Kitaabka Quduuska ah wuxuu ka kooban yahay 66 kitaab, 39 waa Axdigii Hore. Kitaabadii
Axdigii Hore oo dhammi way isla xiriiraan oo isku duuban yihiin. Sayid Ciise Masiix
wuxuu si bayaan ah ugu sheegay xertiisii oo innagana maanta ina saamaynaya, in Axdigii
Hore ku saabsan yahay isaga iyo imaanshihiisa iyo hawshiisa. Axdigii Hore waa Eebbe
oo hadlaya, marka la soo koobana wuxuu ka hadlayaa oo uu ku saabsan yahay Masiixa.
Axdigii Hore waxaa kale oo loogu yeeraa, is muujintii Ilaah isku muujiyey Masiixa.
Kitaabkaas oo ka kooban: taariikh, qasiidooyin, waxyi iyo Ilaah ammaan. Haddii aad
doonaysid inaad garato sida Ilaah isugu muujiyey Masiixa waa inaad Axdigii Hore
si taxaddar leh u baratid.
Axdigii Hore wuxuu leeyahay afar qaybood:
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved