Waa maxay shahiidku? Ma qofka rumaysadka diintiisa isagoo ka markhaati-furaya dhintaa?
Dad badan ayaa sidan aaminsan. Maalmahana waxaan aragnaa dad badan oo magacan u
isticmaala, marka ay tilmaamayaan dadka jidhkooda bambooyinka ku soo xidha, dabadadeedna
is-qarxiya. Xasuuqyadii ugu naxdinta badnaa ee dadka noocan ahi geysteen waxay dheceen
sannadkan 2009 gudihiisa. Bal ka feker ninkii isku qarxiyay Beledweyne, bishii Juuniyo
18-keedii, halkaasoo ay ku dhinteen dad 50 ka badan, oo carruur iyo haween u badan,
iyo qarixii bishan December 3-deedii Hotel Shaamow ka dhacay, ee ay ku dhinteen
ardayda, macallimiinta iyo wasiirradu. Waa laba tusaale oo keliya, laakiinse Soomaaliya
way ku soo bateen qaraxyada noocan ahi. Soomaaliya oo keliya maaha ee waxaan kaloo
televishinada todobaad kasta ka daawanaa kumanyaal qaraxyada noocan oo ku dhimanaya,
waddamada ay ka mid yihiin Ciraaq, Afgaanistaan iyo Bakistaan. Walaalayaal, bal
si taxaddar leh arrintan uga fekera. Dadka noocanoo kale ahi ma shahiidaa? Ilaahay
ma raalli buu ka yahay kuwa dadka aan waxba galabsan laynaya, iyagoo magac diineed
isticmaalaya? Bal tan barbar-dhig sheekada hoos ku qoran, oo ku saabsan shahiid
run ah, kaasoo dhintay isagoo uu ka buuxo jacayl uu u qabay xataa cadaawayaashiisii.
Mehdi Dibaaj oo ah nin Iiraani ah oo dadka Masiixinnimada ku wacdiya oo cimrigiisu
lixdan sanno kor u dhaafay, misana xabsi ku jiray ilaa iyo 1983 ayaa aakhirkii maxkamad
Muslin la soo taagay markii taariikhdu ahayd 3/12/1983. Muddadii uu xabsiga ku jiray
had iyo goor jir dil ayaa lagu samayn jiray laba sannadoodna wuxuu ku dhammaystay
xabbis gooniya oo mugdi ah oo dhererkiisu yahay saddex dhudhun balliciisuna yahay
saddex dhudhun.
Dembiga uu ninkaas Mehdi Dibaaj la yiraahdo galay waa murtadnimo waayo afartan iyo
shan sannadood ka hor ayuu Masiixi noqday. Waxaa lagu xukumay dil, laakiinse waxaa
la soo daayey bishii Janaayo 17dii ee sannadkii 1994. Dil murtadnimo oo Iiraan ka
dhaca waxaa u dambeysay 1990kii, laakiinse bishii Disembar 1992 qof kale oo murtadnimo
lagu eedeeyey ayaa dil qarka u saarnaa, laakiinse kuwii qurka ka goyn lahaa ayuu
ogeysiiyey inuu diintiisii hore dib ugu laaban doono oo sidaas ayuu noloshiisii
ku badbaadiyey.
Juunyo 23deedu, sannadkii 1994, Mehdi Dibaaj baa la waayey, 5tii Luulyana madax
dowlada Iiraan ka tirsan ayaa reerkiisii la soo xiriirtay, si ay u aqoonsadaan meydkiisii
oo sida loo sheegay laga helay maalintaa kaynta galbeed ka xigta Teheraan.
|
Difaacii uu Mehdi Dibaaj maxkamadda iskaga daafacay oo qoran ayaa
hoos ku taal iyadoo af-Soomaali lagu turjumay:
Magaca Ilaaheenna Quduuska ah ee nolosheenna iyo jiritaankeennaba ah, Anigoo is
hoosaysiinaya ayaan fursaddan qaaliga ah uga mahadnaqayaa Xaakinka samada iyo dhulka.
Oo annigoo niyadjaban ayaan sugayaa in Rabbigu si ballanqaadkiisa waafaqsan iiga
samatabbixiyo maxkamaddan. Waxaan kaloo ka codsanayaa xubnaha maxkamaddan jooga
inay si samir leh u dhegeystaan difaacayga iyagoo xushmaynaya magaca Rabbiga.
Anigu waxaan ahay Masiixi dembiile ah oo rumaysan in Ciise iskutallaabta ugu dhintay
dembigayga aawadiis oo uu Ilaaha Quduuska ah agtiisa iga dhigay mid macsuum ah oo
taas waxaan ku helay sarakiciddiisii iyo ka guulaysadkii uu dhimashada ka guulaystay
aawadood. Ilaaha Runta ah ayaa arrintan uga hadlaya Eraygiisa Quduuska ah ee Injiilka.
Magaca Ciise macnihiisu waa Badbaadiye "waayo, dadkiisa ayuu ka badbaadin
doonaa dembiyadooda". Ciise ayaa ciqaabtii dembigeenna ku dhiibay dhiiggiisa
oo wuxuu inagu manaystay nolol cusub si aan ugu noolaanno Eebbe sharaftiisa annagoo
kaalmo ka helay Ruuxa Quduuska ah. Oo markaas waxaan la mid noqonaynaa biyoxireen
ka soo hor jeeda musuqmaasuqa, oo waxaan kaloo la mid noqonaynaa durdur barako iyo
bogsiin ah oo waxaa ina difaacaya jacaylka Ilaaha Qaadirka ah.
Anigoo ka jawaabaya naxariistan, ayuu Ciise iga codsaday inaan is inkiro oo aan
noqdo mid isaga si buuxda isagu dhiiba una raacsan iyo inaanan ka cabsan dadka xitaa
haddii ay qoorta iga goynayaan, laakiinse aan talasaarto abuuraha nolosha ee aniga
igu caleemasaaray taajka naxariista iyo jacaylka iyo midka ah difaacaha weyn ee
kuwa isaga jecel iyo weliba kan ah abaalgudkooda weyn.
Waxaa laygu dacweeyey "murtadnimo"! Ilaaha qarsoon ee og waxa qalbigeenna ku jira
ayaa annaga Masiixiyiinta ah na siiyey ballanqaad ah inaannan ka mid ahayn kuwa
riddoobay ee dabargooyadu ku dhici doonto, laakiinse aan ka mid nahay muuminiinta
si aan noloshayada u badbaadinno. Marka la eego Sharciga Islaamka, qofka riddoobay
waa qof aan rumaysnayn Ilaahay, nebiyada iyo maalinta qiyaame ee kuwa dhintay la
soo sarakicin doono. Annagoo Masiixiyiin ah saddexdaasba waannu rumaysan nahay!
Waxay yiraahdaan, "Waxaad ahaan jirtay Muslin oo waxaad noqotay Masiixi." Maya,
sidaas ma aha. Sannooyin badan ayaanan wax diin ah haysan. Markii aan muddo dheer
baadiggoob iyo waxbarasho ku jiray ayaan aqbalay yeeritaankii Eebbe oo waxaan aamminay
Sayid Ciise Masiix si aan u helo nolol weligeed ah oo daa'in ah. Dadku iyagaa diintooda
doorta, laakiinse qofka Masiixiga ah waxaa doortay Masiix qudhiisa. Wuxuu leeyahay,
"Adigu ima aadan dooran, anigaase ku doortay." Ilaa iyo goorma? Intaan adduunka
aasaaskiisa la samaynin.
Dadku waxay ku andacoodaan, "Muslin ayaad ahayd ilaa iyo markii aad dhalatay." Ilaahayna
wuxuu leeyahay "Ilaa iyo bilowgii waxaad ahayd Masiixi." Wuxuu Ilaahay caddaynayaa
inuu ina doortay kumanyaal sannadood ka hor xitaa koonka intaan la abuurin si aan
waaqdhacii Ciise Masiix darteed isaga mulkigiisa ugu noqonno. Masiixi macnihiisu
waa qof Ciise Masiix mulkigiisa leeyahay.
Ilaaha weligiis jira oo ah kan dhammaadka ka arka bilowga oo anigana i doortay si
aan mulkigiisa u noqdo, wuxuu weligiis iyo waqiis garanayey kuwa ay qalbiyadoodu
Isaga u soo weecan doonaan iyo welibana kuwa iimaankooda iyo noloshooda weligeed
ah ku iibsan doona ama ku beddelan doona dheri soor ah. Waxaa ii roon in adduunka
oo idil aniga lid igu yahay, laakiin aan ogsoonahay in Ilaahay ila jiro oo la iigu
yeero murtad, anigoo ogsoon inaan haysto raalli ahaanshaha Ilaaha sharafta iyo cisada
leh, waayo banii-aadanku wuxuu eegaa muuqaalka sare, laakiinse Ilaahay wuxuu eegaa
qalbiga oo Kan ah Ilaaha wax kasta daa'imkooda ah wax uusan awoodin ma jiraan.
Dhammaan awoodda dhulka iyo jannadu gacantiisa ayay ku jiraan. Ilaaha Qaadirka ahi
wuxuu sarraysiin doonaa qof alla qofkii uu doorto oo qaar kalena wuu hoosaysiin
doonaa, qaar wuu aqbali doonaa qaarna wuu diidi doonaa, qaar jannada ayuu u diri
doonaa qaarna naarta ayuu ku tuuri doonaa. Imminka maadaama Ilaahay sameeyo wax
alla wixii uu damco, waa kuma kan naga sooci karaya jacaylka Eebbe? Ama yaa burburin
kara xiriirka u dhexeeya Abuuraha iyo khalqigiisa ama ka guuleysan doona qalbi daacad
u ah Rabbigiisa? Wuxuu ku nabadgeliyaa oo aammin ku ahaan doonaa Ilaaha Qaadirka
ah hooskiisa! Waxaan magangelyo ka heleynaa kursiga Eebbe ee naxariista oo ilaa
iyo bilowgii la ciseeyey lana sharfay. Waan ogsoonahay cidda aan rumaystay Isaguna
wuxuu awoodaa inuu ilaaliyo wixii aan Isaga ku aamminay ilaa iyo dhammaadka kolka
aan gaari doono boqortooyada Eebbe, oo ah meesha ay kuwa xaqa ahi sida qorraxda
ugu nuuraan. Laakiinse kuwa sharka lehu waxay ciqaabtooda ku heli doonaan naarta
jahannabo.
Waxay igu yiraahdaan, "Soo noqo!" Laakiinse xaggee baan ka aadi karaa oo uga noqdaa
gacmaha Ilaahayga? Ma sax baa in la aqbalo waxa ay dadku leeyihiin meeshii laga
addeeci lahaa Erayga Eebbe? Imminka muddo 45 sannadood ah ayaan la socday Ilaaha
mucjisooyinka miiran ah oo naxariistiisu waxay dushayda ku noqotay sidii hoos oo
kale, oo Isagu abaal buu igu leeyahay daryeelkiisa iyo jacaylkiisa aabbenimada daraaddood.
Jacaylka Ciise ayaa buuxiyey dhammaan jirkayga oo waxaan xubin kasta oo jirkayga
ka mid ah ka dareemaa raaxada jacaylkiisa. Ilaahay oo ah sharaftayda iyo ammaantayda
iyo weliba kan i difaaca ayaa dushayda ku khatimay raalli ahaanshihiisa Isagoo isticmaalaya
deeqsinimada barakadiisa iyo mucjisooyinkiisa.
Tijaabadan iimaanka ayaa ah tusaale cad. Ilaaha wanaagsan oo naxariista badni wuxuu
edbiyaa dhammaan kuwa uu jecel yahay. Wuxuu ku tijaabiyaa u diyaargarowga jannada.
Ilaahii nebi Daanyeel saaxiibkiis ahaa oo ka difaacay holacii foornada, ayaa sagaal
sannadood igu ilaalinayey xabsiga oo dhacdooyinkii xumaa oo idil waxay mar kale
isu beddeleen wanaag aan caddad iyo xisaab lahayn ilaa ay farxad iyo mahadnaq iga
buuxiyeen oo aan la buuxdhaafay.
Ilaahii nebi Ayuub ayaa tijaabiyey iimaankayga iyo dadaalkayga si uu u xoogeeyo
samirkayga iyo daacadnimadayda. Sagaalkan sannadood wuxuu iga xorreeyey dhammaan
mas’uuliyadihii uu xilku iga saarnaa si aan difaac magiciisa barakadaysan ugu helo
wakhti aan ku tukado, kuna barto Eraygiisa annigoo leh qalbi wax baadiggoobaya oo
baahan iyo inaan ku koro cilmiga Ilaahayga. Waxaan Rabbiga ku mahadinayaa fursaddan
cajiibka ah. Boos ayaad iga siisay xabbiskii aan ku jiray, silicaygii saxariirta
lahaana wuxuu ii horseeday bogsiin naxariistaadiina dib ayay ii noolaysay. War Ilaahay
siduu barako ugu kaydiyey kuwa Isaga ka cabsada!
Waxay diideen diin faafintaydii. Laakiinse, "Haddii aad qof indha la' oo ceel ku
sii socda aragtid oo aad iska aammustid de marka waad dembaabtay." (Gabay reer Faaris).
Waa xil naga saaran diintayada ilaa iyo inta albaabka naxariista Eebbe furan yahay
inaan ka dhaadhicinno kuwa sharlowyada ah inay jidadka sharka leh ka leexdaan oo
Ilaahay magangelyo ka helaan si ay uga badbaadaan carada Ilaaha caaddilka ah iyo
ciqaabta xun ee soo socota.
Ciise Masiix wuxuu leeyahay "Aniga ayaa ah albaabka. Ku alla kii aniga i soo gala
wuu badbaadi doonaa." "Aniga ayaa ah jidka, runta iyo noloshaba. Cidina Aabbaha
uma tagto inay aniga i soo maraan mooyaane." "Badbaadada lagama helo cid kale maxaa
yeelay ma jiro magac kale ee samada ku hoos jira oo banii-aadanka la siiyey oo aan
ku badbaadi karayno."
Nebiyadii Ilaahay Ciise Masiix oo keliya ayaa dhimashadii ka soo sarakacay isagaana
ah qareenkeenna nool ee abadkiis jiraya.
Isagu waa badbaadiyaheenna waana Wiilkii Ilaahay. Aqoonsiga magaciisu waa aqoonsiga
nolosha weligeed ah. Aniga, oo ah dembiile waxmatare ah, waxaan rumaysanahay shakhsinimada
Ciise ee jacaylka ku dheehan iyo Erayadiisa oo dhan iyo mucjisooyinka lagu qoray
Injiilka, oo noloshayda waxaan farta ka saaray gacmihiisa. Noloshu aniga waxay ii
tahay fursad aan Isaga ugu adeego, dhimashaduna waaba fursad ka sii fiican oo aan
Masiixa kula joogi karo. Sidaas daraaddeed raalli keliya kuma ahi inaan xabsi ku
galo sharafta Magiciisa Quduuska ah, laakiinse waxaan kaloo diyaar u ahay inaan
noloshayda iyo naftayda u huro Sayidkayga oo ah Ciise Masiix daraaddiis si aan Boqortooyadiisa
dhaqso u gaaro. Meeshaas oo ah midda ay kuwa Ilaahay doortay ku noolaadaan nolol
weligeed jirta, laakiinse kuwa sharka lahu ay ku noolaadaan caro iyo ciqaab weligeed
ah.
Hooska Eebbe ee Naxariista leh iyo gacantiisa barakada iyo bogsiinta leh ha idinla
jireen weligood. Aammiin.
Si xushmad leh,
Masiixigiinna maxbuuska ah,
Mehdi Dibaaj
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved