"Oo bal eeg kan halkaas ka soo socda! Waa walaalkeennii
faanka badnaa. Shaki la'aan war buu aabbaheen u geynayaa si uu dhibaato inoogu keeno.
Kaalaya aynu dilnee. Cid baaddiyahan innaga arkaysaa ma jirto. Waxaynu dildillaacinaynaa
khamiiskiisa quruxda badan ee uu wato. Qof kastana wuxuu u malayn doonaa in dugaag
soo weeraray oo cunay."
Markii Yuusuf u soo dhowaaday, ayaa toban nin oo xoog
leh oo caraysani waxay abaabulayeen dilkiisa. Waxaa markaasi ay u muuqanaysaa in
cidina ayan lahayn awood ay kaga baxsato xooggaas iyo sharkaas. Hal nin taag uma
hayo oo awood uma laha inuu khatar taas oo kale ah iska caabbiyo. Sharka ayaa ka
adkaan lahaa isaga.
Laakiin ma jirto awood shar leh oo faragelin karta doonista
Eebbe. Isagu wuxuu dan ka lahaa nolosha Yuusuf. Ilaah wuxuu u daryeelay isaga qof
ahaan, wuxuuna doonayey inuu u isticmaalo qorshe weyn oo uu dadkiisa kaga badbaadinayey
burbur iyo halaag. Eebbe wuxuu doonayey inuu ina tuso in isagu uu ka bixiyo dadka
bartamaha duni shar miiran ah. Waxaa kaloo uu doonayey inuu ina baro inaan isaga
ku kalsoonaanno oo aynu jidadkiisa u raacno si jacayl iyo hoggaansami leh.
Hadda waxaynu arki doonnaa sida Ilaah u badbaadiyey Yuusuf
oo noloshiisana cashar inooga dhigay maanta.
Casharkan waxaad ka baran doontaa...
- Inan baa Eebbe badbaadiyey.
- Addoon baa addeecaya doonista Ilaah.
- Walaal ayaa muujinaya jacaylka Ilaah.
Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...
- Tusaalooyin ka bixiso daryeelka Eebbe iyo deeqdiisa.
- Faallo ka bixiso sida ficil maalmeedku u tilmaamo rumaysad iyo cibaadaysi Ilaah.
- Rumaysad khaas ah Ilaah ku qabto, oo aad aqbasho deeqda ama waxa uu adiga kuu hayo.
INAN BAA EEBBE BADBAADIYEY
Yacquub wuxuu ahaa nin Eebbe dhan walba ka barakadeeyey.
Waxaa lagu mannaystay daaqsin badan oo xoola ah. Wuxuu lahaa qoys ballaaran oo wuxuu
dhalay 12 wiil, oo ka caawin jiray maaraynta xoolihiisa. Tobanka wiil ee waaweyn
waxay dhaqaalayn jireen xoolaha si ay daaq iyo biyaba uga helaan dhul weynahaas
waddanka Falastiin.
Yuusuf, oo ahaa mid ka mid ah inamada yaryar, ayaa aabbihii
siiyey xil eexasho ah. Mas'uuliyadahiisa waxaa ka mid ahaa inuu wargeeye u kala
ahaado walaalihiis iyo aabbihiis. Mararka qaarna wuxuu u soo sheegayey aabbihiis
ficillada wiilashiisa waaweyn. Dabcan si xoog leh bay taas uga soo horjeedeen oo
waxay bilaabeen inay aad u nebcaadaan. Kaddib markii uu u sheegay iyaga riyooyin
yaab badan, nicidii ay u qabeen isaga waxay isu rogtay nacayb cadowtinimo ah.
Waxay ahaan kartaa in Ilaah uu siiyey Yuusuf awood khaas
ah oo la xiriirta riyooyinka. Mar dambena waxaa caddaatay in riyooyinkiisii ay macno
lahaayeen oo xitaa Eebbe u furo isaga macnaha riyooyinka kale.
Markaasuu Yuusuf riyooday oo walaalihiis ayuu riyadiisii
u sheegay, sida ku qoran Kitaabka Bilowgii, cutubka 37, aayadaha 7 iyo 9, oo leh:
"Bal eega, waxaynu beerta ku xirxiraynay xirmooyin,
markaasaa xirmadaydii kacday, oo istaagtay, xirmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen
oo u sujuudeen xirmadaydii. Bal eega, riyo kalaan ku riyoodaye. Waxaan ku riyooday
qorraxdii, dayaxii, iyo kow iyo toban xiddigood oo ii u sujuuday."
Riyooyinkiisiina wuxuu u sheegay reerkoodii.
"War waa maxay waxani?" bay walaalihiis ku qayliyeen.
Waxay kaloo yiraahdeen "Ma wuxuu ula jeedaa inaynu isaga u sujuudno? Oo waxayba
Yuusuf la tahay inuu inaga weyn yahay, oo aabbaheenna waxay la tahay in isagu inooga
qaalisan yahay." Aad bay u xaasideen oo u nebcaysteen isaga. Ugu dambaystiina waxay
qorshaysteen inay dilaan.
Waxaan qisadan ku arkaynaa itaaldarrada weyn oo banii-aadanku
leeyahay taasoo horraan dunidan dembi u keentay. Yuusuf wuxuu riyooyinkiisii ugu
sii celceliyey si kibir ama isla-weynaani ku jirto. Walaalihiisna waxay niyadda
ku haysteen isla-weynaan iyo kibir. Iyaga qudhooda kama ay daadegin ama way u cumtami
wayday inay u sujuudaan walaalkoodii ka yaraa. Kibirkoodii ayaa isu beddelay xaasidnimo
iyo nacayb oo wuxuu ku hoggaamiyey malooyin gacan-ku-dhiiglennimo.
Yuusuf iyo walaalihiis waxay iyagoo dhan ahaayeen banii-aadan,
sida innagoo kale. Ficilladooda ayaa muujinaya in xaaladaha dembiga leh ay ku jiraan
niyadaha dadka. Markii dadku ay u ficiltamaan sidii ay doonaan, iyagoon Ilaah hoggaankiisa
ku jirin, ayay isu soo jiidaan dhibaato.
LEYLI
Dhammaystir weedhaha soo socda adigoo u isticmaalaya
hal ama dhowr eray mid kastaba.
1. Itaaldarrada banii-aadannimo ee Yuusuf muujiyey waxay
ahayd
.
2. Itaaldarradii banii-aadannimo ee Yuusuf walaalihiis muujiyeenna waxay ahayd
.
3. Itaaldarrada dadka oo dhan waxay ka timaaddaa xaaladaha
.
4. Dhibaatada iyo shiddadu waxay had iyo jeer dadka ku dhacaan markay
.