Sidee baad u aragtaa Masiixa? Wax kasta waxay ku xiran tahay jawaabta aad ka bixisid su'aashan: farxaddaada nolosha hadda ah iyo meesha aad ku qaadan doonto nolosha soo socota waa aakhiro e. Mar dhow Ciise wuu soo noqon doonaa, wuxuuna ku weyddiin doonaa sidii uu dad badan oo kaleba u weyddiiyey, "Waa maxay fikrada aad aniga iga qabtaa?" (
Matayos 22:42)
Waxaan ahay Masiixi, sidaas daraadeed saaxiibbo ayaynu nahay. Runtii waxaan doonayaa inaad ogaatid ka uu Ciise yahay, waana muhim inaan qofna fikrad khalad ah kaa siin arrintan. Waxaa laga yaabaa inaad u malaynayso inuu Ciise yahay oo keliya nebi, qof wanaagsan ama mid ka mid ah kuwo badan oo jiray. Laakiin isagu waa mid khaas ah, waana mid aan mid la barbardhigo lahayn. Kuma jiro mid la mid ah dunidan aynu ku nool nahay iyo tan soo socotaba. Bal arrintaas ka fikir!