Si aad u hesho cutubka aad rabtid, fadlan riix
lambarka liiska:
1
Qurbaanka La Gubo
1 Rabbigu wuxuu Muuse uga yeedhay teendhadii shirka oo intuu
la hadlay ayuu ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal oo
waxaad ku tidhaahdaa, Markii nin idinka mid ahu uu Rabbiga qurbaan u bixinayo, qurbaankiinna
waxaad ka bixisaan xoolaha, kuwaasoo ah lo'da iyo idaha.
3 Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah,
waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka
iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo. 4 Oo waa
inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka la gubayo, oo waxaa loo aqbali doonaa
inuu isaga u ahaado kafaaraggud. 5 Oo dibiga waa inuu Rabbiga
hortiisa ku gowraco, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga keenaan,
oo ay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga ee teendhada shirka
horteeda taal. 6 Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga
ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa.
7 Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga
dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka,
8 oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta
ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran,
9 laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku
meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan
dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
10 Oo haddii qurbaankiisu yahay neef adhi ah, ha ahaado wan
ama orgi oo qurbaan la gubo loo keenay, ha bixiyo neef lab oo aan iin lahayn.
11 Oo neefka waa inuu Rabbiga ku hor gowraco meesha allabariga dhinaceeda
woqooyi, oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu dhiiggiisa ha ku dul rusheeyeen hareeraha
meesha allabariga. 12 Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala
googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo
qoryaha dabka meesha allabariga saaran, 13 laakiinse neefka
uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo,
oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan
dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
14 Oo haddii qurbaankiisa uu Rabbiga u bixinayo uu yahay
haad qurbaan la gubo ah, markaas qurbaankiisa ha u bixiyo qoolleyo ama xamaam yaryar.
15 Oo wadaadku ha keeno meesha allabariga agteeda, oo madaxa
ha ka maroojiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, oo dhiiggana ha lagaga
miiro meesha allabariga agteeda. 16 Oo waa inuu ka soo bixiyaa
gulgulada iyo baalasheeda oo ha ku tuuro meesha allabariga dhinaceeda bari, kaasoo
ah meeshii dambaska. 17 Oo garbaha ha ka jeexo, laakiinse
yuusan kala dillaacin dhammaanteed, oo wadaadku ha ku dul gubo qoryaha dabka meesha
allabariga saaran, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo
Rabbiga caraf udgoon u ah.
^ Dib u celi bilawga ^
2
Qurbaanka Hadhuudhka Ah
1 Oo markii qof qurbaan hadhuudh ah Rabbiga u bixinayo, qurbaankiisu
ha ahaado bur, oo waa inuu saliid ku shubaa, oo fooxna saaraa.
2 Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka
qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga
dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon
u ah. 3 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa
iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga
ee dab lagu sameeyo.
4 Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu
dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray,
ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay.
5 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado
bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray. 6 Waa inaad
cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah.
7 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe
lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray.
8 Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad
Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha
keeno. 9 Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka
qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa
qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. 10
Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan,
oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.
11 Qurbaan hadhuudh ah oo aad Rabbiga u bixinaysaan waa inaan khamiir
lagu samayn, waayo, waa inaydaan khamiir iyo malab toona sidii qurbaan Rabbiga dab
loogu sameeyo u gubin. 12 Iyaga waa inaad Rabbiga ugu bixisaan
sidii qurbaan midhaha ugu horreeya ah, laakiinse waa inaan meesha allabariga loogu
dul gubin caraf udgoon aawadeed. 13 Oo qurbaan kasta oo ah
qurbaankaaga hadhuudhka ah waa inaad cusbaysaa, oo waa inaadan innaba u oggolaan
in cusbadii axdiga Ilaahaaga ay ka maqnaato qurbaankaaga hadhuudhka ah. Qurbaannadaada
oo dhan waa inaad cusbo la bixisaa.
14 Oo haddaad Rabbiga u bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo
midhaha ugu horreeya ah, qurbaankaaga hadhuudhka ah oo midhaha ugu horreeya ah waxaad
u bixisaa sabuul qoyan oo la dubay oo la tumay. 15 Oo waa
inaad saliid ku shubtaa, fooxna saartaa, waayo, taasu waa qurbaan hadhuudh ah.
16 Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed
ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan,
waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
^ Dib u celi bilawga ^
3
Allabariga Qurbaannada Nabaadiinada Ah
1 Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino
ah, oo uu lo'da ka bixinayo, lab ama dhaddig midduu yahayba, waa inuu Rabbiga hortiisa
ku bixiyaa neef aan iin lahayn. 2 Oo waa inuu gacanta saaraa
madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu ku ag gowracaa iridda teendhada shirka,
oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay dhiigga ku dul rusheeyaan hareeraha
meesha allabariga. 3 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada
ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban,
iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 4 iyo labada
kelyood iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul
yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado. 5 Oo wiilasha Haaruun
waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha
dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
6 Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino
ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef
aan iin lahayn. 7 Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo,
Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo. 8 Oo waa inuu gacanta saaraa
madaxa neefka qurbaanka ah, oo waa inuu teendhada shirka horteeda ku gowracaa, oo
wiilashii Haaruun waa inay neefka dhiiggiisa ku dul rusheeyaan hareeraha meesha
allabariga. 9 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa
inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydhiisa iyo badhidiisa oo dhan,
taasoo uu ka gooyo meesha ay lafta dhabarka ka haysato, iyo xaydha gudaha ku duuban,
iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,
10 iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka
u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.
11 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu
waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.
12 Oo haddii qurbaankiisu neef riyo ah yahayna, Rabbiga hortiisa
ha ku bixiyo. 13 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka,
oo teendhada shirka horteeda waa inuu ku gowracaa, oo wiilasha Haaruunna neefka
dhiiggiisa waa inay ku dul rusheeyaan hareeraha meesha allabariga.
14 Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab
loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta
oo dhan, 15 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal oo
xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.
16 Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu
waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa
iska leh. 17 Tan iyo ab ka ab waa inuu qaynuun joogto ah
ku ahaadaa meel kastoo aad deggan tihiinba inaydaan cunin xaydh iyo dhiig midnaba.
^ Dib u celi bilawga ^
4
Qurbaanka Dembi Lagu Bixiyo
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,
2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii
mid kama' ugu dembaabo waxyaalihii Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu sameeyo
waxyaalahaas qaarkood, 3 iyo haddii wadaadka subkanu uu dembaabo
oo uu sidaas dadka dembi ugu keeno, markaas waa inuu dembigiisa uu dembaabay aawadiis
Rabbiga qurbaan dembi ugu bixiyaa dibi yar oo aan iin lahayn.
4 Oo dibiga waa inuu Rabbiga ugu hor keenaa iridda teendhada, oo waa inuu gacanta
saaraa madaxa dibiga, oo uu dibiga Rabbiga hortiisa ku gowracaa.
5 Oo wadaadka subkanu waa inuu dhiigga dibiga qaarkiis qaadaa oo
uu teendhada shirka keenaa, 6 oo markaas wadaadku fartiisa
dhiigga ha geliyo, oo dhiigga toddoba jeer waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka
meesha quduuska ah. 7 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis
mariyaa geesaha meesha allabariga ee fooxa oo Rabbiga hortiisa taal oo teendhada
shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka
meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka taal.
8 Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa
inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta
oo dhan, 9 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo
xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado,
10 sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga
qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.
11 Oo dibiga haraggiisa iyo hilibkiisa oo dhan, iyo madaxiisa,
iyo addimmadiisa, iyo uurkujirtiisa, iyo uuskiisa, 12 iyo
xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan,
taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku
gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.
13 Oo ururka reer binu Israa'iil oo dhammu hadduu qaldamo,
oo ay waxaasu indhaha shirka ka qarsoon yihiin, oo ay sameeyaan wax ka mid ah waxyaalihii
uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo ay saas eed ku leeyihiin,
14 dembigii ay dembaabeen markii la ogaado, shirku waa inuu dibi
yar qurbaan dembi u bixiyaa, oo uu dibiga keenaa teendhada shirka horteeda.
15 Oo odayaasha ururku waa inay Rabbiga hortiisa gacmahooda ku saaraan
madaxa dibiga, oo dibiga Rabbiga hortiisa ha lagu gowraco.
16 Oo wadaadka subkanu waa inuu dibiga dhiiggiisa keenaa teendhada shirka,
17 oo markaas wadaadku fartiisa dhiigga ha geliyo, oo toddoba jeer
waa inuu Rabbiga ugu hor saydhaa ilxidhka. 18 Oo isagu waa
inuu dhiigga qaarkiis mariyaa geesaha meesha allabariga oo Rabbiga hortiisa taal
oo teendhada shirka ku dhex taal, oo dibiga dhiiggiisa oo dhanna waa inuu ku ag
shubaa salka meesha allabariga ee qurbaanka la gubo, taasoo iridda teendhada shirka
taal. 19 Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa,
oo meesha allabariga ku dul gubaa. 20 Oo dibiga ha ku sameeyo
siduu ku sameeyey dibigii qurbaanka dembiga oo kale, oo kanna sidaas oo kale ha
ku sameeyo; oo wadaadku iyaga kafaaraggud ha u sameeyo, oo iyana waa la cafiyi doonaa.
21 Oo dibiga waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu gubaa
siduu dibigii hore u gubay oo kale, waayo, kaasu wuxuu shirka u yahay qurbaanka
dembiga.
22 Markii qof madax ahu dembaabo oo uu kama' u sameeyo mid
ka mid ah waxyaalihii Rabbiga Ilaahiisa ahu uu amray inaan la samayn, oo uu saas
eed ku leeyahay, 23 haddii la ogeysiiyo dembigiisii uu dembaabay,
waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa mid lab
oo aan iin lahayn. 24 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa orgiga,
oo uu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo oo Rabbiga hortiisa ah,
waayo, kaasu waa qurbaan dembi. 25 Oo wadaadku waa inuu dhiigga
qaarkiis ku qaadaa fartiisa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la
gubo, oo dhiiggana waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga qurbaanka la gubo.
26 Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga,
sidii xaydhii allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo kale, oo wadaadku waa inuu
kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii, oo isna waa la cafiyi doonaa.
27 Oo dadka dhulka mid ka mid ahu hadduu kama' ku dembaabo,
oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu
saas eed ku leeyahay, 28 haddii la ogeysiiyo dembigiisii
uu dembaabay, waa inuu qurbaankiisa aawadiis u keenaa neef riyo ah, waana inuu ahaadaa
mid dhaddig oo aan iin lahayn, dembigiisii uu dembaabay aawadiis.
29 Oo waa inuu gacanta saaraa madaxa neefka ah qurbaanka dembiga,
oo waa inuu neefka ah qurbaanka dembiga ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka
la gubo. 30 Oo wadaadku waa inuu dhiigga qaarkiis fartiisa
ku qaadaa oo uu mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo, oo dhiigga
oo dhanna waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga.
31 Oo xaydhiisa oo dhanna waa in laga bixiyaa sidii xaydha looga bixiyo allabarigii
qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa,
si ay Rabbiga ugu ahaato caraf udgoon; oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u
sameeyaa, oo isna waa la cafiyi doonaa.
32 Oo hadduu neef ido yar ah u keeno qurbaanka dembigana
waa inuu neef dhaddig oo aan iin lahayn keenaa. 33 Oo waa
inuu gacanta saaraa madaxa neefka qurbaanka dembiga ah, oo waa inuu qurbaanka dembiga
ugu gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka la gubo. 34 Oo
wadaadku waa inuu qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis fartiisa ku qaadaa oo uu
mariyaa geesaha meesha allabariga qurbaanka la gubo lagu baxsho, oo dhiigga oo dhanna
waa inuu ku ag shubaa salka meesha allabariga. 35 Oo xaydhiisa
oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii
qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga,
sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud
u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.
^ Dib u celi bilawga ^
5
1 Haddii qof ku dembaabo cod dhaar ah oo uu maqlay, ee uu
isagu marag ka yahay, hadduu arkay iyo hadduu gartayba, hadduusan sheegin waa inuu
dembigiisa qaataa. 2 Ama haddii qof taabto wax nijaas ah,
hadduu yahay bahal nijaas ah baqtigiis, ama neef xoolo ah oo nijaas ah baqtigiis,
ama waxyaalo gurguurta oo nijaas ah baqtigood, haddii taasu ay isaga ka qarsoon
tahay, oo uu saas ku nijaasoobo, markaas isagu wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.
3 Ama hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax
kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan
doonaa mid eed leh. 4 Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg
ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof
degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado
wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh. 5
Oo markuu ahaado mid waxyaalahan midkood eed ku leh waa inuu qirtaa wixii uu ku
dembaabay, 6 oo markaas waa inuu dembigii uu dembaabay aawadiis
Rabbiga ugu keenaa qurbaankii xadgudubkiisa, oo waa inuu adhiga ka soo qabto neef
dhaddig ah, oo ah nayl ama waxar oo qurbaan dembi ah, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud
uga sameeyaa dembigiisii. 7 Oo haddii lacagtiisu ayan ugu
filnayn inuu neef baraar ah keeno, markaas dembigii uu dembaabay aawadiis waa inuu
qurbaankii xadgudubkiisa Rabbiga ugu keenaa laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar,
oo mid qurbaan dembi ha ka dhigo, midda kalena qurbaan la gubo.
8 Iyaga waa inuu wadaadka u keenaa, oo isna marka hore ha bixiyo
tan qurbaanka dembiga ah, oo madaxa ha ka maroojiyo, laakiinse waa inuusan kala
dillaacin. 9 Oo qurbaanka dembiga dhiiggiisa qaarkiis waa
inuu ku rusheeyaa meesha allabariga dhinaceeda, oo dhiigga intiisa kalena ha lagaga
miiro salka meesha allabariga, waayo, taasu waa qurbaan dembi.
10 Oo tan labaadna waa inuu qurbaan la gubo ugu bixiyo si qaynuunka waafaqsan, oo
wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la
cafiyi doonaa.
11 Laakiinse haddii lacagtiisu ayan ugu filnayn laba qoolley
amase laba xamaam oo yaryar, markaas wixii uu ku dembaabay aawadood qurbaankiisa
ha u keeno eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah, kaasoo qurbaan dembi
ah, oo waa inuusan saliid ku shubin, waana inuusan waxba foox saarin, waayo, waa
qurbaan dembi. 12 Oo waa inuu wadaadka u keenaa, oo wadaadkuna
waa inuu cantoobo muggeed uga qaataa xusuus, oo meesha allabariga ha ku dul gubo,
sidii qurbaannada Rabbiga dabka loogu sameeyo, waayo, waa qurbaan dembi.
13 Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku
dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta
kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.
Qurbaanka Xadgudubka
14 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
15 Haddii qof xadgudbo oo uu si kama' ah ugu dembaabo Rabbiga waxyaalihiisa
quduuska ah, markaas waa inuu Rabbiga u keenaa qurbaankii xadgudubkiisii aawadiis,
kaasoo ah wan aan iin lahayn oo idaha laga soo bixiyey, oo aad ku qiimaysay lacag
intuu sheqel yahay, iyadoo lagu miisaamay sheqelka meesha quduuska ah, oo kaas qurbaan
xadgudub ha u bixiyo. 16 Oo alaabtii quduuska ahayd oo uu
ku dembaabay waa inuu magdhabaa, oo weliba iyadoo shan meelood loo dhigay meesheed
waa inuu ku daraa, oo waa inuu wadaadka u dhiibaa, oo wadaadkuna waa inuu isaga
kafaaraggud uga dhigaa wankii ahaa qurbaanka xadgudubka oo isna waa la cafiyi doonaa.
17 Oo haddii qof dembaabo oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii
uu Rabbigu amray inaan la samayn, in kastoo uusan ogayn, weli eed buu leeyahay,
oo waa inuu dembigiisa qaataa. 18 Oo isagu waa inuu idaha
ka soo bixiyaa wan aan iin lahayn oo aad adigu qiimaysay, oo waa inuu wadaadka ugu
dhiibaa qurbaan xadgudub, oo wadaadkuna waa inuu kafaaraggud u sameeyaa wixii uu
kama' ugu qaldamay isagoo aan ogayn, oo isna waa la cafiyi doonaa.
19 Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga
hortiisa eed buu ku leeyahay.
^ Dib u celi bilawga ^
6
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad
ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid,
amase hadduu deriskiisa dulmo, 3 amase hadduu helo wax lumay
oo uu waxaas qarsado oo uu been ku dhaarto, hadduu waxyaalahaas midkood sameeyo
oo uu saas ku dembaabo, 4 markaas hadduu dembaabay oo uu
eedaysan yahay waa inuu soo celiyaa wixii uu dhacay, ama wixii uu dulmi ku qaatay,
ama carbuunkii isaga loo dhiibtay, ama wixii lumay oo uu helay,
5 amase wixii uu beenta ugu dhaartay, waa inuu celiyaa iyagoo kaamil
ah, oo weliba waa inuu ku daraa iyada oo shan meelood loo dhigay meesheed. Oo waa
inuu siiyaa kii waxaas lahaa maalintii la ogaado inuu isagu eedaysan yahay.
6 Oo isagu qurbaanka xadgudubkiisa aawadiis waa inuu Rabbiga ugu
keenaa wan aan iin lahayn oo uu idaha ka soo bixiyey ee aad qiimaysay, oo qurbaan
xadgudub aawadiis wadaadka ha ugu keeno. 7 Oo wadaadkuna
waa inuu isaga kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa, oo isna waa laga cafiyi
doonaa wixii uu sameeyey oo uu ku eedaysan yahay oo dhanba.
Qurbaanka La Gubo
8 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
9 Haaruun iyo wiilashiisa amar oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu waa
sharciga qurbaanka la gubo ku saabsan: qurbaanka la gubo waa inuu habeenkii oo dhan
saarnaadaa qoryaha meesha allabariga saaran tan iyo ilaa waagu ka baryo; oo dabka
meesha allabarigana waa in laga sii ololiyaa. 10 Oo wadaadkuna
waa inuu xidhaa dharkiisa wanaagsan, oo sirwaalkiisa marada wanaagsan laga sameeyeyna
waa inuu gashadaa, oo waa inuu qaadaa dambaskii qurbaanka la gubayay oo dabku meesha
allabariga dusheeda ku baabba'saday, oo waa inuu meesha allabariga ku ag shubaa.
11 Oo markaas waa inuu dharkiisii iska furaa oo uu dhar kale
xidhaa, oo dambaska waa inuu meel daahirsan oo xerada dibaddeeda ah u qaadaa.
12 Oo dabka meesha allabarigana waa in had iyo goor la sii ololiyaa
oo waa inuusan marna demin; oo wadaadku waa inuu subax kasta qoryo saaraa, oo uu
qurbaanka la gubona ku dul hagaajiyaa, oo xaydha qurbaanka nabaadiinadana waa inuu
ku dul gubaa. 13 Oo dab joogto ah waa in meesha allabariga
dusheeda laga sii ololiyaa had iyo goorba, oo waa inuusan marna demin.
Qurbaanka Hadhuudhka Ah
14 Oo kanuna waa sharciga qurbaanka hadhuudhka ku saabsan:
Wiilashii Haaruun waa inay ku hor bixiyaan meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa
ah. 15 Oo isagu waa inuu cantoobadiisa muggeed ka qaadaa
burka wanaagsan ee qurbaanka hadhuudhka ah iyo saliiddiisa, iyo kulli fooxa saaran
qurbaanka hadhuudhka oo dhan, oo waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa caraf
udgoon ee xusuus u ah Rabbiga. 16 Oo wixii qurbaankaas ka
hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel
quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka.
17 Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey
qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu
quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka.
18 Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa
inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga
oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.
19 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
20 Kanu waa qurbaanka Haaruun iyo wiilashiisu ay Rabbiga u bixin
doonaan maalintii isaga la subko, waana eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay
meeshiis, oo ah qurbaan hadhuudh oo joogto ah, oo intaas badhkeed subaxdii ha la
bixiyo, badhka kalena fiidkii ha la bixiyo. 21 Oo waa in
lagu sameeyo digsi oo saliid lagu sameeyo, oo markii la isku qooshay waa inaad gudaha
soo gelisaa. Xabbad xabbad la dubay waa inaad u bixisaa qurbaanka hadhuudhka oo
Rabbiga caraf udgoon u ah. 22 Oo waxaa bixin doona wadaadka
subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa
in dhammaan Rabbiga loogu gubaa. 23 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh
ah oo wadaadku bixiyoba waa in dhammaantiis la wada guba, oo waa inaan la cunin.
Qurbaanka Loo Bixiyo Dembiga
24 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
25 La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Kanu
waa sharciga ku saabsan qurbaanka dembiga: meesha qurbaanka la gubo lagu gowraco
waa in qurbaanka dembigana lagu gowracaa Rabbiga hortiisa, waayo, kaasu waa kan
ugu wada quduusan. 26 Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa
waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka.
27 Oo wax alla wixii hilibkiisa taabtaana quduus bay ahaan
doonaan, oo dhiiggiisana haddii dhar lagu saydho, wixii uu kaga saydhmay waa inaad
ku maydhaa meel quduus ah. 28 Laakiinse weelka dhoobada ah
oo lagu kariyey waa in la burburiyaa, oo haddii weel naxaas ah lagu kariyana waa
in la xaquuqaa oo biyo lagu dhaqaa. 29 Oo wadaaddada intooda
laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan.
30 Oo qurbaankii dembiga oo dhiiggiisa la soo geliyo teendhada
shirka si meesha quduuska ah kafaaraggud loogu sameeyo innaba waa inaan la cunin,
waase in dab lagu gubaa.
^ Dib u celi bilawga ^
7
Qurbaankii Xadgudubka
1 Oo kanuna waa sharciga ku saabsan qurbaanka xadgudubka.
Kaasu waa kan ugu wada quduusan. 2 Meesha qurbaanka la gubo
lagu gowraco waa in qurbaanka xadgudubkana lagu gowracaa, oo dhiiggiisana waa inuu
ku dul rusheeyaa hareeraha meesha allabariga. 3 Oo isagu
waa inuu bixiyaa baruurta taasoo ah badhida, iyo xaydha gudaha ku duuban,
4 iyo labada kelyood iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow,
iyo xuubka beerka ku dul yaal, waa inuu kelyaha la qaadaa.
5 Oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa qurbaan Rabbiga dab loogu
sameeyo, waayo, kaasu waa qurbaankii xadgudubka. 6 Oo wadaaddada
intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel
quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan. 7 Oo qurbaanka
xadgudubku waa sidii qurbaanka dembiga oo kale. Oo iyagu isku sharci ayay leeyihiin,
oo wadaadkii kafaaraggudka ku sameeyaa ha lahaado. 8 Oo wadaadkii
qof qurbaan la gubo u bixiyaa ha iska qaato haragga qurbaanka la gubo oo uu bixiyey.
9 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo foorno lagu dubo, iyo
wax alla wixii birdaawe ama digsi lagu sameeyo waxaa iska leh wadaadka bixiya.
10 Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo saliid lagu daray amase engeg
ah waa inay wiilasha Haaruun oo dhammu lahaadaan, oo sidii mid u cuno kan kalena
ha u cuno.
Allabariga Qurbaannada Nabaadiinada
11 Oo kanuna waa sharciga ku saabsan allabariga qurbaannada
nabaadiinada ah oo Rabbiga loo bixiyo. 12 Oo hadduu mahadnaqid
aawadeed u bixinayo, waa inuu allabariga mahadnaqidda la bixiyaa moofo aan khamiir
lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay,
iyo moofo saliid lagu daray oo bur la qoyay laga sameeyey.
13 Kibis khamiir leh waa inuu la bixiyaa qurbaankiisa iyo allabariga qurbaannadiisa
nabaadiinada ah mahadnaqid aawadeed. 14 Oo qurbaan kastana
waa inuu ka bixiyaa xabbad ah qurbaanka sare loo qaado oo Rabbiga loo bixiyo, oo
waxaa iska lahaanaya wadaadka saydhsaydha dhiigga qurbaannada nabaadiinada.
15 Oo hilibka allabarigiisa qurbaannadiisa nabaadiinada ah oo uu
mahadnaqidda u bixiyo waa in dhammaantiis la cunaa maalinta uu qurbaankiisa bixiyo,
oo waa inuusan waxba ka gaadhsiin tan iyo subaxda dambe.
16 Laakiinse haddii allabariga qurbaankiisu uu yahay nidar amase qurbaan uu ikhtiyaar
u bixiyo, waa in la cunaa maalinta uu bixiyo allabarigiisa, oo wixii ka hadhana
maalinta ku xigta ha la cuno. 17 Laakiinse hilibka allabariga
wixii ka hadha oo maalinta saddexaad gaadha waa in dab lagu gubaa.
18 Oo haddii hilibka allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah la
cuno maalinta saddexaad, markaas la aqbali maayo, oo kii bixiyeyna loo xisaabi maayo,
laakiin taasu waxay ahaan doontaa karaahiyo, oo qofkii cunaana isagaa dembigiisa
qaadanaya. 19 Oo hilibkii taabta wax nijaas ahna waa inaan
la cunin; waase in dab lagu gubaa. Oo hilibkana qof kasta oo daahir ahu wax ha ka
cuno. 20 Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada
ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii
laga gooyaa. 21 Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday
tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka
cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas
waa in dadkiisa laga gooyaa.
Cunitaankii Dhiigga Iyo Baruurta Oo La Mamnuucay
22 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
23 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku
waa inaydaan cunin baruur lo'aad ama mid idaad amase mid riyood.
24 Oo neefkii iska dhinta baruurtiisa iyo neefkii dugaaggu bakhtiisto baruurtiisa
toona waa inaydaan sinaba u cunin, laakiinse siyaalo kale waa loogu isticmaali karaa.
25 Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan
dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.
26 Oo waa inaydaan degmooyinkiinna oo dhan ku dhex cunin dhiig cayn
kasta ha ahaadee, hadduu yahay mid haad ama mid xayawaan toona.
27 Ku kasta ha ahaadee qofkii dhiig cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.
Qaybta Wadaaddada
28 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
29 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kii Rabbiga
u bixiyaa allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaankiisa
uga keenaa allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah. 30
Waa inuu gacmihiisa ku keenaa qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; waa inuu
keenaa baruurta iyo sakaarka in sakaarka Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka
la ruxruxo. 31 Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa
meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa.
32 Oo allabariga ah qurbaannadiinna nabaadiinada waxaad ka soo bixisaan
bowdada midig oo waa inaad wadaadka siisaan, ha ahaatee qurbaan sare loo qaado.
33 Kii reer Haaruun ka mid ah oo bixiya dhiigga qurbaannada
nabaadiinada iyo baruurta ayaa qayb ahaan u leh bowdada midig.
34 Waayo, anigu reer binu Israa'iil ayaan allabariga ah qurbaannadooda nabaadiinada
kala baxay sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado, oo waxaan reer binu Israa'iil
amar kaga siiyey wadaadka Haaruun iyo wiilashiisa weligoodba.
35 Taasu waa qaybtii subkidda oo Haaruun iyo qaybtii subkidda
oo wiilashiisa oo la kala baxayo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, maalintii
iyaga loo keenay Rabbiga inay isaga uga adeegaan jagada wadaadnimada,
36 kuwaasoo maalintii la subkay uu Rabbigu amray in reer binu Israa'iil
iyaga siiyaan, oo taasna ab ka ab baa loo amray. 37 Haddaba
kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka
dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, iyo kan quduuskadhigidda, iyo kan allabariga
qurbaannada nabaadiinada ah, 38 ee uu Rabbigu Muuse kaga
amray Buur Siinay maalintii uu reer binu Israa'iil ku amray inay Rabbiga u bixiyaan
qurbaannadooda iyagoo jooga cidladii Siinay.
^ Dib u celi bilawga ^
8
Haaruun Iyo Wiilashiisii Oo La Caleemasaaray
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Waxaad keentaa Haaruun iyo wiilashiisa oo isaga la jira, iyo dharka,
iyo saliidda lagu subkado, iyo dibiga ah qurbaanka dembiga, iyo labada wan, iyo
dambiisha ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirto. 3 Oo
ururka oo dhanna waxaad ku soo shirisaa iridda teendhada shirka.
4 Oo Muusena waa yeelay wixii Rabbigu isaga ku amray, oo ururkiina
waa lagu soo shiriyey iridda teendhadii shirka. 5 Kolkaasaa
Muuse ururkii oo dhan ku yidhi, Waxanu waa waxa Rabbigu amray in la sameeyo.
6 Markaasaa Muuse wuxuu soo kexeeyey Haaruun iyo wiilashiisii, oo
biyuu iyagii ku maydhay. 7 Oo wuxuu isagii u geliyey jubbaddii,
oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhka, oo wuxuu u geliyey khamiiskii, eefodkiina
wuu u geliyey, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhkii eefodka oo daabaca lahaa,
oo kaasuu isagii ku xidhay. 8 Oo haddana wuxuu isagii saaray
laabgashigii, oo laabgashigiina wuxuu geliyey Uuriimkii iyo Tummiimkii.
9 Oo madaxana wuxuu u saaray duub, oo duubka dhankiisa horena wuxuu
ku dhejiyey waslad khafiif ah oo dahab ah oo ah taajka quduuska ah sidii Rabbigu
Muuse ku amray. 10 Markaasaa Muuse soo qaaday saliidda lagu
subkado, oo wuxuu ku subkay taambuuggii iyo waxyaalihii gudihiisa ku jiray oo dhan,
oo dhammaantoodna quduus buu ka dhigay. 11 Oo qaarkeedna
wuxuu toddoba jeer ku saydhsaydhay meeshii allabariga, oo wuxuu subkay meeshii allabariga
iyo weelasheedii oo dhan iyo berkeddii weysada iyo salkeedii, si uu dhammaantood
quduus uga dhigo. 12 Oo saliidda lagu subkado qaarkeedna
wuxuu ku shubay Haaruun madaxiisa, oo isagii wuu subkay si uu quduus uga dhigo.
13 Oo haddana Muuse wuxuu soo kexeeyey wiilashii Haaruun,
oo wuxuu iyagii u geliyey jubbado, wuxuuna ugu xidhay dhex-xidho, duubabna wuu u
duubay sidii Rabbigu Muuse ku amray. 14 Oo haddana wuxuu
keenay dibigii ahaa qurbaanka dembiga, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday
madaxa ka saareen dibigii qurbaankii dembiga ahaa. 15 Markaasuu
dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii
meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga
ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud
ugu sameeyo. 16 Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay
oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse
intaasuu ku dul gubay meesha allabariga. 17 Laakiinse dibigii
iyo haraggiisii, iyo hilibkiisii, iyo uuskiisiiba wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda
ah sidii Rabbigu Muuse ku amray. 18 Oo haddana wuxuu keenay
wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa
ka saareen wankii. 19 Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa
Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
20 Oo wankii xubin xubin buu u kala googooyay, markaasaa Muuse wuxuu
gubay madaxii iyo xubnihii iyo xaydhii, 21 oo isna uurkujirtii
iyo addimmadii ayuu biyo ku maydhay, markaasaa Muuse wankii oo dhan ku dul gubay
meesha allabariga, waayo, kaasu wuxuu ahaa qurbaan la gubo oo caraf udgoon loo bixiyo,
wuxuuna ahaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
22 Oo haddana wuxuu keenay wankii kale, kaasoo ahaa wankii quduuskadhigidda,
oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii. 23 Markaasuu wankii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii oo
wuxuu mariyey Haaruun caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo
suulka cagtiisa midig. 24 Oo haddana wuxuu keenay Haaruun
wiilashiisii, kolkaasaa Muuse dhiiggii mariyey caaradda dhegahooda midig, iyo suulka
gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo Muusena wuxuu dhiiggii ku dul rusheeyey
hareeraha meesha allabariga. 25 Markaasuu soo qaaday baruurtii,
iyo badhidii, iyo xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku yiil, iyo
labadii kelyood, iyo xaydhoodii, iyo bowdadii midig. 26 Oo
dambiishii ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirtay oo Rabbiga hortiisa tiilna
wuxuu ka soo bixiyey xabbad ah kibis aan khamiir lahayn, iyo xabbad ah moofo saliid
leh, iyo xabbad canjeero ah, oo wuxuu saaray baruurtii iyo bowdadii midig,
27 oo intaas oo dhan ayuu saaray Haaruun gacantiisii, iyo gacantii
wiilashiisa, oo sida qurbaanka la ruxruxo ayaa Rabbiga hortiisa lagu ruxruxay.
28 Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la
gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo
caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
29 Kolkaasaa Muuse qaaday sakaarkii, oo Rabbiga hortiisa ayuu ugu
ruxruxay qurbaan la ruxruxo aawadiis, oo kaasu wuxuu ahaa qaybtii Muuse ku lahaa
wankii quduuskadhigidda sidii Rabbigu Muuse ku amray. 30
Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga
ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii,
iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii
iyo dharkii wiilashiisaba. 31 Markaasaa Muuse Haaruun iyo
wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo
halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan
u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.
32 Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.
33 Oo idinkuna waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka
intii toddoba maalmood ah, ilaa maalmaha quduus laydinka dhigay ay dhammaystirmaan,
waayo, isagu wuxuu quduus idinka dhigayaa intii toddoba maalmood ah.
34 Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay,
in kafaaraggud laydiin sameeyo. 35 Oo intii toddoba maalmood
ah habeen iyo maalinba waa inaad ag joogtaan iridda teendhada shirka, oo Rabbiga
amarkiisa xajiya yeydnan dhimanine, waayo, sidaasaa laygu amray.
36 Oo Haaruun iyo wiilashiisiina way wada yeeleen waxyaalihii Rabbigu
amray oo uu gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.
^ Dib u celi bilawga ^
9
Wadaaddadii Oo Bilaabay Shaqadooda
1 Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo
wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil, 2 oo wuxuu
Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan
la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.
3 Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad
keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan
innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah. 4 Oo dibi iyo wanna
waxaad u keentaan qurbaanno nabaadiino in Rabbiga hortiisa allabari ahaan loogu
bixiyo, iyo qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray, waayo, maanta ayaa Rabbigu
idiin muuqan doonaa. 5 Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda
keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo
Rabbiga hortiisa istaageen. 6 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi,
Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona
Rabbiga ammaantiisa. 7 Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi,
Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga
la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad
bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray.
8 Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii
allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga.
9 Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo
isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga,
oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga.
10 Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay
beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse
ku amray. 11 Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel
xerada dibaddeeda ah. 12 Oo haddana wuxuu gowracay neefkii
qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii,
oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
13 Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo
madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga.
14 Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu
ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa.
15 Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii dadka, oo wuxuu soo waday ridii dadka u ahayd
qurbaankii dembiga, wuuna gowracay oo u bixiyey dembi aawadiis, siduu kan hore yeelay.
16 Oo haddana wuxuu keenay neefkii qurbankii la gubo ahaa,
oo si qaynuunka waafaqsan ayuu u bixiyey. 17 Oo haddana wuxuu
keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay
meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.
18 Oo weliba wuxuu gowracay dibigii iyo wankii ahaa allabariga qurbaannada
nabaadiinada ah oo dadka aawadiis loo bixinayay; oo markaasay wiilashii Haaruun
isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
19 Markaasay keeneen baruurtii dibiga iyo tii wanka, iyo
badhidii, iyo xaydhii gudaha ku duubnayd, iyo kelyihii, iyo xuubkii beerka.
20 Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu
ku dul gubay meeshii allabariga. 21 Kolkaasaa Haaruun Rabbiga
hortiisa qurbaan la ruxruxo ugu ruxruxay sakaarradii iyo bowdadii midig, sidii Muuse
amray. 22 Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka
xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay
qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada.
23 Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana
way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan
u muuqatay. 24 Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo
meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii,
oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.
^ Dib u celi bilawga ^
10
Dhimashadii Naadaab Iyo Abiihuu
1 Oo Naadaab iyo Abiihuu oo ahaa wiilashii Haaruun ayaa midkood
waluba qaatay idankiisii, oo dab bay ku rideen, fooxna way dul saareen, oo waxay
Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad oo uusan ku amrin.
2 Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa
ayay ku dhinteen. 3 Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu
waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa
kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna
wuu iska aamusay. 4 Markaasaa Muuse u yeedhay Miishaa'eel
iyo Elsaafaan, oo ahaa wiilashii Cusii'eel kaasoo ahaa Haaruun adeerkiis, oo wuxuu
ku yidhi, Soo dhowaada, oo walaalihiin ka soo qaada meesha quduuska ah horteeda
oo waxaad geeysaan xerada dibaddeeda. 5 Sidaas daraaddeed
way u dhowaadeen, oo wayna qaadeen iyagoo jubbadahoodii gashan, waxayna geeyeen
xerada dibaddeedii sidii Muuse yidhi. 6 Markaasaa Muuse ku
yidhi Haaruun iyo wiilashiisii ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, Timaha madaxiinnu
yaanay arbushnaan, dharkiinnana ha dildillaacinina yeydnan dhimane, si aan Rabbigu
ugu cadhoon ururka oo dhan, laakiinse walaalihiin ah reer binu Israa'iil oo dhammu
ha ka ooyeen gubashadii Rabbigu huriyey. 7 Oo idinku waa
inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka yeydnan dhimane, waayo, waxaa korkiinna
ku taal saliiddii subkidda oo Rabbiga, oo iyana waxay yeeleen si waafaqsan eraygii
Muuse.
8 Markaasaa Rabbigu Haaruun la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
9 Ha cabbina khamri amase wax lagu sakhraamo, adiga iyo wiilashaada
kula jira toona, markaad teendhada shirka gashaan yeydnan dhimane, oo taasu weligiin
iyo ab ka ab qaynuun bay idiin ahaan doontaa,
10 oo waa inaad kala dudaan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska
ahayn, iyo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah; 11 iyo
inaad reer binu Israa'iil bartaan kulli qaynuunnadii Rabbigu iyaga kula hadlay oo
uu gacanta Muuse ugu soo dhiibay oo dhan.
12 Kolkaasaa Muuse la hadlay Haaruun, iyo wiilashiisii hadhay
oo ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, oo wuxuu ku yidhi, Qurbaanka hadhuudhka ah oo
ka hadhay qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyey qaata oo isagoo aan khamiir
lahayn ku cuna meesha allabariga dhinaceeda, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.
13 Oo waa inaad ku cuntaan meel quduus ah, maxaa yeelay,
waa intii adiga iyo wiilashaadaba looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu
sameeyo, waayo, aniga sidaasaa laygu amray. 14 Oo sakaarka
la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaado waa inaad meel daahirsan ku cuntaan adiga
iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jiraaba, waayo, kuwaasu waa intii adiga iyo
wiilashaada looga amray allabaryada qurbaannada nabaadiinada ah oo reer binu Israa'iil
ay bixiyaan. 15 Oo iyagu bowdada sare loo qaado iyo sakaarka
la ruxruxo waa inay la keenaan qurbaannada xaydha oo dabka lagu sameeyo, in iyaga
Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo, oo markaasay ahaan doonaan
inta weligiin laydiin amray adiga iyo wiilashaadaba, sidii Rabbigu amray.
16 Oo Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga,
markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo
ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi.
17 War maxaad qurbaanka dembiga ugu cuni weydeen meesha quduuska
ah gudaheeda, maxaa yeelay, kaasu waa kan ugu wada quduusan, oo isagu wuxuu kaas
idiin siiyey inaad qaaddaan xumaantii ururka oo aad iyaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud
ugu samaysaan? 18 Bal eega, orgiga dhiiggiisii lama soo gelin
meesha quduuska ah gudaheeda. Sida xaqiiqada ah waxaa idiin ekayd inaad meesha quduuska
ah gudaheeda ku cuntaan, sidaan idinku amray. 19 Markaasaa
Haaruun la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, maantadan ayay Rabbiga hortiisa
ku bixiyeen qurbaankoodii dembiga iyo qurbaankoodii la gubayay, oo aniga waxaa igu
dhacay wax sidan oo kale ah, oo maanta haddaan cuno qurbaankii dembiga, taasu Rabbiga
hortiisa ma ku wanaagsanaan lahayd? 20 Muusena markuu taas
maqlay raalli buu ka noqday.
^ Dib u celi bilawga ^
11
Cuntada Nijaasta Ah Iyo Tan Daahirka Ah
1 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu
ku yidhi. 2 Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan,
Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,
3 Wax alla wixii xayawaan ah oo raafkoodu kala jeexan yahay,
oo qanjaafilo leeyahay, oo calyanaqsiga raamsado waa inaad cuntaan.
4 Habase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado
oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga
wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.
5 Oo waladana ha cunina, maxaa yeelay, iyadu calyanaqsiga
way raamsataa, laakiinse raafkeedu ma kala jeexna, haddaba iyadu waa idinka nijaas.
6 Oo bakaylahana ha cunina, maxaa yeelay, isagu calyanaqsiga
wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.
7 Oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu
waa kala jeexan yahay, oo qanjaafiluu leeyahay, laakiinse calyanaqsiga ma raamsado,
sidaas daraaddeed isagu waa idinka nijaas. 8 Haddaba kuwaas
hilibkooda waa inaydaan cunin, oo baqtigoodana waa inaydaan taaban, maxaa yeelay,
iyagu waa idinka nijaas.
9 Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla
wixii baalal iyo qolfo leh oo ku dhex jira biyaha iyo badaha iyo webiyada cuna.
10 Laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn oo
ku dhex jira badaha iyo webiyada, iyo waxa biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa oo dhan,
iyo kulli waxyaalaha noolnool oo biyaha ku dhex jira oo dhammu waa idinka karaahiyo.
11 Haddaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku
waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.
12 Wax alla wixii biyaha ku dhex jira oo aan lahayn baalal
iyo qolfo waa idinka karaahiyo.
13 Oo haaddana waxaa idinka karaahiyo ah kuwan, oo iyaga
waa inaan la cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo, waana baqalyada, iyo babawga, iyo
saratoosiyaha, 14 iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo
faragooysta caynkeeda, 15 iyo cayn kasta oo tuke ah,
16 iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta
oo haadka adag, 17 iyo guumaysta yar, iyo xeebajoogta iyo
guumaysta weyn, 18 iyo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga,
iyo gorgorka, 19 iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda,
iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.
20 Oo wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda
dhammaantood waa idinka karaahiyo. 21 Laakiinse wax baalal
leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan
kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,
22 iyaga waxaad ka cuntaan kuwa caynkan ah oo ah ayaxa iyo caynkiisa,
iyo kabajaanka iyo caynkiisa, iyo jiriqsiga iyo caynkiisa, iyo koronkorrada iyo
caynkeeda. 23 Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta
cagood lahu, waa idinka karaahiyo.
24 Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii
baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,
25 oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas
buu ahaanayaa tan iyo fiidkii. 26 Xayawaan kasta oo raafkiisu
kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka
nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.
27 Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka
ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa
tan iyo fiidkii. 28 Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa
maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.
29 Oo waxa dhulka ku gurguurta oo dhan kuwanu waa kuwa idinka
nijaas ah, waana fadhanfadhka, iyo jiirka, iyo amuurka iyo caynkiisa oo dhan,
30 iyo ilweynta iyo maansalugaleyda, iyo qorratada, iyo mulaca,
iyo jirjirroolaha. 31 Oo waxa gurguurta oo dhan kuwaasu waa
kuwa idinka nijaas ah, oo ku alla kii taabtaa markay dhintaan nijaas buu ahaan doonaa
tan iyo fiidkii. 32 Oo wax alla wixii ay ku dhacaan markay
dhintaan, nijaas bay ahaan doonaan, hadday yihiin weel qori ah, ama dhar, ama harag,
ama joonyad, weelkaasu wax kasta ha ahaadee haddii wax loogu isticmaalo waa in biyo
la dhex geliyaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, oo markaas dabadeedna
daahir buu ahaanayaa. 33 Oo weelkii dhoobo ah oo mid iyaga
ka mid ahu gudihiisa ku dhaco, wax alla wixii weelkaas gudihiisa ku jiraaba way
nijaasoobi doonaan, oo weelkiina waa inaad jebisaan. 34 Oo
waxa la cuno oo ku jira oo biyo gaadhaanba way nijaasoobi doonaan, oo weelka caynkaas
ah waxa la cabbo oo ku jira oo dhammuna way nijaasoobi doonaan.
35 Oo wax alla wixii wax baqtigooda ahu ku dhacaanba way nijaasoobi
doonaan, hadday yihiin foorno ama sholad, waa in la burburiyaa, waayo, iyagu waa
nijaas, waana inay nijaas idinka ahaadaan. 36 Habase yeeshee
il amase god ay biyo badanu ku jiraan daahir bay ahaanayaan, laakiinse wixii baqtigooda
taabtaa way nijaasoobayaan. 37 Oo wax baqtigooda ahu hadday
ku dhacaan abuur la abuurayo, kaasu waa daahir. 38 Laakiinse
abuurka haddii biyo lagu shubo oo wax baqtigooda ahu ay ku dhacaan markaas waa idinka
nijaas.
39 Oo xayawaanka aad cuni kartaan midkood hadduu dhinto,
kii baqtigiisa taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
40 Oo neefkaas baqtigiisa qofkii cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa,
oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii, oo kii neefka baqtigiisa qaadaana
waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
41 Oo wax kasta oo dhulka ku gurguurtaaba waa karaahiyo,
oo waa inaan la cunin. 42 Wax alla wixii bogga ku socda,
iyo wax alla wixii afar addin ku socda, amase wax alla wixii addimmo badan leh,
kuwaas oo ah waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, waa inaydaan cunin, waayo,
iyagu waa karaahiyo. 43 Idinku waa inaydaan karaahiyo iskaga
dhigin waxa dhulka ku gurguurta oo dhan, oo waa inaydaan iyaga isku nijaasayn si
aydaan iyaga ugu nijaasoobin. 44 Waayo, anigu waxaan ahay
Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu
quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta
oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa. 45 Waayo, anigu waxaan ahay
Rabbigii dalkii Masar idinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado, haddaba sidaas
daraaddeed waa inaad quduus ahaataan, waayo, anba quduus baan ahay.
46 Haddaba intaasu waa sharciga ku saabsan xayawaanka, iyo
haadda, iyo wax kasta oo nool oo biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa, iyo wax kasta oo dhulka
ku gurguurta; 47 si loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa
daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.
^ Dib u celi bilawga ^
12
Isdaahirinta Dhalmada Kaddib
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii naagu
ilmo uuraysato oo ay wiil dhasho, markaas intii toddoba maalmood ah waa inay nijaas
ahaataa, oo waxay u nijaasoobaysaa siday nijaasta u ahayd maalmihii dhiiggeeda.
3 Oo maalinta siddeedaadna wiilka buuryadiisa ha la gudo.
4 Oo iyadu waa inay ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda
saddex iyo soddon maalmood oo kale, oo waa inayan taaban wax quduus ah, waana inayan
meesha quduuska ah gelin ilamaa maalmaha isdaahirinteedu ay dhammaystirmaan.
5 Laakiinse hadday gabadh dhasho, markaas intii laba toddobaad ah
waa inay nijaas ahaataa sidii markay xagga dhiigga nijaas ka tahay, oo waa inay
ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda lix iyo lixdan maalmood oo kale.
6 Oo markii maalmaha isdaahirinteedu ay dhammaystirmaan wiilkeeda
aawadiis ama gabadheeda aawadeed waa inay keentaa wan gu jira oo qurbaan la gubo
aawadiis loo bixiyo, iyo xamaam yar ama qoolley oo qurbaan dembi aawadiis loo bixiyo
oo waa inay wadaadka ugu keentaa teendhada shirka iriddeeda.
7 Oo isna qurbaankaas waa inuu ku bixiyaa Rabbiga hortiisa, oo waa inuu iyada kafaaraggud
u sameeyaa, oo iyana dhiigbixiddeeda way ka daahirsanaan doontaa. Kanu waa sharciga
ku saabsan tii dhasha ama wiil ha ahaado ama gabadhe. 8 Oo
haddii lacagteedu ayan wan ugu filnaynna waa inay keentaa laba qoolley ama laba
xamaam oo yaryar, oo midkood waa in loo bixiyaa qurbaan la gubo aawadiis, kan kalena
waa in loo bixiyaa qurbaan dembi aawadiis, oo wadaadkuna waa inuu iyada kafaaraggud
u sameeyaa, oo iyana daahir bay ahaan doontaa.
^ Dib u celi bilawga ^
13
Qaynuunnadii Baraska
1 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu
ku yidhi, 2 Haddii qof jidhkiisa lagu arko barar, ama qolof,
ama bar dhalaalaysa, oo ay jidhkiisa ku noqoto cudurkii baraska, markaas waa in
loo keenaa wadaadka Haaruun ah, amase wiilashiisa wadaaddada ah midkood,
3 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa cudurka jidhka ku yaal, oo haddii
meesha cudurka leh timaheedu ay caddaadeen, oo cudurka muuqashadiisu ay dubka sare
hoos u sii dhaafsiisan tahay, markaas waa cudurkii baraska, oo wadaadku waa inuu
fiiriyaa oo yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay. 4
Laakiinse haddii barta dhalaalaysaa ay jidhka sare ka cad dahay, oo muuqashadeeduna
ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo meeshaas timaheeduna ayan caddaan,
markaas waa in wadaadku qofkaas cudurka qaba karantiilaa intii toddoba maalmood
ah. 5 Oo haddana wadaadku maalinta toddobaad waa inuu isaga
fiiriyaa, oo bal eeg, hadduu indhihiisa ku arko in cudurku joogsaday oo uusan dubka
sare ku sii faafin, markaas waa in wadaadku qofkaas sii karantiilaa toddoba maalmood
oo kale. 6 Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku
fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii yaraaday oo uusan dubka sare ku sii faafin,
markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa daahir, oo meeshu waa qolof keliya, oo
isna dharkiisa ha maydho oo daahir ha ahaado. 7 Laakiinse
qoloftu hadday jidhka ku sii faafto markii u daahirintiisa aawadeed wadaadka isu
tuso dabadeed, waa inuu wadaadka mar kale istusaa. 8 Oo wadaadku
waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii qoloftu ay jidhka ku faafto, markaas wadaadku
waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa baras.
9 Oo haddii nin cudurka baraska qabo waa in wadaadka loo
keenaa, 10 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii
dubka sare barar cadu ku yaal, oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, oo bararkana
haddii boog xun ku dhex taal, 11 kaasu waa baras gaboobay
oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa
nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas.
12 Oo haddii barasku dubka ku faafo, oo uu barasku kan cudurka qaba
dubkiisa oo dhan qariyo tan iyo madaxiisa iyo ilaa cagihiisa, in alla intii wadaadka
u muuqata, 13 markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa,
oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka
qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday
oo waa daahir. 14 Laakiinse mar alla markii boog xumu isaga
ka muuqdo, waa inuu nijaas ahaadaa. 15 Oo wadaadku waa inuu
boogtii xumayd fiiriyaa oo waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo,
boogta xumu waa nijaas oo waa baras. 16 Oo boogta xumu hadday
mar kale beddelanto oo caddaato, markaas isagu waa inuu wadaadka u yimaadaa,
17 oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii
caddaaday, markaas wadaadku kan cudurka qabi jiray ha ku yidhaahdo, Waa daahir,
isagu waa daahir.
18 Oo haddii jidhku kasoobax ku leeyahay dubka sare oo uu
bogsaday, 19 oo kasoobaxa meeshuu ku yaal haddii lagu arko
barar cad ama bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, markaas waa in wadaadka
la tusaa. 20 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii
muuqashadeedu hoos u sii dhaafsiisan tahay dubka sare oo meeshaas timaheeduna ay
caddaadeen, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay,
waayo, taasu waa cudurkii baraska oo soo baxay. 21 Laakiinse
haddii wadaadku fiiriyo, oo meeshaas timo cad laga waayo, oo nabarkuna uusan dubka
sare hoos u sii dhaafsiisnayn, illowse uu sii yaraaday, markaas waa in wadaadku
karantiilaa intii toddoba maalmood ah, 22 oo haddii cudurku
dubka sare ku sii faafo, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa nijaasaysan
yahay, waayo, kaasu waa cudur. 23 Laakiinse bartii dhalaalaysay
hadday meesheedii ku joogsatay oo ayan sii faafin, markaas waa astaantii kasoobaxii
ka hadhay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir.
24 Amase haddii dubka jidhku dab ku gubto oo jidhkii gubtay
uu noqdo bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, amase caddaan,
25 markaas wadaadku waa inuu meeshaas fiiriyaa, oo bal eeg, barta
dhalaalaysa timaheedu hadday caddaadeen oo nabarka muuqashadiisuna ay dubka sare
hoos u sii dhaafsiisan tahay, waa baras kaasu, oo wuxuu ka soo dhex baxay meeshii
gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo,
kaasu waa cudurkii baraska. 26 Laakiinse haddii wadaadku
fiiriyo, oo barta dhalaalaysa laga waayo timo cad, oo nabarkuna uusan dubka sare
hoos u sii dhaafsiisnayn laakiinse uu yaraaday, markaas wadaadku waa inuu qofkaas
karantiilaa intii toddoba maalmood ah. 27 Oo maalinta toddobaad
waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas
wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii
baraska. 28 Laakiinse bartii dhalaalaysay hadday meesheedii
ku joogsatay, oo ayan dubka sare ku sii faafin, illowse ay yaraatay, markaas waa
bararkii meeshii gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo,
taasu waa astaantii gubashada.
29 Haddii nin ama naagu ay cudur ku yeeshaan madaxa amase
gadhka, 30 markaas wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo
bal eeg, haddii cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay,
oo meeshaasna ay ku yaalliin timo casuur ah oo khafiif ah, markaas wadaadku waa
inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cambaar oo waa
baraskii madaxa iyo gadhka. 31 Oo wadaadku hadduu fiiriyo
cudurka cambaarta ah, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu ayan dubka sare hoos u sii
dhaafsiisnayn, oo aan timo madoobu meeshaas ku oollin, markaas wadaadku waa inuu
karantiilaa kan cudurka cambaarta ah qaba intii toddoba maalmood ah.
32 Oo maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo
bal eeg, haddii cambaartii ayan sii faafin, oo aan lagu arag timo casuur ah, oo
cambaarta muuqashadeedu ayan dubka sare ka sii dhaafsiisnayn,
33 markaas isagu waa inuu xiirto, laakiinse meesha cambaarta leh yuusan xiirin,
oo wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa toddoba maalmood oo kale.
34 Oo haddana maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cambaartii fiiriyaa,
oo bal eeg, cambaartu haddii ayan dubka sare ku sii faafin, oo muuqashadeeduna ayan
dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu
waa daahir, oo isna waa inuu dharkiisa maydhaa oo uu daahir ahaadaa.
35 Laakiinse cambaartii haddii ay dubka sare ku sii faafto daahirintiisa
dabadeed, 36 markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg,
haddii cambaartu ay dubka sare ku sii faaftay wadaadku yuusan sii doondoonin timo
casuur ah, waayo, ninkanu waa nijaasaysan yahay. 37 Laakiinse
cambaartu hadday indhihiisa la ahaato inay joogsatay oo timo madoobuna ay ka bexeen,
markaas cambaartu waa bogsatay, oo ninkaasuna waa daahir, oo wadaadkuna waa inuu
yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir.
38 Oo haddii nin ama naagu ay dubka jidhkooda ku yeeshaan
baro dhaldhalaalaya, oo ah baro cadcad oo dhaldhalaalaya,
39 markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii baraha dhaldhalaalaya
oo dubka jidhkooda ku yaallaa ay yihiin caddaan khafiif ah, taasu waa xaajiin jidhka
ka soo baxday, oo qofkaasu waa daahir.
40 Oo haddii nin madaxiisa ay timahu ka dhammaadaan, isagu
wuxuu leeyahay bidaar, hase ahaatee waa daahir. 41 Oo haddii
timihiisu ay foodda hore ka dhammaadaanna, isagu foodda horuu bidaar ku leeyahay,
hase ahaatee waa daahir. 42 Laakiinse madaxa bidaarta leh
ama foodda bidaarta leh haddii lagu arko cudur guduudan oo caddaan ku jiro, markaas
waa baras ka soo baxay madaxiisii bidaarta lahaa ama fooddiisii bidaarta lahayd.
43 Markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, cudurka
bararkiisu hadduu yahay mid guduudan oo caddaan ku jiro, oo ku yaal madaxiisa bidaarta
leh, ama fooddiisa bidaarta leh, sidii ay tahay muuqashada baraska oo dubka jidhkiisa
ku taal, 44 isagu waa nin baras qaba, oo waa nijaasaysan
yahay, oo sida xaqiiqada ah wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan
yahay; oo cudur buu madaxa ka qabaa.
45 Oo qofkii cudurka baraska qaba dharkiisu wax jeexjeexan
ha ahaadeen, oo timaha madaxiisuna ha bannaanaadeen, oo bushintiisa sarena ha daboolo,
oo ha ku qayliyo, Waan nijaasaysnahay, waan nijaasaysnahay!
46 Oo in alla intuu cudurkaas qabo oo dhan isagu waa inuu nijaasaysnaadaa,
waayo, isagu waa nijaasaysan yahay, oo waa inuu keligiis meel ku hoydaa, oo hoygiisuna
waa inuu ahaadaa xerada dibaddeeda.
Qaynuunnadii Caaryada
47 Oo dharkii uu cudurka barasku ku yaal, hadduu yahay dhar
dhogor idaad ah amase dhar wanaagsan oo linen ah, 48 hadduu
ku jiro dunta fidsan amase tan gudubsan ee dharka wanaagsan oo linenka ah, ama kan
dhogorta idaad ah, iyo hadduu ku jiro haragga ama wax alla wixii harag laga sameeyo,
49 haddii cudurku ka cagaaran yahay ama ka guduudan yahay
dharka ama haragga ama dunta fidsan ama tan gudubsan ama waxa alla wixii harag laga
sameeyo, kaasu waa cudurkii baraska oo waa in wadaadka la tusaa.
50 Oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa cudurkaas, oo waxaas cudurka
qabana waa inuu meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood ah.
51 Oo haddana maalinta toddobaad waa inuu cudurka fiiriyaa, oo haddii cudurku dharka
kaga sii faafay dunta fidsan ama tan gudubsan, ama haragga dhexdiisa, haraggaas
hawl kasta oo loogu isticmaalaba, markaas cudurku waa baras wax xaganaya oo waxaasu
waa nijaasaysan yahay. 52 Oo isna waa inuu gubaa dharkaas
cudurku ku jiro, hadduu yahay dunta fidsan ama tan gudubsan oo ku jirta dharka dhogorta
idaad ah ama kan wanaagsan oo linenka ah, ama wax kasta oo harag laga sameeyey,
waayo, kaasu waa baras wax xaganaya, ee waa in dab lagu gubaa.
53 Oo haddii wadaadku fiiriyo, oo markaa cudurkii uusan dharka kaga
sii faafin dunta fidsan ama tan gudubsan toona, ama wax harag laga sameeyey,
54 markaas wadaadku waa inuu ku amraa in la maydhaa waxaas cudurka
qaba, oo isagu haddana waa inuu waxaas meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood oo
kale ah. 55 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, markii cudurka
laga maydho dabadeed, oo bal eeg, cudurka midabkiisu hadduusan beddelmin, iyo haddii
cudurku uusan faafinba, waxaasu waa nijaas, oo waa inaad dab ku gubtaa, oo haddii
meeshii xumayd kaga taal hoosta ama dushaba, taasu waa wax xaganaya.
56 Oo haddii wadaadku fiiriyo, oo bal eeg, cudurku hadduu yaraaday
markii la maydhay dabadeed, markaas isagu waa inuu intaas ka dillaaciyaa dharka
ama haragga ama dunta fidsan ama tan gudubsan. 57 Oo haddii
cudurkii weli dharkii kaga sii muuqdo dunta fidsan ama tan gudubsan ama wax kasta
oo harag laga sameeyey markaas waa inaad dab ku gubtaa waxa cudurku ku yaal, maxaa
yeelay, cudurku waa soo faafayaa. 58 Oo dharkii ha ahaado
dunta fidsan ama tan gudubsan ama wax alla wixii harag laga sameeyey oo aad maydho,
haddii cudurku iyaga ka baxo, haddana waa in mar labaad la maydhaa, oo kolkaasay
daahir ahaan doonaan. 59 Kanu waa sharciga ku saabsan cudurka
baraska ahu markuu dharka dhogorta idaad ah ama dharka wanaagsan oo linenka ah kaga
dhaco dunta fidsan ama tan gudubsan, ama waxa kasta oo harag laga sameeyo, in la
yidhaahdo, Waxaasu waa daahir, ama in la yidhaahdo, Waa nijaas.
^ Dib u celi bilawga ^
14
Nadiifintii Baraska
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Kanu waa inuu ahaadaa sharciga ku saabsan qofkii baras qaba maalinta
la daahirinayo: Waa in isaga wadaadka loo keenaa. 3 Oo wadaadku
waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii
barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay, 4 markaas
wadaadku waa inuu amraa in kan la daahirinayo aawadiis loo keeno laba shimbirrood
oo noolnool oo daahir ah, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la
yidhaahdo. 5 Oo wadaadku waa inuu amraa in shimbirraha middood
lagu dhex gowraco weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah.
6 Oo shimbirta nool iyo qoriga kedarka ah, iyo waxa casaanta ah
iyo geedka husobka ahba waa inuu soo qaadaa oo iyaga iyo shimbirta noolba waa inuu
dhex geliyaa dhiigga shimbirtii biyaha socda lagu kor gowracay.
7 Oo wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa
oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku
sii daayo. 8 Oo kan la daahirinayaana waa inuu dharkiisa
maydhaa oo timihiisa oo dhanna iska xiiraa, oo isna biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir
noqon doonaaye, oo markaas dabadeedna waa inuu xerada soo galaa, laakiinse intii
toddoba maalmood ah waa inuu teendhadiisa dibaddeeda ku hoydaa.
9 Oo maalinta toddobaad waa inuu timaha ka wada xiiraa madaxa iyo
gadhka iyo suunniyadaba. Xataa timihiisa oo dhan waa inuu iska wada xiiraa, oo waa
inuu dharkiisana maydhaa, jidhkiisana biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye.
10 Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu keenaa laba wan
oo yaryar oo aan innaba iin lahayn, iyo nayl gu jira oo aan iin lahayn, iyo eefaah
toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo bur ah oo saliid lagu daray, kaasoo
ah qurbaan hadhuudh, iyo qiyaas log la yidhaahdo oo saliid ah.
11 Oo wadaadka isaga daahirinayaa waa inuu kan la daahirinayo iyo alaabtiiba keenaa
Rabbiga hortiisa, meel iridda teendhada shirka agteeda ah.
12 Oo wadaadku waa inuu soo qaadaa wananka midkood oo waa inuu u bixiyaa qurbaan
xadgudub aawadiis, oo weliba waa inuu logga saliidda ah qaadaa oo uu iyaga Rabbiga
hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo. 13 Oo wanka waa
inuu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka dembiga iyo qurbaanka la gubo oo
ku dhex taal meesha quduuska ah, waayo, sida qurbaanka dembigu uu kii wadaadka u
yahay ayaa qurbaanka xadgudubkuna kiisii u yahay. Waa kan ugu quduusan.
14 Oo wadaadku waa inuu qaadaa dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis,
oo waa inuu dhiigga taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo
suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba. 15
Oo wadaadku waa inuu qaadaa loggii saliidda ahaa qaarkiis oo waa inuu calaacasha
gacantiisa bidix ku shubaa. 16 Oo wadaadku waa inuu fartiisa
midig daraa saliidda ku jirta calaacashiisa bidix, oo waa inuu toddoba jeer saliidda
fartiisa kula saydhaa Rabbiga hortiisa. 17 Oo saliidda inteeda
kale oo gacantiisa ku hadhayna waa in wadaadku taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda
dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka
kor mariyo dhiiggii qurbaanka xadgudubka. 18 Oo saliidda
inteeda kale oo ku jirta wadaadka calaacashiisana waa inuu taabsiiyaa kan la daahirinayo
madaxiisa, oo wadaadku waa inuu isaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu sameeyaa.
19 Oo wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaanka dembiga, oo waa
inuu nejisnimadiisii daraaddeed kan la daahirinayo aawadiis kafaaraggud u sameeyaa,
oo dabadeedna waa inuu gowracaa neefkii ahaa qurbaanka la gubo,
20 oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul bixiyaa qurbaanka
la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka, oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa,
oo isna daahir buu ahaan doonaa.
21 Laakiinse isagu hadduu miskiin yahay oo uusan intaas oo
dhan wada heli karin, markaas waa inuu keenaa wan yar oo qurbaankii xadgudubka aawadiis
loo ruxruxo si uu kafaaraggud ugu sameeyo, iyo eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis
oo bur ah oo saliid lagu daray oo qurbaan hadhuudh ah loo bixiyo, iyo log saliid
ah, 22 iyo laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, kuwaas
oo ah wax uu heli karo, oo middood waa inay ahaato qurbaan dembi, midda kalena qurbaan
la gubo. 23 Oo waa inuu maalinta siddeedaad daahirintiisa
aawadeed wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka agteeda oo Rabbiga hortiisa
ah. 24 Oo wadaadku markaas waa inuu soo qaadaa wanka qurbaanka
xadgudubka ah, iyo logga saliidda ah, oo wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa
ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo. 25 Oo waa inuu gowracaa
wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo wadaadku waa inuu dhiigga qurbaanka xadgudubka
qaarkiis soo qaadaa, oo taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig,
iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.
26 Oo waa in wadaadku saliidda ku shubaa calaacasha gacantiisa bidix.
27 Oo waa inuu saliidda calaacashiisa bidix ku jirta qaarkeed
toddoba jeer fartiisa midig kula saydhaa Rabbiga hortiisa.
28 Oo waa in wadaadku saliidda calaacashiisa ku jirta qaarkeed taabsiiyaa kan la
daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa
midig, oo ha ka kor mariyo meeshii uu ku yiil dhiiggii qurbaanka xadgudubku.
29 Oo saliidda wadaadka gacantiisa ku jirta inteeda kalena waa inuu
mariyaa kan la daahirinayo madaxiisa, si uu isaga kafaaraggud ugu sameeyo Rabbiga
hortiisa. 30 Oo markaas waa inuu bixiyaa mid ka mid ah qoolleyaha
ama xamaamka yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo. 31 Oo
xataa waxaas uu heli karo middood ha u bixiyo qurbaan dembi, midda kalena qurbaan
la gubo, oo qurbaankii hadhuudhka la socda, oo wadaadku waa inuu kan la daahirinayo
kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa. 32 Kaasu waa sharciga
ku saabsan qofkii cudurka baraska ah qaba, oo aan awoodin inuu keeno wixii daahirintiisa
waajibka ku ahaa.
Nadiifintii Caaryada
33 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu
ku yidhi, 34 Idinku markaad gashaan dalka reer Kancaan oo
aan hantida idiin siinayo, haddaan cudurka baraska ah ku rido guri ku yaal dalka
hantidiinna ah, 35 markaas qofka guriga lahu waa inuu wadaadka
u yimaadaa oo u sheegaa isagoo leh, Waxay ila tahay in cuduru guriga ku jiro.
36 Oo wadaadku waa inuu amraa in guriga mid madhan laga dhigo, intaan
wadaadku soo gelin markuu cudurka fiirinayo, si aan waxa guriga ku jira oo dhan
nijaas looga dhigin, oo dabadeedna wadaadku waa inuu galaa si uu guriga u fiiriyo.
37 Oo waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu
ku yaal guriga derbiyadiisa oo ay leeyihiin meelo godgodan oo ah cagaar iyo guduud,
iyo haddii muuqashadiisu ay derbiga sare hoos u sii dhaafsiisan tahay,
38 markaas waa in wadaadku gurigaas ka baxo oo albaabka istaagaa,
oo waa inuu gurigaas intii toddoba maalmood ah xidhaa. 39
Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku soo noqdaa oo fiiriyaa, oo bal eeg,
haddii cudurku ku sii faafay guriga derbiyadiisa, 40 markaas
wadaadku waa inuu amraa in guriga laga bixiyo dhagaxyada cudurka qaba, oo lagu xooraa
meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah. 41 Oo markaas
waa inuu ka dhigaa in guriga gudihiisa oo dhan la wada xoqo, oo malaasta guriga
laga xoqayna waa in lagu soo daadiyaa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.
42 Oo waa in dhagaxyo kale la soo qaadaa, oo la geliyaa meeshii
ay dhagaxyadaas laga bixiyey, oo malaas kale waa inuu keenaa oo guriga ku malaasaa.
43 Oo haddii cudurku mar kale guriga ku soo noqdo oo uu ka
soo dhex baxo, markii dhagaxyada laga bixiyey oo guriga oo dhan la xoqay oo la malaasay
dabadeed, 44 markaas wadaadku waa inuu soo galaa, oo fiiriyaa,
oo bal eeg, cudurku hadduu guriga ku faafay, waa baras wax xagta oo guriga ku jira,
oo markaas gurigu waa nijaasaysan yahay. 45 Oo isagu waa
inuu guriga dumiyaa kulli dhagxantiisa, iyo alwaaxdiisa, iyo malaastiisa oo dhanba,
oo waa inuu magaalada dibaddeeda u bixiyaa, oo meel nijaas ah ku daadiyaa.
46 Oo weliba gurigu intuu xidhan yahay oo dhan ku alla kii galaaba,
nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii. 47 Oo qofkii guriga
seexdaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii guriga wax ku cunaana waa inuu dharkiisa
maydhaa. 48 Oo haddii wadaadku guriga soo galo, oo uu fiiriyo,
oo uu arko inaan cudurkii guriga ku dhex faafin markii guriga la malaasay dabadeed,
markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Gurigu waa daahir, maxaa yeelay, cudurkii
wuu ka bogsaday. 49 Oo isna si uu guriga u daahiriyo aawadeed
waa inuu qaadaa laba shimbirrood, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed
husob la yidhaahdo. 50 Oo shimbirraha middood waa inuu ku
dhex gowracaa weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah.
51 Oo isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka
husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa
dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer
guriga ku saydhsaydhaa. 52 Oo waa inuu guriga ku daahiriyaa
dhiigga shimbirta, iyo biyaha socda, iyo shimbirta nool, iyo qoriga kedarka ah,
iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah. 53 Laakiinse
waa inuu shimbirta nool ku sii daayaa berrin bannaan oo magaalada dibaddeeda ah,
oo sidaas waa inuu guriga kafaaraggud ugu sameeyaa, oo markaasuu daahir ahaan doonaa.
54 Kanu waa sharciga ku saabsan cayn kasta oo ah cudurka
baraska ah, waana cambaarta, 55 iyo weliba baraska dharka
gala iyo kan guriga galaba, 56 iyo bararka iyo qolofta, iyo
barta dhalaalaysa. 57 Kanu waa sharciga baraska ku saabsan,
oo idinkala baraya markay wax nijaas yihiin iyo markay daahir yihiin.
^ Dib u celi bilawga ^
15
Dheecaannada Wax Nijaaseeya
1 Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu
ku yidhi, 2 Dadka reer binu Israa'iil la hadla oo waxaad
ku tidhaahdaan, Haddii qof leeyahay dheecaan jidhkiisa ka soo dareero, dheecaankiisa
aawadiis isagu waa nijaas. 3 Oo nijaastiisuna sidanay ahaanaysaa
inta dheecaankiisu ka daadanayo. Haddii dheecaanku jidhkiisa ka daadanayo iyo haddii
dheecaanku jidhkiisa ka joogsadayba, waa nijaastiisa. 4 Oo
kan dheecaanku ka daadanayo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa,
oo wax alla wixii uu ku fadhiistaaba way nijaasoobayaan.
5 Oo ku alla kii sariirtiisa taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa,
oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 6 Oo ku alla kii ku fadhiisto wixii uu qofkii dheecaanku ka daadanaya
ku fadhiistay waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina
nijaas buu ahaanayaa. 7 Oo kan dheecaanku ka daadanayo jidhkiisa
qofkii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo
fiidkiina nijaas buu ahaanayaa. 8 Oo kan dheecaanku ka daadanayaana
hadduu ku candhuufo qof daahir ah, markaas ninkaasu waa inuu dharkiisa maydhaa,
oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
9 Oo kan dheecaanku ka daadanayo koore alla koorihii uu fuulaaba
nijaas buu ahaanayaa. 10 Oo ku alla kii taabtaa wixii isaga
hoostiisa ku jirayna, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa, oo waxyaalahaas qofkii
qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii
nijaas buu ahaanayaa. 11 Oo kan dheecaanku ka daadanayo isagoo
aan gacmihiisa biyo ku maydhin ku alla kii uu taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa,
oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
12 Oo kan dheecaanku ka daadanayo weelkii dhoobo ah oo uu taabtona
waa in la burburiyaa, oo weel kasta oo qori ahna waa in biyo lagu xalaa.
13 Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu
toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa
inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa.
14 Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu laba qoolley ama laba
xamaam oo yaryar qaataa oo uu Rabbiga ugu hor yimaadaa iridda teendhada shirka,
oo uu iyaga wadaadka u dhiibaa. 15 Oo wadaadku waa inuu middood
u bixiyaa qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu Rabbiga
hortiisa kafaaraggud isaga ugu sameeyaa dheecaankiisa aawadiis.
16 Haddii nin shahwaddiisu ka timaada waa inuu jidhkiisa
oo dhan biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
17 Oo dhar kasta iyo harag kasta oo ay shahwaddiisu ku taalba, waa
in biyo lagu maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.
18 Oo weliba nin hadduu naag la seexdo, labadooduba waa inay biyo ku maydhaan, oo
tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.
19 Oo haddii dheecaan naag ka daadanayo, oo dheecaanka jidhkeeda
ku yaal uu xayl yahay, iyadu waa inay intii toddoba maalmood ah nijaasteeda ku sii
jirtaa. 20 Oo intay nijaasaysan tahay wax alla wixii ay ku
jiifsataaba way nijaasoobayaan, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba way nijaasoobayaan.
21 Oo ku alla kii sariirteeda taabtaana waa inuu dharkiisa
maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
22 Oo wax alla wixii ay ku fadhiisato kii taabtaana waa inuu dharkiisa
maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
23 Oo sariirteeda ama waxay ku fadhiisato haddii xayl ku yaal, markuu
taabto, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa. 24 Oo nin hadduu
iyada la jiifsado oo xaylkeedu taabto intii toddoba maalmood ah nijaas buu ahaanayaa,
oo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa.
25 Haddii naag uu ka daato dheecaan dhiiggeeda ah maalmo
badan oo aan ahayn wakhtigii xaylkeeda, ama hadduu iyada ka daato dheecaan ka badan
oo dhaafsiisan wakhtigii xaylkeeda, inta iyada dheecaanku ka daadanayo oo ay nijaasaysan
tahay oo dhan waa inay ahaataa sidii maalmihii ay xaylka qabtay oo kale, waayo,
way nijaasaysan tahay. 26 Oo inta dheecaanku iyada ka daadanayo
oo dhan, sariir alla sariirtii ay ku jiifsataaba, waxay iyada u ahaan doontaa sida
sariirta ay ku jiifsato markay xaylka qabto, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba
waxay u nijaasoobayaan sida nijaasta xaylkeeda. 27 Oo waxyaalahaas
ku alla kii taabtaa wuu nijaasoobayaa, oo waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo
ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa. 28 Laakiinse
hadday dheecaankeedii ka daahirsanaato, markaas waa inay toddoba maalmood nafsaddeeda
u tirsataa, oo markaas dabadeedna daahir bay ahaanaysaa.
29 Oo maalinta siddeedaadna waa inay laba qoolley ama laba xamaam
oo yaryar qaadataa oo ay wadaadka ugu keentaa iridda teendhada shirka.
30 Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, oo midda
kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu iyada kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga
hortiisa dheecaankii nijaasteeda aawadiis.
31 Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga
soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga
dhexdooda ku yaal.
32 Kanu waa sharciga ku saabsan kii dheecaan ka daadanayo
iyo kii shahwaddiisu ka timaado, oo uu sidaas ku nijaasoobay,
33 iyo naagtii xayl qabta, iyo qofkii dheecaan ka daadanayo nin iyo naag miduu yahayba,
iyo kii la seexda tii nijaasaysan.
^ Dib u celi bilawga ^
16
Maalintii Kafaaraggudka
1 Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u
soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay,
2 oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor
walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo
hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka
dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka. 3 Haddaba
Haaruun meesha quduuska ah waa inuu la soo galo dibi yar oo qurbaan dembi ah, iyo
wan qurbaan la gubo ah. 4 Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska
ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka
ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna
waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa
biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa. 5 Oo ururka reer
binu Israa'iilna waa inuu laba orgi uga soo qaadaa qurbaan dembi, wanna qurbaan
la gubo. 6 Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga
ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo, oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud
u sameeyaa. 7 Oo waa inuu labada orgi soo kexeeyaa, oo uu
soo taagaa meel Rabbiga hortiisa ah oo iridda teendhada shirka u dhow.
8 Oo markaas Haaruun waa inuu labada orgi saami u kala ridaa, oo
saami kan Rabbiga ha ahaado, saamiga kalena kan Casaaseel ha ahaado.
9 Oo orgigii saamigu ugu dhacay Rabbiga, Haaruun waa inuu keenaa,
oo qurbaan dembi u bixiyaa. 10 Laakiinse orgigii saamigu
ugu dhacay Casaaseel waa in isagoo nool Rabbiga hortiisa la taagaa si kafaaraggud
looga kor sameeyo, oo Casaaseel aawadiis cidlada loogu eryo.
11 Oo Haaruun waa inuu keenaa dibiga qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo,
oo waa inuu nafsaddiisa iyo reerkiisaba kafaaraggud u sameeyaa, oo uu gowracaa dibiga
qurbaanka dembiga ah oo uu nafsaddiisa u bixinayo. 12 Oo
waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu
ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu
ilxidhka la galaa. 13 Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga
hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran,
yuusan dhimane. 14 Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga
qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana
waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer.
15 Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan
dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu
ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka
dushiisa iyo hortiisaba. 16 Oo isagu waa inuu meesha quduuska
ah daraaddeed kafaaraggud ugu sameeyaa dadka reer binu Israa'iil waxyaalahooda nijaasta
ah iyo xadgudubyadooda oo ah xataa dembiyadooda oo dhan aawadood, oo sidaasoo kalena
waa inuu u sameeyaa teendhada shirka oo iyaga la deggan waxyaalahooda nijaasta ah
dhexdooda. 17 Oo waa inaan ninna teendhada shirka joogin
markii uu isagu u galo inuu kafaaraggud ku sameeyo meesha quduuska ah gudaheeda
ilaa uu ka soo baxo, isagoo kafaaraggud u sameeyey nafsaddiisa, iyo reerkiisa, iyo
shirka reer binu Israa'iil oo dhan. 18 Oo waa inuu meesha
allabariga ee Rabbiga hortiisa taal u baxaa, oo uu kafaaraggud u sameeyaa, oo uu
soo qaadaa dhiigga dibiga qaarkiis, iyo dhiigga orgiga qaarkiis, oo uu mariyaa meesha
allabariga geesaheeda. 19 Oo waa inuu toddoba jeer dhiigga
fartiisa kula saydhaa meesha allabariga, oo waa inuu daahiriyaa, oo quduus ka dhigaa
waxyaalaha nijaasta ah ee reer binu Israa'iil. 20 Oo markuu
dhammaystiro kafaaraggudka uu u samaynayo meesha quduuska ah, iyo teendhada shirka,
iyo meesha allabarigaba waa inuu orgiga nool keenaa.
21 Oo markaas Haaruun waa inuu labadiisa gacmoodba kor saaraa madaxa
orgiga nool, oo waa inuu korkiisa ku qirtaa xumaatooyinkii reer binu Israa'iil oo
dhan iyo xadgudubyadoodii oo dhan, oo ah xataa dembiyadoodii oo dhan, oo waxaas
oo dhan waa inuu kor saaraa orgiga madaxiisa, dabadeedna waa inuu cidlada ugu diraa
nin diyaarsan. 22 Oo orgiguna xumaatooyinkoodii oo dhan wuxuu
u qaadayaa dhul cidla ah, oo markaas waa inuu orgiga ku sii daayaa cidlada dhexdeeda.
23 Markaas Haaruun waa inuu teendhada shirka galaa, oo waa
inuu iska furaa dharka wanaagsan oo linenka ah, oo uu gashaday markuu galay meesha
quduuska ah, oo waa inuu dharka halkaas kaga tagaa, 24 oo
waa inuu meel quduus ah ku maydhaa, oo uu dharkiisii soo gashadaa, oo dibadda u
soo baxaa, oo bixiyaa qurbaankiisii la gubayo iyo qurbaankii dadka oo la gubayoba,
oo kafaaraggudna waa inuu u sameeyaa nafsaddiisa iyo dadka daraaddiisba.
25 Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul
gubaa. 26 Oo kii Casaaseel orgiga u sii daayayna waa inuu
dharkiisa maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada galaa.
27 Oo dibigii qurbaanka dembiga ahaa, iyo orgigii qurbaanka dembiga
ahaa oo dhiiggooda loo soo geliyey meesha quduuska ah in kafaaraggud lagu sameeyo,
waa in xerada dibadda looga bixiyaa, oo haraggooda iyo hilibkooda iyo uuskoodaba
dabka lagu gubaa. 28 Oo qofkii iyaga gubaana dharkiisa waa
inuu maydhaa, oo jidhkiisana biyo ku maydhaa, oo dabadeedna xerada soo galaa.
29 Oo waxaa weligiinba qaynuun idiin ahaan doona inaad bisha
toddobaad maalinteeda tobnaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan waxba shuqul
qaban cayn kasta ha ahaadee, kiinna waddaniga ah iyo shisheeyaha dhexdiinna degganuba,
30 waayo, maalintaas kafaaraggud baa laydiin samayn doonaa
in laydin daahiriyo aawadeed, oo dembiyadiinna oo dhanna daahir baad kaga noqon
doontaan Rabbiga hortiisa. 31 Maalintaasu waxay idiin tahay
sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Taasu waa qaynuun weligiis
jira. 32 Oo wadaadka la subki doono oo quduus looga dhigi
doono inuu wadaad ka ahaado meeshii aabbihiis ayaa kafaaraggudka samayn doona, oo
isagaa xidhan doona dharka wanaagsan oo linenka ah, oo ah dharka quduuska ah.
33 Oo isagu waa inuu kafaaraggud u sameeyaa meesha quduuska ah,
waana inuu kafaaraggud u sameeyaa teendhada shirka iyo meesha allabariga, oo waa
inuu kafaaraggud u sameeyaa wadaaddada iyo dadka shirka oo dhan.
34 Oo kaasu qaynuun weligiis ah buu idiin ahaan doonaa inaad reer binu Israa'iil
sannaddiiba mar kafaaraggud ugu samaysaan dembiyadooda oo dhan. Oo isna wuxuu sameeyey
sidii Rabbigu Muuse ku amray.
^ Dib u celi bilawga ^
17
Cabbidda Dhiigga Oo La Mamnuucay
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Waxaad la hadashaa Haaruun, iyo wiilashiisa, iyo dadka reer binu
Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxanu waa wixii Rabbigu amray, oo uu
yidhi, 3 Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah, oo xerada
gudaheeda ama dibaddeeda ku gowraca dibi ama wan yar ama orgi,
4 isagoo aan iridda teendhada shirka keenin inuu Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixiyo
taambuugga Rabbiga hortiisa, ninkaas waxaa lagu xisaabi doonaa mid uu dhiig saaran
yahay, waayo, isagu dhiig buu daadiyey, oo qofkaas waa in dadkiisa dhexdooda laga
gooyaa, 5 oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil waa inay
keenaan allabaryadooda ay berrinka bannaan ku bixiyaan, oo iyagu waa inay Rabbiga
ugu keenaan iridda teendhada shirka, waana inay wadaadka guddoonsiiyaan, oo ay Rabbiga
ugu bixiyaan allabaryo qurbaanno nabaadiino ah. 6 Oo wadaadkuna
waa inuu dhiigga ku saydhsaydhaa meesha allabariga ee Rabbiga oo ag yaal iridda
teendhada shirka, oo xaydhana waa inuu gubaa si ay Rabbiga u ahaato caraf udgoon.
7 Oo iyagu waa inayan mar dambe allabaryadooda u bixin orgiyada
ay caabudaan sida naagu ninkeeda uga dhillowdo. Kaasu qaynuun weligiis ah buu ab
ka ab u ahaan doonaa iyaga.
8 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer
binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama
allabari, 9 isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu
Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.
10 Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha
dhexdooda deggan oo cuna cayn kasta oo dhiig ah, aniga ayaa ka gees noqon doonaa
qofkaas dhiigga cuna, oo dadkiisaan isaga ka gooyn doonaa.
11 Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna
waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo,
waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed.
12 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan reer binu Israa'iil ku idhi, Qof idinka mid
ahu waa inuusan dhiig cunin, oo shisheeyaha idin dhex degganuna waa inuusan dhiig
cunin.
13 Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha
dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno,
waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa. 14 Waayo,
jiidh kastaba naftiisa iyo dhiiggiisu waa isku mid qudha, oo sidaas daraaddeed ayaan
reer binu Israa'iil ku idhi, Waa inaydaan jiidhnaba dhiiggiisa cunin cayn kastoo
uu yahayba, waayo, jiidh kastaba noloshiisu waa dhiiggiisa, oo qof alla qofkii dhiig
cunaba waa la gooyn doonaa. 15 Oo qof kasta oo cuna neef
iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye
yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana
nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa.
16 Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin,
markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.
^ Dib u celi bilawga ^
18
Galmada Aan Sharciga Ahayn
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan
ahay Rabbiga Ilaahiinna ah. 3 Falimaha dalka Masar ee aad
degganaan jirteen waa inaydaan samayn, oo falimaha dalka Kancaan oo aan idiin geeynayana
waa inaydaan samayn, oo qaynuunnadoodana waa inaydaan ku socon.
4 Waxaad samaysaan xukummadayda, oo waxaad dhawrtaan qaynuunnadayda si aad iyaga
ugu dhex socotaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
5 Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda
iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa
Rabbiga ah.
6 Waa inaan midkiinna u dhowaan qof ka mid ah xigaalkiisa
u dhow inuu cawradiisa qaawiyo, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
7 Cawrada aabbahaa taasoo ah cawrada hooyadaa waa inaadan qaawin, iyadu waa hooyadaa,
ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 8 Oo waa inaadan qaawin
cawrada naagta aabbahaa, ee waa cawradii aabbahaa. 9 Waa
inaadan qaawin cawrada walaashaa oo ah aabbahaa gabadhiisa ama hooyadaa gabadheeda,
hadday guriga ku dhalatay iyo hadday meel kale ku dhalatayba.
10 Waa inaadan qaawin cawrada gabadha wiilkaaga, ama cawrada gabadha
gabadhaada, waayo, toodu waa cawradaadii. 11 Waa inaadan
qaawin cawrada naagta aabbahaa gabadheeda ay aabbahaa u dhashay, waayo, iyadu waa
walaashaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 12 Waa inaadan
qaawin cawrada eeddadaa, waayo, iyadu waa aabbahaa qaraabadiis u dhow.
13 Waa inaadan qaawin cawrada habaryartaa, waayo, iyadu waa hooyadaa
qaraabadeed u dhow. 14 Waa inaadan adeerkaa cawradiisa qaawin.
Waa inaadan naagtiisa u dhowaan, waayo, iyadu waa aayadaa.
15 Waa inaadan qaawin cawrada gabadha aad soddogga u tahay, waayo, iyadu waa naagtii
wiilkaaga, ee waa inaadan cawradeeda qaawin. 16 Waa inaadan
qaawin cawrada naagta walaalkaa, waayo, taasu waa cawradii walaalkaa.
17 Waa inaadan naag iyo gabadheedaba cawradooda wada qaawin, oo
waa inaadan kaxaysan gabadha wiilkeeda ama gabadha gabadheeda si aad cawradeeda
u qaawisid; waayo, iyagu waa naago qaraabo kuu dhow ah, oo taasu waa shar.
18 Waa inaadan naagtaada walaasheed la guursan oo aadan cawradeeda
qaawin intay naagtaadu nooshahay. 19 Waa inaadan naag u dhowaan
si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay.
20 Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu
nijaasoobin. 21 Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan
iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas
ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 22 Waa inaadan
ragga ula seexan sida dumarka loola seexdo oo kale, waayo, taasu waa karaahiyo.
23 Waa inaadan neef xayawaan ah kudin si aadan ugu nijaasoobin,
oo naaguna waa inayan neef xayawaan ah is-hor taagin si ay isaga ugu jiifsato, waayo,
taasu waa qasnaan.
24 Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina,
waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen,
25 oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan
xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan.
26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda,
oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo
kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba, 27 (waayo, dadkii
dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay
wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;) 28 si markaad
nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay
u mantagay oo kale. 29 Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas
karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.
30 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan
si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii
idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
^ Dib u celi bilawga ^
19
Qaynuunno Kala Duwan
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 La hadal ururka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa,
Waa inaad quduus ahaataan, waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ahuba quduus baan
ahay. 3 Oo idinka midkiin kastaaba waa inuu ka cabsadaa aabbihiis
iyo hooyadiis, oo waa inaad dhawrtaan maalmahayga sabtida ah, waayo, aniga ayaa
ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 4 Sanamyo ha u jeesanina, oo hana
samaysanina ilaahyo la tumay, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
5 Oo markaad allabari qurbaanno nabaadiino ah Rabbiga u bixinaysaan
waa inaad bixisaan si laydiin aqbalo. 6 Oo waa in dhammaantiis
la wada cunaa maalinta aad bixisaan iyo maalinta ku xigta, oo haddii wax ka hadhaan
oo ay gaadhaan maalinta saddexaad waa in dab lagu gubaa.
7 Oo innaba haddii maalinta saddexaad la cuno waa karaahiyo, oo la aqbali maayo,
8 ku alla kii cunaase dembigiisuu qaadanayaa, maxaa yeelay,
nijaas buu ka dhigay Rabbiga wixiisii quduuska ahaa, oo qofkaasna dadkiisa waa laga
gooyn doonaa.
9 Oo markaad goosataan waxa dhulkiinna ka soo baxa waa inaydaan
midhaha ka wada goosan rukummada beertiinna, oo weliba waa inaydaan soo urursan
xaaxaabka beergoosadkiinna. 10 Oo beertiinna canabka ahna
waa inaydaan xaaxaabin, oo midhaha beertiinna canabka ah oo dhacayna waa inaydaan
soo urursan, laakiinse waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga
ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 11 Waa inaydaan waxba xadin,
oo aydaan daacadla'aan ku isticmaalin, waana inaan midkiinna midka kale been u sheegin.
12 Oo waa inaydaan magacayga been ugu dhaaran, yeydnan hadal
nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
13 Waa inaadan deriskaaga dulmin, waana inaadan waxba ka dhicin.
Oo shaqaale aad soo kiraysatay mushahaaradiisu yaanay habeenkii kugu baryin oo kugu
gaadhin tan iyo subaxda dambe. 14 Waa inaadan caayin qofkii
dhega la', oo kii indha la'na waa inaadan hortiisa dhigin wax lagu turunturoodo,
laakiinse waa inaad Ilaahaaga ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
15 Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan
miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu
garsoortaa si caddaalad ah. 16 Waa inaadan dadkaaga xan kula
dhex wareegin, oo waa inaadan deriskaaga dhiiggiisa hor joogsan, waayo, aniga ayaa
Rabbiga ah. 17 Waa inaadan walaalkaa qalbiga ka nebcaan,
oo sida xaqiiqada ah waa inaad deriskaaga canaanataa, yaadan isaga daraaddiis dembi
u qaadane. 18 Waa inaadan ninna ka aarsan, waana inaadan
dadkaaga u ciil qabin, laakiinse waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada
u jeceshahay oo kale, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 19 Waa
inaad qaynuunnadayda dhawrtaan. Waa inaadan xoolahaaga u dayn inay cayn kale ku
beermaan, oo waa inaadan beertaada ku beeran midho laba cayn ah, oo waa inaadan
xidhan dhar laga sameeyey laba cayn oo isku darsan. 20 Oo
ku alla kii la seexda naag addoon ah oo nin u doonan, oo aan la madax furin ama
aan la xorayn, markaas waa in iyaga la ciqaabaa, laakiinse waa inaan iyaga la dilin,
maxaa yeelay, iyadu xor ma ay ahayn. 21 Oo isagu waa inuu
qurbaankiisii xadgudubka, kaasoo ah wan ah qurbaan xadgudub, Rabbiga ugu keenaa
iridda teendhada shirka. 22 Oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud
uga dhigaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo waa inuu Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa
dembiguu dembaabay aawadiis, oo isagana waa laga cafiyi doonaa dembigii uu dembaabay.
23 Oo markaad dalka gashaan, oo aad cunto u beerataan dhir
cayn kasta ah, markaas waa inaad midhahooda ku tirisaan sidii wax buuryoqab ah,
oo intii saddex sannadood ah waxay idiin ahaan doonaan sidii wax buuryoqab ah, oo
waa inaan midhahaas la cunin. 24 Laakiinse sannadda afraad
midhahooda oo dhammu quduus bay ahaan doonaan, si Rabbiga loo ammaano aawadeed.
25 Oo midhahoodana waxaad cuni doontaan sannadda shanaad,
si ay midhahoodu idiinku soo baxaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
26 Waa inaydaan wax dhiiggoodu ku jiro cunin, oo waa inaydaan
u tegin falanfallowyo ama aydaan faalna ku noqnoqon.
27 Waa inaydaan timaha madaxa ka jaran dhinacyada, gadhkiinnana
waa inaydaan jarin. 28 Waa inaydaan jidhkiinna u gooyn qof
dhintay daraaddiis, ama waa inaydaan waxba ku daabicin, waayo, aniga ayaa Rabbiga
ah. 29 Waa inaadan gabadhaada nijaasayn oo aadan dhillo ka
dhigin, waaba intaasoo uu dalku noqdaa sino miidhan oo uu shar ka buuxsamaa.
30 Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda
quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 31
Ha u jeesanina xagga kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta, oo iyaga ha doondoonina
yeydnan nijaasoobine, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
32 Waa inaad qofkii cirro leh u istaagtaa, oo waa inaad ninkii oday
ah cisaysaa, waana inaad Ilaahaa ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
33 Oo haddii mid shisheeye ahu idinla deggan yahay dhulkiinna, waa
inaydaan xumayn. 34 Shisheeyaha idinla degganu waa inuu idiinla
mid ahaadaa sida waddaniga idin dhex jooga, oo waa inaad isaga u jeclaataan sidaad
naftiinna u jeceshihiin oo kale, maxaa yeelay, idinkuba shisheeyayaal baad ku ahaan
jirteen dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
35 Waa inaydaan xaqdarro ka samayn garsooridda, iyo cabbiridda,
iyo miisaamidda iyo beegiddaba. 36 Waa inaad haysataan kafado
qumman iyo miisaan qumman, iyo eefaah qumman iyo hiin qumman, waayo, aniga ayaa
ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idinka soo bixiyey.
37 Oo waa inaad wada dhawrtaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda
oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
^ Dib u celi bilawga ^
20
Ciqaabihii Dembiga
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Weliba waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Ku alla kii reer
binu Israa'iil ka mid ah, ama shisheeyayaasha idin dhex deggan ka mid ah, oo carruurtiisa
Moleg siiya, sida xaqiiqada ah kaas waa in la dilaa, oo dadka dalka degganu waa
inay dhagax la dhacaan. 3 Oo anna qofkaas ayaan ka gees noqon
doonaa, oo isagaan dadkiisa ka dhex gooyn doonaa, maxaa yeelay, wuxuu carruurtiisii
siiyey Moleg, oo sidaasuu meeshayda quduuska ah ku nijaaseeyey oo uu magacayga quduuska
ahna wax nijaas ah kaga sheegay. 4 Oo haddii dadka dalka
degganu ay ninkaas indhahooda ka qarsadaan oo ayan isaga dilin markuu carruurtiisa
Moleg siiyo, 5 markaas aniga ayaa ninkaas iyo reerkiisaba
ka gees noqon doonaa, oo isaga iyo in alla intii raacda inay Moleg u daba galaan
sida naagu ninkeeda uga dhillowdo, waxaan ka dhex gooyn doonaa dadkooda.
6 Oo qof alla qofkii u jeesta xagga kuwa ruuxaanta leh iyo saaxiriinta,
oo iyaga u daba gala sida naagu ninkeeda uga dhillowdo, sida xaqiiqada ah anigu
qofkaas ayaan ka gees noqon doonaa oo isagaan dadkiisa ka dhex gooyn doonaa.
7 Haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga
Ilaahiinna ah. 8 Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo
yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.
9 Oo ku alla kii caaya aabbihiis ama hooyadiis, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa,
waayo, wuxuu caayay aabbihiis ama hooyadiis, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan
doonaa. 10 Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis,
kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba
waa in la dilaa. 11 Oo ninkii naagta aabbihiis la seexdaana
wuxuu qaawiyey cawradii aabbihiis, oo sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la dilaa;
oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa. 12 Oo haddii
nin la seexdo gabadh uu soddog u yahay, sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la
dilaa; iyagu waxay sameeyeen wax qas ah, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.
13 Oo haddii nin nin kaleeto ula seexdo sida dumarka loola
seexdo oo kale, labadooduba waxay sameeyeen karaahiyo oo sida xaqiiqada ah waa in
iyaga la dilaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.
14 Oo haddii nin wada guursado naag iyo hooyadeed, taasu waa shar,
oo isaga iyo labadoodaba waa in dhammaantood dab lagu gubaa, si aan sharu idiinku
dhex jirin. 15 Oo haddii nin neef xayawaan ah kudo, sida
xaqiiqada ah waa in ninkaas la dilaa, oo neefkana waa inaad gowracdaan.
16 Oo naaguna hadday u dhowaato neef xayawaan ah, oo ay u jiifsato,
naagta iyo neefkaba waa inaad dishaan, sida xaqiiqada ah waa in labadoodaba la dilaa;
oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa. 17 Oo haddii
nin kaxaysto walaashiis oo ah ina aabbihiis ama ina hooyadiis, oo uu cawradeeda
arko, oo iyana ay cawradiisa aragto, taasu waa wax ceeb ah, oo iyaga waa in dadkooda
hortiisa laga gooyaa, waayo, isagu wuxuu qaawiyey cawradii walaashiis, oo dembigiisana
wuu qaadan doonaa. 18 Oo haddii nin la seexdo naag xayl qabta,
oo uu cawradeeda qaawiyo, wuxuu qaawiyey ishii dhiiggeeda oo iyana waxay qaawisay
ishii dhiiggeeda, oo markaas labadoodaba waa in laga gooyaa dadkooda.
19 Oo waa inaadan qaawin habaryartaa, ama eeddadaa, waayo, kii saas
yeelaa wuxuu qaawiyey xigaalkiisa u dhow, oo iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda.
20 Oo haddii nin la seexdo naagta adeerkiis, kaasu wuxuu
qaawiyey cawradii adeerkiis; iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda, oo waxay dhiman
doonaan iyagoo gablan ah. 21 Oo haddii nin kaxaysto naagta
walaalkiis, taasu waa nijaas, waayo, wuxuu qaawiyey cawradii walaalkiis, oo iyagu
waxay ahaan doonaan gablan.
22 Haddaba waa inaad wada xajisaan oo yeeshaan qaynuunnadayda
oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, si dalka aan idin geeynayo inaad degtaan uusan
idiin mantagin. 23 Oo waa inaydaan ku socon caadooyinkii
quruuntii aan hortiinna ka eryayo, waayo, iyagu waxyaalahaas oo dhan ayay samayn
jireen, oo sidaas daraaddeed ayaan u karhay. 24 Laakiinse
waxaan idinku idhi, Idinka ayaa dalkoodii dhaxli doona, oo hanti ahaan ayaan idiin
siinayaa, kaasoo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga
Ilaahiinna ah oo idinka soocay dadyowga. 25 Haddaba sidaas
daraaddeed waa inaad kala soocdaan xayawaanka daahirka ah iyo kan nijaasta ah, iyo
haadda daahirka ah iyo tan nijaasta ah, oo waa inaydaan nafihiinna wax karaahiyo
ah kaga dhigin xayawaan ama haad ama waxa dhulka ku gurguurta oo aan idinka soocay
oo aan idhi, Waa nijaas. 26 Waa inaad quduus ii ahaataan,
waayo, anigoo Rabbiga ahuba quduus baan ahay, oo dadyowgii baan idinka soocay, si
aad kuwaygii u ahaataan.
27 Oo weliba sida xaqiiqada ah waa in la dilaa ninkii ama
naagtii ruuxaan leh, ama ku alla kii saaxir ah, oo iyaga waa in dhagax la dhacaa,
oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.
^ Dib u celi bilawga ^
21
Qaynuunnadii Wadaaddada
1 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah
wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa
ah oo dhintay, 2 xigaalkiisa u dhow mooyaane, kuwaasoo ah
hooyadiis, ama aabbihiis, ama wiilkiisa, ama gabadhiisa, ama walaalkiis,
3 ama walaashiisa bikradda ah oo isaga u dhow, oo aan weli nin guursan;
taas wuu isu nijaasayn karaa. 4 Waa inuusan isnijaasayn isagoo
dadkiisa madax u ah, yuusan nijaas iska dhigin. 5 Oo waa
inaan ninkoodna madaxa xiiran, oo waa inayan gadhkooda xiirin, ama ayan jidhkooda
gooyn. 6 Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan
wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii
Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa
inay quduus ahaadaan. 7 Waa inayan guursan naag dhillo ah
ama mid la nijaaseeyey, oo waa inayan guursan naag la furay, waayo, wadaadku quduus
buu Ilaahiis u yahay. 8 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad
isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu
waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus
idinka dhiga. 9 Oo wadaad kasta haddii ay gabadhiisu isnijaasayso
oo ay dhillowdo, iyadu nijaas bay ka dhigaysaa aabbaheed, oo waa in dab lagu gubaa.
10 Oo kii wadaadka sare walaalihiis ka dhex ah, oo madaxiisa
lagu shubay saliiddii subkidda, oo ah kan loo daahiriyey inuu xidho dharka quduuska
ah waa inaanay timaha madaxiisu arbushnaan ama uusan dharkiisa dildillaacin.
11 Oo weliba waa inuusan meyd gudaha ugu gelin, oo xataa waa inuusan
isu nijaasayn aabbihiis iyo hooyadiis toona. 12 Oo waa inuusan
dibadda uga bixin meesha quduuska ah, waana inuusan nijaasayn meesha quduuska ah
ee Ilaahiisa, waayo, isaga waxaa kor saaran taajkii saliidda subkidda ee Ilaahiisa,
waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 13 Oo isagu waa inuu guursadaa
gabadh bikrad ah. 14 Waa inuusan marnaba guursan carmal,
ama naag la furay, ama naag nijaasowday oo dhillo ah, laakiinse waa inuu guursadaa
gabadh bikrad ah oo dadkiisa ka dhalatay. 15 Oo waa inuusan
dhashiisa ku dhex nijaasayn dadkiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga isaga quduus
ka dhiga.
16 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
17 Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Tan iyo ab ka ab ku
alla kii farcankaaga ahu, isagoo iin leh, yuusan u dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa
bixiyo. 18 Waayo, nin alla ninkuu yahayba, kii iin lahu waa
inuusan u soo dhowaan, kaasoo ah ninkii indha la' ama curyaan ah, ama kii sankiisu
faruuran yahay, ama jidhkiisu leeyahay wax dheeraad ah, 19
ama ninkii cag jaban, ama gacan jaban, 20 ama kii tuur leh,
ama kii cilin ah, ama kii ishiisu iin leedahay, ama kii cambaar qaba, ama kii cadho
qaba, ama kii xiniinyihiisu burbureen. 21 Wadaadka Haaruun
ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan
inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay,
oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.
22 Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan
ugu wada quduusanba. 23 Laakiinse waa inuusan meesha daaha
leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga
quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga
quduus ka dhiga. 24 Muuse sidaasuu kula hadlay Haaruun iyo
wiilashiisii, iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhanba.
^ Dib u celi bilawga ^
22
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad iyaga u sheegtaa inay
iska soocaan waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil, oo ay ii daahiriyaan,
iyo inayan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, waayo, aniga ayaa Rabbiga
ah. 3 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Ku alla kii ka mid ah
farcankiinna oo dhan tan iyo ab ka ab, hadduu isagoo nijaas qaba u soo dhowaado
waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil ay Rabbiga u daahiriyeen, qofkaas
hortayda waa in laga gooyaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
4 Oo ku alla kii farcanka Haaruun ka mid ah oo baras qaba, ama dheecaan ka daadanayaa,
waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah jeeruu daahir noqdo. Oo ku alla
kii taabta wax meyd ku nijaasoobay, ama uu taabta nin shahwaddiisu ka daadatay,
5 ama ku alla kii taabta wax gurguurta oo uu isagu ku nijaasoobo,
amase qof isaga nijaaso qabadsiin kara, wax kastoo ay nijaastiisu tahayba,
6 qof alla qofkii waxyaalaha caynkaas ah taabtaa wuxuu nijaas ahaan
doonaa tan iyo fiidkii, oo waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah, inuu
jidhkiisa biyo ku maydho mooyaane. 7 Oo isna markii qorraxdu
dhacdo ayuu daahir noqon doonaa, oo markaas dabadeedna isagu wax ha ka cuno waxyaalaha
quduuska ah, maxaa yeelay, taasu waa cuntadiisii. 8 Oo isagu
si uusan ugu nijaasoobin waa inuusan innaba cunin wax iska bakhtiyey amase dugaagu
bakhtiistay, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 9 Oo sidaas daraaddeed
iyagu waa inay amarkayga xajiyaan, waaba intaasoo ay dembi u qaataan taas aawadeed
oo ay ku dhintaan haddii ay nijaaseeyaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus
ka dhiga. 10 Oo qof qalaadu waa inuusan waxba ka cunin waxa
quduuska ah, oo qofkii wadaadka la deggan, amase shaqaalihii la soo kiraystay waa
inuusan waxba ka cunin waxa quduuska ah. 11 Laakiinse haddii
wadaad qof soo iibsado, kii uu lacagtiisa ku soo iibsaday wax ha ka cuno, oo intii
isaga gurigiisa ku dhalatayna cuntadiisa wax ha ka cuneen.
12 Oo wadaad gabadhiis hadday nin qalaad guursato, iyadu waa inayan
wax ka cunin qurbaanka sare loo qaado ee waxyaalaha quduuska ah.
13 Laakiinse wadaad gabadhiis hadday carmal tahay, ama la soo furay, oo ayan carruur
lahayn, oo ay ku soo noqoto gurigii aabbaheed, oo ay halkaas u joogto sidii waagii
ay yarayd, markaas iyadu wax ha ka cunto cuntada aabbaheed, laakiinse qof qalaadu
yuusan wax ka cunin. 14 Oo waxa quduuska ah haddii nin kama'
ku cuno, intii uu cunay oo shan meelood loo dhigay meesheed ha ku sii daro, oo waxa
quduuska ah wadaadka ha u dhiibo. 15 Oo iyagu waa inayan
nijaasayn waxyaalaha quduuska ah ee reer binu Israa'iil oo ay Rabbiga u bixiyaan,
16 si ayan uga dhigin inay iyagu qaataan xumaanta eedda keenta,
markay cunaan waxyaalahooda quduuska ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus
ka dhiga.
Qurbaannada Aan La Aqbalaynin
17 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
18 Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu
Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid
ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan
qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda
midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah, 19 si laydiinka
aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah
lo'da, ama idaha, ama orgida. 20 Laakiinse waa inaydaan bixin
wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo.
21 Oo ku alla kii Rabbiga u bixiyo allabari qurbaanno nabaadiino
ah, si uu ku oofiyo nidar amase qurbaan ikhtiyaar ah, si looga aqbalo aawadeed waa
inuu ka bixiyaa lo'da ama idaha neef dhan oo aan innaba iin lahayn. 22 Waa inaydaan Rabbiga u bixin ama aydaan ka dhigin qurbaan dab lagu
sameeyo oo meesha allabariga loo saaro Rabbiga aawadiis neef indha la', ama mid
jaban, ama mid naafo ah, ama mid qoon leh, ama mid cambaar qaba, ama mid cadho qaba.
23 Oo dibi yar ama wan yar miduu yahayba neefkii jidhkiisu
wax dheeraad ah leeyahay ama xubnihiisa wax ka dhiman yihiin, kaas qurbaan ikhtiyaar
ah waad u bixin kartaa, laakiinse nidar daraaddiis loo aqbali maayo.
24 Waa inaydaan Rabbiga u bixin neef xiniinyihiisa la burburiyey,
ama la tumay, ama la jejebiyey, ama laga gooyay, oo waa inaydaan dalkiinna sidaasoo
kale ku dhex samayn. 25 Oo kuwaas waa inaydaan ka guddoomin
qof shisheeye ah gacantiis oo aydaan ku bixin cuntada Ilaahiinna, maxaa yeelay,
iyagu wax kharriban bay leeyihiin, oo iin baa ku taal. Sidaas daraaddeed iyaga innaba
laydinka aqbali maayo.
26 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
27 Markii uu dhasho dibi ama wan ama orgi intii toddoba maalmood
ah waa inuu hooyadiis ku hoos jiraa, oo maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysana
waa loo aqbali doonaa in Rabbiga loogu bixiyo qurbaan dab lagu sameeyo.
28 Oo sac iyo lax toona waa inaydaan ilmaheeda iyo iyada isku maalin
gowracin. 29 Oo markaad Rabbiga u bixinaysaan allabari mahadnaqid
ah, waa inaad kaas u bixisaan si laydiinka aqbalo. 30 Oo
isla maalintaas waa in la wada cunaa, oo waa inaydaan waxba ka reebin tan iyo subaxda
dambe, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 31 Haddaba sidaas daraaddeed
waa inaad xajisaan oo yeeshaan amarradayda, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
32 Waa inaydaan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah,
laakiinse quduus baan ku dhex ahaan doonaa dadka reer binu Israa'iil, waayo, anigu
waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga, 33 oo dalkii Masar
idiinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado aawadeed, waayo, aniga ayaa Rabbiga
ah.
^ Dib u celi bilawga ^
23
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kuwanu
waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo aad naadin doontaan inay ahaadaan shirar quduus
ah. Xataa kuwanu waa iidahayga la amray.
Maalinta Sabtida
3 Lix maalmood waa in shuqul la qabtaa, laakiinse maalinta
toddobaad waa sabti nasasho weyn leh oo ah shir quduus ah. Waa inaydaan innaba shuqul
qaban cayn kastoo uu yahayba, waayo, waa sabti ay tahay in Rabbiga looga dhawro
meel kastoo aad deggan tihiinba.
Kormaridda Iyo Kibista Aan Khamiirka Lahayn
4 Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ah shirar quduus
ah, oo ay tahay inaad naadisaan wakhtigooda la amray. 5 Bisha
kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii
Kormaridda. 6 Oo isla bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna
waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn oo Rabbiga loo qabto, oo intii toddoba maalmood
ah waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan. 7 Oo maalinta
kowaad waa inaad shir quduus ah yeelataan. Waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.
8 Laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inaad Rabbiga u
bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta toddobaad waa shir quduus ah, oo
waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.
Mirihii Ugu Horreeyey
9 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi.
10 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa,
Dalka aan idin siinaya markaad gashaan oo aad midhaha goosataan, markaas waxaad
wadaadka u keentaan xidhmo ah beergooyska midhihiisa ugu horreeya.
11 Oo isna xidhmada waa inuu ku ruxruxaa Rabbiga hortiisa si laydiin aqbalo, oo
maalinta sabtida ka dambaysa wadaadku waa inuu ruxruxaa.
12 Oo maalinta aad xidhmada ruxruxdaan, wan yar oo aan iin lahayn oo gu jira waa
inaad Rabbiga ugu bixisaan qurbaan la gubo aawadiis. 13 Oo
qurbaankiisa hadhuudhka ahuna waa inuu ahaadaa eefaah toban meelood loo dhigay labadiis
meelood oo bur wanaagsan ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo
oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo qurbaankiisa cabniinka ahuna waa inuu ahaadaa khamri,
kaasoo ah hiin afar meelood loo dhigay meesheed. 14 Oo waa
inaydaan cunin kibis, ama hadhuudh duban, ama sabuullo cusub ilaa isla maalintaas,
jeeraad keentaan qurbaankii Ilaahiinna. Kaasu weligiinba waa idiin qaynuun tan iyo
ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
Iidda Todobaadyada
15 Oo maalintii aad keenteen xidhmada qurbaanka la ruxruxo,
oo ah maalinta ka dambaysa sabtida, waxaad ka tirsataan toddoba toddobaad oo kaamil
ah. 16 Oo waxaad tirsataan konton maalmood ilaa maalinta
ka dambaysa sabtida toddobaad, oo dabadeedna waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan hadhuudh
cusub ah. 17 Oo waa inaad rugihiinna ka keentaan laba kibsood
oo ah qurbaan la ruxruxo, oo ah eefaah toban meelood loo dhigay labadiis meelood,
oo waa inay bur ahaadaan, oo waa in khamiir lagu dubaa oo Rabbiga loogu keenaa qurbaan
midhaha ugu horreeya. 18 Oo waxaad kibista la keentaan toddoba
wan oo yaryar oo aan iin lahayn oo wada gu jira, iyo dibi yar, iyo laba wan oo waaweyn,
oo waa inay Rabbiga u ahaadaan qurbaan la gubo, oo waxaad iyaga la keentaan qurbaankooda
hadhuudhka ah iyo qurbaannadooda cabniinka ahba, kuwaasoo wada ah qurbaan dab lagu
sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon. 19 Oo waa inaad bixisaan
orgi qurbaan dembi ah iyo laba wan oo yaryar oo gu jira oo ah allabari qurbaanno
nabaadiino ah. 20 Oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa qurbaan
la ruxruxo iyaga ugula ruxruxaa kibista midhaha ugu horreeya oo raacda labada wan
oo yaryar, oo iyagu quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan wadaadka aawadiis.
21 Oo isla maalintaas waa inaad naadisaan inuu shir quduus ah idiin
jiri doono, oo waa inaydaan dharaartaas shuqul adag qaban, waayo, kaasu weligiinba
waa idiin qaynuun tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba.
22 Oo markaad beeraha dhulkiinna goosataan waa inaydaan dhammaan
wada goosan midhaha ku yaal beertiinna geesaheeda, oo weliba waa inaydaan wada urursan
xaaxaabka beergoosadkiinna; waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo,
aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
Iidda Buunanka
23 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
24 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa,
Bisha toddobaad maalinteeda kowaad waxay idiin ahaan doontaa nasasho weyn oo ah
buunafuufid xusuus ah, iyo shir quduus ah. 25 Oo innaba waa
inaydaan shuqul adag qaban, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo.
Maalintii Kafaaraggudka
26 Markaasa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
27 Habase yeeshee bishan toddobaad maalinteeda tobnaad waa maalinta
kafaaraggudka. Oo waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna
dhibtaan; oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo. 28 Oo isla maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban cayn kasta ha
ahaadee, waayo, taasu waa maalintii kafaaraggudka in kafaaraggud laydiinku sameeyo
Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa. 29 Oo qof kasta ha ahaadee
kii aan maalintaas la dhibin, dadkiisa waa in laga gooyaa.
30 Oo qof kasta ha ahaadee kii maalintaas wax shuqul ah qabtaa cayn kastoo uu yahayba,
qofkaas ayaan ka dhex baabbi'in doonaa dadkiisa. 31 Waa inaydaan
innaba shuqul qaban cayn kastoo uu yahayba, oo kaasu weligiinba waa idiin qaynuun
tan iyo ab ka ab meel kastoo aad deggan tihiinba. 32 Oo dharaartaasu
waxay idiin ahaan doontaa sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan.
Oo bisha maalinteeda sagaalaad waa inaad dhawrtaan sabtidiinna tan iyo fiid ilaa
ka fiid.
Iiddii Waababka
33 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
34 La hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa,
Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba
maalmood Rabbiga loo iidaa. 35 Maalinta kowaad waa inay shir
quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban.
36 Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo,
oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga
u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo,
dharaartaasu waa shir quduus ah.
37 Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad
naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan
dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari,
iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.
38 Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna
oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka
ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan.
39 Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad,
markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga
iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna
waa inay ahaataa nasasho weyn. 40 Oo maalinta kowaad waxaad
soo qaadataan midhaha dhirta wanaagsan, iyo laamo cawbaar ah, iyo dhir waaweyn laamaheed,
iyo safsaafka durdurka, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku rayraysaan
intii toddoba maalmood ah. 41 Oo sannaddiiba toddoba maalmood
waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan
iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan.
42 Intii toddoba maalmood ah waa inaad waabab ku hoyataan, oo kulli
reer binu Israa'iilka waddaniga ah oo dhammu waa inay waabab ku hoydaan,
43 si farcankiinna dambe u ogaado inaan reer binu Israa'iil waabab
ku hoyiyey markaan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga
Ilaahiinna ah. 44 Oo Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u
sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.
^ Dib u celi bilawga ^
24
Saliidda Iyo Rootiga La Dhigo Rabbiga Hortiisa
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid
saafiya oo saytuun ah oo loo tumay laambadda, in laambad lagu shido had iyo goorba.
3 Oo daaha markhaatiga dibaddiisa oo teendhada shirka gudaheeda
ah Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa had iyo goorba ku hagaajiyaa tan iyo fiidkii
iyo ilaa subaxdii, oo kaasu waa inuu ahaadaa qaynuun weligiis idiin jiri doona tan
iyo ab ka ab. 4 Oo isagu waa inuu had iyo goorba laambadaha
ku kor hagaajiyaa laambadda saafiga ah oo Rabbiga hortiisa taal.
5 Oo waa inaad bur soo qaadataa, oo aad ka dubtaa laba iyo
toban xabbadood oo kibis ah, oo xabbaddiiba waa inuu eefaah toban meelood loo dhigo
labadiis meelood ku jiraa. 6 Oo waa inaad laba saf u dhigtaa
oo safkiiba waxaad ka dhigtaa lix xabbadood, oo waxaad saartaa miiska saafiga ah
oo Rabbiga hortiisa yaal. 7 Oo saf kastaba waxaad ku shubtaa
foox saafi ah, si uu kibista ugu noqdo xusuus, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu
sameeyo. 8 Oo isagu had iyo goorba sabti kasta waa inuu Rabbiga
hortiisa ku hagaajiyaa; waayo, kaasu wuxuu reer binu Israa'iil u yahay axdi weligiis
ah. 9 Oo kibistaas waxaa iska yeelan doona Haaruun iyo wiilashiisa,
oo waa inay meel daahir ah ku cunaan, waayo, taasu isaga waa ugu wada quduusan tahay
qurbaannada Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo qaynuun weligiis ah loo amray.
Nin Caytamay Oo La Dhagxiyey
10 Oo naag reer binu Israa'iil ah wiilkeed, oo aabbihiis
uu Masri ahaa ayaa reer binu Israa'iil dhex galay, oo wiilkii naagta reer binu Israa'iil
iyo nin reer binu Israa'iil ah ayaa xerada dhexdeedii ku diriray.
11 Markaasaa naagtii reer binu Israa'iil wiilkeedii magicii Rabbiga caayay oo habaaray,
oo isagii waxaa loo keenay Muuse. Oo wiilkaas hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Shelomiid
ina Dibrii, waxayna ahayd qabiilka Daan. 12 Oo isagiina way
xidheen ilaa xukunkiisu ka soo baxo afka Rabbiga.
13 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
14 Kii caytamay xerada ka soo bixi, oo intii isaga maqashay oo dhammu
gacmahooda madaxiisa ha kor saareen, oo dabadeedna ururka oo dhammu ha dhagxiyeen.
15 Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa oo waxaad
ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa.
16 Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka
oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu
waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa.
17 Oo ku alla kii qof kale dila, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa.
18 Oo ku alla kii neef xoolo ah dilaana waa inuu magaa, oo neef
neef ku gudaa. 19 Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax
alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa. 20
Jabniin jabniin ha ku mago, ilna il ha ku mago, iligna ilig ha ku mago, oo isagu
siduu qofka wax u yeelay, saasoo kale isagana ha loo yeelo.
21 Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana
la dilaa. 22 Oo waa inaad sharci qudha u haysataan shisheeyaha
iyo waddanigaba, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
23 Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil, oo iyana waxay
xerada ka soo bixiyeen kii caytamay, oo way dhagxiyeen. Oo reer binu Israa'iil waxay
sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.
^ Dib u celi bilawga ^
25
Sannadka Toddobaad
1 Markaasa Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay oo wuxuu
ku yidhi, 2 Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa,
Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa.
3 Lix sannadood waa inaad beertaada beerataa, oo lix sannadoodna
waa inaad beertaada canabka ah baarka ka jartaa, oo midhaheedana waa inaad soo xeraysataa.
4 Laakiinse sannadda toddobaad waa inay dhulka u ahaataa
sabti nasasho weyn ah, oo taasu waa sabti Rabbiga loo dhawro, oo waa inaadan beertaada
beeran, ama aadan beertaada canabka ah baarka ka jarin. 5
Oo sannaddaas wixii beertaada ka baxa iyagoo aan la beerin waa inaadan guran, oo
canabkaaga aan la hagaajin midhiihii ka baxana waa inaadan urursan, waayo, sannaddaasu
waa inay dhulka u ahaataa nasasho weyn. 6 Oo dhulka sabtidiisu
cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga
aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba,
7 iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona
midhaha dalka iska baxa oo idil.
Sannadka Kontonaad
8 Oo waa inaad tirsataa toddoba sabtiyood oo sannado ah,
taasu waxa weeyaan toddoba meelood oo toddoba sannadood ah; oo toddoba sabtiyood
oo toddoba sannadood ah wakhtigoodu wuxuu kuu ahaan doonaa sagaal iyo afartan sannadood.
9 Oo dabadeedna waa inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad
buun dhawaajisaa, oo maalinta kafaaraggudka waa inaad dalkiinna oo dhan buun ka
dhawaajisaan. 10 Oo waa inaad sannadda kontonaad quduus ka
dhigtaan, oo dhammaan dadka dalka deggan oo dhan waxaad u naadisaan xorriyad, oo
sannaddaasu waxay idiin ahaan doontaa wakhti yubilii ah; oo midkiin kastaa waa inuu
ku noqdaa hantidiisii, oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa qoladiisii.
11 Oo sannaddaas kontonaad wuxuu idiin ahaan doonaa wakhti yubilii
ah, oo waa inaydaan waxba beeran, ama aydaan goosan wixii beertiinna iskood uga
baxa, ama aydaan soo urursan canabka ka baxa geedcanabka oo aan la hagaajin.
12 Waayo, sannaddaasu waa wakhti yubilii ah, oo waa inay idiin ahaataa
mid quduus ah; oo waxaad cuni doontaan midhaha berrinka iskood uga baxa.
13 Oo sannaddaas yubilii ah midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii.
14 Oo haddaad deriskaaga wax ka iibisid, ama haddaad gacanta
deriskaaga wax ka iibsatid, waa inaan midkiinna midka kale dulmin.
15 Oo sannadaha wakhtiga yubilii ah ka dambeeya siday tiradoodu tahay waa inaad
deriskaaga wax uga iibsataa, oo isna wax ha kaaga iibiyo siday tahay sannadaha wax
la goosto. 16 Oo waa inaad qiimaha u kordhisaa sida sannaduhu
u badan yihiin, oo waa inaad qiimaha u dhintaa sida sannaduhu u yar yihiin, waayo,
isagu wuxuu wax kaaga iibin doonaa sida ay tahay tirada sannadaha wax la goosanayo.
17 Waa inaan midkiinna midka kale dulmin; laakiinse waxaad
ka cabsataan Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
18 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad qaynuunnadayda yeeshaan,
oo aad xukummadaydana dhawrtaan oo yeeshaan, oo markaasaad dalka ammaan ku degganaan
doontaan. 19 Oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, oo
waxaad cuni doontaan wax aad ka dheregtaan, oo dalkana ammaan baad ku degganaan
doontaan. 20 Oo haddaad istidhaahdaan, Bal maxaynu sannadda
toddobaad cuni doonnaa? Waayo, waxba ma aynu beeran doonno, oo soomana urursan doonno
midhaheenna, 21 markaas anigu sannadda lixaad ayaan barakadayda
idiin amri doonaa, oo waxaa dhulka idiinka soo bixi doona midho saddex sannadood
ku filan. 22 Oo sannadda siddeedaadna wax baad beeran doontaan,
oo waxaad cuni doontaan midhihii hore, oo tan iyo ilaa aad midhaha sannadda sagaalaad
soo xeraysataan waxaad iska cuni doontaan midhihii hore.
23 Oo dalkana waa inaydaan hanti weligeed ah u iibin, waayo, dalka
anigaa iska leh, oo idinna waxaad tihiin shisheeyayaal iyo socoto ila jooga.
24 Oo dalka aad hantida u leedihiin oo dhan waxaad dhulka uga oggolaataan
furasho.
25 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo oo uu hantidiisa qaar
iibiyo, markaas xigaalkiisa ugu dhow ha yimaado, oo ha u furto wixii walaalkiis
iibiyey. 26 Oo nin hadduusan lahayn qof isaga u furta, laakiinse
uu mar dambe helo wax ku filan inuu dhulkiisii ku soo furto,
27 markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii
uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo. 28 Laakiinse hadduusan
soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday
gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa
ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa.
29 Oo qof hadduu iibiyo guri lagu hoydo oo magaalo deyr leh
ku yaal, markaas intii sannad dhan ah wuu soo furan karaa gurigiisii uu iibiyey,
waayo, sannad dhan ah wuxuu xaq u leeyahay inuu soo furto.
30 Oo haddaan la soo furan intii sannad dhan ah, markaas gurigii
magaalada deyran ku yiil waa inuu weligii hanti u ahaadaa qofkii iibsaday, oo tan
iyo ab ka ab isagaa iska leh, oo sannadda yubilii ahna gacantiisa ka bixi maayo.
31 Laakiinse guryaha ku dhex yaal tuulooyinka aan lahayn
deyr ku wareegsan ha lagu tiriyo beeraha duurka ku yaal, oo iyaga waa la soo furan
karaa, oo sannadda yubilii ahna gacanta kii iibsaday way ka bixi doonaan.
32 Habase yeeshee magaalooyinka reer Laawi saas ma aha, oo reer
Laawi mar kasta way soo furan karaan guryaha ku dhex yaal magaalooyinka ay iyagu
hantida u leeyihiin. 33 Oo mid reer Laawi ahu hadduu soo
furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan
wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda
oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil. 34 Laakiinse waa inaan
la iibin beertii ku taal agagaarka magaalooyinkooda, waayo, taasu waa hantidooda
weligeed ah.
35 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo, oo intuu ku ag joogo
masruufkiisa waayo, adigu waa inaad taageertaa, oo isagu waa inuu kuula degganaado
sidii shisheeye iyo nin socoto ah. 36 Oo waa inaadan isaga
ka qaadan korsocod ama wax dheeraad ah toona, laakiinse Ilaahaaga ka cabso, oo walaalkaa
ha kula degganaado. 37 Oo waa inaadan lacagtaada korsocod
ku deymin, ama aadan quudkaaga u siin si aad wax dheeraad ah kaga qaadatid.
38 Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo
bixiyey inaan idin siiyo dalka Kancaan oo aan Ilaah idiin noqdo aawadeed.
39 Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo
uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo
kale, 40 laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la
kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii
ah, 41 oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba,
oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis. 42
Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo
iibin sidii addoommo. 43 Waa inaadan cadaadis ugu talin,
laakiinse Ilaahaaga ka cabso. 44 Oo ragga iyo dumarka addoommada
ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan.
Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah.
45 Oo weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan
iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan
doonaan hantidiin. 46 Oo iyaga waa inaad dhaxal uga dhigtaan
carruurtiinna idinka dambaysa, si ay iyana hanti ahaan ugu haystaan; oo iyagu waa
kuwa aad weligiin addoommo ka dhiganaysaan, laakiinse walaalihiinna reer binu Israa'iil
waa inaan midkiinna midka kale cadaadis ugu talin.
47 Oo haddii shisheeye ama socoto kula joogo uu taajir noqdo,
oo walaalkaana uu agtiisa miskiin ku noqdo oo uu markaas iska iibiyo shisheeyaha
ama socotada kula jooga amase shisheeyaha qoladiisii, 48
markii la iibiyo dabadeed waa la soo furan karaa. Walaalihiis mid ka mid ahu waa
soo furan karaa, 49 ama adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo
furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa,
amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa.
50 Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey
sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa
si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga
shaqaale la kiraysto. 51 Oo haddii sannado badanu ay weli
dhiman yihiin, inta ay yihiin oo kale iyaga ha uga celiyo qiimihii furashadiisa
oo ha uga bixiyo lacagtii lagu iibsaday. 52 Laakiinse haddii
sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la
xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii
furashadiisa. 53 Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale
la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.
54 Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda
yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba. 55 Waayo,
reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka
soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
^ Dib u celi bilawga ^
26
Abaalmarintii Addeecidda
1 Waa inaydaan sanamyo samaysan, ama aydaan qotonsan ekaan
la qoray amase tiir, oo waa inaydaan dalkiinna dhagax la qoray u dhex dhigin inaad
u sujuuddaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
2 Waa inaad iidahayga dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, aniga
ayaa Rabbiga ah.
3 Haddaad qaynuunnadayda ku socotaan, oo aad amarradayda
dhawrtaan oo yeeshaan, 4 markaasaan roobkiinna idin siinayaa
xilligiisa, oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, dhirta duurkuna midhahooday
dhali doonaan. 5 Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa
guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda,
oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad
ku degganaan doontaan. 6 Oo anigu waxaan dalka idinku siin
doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin
doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna
innaba ma dhex mari doonto. 7 Oo idinku cadaawayaashiinnaad
eryan doontaan, oo iyana hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan.
8 Oo shan idinka ahu boqol nin bay eryan doonaan, oo boqol idinka
ahuna toban kun oo nin bay eryan doonaan, oo cadaawayaashiinnuna hortiinnay seef
kaga baabbi'i doonaan. 9 Oo anigu waan idiin soo jeesan doonaa,
waanan idin badin doonaa oo idin tarmin doonaa, oo axdigaygii aan idinla dhigtayna
waan sii adkayn doonaa. 10 Oo waxaad cuni doontaan midhihii
hore oo aad wakhti dheer kaydsateen, oo waxaad soo bixin doontaan midhihii hore
si aad kuwa cusub meel ugu heshaan. 11 Oo anna taambuuggaygaan
idinka dhex dhisan doonaa, oo naftayduna idinma karhi doonto.
12 Oo dhexdiinnaan ku socon doonaa, oo Ilaahiinnaan ahaan doonaa,
oo idinkuna dadkaygaad ahaan doontaan. 13 Anigu waxaan ahay
Rabbiga Ilaahiinna ah, oo idiinka soo bixiyey dalkii Masar si aydaan u sii ahaan
addoommadoodii. Qataarradii harqoodkiinna waan idinka jebiyey, oo waxaan idinka
dhigay inaad madaxfurnaan ku socotaan.
Ciqaabtii Caasiyiinta
14 Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan
oo dhan wada yeelin, 15 iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan,
iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli
weydaan, illowse aad igu axdi furtaan, 16 markaasaan aniguna
waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah
baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana
waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna.
17 Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna
hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna
iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn. 18 Oo
weliba haddaydnan waxyaalahaas daraaddood ii dhegaysan, haddana toddoba jeer oo
kale ayaan dembiyadiinna aawadood idiin edbin doonaa. 19
Waanan jebin doonaa kibirka xooggiinna, oo samadiinnana waxaan ka dhigi doonaa sida
bir oo kale, dhulkiinnana sida naxaas oo kale. 20 Oo xooggiinnuna
waxtarla'aan buu idinkaga dhammaan doonaa, waayo, dhulkiinnu midho ma dhali doono,
oo dhirta dalka ku taalna midho kama soo bixin doonaan.
21 Oo haddaad i sii caasisaan oo aydaan i dhegaysan, toddoba jeer
oo kale ayaan belaayo idiinku soo dejin doonaa siday dembiyadiinnu yihiin.
22 Oo waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa dugaagga duurka, kuwaasoo
carruurtiinna idinka dhifan doona, oo xoolihiinna baabbi'in doona, oo idin kala
yarayn doona, oo jidadkiinnuna cidla bay noqon doonaan. 23
Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse
aad i sii caasisaan, 24 markaas aniguna gees baan idinka
ahaan doonaa oo waan idin layn doonaa, xataa toddoba jeer ayaan dembiyadiinna aawadood
idiin layn doonaa. 25 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef
idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan,
oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan.
26 Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa
kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin
doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan.
27 Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan,
illowse aad i sii caasisaan, 28 markaasaan aniguna gees idinka
ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer
oo kale idiin edbin doonaa. 29 Oo waxaad cuni doontaan hilibka
wiilaashiinna, oo waxaad cuni doontaan hilibka gabdhihiinna.
30 Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna
qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa
meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa.
31 Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna
cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono.
32 Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna
dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan. 33 Oo waxaan
idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli
doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon
doonaan. 34 Oo markaasaa dalku sabtiyadiisa ku raaxaysan
doonaa intuu cidla yahay oo idinku aad joogtaan dalka cadaawayaashiinna oo dhan;
oo wakhtigaas oo dhan dalku wuu iska nasan doonaa, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa
sabtiyadiisa. 35 Oo dalku intuu cidla yahay oo dhan wuu iska
nasan doonaa, nasashadaas oo ah mid uusan sabtiyadiinna helin markaad degganaydeen.
36 Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa
fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu
kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga
cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan.
37 Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon
doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad
cadaawayaashiinna isku hor taagtaan. 38 Waxaad ku dhex baabbi'i
doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa.
39 Oo intii idinka hadhana iyagoo dalka cadaawayaashiinna jooga
ayay xumaatadooda u dulloobi doonaan, oo weliba xumaatooyinkii awowayaashoodna ayay
u dulloobi doonaan. 40 Wayna qiran doonaan xumaatadoodii
iyo xumaatadii awowayaashood, iyo xadgudubkii ay igu xadgudbeen, iyo weliba caasinimadii
ay igu caasiyeen 41 oo aan aawadeed iyaga gees uga noqday,
oo aan dalkii cadaawayaashooda u geeyey. Markaas hadday qalbigooda buuryoqabka ah
hoosaysiiyaan, oo ay aqbalaan taqsiirta xumaatadooda, 42
ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii
aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan
Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa.
43 Oo iyagu dalka way ka tegi doonaan, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa
sabtiyadiisa intuu cidla yahay oo iyagu ay ka maqan yihiin oo dhan; oo iyaguna way
aqbali doonaan taqsiirta xumaatadooda, maxaa yeelay, way diideen xukummadaydii,
oo naftooduna qaynuunnadayday karahday. 44 Laakiinse in kastoo
ay saas sameeyeen anigu intay dalka cadaawayaashooda joogaan oo dhan iyaga diidi
maayo, karhina maayo, wada baabbi'inna maayo, oo axdigaygii aan la dhigtay jebin
maayo, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahooda ah. 45 Laakiinse
iyaga daraaddood ayaan u xusuusan doonaa axdigii aan la dhigtay awowayaashood, kuwaasoo
aan, iyadoo ay quruumuhu u jeedaan, dalkii Masar uga soo bixiyey si aan iyaga Ilaah
ugu ahaado, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
46 Kuwaasu waa qaynuunnadii iyo xukummadii iyo sharciyadii
uu Rabbigu u dhexaysiiyey isaga qudhiisa iyo reer binu Israa'iil oo uu Muuse ugu
soo dejiyey Buur Siinay.
^ Dib u celi bilawga ^
27
Qiimaynta Waxa Rabbiga
1 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii
nin nidar galo, qofafka waa inay Rabbiga ugu ahaadaan sidaad ugu qiimaysa.
3 Oo inta labka ah oo jirta labaatan sannadood iyo ilaa lixdan sannadood
qiimayntooda aad qiimayso waa inay ahaataa konton sheqel oo lacag ah oo le'eg sheqelka
meesha quduuska ah. 4 Oo qofku hadduu dhaddig yahayna markaas
qiimayntaadu ha ahaato soddon sheqel. 5 Oo qofku hadduu shan
sannadood jiro iyo ilaa labaatan sannadood, markaas kii lab waxaad ku qiimaysaa
labaatan sheqel, oo tii dhaddigna waxaad ku qiimaysaa toban sheqel.
6 Oo haddii qofku jiro bil iyo ilaa shan sannadood, markaas qofkii
lab waxaad ku qiimaysaa shan sheqel oo lacag ah, tii dhaddigna waxaad ku qiimaysaa
saddex sheqel oo lacag ah. 7 Oo haddii qofku lixdan jir yahay
amase ka sii weyn yahay, hadduu lab yahay waxaad ku qiimaysaa shan iyo toban sheqel,
hadduu dhaddig yahayna waxaad ku qiimaysaa toban sheqel.
8 Laakiinse qofku hadduu ka miskiinsan yahay intaad ku qiimaysay, markaas waa in
la soo taagaa wadaadka hortiisa, oo wadaadku waa inuu qiimeeyaa, oo qofkii nidarka
galay intuu awoodo waa in wadaadku ku qiimeeyaa.
9 Oo neef Rabbiga qurbaan loogu bixiyo hadduu yahayna, wax
alla wixii qofi Rabbiga saas ugu bixiyaa quduus bay ahaan doonaan.
10 Oo isagu waa inuusan doorin, ama waa inuusan neef fiican mid
xun ku beddelin, ama neef xun mid fiican ku beddelin, oo hadduu neef neef kale ku
beddelo, markaas neefkii hore iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan.
11 Oo neefku hadduu yahay neef nijaas ah oo aan Rabbiga qurbaan
loogu bixin, markaas isagu neefka ha soo taago wadaadka hortiisa,
12 oo wadaadku ha qiimeeyo, hadduu xun yahay iyo hadduu fiican yahayba, oo adiga
wadaadka ahu intii aad ku qiimayso waa inay ahaataa. 13 Laakiinse
isagu hadduu doonayo inuu furto, waa inuu ku sii daraa intii aad ku qiimaysay oo
shan meelood loo dhigay meesheed.
14 Oo haddii qof doonayo inuu gurigiisa quduus uga dhigo
Rabbiga, markaas wadaadku waa inuu qiimeeyaa hadduu xun yahay iyo hadduu fiican
yahayba, oo sidii wadaadku ku qiimeeyo ha ahaato. 15 Oo kii
quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu gurigiisii soo furto, markaas ha ku sii daro
lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, markaas isagaa lahaan
doona.
16 Oo haddii nin doonayo inuu Rabbiga quduus uga dhigo qaar
ka mid ah beertuu leeyahay, markaas waxaad ku qiimaysaa inta abuurkeedu dhan yahay;
xomeer muggiis oo shaciir abuur ah waa in lagu qiimeeyaa konton sheqel oo lacag
ah. 17 Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo
sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.
18 Laakiinse hadduu beertiisa quduus ka dhigo sannadda yubilii ah
dabadeed, markaas wadaadku waa inuu lacagta u xisaabaa intay yihiin sannadaha ka
dhiman sannadda yubilii ah, oo intaad ku qiimaysayna waa in wax laga sii dhimaa.
19 Oo kii beerta quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu soo
furto markaas waa inuu ku sii daraa lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo
dhigay meesheed, oo dabadeedna mar labaad buu mulkin doonaa.
20 Laakiinse hadduusan doonayn inuu beerta soo furto, ama hadduu beerta nin kale
ka iibiyey, markaas mar dambe waa inaan la soo furan, 21
laakiin beertu markay wareegto sannadda yubilii ah, waxay quduus u ahaan doontaa
Rabbiga sidii beer isaga loo soocay, hantideedana waxaa yeelan doona wadaadka.
22 Oo hadduu Rabbiga quduus uga dhigo beer uu soo iibsaday oo aan
ahayn beerta hantidiisa ah, 23 markaas wadaadku waa inuu
xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas
isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u
ah. 24 Oo sannadda yubilii ahna beertu waxay u noqon doontaa
kii laga soo iibsaday, kaasoo ah kii dhulka hanti u leh.
25 Oo waxa aad wax ku qiimayso oo dhammu waa inay waafaqsanaadaan sheqelka meesha
quduuska ah, oo sheqelku waa inuu ahaadaa labaatan geeraah.
26 Laakiinse xayawaanka curadkooda Rabbiga gooni ahaanta
loogu soocay ninna waa inuusan quduus ka dhigin, hadduu dibi yahay iyo hadduu ido
yahayba, waayo, waxaa iska leh Rabbiga. 27 Oo hadduu yahay
neef nijaas ah markaas isagu waa inuu ku furtaa intii aad ku qiimayso, oo weliba
waa inuu ku sii daraa intaas oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo haddaan la
soo furanna waa in lagu iibiyaa intii aad ku qiimayso.
28 Habase yeeshee wixii gooni loo sooco, oo qof waxyaalihiisa
oo dhan Rabbiga uga sooco, hadday waxaasu yihiin qof, ama neef, ama beerta hantidiisa
ah, waa inaan innaba la iibin ama la furan, waayo, wax kasta oo gooni loo sooco
waa wax Rabbiga ugu wada quduusan. 29 Oo qof alla qofkii
gooni loo sooco oo dadka laga sooco oo dhan waa inaan innaba la soo furan, laakiinse
hubaal waa in la dilaa.
30 Oo meeltobnaadka waxa dalka ka baxa oo dhan hadday yihiin
dhulka iniinihiisa ama hadday yihiin midhaha dhirtaba, Rabbigaa iska leh, oo waa
wax Rabbiga quduus u ah. 31 Oo haddii qof doonayo inuu wax
meeltobnaadkiisii ah furto waa inuu ku daraa waxaas oo shan meelood loo dhigay meeshood.
32 Oo kulli meeltobnaadka lo'da ah ama kan adhiga ah oo dhan,
wax alla wixii lagu tiriyo ee hoos maro usha adhijirka, meeltobnaadku waa inuu Rabbiga
quduus u ahaadaa. 33 Oo neefkaasu inuu xun yahay iyo inuu
fiican yahay, isagu waa inuusan kala hubsan, waana inuusan beddelin, oo kolnaba
hadduu beddelo, markaas isagii iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan
ee aan la soo furan.
34 Kuwanu waa amarradii Rabbigu
Muuse kaga amray Buur Siinay oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved