Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

CUTUBKA 1-AAD

Dhaxalkaygii Soomaalinimo Iyo Muslinnimo

Buulo Burte (1953-68)

Waxaad dhahdaa Eebbe waa keli (wehelna ma leh). Waana Sayid (deeqtoon).
                                                                                                    — Quran (Suurat Al Ikhlaas 112:1-2)

 

Magacayga waxaa la yidhaahdaa Axmed Cali Xayle, wiilkii Cali Xayle Afraxyare iyo Xirsiya Shiiraar. Waxaana ka soo jeedaa Buulo Burte oo ku taal badhtamaha Soomaaliya, Buulo Burte oo macneheedu tahay “Tuulladii Siigada Badnayd”, waa tuulo dabayl badan oo dhinaca ku haysa Webiga Shabeelle, kaas oo biyahiisa noloshu ka yimaadaan roob ka da’a buuraha dhaadheer ee Itoobiya ee ku yaal galbeedka aadka u fog. Xilliyada Guga iyo Dayrta ahi aad bay u gaaban yihiin oo waxaa laga yaabaa inaan roob badan di’in, xilliga Jiilaalkuse aad buu u dheer yahay oo u siigo badan yahay. Buulo Burte waa meesha ugu muhiimsan oo ku kulmaan geelley reer baadiye ah oo badan, kuwaas oo sannadkii kumanyaal mayl oo Geeska Afrika ah xoolahooda ku soo wareejiya iyagoo u raadinaya baad iyo biyo. Laakiinse reerkayagu reer baadiye may ahayn; waxaannu taas ka jeclaannay nolosha reer magaalnimo ee deggan.

 

Waalidkay: Soomaali Madaxbannaan

Waalidkaygu waxay ahaayeen Soomaali madaxbannaan, oo sameeya waxa niyaddooda ka soo go’a. Hooyaday afar iyo toban sanno ama shan iyo toban sannadood ayay jirtey markii ay aabbahay guursatey; iyadu waxay ahayd xaaskii koowaad ee aabbahay, taasoo ahayd gabadh Soomaaliyeed oo aad u qurux badan. Laakiinse, guurkoodu qayra caadi buu ahaa maadaama uu ka madaxbanaanaa doonistii qabaa’ilkayaga. Hooyaday iyo aabbahay waxay ka kala dhasheen laba jilib oo aan is guursan, waayo waxaa la rumaysnaa inuu qabiilka hooyaday ka burji weyn yahay qabiilka aabbahay. Sida caadada qabaa’ilkayagu rumaysnayd waxaa muhiim ahayd in dad isu qalma ay is guursadaan si guurkaas ubad uga dhasho. Laakiinse, maadaama uu hadda qabiilka hooyaday ka burji weynaa qabiilka aabbahay tani waxay sababaysey inaanu aabbahay iyada carruur ka dhali karin. Odayaashii qabiilkayga ahaa ayaa aabbahay kula taliyey inuu haweeneydan ka awoodda weyn furo oo uu guursado haweeney cusub oo ay isku burji yihiin.

Aabbahay aad buu u jeclaa xaaskiisan dhallinyarada ah, ee Xirsiya la yidhaahdo. Markaa intii uu iyada furi lahaa, aabbahay wuxuu martiqaaday soddogii iyo odayaashii kale ee qabiilkeeda ka soo jeeday oo weydiistey inay isaga u duceeyaan oo burjigiisa kordhiyaan. Sidoo kale odayaashii waxay kaloo wakhtigaa barakeeyeen hooyaday, iyagoo sii sheegay inay iyadu siddeed wiil dhali doonto. Markaa dhalashadii aan anigu 1953-dii Buulo Burte oo badhtamaha Soomaaliya ku taal ku dhashay waxay xambaarsanayd barako khaas ah, oo sidaas oo kalay ahayd carruurtii aniga iga dambeysey. Xaqiiqdii, hooyaday waxay dhashay sagaal wiil, laakiinse kuwan midkood ayaa ka dhicisoobey.

Berigii dambe aabbahay wuxuu kaloo guursadey xaasas kale. Kuwaas oo u dhalay laba wiil oo kale iyo toddoba gabdhood, dhammaanteen waxaannu ka koobnayn toddoba iyo toban carruur ah. Wiilashii hooyaday dhashay waxay kala ahaayeen Maxamed, Maxamuud, Cabdullaahi, Axmed (waa aniga), Xuseen, Yaasiin, oo ay mataano ku xigeen, kuwan oo ah Xasan iyo Cusmaan. Anigu dhexdaan ku jirey oo afar wiil ayaa iga yaryaraa. Markaa waxaan anigu hoggaamiye iyo daryeele u noqday afartaa wiil ee iga yaryar. Waa yaab sida aannu annagu u kala firidhnay: saddex walaalahay ah ayaa hadda waddanka Maraykanka ku nool, laba ayaa Kanada ku nool, saddex ayaa Buulo Burte jooga, midna Xamar ayuu ku nool yahay.

1936-dii oo ahayd intaannu guursan ka hor, aabbahay wuxuu u shaqayn jirey ciidammadii Talyaaniga gaar ahaan qaybtii ingineerada ahayd. Kaddib markii Dagaalkii Labaad ee Adduunka lagu jebiyey dawladii Fashiistaha ahayd ee Talyaaniga, aabbahay waxaa haddana shaqaaleeyey militerigii Ingiriiska oo u qortay inuu noqdo waardiye xabsi. Waxaa isaga la geeyey Muqdisho, kaddibna Jowhar, haddana mar kale Muqdisho. Ugu dambaystiina waxaa isaga lagu qoray Buulo Burte halkaasoo markii dambe si sharaf leh isaga shaqadii looga fadhiisiyey muddo ku dhow wakhtigii xukunkii Ingiriiska ee koonfurta Soomaaliya soo dhammaanayey, oo uu bilaabmayey wakhtigii nabadayntii Yurub dagaalkii kaddib.

Shaqooyinkani waxay aabbahay tuseen dhaqamo ka duwan dhaqanka qabyaalada ku dhisan ee Soomaalida. Markii uu sarkaalka ciidamada ahaa wuxuu isagu ku caan baxay inuu ahaa nin caddaali ah oo naxariis badan. Markii uu askarnimada ka tegeyna wuxuu Buulo Burte ka samaystay baayacmushtaro kala duduwan: beeroo galley ah oo webiga Shabeelle jiinkiisa laga sameeyey ama roobka ku xidhnaa, dhaqasho xoolo sida lo’da, geela iyo riyaha, beerashada khudaarta, dukaan weyn oo raashinka noocyadiisa kala duduwan lagu iibiyo, iyo muus uu ka keeni jirey magaalada Marka taas oo dhinaca koonfurta naga xigtey 160 mayl (260 kiilomitir). Aabba-hay aad buu u shaqayn jirey oo wax kastoo uu isagu taabtaana way barakoobi jireen.

 

Tuulo Siigo Badan

Inkastoo aanu magaca macnahiisu yahay “Tuulo Siigo Badan” magac lagu faano ahayn, haddana Buulo Burte waannu jeclayn. Marka laga soo tago xilliga dabaysha iyo siigada badan ee Jiilaalka ah, haddana bulshadani mid faraxsan bay ahayd. Markaan dib u eego Buulo Burte carruurnimadaydii waxay iyadu ahayd magaalo dhinaca dhaqanka bulshada taajir ka ah.1 Haddii si kale loo yidhaahdo waxaannu ahayn bulsho caafimaad qabta, oo reerkayguna wuxuu tusaalaha ugu fiican u ahaa caafimaad qabkaa. Nebi Yeremyaah wuxuu reer Reekaab ku tilmaamayaa inay raac-een dhaqankii wanaagsanaa ee aabbahood (Kitaabkii nebi Yeremyaah 35:1-19); sidoo kale annagoo ah carruurtii Cali Xayle Afrax aad bay xigmaddii aabbahayo qiimo weyn noogu lahayd. Bulsho kasta muhiim bay u tahay inay qadariyaan hantida bulsho (dhaqan) ee ay leeyihiin; annaguna aad baannu u dhowri jirney taajirnimadii xagga dhaqan bulsheedka ee aabbahayo, oo way naga go’nayd inaanan dhinacna uga baydhin tusaalihiisii xaqnimada ahaa.

Waa mid laga naxo in Soomaaliya inteeda badan labaatankii sanno ee la soo dhaafay hantidan dhaqan bulsheedka ah lagu ciyaaray. Konton sanno ka hor ayuu aabbahay tan ka welwelsanaa. Wuxuu isagu ka welweli jirey inay wiilashiisa iyo gabdhihiisu kuwo mashaqaystayaal ah, oo aan deeqsiyiin ahayn noqon dooneen. Isagu wuu ogaa in mashaqaystanimada iyo naf jeclaysigu ay baabi’inayaan wanaagga laga rabo inay bulsho caafimaad qabtaa yeelato.

Mid ka mid ah maahmaahyadiisii ayaa weli noloshayda muhiimad aad u weyn u leh:

              Soor aa la sheegay sarakac,
                  Soof aa la sheegay sin u dhac.

Halkan wuxuu isagu ku tusayey in dadku ay mar kasta hurdada ka toosaan marka ay cuntadu diyaarka tahay; laakiinse ay iyagu iska sii hurdaan marka hawli jirto. Waa inaan shaqada ugu kacno isla sida rabitaanka leh ee aan raashinka ugu toosno.

 

Dhaxal Qani ah

Aabbahay iyo hooyaday waxay ka dhasheen reer sharaf leh oo abtirsiinyahoodu dib ugu noqonayo ilaa iyo shan iyo toban fac. Iyagu waxay ahaayeen dad daacad iyo deeqsiyiin ah. Hooyaday weligeed caanaha ay iibinayso biyo kumay badhxin, oo iyada dadkoo dhan baa ku aammin qabey. Markay raashin kariso waxay iyadu martiqaadi jirtey kuwa tuugsanaya ee markaa gurigayaga agtiisa joogey, qabiilkay doonaan ha ahaadeene, si ay iyagu noola casheeyaan.

Maadaama uu aabbahayo baayacmushtaryo kala duduwan lahaa annagu mar kasta wax naga badan baannu haysaney; xataa hadday abaari jirto marna maannu gaajoon. Sida aamminaadda leh ee uu dadka wax uga iibin jirey iyo xidhiidhkiisa wanaagsan ee uu isagu dadka magaalada la lahaa ayaa keentay in dadkoo dhammi isaga tixgeliyaan. Isagu dadkoo dhan isku si buu ula dhaqmi jirey, isagoo aan eegeyn qabiilkay ka dhasheen (Waana sababta aanan anigu xasuus qorkan marna qabiilkayga ugu sheegeyn). Aabbahay shaqaalihiisa si caddaalad ah buu ula dhaqmi jirey. Isaga waxay dadku u yaqaaneen inuu ahaa nin xigmad leh oo hadalladiisana aad baa loo qiimeyn jirey.

Mar aan anigu dhowr sanno ka hor Buulo Burte booqday, muddo yar kaddib markuu aabbahay geeriyoodey, qaar aabbahay shaqaalihiisii ka mid ah ayaa aniga ii yimid iyagoo qiranaya inay aabbahay khiyaaneeyeen. Waxaan kuwaas ugu jawaabay, “Waan hubaa inuu aabbahay idin cafiyi lahaa, markaa aniguna waan idin cafiyey.”

Haddii uu qof gaajeysan yahay, aabbahay qofkaa si deeqsinimo leh buu wax u siin jirey, xataa isagoo uga badinaya intii ay sakada Islaamku isaga ka rabtey inuu faqiirka siiyo. Mar mararka ka mid ah ayaa waxaa isaga u yimid nin qaraabo ah oo ay dhibaato xun oo xagga dhaqaalaha ahi haysato. Aabbahay wuxuu kan siiyey lacag iyo dibi uu iibsado si uu uga helo lacagtii dheeraadka ahayd ee uu isagu u baahnaa.

Mid gabdhaha walaalahay ka mid ah ayaa tan dood ka keentay oo tidhi, “Aabbe dibigani nolol maalmeedkayaga ayuu ka mid yahay, oo ma aha inaad isaga bixisid.”

Deeqsinimadii weyneyd ee aabbahay aad bay aniga iiga yaabisay. Isagu wuxuu ku adkaystay tan isagoo leh, “Wax kastoo aan anigu haysto carruurtaydaa iska leh. Oo xataa haddii dibigan la iibiyo xoolo badan baa idinka weli idiin hadhaya.”

Sannado badan markaa kaddib ayaan Injiilka sida uu Luukos u qoray ka akhriyey aabbe uu wiilkiisii weynaa ka niyad-xumaaday kaddib markii uu isagu farxad daraadeed weyl u qalay wiilkiisii kale ee yaraa oo guriga ku soo laabtay, kaas oo markii hore caasi waalid ahaa (Luukos 15:11-32). Aabbahay wuxuu tusay naxariista uu muujiyey aabbaha ku qoran qisadan Injiilka oo kale!

Waxaan anigu abaal weyn u hayaa dhaqankii qiimaha lahaa ee ay waalidkay igu soo koriyeen.

 

Koritaankaygii Carruurnimo

Anigu waxaan ahaa cunnug qalqaalli ah. Markaan shan jir ku dhowaa, maalin maalmaha ka mid ah, ayaan aniga iyo dhowr asxaabtaydii ka mid ahi geed hoostiisa joogney, geedkaas oo uu dameer ku xidhnaa. Aniga iyo wiil kale ayaa geedkii koray dabadeedna dameerka korkiisii ku soo boodney. Dabcan, dameerkii isagoo naxsan buu boodey. Oo anna dameerka dushiisii waan ka dhacay, waxaana ka murkacday gacantayda midig. Murkacashadaas dabadeedna gacantayda midig ilaa iyo hadda dareenkeedu waa yar yahay. Hooyaday waxay tan u aragtay mid Ilaahay dartiis u dhacday isla sidii ay arki jirtey wax kastoo nolosha qofka ku dhacaba. Waxay iyadu sheegtay inay rajeyneyso inuu ugu yaraan mid wiilasheeda ka mid ahi uu noloshiisa u hibeeyo inuu dadka ku hanuuniyo jidadka Ilaahay. Dhacdadani waxay iyada u caddaysay inaanan anigu baayacmushtar iyo beeraley midna noqon, laakiinse aan u jeesto inaan Quraanka barto, dadka kalena baro.

Kani wuxuu noqon lahaa jid ka duwan ka ay doortaan nimanka dagaalyahaniinta ah ee qabiilka aabbahay. Iyagu waxay ahaayeen niman hawl kareen ah oo haddii loo baahdo iyaga waxba lamay ahayn inay dagaal galaan. Awowgey Afraxyare wuxuu ahaa hoggaamiye la aqoonsan yahay kaas oo xoogga saari jirey waxqabadka nolol maalmeedka, marka la barbardhigo ku dhaqanka diinta oo uu wakhti lumis u arkey.

Bilcagsi hooyaday oo ugu wada ehlu diinsanayd waxay aad u qiimeyn jirtey qaybo suugaanta nabadgelyada ah oo ku jira dhaqankii dadkeeda, oo waxay qiimaha ay kuwannu leeyihiin soo gudbin jirtey iyadoo isticmaalaysa maahmaahyo iyo masaallo badan. Tusaale ahaan, sheeko ka mid ah sheekooyinkii ay sheegtay ayaa waxay ku saabsanayd nin tuugsada oo dhar calal ah gashan:

       Beri baa nin miskiin ah ayaa geed qudhac ah hoos fadhiyey, markaasaa shimbiri geedkii ku dul
     fadhiisatay oo isagii ku tidhi, “Taajirnimadu qofka uma fiicna! Taajirnimadu qofka uma fiicna!
     Taajirnimadu qofka uma fiicna!”

       Muddo kaddib ayuu ninkii miskiinka ahaa nasiib u yeeshay inay naag taajirad ah oo carmal ahi
     isaga shaqaalayso. Muddo yar kaddibna way is guursadeen. Laakiinse iyadu ninkeedii sidan bay
     ugu digtey, “Adigu sanduuqa sariirta hoosteeda yaal weligaa ha fiirin. Maalinta aad sanduuqaa
     furto guurkeennu halkaasuu ku dhammaanayaa.”

       Iyada iyo ninkeedii way ka taajireen baayacmushtarkoodii. Laakiinse isagu muu qanacsanayn.
     Wuxuu isagu bilaabay inuu xaaskiisii u cawdo isagoo leh, “Waa inaan fiiriyo waxa ku jira
     sanduuqan sarriirta hoos yaalla. Maxaad adigu sirtaa iiga qarsanaysaa?”

       Cabashadiisii badnayd daraaddeed ayay iyadu u oggolaatay inuu ugu dambaystii sidaa yeelo.
     Horta waxay isugu yeedhay odayaashii magaalada oo dhan, oo iyaga u sheegtay heshiiskii ay
     iyada iyo ninkeedu wada galeen intii aanay is guursan ka hor, oo ahaa in “Maalinta uu ninkeedu
     eego waxa sanduuqa sariirta hoosteeda yaalla ku jira, uu guurkoodu halkaa ku dhammaanayo.”

       Isagoo filasho ay farxadi ku dheehan tahay qaba, ayuu ninkeedii, oo ahaa kii miskiinka tuugsada
     ahaan jirey, sanduuqii furay iyadoo ay markhaati ka yihiin odayaashii magaalada oo dhammi.
     Naxdin weyn ayay isaga ku noqotay markuu isagu arkay in waxa sanduuqa ku jiraa ay ahaayeen
     dharkiisii duugga ahaa, ee jeexjeexnaa, ee wasakhda badnaa ee uu gashanaan jirey berigii uu
     tuugsan jirey. Halkaa ayay naagtiisii isaga ku furtay oo dirtay isagoo dharkiisii jeexjeexnaa gashan.

       Xaqiiqdii shimbirtii geedka fuushanayd way saxsanayd markay tidhi, “Taajirnimadu qofka uma
     fiicna.”

Xigmadda sheekadan ku jirtaa waa in qof cirweyn oo wax kasta isagu isla rabaa, uu ugu dambaynta faqiirnimo ku dambaynayo. Hab dhaqankan ruuxiyanka ah ee hooyaday anigana saamayn qoto dheer ayuu igu yeeshay!

1965-tii, markii aan laba iyo toban sannadood jirey, roobkii ayaa di’i waayey. Webiga Shabeelle, kaas oo ka yimaadda buuraha Itoobiya, ayaa gudhay. Reerkayagii ayaa u guurey Jowhar oo 90 mayl xagga koonfureed naga xigtey, meeshaas oo uu ku yaalley xoogaa yar oo doog ah oo xoolahayaga macaluushu haysey ay daaqi kareen. Muddo yar dabadeed, hooyaday waxay dib ugu soo laabatay Buulo Burte, oo aniga ayaa mas’uul ka noqday afartii wiil ee carruurta ahaa ee iga yaryaraa. Aniga oo ah laba iyo toban jir ayaan bartay sida cuntada loo kariyo, sida arrimaha la isugu dubarido, iyo talinta. Xaalladdan ayaa i bartay xirfadahayga hoggaamineed iyo mas’uuliyadda. Markii ay roobabkii soo noqdeen, annaguna Buulo Burte ayaannu dib ugu soo noqonay, laakiin waa markii xoolahayaga intoodii badnaa dhinteen kaddib.

 

Diintaydii Islaamka

Intii aan ka ahayn dhowr qof oo iska cad oo ajnabi ah, dadka reer Buulo Burte gebigood Muslimiin bay ahaayeen. Xaqiiqdii, intii aan ka ahayn dad yar oo lala yaabo, Soomaalida oo dhammi Muslimiin bay ahaayeen, waa marka waalidkay lagu daree. Soomaalida intooda badani waxay ku abtirsan jireen nebi Maxamed. Iyagu waxay rumaysnaayeen in dhiiggii Maxamed iyo diinta Islaamku ay xiddidadooda ku jireen. Tan macnaheedu waa in haddii aad Soomaali tahay aad markaa Muslin tahay. Markaa calaamadda aniga la igu gartaa Soomaalinimo oo keliya may ahayne, waxay kaloo ahayd Muslinnimo.

Saamayntii hooyaday igu yeelatay waxay maskaxdayda gelisey inaan bilaabo socdaal aan hoggaamiye diimeed ku noqdo tasoo ay iyadu rumaysnayd inay ahayd waddada uu Ilaah ii qoray. Anigoo afar sannadood jira ayaan anigu awoodey inaan gacantayda midig intaan madaxayga ka soo dul wareejiyo aan dhegtayda bidixda taabto: taas macnaheedu waa inaan diyaar u ahaa inaan bilaabo dugsiga Quraanka. Waxaan bilaabay inaan dugsiga ka barto inaan Quraanka dusha ka qabto. Tan anigu waxaan u bilaabay si dadaal iyo tixgelin weyn leh, anigoo Quraankan awoodda leh ula tegaya qushuucii loo baahnaa. Inkastoo aan dhib ku qabey inaan yeesho edebtii aan ku xafidi lahaa in ka badan kuwa kale, isla markiiba waxaan ardadii dhexdeeda ka noqday hoggaamiye, oo waxaan noqday horjoogihii malcaamadda. Markii aan laba iyo toban sannadood gaadhey anigu salaadda ayaan mararka qaarkood tujin jirey, salaaddanoo ay kuwa mu’miniinta ahi shan jeer maalintii tukadaan. Masjidkayagu wuxuu ka tirsanaa Islaam-ka firqadiisa Sunniga la yidhaahdo, isla sidii ay dadka reer Buulo Burte oo dhammi ahaayeen. Anigoo wiil yar ah ayaan hooyaday macallinkeedii noqday, anigoo iyada ka caawinaya qaar ka mid ah aayadaha sida fiican loogu luuqeeyo ee Quraanka Carabiga ah. Oo waxaan iyadii ka dhaadhiciyey rumaysadka udubdhexaadka u ah Islaamka ee ah inuu Ilaahay mid yahay.

Muslimad ehlu diin ah iyadoo ah ayay hooyaday barashadan Quraanka ku aqbashay si qushuuc ku jiro. Xaqiiqdiina, waxay iyadu dabeecad ka dhigatay inay fiid kasta 400 oo akhrido suurada Al Ikhlaas2 intaanay seexan ka hor.

Magaca Eebbe yaan ku billaabaynaa ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
Waxaad dhahdaa Eebbe waa Keli (wehelna ma leh);
Waana Sayid (deeqtoon);
Eebbe wax ma dhalin, isna lama dhalin;
Wax la mid ahna ma jiro.

Culimmadu waxay baraan inay suuraddani tiirdhexaad u tahay akhbaarka Islaamka, oo iyadoo hal mar la akhriyaa ay u dhigan tahay Quraanka badhkii oo la akhriyey.

Aad baan uga helay inaan diinta Islaamka ku barto malcaamada. Waxaa jira afar mad-habood oo ah Shareecada Islaamka (Qaynuunka Islaamka) oo ay Sunniyiintu ku dhaqmaan: Maaliki, Xanbali, Xanafi iyo Shaafici. Muslimiinta Soomaaliduna waxay ku dhaqmaan shariicada Shaaficiyada tanoo aan anigu bartay kaddib markaan dhammeeyey inaan Quraanka dusha ka qabto, iyo inaan barto sharciyada la xidhiidha tukashada salaadda. Imaamkii masjidku wuxuu sharaxay inuu jiro miisaan: Islaamka oo la raaco waxaa la saaraa dhinaca ajarka ah ee miisaanka, dembiyada aan samaynona waxaa la saaraa dhinaca deynta ah ee miisaanka. Maalinta Yowmal Qiyaamaha Ilaahay inuu jannada ama naarta na geeyo waxay ku xidhan tahay sida uu miisaankeennaasu noqdo. Markaa anigu si dadaal weyn leh ayaan salaaddayda u tukan jirey oo aan isugu deyi jirey inaan sharciga Islaamaka addeeco, anigoo rajeynaya in tani ay dhinaca ajarka ah ee miisaankayga buuxin doonto.

 

Ummadda Islaamka

Bulshada Muslinka ah waxaa loogu yeedhaa “ummah” tanoo macnaheedu yahay “hooyo.” Ummaddu waxay qabataa shaqadii hooyada oo kale, iyadoo dhawraysa, ilaalinaysa, oo korineysa rumaystaha. Ummadda waxaa kaloo loo yaqaanaa inay tahay “gurigii Islaamka.” Waxaan anigu bartay inuu gurigani toban tiir ku taagan yahay, kuwaasoo ah shan tiir oo aaminaad ah, iyo shan tiir oo camaliyaad ah.

Shanta tiir ee aaminaadu waa 1) rumaynta Ilaahay; 2) rumaynta nebiyada; 3) rumaynta kitaabbadii la soo dejiyey: 4) rumaynta malaa’igaha; 5) rumaynta Yowmal-Qiyaamaha.

Imaamkii wuxuu na baray in shanta tiir ee camalku ay yihiin 1) qiridda inuusan jirin ilaah kale Ilaahay oo keliya mooyaane iyo inuu Maxamed nebigiisa yahay (ashahaadada); 2) tukashada shan jeer oo maalintii ah adigoo Makka u jeesanaya (salaadda); 3) dadka faqiirka ah oo sakada la siiyo (sakada); 4) bisha Ramadaanka ah oo maalintii oo dhan la soomo (soonka); 5) qofka oo hadday suurtaggal tahay hal mar oo noloshiisa ah Makka ku soo xajiya (xajka).

Maadaama aan ahaa qof Muslinnimadiisu daacad ka tahay, waan ku faraxsanaa inaan ku dhex noolaado ammaanka gurigan Islaamka (ummadda). Waxaan anigu rumaysnaa shanta tiir ee aaminaadaydu ku dhisan tahay, oo sida ugu daacadsan ayaan ugu dhaqmi jirey shanta tiir ee camalka. Waan ku faraxsanaa, oo weliba ammaan ayaan dareemayey inaan ku dhex noolaado bulshada Muslinka ah dhexdeeda. Taasi waxay ahayd bulshadii aan ka tirsanaa. Sheekh Rashiid ayaana ahaa imaamkaygii. Aad buu isagu ugu guuleystey inuu naftaydii soo koraysey ku koriyo ka helida Islaamka iyo bulshada Muslinka ah.

Hal arrin oo xusuus gaar ah ii leh oo ahayd sidii weyneyd ee aan hawlihii masjidka u dhex galay, waxay ahayd markii ay xertii Muslinku fiidkii iyagoo imaamku la joogo fadhiisan jireen iyagoo iska soo horjeeda, isagoo markaas tafsiiraya qisooyin Quraanku ka hadlay. Hawl adag bay tani ahayd waayo Quraanku qisooyinkan si isku xigxiga oo is haysta uma soo gudbiyo. In yar oo qisadaas ah ayaa halkan lagu sheegayaa, in kalena meel kale iyo in kale oo lagu sheegayo Axaadiista (hab dhaqanka Muslinka). Waxaa iga yaabiyey sidii uu Sheekh Rashiid qisooyinkan kala googo’an isugu keeni jirey oo ka dhigi jirey hal qiso oo isku xidhan. Waxaa gaar ahaan aniga si khaas ah iiga yaabiyey qisadii Yuusuf.

Dhowr sanno markaa kaddib waxaan aad uga yaabay inaan ogaado inuu Baybalku si buuxda u sheegayo kuwo badan oo ah qisooyinkaa uu Quraanku sida aan dhammaystirnayn u carrabbaabay. Ogaanshahaasi aad buu muhiim u ahaa sannadihii aan qaangaadhnimada ku jirey markaasoo aan bilaabay inaan xiise u yeesho qisooyinka Baybalka ku qoran. Iniintii xiisahaana waxaa noloshayda lagu beeray fiidadkii aan imaamka la fadhiisan jirney ee uu qisooyinkan ka hadli jirey.

Inkastoo aan anigu ku nabdoonaa guriga Islaamka dhexdiisa, barashadaydii Quraanku kamay jawaabin dhowr su’aalood oo soo noqnoqonaya oo ku dhex jirey qalbigaygii dhallinta yaraa. Laakiinse, marna maan dareemin inaan u madaxbannaanaa inaan su’aalahan weydiiyo wadaadadii. Su’aasha iigu adkayd ee aan is weydiinayey waxay ahayd inuu Quraanku ku adkaysanayo inay Muslimiintu rumeeyaan dhammaan kitaabbada Ilaahay. Quraanku wuxuu gaar ahaan carrabbaabayaa Kitaabkii Ibraahim, Tawreeddii Muuse, Sabuurradii Daa’uud, Injiilkii Ciise Masiix, iyo dabcan Quraanka. Annagoo Muslimiinta ahi waxaannu haysaney Quraanka, laakiinse waxaan marar badan is weydiin jirey meesha kitaabbadan kale laga heli karey. Waxaan anigu doonayey inaan akhriyo waxa ay ahayd inaan rumeeyo. Wax kastoo aan masjidkii ka bartay su’aashaas way ka jawaabi waayeen. Laakiinse, yaabka yaabkiisii bay aniga igu noqotay markii su’aashan laga jawaabey dhowr sannadood dabadeed, kaddib markii uu mid Masiixi ahi aniga i siiyey Baybalkaygii ugu horreeyey.

 

Diimihii Islaamka ka Horreeyey

Waalidiintaydii iyo bulshadu inkastoo ay ahaayeen Muslimiin dhaba, haddana waxaa kaloo noloshooda saamayn ku lahaa hab dhaqan iyo aaminaado kale kuwaas oo boqolaal sannadood oo Islaamka hortiisa ah soo jirey. Tusaale ahaan, kun sannadood ka hor, intaanay Soomaalidu Islaamin, Soomaalida oo dhammi waxay rumaysnaayeen hal Ilaah, kaas oo Abuuraha ahaa, oo waxay kaas ku magacaabi jireen Waaq. Barako oo dhammi Waaq bay ka imaan jirtey! Nabaddana Waaq baa keeni jirey. Markii ay dadkii reer Buulo Burte diinta Islaamka qaateen, waxay kaloo ku dhaqmi jireen hab nabadayn ah oo ku salaysan siyaalihii nabadaynta ee Islaamka ka horreeyey, kuwaas oo ku salaysnaa Ilaahay, loona fahansanaa inay ahaayeen hadiyadda Ilaahay.

Sida aan anigu u arko, arrimo badan oo muhiim ah oo dabeecad u ahaa shacabkii reer Buulo Burte waxay ka soo jeedeen dhaxalkaa diinta Islaamka ka horreeyey ee la xidhiidhey nabadaynta. Tusaale ahaan, maahmaah caan ah taas oo iga caawisey shaqadaydii nabadaynta ahayd ayaa waxay odhanaysaa, “Cadowgaaga caano mac baa la siiyaa!” Xubno ka tirsan jufada reerka ayaa loo aqoonsadaa inay yihiin hoggaamiye nabadeedyo. Sannadihii dambe ogaanshaha tani si weyn bay aniga ii caawisay markaan shaqadaydii ahayd hoggaamiye nabadeednimada ku guda jirey, kaddib markii ay Soomaaliya burburtey dagaalladii qabaa’ilka daraadood. Markaan shaqadaas ku dhex jirey, waxaan badanaa ku talin jirey, “Cadowgaaga caano mac sii!”

Waxyaalahan Islaamka ka horreeyey ee Soomalida saameeyey waxaa ku jirey rumaysiyo ka soo jeeda diimaha Masiixiga iyo Yuhuudda, iyo falal kale oo wax ku soo kordhiyey dhaqammada bulshadayada iyo reerkayaga. Diimaha Masiixiga iyo Yuhuuddu way ka jireen Bariga Dhexe oo dhan berigii Maxamed noolaa. Islaamkii qarnigii toddobaad, oo ka soo bilowday galbeedka Carabta, wuxuu ku faafay bulshooyin Masiixiyiin ahaa. Tani xataa waa run marka la fiiriyo dhulyowga Carabta laftooda. Xaqiiqdii, Quraanku wuxuu ka hadlaa mawduucyo Masiixiyada ku saabsan oo kala duduwan, kuwaas oo uu ku jiro Ciise oo ah Masiixa,3 kaas oo bikrad ka dhashay, oo mucjisooyin badan sameeyey, oo aan wax dembi ah lahayn.

Sidoo kale Soomaaliyana waxaa ka jira calaamado tusaya saamayno ay halkaa ku lahaayeen diimihii Islaamka hortii halkaa ka jirey ee Masiixiyada iyo Yuhuuddu. Koonfurta Yaman oo ah koonfurta Carabta, taas oo Gacanka Cadan ka shishaysa, oo waqooyi ka xigta Geeska Afrika halkaas oo ay Soomaalidu deggan yihiin, waxaa ka jirey boqortooyo Masiixi ah. Itoobiya oo Soomaaliya dhinaca galbeed xuduud kala lihina iyaduna dhowr qarni ayay Masiixi ahayd ka hor intaanu Maxamed wacdiskiisii ka bilaabin Makka.

Marka dadkayga la fiiriyo saamaynihii Masiixiyada iyo Yuhuuddu waxay ku dhex qasnaayeen Islaamkii reerkayga. Tusaale ahaan, mar kasta oo uu aabbahay neef gawracayo, isagu wuxuu irrida gurigayaga ku sawiri jirey calaamadda iskutallaabta. Tan waxaa sii dheer inay xabaalaha reerkayaga ka taagtaagan yihiin dhagxaan qaabka iskutallaabta lihi. Gaar ahaan waxaa xiiso gaar ah aniga ii lahaa wixii ay hooyaday marar badan ku ducaysan jirtey iyadoo odhanaysa, “Waaq iyo ina Madi” (Magaca Ilaahay iyo Wiilkiisa keliya).

Sannad kasta Muslimiintu waxay xajka sannadlaha ah u aadaan Makka. Gabaggabada xajka, waxay iyagu u dabaaldegaan ciidda la yidhaahdo Ciidul Adxa, oo ah ciidda ay allabariyada qalaan. Oo waxay tan ku xasuusanayaan sidii uu Ilaahay wanka u keenay si uu allabari u noqdo kan oo uu wiilkii Ibraahim kaga badbaadinayey dhimashada. (Iyagu waxay rumaysan yihiin inuu wiilkaasi Ismaaciil ahaa, halka ay Yuhuudda iyo Masiixiyiintu ka rumaysan yihiin inuu kaasi Isxaaq ahaa). Iyadoo ay allabarigaa xasuusanayaan, ayay Muslimiinta xajka jooga iyo kuwa kale ee adduunka oo dhammi xoolo u bixiyaan allabari.

Reerka aabbahay ayaa wan iyo nayl baraar ah dooran jirey ka hor sannad intaan Ciidul Adxa la gaadhin. Waxaa loo baahnaa inuu kani iin la’aado, oo uu caafimaad qabo. Dabadeedna marka Ciidda la gaadho ayuu aabbahay labadan idaha ah qali jirey oo uu dhiiggooda marin jirey dhinacyada irrida gurigayaga. Tan oo hubaashii tusaysa Ciiddii Kormaridda taas oo lagaga hadlay Kitaabka Baxniintii.

Ma ahayn Ciidda oo keliya markii uu aabbahay wanka qali jirey. Bulshadaydii iyo Soomaaliya oo dhan, marka uu qof xanuunsado, wadaadadu neef bay qalaan oo dhiiggiisa dusha ka mariyaan qofkaa jirran. Iyagu waxay rumaysan yihiin inuu dhiiggu daweeyo! Bal ka feker sidii ay tani iiga yaabisay markaan dhallinyarada ahaa ee aan ogaadey inuu dhiigga Ciise innaga dunuubta oo dhan inaga nadiifiyo (1 Yooxanaa 1:7)!

 

U Diyaargarowgii Injiilka

Markuu aabbahay dhintay kaddib waxay hooyaday ii sheegi jirtey inay riyo ku aragto isagoo guri cas ku dhex nool. Gurigaa hareerihiisana waxay ku aragtay adhigii allabariga ahaa ee uu aabbahay sannooyinkii badnaa soo qaleyey, laakiinse hadda waxay ahaayeen adhi la soo sarakiciyey oo nool. Waa maxay macnaha tani? Ma laga yaabaa inuu Ruuxa Quduuska ahi iyada riyadan u keenay, Isagoo doonaya inuu indhaha reerkayga iyo dadkayga u furo Ciise, kaas oo ahaa Wankii Ilaahay kaas oo la diley oo la soo sarakiciyey si uu inoo bixiyo innaga? Kitaabka Muujintii wuxuu rasuul Yooxanaa ku sheegayaa waxyi ah wankaa la qalay oo dhex taagan carshiga Ilaahay (Muujintii 5:6). Riyadaasi waxay tusaale ka bixinaysaa Ciisihii la iskutallaabay ee sarakacay.

Waxaan rumaysanahay in adhigii uu aabbahay qali jirey uu calaamad u ahaa Ciise, Wankii Ilaahay kaas oo allabari ahaan loo bixiyey, kaas oo dhimashadii ka sarakacay. Dhaxalkii ay reerkayga iyo bulshadaydu i siiyeen waxay aniga ii diyaarinayeen socdaalkaygii aan hoygeygii oo Masiixa ahaa ku tegayey. Markii ay hooyaday sidan ku riyooneysey, anigu mar horaan rumaystay Ciise Masiix; si kastoo ay noqotaba, allabbariyadii adhiga ee aabbahay ee intaanan Masiixiga noqon ka hor ayaa caawimaad ka geystey inay aniga ii diyaariyaan inaan Ciise u rumaysto inuu yahay Wankii Ilaahay. Jaamacaddii Baybalka lagu baran jirey ayaan ku bartay tusaalayaasha iyo sheekooyinka ku saabsan madax-furashada. Kuwanina waa calaamadaha injiilka (akhbaarka wanaagsan) ee dhaqankayaga ku jira.

Tani lama mid ah sidii iyadoo la sheegayo in calaamadahaas laftoodu ay injiilka yihiin. Tusaale ahaan, markaan anigu baabuur ka soo kaxeeyo Milwaukee oo aan ku socdo Minneapolis, waxaan raacaa calaamadaha jidka ku dhegan. Laakiinse calaamadahaasi ma aha meesha aan ku socdo. Haddii aan ku joogsado calaamadda odhanaysa “Minneapolis,” laakiinse aanan jidka sii qaadin si aan u imaado meesha ay calaamaddu tilmaamayso, markaa weligey Minneapolis ma gaadhayo. Sidaasoo kale, waxaa dhaxalkii aan dhaqankayga ka dhaxlay iyo diinta Islaamka lafteedaba ka buuxa calaamado badan oo tilmaamaya injiilka. Laakiinse, calaamadahani ma aha badbaadada uu bixiyey Ciise Masiix. Allabbariyadii adhiga ee gurigayagu calaamado muhiim ah ayay aniga ii ahaayeen intii aan anigu nolosha kaamilka ah raadinayey, laakiinse waxaan keliyoo anigu badbaadada gartay markaan hor imid Kii ay calaamadahani tilmaamayeen.

Awoodda ugu muhiimsan ee dhaxalkii aan dadkaygii ka dhaxlay waa Islaamka, hooyaday ayaana ahayd tusaalaha ugu fiican ee diintaas. Islaamkii waalidkay muu ahayn mid khuraafaad ka buuxo. Tusaale ahaan, saaxiibbaday badankoodu waxay xidhan jireen qardhaas si uu nasiibkoodu u wanaagsanaado. Gebi ahaanba reerkayagu tan wuu ka soo horjeedey; waxaannu annagu si adag u qaadanay dig-niinta Quraanka ku qoran ee ah inaan magaca Ilaahay sixir ahaan loo isticmaalin. Waxaannu annagu fahanney amarkii Quraanka ee ahaa inaan magaca Ilaahay u isticmaallo sida ugu maamuuska weyn. Tusaale ahaan, may ahayn inaan marna magaca Ilaahay soo qaadno annagoo musqusha ku jirna.

Anigoo soo gabaggabaynaya, waxaa jirey saddex arrimood oo qaab u yeelayey bulshadaydii iyo qoyskii aan ka dhashay: 1) Aamminaaddii dhaqanka Soomaalida iyo siday tan ugu camal fali jireen; 2) Aastaamo ka soo jeeda Baybalka iyo Masiixiyada iyo sidii loogu dhaqmi jirey, iyo 3) Islaamka. Dhaxal diimeedkayagu wuxuu ahaa sidii xadhig saddex dumood ka kooban. Markii aan anigu dhashay, dunta Islaamka ayaa ahayd ta ugu muhiimsan. Sidaas oo ay tahay, labada dumood ee kalena meesha kamay maqnayn. Saddexdan mowduuc oo wada socda ayaa keenay inay qalbigayga u furaan inaan si dhab ah Ciise sidii Masiixa u eego oo ugu fiirsado, sida Isaga Baybalka loogu muujiyey.

Hordhac                                                                                                                        Cutubka 2aad

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Cutubka 1-aad: Dhaxalkaygii Soomaalinimo Iyo Muslinnimo:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Yeremyaah 35:1-11

  1. Maxay ahaayeen hab dhaqankii qiimaha lahaa ee reerkii Axmed ee saamaynta ugu weyn ku yeeshay isaga marka dhinaca xirfadihiisii hoggaamineed laga eego? Maxay ahayd xigmadda iyo dabeecadaha uu Axmed ka dhaxlay aabbihiis?

  2. Qeex waxyaalaha qiimaha leh uu Axmed ka bartay maahmaahyadii iyo sheekooyinkii hore ee Soomaaliyeed?

  3. Axmed wuxuu badanaa odhanayaa, “Anigu weligey marna Islaamka wax xun kama sheegayo.” Waa maxay khibradaha wanwanaagsan ee uu isagu dhaxalkiisii hore ee Muslinka ahaa kala soo kulmay, kuwaas oo khaas ahaan isaga qiimo gaar u lahaa?

  4. Kee baa isaga koritaankiisii saamaynta ugu weyn ku yeeshay, Islaamka mise dhaqanka Soomaaliyeed? Sababo u yeel jawaabtaada su’aashan.

  5. Maxay ahaayeen su’aalihii iyo doonitaanadii wiilnimadiisii, kuwan oo qalbigiisa iyo maankiisa u furay inuu injiilka xiiso u yeesho?

 

Qoraal Gunaanad Ah:

  1. Hantida Bulshadu waxay ku saabsan tahay dhaqaalaha dhabta ah ee bulshadaa: waxyaalaha qiimaha leh ee wax ku soo kordhiya sii koritaanka wanaagga bulshada. Tusaale ahaan, waxaa dhici karta inay bulsho qani ku tahay alaabta qaaliga ah, sida dheemanka ama jowharta, laakiinse uu isla bulshadaas dagaal aafeeyey. Bulshadaas waxaa aad isu dhimay hantideedii bulsho ahaaneed (social capital). Waa muhiim inay bulshooyinku ilaaliyaan oo sii horumariyaan hantidooda bulsho ahaaneed. Markii aan wiilka ahaa ee Buulo Burte joogey, hal si oo hanti bulsheedkeennii loo sii horumariyey wuxuu ahaa waxbarashadii meeshaa laga bilaabay, oo xataa gabdhihii wax la baray. Annagu lacag badan maannu haysan, laakiinse annagu bulsho caafimaad qabta ayaannu ahayn waayo dad shacab ah oo dantayada wadajir u horummarinaynay ayaannu ahayn. Sharaxaad dheeraad ah oo ku saabsan doorka hantida ay bulsho leedahay iyo wanaagga qofka shakhsiga ah ee bulshada ka tirsan, waxaan idinkula talinayaa inaad akhridaan buugga uu qoray James S. Coleman, ee la yidhaahdo Foundations of Social Theory (Boston: Harvard University Press, 1990), 300-321.

  2. Quraan, Al-Ikhlaas (Daahirnimada Aamminaada): Suuradda 112.

  3. “Masiix” waa eray af-Semitig (Semitic) ah oo la mid ah “Kiristoos” (Christ) oo isna af-Giriig ah. Xusuus qorkan labada eray ee Masiix iyo Kiristoos si isla mid ah baa loo isticmaalay. Inkastoo ay Muslimiintu rumaysan yihiin inuu Ciise yahay Masiixa, Quraanku ma sii faahfaahinayo macnaha inuu Ciise yahay Masiixa.

Hordhac                                                                                                                `        Cutubka 2aad



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved

BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (SoundCloud)