Nin dhallinyaro ah oo damaaci ah ayaa wuxuu u tegay nin taajir ah
oo caan ah. Ninkii taajirka ahaa si dulqaad leh oo deggan ayuu uga jawaabay dhammaan
su'aalihii uu ku hanweynaa. Markii ay kala tagayeen ayaa ninkii dhallinyarada ahaa
isagoo qanacsan wuxuu ku yidhi taajirkii, "Waxaan u malaynayaa wax kale oo aad u
baahan tahay ma jiraan?" Ninkii taajirka ahaana wuxuu ugu jawaabay, "Haa, haa, ninkaaga
yarow, waxaan jeclaan lahaa inaan xoogaa yar ku darsado wax kasta oo aan haysto!"
Waa run oo waxaynu u baahan nahay lacag aynu ku noolaanno. Waa khasab inaan cunno
si aynu u noolaanno. Waxaynu u baahan nahay dhar aynu gashanno iyo guryo aynu hoyaad
ka dhiganno. Laakiin waxyaalahan oo dhammi ma keenaan farxad. Dad badan oo faqiir
ah ayaa ka faraxsan kuwo deriskooda ah oo taajiriin ah. Maya, lacagtu ma aha furaha
farxadda.
Farxaddu waa marxalad xagga niyadda ah. Ninka faraxsan waa ninka
maskax nabadeed iyo qalbi deggan leh. Nabaddan xagga niyadda iyo farxaddan xagga
qalbiga laguma iibsan karo lacag, lagumana qiyaasi karo heer ama guul aad gaartay.
Kuwani kama yimaadaan waxyaalaha adduunka. Haddii aad arrimahan ka doonaysid inay
farxad ku siiyaan waad ku hungoobaysaa. Haddii aad heli kartid sirta nabadda ee
xagga niyadda iyo qalbiga deggan, markaa waxaad helaysaa sirta farxadda. Ma doonaysaa
inaad aniga i raacdo si aynu u raadinno sirta farxadda? Bal si fiican uga feker.
Miyaad doonaysaa? Dhab ma kaa tahay? Haddii ay tahay in aynu haysanno nabad xagga
niyadda ah iyo qalbi faraxsan waa in aynu raadinnaa waxa innaga hor taagan in aynu
helno iyaga. Sidaas daraaddeed, waxaan bilaabaynaa inaynu helno waxa cadawga ku
ah nabadda. Waan ogahay oo ma jeclid eraygan; waxaa laga yaabaa inuu kugu adkaado
inaad fahamtid, laakiin cadawga aan ka hadlayo waxaa lagu soo koobaa hal eray: DEMBI.
Haddii aad jeceshahay iyo haddii kaleba, DEMBIGU waa waxa keliya ee is hortaaga
jidka farxadda. Haddii aadan doonaynin inaad eraygan wajahdo, weligaa farxad ma
helaysid, kamana baxsan karno dembiga, ilaa aynu wajahno oo aynu wax ka qabanno.
Waxaa laga yaabaa inaad indhahaaga xidhid oo aad tiraahdid ma jiro wax dembi la
yiraahdo, laakiin mar kasta dembigu waa kugu jiraa, hareerahaagana waa joogaa. Dembigu:
wuxuu tabardarreeyaa doonistaada. Dembigu: wuxuu madoobeeyaa miyirkaaga. Dembigu:
wuxuu kuu hoggaamiyaa inaad ku noolaatid nolol jirjiroolanimo ah oo aad addoon u
noqotid naftaada. Dembigu: wuxuu kharribaa shakhsiyaddaada. Dembigu: ugu dambaynta
wuxuu kuu keenaa dhimasho. Badanaa waxaynu ku fekernaa dembigu inuu ku lifaaqsan
yahay ficilada ah, sakhraannimo, khamaarka, xaditaanka, khiyaamada, habaarka, dilidda
iyo wixii la mid ah. Waa run, oo kuwani waa dembiyo. Hase yeeshee, dembiga aan ka
hadlayo waa mid asal ah oo qoto dheer oo si toos ah xiriir kuula leh.
Dembigu waa marka aad samayn waydid amarrada Ilaahay faray banii-aadanka
sida ku qoran Warqaddii Rasuul Bawlos u qoray reer Rooma 3:23. Dembigu waa marka
aad jebisid amarrada Ilaah (Warqaddii kowaad ee Yooxanaa 3:4). Dembigu waa marka
aad samayn weydid waxa wanaagsan, oo aad og tahay inay waajib kugu tahay in aad
samaysid (Warqaddii Yacquub 4:17). Dembigu waa sida dhabta ah oo aad diiday in aad
rumaysato Ilaah (Injiilka sida Yooxanaa u qoray 16:9). U akhri si taxaddar ku jiro.
Dembigu waa fekerka ugu horreeya. Marka dambena wuxuu isu beddelaa ficil, fekerkaasi
wax kasta wuu noqon karaa, ficilkaasina sidoo kale, dembigu wuxuu noqon karaa damac,
ama wax kasta oo la xiriira nolosha oo ka soo horjeeda qawaaniinta Baybalka waa
dembi. Bal hal saac meel fadhiiso oo si daacad ah uga feker naftaada, ama noloshaada.
Xiriirka adiga iyo saaxiibadaa, miyay ku aamminaan? Miyay kuugu kalsoon yihiin?
Ka feker nolol maalmeedkaaga, la dhaqanka waalidkaa ama dadka kale; sidee weeye
kuwaasi? Runta markaad u hadashid ma oran kartaa, "Maan dembaabin"? Waxaa laga yaabaa
inay jawaabtu kugu adkaato ama aad yara wareerto. Waxaad Baybalka ku raaci doontaa
inaanan ku doodi karin in aynaan dembaabin. Haddii aan taa ku doodno, nafteenna
ayaynu khiyaamaynaa. Ilaahay wuxuu yiri, dhammaan banii-aadamka way dembaabeen wayna
gaadhi waayeen ammaanta Ilaah, isaga oo aan kala saarin, waxaynu ku dhaqmi waynay
waxyaalihii Ilaahay ina faray, kuwaasoo ah meesha keliya ee aan farxad ka heli lahayn.
Bal hadda aan fiirinno waxa dembigu inoo keeno.
Mushaarrada, ama natiijada dembigu waa dhimasho. (Rooma 6:23). Faahfaahin
kale looma baahna. Hadda waxaan og nahay dembiga iyo natiijadiisa, haddii aan heli
karno jid aan ku xallin karno dembiga, markaa waxaan ku soconnaa jidka farxadda,
xalka dembiga ma waxaa laga heli karaa:
- WAXBARASHADA?
- EDBINTA DABEECADDA?
- XAQIRIDDA NAFTA?
- DEGAAN NADIIF AH?
Waxyaalahan oo dhammi waa fiican yihiin waana lagama maarmaan, laakiin, runtii kuwani
ma aha jawaabta dhibaatada dembiyadeenna.
Ciise Masiix, Isaga oo keliya! Waayo? Sababtu waa Ciise Masiix waa
Wiilka Ilaah, sida ku xusan Injiilka sida Yooxanaa u qoray 3:16. Ciise Masiix dembi
ma lahayn. Sida ku qoran Warqaddii labaad ee Rasuul Bawlos u qoray Korintos 5:21.
Ciise Masiix wuxuu ka adkaaday dembiga, sida ku xusan Warqaddii loo qoray Cibraaniyada
4:15. Ciise Masiix wuxuu bixiyey ciqaabtii dembiyadeenna mar qura oo uu dhammeeyey.
Waxaana taasi ku qoran tahay Warqaddii loo qoray Cibraaniyada 9:28. Taas oo keliya
ma aha. Ciise Masiix waa ka keliya ee ka guulaystay inuu dembiga banii-aadmiga ka
adkaado. Sidaas darteed Ciise Masiix dembiga wuu cafin karaa. Ciise Masiix wuxuu
doonayaa inuu kaa cafiyo dembigaaga, waxaana taasi ku qoran tahay Injiilka sida
Yooxanaa u qoray 3:20. Isagu isla hadda ayuu kuugu yeerayaa inaad qalbigaaga u furtid,
tanina waxay ku qoran tahay Muujintii Ciise Masiix oo Yooxanaa loo muujiyey 3:20.
Hadda waa markaagii, ka toobadkeen dembigaaga, toobadkeenidda micnaheedu
waxay tahay inaad dembiga iska dhaaftid. Toobadkeeniddani waa inay ahaato mid aadan
waxba la hadhin oo dhan. Waa inay ahaato mid dhammaystiran. Waa khasab waxyaalahaas
aan kor ku soo sheegnay in ay daacad kaa ahaadaan. Markaa Ilaahay ayaa dhammaystiraya.
Ilaahay wuu soo dhowaynayaa qof kasta oo ka xun dembiyadiisa taasina waa ta keliya
ee Ciise Masiix adduunka u yimid. Ma fududa in la toobadkeeno, laakiin taasi waa
barakada ugu weyn, ma jirto farxad ka weyn inaad naftaada beddeshid oo aad si run
ah u toobadkeentid, markaa ayay noloshaadu noqonaysaa mid cusub. Hadda waxaad heli
doontaa nabad xagga niyadda ah, noloshaadana waxaa ka buuxi doona farxad iyo rajo.
Haddii niyaddaadu ay nabad hesho, qalbigaaguna rajo, markaa farxad ayaad heli doontaa.
Ma doonaysaa inaad toobadkeentid? Haddii aad doonaysid hadda yeel! Qof alla qofkaad
tahay iyo meel alla meeshaad joogtid, meel deggan tag oo qalbigaaga Ilaahay u fur,
oo toobadkeen. Ilaah wuu ku dhegaysanayaa, dembiyadaada oo dhan wuu kaa cafinayaa
siduu anigaba iiga cafiyey. Ciise Masiix dembiyadoo dhan wuu cafiyaa, sida dembiyada
dadka kale og yihiin, dembiyada aad adiga keligaa og tahay, xataa kuwa aad iska
illowday. Dembiyada waaweyn iyo kuwa yaryar, iyo dembi kasta.
Waxaa jira hal shay oo ugu danbeeya oo kuu haray inaad samayso, kaasoo
ah ka ugu muhiimsan. Taasina waa inaad ku soo dhowaysid Ciise Masiix noloshaada
aadna ka dhigtid Badbaadiyahaaga iyo Rabbigaaga. Tanina waa talaabadaada kowaad
ee aasaaska farxadda iyo degganaanshaha qalbiga. Sidaan horeba kuugu sheegay haddaba
Ciise Masiix wuxuu kugu sugayaa qalbigaaga dibaddiisa, wuxuuna soo gelayaa mar alla
markaad si niyad ah oo saaxiibtinimo leh u aqbashid. Dhegayso isaga marka uu leeyahay,
"Ii kaalaya kulligiin kuwiinna hawshaysan oo culaabaysanow oo anigu waan idin nasin
doonaa." Sida ku xusan Injiilka sida Matayos u qoray 11:28. Waxaa kaloo ku qoran
Injiilka sida Yooxanaa u qoray 14:6 sidatan: "Anigu waxaan ahay jidka iyo runta
iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee." Waxaa kaloo
ku qoran Warqaddii labaad ee Rasuul Bawlos u qoray dadkii Korintos 5:17 sidatan:
"Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore
way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeen e." Haddaba sidee baad Ciise
ku rumaysan kartaa? Waa aamminid iyo rumaysi oo keliya. Rumaysad oo keliya ayaad
isaga ku heli kartaa si uu badbaadiyahaagu u noqdo. Ciise Masiix aawadiis farxaddaadii
waa diyaar, wuxuuna doonayaa inuu ku siiyo. Adiga ayay ku jirtaa inaad ku qaadato
iyo in kale. Ma aqbalaysaa Ciise Masiix inuu noqdo badbaadiyahaaga si aad farxad
u heshid? Mise waad diidaysaa oo sidaada ayaad ahaanaysaa? Waxaa runtu tahay in
aad haysato madaxbannaani buuxda oo aad ku dooratid.
Hadda, ama hadhow, qof kasta waa inuu go'aan gaadhaa. Haddase waa
waqtiga ugu wanaagsan ee aad fekeri kartid. Bal si geesinimo ah oo rumaysad ku jiro
uga feker wixii aad hadda akhriday markaana go'aan ammuurtan ka gaar.
Marka hore rumayso Rabbiga Ciise Masiix, markaa waxaad awoodaysaa
inaad ka jawaabto su'aashan, waxaad kaloo awoodaysaa inaad tiraahdid, "Haa, hadda
waan faraxsanahay."
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved