Ilmaha dunidan ku dhasha kii ugu horreeyey wuxuu ahaa wiil. Waalidkiis
oo ahaa Xaawa iyo Aadan waxay u bixiyeen Qaabiil. Haddana waqti kaddib waxaa u dhashay
wiil kale. Wiilkii labaad waxaa u bixiyeen Haabiil.
Markii labadii wiil oo walaalaha ahayd ay weynaadeen, waxay isku taxallujiyeen shuqullo
kala duwan. Haabiil wuxuu jeclaaday inuu ilaaliyo idihii aabbihiis. Wuxuuna u foofin
jiray meel naq badan oo wuxuu u aroorin jiray meel biyo leh. Weliba wuxuu ka celin
jiray bahallada iyo dugaagga.
Qaabiil xoolaha iskuma uu taxallujin jirin. Wuxuu jeclaa inuu dhulka qodo oo uu
beero, uuna iska fiirsado miraha iyo khudradda baxaysa.
Inkastoo ay shuqullo kala duwan lahaayeen haddana labadooduba waxay ku qiran jireen
inay caabudaan Ilaaha runta ah. Waxay ku tashadeen inay Ilaah waqdhaac u bixiyaan,
maxaa yeelay, waxay rabeen inuu isagu iyaga wanaag u falo. Laakiinse waxay doorteen
allabbariyo kala duwan. Qaabiil wuxuu aaday beertiisii, oo wuxuu dhulka ka soo guray
khudrad, markaasuu allabbari ahaan Rabbiga ugu bixiyey. Haddii si loo eego Qaabiil
allabbarigiisu, wuxuu ahaa dhididkiisii, waayo, isagu dhulkuu qoday oo wuu beeray
oo mirihii buu soo guray markii ay bislaadeen. Wuxuuna noqday sidii mid Ilaah ku
leh, "Bal eeg, waxanu waa wixii aan sameeyey e."
Haabiil allabbarigiisii wuxuu ahaa mid kaas kulligiis ka duwan. Isagu wuxuu qalay
wanankiisii midkood oo wuxuu u bixiyey Ilaaha runta ah. Ilaah wuxuu ku farxay waaqdhaacii
Haabiil, wuuna aqbalay. Laakiinse Ilaah wuu diiday inuu aqbalo kii Qaabiil, maxaa
yeelay, Qaabiil wuxuu keenay allabbari qalad ah oo aan qummaneen. Haabiil Ilaah
buu aamminsanaa, laakiinse Qaabiil wuxuu ku kalsoonaa awooddiisa iyo shuqulka gacmihiisa.
Dabadeedna Qaabiil wuu hinaasay, maxaa yeelay, Ilaah wuxuu aqbalay wankii Haabiil,
laakiinse wuxuu diiday mirihii Qaabiil. Aad buuna u carooday ilaa uu ku tashaday
inuu Haabiil dilo. Maalin maalmaha ka mid ah iyagoo beertii joogay ayaa Qaabiil
wuxuu dilay Haabiil. Taasuna waxay ahayd diliddii qof la dilo dunida ugu horreeysay.
Ilaah aad buu Qaabiil uga xumaaday oo waxaa waajib ahayd in la ciqaabo. Kaddibna
Ilaah Qaabiil wuu inkaaray sharkii iyo fidnaddii uu sameeyey awgiis. Qaabiil inkaar
baa ku dhacday intii cimrigiisa ka hartay oo dhan, maxaa yeelay, walaalkiis buu
dilay.
Qaabiil iyo Haabiil labaduba Ilaaha waaxidka ah oo keliya bay rumaysnaayeen. Oo
labadooduba waxay qireen inay caabudaan Ilaahaa runta ah. Qofna kuma dhana inuu
iska rumaysto in Ilaah qura jiro. Kumana dhana inuu jeclaysto inuu caabudo Ilaaha
runta ah. Sidii Haabiil oo kale waa inaynu keennaa allabbari nooc qumman, haddii
aynu doonayno in nala aqbalo. Qaabiil waxaa waajib ku noqotay inuu doorasho sameeyo.
Waxayna ahayd inuu doorto allabbarigii uu doonayey inuu Ilaah u bixiyo. Laakiinse
wuxuu ku tashaday inuu keeno mirihii dhulka, kuwaas oo muujinayey ficiladiisii.
Wuxuuse doortay doorasho qalad ah.
Adiguna waa inaad doorasho samayso. Waa inaad goosato qurbaankii aad Ilaah u keeni
lahayd caynka uu noqonayo. Waxaad samayn kartaa doorasho la mid ah sidii Qaabiil
oo shuqullada gacmahaaga u keen Ilaah. Hase ahaatee, Ilaah inama aqbalayo, mana
yeeli doono innaba allabbariga caynkaasi oo kale ah. Waxaad yeeli kartaa sidii Haabiil
oo kale, oo waxaad keeni kartaa allabbari Ilaah aqbalayo. Haddii aad doonaysid in
Ilaah ku aqbalo, waa inaad u keentaa allabbari qumman oo Ilaah aqbalo.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved