Kitaabkii Ayuub
Kitaabkan wuxuu ku qoran yahay afka Cibraaniga waana hab gabay oo kale, wuxuuna
muujinayaa in aan Shayddaanku dadka waxyeelayn karin, haddii Ilaah aanu isaga u
fasixin. Nebi Ayuub wuxuu ahaa nin Ilaah yaqaan. Hase yeeshee, Ilaah wuxuu oggolaaday
inuu Ayuub rumaysadkiisa laga tijaabiyo. Ilaah dadkiisa waa la jiraa, haddii ay
ku jiraan caloolxumo, shaki iyo hadday xataa isaga ku caasiyaanba.
Kitaabka Sabuurrada wuxuu ka kooban yahay 150 Sabuur
Waana qasiidooyin muujinaya sida Ilaah ummadiisu u xajiyaan ereygiisa. Kitaabka
Sabuurrada wuxuu muujinayaa dadka Ilaah farxaddooda, shakigoodii, ammaanta ay Ilaah
ammaanayaan, xasilloonaantooda, qalbiqaboojinta ay helaan, ku tiirsanaanta ay Ilaah
ku tiirsanaadaan, iyo barwaaqada ay ka haysteen xagga Ilaah. Sabuurrada inta badan
waxaa Ilaah u adeegsaday oo qoray boqor Daa'uud.
Kitaabka Maahmaayadii iyo Wacdiyaha
Kutubtan xigmadaysan waxay ku saabsan yihiin xigmadda Rabbaaniga ah, xigmadda Ruuxa
Qoduuska ah. Boqor Suleymaan ayaa Ilaah u adeegsaday inuu qoro labadaba. Waxay tusaalaynayaan
xigmad qoto dheer oo ku saabsan caqli-xumada banii-aadamka. Banii-aadamka caqli-xumadiisa
waxaa ka toosan mar walba oo aan xataa la barbardhigi karin xigmadda Ilaah. Waa
inaad garatid marka Kitaabka Maahmaahyadu isticmaalayo ereyga "xigmad", waxaa badanaaba
loola jeedaa Masiixa.
Gabaygii Suleymaan
Gabaygii Sulaymaan waa hees waxyi ku saabsan, jacayl nadiif ah oo nin iyo naag dhex
mara, labo aroosa, oo u muuqda sidii hadiyadda badbaadada Ilaah. Jacaylkaas aalaaba
wuxuu hogatus iyo calaamad u yahay jacaylka Masiixu dadkiisa u qabo.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved