
hooseeya oo dhan. 20 Laakiinse Rabbigu wuu idin qaatay, oo
wuxuu idinka soo bixiyey foornadii birta ee dalkii Masar, inaad isaga u noqotaan
dad isaga keliyahu leeyahay, siday maantadan tahay. 21 Oo
weliba Rabbigu wuu iigu cadhooday idinka daraaddiin, oo wuxuu ku dhaartay inaanan
Webi Urdun ka gudbin, iyo inaanan gelayn dalka wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu
dhaxal idiin siinayo, 22 laakiinse anigu waa inaan dalkan
ku dhintaa, oo waa inaanan Webi Urdun ka gudbayn, laakiinse idinku waad gudbi doontaan,
waanad hantiyi doontaan dalkaas wanaagsan. 23 Digtoonaada,
waaba intaasoo aad illowdaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinla dhigtay, oo aad
samaysaan sanam xardhan oo u eg waxyaalihii Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin diiday.
24 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa dab wax baabbi'iya oo
waa Ilaah masayr ah.
25 Markaad carruur dhashaan oo carruurtiinnuna carruur sii
dhasho, oo aad dalka wakhti dheer sii joogtaan, oo aad iskharribtaan, oo aad samaysataan
sanam qaab kasta ha lahaadee, oo aad samaysaan wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiinna
ah hortiisa, oo aad isaga ka cadhaysiisaan,
26 waxaan samada iyo dhulka maanta ugu yeedhayaa inay idinku marag
furaan, inaad dhaqso uga wada baabbi'i doontaan dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan
inaad hantidaan. Dalkaas cimrigiinnu kuma raagi doono, laakiinse kulligiin waad
wada baabbi'i doontaan. 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala firdhin
doonaa dadyowga dhexdooda, oo quruumaha Rabbigu xaggooda idiin hoggaamin doono idinkoo
yar ayaad ku dhex hadhi doontaan. 28 Oo halkaas waxaad u
adeegi doontaan sanamyo gacma dad lagu sameeyey oo ah qoryo iyo dhagax, oo aan waxba
arag, waxna maqal, oo aan wax cunin, waxna urin. 29 Laakiinse
haddaad halkaas Rabbiga Ilaahiinna ah ka doondoontaan, waad heli doontaan, haddaad
qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku doondoontaan.
30 Markaad dhib ku dhex jirtaan, oo waxyaalahan oo dhammu ay idinku
dhacaan, marka u dambaysa waxaad ku soo noqon doontaan Rabbiga Ilaahiinna ah, codkiisana
waad dhegaysan doontaan, 31 maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna
ahu waa Ilaah naxariis badan, oo isagu idin gabi maayo, idinna baabbi'in maayo,
illoobina maayo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay.
Rabbiga Waa Ilaah
32 Bal haatan weyddii waayihii tegey oo idinka horreeyey,
ilamaa maalintii Ilaah dadka ku abuuray dhulka, iyo samada geesteed ilaa geesteeda
kale, inay jireen ama la maqlay wax sidan oo kale u weyn.
33 War weligeed dad ma maqlay codkii Ilaah oo ka hadlaya dab dhexdiisa sidaad u
maqasheen oo kale, oo ma sii noolaaday? 34 Oo weligiis Ilaah
maysku dayay inuu quruun dhexdeed kala soo baxo quruun kale, oo ma kaga soo bixiyey
jirrabaadyo, iyo calaamooyin, iyo yaabab, iyo dagaal, iyo gacan xoog badan, iyo
cudud fidsan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkoo u jeeda uu idiinku sameeyey dalkii
Masar? 35 Oo taas waxaa laydiin tusay inaad ogaataan in Rabbigu
yahay Ilaah, oo isaga mooyaane mid kale ma jiro. 36 Oo isagu
samaduu codkiisa idinka maqashiiyey si uu wax idiin baro, oo dhulka dushiisana wuxuu
idinka tusay dabkiisii weynaa, oo erayadiisiina waad ka maqashay dabka dhexdiisa.
37 Wuxuu jeclaa awowayaashiin, oo sidaas daraaddeed ayuu
doortay farcankoodii iyaga ka dambeeyey, oo wuxuu dalkii Masar idinkaga soo bixiyey
lajiriddiisa iyo xooggiisa weyn, 38 iyo inuu hortiinna ka
eryo quruumo idinka waaweyn oo idinka xoog badan, oo uu dalkooda idin geliyo oo
uu dhaxal idiin siiyo siday maanta tahay. 39 Haddaba maanta
ogaada oo qalbiga geliya in Rabbigu yahay Ilaah jooga xagga samada sare iyo xagga
dhulka hooseba, oo isaga mooyaane uusan mid kale jirin.
40 Oo waa inaad dhawrtaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan maanta
idinku amrayo, inaad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaaba nabdoonaataan,
oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo inaad weligiin
lahaataan.
Magaalooyinkii Magangalka
41 Markaasaa Muuse wuxuu gooni ka dhigay saddex magaalo oo
ku taal Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa,
42 in gacankudhiiglihii deriskiisa kama' u dilo, isagoo aan wakhti hore nebcayn,
uu halkaas ku cararo, iyo in hadduu magaalooyinkan middood ku cararo uu noolaado.
43 Saddexdaas magaalona waxay ahaayeen Beser oo ku taal cidlada
ah waddanka bannaan oo uu u doortay reer Ruubeen, iyo Raamod oo Gilecaad ku taal
oo uu u doortay reer Gaad, iyo Goolaan oo Baashaan ku taal oo uu u doortay reer
Manaseh.
Sharciga Oo La Hor Dhigay
44 Oo kanu waa sharcigii Muuse hor dhigay reer binu Israa'iil,
45 kuwanuna waa markhaatifurkii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii
uu Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay dalkii Masar ka soo baxeen,
46 iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda
Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa
oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.
47 Oo dalkiisii bay hanti u qaateen iyo dalkii boqorkii Baashaan
oo Coog ahaa, kuwaasoo ahaa labadii boqor oo reer Amor oo joogay Webi Urdun shishadiisa
xagga qorrax ka soo baxa. 48 Waxay qabsadeen tan iyo Carooceer
oo ku taal Dooxada Arnoon qarkiisa iyo xataa Buur Sii'oon (taasu waa Buur Xermoon),
49 iyo Caraabaah Webi Urdun ka shishaysa oo dhan oo xagga
bari ka xigta, iyo tan iyo badda Caraabaah oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah.
^ Dib u celi bilawga ^
5
Tobankii Amar
1 Markaasaa Muuse u wada yeedhay dadkii reer binu Israa'iil
oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada
aan maanta dhegahiinna kula hadlayo inaad iyaga barataan oo aad dhawrtaan si aad
u samaysaan. 2 Rabbiga Ilaaheenna ahu innagoo Xoreeb joogna
ayuu axdi inala dhigtay. 3 Oo Rabbigu axdigaas lama uu dhigan
awowayaasheen, laakiinse wuxuu la dhigtay innagoo ah inteenna maanta nool oo halkan
wada joogta oo dhan. 4 Oo Rabbigu isagoo buurta jooga fool
ka fool ayuu dabka dhexdiisa idiinkala hadlay, 5 (oo anna
markaas waxaan istaagay Rabbiga iyo idinka dhexdiinna si aan idiin tuso Eraygii
Rabbiga, waayo, waxaad ka cabsanayseen dabka, oo buurtana ma aydaan fuulin,) oo
isaguna wuxuu yidhi,
6 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahaaga ah, oo kaa soo bixiyey
dalkii Masar, iyo gurigii addoonsiga.
7 Aniga mooyaane ilaahyo kale waa inaanad lahaan.
8 Waa inaanad samaysan sanam xardhan, oo u eg waxa samada
sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira.
9 Waa inaanad iyaga u sujuudin, ama u adeegin, waayo, aniga
oo ah Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayr ah, oo xumaantii awowayaasha
waxaan soo gaadhsiinayaa carruurtooda, iyo tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad
oo kuwa i neceb, 10 oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah
kuwa i jecel oo amarradayda xajiya.
11 Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu
hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu
hadal qaada.
12 Dhawr maalinta sabtida inaad quduus ka dhigto sidii Rabbiga
Ilaahaaga ahu kuugu amray. 13 Lix maalmood waa inaad hawshootaa,
oo aad shuqulkaaga oo dhan qabsataa, 14 laakiinse maalinta
toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban,
adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga,
ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira,
si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.
15 Oo waa inaad xusuusataa inaad addoon ku ahaan jirtay dalka Masar,
oo Rabbiga Ilaahaaga ahu uu halkaas kaaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud
fidsan, oo sidaas daraaddeed Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu kugu amray inaad dhawrto
maalinta sabtida.
16 Aabbahaa iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga
ahu kugu amray, in cimrigaagu dheeraado, oo aad ku nabdoonaatid dalka Rabbiga Ilaahaaga
ahu ku siiyo.
17 Waa inaadan qudh gooyn.
18 Oo waa inaadan sinaysan.
19 Oo waa inaadan waxba xadin.
20 Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.
21 Oo waa inaadan damcin naagta deriskaaga, oo waa inaanad
damcin guriga deriskaaga, ama beertiisa, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa,
ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.
22 Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo
daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn,
wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i
siiyey. 23 Markaad codka ka dhex maqasheen gudcurka, iyadoo
buurta dab ka qaxmayo, ayaad ii soo dhowaateen idinkoo ah madaxdii qabiilooyinkiinna
iyo duqowdiinnii oo dhanba, 24 oo waxaad tidhaahdeen, Bal
eega, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu ina tusay ammaantiisa iyo weynaantiisa, codkiisiina
waynu ka maqalnay dabka dhexdiisa, oo maanta waxaan ogaannay in Rabbigu dadka la
hadlo oo uu isagu nool yahay. 25 Haddaba bal maxaynu u leennahay
inaynu dhimanno? Waayo, dabkan weyn baa ina baabbi'inaya, oo haddaynu sii maqalno
codka Rabbiga Ilaaheenna ah waynu dhimanaynaa. 26 Waayo,
binu-aadmiga oo dhan bal yaa weligiis codka Ilaaha nool oo dabka dhexdiisa ka hadlaya
maqlay, sidaan u maqalnay oo kale, oo sii noolaaday?
27 Haddaba adigu u dhowow oo soo maqal kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna
ahu odhan doono oo dhan, oo noo soo sheeg kulli waxa Rabbiga Ilaaheenna ahu kuu
sheegi doono oo dhan, oo annana markaasaannu maqlaynaa oo yelaynaa. 28 Markaasaa Rabbigu maqlay codkii erayadiinna markaad ila hadasheen,
oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waan maqlay codkii erayada dadkan, oo ay kugula hadleen,
oo wixii ay ku hadleen oo dhan si wanaagsan bay u yidhaahdeen.
29 Waxaan jeclaan lahaa in qalbi sidaas ahu uu iyaga ku jiro si ay iiga cabsadaan
oo ay had iyo goorba u dhawraan amarradayda inay iyaga iyo carruurtooduba weligood
nabdoonaadaan! 30 Haddaba u tag oo waxaad ku tidhaahdaa,
Teendhooyinkiinnii ku noqda. 31 Laakiinse adigu waxaad soo
istaagtaa halkan agtayda ah, oo anaa kuu sheegaya amarka, iyo qaynuunnada, iyo xukummada
aad iyaga bari doontid oo dhan inay ku sameeyaan dalka aan hantida u siinayo.
32 Haddaba waa inaad dhawrtaan oo u samaysaan sida Rabbiga Ilaahiinna
ahu idiinku amray. Waa inaydaan u leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
33 Waa inaad ku socotaan jidkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku
amray oo dhan aad noolaataane inaad nabdoonaataan oo uu cimrigiinnu ku dheeraado
dalka aad hantiyi doontaan.
^ Dib u celi bilawga ^
6
Jeclaada Rabbiga Ilaahiinna Ah
1 Haddaba waxanu waa amarkii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii
uu Rabbiga Ilaahiinna ahu amray inaan idin baro, inaad ku dhex samaysaan dalka aad
ugu gudbaysaan inaad hantidaan, 2 oo aad Rabbiga Ilaahiinna
ah ka cabsataan, oo aad wada xajisaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan idinku
amrayo oo dhan. Waa inaad idinka iyo wiilashiinna iyo wiilashiinna wiilashooduba
wada dhawrtaan intaad nooshihiin oo dhan in cimrigiinnu dheeraado.
3 Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan
oo aad ugu badataan dal caano iyo malab la barwaaqaysan sidii Rabbiga ah Ilaaha
awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.
4 Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa Rabbi keliya.
5 Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga
oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan. 6 Oo
erayadan aan maanta kugu amrayo ha ku sii jireen qalbigaaga.
7 Oo waa inaad carruurtaada aad u bartaa oo aad kula hadashaa markaad gurigaaga
fadhido, iyo markaad jid marto, iyo markaad jiifto, iyo markaad sara joogtaba.
8 Waa inaad iyaga calaamad ka dhigtaa oo gacantaada ku xidhaa, oo
iyagu ha kuu ahaadeen qardhaas indhaha dhexdooda kuugu xidhan.
9 Oo waa inaad ku qortaa tiirarka albaabka gurigaaga iyo irdahaagaba.
10 Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalkii uu
ugu dhaartay inuu siiyo awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo
uu idin siiyo magaalooyin waaweyn oo wanwanaagsan oo aydaan dhisan,
11 iyo guryo waxyaalo wanwanaagsanu ay ka buuxaan oo aydaan buuxin,
iyo ceelal qodan oo aydaan qodan, iyo beero canab ah iyo geedo saytuun ah oo aydaan
beeran, oo intaad wax ka cuntaan aad dheregtaan, 12 de markaas
iska jira oo ha illoobina Rabbigii idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
13 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsataa, oo u adeegtaa
oo magiciisa ku dhaarataa. 14 Oo idinku waa inaydaan daba
gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan,
15 maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah oo dhexdiinna joogaa waa
Ilaah masayr ah, waaba intaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu intuu aad idiinku cadhoodo
uu dhulka idinka wada baabbi'iyaa.
16 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah u jirrabin sidaad Masaah
ugu jirrabteen oo kale. 17 Oo waa inaad aad u xajisaan Rabbiga
Ilaahiinna ah amarradiisa iyo markhaatifurkiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.
18 Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo
ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan
oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin, 19 oo aad cadaawayaashiinna
oo dhan hortiinna ka eridaan sidii Rabbigu idiin sheegay.
20 Wakhtiga iman doona markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo
oo kugu yidhaahdo, Markhaatifurka iyo qaynuunnada iyo xukummada uu Rabbiga Ilaaheenna
ahu idinku amray micnahoodu waa maxay? 21 Markaas waxaad
wiilkaaga ku tidhaahdaa, Annagu Fircoon baannu addoommo ugu ahaan jirnay dalka Masar,
markaasaa Rabbigu Masar nagaga soo bixiyey gacan xoog badan,
22 oo Rabbigu annagoo u jeedna ayuu Masar iyo Fircoon iyo reerkiisii
oo dhan ku sameeyey calaamooyin iyo yaabab waaweyn oo adadag.
23 Oo halkaas wuu naga soo bixiyey inuu na keeno oo na siiyo dalkii uu ugu dhaartay
awowayaasheen. 24 Oo Rabbigu waa nagu amray inaannu samayno
qaynuunnadan oo dhan oo aannu wanaaggayaga aawadiis weligayo uga cabsanno Rabbiga
Ilaahayaga ah, inuu nolosha noogu daayo siday maanta tahay.
25 Oo waxay inoo ahaanaysaa xaqnimo haddaynu dhawrno oo aynu amarkan oo dhan ku
samayno Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, siduu inoogu amray.
^ Dib u celi bilawga ^
7
Ka Eryintii Quruumaha
1 Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu
socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed,
iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi,
iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan,
2 oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo
geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan.
Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.
3 Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina,
wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina. 4 Waayo, isagu wuxuu
wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale,
sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu
haddiiba idin baabbi'in doonaa. 5 Laakiinse iyaga waa inaad
sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana
burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna
gubtaan. 6 Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad
quduus ah, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti
isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan. 7 Badnaan aad
dadadka kale ka badan tihiin Rabbigu idiinma jeclaan oo idiinma dooran saas aawadeed,
waayo, idinku dadyowga oo dhan waad ugu wada yaraydeen,
8 laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu
oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu
idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga
iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii. 9 Haddaba
bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka
ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa
xajiya. 10 Oo kuwa isaga necebna si uu u baabbi'iyo ayuu
abaalgudkooda toos u mariyaa; ka raajin maayo kii isaga neceb ee abaalgudkiisa haddiiba
toos buu u marinayaa. 11 Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka
iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.
12 Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan
ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin
ugu dhaartay, 13 wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn
doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna
iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo
taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii
uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo. 14 Oo dadyowga
oo dhan waad ka barako badnaan doontaan, oo idinka iyo xoolihiinna toona lab iyo
dhaddigba laguma arki doono madhalays. 15 Oo Rabbigu wuxuu
idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo
xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa
idin neceb oo dhan. 16 Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga
Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin,
oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.
17 Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga
badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa?
18 waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii
Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.
19 Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii,
iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga
Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada
samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan. 20 Oo
weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa
inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.
21 Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa,
oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad. 22 Oo
Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo
waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.
23 Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa,
oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn. 24 Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda
waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu
hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan. 25 Oo
sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo
dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu
waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo. 26 Gurigiinnana
waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah
u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay,
waxaasu waa xaaraan.
^ Dib u celi bilawga ^
8
Ha Illoobina Rabbiga
1 Oo amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada
samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii
Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin. 2 Oo waa inaad xusuusataan
jidkii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu afartankan sannadood idinku soo dhex mariyey cidladii,
si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo si uu u ogaado wixii qalbigiinna ku jiray,
bal inaad amarradiisa xajinaysaan iyo in kale. 3 Wuu idin
hoosaysiiyey, oo gaajuu idinku riday, oo wuxuu idinku quudiyey maanna aydaan aqoon
oo awowayaashiinna ayan aqoon, inuu idin ogeysiiyo inaan dadku kibis oo keliya ku
noolaan, laakiinse uu dadku eray walba oo afka Rabbiga ka soo baxa ku noolaado.
4 Oo afartankan sannadood dharkiinnii aad qabteen idinkama
duugoobin oo cagihiinnuna marna ma bararin. 5 Oo waa inaad
qalbigiinna kaga fikirtaan in Rabbigu idin edbiyo sida nin wiilkiisa u edbiyo.
6 Oo waa inaad xajisaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah inaad jidadkiisa
ku socotaan oo aad isaga ka cabsataan. 7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna
ahu wuxuu idin keenayaa dal wanaagsan oo ah dal ay ka buuxaan durdurro biyo ah,
iyo ilo, iyo biyo mool dheer oo ka soo baxaya dooxooyin iyo buuro.
8 Waa dal ay ka buuxaan sarreen iyo shaciir, iyo geedo canab ah
iyo geedo berde ah, iyo rummaan, oo waa dal ay ka buuxaan saliidsaytuun iyo malab,
9 oo waa dal aad waayitaanla'aan kibis kaga cunaysaan oo
aydaan waxba uga baahnayn, waa dal dhagaxyadiisu ay bir yihiin, oo aad buurihiisana
naxaas ka qodan doontaan. 10 Oo intaad wax cuntaan ayaad
dhergi doontaan, oo markaasaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu mahadnaqi doontaan dalka
wanaagsan oo uu idin siiyey. 11 Digtoonaada, waaba intaasoo
aad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan markaad xajin weydaan amarradiisa iyo xukummadiisa
iyo qaynuunnadiisa, oo aan maanta idinku amrayo, 12 oo markaad
wax cuntaan oo aad dheregtaan, oo aad guryo wanaagsan dhisataan oo aad degtaan,
13 oo lo'diinna iyo idihiinnu ay tarmaan, oo lacagtiinna
iyo dahabkiinnuna ay bataan, oo waxaad haysataan oo dhammuna ay tarmaan,
14 uu qalbigiinnu kor u kacaa oo aad illowdaan Rabbiga Ilaahiinna
ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
15 Isagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen
abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo
lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey.
16 Oo intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon.
Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu
ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo, 17 waaba intaasoo
aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan
ku helnay. 18 Laakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna
ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo
axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay.
19 Oo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan oo aad ilaahyo kale
raacdaan oo u adeegtaan oo caabuddaan, hubaal waxaan maanta idiin markhaati furayaa
inaad baabba'aysaan. 20 Sidii quruumihii Rabbigu hortiinna
ka baabbi'iyey oo kale ayaad idinkuna baabba'aysaan, maxaa yeelay, waad diiddeen
inaad codkii Rabbiga Ilaahiinna ah maqashaan.
^ Dib u celi bilawga ^
9
Ma Ahaan Xaqnimadii Reer Binu Israa'iil Aawadeed
1 Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waa inaad Webi Urdun
ka gudubtaan inaad gashaan oo hantidaan quruumo idinka waaweyn oo idinka sii xoog
badan iyo magaalooyin waaweyn oo deyrkoodu samada ku tolan yahay,
2 oo dadkoodu yihiin dad waaweyn oo dhaadheer oo ah reer Canaaq, oo aad taqaanaan
oo aad maqasheen in la yidhi, Bal yaa reer Canaaq hor istaagi kara?
3 Haddaba bal maanta ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu yahay kan
hortiin gudbaya isagoo ah sida dab wax baabbi'iya. Iyaga wuu baabbi'in doonaa oo
hortiinnuu ku soo ridi doonaa, oo sidaasaad u eryi doontaan oo aad haddiiba baabbi'in
doontaan, siduu Rabbigu idiin sheegay. 4 Markii Rabbiga Ilaahiinna
ahu iyaga idinka hor eryo ka dib, qalbiga ha iska odhanina, Xaqnimadayada aawadeed
ayaa Rabbigu dalkan noo keenay inaannu hantinno, waayo, Rabbigu wuxuu quruumahaas
idiinka hor erya waa sharkoodii aawadiis. 5 Oo xaqnimadiinna
iyo qummanaanta qalbigiinna midna kuma aydaan hantiyin dalkooda, laakiinse Rabbiga
Ilaahiinna ahu quruumahaas sharkoodii aawadiis ayuu idinka hor eryayaa, iyo in Rabbigu
sii adkeeyo eraygii uu ugu dhaartay awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo
Yacquub. 6 Haddaba ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu
dalkan wanaagsan idiin siinayn inaad hantidaan xaqnimadiinna aawadeed, waayo, waxaad
tihiin dad madax adag.
Weyshii Dahabka Ahayd
7 Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna
ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar
ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen.
8 Oo weliba markaad Xoreeb joogteenna Rabbiga waad ka xanaajiseen,
markaasaa Rabbigu idiin cadhooday oo wuxuu damcay inuu idin baabbi'iyo.
9 Oo markaan buurta fuulay inaan soo helo looxyadii dhagaxa ahaa,
kuwaasoo ahaa looxyadii uu ku qornaa axdigii Rabbigu idinla dhigtay, markaasaan
buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo intaasna baadna ma cunin biyana
ma cabbin. 10 Markaasaa Rabbigu wuxuu ii soo dhiibay labadii
loox oo dhagaxa ahayd oo lagu qoray fartii Ilaah, oo waxaa ku qornaa kulli erayadii
uu Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga.
11 Afartan maalmood iyo afartan habeen ka dib ayaa Rabbigu
i soo siiyey labadii loox oo dhagaxa ahayd, kuwaasoo ahaa looxyadii axdiga.
12 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Kac oo halkan dhaqso uga deg,
waayo, dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisay way iskharribeen, oo haddiiba way
ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen sanam la shubay.
13 Oo weliba waxaa kaloo Rabbigu igula hadlay oo igu yidhi, Anigu
dadkan waan arkay oo bal eeg waa dad madax adag, 14 haddaba
iska kay daa, aan baabbi'iyee, oo aan magacooda samada hoosteeda ka tiree, oo waxaan
adiga kaa dhigi doonaa quruun iyaga ka xoog badan oo ka sii weyn.
15 Markaasaan jeestay oo buurtii hoos uga degay, oo buurtiina dab
baa ka qaxmayay, oo labadii loox oo axdiguna waxay ku jireen labadayda gacmood.
16 Oo anna wax baan fiiriyey oo waxaan arkay inaad ku dembaabteen
Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad samaysateen weyl dahab la shubay ah, oo haddiiba
gees baad uga leexateen jidkii Rabbigu idinku amray. 17 Markaasaan
qaaday labadii loox, oo labadaydii gacmood ayaan ka tuuray oo indhihiinna hortooda
ku jejebiyey. 18 Markaasaan Rabbiga hortiisa ku dhacay oo
joogay afartan maalmood iyo afartan habeen sidii markii hore, oo anigu baadna ma
cunin, biyana ma cabbin, maxaa yeelay, sababtu waa dembigiinnii aad dembaabteen
oo dhan, markaad samayseen wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo aad isaga kaga
xanaajiseen. 19 Maxaa yeelay, waan ka cabsaday cadhadii iyo
xanaaqii kululaa oo Rabbigu dhirfay oo uu damcay inuu idinku baabbi'iyo. Laakiinse
Rabbigu markaasna wuu i maqlay. 20 Oo Rabbigu Haaruunna aad
buu ugu cadhooday, oo wuxuu damcay inuu isaga baabbi'iyo, laakiinse anigu Haaruunna
isla markaasaan Rabbiga u baryay. 21 Markaasaan qaaday dembigiinnii
ahaa weyshii aad samaysateen, waanan gubay oo ku dul joogjoogsaday oo daqiijiyey,
ilaa ay sida boodhka oo kale noqotay, oo boodhkeediina waxaan ku shubay durdurka
buurta ka soo dega. 22 Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen
markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah
joogteen. 23 Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray
oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii
Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan.
24 Tan iyo maalintii aan idin bartay caasiyiin baad Rabbiga ku ahaydeen.
25 Oo sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ku dhacay,
oo afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan hortiisa joogay, maxaa yeelay, Rabbigaa
yidhi, Iyagaan baabbi'inayaa. 26 Markaasaan Rabbiga baryay
oo waxaan ku idhi, Sayidow, Ilaahow, ha baabbi'in dadka dhaxalkaaga ah oo aad weynaantaada
ku soo furatay, oo aad gacantaada xoogga badan dalkii Masar kaga soo bixisay.
27 Bal xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub,
oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda,
28 waaba intaasoo dadkii aad dalkoodii naga soo bixisay yidhaahdaa,
Rabbigu ma u awoodin inuu iyaga geeyo dalkii uu u ballanqaaday, oo nacaybkii uu
iyaga u qabay aawadiis ayuu u bixiyey si uu cidlada ugu laayo.
29 Laakiin iyagu waa dadkaagii iyo dhaxalkaagii aad xooggaaga weyn iyo cududdaada
fidsan ku soo bixisay.
^ Dib u celi bilawga ^
10
Looxyo La Mid Ah Kuwii Hore
1 Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Waxaad soo qortaa laba
loox oo dhagax ah oo kuwii hore u eg, oo buurta iigu kaalay, oo waxaad kaloo samaysataa
sanduuq qori ah. 2 Oo looxyada waxaan ku qori doonaa erayadii
ku yiil looxyadii hore oo aad jebisay, oo markaas waa inaad sanduuqa ku dhex riddaa.
3 Sidaas daraaddeed waxaan sanduuq ka sameeyey qori qudhac,
oo waxaan soo qoray laba loox oo dhagax ah oo u eg kuwii hore, markaasaan buurta
fuulay anigoo labadii loox gacmaha ku sida. 4 Oo isna wuxuu
looxyadii ku qoray qorniinkii kuwii hore ku yiil oo kale, kaasoo ahaa tobankii qaynuun
oo Rabbigu maalintii shirka idinkagala hadlay dabka dhexdiisa isagoo buurta jooga,
markaasaa Rabbigu iyagii i siiyey. 5 Oo markaasaan jeestay
oo buurtii ka soo degay, oo looxyadiina waxaan ku dhex riday sanduuqii aan sameeyey,
oo halkaasay ku jiraan, sidii Rabbigu igu amray. 6 (Markaasay
reer binu Israa'iil Bi'irod Bini Yacaqaan ka guureen, oo waxay u kaceen Mooseeraah,
oo halkaasaa Haaruun ku dhintay, oo halkaasaa lagu aasay, oo meeshiisii shuqulkii
wadaadnimada waxaa ka adeegay wiilkiisii Elecaasaar.
7 Oo halkaasna waxay uga guureen Gudgodaah, oo waxay Gudgodaahna
uga guureen Yaatbaataah oo ah dal leh durdurro biyo ah. 8
Oo waagaas ayaa Rabbigu qabiilka reer Laawi u soocay inay sanduuqa axdiga Rabbiga
qaadaan, iyo inay Rabbiga hortiisa istaagaan oo ay isaga u adeegaan, iyo inay magiciisa
ku duceeyaan, ilaa maantadan la joogo. 9 Oo sidaas daraaddeed
Laawi walaalihiis lama laha qayb iyo dhaxal toona, dhaxalkiisa waxaa ah Rabbiga
sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku yidhi.) 10 Oo anna sidii markii
hore ayaan buurta joogay afartan maalmood iyo afartan habeen, oo Rabbigu markaasna
wuu i maqlay, oo Rabbiguna inuu idin baabbi'iyo ma uu jeclayn.
11 Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac, oo dadka hor mar, oo iyana
way geli doonaan oo hantiyi doonaan dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan
iyaga siinayo.
Ka Cabsada Rabbiga
12 Hadda reer binu Israa'iilow, bal maxaa Rabbiga Ilaahiinna
ahu idinka doonayaa, inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad jidadkiisa
oo dhan ku socotaan, oo aad isaga jeclaataan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu adeegtaan
qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan, 13 oo aad xajisaan
Rabbiga amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idiinku amrayo wanaaggiinna aawadiis
mooyaane? 14 Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iska leh
samada, iyo samada samooyinka, iyo dhulka, iyo waxa ku jira oo dhanba.
15 Oo waxaa keliyahoo Rabbigu ku farxay inuu awowayaashiin jeclaado,
oo farcankoodii iyaga ka dambeeyeyna wuu doortay, kuwaasoo ah idinka ee uu dadyowga
oo dhan ka dhex doortay siday maantadan tahay. 16 Haddaba
sida jidhka loo gudo isaga jara xumaanta qalbigiinna, oo mar dambe ha sii madax
adkaanina. 17 Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaahii
ilaahyada, iyo Sayidkii sayidyada, oo isagu waa Ilaaha weyn oo xoogga badan oo laga
cabsado oo aan dadka u kala eexan, laaluushna qaadan. 18
Wuxuu u garsooraa agoonta iyo carmalka, shisheeyahana wuu jecel yahay, wuxuuna siiyaa
dhar iyo dhuuni. 19 Haddaba sidaas daraaddeed idinku shisheeyaha
jeclaada, maxaa yeelay, idinba shisheeyayaal baad ku ahaydeen dalkii Masar.
20 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad u adeegtaan,
waana inaad ku dhegtaan oo aad magiciisana ku dhaarataan.
21 Isagu waa ammaantiinnii, oo isagu waa Ilaahiinnii idiin sameeyey waxyaalihii
waaweynaa oo cabsida lahaa oo aad indhaha ku aragteen.
22 Awowayaashiin markay Masar u dhaadhaceen waxay ahaayeen
toddobaatan qof, haatanse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu tiradiinna ka dhigay sida
xiddigaha samada oo kale.
^ Dib u celi bilawga ^
11
Jeclaada Oo Addeeca Rabbiga
1 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad jeclaataan Rabbiga
Ilaahiinna ah, oo waa inaad had iyo goor dhawrtaan waxa loo dhawri lahaa, iyo qaynuunnadiisa,
iyo xukummadiisa iyo amarradiisaba. 2 Oo bal idinku maanta
ogaada, waayo, la hadli maayo carruurtiinnii aan aqoon oo aan arkin Rabbiga Ilaahiinna
ah edbintiisa, iyo weynaantiisa, iyo gacantiisa xoogga badan, iyo cududdiisa fidsan,
3 iyo calaamooyinkiisa, iyo shuqulladiisii uu ku dhex sameeyey
Masar oo uu ku sameeyey boqorkii Masar oo Fircoon ahaa iyo dalkiisii oo dhan,
4 iyo wixii uu ku sameeyey ciidankii Masar, iyo fardahoodii, iyo
gaadhifardoodkoodii, iyo siduu iyaga ugu qarqiyey biyihii Badda Cas markay idin
eryadeen, iyo siduu Rabbigu iyagii u baabbi'iyey ilamaa maantadan la joogo,
5 iyo wixii uu idinku sameeyey, markaad cidladii joogtay jeeraad
meeshan timaadeen, 6 iyo wixii uu reer binu Israa'iil oo
dhan dhexdooda kaga sameeyey Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab oo ahaa
reer Ruubeen, iyo sidii ciiddu afkeeda u kala qaadday oo ay u liqday iyagii, iyo
reerahoodii, iyo teendhooyinkoodii, iyo wax alla wixii noolaa oo iyaga raacay,
7 laakiinse idinka indhihiinnu way arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu
sameeyey oo dhan. 8 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan
amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan si aad u xoogaysataan oo aad u gashaan
oo u hantidaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,
9 iyo in cimrigiinnu ku dheeraado dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin inuu
siinayo iyaga iyo farcankooda, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
10 Maxaa yeelay, dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan ma aha
sidii dalkii Masar oo aad ka soo baxdeen ee aad abuurkiinna ku abuurteen oo aad
cagihiinna ku waraabiseen sidii beer khudaareed, 11 laakiinse
dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan waa dal leh buuro iyo dooxooyin, oo wuxuu
biyaha ka cabbaa roobka samada, 12 oo waa dal Rabbiga Ilaahiinna
ahu uu xannaaneeyo, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ah indhihiisa ayaa fiiriya tan iyo
sannadda bilowgeeda iyo xataa sannadda dabaadigeeda.
13 Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku
amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna
oo dhan iyo naftiinna oo dhan, 14 de markaas dalkiinna roobka
waxaan siin doonaa xilligiisa kaas oo ah roobka hore iyo roobka dambe, inaad soo
urursataan hadhuudhkiinna, iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna.
15 Oo berrimmadiinnana waxaan ka buuxin doonaa doog ay xoolihiinnu
daaqaan, oo idinkuna wax baad cuni doontaan, waadna dhergi doontaan.
16 Haddaba digtoonaada, waaba intaasoo uu qalbigiinnu idin khiyaaneeyaa,
oo aad gees u leexataan oo ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
17 oo markaas cadhada Rabbigu idinku kululaataa, oo uu samada idinka xidhaa, si
aad roob u weydaan, oo uu dhulku midho soo bixin waayo, oo aad haddiiba uga baabba'daan
dalka wanaagsan oo Rabbigu idin siinayo. 18 Haddaba erayadaydan
waa inaad gelisaan qalbigiinna iyo naftiinna, oo waa inaad calaamad ahaan gacanta
ugu xidhataan, waxayna idiin ahaan doonaan wax indhihiinna dhexdooda ka laalaada.
19 Oo waa inaad iyaga carruurtiinna bartaan, idinkoo ku sheekaysta
markaad gurigiinna dhex fadhidaan, iyo markaad jidka martaan, iyo markaad jiiftaan,
iyo markaad sara joogtaanba. 20 Oo waa inaad iyaga ku qortaan
tiirarka albaabka gurigiinna iyo irdihiinnaba, 21 in cimrigiinna
iyo cimriga carruurtiinnuba uu dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin ugu dheeraado
sida cimriga samooyinka dhulka ka sarreeya. 22 Maxaa yeelay,
haddaad aad u xajisaan kulli amarkan aan idinku amrayo oo dhan inaad yeeshaan, kaasoo
ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan,
oo aad isaga ku hadhaan, 23 markaasuu Rabbigu hortiinna ka
wada eryi doonaa quruumahaas oo dhan, oo waxaad hantiyi doontaan quruumo idinka
badan oo idinka xoog weyn. 24 Oo meel kasta oo aad cagta
dhigtaanba idinkaa iska yeelan doona, tan iyo cidlada iyo ilaa Lubnaan iyo ilaa
webiga, kaasoo ah Webi Yufraad, iyo xataa ilaa badda galbeed.
25 Oo ninnaba ma awoodi doono inuu idin hor istaago, oo Rabbiga
Ilaahiinna ahu wuxuu dalkii aad cag marin doontaan oo dhan saari doonaa cabsidiinna
iyo naxdintiinna, siduu idiin sheegay.
26 Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigayaa barako iyo habaar,
27 barakada waxaad helaysaan haddaad dhegaysataan amarrada
Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo, 28 habaarkuna
wuxuu idinku dhacayaa haddaydnan dhegaysan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiin
aad gees uga leexataan jidka aan maanta idinku amrayo, oo aad ilaahyo kale oo aydnan
aqoon raacdaan.
29 Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad
ugu gudbaysaan inaad hantidaan, barakada waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Gerisiim,
habaarkana waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Ceebaal. 30 War
sow iyagu kama shisheeyaan Webi Urdun xagga jidka dambe oo qorrax-u-dhaca, oo ah
dalka reer Kancaanka Caraabaah deggan, oo ka soo hor jeedda Gilgaal, oo ku dhinac
yaal geedaha Moreh? 31 Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun
inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna
hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan. 32 Oo waa inaad dhawrtaan
oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.
^ Dib u celi bilawga ^
12
Meesha Keli Ah Ee Rabbiga Lagu Caabudo
1 Kuwanu waa qaynuunnada iyo xukummada ay tahay inaad dhawrtaan
oo aad ku dhex yeeshaan dalkii Rabbiga Ilaaha awowayaashiin ahu uu idiin siinayo
inaad hantidaan intaad dhulka ku nooshihiin oo dhan. 2 Oo
idinku hubaal waa inaad wada baabbi'isaan meelaha ay quruumaha aad hantiyi doontaan
ilaahyadooda ugu adeegi jireen oo dhan, meelahaas oo ah kuwa buuraha dhaadheer ku
kor yaal, iyo kuwa kuraha ku yaal, iyo kuwa geed kastoo dheer oo doog ah ku hoos
yaal. 3 Oo waa inaad meelahooda allabariga dumisaan, oo aad
tiirarkoodana wada burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gubtaan, oo sanamyada
xardhan oo ilaahyadoodana waa inaad jartaan, oo magacoodana waa inaad meeshaas ka
baabbi'isaan. 4 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku
samayn. 5 Laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu qabiilooyinkiinna
oo dhan ka dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo, taasoo ah rugtiisa, waa inaad
doontaan, oo halkaas waa inaad timaadaan. 6 Oo waa inaad
halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna,
iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada
aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna.
7 Oo waxyaalahaas waa inaad halkaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahiinna
ah hortiisa, oo wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo uu Rabbiga Ilaahiinna
ahu idinku barakeeyey waa inaad ku faraxdaan idinka iyo reerihiinnuba.
8 Oo waa inaydaan samayn waxyaalaha aynu maanta halkan ku samaynayno
oo dhan kuwaas oo ah waxa nin walba la qumman, 9 waayo, idinku
weli ma aydaan gaadhin nasashada iyo dhaxalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo.
10 Laakiinse markaad Webi Urdun ka gudubtaan oo aad degtaan
dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin dhaxalsiinayo, oo uu idinka nasiyo cadaawayaashiinna
idinku wareegsan oo dhan, si aad ammaan ugu degganaataan,
11 de markaas meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo in magiciisu ku jiro
waa inaad wada keentaan wixii aan idinku amrayo oo dhan, kuwaas oo ah qurbaannadiinna
la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meeltobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta
sare ugu qaaddaan, iyo wax walba oo wanaagsan oo aad Rabbiga u nidartaan.
12 Oo Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa waa inaad ku faraxdaan, idinka
iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo addoommadiinna lab, iyo addoommihiinna dhaddig,
iyo ka reer Laawi oo ku jira irdihiinna, maxaa yeelay, isagu idinlama laha qayb
iyo dhaxal toona. 13 Digtoonaada, oo qurbaannadiinna la gubo
ha ku bixinina meel alla meeshii aad aragtaanba, 14 laakiinse
qurbaannadiinna la gubo waa inaad ku bixisaan meesha Rabbigu ka dhex dooranayo qabiilooyinkiinna
middood, oo halkaas waa inaad ku wada yeeshaan waxaan idinku amrayo oo dhan.
15 Laakiinse waa idiin bannaan tahay inaad wax qalataan oo aad irdihiinna
gudahooda hilib ku cuntaan in alla intii naftiinnu doonayso sida ay tahay barakadii
uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey, oo qofkii daahir ah iyo qofkii aan daahir
ahaynuba way u cuni karaan, sida cawsha iyo deerada loo cuno.
16 Laakiinse waa inaydaan dhiigga cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaan sida biyo
oo kale. 17 Laakiin idiinma bannaana inaad irdihiinna gudahooda
ku cuntaan meeltobnaadka hadhuudhkiinna, ama kan khamrigiinna, ama kan saliiddiinna,
ama curadyada lo'diinna iyo adhigiinna, ama wax alla wixii aad nidartaan, amase
qurbaannada aad ikhtiyaarkiinna u bixisaan, amase qurbaanka aad gacanta sare ugu
qaaddaan, 18 laakiinse iyaga waa inaad ku cuntaan Rabbiga
Ilaahiinna ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu dooranayo. Midkiin
kasta iyo wiilkiisa iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa iyo addoontiisa, iyo ka reer
Laawi oo irdihiisa ku jira, meeshaas ha ku cuneen, oo idinkoo Rabbiga hor jooga
waa inaad ku faraxdaan wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba.
19 Haddaba digtoonaada, oo reer Laawi ha dayrinina in alla intaad
dalkiinna ku nooshihiin oo dhan.
20 Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu soohdintiinna u ballaadhiyo
siduu idiin ballanqaaday, oo aad tidhaahdaan, Waxaannu doonaynaa inaan hilib cuno,
sababtoo ah nafsaddiinna oo doonaysa inay hilib cunto, markaas way idiin bannaan
tahay inaad hilib cuntaan in alla inta nafsaddiinnu doonayso.
21 Haddii meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo ay idinka
fog tahay, markaas waa inaad lo'diinna iyo adhigiinna uu Rabbigu idin siiyey wax
uga qalataan sida aan idinku amray, oo waa inaad irdihiinna gudahooda ku cuntaan
in alla inta nafsaddiinnu doonayso. 22 Oo waxaad iyaga u
cuntaan sida loo cuno cawsha iyo deerada, oo qofkii daahir ah iyo qofkii aan daahir
ahaynuba isku si ha u cuneen. 23 Laakiinse waxaa keliyahood
hubsataan inaydaan dhiigga cunin, waayo, dhiiggu waa nolosha, haddaba waa inaydaan
cunin hilibka noloshiisu la jirto. 24 Waa inaydaan dhiigga
cunin, waxaadse dhulka ugu daadisaan sida biyo oo kale.
25 Waa inaydaan cunin, si aad u nabdoonaataan idinka iyo carruurtiinna
idinka dambaysaba, markaad yeeshaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa.
26 Laakiinse waxyaalihiinna quduuska ah oo aad haysataan iyo waxyaalihii
aad nidartaanba waa inaad qaaddaan oo aad geeysaan meesha Rabbigu dooranayo,
27 oo waa inaad qurbaannadiinna la gubo, hilibka iyo dhiiggaba ku
kor bixisaan meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahiinna ah, oo allabarigiinna dhiiggiisana
waa in lagu shubo meesha allabariga oo Rabbiga Ilaahiinna ah, hilibkase waa inaad
cuntaan. 28 Dhawra oo dhegaysta erayadan aan idinku amrayo
oo dhan, si aad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaba weligiin u nabdoonaataan,
markaad yeeshaan waxa wanaagsan oo ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
29 Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu hortiinna ka wada gooyo
quruumaha aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo aad hantidaan ee aad dalkooda iska
degtaan, 30 digtoonaada, yaan dabin laydinku qabsan si aad
iyaga u raacdaan, markii iyaga hortiinna laga baabbi'iyo ka dib, oo ha haybsanina
ilaahyadooda oo ha odhanina, War quruumahanu sidee bay ugu adeegaan ilaahyadooda?
Annana sidaas oo kalaannu yeelaynaaye. 31 Waa inaydaan Rabbiga
Ilaahiinna ah saas ku samayn, maxaa yeelay, wax kasta oo Rabbigu karahsado oo uu
neceb yahay ayay iyagu ilaahyadooda ku sameeyaan, oo xataa wiilashooda iyo gabdhahooda
bay u gubaan ilaahyadooda.
32 Oo wax alla wixii aan idinku amrayo waa inaad dhawrtaan
oo yeeshaan, waxna ha ku darina, waxna ha ka dhimina.
^ Dib u celi bilawga ^
13
Caabudidda Ilaahyo Kale
1 Hadduu dhexdiinna ka kaco nebi ama mid riyooyin ku riyooda,
oo uu idin tuso calaamad ama yaab, 2 oo calaamadda amase
yaabku haddu rumoobo oo la arko wixii uu idinkula hadlay isagoo leh, Ina keena aynu
ilaahyo kale raacnee oo aynu iyaga u adeegnee kuwaas oo aydaan aqoonin,
3 waa inaydaan dhegaysan erayada nebigaas ama riyaalowgaas, waayo,
Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tijaabinayaa inuu ogaado bal inaad Rabbiga Ilaahiinna
ah ka jeceshihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan iyo in kale.
4 Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah raacdaan oo ka cabsataan, oo waa
inaad amarradiisa xajisaan oo codkiisa addeecdaan, waana inaad isaga u adeegtaan
oo ku hadhaan. 5 Oo nebigaas ama riyaalowgaas waa in la dilaa,
maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay wax ku caasinimo ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka
soo bixiyey dalkii Masar oo idinka soo furtay gurigii addoonsiga, si uu idiinka
leexiyo jidkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray inaad ku socotaan. Oo sidaas
waa inaad shar dhexdiinna uga saartaan.
6 Oo haddii walaalkaa oo ah wiilkii hooyadaa, ama wiilkaaga,
ama gabadhaada, ama naagtaada laabta kaaga jiifta, ama saaxiibkaaga sida naftaada
kula mid ahu uu si qarsoodi ah kugu sasabo oo uu ku yidhaahdo, Ina keen aynu u adeegno
ilaahyo kale kuwaasoo aadan aqoon, adiga iyo awowayaashaa toona,
7 ee ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan ha ahaadeen
kuwa kuu dhow ama kuwa kaa fog ee jooga dunida geesteed iyo xataa tan iyo geesteeda
kale, 8 kaas waa inaadan la heshiin, oo isaga ha dhegaysan,
hana u nixin, hana u tudhin, hana qarin isaga, 9 laakiinse
kaas hubaal waa inaad dishaa, oo gacantaadu ha ahaato tan ugu horraysa oo isaga
disha, dabadeedna dadka oo dhammu ha u gacan qaadeen. 10
Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo
Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
11 Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna
cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku
dhex jira oo kale.
12 Oo haddaad wax ka maqashaan mid ka mid ah magaalooyinka
Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin siinayo inaad degtaan, 13 iyadoo
la leeyahay, Dad waxmatarayaal ah baa dhexdiinna ka baxay oo waxay jiiteen dadkii
magaaladooda degganaa, iyagoo leh, Ina keena oo aynu u adeegno ilaahyo kale, kuwaasoo
aydaan aqoon, 14 markaas waa inaad weyddiisaan oo baadhaan,
oo aad iyo aad u haybisaan, oo bal eeg, haddii taasu run tahay, oo ay tahay wax
hubaal ah, in karaahiyada caynkaas ah dhexdiinna lagu sameeyey,
15 markaas dadka magaaladaas deggan hubaal waa inaad seef ku laysaan,
oo dhammaanteed waa inaad wada baabbi'isaan, oo kulli waxa magaaladaas ku jira iyo
xoolaheedaba seef ku laaya. 16 Oo alaabteeda dhaca ah oo
dhanna waxaad ku soo ururisaan jidka dhexdiisa, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna
ah dhammaan u gubtaan magaalada iyo alaabteeda oo dhanba, oo weligeed waxay ahaan
doontaa tuulmo, oo mar dambena lama dhisi doono. 17 Oo gacantiinna
yaanay waxba kaga hadhin alaabta xaaraanta ah, in Rabbigu ka soo noqdo cadhadiisii
kululayd, oo uu siduu awowayaashiin ugu dhaartay idiinku naxariisto, oo idiinku
naxo, oo idiin tarmiyo, 18 markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna
ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad
samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
^ Dib u celi bilawga ^
14
Cuntada Daahirka Ah Iyo Midda Nijaasta Ah
1 Idinku waxaad tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah carruurtiisii,
haddaba qof dhintay aawadiis jidhkiinna ha u goynina, oo indhihiinna dhexdoodana
ha u xiirina. 2 Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin
dad quduus ah, oo Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga
ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.
3 Waa inaydaan cunin innaba wax karaahiyo ah.
4 Kuwanu waa xayawaanka aad hilibkooda cunaysaan, oo waa lo'da,
iyo idaha, iyo riyaha, 5 iyo deerada, iyo cawsha, iyo dibtaagta,
iyo garannuugta, iyo goodirka, iyo biciidka, iyo adhidibadeedka.
6 Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo calyanaqsiga
raamsado oo xayawaanka ka mid ah kaas waa inaad cuntaan.
7 Habase yeeshee kuwa caynkan ah oo calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa
inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela iyo bakaylaha iyo walada, maxaa yeelay, calyanaqsiga
way raamsadaan laakiinse raafkoodu ma kala jeexna, oo iyagu waa idinka nijaas,
8 oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala
jeexan yahay, calyanaqsigase ma raamsado, sidaas daraaddeed waa idinka nijaas, oo
kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, bakhtigoodana waa inaydaan taaban.
9 Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla
wixii baalal iyo qolfo leh cuna, 10 laakiinse wax alla wixii
aan baalal iyo qolfo lahayn waa inaydaan cunin, maxaa yeelay, waa idinka nijaas.
11 Haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.
12 Laakiinse ha cunina haadda caynkan ah: baqalyada, iyo babawga,
iyo saratoosiyaha, 13 iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha,
iyo faragooysta caynkeeda, 14 iyo cayn kasta oo tuke ah,
15 iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn
kasta oo haadka adag ah, 16 iyo guumaysta yar, iyo guumaysta
weyn, iyo guumaysgeesaleyda, 17 iyo cantalyaaga, iyo gorgorka,
iyo xeebajoogta, 18 iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda,
iyo ceelaljoogta, iyo fiidmeerta. 19 Oo wax baalal leh oo
gurguurta oo dhammu waa idinka nijaas, oo iyaga waa inaan la cunin.
20 Laakiinse haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.
21 Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse
shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga
waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus
ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.
22 Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga
oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan. 23 Oo
Rabbiga Ilaahaaga ah meesha uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo hortiisa waa inaad
ku cuntaa meel tobnaadka hadhuudhkaaga, iyo kan khamrigaaga, iyo kan saliiddaada,
iyo curadyada lo'daada iyo kuwa adhigaaga, inaad barato inaad Rabbiga Ilaahaaga
ah ka cabsato had iyo goorba. 24 Oo haddii jidku kugu dheer
yahay, oo aad u qaadi kari weydo, meesha kaa fog aawadeed oo uu Rabbiga Ilaahaaga
ahu u dooranayo inuu magiciisa dhigo, markii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku barakeeyo,
25 markaas waa inaad lacag u beddeshaa, oo aad lacagta gacanta
ku qabsataa, oo markaas waa inaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu dooranayo,
26 oo markaas waxaad lacagta ku soo iibsataa wax alla wixii
naftaadu doonayso oo ah dibi, ama ido, ama khamri, ama wax lagu sakhraamo, ama wax
alla wixii nafsaddaadu ku weyddiisato, oo waxaad ku cuntaa Rabbiga Ilaahaaga ah
hortiisa, oo waa inaad adiga iyo reerkaaguba faraxdaan. 27
Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb
iyo dhaxal midna idinlama laha.
28 Oo saddex sannadood oo kasta markay dhammaadaanba waa
inaad soo bixisaa meeltobnaadka waxa sannaddaas kuu baxay, oo waxaad ku kaydsataa
irdahaaga gudahooda. 29 Oo markaas waxaa iman oo ka cuni
oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona,
iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo
shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.
^ Dib u celi bilawga ^
15
Sannaddii Cafinta Qaamaha
1 Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad
saamaxaad samaysaan. 2 Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan
waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay,
oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la
naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii. 3 Kii shisheeye ah waad
ka qaadan karaysaan, laakiinse wax alla wixii aad leedihiin oo gacanta walaalkiin
ku jira waa inaad saamaxdaan. 4 Si kastaba ha ahaatee mid
miskiin ah waa inaan dhexdiinna laga helin, (maxaa yeelay, hubaal Rabbigu waa idinku
barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo inaad hantidaan,)
5 haddii keliyahoo aad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna
ah, oo aad dhawrtaan oo yeeshaan amarkiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.
6 Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idiin barakayn doonaa
siduu idiin ballanqaaday, oo wax baad deymin doontaan quruumo badan, laakiinse waxba
kama amaahan doontaan, oo quruumo badan baad u talin doontaan, laakiinse iyagu idiinma
ay talin doonaan.
7 Hadduu kula joogo nin miskiin ah oo walaalahaa midkood
ah ee ku jira irdahaaga middood ee dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siinayo, waa inaadan
qalbiga ka qallafin, gacantana ka xidhin walaalkaaga miskiinka ah.
8 Laakiinse hubaal waa inaad gacanta u furtaa oo hubaal waa
inaad deymisaa intii baahidiisa ku filan. 9 Digtoonow, oo
yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu
waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan
waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu
noqon doontaa. 10 Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad
wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga
Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta
ku qabatoba. 11 Waayo, masaakiintu weligood dalka kama ay
dhammaan doonaan, haddaba waxaan kugu amrayaa oo kugu leeyahay, Hubaal waa inaad
gacanta u furtaa walaalkaa iyo kaaga baahan iyo masaakiintaada dalkaaga joogta.
Xorreynta Addoommada
12 Oo haddii qof walaalkaa ah oo ah nin Cibraani ah amase
naag Cibraaniyad ah lagaa iibiyo oo uu lix sannadood kuu adeego, sannadda toddobaad
waa inaad xoraysaa. 13 Oo markaad xorayso waa inaadan dirin
isagoo faro madhan. 14 Waa inaad si deeqsinimo ah isaga uga
xoolagooysaa idahaaga iyo hadhuudhka goobtaada lagu tumo iyo waxa macsarada canabkaaga
ku jira, oo sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu kuu barakeeyey waa inaad isaga wax u
siisid. 15 Oo waa inaad xusuusataa inaad dalkii Masar addoon
ku ahaan jirtay oo Rabbiga Ilaahaaga ahu ku soo furtay, oo sidaas daraaddeed baan
maanta waxan kuugu amrayaa. 16 Oo hadduu kugu yidhaahdo,
Dooni maayo inaan kaa baxo, oo sababtuna ay tahay jacayl uu u qabo adiga iyo reerkaaga,
iyo nabdoonaan uu kugu qabo, 17 kolkaas waa inaad mudac qaaddaa
oo aad dhegtiisa albaabka kula daloolisaa, oo isna weligiis addoon buu kuu ahaan
doonaa. Oo weliba addoontaadana sidaas oo kale ku samee.
18 Oo markaad xoraysid yaanay kula ahaan wax adag, waayo, isagu
lixdaas sannadood wuxuu kuugu adeegay sidii shaqaale la kiraysto laba jibbaarkiis.
Oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuu kugu barakayn doonaa wax alla wixii aad samaysidba.
Curaddada Xoolaha
19 Kulli curadyada labka ah oo ka dhasho lo'daada iyo adhigaagaba
waa inaad quduus uga dhigtid Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaadan ku shaqaysan curadka
lo'daada, oo aadan dhogortana ka xiirin curadka idahaaga.
20 Sannad kasta adiga iyo reerkaaguba waa inaad kuwaas ku cuntaan Rabbiga Ilaahaaga
ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbigu dooranayo. 21 Oo haddii
curadku leeyahay iin ah addinla'aan ama indhala'aan, ama hadduu leeyahay iin xun
wax kasta ha ahaatee, waa inaadan Rabbiga Ilaahaaga ah allabari ugu bixin.
22 Waa inaad irdahaaga gudahooda ku cuntaa, oo qofkii daahir ah
iyo kii aan daahir ahaynuba isku si ha u cuneen sida cawsha iyo deerada oo kale.
23 Laakiinse waa inaadan dhiiggiisa cunin, waxaadse dhulka
ugu daadisaa sida biyo oo kale.
^ Dib u celi bilawga ^
16
Iidda Kormaridda
1 Bisha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda
u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo
bixiyey dalkii Masar. 2 Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga
Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha
uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo. 3 Oo allabariga
waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan
kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad
kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii
Masar ka soo baxdeen. 4 Oo intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna
gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta
kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin.
5 Idiinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan
irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo,
6 laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa
dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu
dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen. 7 Hilibka
waa inaad dubtaan oo ku cuntaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo subaxdii
waa inaad noqotaan oo teendhooyinkiinna tagtaan. 8 Lix maalmood
waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus
ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba
shuqul qaban.
Iidda Toddobaadyada
9 Waxaad tirsataan toddoba toddobaad, oo hadhuudhka taagan
markaad manjada ku bilowdaan kolkaas waa inaad bilowdaan inaad tirsataan toddoba
toddobaad. 10 Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna
ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan,
oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo.
11 Midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa,
iyo addoontiisa, iyo kii reer Laawi oo irdihiisa ku jira, iyo qariibka, iyo agoonta
iyo carmalka idin dhex joogaaba waa inay ku wada farxaan Rabbiga Ilaahooda ah hortiisa
taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahooda ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo.
12 Oo waa inaad xusuusnaataan inaad addoommo ku ahaydeen dalkii
Masar, oo waa inaad dhawrtaan oo samaysaan qaynuunnadan.
Iidda Waababka
13 Oo markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka
lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka
intii toddoba maalmood ah. 14 Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa,
iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka,
iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna.
15 Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna
ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn
doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin
waxaad ahaan doontaan farax miidhan. 16 Oo sannaddiiba saddex
jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu
dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda
Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa
ka muuqan. 17 Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo
sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.
Xaakinnada
18 Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna
oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana
dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah. 19 Waa inaydaan garta
qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan,
waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu
qalloociyaa. 20 Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan,
inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.
Caabudidda Ilaahyo Kale
21 Oo meesha allabariga ee Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad samayn
doontaan agtiisa ha ka beeran geed Asheeraah cayn kastoo uu yahay toona.
22 Oo hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.
^ Dib u celi bilawga ^
17
1 Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi
ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna
ah u tahay karaahiyo.
2 Oo magaalooyinkiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo
haddii laga dhex helo nin ama naag sameeya wax Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa shar
ku ah isagoo axdigiisa ka gudba, 3 oo intuu taga u adeega
ilaahyo kale, oo caabuda iyaga, ha ahaadeen qorraxda, ama dayaxa, amase ciidanka
samada midkood, taasoo aanan anigu ku amrin, 4 haddii laydiin
soo sheego oo aad maqashaan, markaas waa inaad dadka aad u haybisaan, oo bal eega,
haddii ay run tahay iyo wax xaqiiqa ah in reer binu Israa'iil lagu sameeyey wax
karaahiyo oo caynkaas ah, 5 kolkaas waa inaad irdihiinna
keentaan ninkaa ama naagtaa waxan sharka ah sameeyey, oo qofkaasu nin ama naag ha
ahaadee waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan. 6 Oo kii la
dilayo, markii laba ama saddex qof ku markhaati furaan waa in la dilo, laakiinse
qof keliya markhaatigiisa waa inaan lagu dilin. 7 Oo markhaatiyaashu
waa inay marka hore u gacan qaadaan qofkaas, dabadeedna dadka oo dhammu waa inay
u gacan qaadaan. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.
Garsoorka Sharciga
8 Oo haddii dhexdiinna ka kaco xaal garsoorid ah oo idinku
adag oo ku saabsan dhiig, ama gar, ama dhaawac, oo xaalalkaas irdihiinna gudahooda
lagaga murmo, kolkaas waa inaad kacdaan oo tagtaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu
dooranayo. 9 Oo waa inaad u tagtaan wadaaddada reer Laawi
iyo xaakinka wakhtigaas joogi doono, oo waa inaad xaalkaas haybisaan oo iyana waxay
idiin sheegi doonaan xukunkaas garsooriddiisa. 10 Oo waa
inaad u samaysaan sida xukunka garsooriddiisu tahay, taasoo ay idiinka sheegi doonaan
meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo waa inaad dhawrtaan oo wada samaysaan
waxa ay idin bari doonaan oo dhan. 11 Oo siduu yahay sharciga
ay idin bari doonaan, iyo siduu yahay xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaad
u samaysaan. Xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaydaan uga leexan xagga midigta
ama xagga bidixda toona. 12 Oo ninkii kibra oo diidaa inuu
maqlo wadaadka Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa u taagan inuu u adeego, amase xaakinka,
ninkaas waa in la dilaa, oo sharka waa inaad reer binu Israa'iil ka saartaan.
13 Markaasay dadka oo dhammu maqli doonaan, oo cabsan doonaan, oo
kibir dambena ma samayn doonaan.
Boqorka
14 Oo markaad gashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin
siinayo, oo intaad hantidaan aad dhex degtaan, haddaad istidhaahdaan, Waxaannu doonaynaa
inaannu boqor u boqranno sida quruumaha hareerahayaga ku wareegsan oo kale,
15 si kastaba ha ahaatee waa inaad boqrataan kii Rabbiga Ilaahiinna
ahu doorto. Oo mid aad walaalihiinna kala soo dhex baxdaan waa inaad boqrataan.
Waa inaydaan shisheeye aan walaalkiin ahayn boqor ka dhigan.
16 Laakiinse isagu waa inuusan fardo badsan, oo dadkana uusan Masar dib ugu celin
si uu fardo u badsado, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku yidhi, Hadda ka dib jidkaas
waa inaydaan dib ugu noqon. 17 Oo naagona waa inuusan badsan
si aan qalbigiisu Rabbiga uga leexan, oo lacag iyo dahabna waa inuusan aad u badsan.
18 Oo markuu carshiga boqortooyadiisa ku fadhiisto waa inuu
naqil ah sharcigan kitaab kaga qoro waxa wadaaddada reer Laawi hortooda yaal,
19 oo naqilkaas waa inuu haystaa, oo waxa ku qoran waa inuu cimrigiisa
oo dhan akhristaa inuu barto si uu uga cabsado Rabbiga Ilaahiisa ah inuu wada xajiyo
oo yeelo erayada sharcigan iyo qaynuunnadan oo dhan, 20 si
uusan qalbigiisu kor ugaga kicin walaalihiis, oo uusan amarka uga leexan xagga midigta
ama xagga bidixda toona, in isaga iyo carruurtiisuba ay boqortooyada ku cimridheeraadaan
reer binu Israa'iil dhexdooda.
^ Dib u celi bilawga ^
18
Intii Qurbaannada Wadaaddada Iyo Reer Laawi Cuni Karaan
1 Wadaaddada reer Laawi iyo xataa qabiilka reer Laawi oo
dhan waa inayan reer binu Israa'iil qayb iyo dhaxal toona la yeelan, laakiinse waa
inay cunaan qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo iyo isaga dhaxalkiisa.
2 Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda
waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay. 3 Oo dadka allabariga bixiya
waxaa ku waajib ah inay wadaadka siiyaan, hadday dibi bixiyaan iyo hadday wan bixiyaanba,
garabka iyo labada daan iyo caloosha. 4 Oo isaga waa inaad
siisaan waxa ugu horreeya hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna, iyo saliiddiinna, iyo
dhogorta ugu horraysa idihiinna. 5 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna
ah ayaa isaga ka dhex doortay qabiilooyinkiinna oo dhan inuu isagu istaago oo ku
adeego magaca Rabbiga, isaga iyo carruurtiisuba weligood.
6 Oo haddii mid reer Laawi ahu uu ka soo baxo magaalooyinkiinna
middood, taasoo ah meeshuu dalka Israa'iil ka degganaa, oo isagoo aad u doonaya
inuu yimaado meesha Rabbigu uu dooranayo, 7 markaas waa inuu
ku adeegaa magaca Rabbiga Ilaahiisa ah siday wada yeelaan walaalihiisa reer Laawi
oo Rabbiga hortiisa taagan oo dhammu. 8 Oo iyagu waa inay
cunaan qayb isle'eg, oo aanay ku jirin waxa laga helo xoolaha aabbahood oo la iibiyo.
Samaynta Karaahiyada Ah
9 Oo markaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin
siinayo waa inaydaan baran inaad samaysaan waxyaalaha karaahiyo ah oo ay quruumahaasu
sameeyaan. 10 Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa
ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku
faaliya, ama qumay, ama mid wax fala, 11 ama falanfallow,
ama mid qof ruuxaan leh la hadla, ama sixirow, ama mid kuwa dhintay la hadla.
12 Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga,
oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna
uga eryayaa. 13 Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan
u qummanaataan.
Nebiga Oo Kici Doona
14 Maxaa yeelay, quruumahaas aad hantiyi doontaan waxay dhegaystaan
kuwa xiddigaha ku faaliya iyo faalshowyada kale, laakiinse idinka Rabbiga Ilaahiinna
ahu idiinma uu oggolaan inaad saasoo kale yeeshaan. 15 Oo
Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu dhexdiinna idiinka kicin doonaa nebi sidayda oo kale
oo walaalihiinna ka mid ah, oo idinku waa inaad isaga dhegaysataan,
16 sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga doonayseen maalintii shirka
markaad Xoreeb joogteen oo aad tidhaahdeen, Rabbiga Ilaahayaga ah codkiisa yaannan
mar dambe maqlin, oo dabkan weynna yaannan mar dambe arkin, si aannan u dhiman.
17 Oo markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Wixii ay ku hadleen
si wanaagsan bay u yidhaahdeen. 18 Waxaan iyaga walaalahood
uga dhex kicin doonaa nebi sidaada oo kale ah, oo markaasaan afkiisa gelin doonaa
erayadayda, oo isna wuxuu iyaga kula hadli doonaa wax alla waxaan isaga ku amri
doono oo dhan. 19 Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii aan
maqlin erayadayda uu magacayga ku sheegi doono, isagaan weyddiin doonaa.
20 Laakiinse nebigii wax aanan ku amrin leh oo si kibir ah magacayga
ugu hadla, ama kii ilaahyo kale magacood ku hadlaa, nebigaasu waa inuu dhintaa.
21 Oo haddaad qalbigiinna iska tidhaahdaan, Sidee baannu
u garanaynaa eraygii aan Rabbigu ku hadlin? 22 Markii nebi
ku hadlo magaca Rabbiga, haddii wixii uu ku hadlay ayan ahaan oo ayan noqon, waxaas
ayaa ah waxa aanu Rabbigu ku hadlin. Nebigu si kibir ah buu u hadlay ee waa inaydaan
ka cabsan innaba.
^ Dib u celi bilawga ^
19
Magaalooyinkii Magangalka
1 Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu wada gooyo quruumaha
Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dalkooda idin siinayo oo aad meeshooda gashaan ee aad
degtaan magaalooyinkooda iyo guryahooda, 2 markaas waa inaad
saddex magaalo gaar kaga dhex dhigataan dalkiinna uu Rabbiga Ilaahiina ahu idiin
siinayo inaad hantidaan. 3 Oo waa inaad jidka hagaagsataan
oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin dhaxalsiinayona soohdimihiisa waxaad u qaybisaan
saddex meelood in gacankudhiigle kastaaba halkaas ku cararo.
4 Oo gacankudhiiglaha halkaas ku cararayo oo noolaanayo waa caynkan:
oo waa kii deriskiisa kama' ku dilay isagoo aan hore u necbayn,
5 sida markii nin deriskiis duurka ugu raaco inay qoryo soo jaraan, oo gacantiisu
ay faaska qaadato inuu geedka ku jaro, oo markaas birtu intay daabka ka siibato
ku dhacdo kii deriskiisa ahaa ee uu saas ku dhinto, markaas isagu waa inuu ku cararaa
magaalooyinkaas middood si uu ku noolaado, 6 waaba intaasoo
ka aardoonka ahu uu gacankudhiiglaha raacdaystaa intuu qalbigiisu kulul yahay, oo
uu gaadhaa jidka fog aawadiis, oo uu markaas dilaa isagoo aan dhimasho istaahilin,
maxaa yeelay, isagu hore uma uu necbayn. 7 Oo sidaas daraaddeed
waxaan idinku amrayaa oo idinku leeyahay, Waa inaad saddex magaalo gaar ka dhigataan.
8 Haddii Rabbiga Ilaahiinna ahu u ballaadhiyo soohdimihiinna,
siduu awowayaashiin ugu dhaartay, oo uu idin wada siiyo dalkii uu awowayaashiin
u ballanqaaday inuu iyaga siinayo oo dhan, 9 oo haddaad xajisaan
oo wada yeeshaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan, inaad Rabbiga Ilaahiinna
ah jeclaataan oo aad weligiin jidadkiisa ku socotaan, kolkaas saddex magaalo oo
kale oo aan saddexdan ahayn waa inaad ku darsataan, 10 si
aan dhiig aan xaq qabinu loogu dhex daadin dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin
siinayo, waaba intaasoo dhiig idin saarnaadaa. 11 Laakiinse
haddii nin deriskiisa neceb yahay ee uu isaga meel ugu gabbado oo uu markaas ku
soo boodo oo uu ku dhufto nabar uu u dhinto, kolkaas hadduu u cararo magaalooyinkaas
middood, 12 waayeellada magaaladiisu waa inay cid u soo diraan,
oo halkaas ka soo wadaan, oo waa inay kii aardoonka ahaa gacantiisa ku ridaan isagu
ha dhintee. 13 Oo isaga ishiinnu yaanay u nixin, laakiinse
dhiigga aan xaqa qabin reer binu Israa'iil dhexdooda waa inaad ka fogaysaan, si
aad u nabdoonaataan.
14 Midkiinna waa inuusan innaba durkin soohdinta deriskiisa
oo hore loo dhex qotomiyey dhaxalkiinna aad dhaxli doontaan ee dalka Rabbiga Ilaahiinna
ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan.
Markhaatiyaal
15 Qof keliyahu yuusan nin ugu marag furin xumaan ama dembi
uu dembaabay toona, laakiinse wax kastaba ha lagu adkeeyo afka laba markhaati ama
saddex markhaati. 16 Haddii markhaati aan xaq ahaynu uu nin
ku kaco oo uu ku marag furo inuu xumaan sameeyey, 17 markaas
labada nin oo muranku ka dhexeeyaa waa inay soo istaagaan Rabbiga hortiisa iyo wadaaddada
iyo xaakinnada waagaas jiri doono hortooda, 18 oo xaakinnadu
waa inay xaalkaas aad u baadhaan, oo bal eeg, haddii markhaatigu yahay markhaati
been ah, oo uu walaalkiis si been ah ugu marag furay, 19
markaas waa inaad ku samaysaan siduu damcay inuu walaalkiis ku sameeyo, oo sidaas
waa inaad dhexdiinna sharka uga saartaan. 20 Oo kuwa hadhay
xaalkaas way maqli doonaan oo cabsan doonaan, oo markaas ka dibna innaba dhexdiinna
shar dambe oo caynkaas ah kuma samayn doonaan. 21 Oo ishiinnu
yaanay ninna u nixin, nafu naf ha u baxdo, ilna il ha loo rido, iligna ilig, gacanna
gacan ha loo gooyo, cagna cag.
^ Dib u celi bilawga ^
20
Geliddii Dagaalka
1 Markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo aad aragtaan
fardo iyo gaadhifardood iyo dad idinka sii badan, waa inaydaan ka cabsan, waayo,
waxaa idinla jira Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar.
2 Oo markaad dagaalka ku soo dhowaataan, wadaadku waa inuu dadka
u soo dhowaadaa oo la hadlaa, 3 oo ha ku yidhaahdo, Reer
binu Israa'iilow, maqla, maanta waxaad ku soo dhowaanaysaan dagaal aad cadaawayaashiinna
kula diriraysaan, haddaba qalbigiinnu yuusan itaal darnaan, oo ha cabsanina, hana
gariirina, iyagana ha ka baqina, 4 maxaa yeelay, Rabbiga
Ilaahiinna ah ayaa ah kan idinla socda inuu idiin dagaallamo oo cadaawayaashiinna
idiinka hiiliyo si uu idiin badbaadiyo. 5 Oo saraakiishu
dadka ha la hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa guri cusub dhistay oo aan weli
u ducaysan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka
ku dhinto uu nin kale u ducaystaaye. 6 Oo ninkee baa beer
canab ah beertay oo aan weli midhihiisii ku isticmaalin? Kaasu ha tago oo gurigiisii
ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale midhihiisa ku isticmaalaaye.
7 Oo ninkee bay naagu u doonan tahay, oo aan weli guursan?
Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto
uu nin kale guursadaaye. 8 Oo saraakiishu weliba dadka ha
la sii hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa cabsanaya oo qalbigiisu itaal daranyahay?
Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo qalbiga walaalihiis uu u
baqaa sida qalbigiisoo kale. 9 Oo markay saraakiishu dadka
lahadliddiisa dhammeeyaan waa inay doortaan saraakiil ciidameed inay dadka madax
u noqdaan.
10 Markaad magaalo ugu soo dhowaataan inaad la dirirtaan,
waxaad u naadisaan war nabdeed. 11 Oo hadday jawaab nabdeed
idin siiyaan oo ay albaabka idinka furaan, waa inay dadka magaaladaas dhexdeeda
laga helo oo dhammu addoommo idiin noqdaan oo ay idiin wada adeegaan.
12 Oo hadday idinla nabdi waayaan, laakiinse ay doonayaan inay idinla
diriraan, markaas waa inaad hareeraysaan, 13 oo markii Rabbiga
Ilaahiinna ahu uu magaalada idiin soo gacangeliyo, dadkeeda labka ah oo dhan waa
inaad seef ku wada laysaan, 14 laakiinse dumarka iyo dhallaanka
iyo xoolaha iyo waxa magaalada ku jira oo dhan, xataa wax kasta oo laga dhacaba
waa inaad booli ahaan u qaadataan, oo waa inaad cuntaan xoolihii aad cadaawayaashiinna
ka dhacdeen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey. 15
Oo sidaas waa inaad u wada gashaan magaalooyinka idinka fog oo aan ahayn magaalooyinka
quruumahan. 16 Laakiinse magaalooyinka dadyowga Rabbiga Ilaahiinna
ahu uu dhaxalka idiin siiyey waa inaydaan wax nool oo neefsada dhexdooda ku reebin,
17 illowse waa inaad dhammaantood u wada baabbi'isaan, kuwaasoo
ah reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo
reer Yebuusba, siduu Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray,
18 si ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada
ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin
Rabbiga Ilaahiinna ah.
19 Oo markaad wakhti dheer magaalo dagaal ku hareeraynaysaan
si aad u qabsataan, waa inaydaan dhirteeda faas ku baabbi'in, waayo, wax baad ka
cuni karaysaan, saas aawadeed waa inaydaan jarin. Waayo, bal geedka duurka ma nin
baa oo aad saas darteed u weerartaan? 20 Waxaad keliyahoo
baabbi'isaan oo jartaan dhirta aad garanaysaan inayan ahayn dhir la cuno, oo magaalada
idinla dirirayso waa inaad hareeraheeda ka dhisataan dhufaysyo ilaa ay dhacdo.
^ Dib u celi bilawga ^
21
Kafaaraggudkii Dilka Markii Gacankudhiiglaha Aan La Garanayn
1 Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad
hantidaan haddii laga dhex helo mid la dilay oo berrinka dhex yaal, oo la aqoon
waayo kii isaga dilay, 2 markaas waa inay wadaaddadiinna
iyo xaakinnadiinnu soo baxaan, oo waa inay qiyaasaan ilaa magaalooyinka kan la dilay
hareerahiisa ku wareegsan, 3 oo magaaladii ugu dhow ninka
la dilay waa in odayaasha magaaladaasu ay lo'da ka soo wataan qaalin aan lagu shaqaysan
oo aan harqood wax ku jiidin, 4 oo odayaasha magaaladaasu
waa inay qaalinta u wadaan dooxo biyaheedu ordayaan oo aan la jeexin, waxna lagu
beerin, oo halkaas dooxada dhexdeeda ah qaalinta qoorta ha kaga jebiyeen.
5 Oo markaas wadaaddada ah ilma Laawi waa inay soo dhowaadaan, waayo,
Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaguu u doortay inay isaga u adeegaan iyo inay ku duceeyaan
magaca Rabbiga, oo muran kasta iyo dhaawac kastaba siday iyagu yidhaahdaan ha laga
yeelo. 6 Oo magaalada ninka la dilay magaalo ahaan ugu dhow
odayaasheeda oo dhammu waa inay ku kor faraxashaan qaalintii qoorta lagaga jebiyey
dooxada dhexdeeda, 7 oo iyagu markaas ha jawaabeen oo ha
yidhaahdeen, Dhiiggan gacmahayagu ma daadin, indhahayaguna ma arag.
8 Haddaba Rabbiyow, cafi dadkaaga reer binu Israa'iil oo aad soo
furatay, oo hana u oggolaan in dhiig aan xaq qabinu uu saarnaado dadkaaga reer binu
Israa'iil. Oo markaas iyaga waa loo kafaaro gudi doonaa dhiiggaas.
9 Oo sidaas waa inaad dhexdiinna uga saartaan dhiigga aan xaqa qabin markaad samaysaan
waxa ku qumman Rabbiga hortiisa.
Guursigii Dumarka Maxaabiista Ah
10 Oo markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo uu
Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacmihiinna soo geliyo, oo aad maxaabiis ahaan iyaga
u kaxaysataan, 11 oo haddii midkiin maxaabiista dhexdooda
ku arko qof dumar ah oo qurux badan, oo uu iyada jeclaado oo uu doonayo inuu naagaysto,
12 markaas waa inuu gurigiisii geeystaa, oo iyadu waa inay
timaha iska xiirtaa oo ciddiyahana iska jartaa, 13 oo dharkii
maxaabiista waa inay iska furtaa, oo gurigiisa ha joogto, oo bil dhan ha u baroorato
aabbaheed iyo hooyadeed, oo taas dabadeed waa inuu u tagaa oo ninkeedii ahaadaa,
oo iyana naagtiisii ha ahaato. 14 Oo markaas hadduusan iyada
u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa
inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon,
maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey.
Xaquuqdii Curadka
15 Haddii nin laba naagood qabo, oo uu mid jecel yahay, tan
kalena neceb yahay, oo tan uu jecel yahay iyo tan uu neceb yahay labaduba ay isaga
carruur u dhaleen, oo haddii wiilkiisa curadka ah tan uu neceb yahay ay dhashay,
16 maalinta uu isagu wiilashiisa dhaxalsiiyo xoolihiisa waa
inuusan naagtii uu jeclaa wiilkeeda ka dhigin curadka ka horreeyey tii uu nebcaa
wiilkeedii ee curadka ahaa, 17 laakiinse naagtii uu nebcaa
wiilkeedu inuu curadkiisii yahay waa inuu ku caddeeyaa qaybta labanlaabka ah ee
uu ka siiyo waxa uu haysto oo dhan, maxaa yeelay, isagu waa bilowgii xooggiisa,
oo xaqa curadnimada isagaa leh.
Wiilka Caasiga Ah
18 Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan
addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga
dhegaysan innaba, 19 markaas aabbihiis iyo hooyadiis waa
inay isaga soo qabtaan, oo intay odayaasha magaaladiisa u soo bixiyaan ay iridda
magaalada keenaan, 20 oo iyagu odayaasha magaaladiisa ha
ku yidhaahdeen, Wiilkayaganu waa madax adag yahay, oo waa caasi, oo isagu dooni
maayo inuu hadalkayaga addeeco. Isagu waa rabshaalow oo waa khamriyacab.
21 Oo markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan
si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu
Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan.
Qaynuunno Kala Duwan
22 Oo haddii nin galo dembi dhimasho istaahila, oo isaga
la dilo oo aad geed ka soo deldeshaan, 23 jidhkiisa meydka
ahu waa inaan habeenka oo dhan geedka lagu dayn, laakiinse hubaal waa inaad isla
maalintaas aastaan si aydaan ku nijaasayn dalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal
idiin siiyey, maxaa yeelay, mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu ka inkaaran yahay
xagga Ilaah.
^ Dib u celi bilawga ^
22
1 Walaalkaa dibigiisa ama laxdiisa oo baxsi ah intaad aragtid
waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad walaalkaa u soo celisaa.
2 Oo walaalkaagii lahaa hadduusan kuu dhowayn, ama haddaadan isaga
aqoon, markaas waa inaad neefka baxsiga ah gurigaaga keentaa oo waa inaad haysaa
ilaa uu kuu yimaado walaalkaa oo doondoonaya, oo markaas waa inaad isaga u celisaa.
3 Oo waa inaad sidaas oo kale u gashaa dameerkiisa, iyo dharkiisaba,
oo waa inaad sidaas oo kale u gashaa wax alla wixii walaalkaa ka lumay ee aad adigu
heshid. Waa inaadan ka dhuuman.
4 Haddaad aragtid walaalkaa dameerkiisa ama dibigiisa oo
jidka ku dhacay, waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad isaga caawisaa
oo la istaajisaa.
5 Naagu waa inayan xidhan waxa nin leeyahay, oo ninna waa
inuusan guntan dhar naageed, waayo, ku alla kii waxaa sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga
Ilaahaaga ah.
6 Jidka hortaadaa haddaad ka heshid shimbir buulkeed oo geed
ama dhulka ku yaal, oo ay buulka ku jiraan dhal ama ugxan iyo hooyadood oo ku fadhida
dhashii ama ugxantii waa inaadan hooyada la qaadan dhasha.
7 Si kasta ha ahaatee waa inaad hooyada sii daysaa, laakiinse
dhasha waad qaadan kartaa, inaad nabdoonaatid oo uu cimrigaagu ku dheeraado.
8 Markaad dhisatid guri cusub, saqafkiisa waa inaad derbi
ku wareejisaa si aadan reerkaaga dhiig ugu soo jiidin haddii nin halkaas ka soo
dhaco. 9 Beertaada canabka ah waa inaadan ku wada beeran
iniino laba cayn oo kala duwan ah, waaba intaasoo ay midhaha oo dhammu quduus kaa
noqdaan, kuwaasoo ah iniinihii aad beeratay iyo midhihii beerta canabka ah kaaga
baxayba.
10 Waa inaadan beer ku jeexin dibi iyo dameer wada jira.
11 Waa inaadan guntan dhar isku darsan oo laga sameeyey dhogor
idaad iyo geed linen la yidhaahdo oo isku jira.
12 Oo dharka aad guntato afartiisa darafba waa inaad faraq
u yeeshaa.
Xadgudubka Guurka
13 Oo haddii nin naag guursado oo uu u tago, dabadeedna uu
necbaado, 14 oo uu waxyaalo ceeb ah ka sheego ee uu magac
ceeb ah u soo jiido isagoo leh, Naagtan waan guursaday oo markaan u soo dhowaaday
kama aanan helin calaamadihii bikradnimada, 15 markaas gabadha
aabbaheed iyo hooyadeed ha soo qaadeen calaamadihii bikradnimada gabadhooda, oo
odayaasha magaalada ha ugu keeneen iridda magaalada, 16 oo
markaas gabadha aabbaheed odayaasha ha ku yidhaahdo, Anigu gabadhayda ayaan ninkan
siiyey inuu guursado, oo imminkana wuu neceb yahay, 17 oo
bal eega, wuxuu ka soo sheegay waxyaalo ceeb ah, oo wuxuu yidhi, Gabadhaada kama
aanan helin calaamadihii bikradnimada, iyadoo calaamadihii bikradnimadeedu ay kuwan
yihiin. Oo iyana dharka ha ku kala bixiyeen odayaasha magaalada hortooda.
18 Oo markaas odayaasha magaaladaasu waa inay ninka qabtaan oo ay
edbiyaan, 19 oo weliba waa inay ku ganaaxaan boqol sheqel
oo lacag ah oo ay siiyaan gabadha aabbaheed, maxaa yeelay, isagu magac ceeb ah buu
u soo jiiday bikrad reer binu Israa'iil ah. Iyana naagtiisii ha ahaato, oo isna
cimrigiisa oo dhan waa inuusan furin. 20 Laakiinse haddii
waxyaalahaasu run yihiin oo gabadha laga waayo calaamadihii bikradnimada,
21 markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga
aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si
ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil
oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna
uga saartaan.
22 Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas
labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas
waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan.
23 Oo haddii nin magaalada dhexdeeda ka helo gabadh bikrad
ah oo nin kale u doonan, oo uu iyada la jiifsado, 24 markaas
labadoodaba waa inaad soo bixisaan oo keentaan magaaladaas iriddeeda, oo waa inaad
dhagxisaan si ay u dhintaan, maxaa yeelay, gabadhu magaaladay joogtay, mana ay qaylin,
ninkuna ceeb buu ku hoosaysiiyey tii deriskiisa u doonanayd, oo sidaas waa inaad
sharka dhexdiinna uga saartaan.
25 Laakiinse haddii nin duurka ka helo gabadh nin u doonan,
oo uu ninku gabadhaas xoogo oo la jiifsado, markaas ninka iyada la jiifsaday keliyahu
waa inuu dhintaa, 26 laakiinse gabadha waxba ha yeelin, maxaa
yeelay, gabadha dembi dhimasho istaahilaa kuma jiro, waayo, xaalkanu wuxuu la mid
yahay markii nin deriskiisa ku kaco oo dilo, 27 waayo, iyada
wuxuu ka helay duurka, oo gabadha ninka u doonanuna way qaylisay oo cid iyada badbaadisana
la ma arag.
28 Haddii nin helo gabadh bikrad ah oo aan ninna u doonanayn,
oo intuu qabsado uu iyada la jiifsado, oo markaas iyaga la helo,
29 markaas ninkii gabadha la jiifsaday waa inuu gabadha aabbaheed
siiyaa konton sheqel oo lacag ah. Iyana naagtiisa ha ahaato, maxaa yeelay, isagu
ceeb buu ku hoosaysiiyey, oo isna waa inuusan furin cimrigiisa oo dhan.
30 Ninna waa inuusan qaadan naagtii aabbihiis, oo waa inuusan aabbihiis
marada ka bannayn.
^ Dib u celi bilawga ^
23
Kuwa Ururka Ka Reeban
1 Oo kii xiniinyaha ka tuman ama guska ka jaran waa inuusan
shirka Rabbiga gelin.
2 Oo garacna waa inuusan shirka Rabbiga gelin, oo xataa hadduu
toban qarni joogo farcankiisu waa inuusan shirka Rabbiga gelin.
3 Oo mid reer Cammoon ah ama mid reer Moo'aab ahu waa inuusan shirka Rabbiga gelin,
xataa hadday toban qarni joogaan wax ay farcankoodu leeyihiin waa inayan weligood
shirka Rabbiga gelin, 4 maxaa yeelay, markaad jidka soo socoteen,
idinkama ay hor keenin kibis iyo biyo toona markaad Masar ka soo baxdeen, oo weliba
waxay idiin soo kiraysteen Balcaam ina Becoor oo ka yimid Fetoor oo ku taal Mesobotamiya
inuu idin habaaro aawadeed. 5 Habase yeeshee Rabbiga Ilaahiinna
ahu wuu diiday inuu Balcaam dhegaysto, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu habaarkii
idiinku beddelay duco, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin jeclaa.
6 Cimrigiinna oo dhan waa inaydaan weligiinba iyaga u doonin nabad
iyo barwaaqo toona.
7 Waa inaydaan karhin mid reer Edom ah, maxaa yeelay, waa
walaalkiin. Waana inaydaan karhin mid Masri ah, maxaa yeelay, dalkiisaad qariib
ku ahaan jirteen. 8 Oo carruurta qarnigooda saddexaad u dhalataa
ha soo galeen shirka Rabbiga.
Wax Nijaasta Ah Ee Xerada Ku Jira
9 Markaad cadaawayaashiinna kula baxdaan ciidanka waa inaad
wax kasta oo shar ah iska jirtaan. 10 Oo hadduu idinku jiro
nin aan nadiif ahayn oo habeenkii isku januubay, xerada dibadda ha uga baxo, oo
waa inuusan xerada soo gelin. 11 Laakiinse markay casar gaabadkii
tahay, biyo ha ku maydho, oo kolkii qorraxdu dhacdo, xerada ha soo galo.
12 Oo xerada dibaddeeda waxaad ka yeelataan meel aad u baxdaan,
13 oo hubkiinna waxaad la qaadataan taki, oo kolkaad dibadda
saxaro u fadhiisataan waa inaad takida god ku qoddaan oo intaad dib u soo jeesataan
wixii idinka soo baxay waa inaad ciid ku aastaan. 14 Waayo,
Rabbiga Ilaahiinna ahu xeradiinnuu dhex socdaa inuu idin samatabbixiyo oo uu cadaawayaashiinnana
gacantiinna soo geliyo, oo sidaas daraaddeed xeradiinnu waa inay quduus ahaataa
si uusan dhexdiinna ugu arag wax nijaas ah oo uusan idiinka sii jeesan.
Qaynuunno Kala Duwan
15 Haddii addoon sayidkiisii ka soo cararo oo uu idiin yimaado
waa inaydaan isaga sayidkiisii dib ugu celin. 16 Isagu ha
idinla joogo, oo dhexdiinna ha joogo meeshuu irdihiinna middood ka doorto oo uu
jecel yahay. Waa inaydaan isaga dulmin.
17 Dumarka reer binu Israa'iil waa inaan laga helin dhillo,
nimanka reer binu Israa'iilna waa inaan laga helin mid khaniis ah.
18 Dhillo kiradeed iyo eey kiradiis toona waa inaydaan guriga Rabbiga
Ilaahiinna ah u soo gelin nidar aawadiis, waayo, labadaasuba waa u karaahiyo Rabbiga
Ilaahiinna ah.
19 Waa inaydaan walaalkiin intaad wax deymisaan korsaar ka
qaadan, ha ahaadeen lacag korsaar ah, ama cunto korsaar ah, ama wax kale oo korsaar
laysku deymiyo toona. 20 Kii shisheeye ah korsaar wax baad
ku deymi kartaan, laakiinse walaalkiin waa inaydaan korsaar wax ku deymin, in Rabbiga
Ilaahiinna ahu uu idinku barakeeyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba intaad
joogtaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.
21 Oo markaad Rabbiga Ilaahiinna ah nidar u nidartaan waa
inaydaan ka raagin inaad waxaas bixisaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu hubaal kaas
wuu idin weyddiin doonaa, oo dembi buu idinku noqon lahaa.
22 Laakiinse haddaydnan nidar gelin taasu dembi idinkuma ahaan doonto.
23 Wax alla wixii afkiinna ka soo baxay waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan
sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu nidarteen, oo wixii aad ikhtiyaarkiinna afka ugu
ballanqaaddeen waa inaad bixisaan.
24 Markaad soo gashaan beerta canabka ah ee deriskiinna,
canabka uga dherga si alla saad doonaysaan, laakiinse waa inaydaan weelkiinna waxba
kaga qaadan.
25 Oo markaad timaadaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna,
sabuulka gacanta waad ku goosan kartaan, laakiinse waa inaydaan hadhuudhka taagan
ee deriskiinna manjo ku gooyn.
^ Dib u celi bilawga ^
24
1 Haddii nin naag qaato oo uu guursado, oo dabadeed uusan
raalli ka ahayn, sababtuna ay tahay ceeb uu iyada ka dhex helay, markaas isagu ha
u qoro warqaddii furniinka oo iyada gacanta ha u geliyo, gurigiisana ha ka eryo.
2 Oo iyadu markay gurigiisa ka tagto way tegi kartaa oo nin
kale naagtiis way noqon kartaa. 3 Oo ninka dambena hadduu
iyada nebcaado, oo uu qoro warqaddii furniinta, oo uu iyada gacanta u geliyo, oo
uu gurigiisana ka eryo, amase haddii ninka dambe oo iyada guursaday uu dhinto,
4 ninkeedii hore oo iyada eryay yuusan mar dambe naagnimo u qaadan,
kolkii iyadu ay nijaasowday dabadeed, maxaa yeelay, taasu Rabbiga hortiisa karaahiyo
bay ku tahay, oo waa inaydaan dembi keenin dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka
idiin siinayo.
5 Markii nin naag dhowaan guursado waa inuusan dagaalka gelin,
hawl kalena waa inaan loo dirin, laakiinse intii sannad ah waa inuu gurigiisa ikhtiyaar
ku joogaa oo waa inuu ka farxiyaa naagtii uu guursaday. 6
Ninna waa inuusan rahaamad u qaadan dhagaxa hoose ama dhagaxa sare oo wax lagu shiido,
waayo, taasu waxay la mid tahay isagoo rahaamad u qaatay waxa lagu noolyahay.
7 Haddii nin la helo isagoo mid ka mid ah walaalihiisa reer
binu Israa'iil intuu xaday uu ugu macaamiloodo sidii addoon oo kale, amase uu isaga
iibiyo, markaas tuuggaas waa in la dilaa, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna
uga saartaan. 8 Xagga cudurka baraska ah waa inaad isjirtaan,
oo waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan wax alla wixii wadaaddada reer Laawi ay idin
baraan oo dhan, oo sidaan iyaga ugu amray, idinku waa inaad saas u dhawrtaan oo
u yeeshaan. 9 Bal xusuusta wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu
ku sameeyey Maryan, markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen.
10 Markaad deriskaaga wax amaahiso, deyn kasta ha ahaadee,
waa inaadan gurigiisa gelin si aad rahaamadda uga soo qaadato.
11 Waa inaad dibadda istaagtaa, oo ninkii aad wax deymisay waa inuu
dibadda kuugu keenaa rahaamadda. 12 Oo isagu hadduu yahay
nin miskiin ah waa inaadan seexan adigoo rahaamaddiisa sii haysta,
13 laakiinse hubaal waa inaad rahaamaddiisa u celisaa markii qorraxdu
dhacdo inuu dharkiisa ku seexdo oo uu kuu duceeyo, oo taasuna waxay Rabbiga Ilaahaaga
ah hortiisa kuugu ahaanaysaa xaqnimo.
14 Waa inaadan dulmin shaqaale la kiraystay oo miskiin ah
oo baahan, hadduu yahay walaalahaaga midkood ama hadduu yahay shisheeyaha dalkaaga
deggan oo irdahaaga ku jira. 15 Waa inaad maalintiisa mushahaaradiisa
siisaa, oo qorraxduna yay ka dhicin adoo aan siin, maxaa yeelay, isagu waa miskiin,
oo mushahaaradiisa qalbiguu ku hayaa, waaba intaasoo uu Rabbiga kaaga cawdaa oo
ay taasu dembi kugu noqotaaye.
16 Aabbayaasha waa inaan loo dilin carruurtooda, carruurtana
waa inaan loo dilin aabbayaashood, laakiinse nin kasta waa in loo dilaa dembigiisa
uu isagu falay.
17 Waa inaydaan qalloocin garta qariibka iyo agoonta, oo
naag carmal ah dharkeedna waa inaydaan rahaamad u qaadan,
18 laakiinse waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo ku ahaan jirteen
oo Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaas idinka soo furtay, haddaba waan idinku amrayaa
inaad waxan samaysaan.
19 Oo markaad beertaada goosatid haddaad xidhmo sabuullo
ah beerta ku soo dhex illowdo waa inaadan dib ugu noqon si aad u soo qaadato. Waxaa
lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka, si uu Rabbiga Ilaahaaga ahu kuugu
barakeeyo wixii ay gacmahaagu qabtaan oo dhan.
20 Oo markaad geedkaaga saytuunka ah midhaha ka garaacdid,
mar dambe laamaha ha ku noqon. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo carmalka.
21 Oo markaad midhaha ka soo urursatid beertaada canabka
ah waa inaadan dib u soo xaaxaabin. Waxaa lahaan doona qariibka iyo agoonta iyo
carmalka. 22 Waa inaad xusuusataan inaad dalkii Masar addoommo
ku ahaan jirteen, haddaba waan idinku amrayaa inaad waxan samaysaan.
^ Dib u celi bilawga ^
25
1 Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan,
oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab
ha lagu xukumo. 2 Oo haddii ninkii gardarnaa karbaash istaahilo
xaakinku waa inuu hortiisa jiifiyaa si isaga loogu hor karbaasho, oo intii gardarradiisu
ahayd ha loo tiriyo. 3 Wuxuu ku xukumi karaa afartan karbaash,
laakiinse yuusan uga sii badin, waaba intaasoo hadduu intaas uga sii badiyo oo karbaash
badan la dhaco aad walaalkaa fududaysataa.
4 Waa inaadan dibiga af xidhin markuu sarreenka burburinayo.
5 Haddii walaalo wada deggan yihiin, oo midkood dhinto, laakiinse
uusan wiil lahayn, kan dhintay naagtiisu yaanay dibadda ka guursan mid shisheeye
ah. Ninkeedii walaalkiis waa inuu u guri galo oo dumaalo, oo uu ku sameeyo wixii
ku habboon ninkeedii walaalkiis inuu ku sameeyo. 6 Si uusan
ku dhintay magiciisu reer binu Israa'iil uga dhex baabbi'in ninkeedu wiilka ugu
horreeya oo ay dhali doonto ha u bixiyo magicii walaalkiisii dhintay.
7 Laakiinse hadduusan ninku doonaynin inuu dumaalo naagtii walaalkiis,
markaas naagta walaalkiis waa inay odayaasha ugu tagtaa iridda magaalada oo ay ku
tidhaahdaa, Ninkaygii walaalkiis wuu diiday inuu walaalkiis magac uga dhex kiciyo
reer binu Israa'iil, oo dooni maayo inuu igu sameeyo waxa ku habboon in dumaashigay
igu sameeyo. 8 Oo markaas odayaasha magaaladiisu waa inay
isaga u yeedhaan oo la hadlaan, oo markaas hadduu ka soo istaago oo yidhaahdo, Dooni
maayo inaan dumaalo, 9 markaas naagta walaalkiis waa inay
ugu timaadaa odayaasha hortooda, oo ay kabtiisa ka siibtaa, oo ay wejigana candhuuf
uga tuftaa, oo iyadu waa inay jawaabtaa oo tidhaahdaa, Saas ha lagu sameeyo ninkii
aan dhisin reerka walaalkiis. 10 Oo magiciisa reer binu Israa'iil
dhexdooda ha loogu yeedho, Reerkii kan kabtiisii laga siibay.
11 Oo markii niman isdiriraan, haddii mid naagtiisu u soo
dhowaato si ay ninkeeda uga samatabbixiso gacanta kan isaga dilaya, hadday gacanta
soo fidiso oo ay isaga xiniinyaha ku dhegto, 12 markaas waa
inaad iyada gacanta ka gooysaa oo aadan innaba u nixin.
13 Waa inaadan kolaygaaga ku haysan miisaanno kala cayn ah
oo ah mid weyn iyo mid yar. 14 Oo waa inaadan gurigaaga ku
haysan weelal qiyaaseed oo kala cayn ah oo ah mid weyn iyo mid yar.
15 Waa inaad haysataa miisaan qumman oo xaq ah, oo waa inaad haysataa
weel qiyaaseed oo qumman oo xaq ah, in cimrigaagu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahaaga
ahu uu ku siinayo. 16 Waayo, kuwa waxyaalahaas oo kale sameeya
oo ah kuwa si aan xaq ahayn wax u sameeya oo dhan waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga
ah.
17 Bal xusuusta wixii ay reer Camaaleq idinku sameeyeen markaad
jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen, 18 iyo siday
jidka idiinkaga hor yimaadeen oo ay u laayeen dabaadigiinnii, kuwaas oo ahaa kulli
intiinnii taagta darnayd oo dambaysay, markaad tabarta darnaydeen oo daallanaydeen.
Iyaguse Ilaah kama ay cabsan. 19 Sidaas daraaddeed markii
Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka nasiyo cadaawayaashiinna hareerahiinna ku wareegsan
oo dhan, idinkoo jooga dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxal idiin siinayo inaad
hantidaan aawadeed, waa inaad reer Camaaleq ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa,
oo taas ha illoobina.
^ Dib u celi bilawga ^
26
Midhaha Ugu Horreeya Iyo Meeltobnaadyada
1 Oo markaad gashid dalkii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu dhaxalka
kuu siinayo, oo aad hantido ee aad dhex degto, 2 waa inaad
keentaa midhaha dhulka kuwa ugu horreeya oo dhan, kuwaasoo aad ka guran doonto dalka
Rabbiga Ilaahaaga ahu uu ku siinayo, oo waa inaad dambiil ku riddaa oo kolkaas waxaad
tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu uu u dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo.
3 Oo waa inaad u timaadaa wadaadka waagaas joogi doono, oo
waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan maanta u qirayaa Rabbiga Ilaahaaga ah inaan imid dalkii
Rabbigu ugu dhaartay awowayaasheen inuu ina siinayo. 4 Oo
markaas wadaadku waa inuu dambiisha gacantaada ka qaadaa oo uu hor dhigaa meesha
allabariga oo Rabbiga Ilaahaaga ah. 5 Oo markaas waa inaad
jawaabtaa oo Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa ka tidhaahdaa, Aabbahay wuxuu ahaa mid
reer Suuriya ah oo warwareega. Wuxuu ku dhaadhacay Masar, oo halkaasuu degay, isagoo
reerkiisu yar yahay, oo halkaas wuxuu ku noqday quruun weyn oo xoog badan oo tiro
badan. 6 Markaas Masriyiintii wax xun bay nagu sameeyeen
oo na dhibeen, oo waxay na saareen addoonnimo culus.
7 Oo annana markaasaannu Rabbiga ah Ilaahii awowayaashayo u qayshannay,
kolkaasaa Rabbigu codkayagii maqlay oo dhibkayagii iyo hawshayadii iyo dulmigayagii
arkay. 8 Markaasaa Rabbigu dalkii Masar nagaga soo baxshay
gacan xoog badan, iyo cudud fidsan, iyo cabsi weyn, iyo calaamooyin iyo yaabab,
9 oo meeshan buu na keenay, oo wuxuu na siiyey dalkan oo
ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan. 10 Oo haatan Rabbiyow,
waxaan keenay dhulkii aad i siisay midhihiisii u horreeyey. Kolkaas waa inaad midhaha
hor dhigtaa Rabbiga Ilaahaaga ah, oo aad ku sujuuddaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa.
11 Waa inaad adiga iyo kan reer Laawi ah iyo qariibka idin
dhex joogaaba ku faraxdaan kulli wanaagga Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey adiga
iyo reerkaagaba.
12 Oo markaad wada dhammaysid bixintii meeltobnaadyada aad
ka bixinaysid midhaha kuu baxa sannadda saddexaad taasoo ah sannaddii bixinta meeltobnaadyada,
waa inaad siisaa kan reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inay irdahaaga
gudahooda ku cunaan oo dhergaan. 13 Oo Rabbiga Ilaahaaga
ah hortiisa waxaad ka tidhaahdaa, Anigu gurigaygii waan ka soo bixiyey waxyaalihii
quduuska ahaa, oo sidaad iigu amartay oo dhan ayaan u siiyey kan reer Laawi, iyo
qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka. Amarradaadii midna kuma xadgudbin, mana aanan
illoobin iyagii. 14 Oo iyaga wax kama cunin anoo barooranaya,
waxna kama qaadan anigoo nijaas ah, qof dhintayna wax ugama siin. Waan dhegaystay
codkii Rabbiga Ilaahayga ah, oo waxaan sameeyey wixii aad igu amartay oo dhan.
15 Rabbiyow, hoygaaga quduuska ah oo samada ah hoos ka soo fiiri
oo barakee dadkaaga reer binu Israa'iil, iyo dhulkii aad na siisay oo aad ugu dhaaratay
awowayaashayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
Xajiya Amarrada Rabbiga
16 Maanta Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku amrayaa inaad
qaynuunnadan iyo amarradan yeeshaan, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan
oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ka yeeshaan.
17 Oo maanta waxaad Rabbiga u ballanqaaddeen inuu isagu Ilaah idiin yahay, iyo inaad
jidkiisa ku soconaysaan, oo aad qaynuunnadiisa iyo amarradiisa iyo xukummadiisa
xajinaysaan, oo aad codkiisa dhegaysanaysaan. 18 Oo Rabbiguna
wuxuu maanta idiin ballanqaaday inaad ahaanaysaan dad hanti isaga u ah siduu idiin
ballanqaaday, iyo inaad xajinaysaan amarradiisa oo dhan,
19 iyo inuu idinka sare mariyo quruumaha uu sameeyey oo dhan xagga ammaanta iyo
xagga magaca iyo xagga sharaftaba, iyo inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u ahaanaysaan
dad quduus ah siduu yidhi.
^ Dib u celi bilawga ^
27
Meeshii Allabariga Ee Buur Ceebaal
1 Markaasaa Muuse iyo odayaashii reer binu Israa'iil waxay
dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan wada
xajiya. 2 Oo maalintii aad Webi Urdun uga gudubtaan dalkii
Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaad dhagaxyo waaweyn qotomisaan oo
aad nuurad ku malaastaan, 3 oo waxaad ku qortaan erayada
sharcigan oo dhan markaad gudubtaan inaad gashaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu
idin siinayo oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sidii Rabbiga ah Ilaahii
awowayaashiin uu idiin ballanqaaday. 4 Oo markaad Webi Urdun
ka gudubtaan, waa inaad Buur Ceebaal ku qotomisaan dhagaxyada aan maanta idinkaga
amrayo, oo iyaga waa inaad nuurad ku malaastaan. 5 Oo halkaas
waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah meel allabari uga dhistaan, ha ahaato meel allabari
oo dhagax ah, oo dhagaxyadeeda waa inaydaan alaab bir ah u qaadan.
6 Oo Rabbiga Ilaahiinna ah meeshiisa allabariga waa inaad ku dhistaan
dhagaxyo aan la qorin, oo meeshaas dusheeda waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu bixisaan
qurbaanno la gubo. 7 Oo waa inaad qurbaanno nabaadiino sadqaysaan,
oo aad halkaas ku cuntaan, oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku faraxdaan.
8 Oo waa inaad dhagaxyada si bayaan ah ugu qortaan sharcigan erayadiisa
oo dhan.
Inkaarihii Buur Ceebaal
9 Markaasaa Muuse iyo wadaaddadii reer Laawi waxay la hadleen
reer binu Israa'iil, oo waxay ku yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, aamusa oo dhegaysta.
Maanta waxaad noqoteen dadkii Rabbiga Ilaahiinna ah. 10 Haddaba
waa inaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad yeeshaan amarradiisa iyo
qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo.
11 Oo isla maalintaas Muuse wuxuu dadkii ku amray oo ku yidhi,
12 Reer Simecoon, iyo reer Laawi, iyo reer Yahuudah, iyo
reer Isaakaar, iyo reer Yuusuf, iyo reer Benyaamiin waa inay kor istaagaan Buur
Gerisiim inay dadka u duceeyaan markaad Webi Urdun ka gudubtaan.
13 Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Aasheer, iyo reer Sebulun,
iyo reer Daan, iyo reer Naftaalina waa inay Buur Ceebaal habaar isla taagaan.
14 Oo markaas reer Laawi waa inay jawaabaan oo dadka reer binu Israa'iil
oo dhan cod weyn ku yidhaahdaan,
15 Inkaaru ha ku dhacdo ninkii sameeya oo meel qarsoon qotonsada
sanam xardhan ama la shubay oo Rabbiga karaahiyo u ah oo ah wax nin saanac ahu gacantiisa
ku sameeyey. Oo dadka oo dhammuna ha u jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Aamiin.
16 Inkaaru ha ku dhacdo kii aabbihiis ama hooyadiis fududaysta.
Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
17 Inkaaru ha ku dhacdo kii soohdinta deriskiisa durkiya.
Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
18 Inkaaru ha ku dhacdo kii qof indha la' jidka ka habaabiya.
Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
19 Inkaaru ha ku dhacdo kii qalloociya garta qariibka iyo
agoonta iyo carmalka. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
20 Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda naagtii aabbihiis,
maxaa yeelay, aabbihiis buu maradii ka banneeyey. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen,
Aamiin.
21 Inkaaru ha ku dhacdo kii neef u galmooda, cayn kasta ha
ahaadee. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
22 Inkaaru ha ku dhacdo kii la seexda walaashiis oo ah ina
aabbihiis ama ina hooyadiis. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
23 Inkaaru ha ku dhacdo kii soddohdiis la seexda. Oo dadka
oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
24 Inkaaru ha ku dhacdo kii deriskiisa qarsoodi ku dila.
Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
25 Inkaaru ha ku dhacdo kii laaluush u qaata inuu qof aan
xaq qabin dilo. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
26 Inkaaru ha ku dhacdo ku kasta oo aan adkayn sharcigan
erayadiisa inuu sameeyo. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
^ Dib u celi bilawga ^
28
Barakooyinka Ay Helaan Kuwa Ilaah Addeeca
1 Oo haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna
ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan,
Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan.
2 Oo barakooyinkan oo dhammuna way idinku soo degi doonaan,
wayna idin soo gaadhi doonaan, haddaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah dhegaysataan.
3 Waxaad ku barakaysnaan doontaan magaalada, oo waxaad ku
barakaysnaan doontaan duurka. 4 Oo waxaa barakaysnaan doona
midhaha jidhkiinna, iyo midhaha dhulkiinna, iyo midhaha xoolihiinna oo ah dhasha
lo'diinna iyo tan idihiinna. 5 Waxaa barakaysnaan doona dambiishiinna
iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan. 6 Oo waad barakaysnaan
doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad barakaysnaan doontaan markaad dibadda
u baxdaan. 7 Oo cadaawayaashiinna idinku kaca Rabbigu wuxuu
ka dhigi doonaa in hortiinna lagu laayo. Jid qudha ayay idinkaga iman doonaan, oo
hortiinna ayay toddoba jid ku kala carari doonaan. 8 Oo Rabbigu
wuxuu ku amri doonaa inay barakadu idinku soo degto idinka, iyo maqsinnadiinna,
iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba, oo wuxuu idinku barakayn doonaa dalka
Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo. 9 Rabbigu wuxuu idinka
dhigan doonaa dad isaga qudhiisa quduus u ah, siduu idiinku dhaartay, haddaad amarrada
Rabbiga Ilaahiinna ah xajisaan oo aad jidadkiisana ku socotaan.
10 Oo dadka dunida oo dhammu waxay arki doonaan in laydiinku yeedhay
magicii Rabbiga, wayna idinka cabsan doonaan. 11 Oo Rabbigu
wanaag buu idiinku badin doonaa midhaha jidhkiinna, iyo midhaha xoolihiinna, iyo
midhaha dhulkiinna idinkoo jooga dalka Rabbigu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin
siinayo. 12 Oo Rabbigu wuxuu idiin furi doonaa khasnaddiisa
wanaagsan ee samada inuu dalkiinna roob siiyo xilligiisa, iyo inuu wada barakeeyo
shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan, oo idinku quruumo badan baad wax deymin
doontaan, waxbase ma amaahan doontaan. 13 Oo Rabbigu wuxuu
idinka dhigayaa madaxa, idinkana dhigi maayo dabada, oo weligiin waxaad ahaanaysaan
kuwa sarreeya, oo noqon maysaan kuwa hooseeya, haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga
Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo, oo intaad xajisaan aad yeeshaan,
14 oo aydaan erayada aan maanta idinku amrayo gees uga leexan xagga
midigta iyo xagga bidixda toona, inaad ilaahyo kale daba gashaan oo aad u adeegtaan.
Inkaaraha Ku Dhaca Kuwa Aan Ilaah Addeecin
15 Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna
ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta
idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin
soo gaadhi doonaan. 16 Waxaad ku inkaarnaan doontaan magaalada
oo waxaad ku inkaarnaan doontaan duurka. 17 Waxaa inkaarnaan
doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan.
18 Oo waxaa inkaarnaan doona midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna, iyo dhasha
lo'diinna iyo tan idihiinna. 19 Oo waad inkaarnaan doontaan
markaad gudaha soo gashaan, oo waad inkaarnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan.
20 Rabbigu wuxuu idinku soo dejin doonaa inkaar iyo dhibaato,
oo wuu idinku canaanan doonaa wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo dhan jeeraad
baabba'daan oo aad haddiiba halligantaan, waana sharka falimihiinna, oo aad iiga
tagteen aawadiis. 21 Oo Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa
balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.
22 Rabbiguna wuxuu idinku dhufan doonaa taagdarro, iyo qandho, iyo
gubasho, iyo kulayl daran, iyo seef, iyo beera-engeeg, iyo caariyaysi, oo iyana
way idin eryan doonaan ilaa aad halligantaan. 23 Oo samada
idinka korraysaa waxay noqon doontaa naxaas, oo dhulka idinka hooseeyaana wuxuu
noqon doonaa bir. 24 Oo Rabbigu roobka dalkiinna wuxuu ka
dhigi doonaa budo iyo boodh, oo waxaasu samaday idinkaga soo degi doonaan ilaa aad
baabba'daan. 25 Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku
laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo
hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo
dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib. 26 Oo
meydkiinnu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka hawada oo dhan iyo dugaagga dhulka,
oo mid iyaga ka eryana lama arki doono. 27 Oo Rabbigu wuxuu
idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka
bogsan karin. 28 Oo weliba Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa
waalli iyo indhabbeel iyo naxdin. 29 Oo hadhkii baad u haabhaaban
doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan,
laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo
mid idin badbaadiyana lama arki doono. 30 Naag baad guursan
doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse
degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid.
31 Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana
waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono.
32 Wiilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale,
oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan
xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba.
33 Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona
quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo,
34 oo taas daraaddeed waxaad la waalan doontaan waxa indhihiinnu
arki doonaan. 35 Oo Rabbigu lowyaha iyo lugaha tan iyo tin
iyo cedhib wuxuu idinka gelin doonaa boogo aydaan ka bogsan karin.
36 Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba
u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad
ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah.
37 Oo dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan
yaab iyo maahmaah iyo halqabsi. 38 Waxaad beerta u qaadan
doontaan abuur badan, wax yar baadse ka soo urursan doontaan, maxaa yeelay, waxaa
cuni doona ayax. 39 Waxaad beeran doontaan beero canab ah,
waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan,
waayo, waxaa cuni doona dixiri. 40 Oo soohdimihiinna oo dhan
dhexdooda waxaa idiinku oolli doona geedo saytuun ah, laakiinse saliid kuma subkan
doontaan, waayo, saytuunkiinna midhuhu way ka daadan doonaan.
41 Waxaad dhali doontaan wiilal iyo gabdho, laakiinse iyagu kuwiinna
ma ahaan doonaan, maxaa yeelay, maxaabiis ahaan bay idiinka tegi doonaan.
42 Dhirtiinna oo dhan iyo midhaha dhulkiinnaba waxaa lahaan doona
ayax. 43 Oo qariibka dhexdiinna ku jira ayaa idinka sare
mari doona, oo idinkuna hoos baad u sii degi doontaan. 44
Oo isagu wax buu idin deymin doonaa, idinkuse wax ma deymin doontaan, madaxa buu
noqon doonaa, idinkuse dabada baad noqon doontaan. 45 Inkaarahan
oo dhammu idinkay idinku soo degi doonaan, wayna idin eryan doonaan oo idin soo
gaadhi doonaan ilaa aad baabba'daan, maxaa yeelay, ma aydaan dhegaysan codka Rabbiga
Ilaahiinna ah, inaad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.
46 Oo waxay calaamad iyo yaab ku dul ahaan doonaan idinka iyo farcankiinnaba
weligiin, 47 maxaa yeelay, idinku Rabbiga Ilaahiinna ah wax
kasta oo uu idinku badiyey aawadood uguguma aydaan adeegin faraxsanaan iyo qalbi
reyreeya. 48 Haddaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna
Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan,
idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah,
ilaa uu idin baabbi'iyo. 49 Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka
darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda
garanayn, 50 oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka
waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin. 51 Oo dadkaasu
wuxuu cuni doonaa midhaha xoolihiinna iyo midhaha dhulkiinna, ilaa aad baabba'daan,
oo weliba idiinkama tegi doono hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo dhasha lo'diinna,
iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo. 52 Oo meel kasta
oo dhulkiinna ah ayuu dhammaan irdihiinna idinku hareerayn doonaa ilaa derbiyadiinna
deyrka dheer ee aad isku hallayseen ay soo wada dhacaan, oo wuxuu idinku hareerayn
doonaa irdihiinna oo dhan ee dhulka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey oo dhan.
53 Oo waxaad cuni doontaan midhaha jidhkiinna, kaasoo ah
hilibka wiilashiinna iyo gabdhihiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey, waana
markaad gashaan hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu idinku cidhiidhin
doonaan. 54 Ninka idinku dhex jira oo idiinku jilicsan, oo
qabow ku noolaan jiray, wuxuu il shar ah ku dayi doonaa walaalkiis, iyo naagtiisa
laabta kaga jiifta, iyo kuwa carruurtiisa ka hadhay,
55 si uusan midkoodna wax uga siin hilibka carruurtiisa oo uu cuni
doono, maxaa yeelay, isaga waxba uma hadhi doonaan intii uu ku jiro hareeraynta
iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan.
56 Oo naagta jilicsan, oo idinku dhex jirta oo qabow ku noolaan
jirtay oo aan u quudhin inay cagteeda cad dhulka dhigto nolosheedii qaboobayd oo
jilicsanayd aawadeed, waxay il shar ah ku dayi doontaa ninkeeda laabta kaga jiifa,
iyo wiilkeeda iyo gabadheeda. 57 Wayna ka qarsan doontaa
mandheerta ka soo dhex baxdo labadeeda lugood, iyo carruurteeda ay dhasho, waayo,
qarsoodi bay iyaga u cuni doontaa iyadoo wax kasta u baahan, intay ku jirto hareeraynta
iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan.
58 Haddeydnan dhawrin oo wada yeelin erayada sharcigan ee
kitaabkan ku qoran oo dhan inaad ka cabsataan magacan ammaanta badan oo cabsida
badan oo ah RABBIGA ILAAHIINNA AH, 59 markaas Rabbigu wuxuu
idinka iyo farcankiinnaba ku ridi doonaa belaayooyin yaab leh oo waaweyn oo wakhti
dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro
xunxun oo wakhti dheer idinku raaga. 60 Oo haddana wuxuu
idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way
idinku dhegi doonaan. 61 Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku
soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan
ku qornayn kitaabka sharcigan. 62 Oo in kastoo aad u faro
badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo
dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen.
63 Oo sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo
uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo,
oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.
64 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo
dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu
adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin
toona. 65 Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan,
oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa
qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid. 66 Oo naftiinnana
waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana
ma aad hubi doontaan innaba. 67 Oo waaberigii waxaad odhan
doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan
iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan. 68 Oo Rabbigu
mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari
doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna
isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna
idinma iibsan doono.
^ Dib u celi bilawga ^
29
Cusboonayntii Axdiga
1 Kuwanu waa erayadii axdigii Rabbigu Muuse ku amray, oo
uu reer binu Israa'iil kula dhigtay dalkii reer Moo'aab, oo aan ahayn axdigii uu
iyaga kula dhigtay Buur Xoreeb.
2 Markaasaa Muuse u wada yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan,
oo wuxuu ku yidhi, Idinku waad wada aragteen wixii Rabbigu markaad Masar joogteen
hortiinna ku sameeyey Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan iyo dalkiisii oo dhan,
3 kuwaas oo ahaa jirrabyadii waaweynaa oo indhihiinnu arkeen,
iyo calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa, 4 laakiinse Rabbigu
ilaa maantadan la joogo idinma siin qalbi wax garta iyo indho wax arka iyo dhego
wax maqla toona. 5 Oo anigu intii afartan sannadood ah ayaan
cidlada idinku dhex kexeeyey, oo dharkiinnii korkiinna kuma duugoobin, kabihiinniina
cagihiinna kuma dhammaanin. 6 Idinku ma aydaan cunin kibis,
mana aydaan cabbin khamri ama wax lagu sakhraamo toona si aad u garataan inaan anigu
ahay Rabbiga Ilaahiinna ah. 7 Oo markaad meeshan timaadeen
waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii
Baashaan, oo innana waynu laynay. 8 Oo dalkoodiina intaan
qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh
badhkood. 9 Haddaba erayada axdigan xajiya oo yeela inaad
ku liibaantaan wax alla wixii aad samaysaan.
10 Maanta dhammaantiin waxaad hor taagan tihiin Rabbiga Ilaahiinna
ah. Waxaa wada jooga madaxdiinnii, iyo qabiilooyinkiinnii, iyo odayaashiinnii, iyo
saraakiishiinnii, iyo xataa nimankii reer binu Israa'iil oo dhan,
11 iyo dhallaankiinnii, iyo naagihiinnii, iyo qariibkiinnii xeryihiinna
ku dhex jira, xataa kan geedaha idiin jara iyo kan biyaha idiin dhaansha,
12 inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga
Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo, 13 inuu maanta
dad idinka dhigto iyo inuu Ilaah idiin noqdo, siduu idiin sheegay oo uu ugu dhaartay
awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub. 14
Oo idinka keligiinna idinla dhigan maayo axdigan iyo dhaartan,
15 laakiinse waxaan la dhiganayaa ka maanta inala taagan halkan
Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, iyo ka aan maanta halkan inala taagnaynba,
16 (waayo, waad ogtihiin sidaan Masar ku dhex degganaan jirnay iyo
sidaan u soo dhex marnay quruumihii aad ka soo dhex gudubteen,
17 waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha,
iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil,)
18 waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu
maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda,
oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar,
19 oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu
qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku
socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo.
20 Rabbigu ninkaas saamixi maayo, laakiinse Rabbiga cadhadiisa iyo masayrkiisa ayaa
ninkaas ku kululaan doona, oo inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhammuna isagay saarnaan
doontaa, oo Rabbiguna magiciisa wuu ka tirtiri doonaa inta samada ka hoosaysa oo
dhan. 21 Oo Rabbigu wuxuu isaga qabiilooyinka reer binu Israa'iil
oo dhan uga dhex sooci doonaa inuu belaayo ugu dejiyo siday yihiin dhammaan inkaaraha
axdiga ee ku qoran kitaabkan sharciga. 22 Oo qarniga soo
socda oo ah carruurtiinna dabadiin kici doonta, iyo shisheeyaha dal fog ka iman
doonaaba markay arkaan dalkaas belaayadiisa iyo cudurrada Rabbigu ku riday,
23 iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban,
oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii
la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey
cadhadiisa iyo xanaaqiisa, 24 markaasay quruumaha oo dhammu
odhan doonaan, Rabbigu muxuu dalkan sidaas ugu galay? Oo kulaylka xanaaqan weyn
micnihiisu waa maxay? 25 Markaasaa dadku waxay odhan doonaan,
Maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen axdigii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood la
dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar, 26 oo intay tageen
ayay u adeegeen oo caabudeen ilaahyo kale oo ayan aqoon, isaguna uusan siin,
27 oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku
soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan. 28
Oo Rabbigu dhulkoodii ayuu kaga rujiyey cadho iyo xanaaq iyo dhirif weyn, oo wuxuu
ku dhex tuuray dal kaleeto siday maantadan tahay. 29 Waxyaalaha
qarsoon waxaa iska leh Rabbiga Ilaaheenna ah, laakiinse waxyaalaha la muujiyey waxaa
iska leh innaga iyo carruurteenna weligeenba inaan sharcigan erayadiisa oo dhan
yeelno.
^ Dib u celi bilawga ^
30
Kuwa U Soo Noqdaa Rabbiga Way Barakoobaan
1 Oo markii waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, kuwaas
oo ah barakada iyo inkaarta aan idin hor dhigay, oo aad ku xusuusataan quruumaha
Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku kexeeyey dhexdooda oo dhan,
2 oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah u soo noqotaan oo aad idinka iyo carruurtiinnuba
qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku addeecdaan codkiisa iyo waxyaalahan
aan maanta idinku amrayo oo dhan, 3 markaasaa Rabbiga Ilaahiinna
ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar
kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku
kala firdhiyey oo dhan. 4 Oo haddii masaafirradiinna qaarkoodu
joogaan meesha samada ugu shishaysa, Rabbiga Ilaahiinna ahu halkaasuu idinka soo
ururin doonaa, oo halkaasuu idinka soo kaxayn doonaa, 5 markaasaa
Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idin keeni doonaa dalkii awowayaashiin mar hore hantiyeen,
oo idinna waad hantiyi doontaan, oo wanaag buu idiin samayn doonaa, wuuna idinka
sii badin doonaa intii awowayaashiin ahaan jireen. 6 Oo markaas
Rabbiga Ilaahiinna ahu sida jidhka loo gudo ayuu idinka jari doonaa xumaanta qalbigiinna
iyo tan qalbiga farcankiinna inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeclaataan qalbiga oo
dhan iyo nafta oo dhan si aad u noolaataan. 7 Oo Rabbiga
Ilaahiinna ahu inkaarahan oo dhan wuxuu ku ridi doonaa cadaawayaashiinna iyo kuwa
idin neceb oo idin silcin jiray. 8 Oo idinna waa inaad soo
noqotaan, oo aad addeecdaan codka Rabbiga, oo aad yeeshaan amarradiisa aan maanta
idinku amrayo oo dhan. 9 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu
idinku barwaaqayn doonaa shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan iyo midhaha jidhkiinna
iyo midhaha xoolahiinna, iyo midhaha dhulkiinnaba, waayo, Rabbigu mar kaluu ku farxi
doonaa inuu wanaag idiin sameeyo siduu awowayaashiin ugu farxay oo kale,
10 haddaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad xajisaan
amarradiisa iyo qaynuunnadiisa ku qoran kitaabkan sharciga, iyo haddaad Rabbiga
Ilaahiinna ah ugu soo noqotaan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan.
Kaladoorashadii Nolol Iyo Geeri
11 Waayo, amarkan aan maanta idinku amrayo ma aha mid aad
idiinku adag, mana aha mid idinka fog.
12 Oo samadana kuma uu jiro si aad u tidhaahdaan, Bal yaa
samada noo kori doona oo noo keeni doona, oo na maqashiin doona aannu amarkaas yeelnee?
13 Oo baddana kama uu shisheeyo si aad u tidhaahdaan, Bal
yaa badda nooga gudbi doona oo noo keeni doona, oo na maqashiin doona, aannu amarkaas
yeelnee? 14 Laakiinse eraygii waa idiin dhow yahay, wuxuuna
ku jiraa afkiinna iyo qalbigiinna inaad yeeshaan.
15 Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigay nolol iyo wanaag,
iyo geeri iyo shar, 16 oo waxaan maanta idinku amrayaa inaad
Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa ku socotaan, oo aad wada xajisaan
amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa inaad noolaataan oo badataan iyo
in Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.
17 Laakiinse haddii qalbigiinnu sii jeesto, oo aad dhegaysan
weydaan, laakiinse laydiin jiito inaad ilaahyo kale caabuddaan oo u adeegtaan,
18 waxaan maanta idiin caddaynayaa inaad hubaal halligmaysaan, oo
cimrigiinnu ku dheeraan maayo dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad gashaan
oo aad hantidaan. 19 Maanta waxaan u yeedhayaa samada iyo
dhulka inay idiinku markhaati furaan, inaan idin hor dhigay nolol iyo geeri, iyo
barako iyo inkaar, haddaba sidaas daraaddeed nolosha doorta idinka iyo farcankiinnuba
aad noolaateene, 20 idinkoo Rabbiga Ilaahiinna ah jecel,
oo codkiisa addeecaya, oo isaga sii xajista, waayo, isagu waa noloshiinna iyo dhererka
cimrigiinna inaad degganaataan dalkii Rabbigu ugu dhaartay inuu siinayo awowayaashiin
oo ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.
^ Dib u celi bilawga ^
31
Yashuuca Oo La Wareegay Xilkii Muuse
1 Markaasaa Muuse tegey oo erayadan kula hadlay reer binu
Israa'iil oo dhan. 2 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Maanta waxaan
jiraa boqol iyo labaatan sannadood, oo mar dambe ma bixi karo, mana soo geli karo,
oo Rabbiguna wuxuu igu yidhi, Webigan Urdun ka gudbi maysid.
3 Haddaba waxaa idin hor gudbaya Rabbiga Ilaahiinna ah, oo hortiinna buu ka baabbi'in
doonaa quruumahaas, oo idinna iyaga waad hantiyi doontaan, oo sidii Rabbigu yidhi,
waxaa idin hor kici doona Yashuuca. 4 Oo Rabbigu wuxuu quruumahaas
ku samayn doonaa siduu ugu sameeyey Siixon iyo Coog iyo dalkoodiiba, kuwaas oo ahaa
boqorradii reer Amor ee uu baabbi'iyey. 5 Oo Rabbigu iyaga
gacantiinna buu soo gelin doonaa, oo waa inaad ku samaysaan siduu yahay amarkii
aan idinku amray oo dhan. 6 Haddaba xoog yeesha oo aad u
dhiirranaada, ha baqina, hana ka cabsanina, waayo, waxaa idinla socda Rabbigii Ilaahiinna
ahaa. Idinma gabi doono, idinmana dayrin doono. 7 Markaasaa
Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi,
Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu
awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa.
8 Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma
gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.
Akhrintii Sharciga
9 Markaasaa Muuse sharcigan qoray, oo wuxuu u dhiibay wadaaddadii
reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, iyo odayaashii reer binu Israa'iil
oo dhan. 10 Markaasaa Muuse iyagii ku amray oo ku yidhi,
Haddaba markii toddoba sannadood dhammaatoba wakhtiga la amray oo sannadda saamaxaadda,
oo ah Iidda Waababka, 11 markii reer binu Israa'iil oo dhammu
ay u yimaadaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meesha uu dooranayo,
waa inaad sharcigan ku akhridaan reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo maqlaya.
12 Oo soo wada shiriya dadka oo dhan, ragga, iyo dumarka,
iyo dhallaanka, iyo qariibka irdihiinna ku jiraba, inay maqlaan, oo ay bartaan,
oo ay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, iyo inay xajiyaan oo wada yeelaan erayada
sharcigan oo dhan, 13 iyo in carruurtooda aan hore u aqoonu
ay maqlaan, oo ay bartaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, in alla intaad
deggan tihiin dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.
Caasinimada Reer Binu Israa'iil Oo La Sii Sheegay
14 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, wakhtigii aad
dhiman lahayd waa soo dhow yahay, haddaba Yashuuca u yeedh oo isdhex taaga teendhada
shirka, aan isaga amar siiyee. Markaasaa Muuse iyo Yashuuca tageen oo teendhadii
shirka isdhex taageen. 15 Kolkaasaa Rabbigu teendhada kaga
dhex muuqday tiir daruur ah, oo tiirkii daruurta ahaa wuxuu ku kor istaagay iriddii
teendhada. 16 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg,
waad dhiman doontaa oo awowayaashaa la seexan doontaa, oo dadkanuna way kici doonaan
oo sida naagi ninkeeda ka dhillowday ayay u raaci doonaan ilaahyada qalaad ee dalka,
kuwaasoo ay dhex joogayaan, oo aniga way iga tegi doonaan oo axdigaygii aan iyaga
la dhigtayna way jebin doonaan. 17 Oo kolkaasaa cadhadaydu
ku kululaan doontaa iyaga, waanan ka tegi doonaa, oo wejigaygana waan ka qarin doonaa,
oo iyaga waa la baabbi'in doonaa, oo waxaa ku soo degi doona masiibo iyo dhibaatooyin
badan, oo waxay maalintaas odhan doonaan, Ilaaheenna aan ina dhex joogin aawadiis
sow masiibadanu inooguma soo degin? 18 Oo anna hubaal maalintaas
wejigayga ayaan ka qarin doonaa sharka badan oo ay sameeyeen aawadiis, maxaa yeelay,
iyagu waxay u jeesteen ilaahyo kale. 19 Haddaba gabaygan
qorta, adiguna reer binu Israa'iil bar, oo iyaga afkooda geli, in gabaygaasu ii
noqdo markhaati reer binu Israa'iil ka gees ah. 20 Waayo,
markaan iyaga geeyo dalkii aan awowayaashood ugu dhaartay, dalkaasoo caano iyo malab
la barwaaqaysan, oo ay wax cunaan oo wada dhergaan oo cayilaan, kolkaasay u jeesan
doonaan ilaahyo kale, wayna u adeegi doonaan, anna way i quudhsan doonaan, axdigaygana
way jebin doonaan. 21 Oo markii masiibo iyo dhibaatooyin
badanu ku soo degaan ayaa gabayganu hortooda ku markhaati furayaa, waayo, afka farcankoodu
ma illoobi doono, maxaa yeelay, waan ogahay fikirkooda ay ku fikirayaan haddeertan
intaanan iyaga geeyn dalkii aan ugu dhaartay ka hor.
22 Sidaas daraaddeed Muuse ayaa gabaygan isla maalintaas qoray oo
reer binu Israa'iil baray.
23 Oo Rabbigaa Yashuuca ina Nuun amar siiyey oo ku yidhi,
Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, reer binu Israa'iil ayaad geeyn doontaa dalkii
aan iyaga ugu dhaartay, oo anna waan kula jiri doonaa.
24 Oo markii Muuse dhammaystiray sharcigan erayadiisii oo
uu kitaab ku qoray ilaa ay wada dhammaadeen, 25 ayaa Muuse
amray reer Laawi oo qaadi jiray sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi iyagii,
26 Kitaabkan sharciga qaada, oo waxaad ag dhigtaan sanduuqa
axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah inuu halkaas ku ahaado markhaati idinka gees ah.
27 Waayo, caasinimadiinna iyo madax adkaantiinna waan aqaan. Bal
eeg, intaan weli noolahay oo aan maantadan idinla joogo caasiyiin baad ku ahaydeen
Rabbiga, haddaba intee baad ka sii darnaan doontaan markaan dhinto dabadeed?
28 Haddaba bal ii soo shiriya odayaasha qabiilooyinkiinna oo dhan
iyo saraakiishiinna aan erayadan dhegahooda kula hadlee, oo aan samada iyo dhulkana
u yeedha iyaga ha ku marag fureene. 29 Waayo, waan ogahay
in markaan dhinto dabadeed aad iskharribi doontaan, oo aad jidkii aan idinku amrayna
gees uga leexan doontaan, oo ugu dambaystana masiibo baa idinku dhici doonta, maxaa
yeelay, waxaad samayn doontaan wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, inaad isaga kaga
xanaajisaan shuqulka aad gacmihiinna ku samaysaan.
Gabaygii Muuse
30 Kolkaasaa Muuse shirkii reer binu Israa'iil oo dhan dhegahoodii
kula hadlay erayadii gabaygan ilaa ay wada dhammaadeen.
^ Dib u celi bilawga ^
32
1 Samooyinkow, dhegaysta waan hadlayaaye,
Oo dhulkuna ha maqlo erayada afkayga.
2 Cilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida
roobka,
Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa,
Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,
3 Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii
Rabbiga.
Idinku weyneeya Ilaaheenna.
4 Isagu waa dhagaxa, shuqulkiisuna waa
kaamil,
Waayo, jidadkiisa oo dhammu waa caddaalad,
Isagu waa Ilaah aamin ah, oo aan xumaan lahayn,
Isagu waa xaq, waana caaddil.
5 Way iskharribeen, oo carruurtiisii
iyagu ma aha, waa ceebtooda,
Iyagu waa qarni qalloocan oo maroorsan.
6 Dadyahow nacaska ah oo aan xigmadda
lahaynu
Ma saasaad Rabbiga ugu abaalguddaan?
War isagu sow ma aha Aabbihiinnii idin soo iibsaday?
Isagaa idin uumay oo idin xoogeeyey.
7 Bal xusuuso waagii hore,
Oo soo garwaaqso qarniyo badan sannadahood,
Aabbahaa weyddii oo wuu ku ogeysiin doonaa,
Odayaashaadana weyddii oo way kuu sheegi doonaan.
8 Markii Ilaaha ugu wada sarreeyaa uu
quruumaha dhaxalkooda siiyey,
Oo uu kala soocay binu-aadmiga,
Intii tirada reer binu Israa'iil ahayd
Ayuu dadka soohdimaha u dhigay,
9 Waayo, Rabbiga qaybtiisu waa dadkiisa,
Reer Yacquubna waa saamigii dhaxalkiisa.
10 Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan
ah,
Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan.
Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey,
Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,
11 Sida gorgorku buulkiisii u lulo,
Oo dhashiisa ugu kor ruxmo,
Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado,
Oo garbihiisa ugu xambaaro,
12 Ayaa Rabbiga oo keliya isaga hoggaamiyey,
Oo ilaah qalaadna lama joogin.
13 Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee
dhulka,
Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay,
Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay,
Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.
14 Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano
idaad,
Iyo baraarro baruurtood,
Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha,
Iyo sarreenka ugu wanaagsan.
Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.
15 Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo
wax buu harraatiyey.
Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay.
Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay,
Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.
16 Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo
qalaad,
Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah.
17 Waxay wax u sadaqeeyeen jinniyo aan
Ilaah ahayn,
Iyo ilaahyo ayan iyagu aqoon
Oo ah kuwo cusub oo dhowaan soo baxay,
Oo awowayaashiin ayan ka cabsan jirin.
18 Adigu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid,
Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay.
19 Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay,
Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey.
20 Oo wuxuu yidhi, Wejigayga waan ka
qarin doonaa,
Oo waxaan arki doonaa bal wixii ugu dambaystoodu noqon doonto.
Waayo, iyagu waa qarni aad u qalloocan
Iyo carruur aan iimaan lahayn.
21 Wax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen,
Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn,
Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn,
Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah.
22 Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii,
Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool,
Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba.
Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.
23 Waxaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin,
Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa.
24 Waxay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo
waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya
Iyo halligaad qadhaadh,
Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga,
Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta.
25 Dibadda waxaa ku layn doona seef,
guryaha gudahoodana cabsi,
Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada
baabbi'i doonaan.
26 Waxaan idhi, Iyaga meel fog baan ku
kala firdhin lahaa,
Oo xusuustoodana dadka dhexdiisa waan ka joojin lahaa,
27 Haddaanan ka cabsanin cadowga cadhadiisa,
Waaba intaasoo ay cadaawayaashoodu si xun u macaamiloodaan,
Oo ay yidhaahdaan, Gacantayadii waa sarraysaa,
Oo waxyaalahan oo dhan Rabbigu ma uu samayn.
28 Waayo, iyagu waa quruun aan talo lahayn,
Oo innaba waxgarasho kuma jirto.
29 Bal may caqli yeeshaan, oo ay waxan
gartaan,
Oo bal may ka fikiraan ugu dambaystooda!
30 Haddaan Dhagaxoodii iyaga iibin,
Oo aan Rabbigu iyaga gacanta u gelin,
Sidee baa nin keliya kun u eryi karaa?
Labase sidee bay toban kun u didin karaan?
31 Dhagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga.
Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.
32 Waayo, geedcanabkoodu wuxuu ka yimid
geedcanabkii Sodom,
Iyo kii ku yiil beerihii Gomora.
Canabkoodu waa midho sumeed,
Rucubyadooduna waa qadhaadh.
33 Khamrigoodu waa jebiso waabaydeed,
Iyo mariidka xun ee jilbiska.
34 Tanu sow ilama kaydsana,
Iyadoo shaabadaysan oo khasnadahayga ku dhex jirta?
35 Aarsasho iyo abaalmarinba anigaa iska
leh,
Markay cagtoodu simbiriirixan doonto,
Waayo, maalintii masiibadoodu waa dhow dahay,
Oo waxyaalaha iyaga ku soo kor degi doona ayaa deddejin doona.
36 Maxaa yeelay, Rabbigu dadkiisa wuu
xukumi doonaa,
Oo addoommadiisana wuu ka nixi doonaa,
Markuu arko in xooggoodii dhammaaday,
Oo aan midna ku hadhin, mid xidhan iyo mid furan toona.
37 Oo wuxuu odhan doonaa, Bal meeye ilaahyadoodii,
Iyo dhagaxii ay isku halleeyeen,
38 Oo cunay baruurtii allabaryadooda,
Oo cabbay khamrigii qurbaankoodii cabniinka ahaa?
Haddaba ha soo kaceen, oo ha idin caawiyeen,
Oo iyagu ha idin daafaceen.
39 Haddaba bal eega inaan aniga qudhuhu
ahay isagii,
Oo aniga mooyaane aan ilaah kale jirin.
Wax baan dilaa, waanan soo nooleeyaa.
Wax baan dhaawacaa, waanan bogsiiyaa.
Mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin karaa.
40 Waayo, gacantayda ayaan xagga samada
kor ugu qaadaa,
Oo waxaan leeyahay, Weligay waan noolahay.
41 Haddaan listo seeftayda dhalaalaysa,
Oo gacantayduna xukun qabsato,
Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa,
Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa.
42 Fallaadhahayga waan ku sakhraamin
doonaa
Kuwa la dilay iyo maxaabiista dhiiggooda,
Oo seeftayduna waxay hilib ka cuni doontaa
Madaxa hoggaamiyayaasha cadowga.
43 Quruumahow, dadkiisa la reyreeya,
Waayo, isagu wuu aaran doonaa dhiiggii addoommadiisa,
Oo cadaawayaashiisana wuu ka aarsan doonaa,
Oo dalkiisa iyo dadkiisana buu u kafaaro gudi doonaa.
44 Markaasaa Muuse yimid oo gabaygan erayadiisii oo dhan
kula hadlay dhegihii dadka, isaga iyo Yashuuca ina Nuunba.
45 Markaasaa Muuse dhammeeyey hadalkii uu erayadan oo dhan kula hadlayay reer binu
Israa'iil oo dhan, 46 oo wuxuu ku yidhi, Qalbigiinna ku qabsada
kulli erayadan aan maanta idiin sheegay oo dhan, kuwaasoo aad carruurtiinna ku amri
doontaan si ay u dhawraan oo u wada yeelaan sharcigan erayadiisa oo dhan.
47 Waayo, taasu idiinma aha wax aan waxtar lahayn, maxaa yeelay,
waaba naftiinnii, oo waxyaalahaas daraaddood ayaa cimrigiinnu ugu dheeraan doonaa
dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.
Muuse Oo Ku Dhiman Doona Buur Nebo
48 Oo Rabbigu isla maalintaas qudheeda wuu la hadlay Muuse
oo wuxuu ku yidhi, 49 Waxaad fuushaa buurtan Cabaariim, oo
ah Buur Nebo oo ku dhex taal dalka reer Moo'aab, oo ka soo hor jeeda Yerixoo, oo
bal waxaad fiirisaa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil hantida u siinayo,
50 oo kolkaas ku dhimo buurta aad fuulaysid, oo dadkaagii
la urur, sidii walaalkaa Haaruunba ugu dhintay Buur Xor, oo uu dadkiisii ula ururay,
51 maxaa yeelay, waad igu xadgudubteen idinkoo reer binu
Israa'iil dhex jooga markaad joogteen biyihii Meriibaah oo ku taal Qaadeesh, oo
cidladii Sin ku dhex taal, waayo, reer binu Israa'iil dhexdooda quduus igagama aydaan
dhigin. 52 Haddaba dalka hortaadaad ka arki doontaa, laakiinse
geli maysid dalka aan reer binu Israa'iil siinayo.
^ Dib u celi bilawga ^
33
Muuse Oo Barakeeyey Qabiilooyinka
1 Tanu waa Muuse oo ahaa ninkii Ilaah ducadiisii uu reer
binu Israa'iil ugu duceeyey intuusan dhiman. 2 Isagoo leh,
Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay,
Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga,
Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan,
Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah,
Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.
3 Haah, isagu dadyowga wuu jecel yahay.
Kuwiisa quduuska ah oo dhammuna gacantaaday ku jiraan,
Oo iyagu waxay fadhiisteen cagahaaga,
Oo waxay qaadanayaan erayadaada.
4 Muuse wuxuu inagu amray sharci,
Dhaxal u ah shirka reer Yacquub.
5 Oo waxaa Yeshuruun ku jiray boqor.
Markii madaxda dadka qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhammu
Ay soo wada urureen.
6 Ruubeen ha noolaado oo yuusan dhiman,
Oo raggiisu yuusan yaraan.
7 Tanuna waa ducadii uu Yahuudah ugu duceeyey, isagoo leh,
Rabbiyow, codka Yahuudah maqal,
Oo isaga dadkiisa soo dhex geli,
Gacmihiisu ha ku filnaadeen,
Oo adiguna ka caawi cadaawayaashiisa.
8 Oo markuu Laawi u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Tummiimkaagii iyo Uuriimkaagii waxay la jiraan kaaga aad jeceshahay,
Oo aad Masaah ku tijaabisay,
Oo aad biyihii Meriibaah agtooda kula dirirtay,
9 Kii aabbihiis iyo hooyadiis yidhi,
Anigu ma arag,
Oo walaalihiisna aan aqoonsan,
Oo carruurtiisiina aan aqoon,
Waayo, iyagu erayadaadii way xajiyeen,
Oo axdigaagiina way dhawreen.
10 Waxay reer Yacquub bari doonaan xukummadaada,
Reer binu Israa'iilna sharcigaaga.
Hortaada waxay soo dhigi doonaan foox,
Oo meeshaada allabarigana waxay saari doonaan allabari dhan oo la
gubo.
11 Haddaba Rabbiyow xoolihiisa barakee,
Oo shuqulka gacmihiisana aqbal,
Oo kuwii isaga ku kaca iyo kuwa necebna
Dhexda ku dhufo si ayan mar dambe u kicin.
12 Oo markuu Benyaamiin u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu ammaan u fadhiyi doonaa meel cagtiisa
ah,
Oo maalintii oo dhanna gaashaan buu u yahay,
Oo wuxuu deggan yahay garbihiisa dhexdooda.
13 Oo markuu Yuusuf u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Dalkiisu ha ahaado mid Rabbigu ku barakeeyo
Waxyaalaha qaaliga ah oo samada, iyo sayaxa,
Iyo moolka hoos fidsan,
14 Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah midhaha
qorraxda,
Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah waxyaalaha bilaha soo baxa,
15 Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha
gaboobay,
Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,
16 Iyo dhulka waxyaalihiisa qaaliga ah
iyo buuxnaantiisa,
Iyo kii duurka degganaa raallinimadiisa.
Barakadaasu ha ku soo degto madaxa Yuusuf,
Isagoo ahaa kii walaalihiis laga soocay.
17 Sida dibigiisa curadka ah weynaan
buu leeyahay,
Oo geesihiisuna waa sidii geeso gisi,
Oo wuxuu ku hardiyi doonaa dadka dunida dhinacyadeeda jooga oo dhan,
Oo iyagu waa tobanka kun oo reer Efrayim,
Iyo kumaanyaalka reer Manaseh.
18 Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Sebulunow, ku farax baxniintaada,
Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.
19 Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan
buurta,
Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada,
Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha
Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.
20 Oo markuu Gaad u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Barako ha ku dhacdo kii reer Gaad ballaadhiya,
Isagu wuxuu u jiifaa sida gool libaax,
Oo wuxuu dillaacsadaa gacanta iyo madaxa dhaladiisa.
21 Isagaa doortay qaybtii kowaad,
Waayo, halkaas qaybtii taliyaha baa lagu kaydiyey,
Wuxuu soo raacay madaxdii dadka,
Oo wuxuu reer binu Israa'iil la sameeyey caddaaladdii Rabbiga iyo
xukummadiisiiba.
22 Oo markuu Daan u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Daan waa dhal libaax,
Oo ka soo booda Baashaan.
23 Oo markuu Naftaali u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Naftaaliyow, kaaga raallinimo ka dhergayow,
Oo barakadii Rabbiga ka buuxsantayow,
Adigu hanti galbeedka iyo koonfurta.
24 Oo markuu Aasheer u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Aasheer ku wiilasha ku dhex barakaysan ha ahaado,
Oo hana ahaado kan walaalihiis u bogaan,
Oo cagtiisana saliid ha daro.
25 Kabahaagu waxay ahaan doonaan bir
iyo naxaas,
Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.
26 Yeshuruunow, wax Ilaah la mid ah ma
jiro,
Kaasoo samada u fuula, inuu ku caawiyo,
Cirkana sharaftiisa u fuula.
27 Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga,
Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira.
Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray,
Oo yidhi, Baabbi'i.
28 Oo Israa'iil oo ah isha Yacquub oo
keliya
Ammaan buu ku deggan yahay dal sarreen iyo khamri leh,
Oo waxaa samada uga soo da'a sayax.
29 Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan
tihiin.
Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey,
Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna,
Iyo seefta sharaftiinna.
Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan,
Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.
^ Dib u celi bilawga ^
34
Dhimashadii Muuse
1 Markaasaa Muuse bannaankii Moo'aab ka tegey oo wuxuu aaday
Buur Nebo, oo fuulay dhaladii Buur Fisgaah oo Yerixoo ka soo hor jeedda. Kolkaasaa
Rabbigu isagii tusay dalkii Gilecaad oo dhan iyo tan iyo Daan,
2 iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, iyo dalkii reer Efrayim iyo reer Manaseh, iyo
dalkii reer Yahuudah oo dhan, tan iyo badda galbeed, 3 iyo
xagga koonfureed, iyo bannaanka dooxada Yerixoo oo ah magaalada geedaha timireed,
iyo tan iyo Socar. 4 Oo Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waa
kaas dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub oo aan midkood kasta
ku idhi, Dalkaas waxaan siinayaa farcankaaga. Haddaba waxaan ka dhigay inaad indhahaaga
ku aragto, laakiinse xaggaas u gudbi maysid. 5 Sidaas daraaddeed
Muuse oo ahaa addoonkii Rabbigu meeshaasoo ahayd dalkii reer Moo'aab ayuu ku dhintay,
sida erayga Rabbigu ahaa. 6 Oo wuxuu isagii ku aasay dooxada
ku taal dalka Moo'aab oo ka soo hor jeeda Beytfecoor, laakiinse ilaa maantadan la
joogo ma jiro nin qabrigiisii yaqaan. 7 Oo Muuse markuu dhintay
wuxuu jiray boqol iyo labaatan sannadood, oo haddana indhihiisu ma aragdarnaan,
xooggiisiina kama yaraan. 8 Oo reer binu Israa'iilna soddon
maalmood ayay Muuse ugu ooyayeen bannaankii Moo'aab, haddaba maalmihii loo barooranayay
Muuse way dhammaadeen. 9 Oo Yashuuca ina Nuunna waxaa ka
buuxay ruuxa xigmadda, maxaa yeelay, Muusaa gacmihiisa mar hore saaray, oo reer
binu Israa'iil isagii way maqleen, oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay sameeyeen.
10 Oo tan iyo waagaasna reer binu Israa'iil kama dhex kicin
nebi Muuse la mid ah oo Rabbigu fool ka fool u yaqaan.
11 Oo ma jirin mid sameeyey calaamooyinkii iyo yaababkii uu Rabbigu
isaga dalkii Masar ugu diray inuu ku sameeyo Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan,
iyo dalkiisii oo dhan, 12 waxyaalahaasoo uu Muuse
gacantii xoogga badnayd oo dhan iyo cabsidii weynayd oo dhan kaga sameeyey reer
binu Israa'iil oo dhan hortooda.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved