Koobka Adduunka 2010
Walaalayaalow, waxaynu ku faraxsannahay inaan idin soo gudbino warbixin saddex daqiiqo
ah oo ku saabsan Koobka Kubadda Cagta Adduunka oo martigagliyay waddanka Koonfur Afrika. Fadlan
liiska hoose ka dooro oo guji taariikhda aad rabtid inaad dhegeysato.
Waxaa laga yaabaa inaad la yaaban in webkayaga Nolosha Cusub uu u billaway bog ku
saabsan Koobka Kubadda Cagta Adduunka. Maadaama ay ujeeddadeenna ugu weyni tahay inaan
soo gudbino warka wanaagsan ee ah sida ay dadku nabad Ilaahay ula yeelan lahaayeen.
Laakiinse, waxaan doonaynaa inaan dadka soo booqda hoygeennna oo aan adduunka harreerihiisa
fahansiino inaanay diintayadu ciyaaraha mamnuucin. Ma nihin sida hoggaamiyaal diimeed
kale oo badani baraan, oo Erayga Ilaahay kama helayno wax ciyaaraha mamnuucaya,
oo diidaya inaan ciyaaraha ka qayb qaadano ama daawano.
Xaqiiqo ahaan, meelo dhowr ah ayuu Baybalku ciyaaraha ku sheegay. Tusaale ahaan,
Warqaddii koowaad
ee rasuul Bawlos u qoray dadkii reer Korintos, wuxuu isagu isticmaalayaa
tusaalaha ciyaaryahano ordaya, kaasoo uu nolosha qofka rumaytaha ah ku dabaqay.
"24 Miyaanad ogayn in kuwa tartan ku ordaa ay
wada ordaan, laakiin mid uun baa dheefta hela? Sidaas u orda inaad heshaan. 25 Kii
cayaarta aad ugu dadaalaa, wax walba ayuu iska dhawraa. Kuwaasu haddaba waxay sidaas
u yeelaan inay taaj dhammaanaya helaan, innaguse waxaynu helaynaa mid aan dhammaanaynin.
26 Haddaba anigu uma ordo qasdila'aan, uma feedhtamo sida mid dabaysha ku dhufanaya.
27 Laakiin jidhkaygaan dhibaa oo addoon ka dhigaa si markaan qaar kale injiilka
ku wacdiyo aan qudhayda lay diidin."
Dabcan, waxaan aragnaa tusaalayaal badan oo taageerayaasha ciyaaraha ee adduunka
ah oo ka badbadis ah, waxayna naftooda ku saleeyaan ciyaaraha intii ay noloshooda
ku salayn lahaayeen caabudaada Ilaahay. Waa inaanan khaladkan oo kale samayn, laakiinse
waa inaan samayn khaladka ah inaan ciyaaraha gebi ahaantoodaba mamnuucno. Waayo,
ciyaaruhu ciyaaraha faa’ido badan ayay leeyihin. Waxaana ka mid ah: barashada dabeecadda wanaagsan,
wada-shaqaynta, iyo horumarinta caafimaadka wanaagsan.
Waxaan rajeynaynaa inaad ka heli doontan wararka u hanbaarsan yahay boggani Koobka
Kubada Cagta Addunka. Haddii aad haysid wax talo iyo tusaale ah fadlan inala soo
xiriir ciwaankayagu, guji "
Nagala soo xiriir"
oo aad ku arki kartid qaybta sare ee dhanka midigta ee boggan.
|
Photo courtesy of Wikipedia
Si aad u soo dejisato faylka, dhanka midig ka riix falaar-wadaha ( mawska kombiyuutarkaaga), dabadeednna guji 'Save Target' si ay kuugu furanto meel aad kombiyuutarkaaga dhexdiisa ugu soo dejin karto ood ugu kaydsato faylka.
|