Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

CUTUBKA 10-AAD

Masiixu Waa Udub-Dhexaadkayga

Ka Fekerka Aakhiradayda (2009-2010)

Anigu waxaan dadaal ugu roorayaa xagga goolka iyo ilaa abaalgudka yeedhista sare
                                                                                                              — Rasuul Bawlos (Filiboy 3:14)

 

Aad baannu annagu Ilaahay ugaga mahadnaqaynaa shan iyo tobankii sanno ee aannu Nayroobi ka adeegeyney, iyo sidii ay u sii badanayeen midhihii ka dhashay hawlihii aannu Soomaalida dhexdeeda ka qabannay. Laakiinse markii dhammaadkii joogitaankeenna halkaa lagu soo dhowaa, 2006-dii, waxaa annaga nagu dhacay yaab weyn: waxaa aniga la iga helay kansarka ku dhaca qanjir ku dul yaal kaadi-haysata (prostate cancer). Markii hore daawadii si fiican bay kan wax uga qabatey. Waxaan anigu xasuustay sidii uu Ilaahay beryo hore noloshayda si yaab leh dhimashada uga badbaadiyey. Hubaal haddana isagu tan wuu soo faraggelin doonaa. Sidaas oo ay tahay, cudurkii wuu sii fiday. Ugu dambaystiina hawlahaygii Nayroobi waan sii wadi kari waayey. Waxaannu u baahanayn inaannu Maraykanka dib ugu soo laabano si aan daawo dheeraad ah halkaas uga helo. Markaa, 2009-kii ayaa qoyskayagii isu diyaariyey inay soo laabtaan. Markaannu annagu Chicago nimid, waxaa halkaa nagula kulmay Mari iyo Don Chevako oo iyaga ayaa Milwaukee noo kexeeyey. Guriga waa nalagu soo dhoweeyey, oo waxaa na dhiirrigeliyey saaxiibbo, qaraabo, iyo bulshadayadii aan rumaysiga la wadaagney.

 

Wakhti Fikir

Helitaankii kansarku wuxuu bilaabay wakhti aan naftayda baadho. Waxaa aniga la ii sheegay in xanaaq la qariyey oo aan la muujin uu ka mid yahay waxyaalaha qaybta ka qaata keenida kansarkan noocan ah. Mar kasta waxaan anigu iska celin jirey inaanay naftaydu ciil qabin. Waxaan ku noolaa hab nololeed ah inaan isla markiiba ka hor tago wax aniga xanaaqa ii keenaya. Waan ka hor tagaa, dabadeedna waa ka sii socdaa, oo xaaladdaa dib dambe uguma soo laabto. Haddii uu qof u dhaqmayo siyaalo aan anigu rumaysanahay inay burbur u keenayaan kaniisadda iyo kuwa kaleba, arrintaa waan ka hor tagaa, mararka qaarkood si toos ah. Anigu ma sii wado inaan dib ugu noqnoqdo khaladkii la igu sameeyey ama qofkii aannu is qabannay. Kaddib marka aan qofkaa dhibka jira u sheego arrinta waxaan kaga tagaa qofkaa iyo Rabbiga dhexdooda, oo mas’uuliyadahayga ama hawlahayga ayaan sii wataa.

Iyadoo ay sidaas tahay, waxaa laga yaabaa in ciil igu qarsooni jiro. Tusaale ahaan, waan cadhoodaa marka aan ka fekero baabtiisankii sharafdarrada ahaa ee aan cutubka sagaalaad ku soo sheegay. Waxaan kaloo ka cadhaysanahay inay kuwii Masiixiyiinta ajnabiga ahaa kaniisaddii xidhaan muddo yar kaddib markaannu annagu Nayroobi nimid. Dareemadayda waan ka hor tegey berigaas, laakiinse laga yaabee inaanan kuwaas sii deyn, oo iska illaawin sidii ay ahayd inaan yeelo. Anigu waxaan Ruuxa Quduuska ah weydiisanayaa inuu qalbigayga baadho si aan anigu uga xoroobo dhammaan wixii xanaaq iyo ciil ah. Waxaan doonayaa inaan maalin kasta ku noolaado sidii nin la saamaxay oo isna kuwa kale saamaxay.

Anigu weligey qof aad u firfircoon oo karti badan ayaan ahaa. Jacayl weyn baan kaniisadda u qabaa, oo doonisteydu waa inaan arko kaniisad Soomaaliyeed oo korta iyadoo ah dhaqdhaqaaq ay Soomaalidu leedahay, oo injiilka uga markhaatifurta qabiillada Soomaalida oo dhan dhexdooda. Sidaa daraadeed in badan oo wakhtigaygii ah lugaha Ciise hoostooda, ma aan fadhiyin sidii ay Maryan samaysay, taas oo uu Ciise ku ammaanay sidii degganeyd ee ay u dhegeysaneysey waxbariddiisii (Injiilka sida Luukos u qoray 10:39-42). Taas anigu wakhti uma hayn. Ciise ayaan anigu u adeegaa; wakhtiyo aan anoo aamusan keligey lugaha Ciise hoostooda fadhiistaa aniga way igu yar yihiin. Waa inaan Maryan wax ka bartaa.

Laakiinse, hawl badnaantaydu kama dhigna in aanan anigu xidhiidh la lahayn Ciise. Xaqiiqiyan, isagu waa saaxiibkayga ugu wanaagsan, oo laga bilaabo marka aan anigu subaxdii tooso ilaa habeenkii marka aan seexanayo si joogto ayaan u baryayaa Ciise. Khibradaydu waa inuu Ciise yahay sida uu Markos injiilkiisa isaga ugu qeexay, marka uu isagu xertiisii "isla markiiba" hadba hawl kale ama kulan kale u kaxaynayo. Inkasta oo aan anigu dhaqdhaqaaq badanahay, marna anigu keligey ma ihi, waayo Ciise ayaa aniga mar kasta ila jira. Markaa maalintii oo dhan ayaan anigu Rabbiga la joogaa!

Erayga Ilaahay aad buu aniga muhiim iigu yahay. Martha iyo anigu waxaannu isku daynaa in aannu yeelanno wakhti aannu annaga iyo carruurtu maalin kasta Erayga Ilaah ku wada akhrino. Markii aannu annagu xagaagii 2009 Maraykanka nimid, qoys ahaan islama aannu joogin maadaama aniga kansarka la iga daaweynayey. Intii wakhtigaa lagu jirey waxaannu carruurtayada labada ugu yaryar u sheegnay ayaadaha Kitaabka Quduuska ah ee aannu annagu markaa akhriyeyney. Tan waxaan u samaynay si aannu iyaga ugu dhiirrigelino inay isla aayadahaas akhriyaan. Markaa, inkastoo aanan annagu intii muddo ah isla joogin, haddana annagu waxaannu ku midaysnayn aayadahaa isku midka ah eennu Baybalka ka wada akhriyeyney.

Kaniisadda ayaa ahayd bulsho taageero iyo daryeel intii aannu ku jirney dhibaatooyinkii naga hor yimid oo dhan, oo ay ku jiraan hadda oo cudurka kansarka ahi i hayo. Kaniisaddu waa bulshada keliya ee adduunka ka jirta ee rumaysan in Ilaahay si buuxda Ciise dhexdiisa loogu muujiyey, iyo inay iskutallaabtu tahay ta aan Ilaahay kula heshiiney, oo aan innaga dhexdeennuna ku heshiiney. Waa kaniisadda dhexdeeda ta lagu koriyaa isbeddelka weyn ee nolosha bixiya ee qofka ku dhaca. Kaniisadda la’aanteed anigu Masiixi ahaan marna ma sii jireen. Koritankaygii iyo daacadnimadaydii xagga ruuxu waxay aniga dhexdayda qaab ku yeesheen intii aan anigu Axad ilaa iyo Axad kale Ilaahay la caabudayey rumaystayaasha kale. Waa la kulanka Masiixiyiinta ee usbuuclaha ah halka aan anigu Ciise Masiixoo na dhex jooga kula kulmaa.

Marc iyo Nancy Erickson ayaa si fiican annaga noo martigeliyey, intii aniga daawooyinka kala duduwan la igula tacaalayey. Daaweynahan qaarkood aad bay adkaayeen. Sidaas oo ay tahay waxaa kaloo jirey wakhtiyo nasasho, oo xanuunku iga debcayey. Wakhtiyadani waxay i siin jireen fursado aan saacadahan qaaliga qoyska geliyo. Dhacdo xusid mudani waxay ahayd markii aan anigu ka qaybgalay ciyaar kubadda kolayga oo uu wiilkayga Geeddi wax ka ciyaarayey. Markii Nayroobi la joogey anigoo qaylinaya ayaan carruurtayda taageeri jirey markay ciyaar leeyihiin, ilaa ay wiilashaydu ii sheegaan inuu codkaygu kuwii kale ee wax taageerayey oo dhan ka wada dheeraa. Laakiinse hadda, xanuunkayga ayaa qayladaydii yareeyey, laakiinse qalbigaygu si qaylo dheer leh ayuu taageero u muujinayaa.

 

Dhimasho Iyo Rajo

Intii wakhti ah waan ka warwareegey inaan ka hadlo suurtaggalnimada dhimashada. Waxaa Afrika igu soo maray dhowr jeer uu Ilaahay iga kiciyey ama iga soo badbaadiyey albaabka dhimashada. Hadda, oo aan Maraykanka dib ugu soo laabtay, waxaan rumaysnaa inuu Ilaahay sidaas mar kale samayn dooney. Sababaha aan sidan u samaynayey waxaa ka mid ahaa inaan aad u rumaysnaa inay jireen waxyaalo badan oo kale oo aan anigu doonayey ku sii kordhiyo adeeggii aan u hayay Soomaalida Bariga Afrika. Shan iyo tobankii sannadood ee aannu Nayroobi joogney aasaasyo ayaannu u dhignay adeeggii socdey. Waxaannu jeclayn inaannu annagu halkaa ku laabano oo aannu dhammaystirno wixii aannu bilownay. Mid ka mid ah kuwa hawlahayaga ugu muhiimsani waxay ahayd nabadaynta Soomaalida. Waxaan aad u jeclaan lahaa inaan anigu sii wado kulamadii odayaasha iyo imaamada ee aannu geedkii gurigayaga Nayroobi deyrkiisa ku yaalley hoostiisa ku qaban jirney. Waxaan fileyey inuu mustaqbalkayagu kaas ahaa.

Sidaas oo ay tahay, waxaa la gaadhey wakhti aannu ka hadallo suurtaggalnimada dhimashadayda. Kuwani waxay ahaayeen wadahadal muhiim ah oo aniga iyo reerkayga na dhex maray. Intii uu qoyskayagu u furmay inuu dhimashada ka hadlo, waxaan anigu awoodey inaan tan saaxiibbadayna kala hadlo. Tani dareen xorriyad ah bay i gelisey. Xaqiiqdii, anigu haddaan noolaado iyo haddaan dhintaba Masiixaan la joogaa; si kastoo dhacdaba waxaan anigu sii wadayaa inaan si farxad leh isaga ugu adeego, hadday noloshan tahay, iyo hadday boqortooyadiisa imaanaysa tahayba. Sidaas oo ay tahay, isla sidii uu rasuul Bawlos dadkii reer Filiboy u qoray, anigu waxaan rajeynayaa inaan noolaado, waayo weli waxaa jira adeeg aan maskaxda ku hayo (Filiboy 1:20-24).

 

Macasalaameyntii Kiinya

Mid farxad gaar ah noo lahayd waxay ahayd markii aannu annagu Abriil 2010, Kiinya dib ugu laabanay, sannad kaddib markii aannu Maraykanka u guurney. Inkastoo aan anigu aad u jiranaa, Rabbigu wuu igu cusbooneysiiyey socdaalkaas. Laba carruurtayada ah baa annaga nala socdey. Rabbiga oo gacantiisa bogsiinta ah i saara mooyaane, kani wuxuu ahaan doonaa socdaal aan meeshaas ku macasalaameynayey. Odayaal qabiil Soomaaliyeed ayaa aniga halkaas igula kulmay. Oo waxaannu la kulannay asxaab kala duduwan oo jaamacaddii ka socdey. Wakhti wanaagsan oo aannu Soomaalidii dib ula xidhiidhno ayuu kani ahaa, oo Martha-na waxaa farxad geliyey inay la kulanto dumarkii dhar-tolidda bartay kuwan oo hawl badani iyada kaga baxday.

Dhacdo muhiim ahi waxay ahayd markii aannu la kulannay kaniisaddii Soomaalida iyo wakhtigaygii gaarka ahaa ee aan anigu odayaashii la qaatay. Waxaan kaniisadda ku dhiirrigeliyey inay sii adkeeyaan midnimada Ruuxa oo ay ku sii dadaalaan inay Ciise Masiix si fiican u sii bartaan oo ugu sii gartaan. Waxaan ka wacdiyey iskutallaabtii iyo sarakiciddii Ciise Masiix, iyo sida ay tani xuddun ugu tahay badbaadadeenna iyo heshiiska aan la yeelano Ilaahay, iyo innaga dhexdeennuba. Waxaan iyaga xasuusiyey in dhaqankayaga Soomaaliyeed, marka uu cunug yar ama qof weyniba xanuunsan yahay, aannu kaas wan allabbari ah u qallo. Oo waxaa la soo qaadaa dhiigga wankaa oo loogu maydhaa qofkaa jirran si uu u bogsoodo. Waxaannu ognahay inuu dhiiggu bogsiiyo. Dabadeedna waxaan iyaga xasuusiyey inuu Ciise yahay Wankii Ilaahay, kaas oo dhiiggiisii u daadiyey saamaxaaddeenna iyo bogsiinadeenna. Innaga dhiigga Ciise ayaa la inagu bogsiiyey, oo la inagu nadiifiyey, oo la inagu cafiyey. Kaasi wuxuu ahaa wacdiskaygii macasalaamada! Waxaannu kala tagnay annagoo og inaanay tani ahayn nabadgelyayntii ugu dambeysey, waayo waa hubaal inaannu annagu mar kale ku kulmi doonno nolosha weligeed ah, marka aan si farxad leh Sayidkeenna Ciise Masiix ugu wada tegi doonno.

 

Qoridda Qiso-nololeedkayga

Mid ka mid ah barakooyinkii bukaankayga ka dhashay waxay ahayd inaan David iyo Grace Shenk kala shaqeeyo sidii aan qiso-nololeedkaygan u diyaarin lahayn. Dhowr bilood markii aannu Maraykanka ku soo laabanay kaddib, ayaannu annagu ku kulannay guriga Kenneth iyo Elizabeth Nissley oo aan labadayaduba asxaab la nahay. Reer Shenk ayaan u sheegay inaan anigu doonayey inuu David qisadayda qoro. Annagu sannado badan ayaannu is naqaanney, oo iyagu Soomaalida way ku soo dhex noolaadeen. Inkastoo ay David iyo Grace bilo badan oo sannadka ah waddanka dibeddiisa ku maqnaadaan, iyagu way oggolaadeen inay intii karaankooda ah sameeyaan si ay qiso-nololeedkan u qoraan. Barako khaas ah bay ii ahayd inaan saacaddo badan iyaga la qaato intii ay iyagu qisadayda dhegeysanayeen.

Dhowr sababood daraadood ayaan u doonayey inaan qiso-nololeedkayga qoro. Ta koowaad, waxaan anigu hayaa sheeko aan doonayo inaan sheego taas oo ay tahay inay Muslimiinta iyo Masiixiyiintuba ogaadaan. Ta labaad, waxaan doonayaa inay dadku ogaadaan inuu Masiixu aniga iigu yeedhay inaan isaga safiirkiisii noqdo. Ta saddexaad, waxaan doonayaa inaan diirka ka qaado in dhaxalkaygii Muslinnimo uu aniga ii diyaar-gareeyey inaan maqlo oo rumeeyo injiilka. Ta afraad, waxaan doonayaa in carruurtayda iyo carruurta aan awowga u ahay ee mustaqbalka dhalan doonaa ay qisadayda ogaadaan, waayo waxaan doonayaa inay iyagu jeclaadaan Masiixa, kaas oo ah udubdhexaadka noloshayda. Waxaan doonayaa in afartan mawduuc ay qisadayda ka dhex muuqdaan inta iyada si guud loo qorayo oo loo sheegayo. Qisadaydu runtii waa qisadii Ilaahay, waayo waa Ilaahay ka aniga ii yeedhay, oo ii diray inaan injiilka nabadda ergo uga noqdo adduunka Islaamka, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed dhexdiisa.

Rasuul Bawlos ayaa qoraya inaan dhammaanteen muraayad jajaban hadda wax ka arkayno. Tan weeye qisadaydu, waa sida aan u arkee. Sida aan anigu waddada aan qaaday u qiimeeyey waxaa laga yaabaa inaanay la mid noqon sida kuwa kale u qiimeeyaan. Waxaan anigu cafis weydiisanayaa kuwa dareemi doona in aanan qisadan qaybtay ku lahaayeen si fiican u soo gudbin, waayo qisadaydu boqolaal qof oo kale ayay taabanaysaa. Tani nimco ayay u baahan tahay. Ducadeydu waa in qisadan aan sheegay ay ammaani doonto Rabbi Ciise Masiix oo ah udubdhexaadkayga, oo ay isla markaana dhiirrigelin u ahaan doonto kaniisadda oo ah hoygayga.

Cutubka 9aad                                                                                                                    Gabaggabo

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Cutubka 10-aad: Masiixu Waa Udub-Dhexaadkayga:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Filiboy 1:18-27

  1. Maxaa kaaga yaabiyey sidii Axmed ruuxiyan u soo koray?

  2. Sidee ayuu Axmed u arkaa fursadda ah inuu dhinto, wakhti uu adeeggii uu Ilaahay u hayey aad u korayo?

  3. Waa maxay murugada ku jirta qisadan ah la socodkii Axmed ee Ciise Masiix, inta uu isagu la legdamayo dhibaatada cudurka kansarka?

  4. Waa maxay waxyaalaha muhiimka ah ee akhbaarkiisa ugu dambeeya ku jira, halka uu isagu odayaasha kaniisadda Soomaalida ee Kiinya ku dhiirrigelinayo?

Cutubka 9aad                                                                                                                    Gabaggabo



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved

BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (SoundCloud)