Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

CUTUBKA 2-AAD

Islaamka Ilaa Injiilka

Isbitaalkii Iyo Dugsigii Sare Ee 15-Ka May (1968-72)

Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha.
                                                  — Ciise (Injiilka Sida Yooxanaa u Qoray 4:6)

 

Markii aan afar iyo toban sannadood jirey ayaan si geesinimo leh Muqdisho ugu socdaalay, taas oo Buulo Burte dhinaca koonfureed ka xigtey una jirtey 140 mayl (225 kiilomitir), si aan halkaas dugsiga dhexe uga bilaabo. Muqdisho waxay ahayd caasimada waddankayaga, magaalo qurux badan, oo mashquul ah, oo si fiican u kala socota taa oo ay ku noolaayeen nus malyuun qof. Aad baan u jeclaa nolosha mashquulka ah ee magaalada.

Marka aan fasax gaaban leeyahay ayaan marmar reerkayaga soo booqan jirey. Aad baan uga heli jirey raashinka macaan ee hooyaday karin jirtey, xigmadda aabbahay, iyo ciyaarta carruurta iga yaryarayd. Aad bay u fiicnayd inaan cabo caano markaa laga soo lisay geelayagii. Aad baan u jeclaa wakhtiyadan kooban ee aan reerkayaga ku soo booqan jirey.

Dabadeedna mar anigoo booqashooyinkan mid ka mid ah reerkayaga kula jooga ayaa cudurka kaneecadu si degdeg ah iigu soo boodey. Waxay ahayd kaneecada madaxa dadka ka gasha (celebral malaria). Markay dhowr maalmood i haysey qandhadii baa igu sii badatay, oo dhimashaan ku dhowaaday kaddib markii ay kaneecadii jidhkaygii iyo maskaxdaydii ku faaftay. Shan iyo toban sanno oo keliya ayaan markaa jirey; oo waxaan dareensanaa inaan aad uga da’ yaraa inaan dhinto.

Waxaa la i jiifiyey isbitaalkii ay lahaayeen Sudan Interior Mission (SIM) kaas oo ku yaalley Buulo Burte. Waxaa naftayda aad u taabtay naxariistii weyneyd ee kalkaalisooyinkii Masiixiyiinta ahaa ee halkaas ka shaqaynayey, oo qandhadiina way i deysey kaddib markii ay iyagu i siiyeen daawooyin casri ah kuwaas oo la dagaalamay deriskunnooshii ama jeermiskii kaneecada ee ku dhowaadey inay aniga i disho.

 

Sudan Interior Mission

Afar iyo toban sanno markaa ka hor oo ahayd 1954-tii ayaa SIM heshiis ku gashay in lagu martiqaado inay barnaamijyo caafimaad iyo kuwo waxbarasho ka furto Soomaaliya. Intii sannado ah ayaa shaqaale kooban oo SIM ahi ka shaqaynayeen Yaman taas oo Soomaaliya waqooyiga ka xigta marka laga gudbo Gacanka Cadmeed. Iyagu waxay si gaar ah diiradda ugu hayeen oo ku ducaysanayeen inuu Ilaahay albaab uga furo Soomaaliya si ay halkaa u joogaan, oo uga adeegaan, ugana markhaatifuraan. Ilaahay ayaa xaaladihii siyaasadeed ee markaa jirey u isticmaalay inuu iyaga ducadoodii kaga jawaabo.

Dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Soomaaliya waxaa gacanta ku qabtay Qaramada Midoobey iyadoo ay halkaa ka jirtey dowlad ku meelgaadh ah oo waddanka u diyaarineysey xorriyad xagga siyaasadda ah sannadkii 1960-kii. Gobollada waqooyi waxaa ka talinayey Ingiriiska, kuwa koonfureedna Talyaaniga. Xorriyadda diinta ee dhulyowgii ay iyadu ka talin jirtey oo dhan waxaa damaano qaaday Qaramada Midoobey. Markaa, 1954-tii ayaa dawladdii ku meelgaadhka ahayd SIM ku martiqaaday inay Soomaaliya ka bilaabaan barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo caafimaad. Sannad kaddib ayaa koox yar oo SIM ah oo Yaman ka yimid Muqdisho u soo guureen. Muddo yar markaa kaddibna SIM waxay isbitaal ay leedahay ka furtay magaaladii aan ku noolaa. Amarka Ilaahay daraadii isbitaalkii ayaa naftaydii badbaadiyey. Hay’ad Masiixi ah oo kale oo la odhan jirey Eastern Mennonite Missions (EMM), ayaa iyana Soomaaliya lagu martiqaaday, oo waxaa iyada Soomaaliya dhexdeeda looga bixiyey magaca ah Somalia Mennonite Mission (SMM).

 

Yuusuf Baa Igaga Yaabiyey – Sidii Taxaddarka Lahayd Ee Aan Ku Bilaabay Inaan Kitaabka Quduuska Ah Akhriyo

Intii aan kaneecadii ka soo ladnaayey, ayaan kalkaaliso caafimaad oo Ustareeliyaan ah weydiiyey inay ii keento wax aan akhriyo kaas oo ku habboonaa qof markaas uun luuqadda Ingiriiska baranayey. Waxay iyadu ii keentay qisadii Yuusuf oo Baybalka (Kitaabka Quduuska Ah) laga soo guuriyey. Aad baan taa ugu farxay oo waxay i soo xasuusisay sidii aan aniga iyo wiilashii kale ee magaaladaydu Imaam Sheekh Rashiid u hareero fadhiisan jirney oo u dhegeysan jirney isagoo ka hadlaya qisadan iyadoo aan dhammaystirnayn Quraanka ku qoran. Waxaan isla markiiba bartay in qisadan dhammaystiran ee kalkaalisadii caafimaadku i siisay laga helo Tawreedda Muuse – taas oo ahayd mid ka mid ah kitaabadii aan anoo Muslin ah rumasynaa, laakiinse aanan garanayn meesha laga heli karo. Runtii ma soo koobi karo siday tani iiga farxisay.

Iniintii rumaysiga ee muujinta Baybalka waxaa naftayda ku beeray qisadii Yuusuf oo aan Tawreedda ka akhriyey. Imaam Rashiid wuxuu kitaabkaas ugu yeedhi jirey “Tawreedda oo waxyigii Ilaah ah”; aad baan anigu ugu farxay inaan haysto qayb kitaabadda Eebbe ka mid ah. Markii aan isbitaalka ka tegey kaddib, anigu waan sii waday inaan Baybalka sii akhriyo, laakiinse haddana taxaddar baa igu jirey. Waxaan markaas weli rumaysnaa inay u badan tahay in Masiixiyiintani yihiin gaalo. Sheekada kutiri-kuteenta ah ee magaaladayadii la isla dhex mari jirey waxay ahayd in Masiixiyiintu ilaahyo badan caabudaan, inay Kaatoligu caabudaan Maryan, oo ay Masiixiyiinta oo dhammi caabudaan Ciise isagoo ay u rumaysan yihiin inuu ilaah yahay. Waan ogaa inaan anigu toos naarta u gelayo haddii aan Ilaah wax la simo. Intaa waxaa sii dheer in qaar saaxiibbaday ahi iigu digeen inay Masiixiyiintu beddeleen oo kharaabiyeen Baybalka. Waxaan ka welwelsenaa in shaqaalahaa isbitaalka SIM ee naxariista badani ay aniga i siraan oo igu dhiirrigeliyaan inaan diinta Islaamka ka tago. Sidaas oo ay tahay, labadii sanno ee markaa ku sii xigtey Baybalka ayaan si taxaddar leh oo qarsoodi ah u sii akhriyayey.

Waxaa jirey awoodo kale oo saamayn weyn leh oo doonayey inay aniga i jiitaan. Fasaxyada badankooda gurigayagii Buulo Burte ayaan ku soo noqon jirey oo waxaan dhex geli jirey noloshaydii hore. Laakiinse waxbarashadii Dugsigii Sare ee 15-kii May xidhiidh aad u yar bay la lahayd xafidaadaydii Quraanka ee yaraantaydii. Iskuulkan fiican waxaa loogu magac daray Ururkii Dhalinyarada ee Soomaaliya (SYL), kaasoo la aasaasay 15-kii May, 1943-dii, si uu Soomaaliya ugu hoggaamiyo xornimadii. Taasina way dhacday! Ururkii Leegadu (Dhalinyarada ee Soomaaliya) wuxuu ahaa ururkii siyaasadda ee Soomaaliya gaadhsiiyey xornimadii siyaasadda Luulyo 1, 1960-kii.

Dugsigii Sare ee 15-ka May waxaa 1969-kii dhisay Isbahaysiga Barwaaqo Sooranka ee Yurub (European Common Market) si loo tababbaro jiilka hoggaamiyayaasha ah ee soo koraya kuwaas oo hoggaamin doona horummarka qaranka Soomaaliyeed xornimada siyaasadda dabadeed. Aad baan uga heli jirey maaddooyinka ay ka midka ahaayeen juqraafiga, iyo arrimaha siyaasadda, kuwan oo ahaa maaddooyin aan waxbarashadaydii Quraanka marna lagu soo qaadin. Laakiinse, waxaa aniga i qalbi xumeeyey diin la’aantii iskuulka ka jirtey. Waxaa annaga wax noo dhigi jirey macalimiin Ruush ah kuwaas oo isku deyi jirey inay maskaxda naga beddelaan si aannu u rumayno fikradihii Shuuciyada.

Fikradahan kala duwan ee tartamaya dhexdooda, ayaan waxaan anigu ku adkaystay inaan si shakhsiyan ah u akhriyo oo u barto Baybalka. Ruuxa Quduuska ah ayaa si tartiib ah oo qarsoodi ah qalbigayga ugu furayey inuu rumeeyo akhbaarka Baybalka. Laakiinse, socdaalkaygii rumaysiga Badbaadiyaha Masiixu si degdeg ah kumuu dhicin. Socdaalkani laba sanno ayuu qaatay.

 

Ciise Ayaa Aniga Ila Kulmay

Laba sanno markaan anigu kaneecada u dhiman gaadhey kaddib, ayaan anigoo Buulo Burte fasax ku jooga tegey gurigii Dr. Marc Erickson, kaas oo isbitaalkii SIM maamulayey. Isagu wuxuu ka yimid Milwaukee, Wisconsin oo Maraykanka ku taalla. Isagu wuxuu ahaa marka annagu sidaannu u arkeyney la fiiriyo dhakhtar aan caadi ahayn kaas oo meeshaa ka madax ahaa, waayo galabtii ayuu garoonka imaan jirey oo halkaa kubadda kolayga kula ciyaari jirey dhallinyaradii xaafadaha. Isagu mid kastoo dhallinyaradan ciyaartoyga ka mid ah ayuu gurigiisa ku casumi jirey si ay halkaa Baybalka ugu wada akhriyaan. Gacantii uu markaan yaraa dameerku iga jebiyey daraadeed, anigu marna kubadda kolayga maan ciyaarin. Laakiinse, waxaan doonayey inaan ogaado casumaadii uu dhakhtarku ciyaaryahanadii kubadda gacanta ku casumi jirey inay Baybalka wada bartaan.

Laba sanno kaddib markii aan isbitaalka ka soo bLaba sanno kaddib markii aan isbitaalka ka soo baxay, ayaan si geesinimo ah u go’aansaday inaan codsado inaan aniguna barashadaa Baybalka ka qayb qaato. Marc isna wuu oggolaaday. Laakiinse barashadii Baybalka ee gurigiisu sharcidarro ayay ahayd. Wakhtigaas waxaa si cad dastuurkii Soomaaliya ugu qornaa inaan qofna Soomaalida bari karin diin aan ta Islaamka ahayn. Siddeed sanno markaa ka hor ayaa wadaad jibeysani diley Merlin Grove, kaas oo ahaa agaasimihii Somalia Mennonite Mission. Sababta uu ninkan isagu jihaadka isu diray sidan u sameeyey waxay ahayd inuu ka baqayey inay Soomaalidu Masiixiyiin noqdaan. Inkastoo uu dilkani ka dhacay xafiisyadii SMM ee Muqdisho ku yaalley dhexdooda, haddana ninkani wuxuu ka soo jeedey Gobollada Dhexe ee Soomaaliya meeshaasoo aan aniguna ka soo jeedo.

Marc iyo aniguba waan ogeyn inaannu samayneyney Marc iyo aniguba waan ogeyn inaannu samayneyney wax sharciga ka baxsan, laakiinse waxaannu kaloo annagu ogeyn in barashada Baybalku ay aad muhiim u ahayd. Marc wuxuu aamminsanaa inuu Ciise Masiix awoodda kama dambaysta ah lahaa. Masiixu wuxuu xertiisii ku amray inay xer sameeyaan (Matayos 28:18-20), sidaas darteed Marc wuxuu dadaal ugu jirey inuu xer sameeyo. Bulshadu aad bay ugu faraxsanayd shaqadii daaweynta ahayd ee uu Marc iyaga u hayey, sidaa daraadeed diyaar bay u ahayd inaanay sharcigu siduu ahaa isaga ugula dhaqmin. 

Marc ayaa xasuusta maalintii ugu horreysey ee aan gurigiisa tegey:

     Galab Axad ah ayuu Axmed gurigayga yimid isagoo saaxiibkiis la socda. Waxayna iyagu igu
     yidhaahdeen, “Waxaannu dooneynaa inaannu Masiixiyiin noqonno.” Iyagu si cad bay u sheegeen
     inay u yimaadeen inay Masiixa raacaan, ee aanay u imaan inay dhakhtarkan wanaagsan wax kale
     weydiistaan. Waxaannu ka wada hadallay khataraha ka dhalan kara qirashada Masiixa. Taas mar
     hore ayay ka fekereen waxayna sheegeen inay rumaystayaal qarsoodi ah noqon doonaan.
     Maadaama ay jireen kuwo badan oo dawladda warka u geyn jirey, si taxaddar leh ayaan annagu
     codsiga noocan ah uga jawaabi jirney. Laakiinse waxaa aniga igu dhashay dareen cajiib ah kaas
     oo ahaa inaan Axmed iyo saaxiibkii ku martiqaado inay ducaystaan oo ay qalbigooda ku
     martiqaadaan inuu Ciise soo galo. Dhab ahaantiina Axmed muddo dheer ayuu ka fekerayey wax
     Ilaahay iyo runtiisa ku saabsan.

Arrintii ugu horreysey ee Marc sameeyey waxay ahayd inuu igu martiqaaday inaan ku ducaysto inuu Ilaahay qalbigayga u furo Injiilka. Markaasaannu aniga iyo Marc ku ducaysaney inuu Ilaahay qalbigayga soo galo oo uu aniga runta i tuso. Isla markaa ayaa Ruuxa Quduuska ahi qalbigayga u furay runta ku saabsan Ciise Masiix. Si doonis weyn leh ayaan ku bilaabay inaan Baybalka la barto Marc, anigoo aan ahayn mid doonaya uun inuu si taxaddar leh kan wax uga ogaado, laakiinse sidii anigoo Masiixi rumeysan. Markii ugu horreysey wuxuu isagu i baray kitaabka Yacquub ee Axdiga Cusub ku jira. In badan oo buuggaas ahi waxay la xidhiidhaan mawduucyo ku saabsan caddaaladda iyo xaqnimada kuwaas oo aan ka bartay imaamkii masjidka intii uu isagu barayey aasaaska sharciyada Islaamka. Aad baan u doonayey inaan tan wax ka ogaado.

Markii aan anigu Xamar ku laabtay, Marc wuxuu i baray dhowr qof oo ka mid ahaa kuwii SIM uga shaqaynayey Muqdisho: Howard Borlase, John Warner, iyo John Miller. Mar dambena waxaan la kulmay kuwii Mennonite-ka ahaa oo aanu xafiiskoodu ka fogeyn kii SIM. Laba Mennonite-kii ah oo iga da’weynaa ayaa aniga eedooyin ii noqday, kuwaasina waxay ahaayeen Naomi Smoker iyo Bertha Beachy.

Casharradii SIM ee Injiilka sida Luukos u qoray iyo Falimaha Rasuullada ayaa aad u kordhiyey fahankaygii la xidhiidhey Ciise Masiix, dabeecadda badbaadada, iyo nolosha kaniisadda. Cashar kastaa wuxuu aniga ii ahaa khibrad cusub oo aan helay. Ciise wuu igaga yaabiyey aniga! Sidaas oo kalena noloshii kaniisaddii hore taas oo lagu qeexay Falimaha Rasuullada. Waxaan beerka ka dareemay soo jiidashadii xoogga lahayd ee Ciise iyo wanaagga ay kaniisaddu leedahay iyadoo ah isutag ku dhisan saamaxaad iyo dib-u-heshiisiin.

Anigoo fasaxyadaydii iskuulka midkood ku jooga Buulo Burte, ayaa Marc isku dubaridey casharro laba asbuuc oo ah barashada Baybalka. Badanaa waxaannu ku kulmi jirey geed qudhac ah hoostiis kaas oo uu hooskiisu naga ilaalin jirey qoraxdii aadka u kululayd. Si daacadnimo leh ayaan casharradan uga qayb geli jirey; Marc iyo aniga midkayana hal cashar kamuu maqnaan. Waxaannu barannay Waraaqihii 1aad iyo 2aad ee rasuul Butros. Casharradaasi waxay ii keeneen in macnaha injiilku naftayda qabsado. Waxaad xasuusataa sidii uu aabbahay dhiiggii wanankii uu qali jirey u marin jirey dhinacyadii albaabkii gurigayaga. Haddana yaab bay igu noqotay inaan akhriyo inuu Masiixu ahaa kaamilaadii doonitaankii dembidhaafka iyo nabdoonaanta kuwan oo uu aabbahay ka raadin jirey wanankii uu allabbari ahaanta u qali jirey.

    18Waxaad og tihiin inaan dabiicaddiinnii bilaashka ahayd oo aad awowayaashiin ka dhaxasheen
      laydinkaga soo furan waxyaalaha baabba’aya oo ah sida lacagta iyo dahabka, 19laakiinse waxaa
      laydinku soo furtay dhiiggii qaaliga ahaa oo Masiix oo ah sidii wan yar oo aan wax ceeb ah iyo
      iin toona lahayn. 20Isaga horaa loo yiqiin intaan dunida la aasaasin, laakiinse wakhtiyadii
      dhammaadkoodii ayaa loo muujiyey idinka aawadiin. (1 Butros 1:18-20)

Dabadeedna cutubka kan ku xiga ayaan ka akhrinnaa wax kaniisadda ku saabsan.

   9Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah,
     iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku
     yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh. 10Idinku waagii hore dad ma aydin ahayn, laakiinse haatan
     waxaad tihiin dadka Ilaah, idinku markii hore naxariis ma aydin helin, laakiinse haatan naxariis baad
     hesheen. (1 Butros 2:9-10)

Casharradan Baybalka ahi waxay aniga iga caawiyeen inay i siiyaan aasaas adag oo ah muujinta Axdiga Cusub ee la xidhiidha Ciise Masiix. Kaddib markaannu dhammaynay casharradeennii ka yimid Butros, waxaannu uga sii gudubney inaannu baranno Waraaqihii 1aad, 2aad iyo 3aad ee rasuul Yooxanaa. Dabadeedna waxaan barannay Warqaddii loo qoray dadka Cibraaniyada, taas oo ku habboonayd waxbariddii Suufiyiinta Islaamka ee ka jirtey Gobollada Dhexe ee Soomaaliya. Kitaabkan Cibraaniyada oo xoogga saaraya allabariga iyo wadaadada sare, aad buu xiiso gaara iigu lahaa, anigoo ku soo koray guri kaas oo allabarigii xoolaha aad loogaga dhaqmi jirey, annagoo kan ka raadin jirney nabdoonaan iyo saamaxaad. Waxaan anigu fahan qoto dheer u helay qarsoodiga kafaaraggudka kaas oo uu udubdhexaad u ahaa Ciisihii naftiisa u huray inuu allabbari noqdo, kaas oo ahaa Wankii Ilaahay, oo tana u sameeyey si aan innagu u helo cafis iyo furasho.

Maalintii aan guriga Marc joogney ee aan ku wada ducaysaney inuu Ruuxa Quduuska ahi aniga ii muujiyo Ciise Masiix ayaa ahayd maalintii ugu muhiimsanayd ee noloshayda. In kastoo aanan anigu markaa si buuxda u fahansaneyn waxa uu ahaa macnaha rumaynta iyo raacida Masiixu, waxaan haddana fahansanaa inaan anigu bilaabay socdaal leh caqabado iyo ujeeddooyin waaweyn. Maalintaas ayay ahayd maalintii aan dhab ahaantii soo hoydey. Casharradii Baybalka ee tan ka dambeeyey ayaa aniga i baray wax dheeraad ah oo ku saabsan Ciisihii aniga i taabtay.

 

Soo Hoyashadii

Markii aan Masiixa rumeeyey, wax badan baa ii caddaaday. Waxaan ogaa meeshaan anigu ka imid iyo meeshaan ku socdey. Waxaan ogaadey inaan Ciise iyo kaniisadda daraadood anigu si dhab ah u soo hoydey. Kuwo badan oo saaxiibbaday ah ayaa nolol dhib miidhan ah galay. Waxaana anigu rumaysanahay inay tani dhacday waayo iyagu marna hoygoodii runta ahaa may helin. Laakiinse maalintaa aan anigu Marc Erickson la tukadey, waxaan ogaa in Masiixa iyo kaniisaddu kaamileen tabashooyinkii ay naftayda ku beereen reerkii aan ka dhashay ee Muslinka ahaa iyo diintii Muslinka iyo dhaqankii bulshadii aan ku soo koray toddoba iyo tobankii sanno ee hore ee noloshayda.

Markaan Muslinka ahaa runtii waxaan anigu doonayey inaan Ilaah garto. Rumaysigii Masiixa daraadiis ayaan Ilaah ula kulmay isagoo ah Aabbahayga samada ee i jecel. Waxaan anigu aad u doonayey hubaal ah in dembiyadeydii la cafiyey. Ciise ayaan ku ogaadey in dembiyadeydii la saamaxay. Waxaan aad u tabanayey hubaal ah badbaado daa’imiyan ah, oo hadda wuxuu Ciise aniga i garansiiyey inaan jannada tegayo. Aad baan anigu mahad uga hayaa siyaalihii uu Islaamku iigu diyaariyey inaan maqlo oo rumeeyo Masiixa (Galatiya 3:23-24).

Bawlos ayaa waraaqdiisii uu Rooma u diray ku qoray, “Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynnu xagga Ilaah ku haysanaa Rabbigeenna Ciise Masiix” (Rooma 5:1). Markaan ahaa wiilka yar ee Islaamka ku baran jirey masjidkii xaafadda, waxaan anigu yeeshay dabeecad ah inaan si daacad ah oo aan googoys lahayn u tukado shantii salaadood ee aniga maalin kasta la iga rabey. Waxaan rumaysnaa inay laba malaa’igood labadayda garab ku fadhiyeen, oo ay qorayeen haddii uu miisaankaygu u liicayo, dhinaca ajarka ama dhinaca dembiga. Laakiinse, markaan Ciise Masiix rumeeyey miisaankaasi dib uma jiro, waayo Ciise ayaa booskeennii galay. Rumaynta Ciise ayaan innagu ku helaa hadiyadda saamaxaada. Tani nasteexo weyn bay aniga ii noqotay, anigoo ahaa wiil dhallinyaro ah oo markaas uun qaangaadhey oo si daacad ah u raadinaya Ilaahay iyo nabaddiisa. 

     

Kaniisaddii U Ekayd Aqalka Reer Guuraaga

Soomaalida reer guuraaga ah oo dhammi waxay ku nool yihiin aqallo la rari karo mar alaale marka uu reerku guurayo. Qisa nololeedkayguna waa sidan oo kale. Xataa intaanan Masiixa la kulmin ka hor waxaan anigu ahaa sidii reer guuraa, anigoo u dhexeeyey Xamar iyo Buulo Burte, oo muddo dheerna Jowhar joogi jirey berigii ay abaartii dheerayd dhacday. Laakiinse laga bilaabo markii aan Masiixa rumeeyey, markaasaan gurigeygii ku soo hoydey. Gurigani ma ahaa guri meel keliya ka dhisan. Sida guryaha reer guuraaga, gurigaygu badanaa socdaal buu ku jiraa. Laakiinse xaalad kasta oo jirtayba, ha ahaato xilli barwaaqo ama abaar siigo badan, markii aan anigu Masiixa la kulmay ayaan ogaadey inuu isagu yahay iridda gurigayga runta ah.

Aqal SoomaaliGurigaa runta ahina waa kaniisadda. Iyadu waa sida aqalka reer baadiyaha. Aqalkani wuxuu leeyahay dhigo iyo udubdhexaad. Udubku dhexda ayuu ka taagan yahay. Guriga dushiisana waxaa saaran hararo kuwaas oo ah caws la isku tolay.

Udubku waa Ciisihii la iskutallaabay ee sarakacay. Isagu waa tiir dhexaadka oo guriga oo dhana isaga ayaa haya. Qoriga tiirku wuxuu tusayaa iskutallaabtii uu Ciise noloshiisii ku bixiyey si uu noqdo allabarigeenna nool ee iskutallaabta. Ciisihii iskutallaabta lagu qodbay ee sarakacay waa Abuuraha iyo Nooleeyaha kaniisadda.

Kuweenna rumaysani waxaynu nahay dhigaha. Oo dhigaha oo dhammina waxay isugu yimaadaan afka ugu sarreeya ee udubdhexaadka. Dhigaha oo dhan waxaa isku haya, oo ay ku xidhan yihiin, oo kor u haya cidhifka sare ee udubdhexaadka ee ay isugu yimaadaan. Dhigtii aan udubdhexaadka ku xidhnayni waxba ma tarayso.

Waxaa kaloo jira hararada, kuwaas oo ah sidii dermo la tolay, oo dhigaha dushooda la saaro oo guriga saqafkiisa lagu dedo. Ruuxa Quduuska ah ayaa innagoo dhigihii ah isku keen tola si uu saqaf ina ilaaliya inoo siiyo. Ruuxa Quduuska ah ayaa xadhko jacayl isugu keen tola. Hararadu waxay kaloo tusaale ka bixin karaan nimcada Masiixa; markaa waxaa innaga isku keen tolay nimcada iyo jacaylka Masiixa, oo ah xaqnimadeenna iyo dedkeenna.

Maalintaa markii aan anigu rumeeyey oo naftayda Ciise Masiix u hibeeyey, waxaan anigu noqday sidii dhig ka mid ah dhigaha guriga Ilaahay, kaas oo ah kaniisadda. Kaas ayaa ah gurigeyga, hadda iyo weligeedba. Anigu weligey keli ahaan Ciise Masiix lamaan socon. Tani waxay la mid tahay sidii dhig keliya oo iyadu rabta inay kor isu taagto, iyadoo isku deyeysa inay keligeed hararada dusha ka saaran hayso; taasi suurtaggal ma aha. Waa inaynu mar kasta wehelnimada kaniisadda laga helo ku dhex noolaanno. Markaan naftayda Masiixa u dhiibey, Ruuxa Quduuska ah ayaa aniga igu xidhaya dhigaha kale oo dhan, oo waxaa aniga la igu tolayaa dhammaan cawska kale ee guriga dusha ka saaran. Aad baan ugu faraxsanahay gurigaa dhexdiisa kaas oo aan ku nabdoonahay deditaanka aan nimcada Masiixa ku dedanahay.

 

Masjidka Iyo Kaniisadda

Inkastoo ay xiddidadaydii hore ee Muslinnimadu ii diyaariyeen inaan injiilka raadiyo, dhaxalkaygii Muslinnimadu ma aha injiilka. Masjidkuna ma aha kaniisadda. Sababtan daraadeed, markii uu Ruuxa Quduuska ahi aniga ii yeedhay, oo aan anigu qirtay aamminaada Ciise Masiix, isla markiiba waxaa aniga ii cadaatay inaanay masjidka iyo kaniisaddu isla socon karin. Sidaa daraadeed markaan Masiixiga noqday dabadeed anigu dib masjidkii ugumaan noqon si aan halkaa ugu soo tukado. Waxaan ogaa in gurigaygii hore ee Islaamku uu ku taagan yahay tiir nooc kale ah, kaas oo ahaa Quraanka.

Waxaan og ahay inay qaar asxaabtayda ahi labada dhinacba ka tirsan yihiin kaddib marka ay Masiixa rumaystaan. Waxay iyagu isku dayaan inay labada bulshaba lug kula jiraan, waa masjidka iyo kaniisadda e. Anigu iyaga ma eedaynayo. Qaar iyaga ka mid ah ayaa aniga ii sheega in marka ay labadaba ka qayb qaataan ay albaabo ay Masiixa ugu markhaati-furayaan iyaga u furmaan. Laakiinse haddii aan ka hadlo waxa aan anigu tan ka aamminsanahay, waxaan rumaysanahay inay Masiixiyiintani ku wareersan yihiin garashada kuwa iyagu dhabtii yihiin, shakhsi ahaan iyo sidoo kale xidhiidhka ay iyagu bulshada Muslimiinta ah la leeyihiin. In la isku dayo in masjidka iyo kaniisadda labadaba laga tirsanaado waxay keentaa xaalad qaxootinimo oo kale. Waxaan rumaysanahay inay muhiim tahay inay kuu caddahay meesha uu gurigaaga runta ahi yahay iyo ka aad adigu tahayba. Sababtan daraadeed, laga soo bilaabo maalintii uu Masiixu ila kulmay, gurigaygu kaniisadda ayuu ahaa, oo Masiixa oo keliya ayaa udubkayga ahaa.

 

Baabtiisamkii

Barashadaydii Baybalka ee markaan Xamar joogey ayaan ku bartay in xertii Ciise la baabtiisey. Aniguna waxaan doonayey inaanay tani iska yeel yeel iga noqon, laakiinse aan ilaa ugu dambaysta raaco. Waxaan ogaa in dhaqankii Islaamka ee Soomaalidu Baabtiisamka u arkayey meesha ugu dambaysa ee aan laga soo laaban karin iyo in tani keeni kartey dhibaato igu timaada sida reerka oo i dayriya iyo xataa hanjabaado dil ah. Laakiinse sidaas oo ay tahay waxaan anigu doonayey inaan ka markhaatifuro sida ay aniga iiga go’nayd inaan rumeeyo oo raaco Masiixa. Sidaa daraadeed, dhowr bilood kaddib maalintaa 1971-kii ahayd, markii aan Buulo Burte joogey, ee aan anigu gurigaygii runta ahaa helay, ayaan aniga iyo mid saaxiibkay ahi codsanay in nala baabtiiso. Si sanqadh yari ah ayaannu aroortii hore kaga soo baxnay xaruntii SIM ee Muqdisho iyadoo ay weli mugdi tahay, iyadoo aadaankii ugu horreeyey markaa magaalada ka yeedhayo. Saddex Masiixiyiintii SIM-ta ah ayaa nala socdey, iyo ugu yaraan walaal kale oo Soomaali ah. Waxaana annaga nalagu baabtiisay Badweynta Hindiya, meel xeebta Liido bariga ka ah oo ku taal xaafada Kaaraan ee Xamar.

Maalintii la i baabtiisay waxaan anigu Ilaahay hortiisa iyo dadkii kale hortoodaba ka qirtay inay iga go’nayd inaan rumeeyo oo raaco Ciise Masiix anigoo ka tirsan kaniisadda; marna dib ma eegin.

Cutubka 1aad                                                                                                                Cutubka 3aad

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Cutubka 2-aad: Islaamka Ilaa Iyo Injiilka:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: 1 Butros 1:18-20; 1 Butros 2:9-10

  1. Ka feker socdaalkii Axmed ee Islaamka ilaa iyo injiilka. Siyaalehee ayaad shaqada Ruuxa Quduuska ah ee Ilaah uga dhex garan kartaa socdaalkan Axmed?

  2. Ka feker Masiixiyowgii Axmed. Door intee le’eg ah ayay Masiixiyiintii ka ciyaareen inuu Axmed rumeeyo Ciise Masiix? Maxaynu innagu ka baran karnaa qisadan Axmed oo ku saabsan sida aynu dadka kale ee aan weli Masiixa rumaysan isaga u gaadhsiin lahayn?

  3. Axmed wuxuu sheegay in markuu isagu Ciise Masiix rumeeyey oo kaniisaddana ka midka noqday ayuu isagu gurigii yimid oo soo hoydey. Siyaalehee ayuu isagu u soo hoydey?

  4. Isagu wuxuu carrabka ku adkaynayaa inuusan masjidku la mid ahayn kaniisadda. Sidee bay kuwani isugu eg yihiin? Sidee bayse u kala duwan yihiin?

  5. Muslimiin badan oo Masiixa rumeeya ayaa sii wada inay ugu yaraan intii wakhti ah masjidka wax ku sii caabudaan. Axmed wuxuu si cad u sheegayaa inuusan isagu marna sidaas samayn. Muxuu isagu sababo uga dhigay go’aankiisii ahaa inuusan mar dambe masjidka ku noqon? Sidee ayuu go’aankiisaasi adiga kula yahay?

  6. Wax ka sheeg siyaalaha uu aqal Soomaaligu kaniisadda ugu eg yahay. Siyaalahee ayuu u ekaanshahaasu caawimaad uga geysan karaa in dabeecadda kaniisadda la fahmo?

Cutubka 1aad                                                                                                                Cutubka 3aad



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved

BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (SoundCloud)