Waxaad haatan soo gaartay casharkii ugu muhiimadda ballaarnaa
ee koorsadan. Cashar waliba waxaynu lahayn fursad aynu ku maqalno farriimo kuna
baarno nolosha nin ku weynaa hawlaha Ilaah. Erayada iyo ficillada nimankaas ayaa
isu hadlaya. Run ahaantii waxaynu wax ka maqalnay nebiyadii.
Waxaan ka maqalnay xaqiiqooyin ku saabsan dabeecadda Ilaah, dabeecadda dembiga,
sida loogu baahan yahay xukun, jacaylka iyo daryeelka Eebbe inoo hayo, iyo qorshaha
uu keenay si uu innagu badbaadiyo. Waxaynu maqalnay nebiyada oo u sheegaya dadka
inay fishaan imaatinka mid dhab ahaantii aad u weyn. Waxaanay isaga ugu yeereen
MASIIXA.
Waynu maqalnay waxaasi oo dhan. Su'aashuse waxay tahay,
miyaynu ku dhegaysannay maskax iyo niyad furan? Mararka qaar waynu maqalnaa laakiinse
niyadaheennu waxay ku dheggan yihiin arrimo kale oo si rasmi ah uma dhegaysanno
farriinta. Ulajeeddada ugu weyn ee koorsadan waxay ahayd inay innagu caawiso inaan
si rasmi ah u dhegaysanno oo u garanno macnaha farriimaha nebiyada ay inoo leedahay
shaksi ahaan. Waxaynu mas'uul ka nahay inaynu ka fekerno casharrada oo aynu u dhaqano
si waafaqsan wixii aynu ka barannay.
Mid ka mid ah qorayaasha Qorniinka Ilaah ayaa qoray sidatan:
Waa khasab inaynu siinno feejignaan dheeraad ah wixii aynu maqalnay, si aynaan uga
leexan dariiqa. Waa inaynaan iska dhegatirin wixii aynu maqalnay. Eebbe wuxuu waagii
hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii. Laakiin
imminka, ayuu leeyahay qoraagani, Ilaah wuxuu inagula hadlay Mid kaasoo ah muujinta
dhabta ah ee jacaylka Ilaah; Midkaasuna waa Erayga Eebbe ee khuseeya dadka oo dhan.
Muujintan dhabta ah ee Ilaah, kaasoo nebiyadu ka hadleen,
ayaa ah Masiixii la filayey. Markii uu bilaabay inuu hadlo qudhiisu, kuwa isaga
maqlay way yaabeen. Waxaanay yiraahdeen, "Farriintiisu amar bay leedahay!" Casharkan
waxaynu ku baran doonnaa wax badan oo ku saabsan qarsoodiga Kan magaciisu ahaa Ciise.
Wuxuu inagula hadli doonaa erayadiisa, ficilladiisa iyo runtiisii la muujiyey.
Casharkan waxaad ka baran doontaa...
- Isaga ayay Nebiyadu ka Hadleen.
- Farriintiisa Amar bay Leedahay
- Isagu waa Jidka iyo Runta
Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...
- Qorto siyaabaha Ciise Masiix ku noqday kii oofiyey ama kaamilay wax-sii-sheegidihii.
- Sharraxaad ka bixiso waxbaridda aasaasiga ah ee Ciise Masiix.
- Sharraxaad ka bixiso sababta loogu baahnaa waaqdhaac ama allabbari aan iin ama dembi
lahayn.
- Ka jawaabto casumaadda Eebbe ee kalgacaylka leh.
ISAGA AYAY NEBIYADU KA HADLEEN
"Tani waa waxa Rabbigu leeyahay", sida ku qoran Kitaabka
Ishacyaah, cutubka 52, aayadda 7 iyo cutubka 55, aayadda 3, oo leh:
"Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha
kan Warka Wanaagsan keena, oo nabadda naadiya,
Oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena,
Oo badbaadada naadiya...
Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya,
I maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa."
Erayo badan oo kuwan oo kale ah, oo Ilaah bushiimihii
nebi Ishacyaah soo mariyey, ayaa beri hore lagu ballanqaaday in dadku heli doonaan
AKHBAAR WANAAGSAN. Akhbaarkan wanaagsani wuxuu khuseeyey dunida oo dhan, kumase
koobnayn ama laguma ekayn qabiil ama koox diimeed khaas ah. Waxaynu barannay in
akhbaarkan wanaagsan ku bilaaban lahaa dhalashadii cunugga. Waxaynu soo aragnay
in nebiyadu sii sheegeen faallooyin badan oo ku saabsan dhalashada, dabeecadda,
iyo hawsha Midka keenayey iftiinka meeshii gudcurka ahayd.
Wax-sii-sheegidahaas waxaa habeen lagu oofiyey beledka
Beytlaxamtii Yahuudiya, markii bikraddii Maryan ay dhashay wiil. Waxaana cirka ka
buuxsamay ilays xagga samada ka yimid, oo malaa'ig baa waxay ogeysiisay dhalashadiisii
sida ku qoran Injiilka sida Luukos u qoray, cutubka 2, aayadaha 10 iyo 11 oo leh:
"Ogaada, waxaan idiin keenay WAR WANAAGSAN oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo
dhan. Waayo, maanta waxaa idiin dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah."
Eebbe ayaa Maryan u muujiyey in wiilku ahaa CIMMAANUU'EEL
(oo macnuhu yahay Ilaah Baa Inala Jira) kaasoo nebiyadu horey uga soo hadleen, oo
magaciisa duniduna wuxuu noqon lahaa Ciise, kaasoo macnihiisu yahay "Badbaadada
Rabbiga."
Isla sidii aynu u oggolaannay in waaya-aragnimadii iyo
erayadii nebiyada qudhoodu is muujiyaan, aynu haddana maankeenna iyo niyadaheenna
u furno inaynu ka fekerno Ciise, kan Masiixa ah. Runta ugu horraysa ee aynu ku arkayno
waxbaridda noocan ah waxaa weeye in ugu dhowaan faallo kasta oo noloshiisa ah nebiyadii
hore u sii-sheegeen. Ma jirin qof kale oo weligiis faallooyin ku saabsan dhalashadiisa,
noloshiisa, calaamadihiisa iyo hawshiisa si sax ah wax looga sii sheegay.
Tusmooyinka Wax-sii-sheegidyo Gaar Ah Oo Khuseeya
Ciise, Kan Masiixa Ah
Markaynu ka hadalno abtirsiinyadiisa, ayaa bilowgiiba
erayadii Eebbe kula hadlay Xaawa (waa abooto Xaawa e) abtirsiinyada Ciise Masiix
la sii sheegay. Marka hore, guud ahaan, waa dhashii Nuux, gaar ahaanna, sidaynu
soo aragnay, waa farcankii Ibraahim iyo Daa'uud.
Markaynu ka hadalno dhalashadiisa, isagu wuxuu ku dhalan
lahaa Beytlaxam, oo wuxuu ka dhalan lahaa gabar bikrad ah. Dhacdadii dhalashadiisa
waxay ahayd inay la socdaan calaamado mucjiso ah
Markaynu ka hadalno noloshiisii adduunka, waxay ahayd
in wargeeye hortiis la soo diri doono, kaasoo ahaa codka kan cidlada ka dhawaaqaya.
Waxayna ahayd in loo soo dhoweeyo sida boqor iyo nebi. Waxayna ahayd inuu sameeyo
mucjisooyin, oo uu dembi la'aan noolaado. Waxay kaloo ahayd inuu awoodsiiyo Ruuxa
Qoduuska ah ee Ilaah.
Markaynu sifooyinkiisa ka hadalno, wuxuu noqon lahaa
mirihii naagta (ama mid naag keliya ka soo farcama oo aan aabbe banii-aadan lahayn).
Ilaah ayaa lagu muujin lahaa isaga. Waxay ahayd inuu noqdo sida addoon silcaya,
oo u go'i lahaa ergadiisa jacaylka iyo madaxfurashada ah. Waxaanay ahayd inuu noqdo
Bixiyaha, oo ah waaqdhaac kaamilka ah ee jacaylka Eebbe muujin lahaa kaasoo ay ahayd
inuu kaamilo calaamadda waaqdhaaca xoolaha.
Markaynu ka hadalno hoggaansanaantiisii iyo sidii sharaftiisii
loo soo celiyayna, isagu waxay ahayd inuu si jacayl leh ugu hoggaansamo hoosaysiinnimada
oo loo soo celiyo guushii iyo ammaantii uu jannada ku lahaa. Waxay ahayd in la dhaawaco
oo uu isagoo aammusan silco. Waxay ahayd inuu noqdo Wankii ama Baraarka Ilaah, oo
loo bixiyey sida Waaqdhaaca Kaamilka ah, si uu dadka uga badbaadiyo ciqaabta dembiga.
Isla sidii allabbarigii Ilaah keenay u soo furtay wiilkii Ibraahim, ayaa Waaqdhaacan
Kaamilka ah, waa Masiixa e, loo keenay inuu banii-aadamka oo dhan soo furto. Waxay
ahayd inuu noqdo naxariis Eebbe ka timid, oo dadka loo muujiyey. Waxaanay ahayd
inuu la silco kuwa sharka leh, inkastoo dacwaddii lagu soo oogay isaga ay been ahayd,
oo isagu uu ahaa eedlaawe. Waxay ahayd in mid saaxiibkiis ama xertiisa ahi uu gacangeliyo.
Waxaanay ahayd inuu noqdo mid ka guulaysta wax walba oo sii wata derejadiisii daa'imka
ahayd ee uu jannada ku lahaa.
Wax-sii-sheegidaha ku saabsan Ciise Masiix loogama kor
hadlin oo keliya nebiyadii waaweynaa ee aynu hadalladoodii maqalnay, laakiin waxaa
kale oo looga kor hadlay khaaddumo Ilaah oo kale.
Tusaale ahaan, malaa’igtu waxay ku tiri Yuusuf
sida ku qoran Injiilka sida Matayos u qoray, cutubka 1, aayadda 21 oo leh, "Waxay
ummuli doontaa wiil, oo magaciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo dadkiisa
ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa."
Malaa’igtu waxay bikraddii Maryan ku tiri, sida
ku qoran Luukos 1:31-32 oo leh:
"Bal eeg, waad uuraysan doontaa oo wiil baad dhali doontaa, oo magaciisana waxaad
u bixin doontaa Ciise. Nin weyn buu ahaan doonaa, oo waxaa loogu yeeri doonaa Wiilka
Kan ugu sarreeya."
Maryanna waxay tiri sida ku qoran Luukos 1:54-55 oo leh:
"Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey,
Inuu xusuusto inuu u naxariisto,
Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba,
Siduu awowayaasheennii ula hadlay."
Waxaa Yeruusaalem joogay nin magaciisii ahaa Simecoon.
Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh. Ilaahna wuxuu u muujiyey isaga inaanu
dhimasho arag intaanu Masiixa Rabbiga arkin. Wuxuu joogay macbudka Rabbiga goortii
waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan. Markaasuu
gacmahiisa ku qaaday cunugga, oo Eebbe ammaanay, sida ku qoran Luukos 2:30-32a.
Wuxuuna yiri:
Indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,
Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,
Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo."
War muxuu qorshaha Eebbe khayr badan yahay! Wuxuu u yeerey
Ibraahim, Isxaaq, iyo Yacquub oo wuxuu ballanqaaday inuu faracooda ku barakadeeyo
quruumaha. Xaqiiqdii waxay ka mid ahaayeen kuwii la doortay, waayo haddii aynu raacno
waxbaridda muujinnada, waxaynu arkaynaa in faraca Ibraahim, Isxaaq, iyo Yacquub
uu Masiixu ka imanayo si uu dadka uga soo furto baaba'a dembiga. Haddii aynu eegno,
abtirsiinyo ahaan, magacyada reerkii uu Ciise Masiix ka dhashay sida ku qoran Matayos
1:1-16 iyo Luukos 3:23-38, waa muhiim inaan xusuusano inaan Yuusuf loogu yeerin
aabbaha Masiixa. Waxaynu markaasi arkaynaa in Ciise Masiix uu si mucjiso leh uga
dhashay bikraddii Maryan. Dhalashadan yaabka leh kama iman dadka; waase mucjiso
Ilaah.
Waxaynu Runta Ka Maqalnay Nebiyada Waxaa jira
caddayn ku filan inay aqoonyahannada, iyo dadka caadiga ah ee runta raadiyaa, ay
la yaabaan sida loo kaamilay wax-sii-sheegidyada. Sida runta ah, hadalladii nebiyada
oo dhan, waxaa xuddun u ahaa shakhsiga iyo hawsha Ciise Masiix. Isaga la'aantiisna
wax macna ah ma yeesheen wax badan oo nebiyadu yiraahdeen. Way caddahay in nebiyadii
waaweynaa, sida Ibraahim, Muuse, Daa'uud iyo Ishacyaah, ay ka hadlaan waxyaallo
ay garanayeen inay muhiim inoo tahay inaynu maqalno. Markii nebi Ilaah inoo sheego
inuu inoo hayo war wanaagsan, xaqiiqdii waa inaynaan ka walaacin qaadashada warkaas!
LEYLI
1. Waxaad goobaabin gelisaa xarafka ka horreeya weedh
kasta oo RUN ah.