Qof kastaba wuxuu doonayaa inuu ogaado waxyaalaha soo socda ee dhici
doona mustaqbalka. Dad badan ayaa isku dayey inay wax ka sii sheegaan waxa dhici
doona, laakiinse Ilaah keliya ayaa wax kasta garanaya. Habase ahaatee, wax yar ayuu
isagu inoo sheegay.
Waxyaalaha Ilaah inoo sheegay inay dhici doonaan mustaqbalka, waxaa ka mid ah in
Sayidka Ciise Masiix dadkiisa uu u soo noqon doono si uu jannada ugu qaado. Kuwii
isaga aamminay oo dhammu waxay ku rayrrayn doonaan inay isaga jannada la joogi doonaan.
Kuwii aan isaga aamminsaneen, waxaa laga qarin doonaa jaahiisa. Innagu garan mayno
Ciise Masiix markuu soo noqon doono. Haddii uu maanta soo noqdo, adigu diyaar ma
u tahay? Markuu soo noqdo ma aammini kartid, waayo waad soo daahday. Waa inaad rumaysatid
inta uusan soo noqon. Bal haddeer isaga rumayso!
Dhacda kale ee dhici doonta mustaqbalku waa xukunka ugu dambeeya. Dhammaan banii-aadmiga
waxaa xukumi doona Sayid Ciise, oo u eegaya ficilladooda. Kii kasta ee diiday Ciise
Masiix waxaa lagu xukumi doonaa ciqaabta weligeed ah waa cadaabta. Waxaanan ka akhrinaynaa
wax ku saabsan taas:
"Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray
baddii dabka ahayd."
- Muujintii Ciise Masiix oo Yooxanaa loo muujiyey 20:15
Ma jeceshahay inaad cadaabta gashid? Waad geli doontaa, haddii aadan Ciise Masiix
rumaysan inuu yahay badbaadiyahaaga.
Cadaabtu waa meel baas oo xun. Waxaa la inoo sheegay in dadka cadaabta tagaa ay
ku silcaan wehel la'aan, xanuun, sakaraad, iyo haraad. Cadaabtu waa meel dab iyo
madow miiran ah. Kuwa cadaabta taga oo dhammu weligood ma kari doonaan inay halkaas
ka baxsadaan oo abadkoodba halkaasay ku waari doonaan.
"Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruuddaa
ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa
la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba."
- Muujintii 20:10
"Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo
gacan ku dhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda,
iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu
ka ololeyaan. Oo taasuna waa dhimashada labaad."
- Muujintii 21:8
Sidee baad uga hortagi kartid inaanad cadaabta tegin? Markaad dhimatid kuuma suuraggeleyso
inaad Sayidka Ciise Masiix ku aqbasho. Markaad soo hor istaagtid xaakinka qiyaamaha
wakhtigii waa kaa dhammaaday. Maanta waa wakhtiga habboonaa. Sayidka Ciise Masiix
hadda aammin oo waxaad markaas xaqiiqsan doontaa inaad ka baxsanaysid xukunka baas
iyo cabsida badan ee xukunta cadaabta.
"...bal eeg, hadda waa maalintii badbaadinta."
- Warqaddii labaad ee Rasuul Bawlos u qoray dadkii Korintos 6:2
In alla intii Ciise Masiix u aqbasha in uu badbaadiye u yahay, waxay aakhiro oo
dhan joogi doonaan jannada. Jannadu waa meel nasasho, nabad, farxad iyo rayrrayn
miiran ah. Jannada waxaynu aad ku raaxaysan doonnaa innagoo weheshanaan kaamil ah
Ilaah la yeelaan doonna. Jannada ma aha meel banii-aadmiga doonistiisu ay ku baahi
beesho, amase damacisu ku haqabbeelo, laakiinse waa meel qoduus iyo nadiif miiran
ah.
Waa inaad haddeer laba shay kala doorataa. Waa inaad haddeer cadaabta iyo jannada
kala doorataa. Adigu garan maysid goor aad dhimanaysid. Haddii aad dhimato daqiiqad
dhow, xaggee baad tegi doontaa? Ma jannadaad geli doontaa, mise cadaabta? Waxaas
oo dhammu waxay ku xiran yihiin inaad adigu Ilaah cafis weyddiisatay iyo in kale.
Naarta ha gelin! Haddeer hubso inaad jidkii jannada ku joogtid. Noloshaada u dhiib
Sayidka Ciise Masiix.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved