Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

CUTUBKA 3-AAD

Masiixa Mise Taajirnimo

Nayroobi (1973-74)

Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
                                                                           — Sabuurka 23:1

 

Dhaarahaygii Baabtiisamku waxay shaanbad u ahaayeen go’aankaygii kama dambaysta ahaa ee ahaa inaan rumeeyo oo la socdo Masiixa inta noloshayda ka hadhay oo dhan. Haddii aan erayadii Masiixa isticmaalana, gacantaydii ayaan mixaraatka [qalabka beeraha lagu carro rogo] saaray, dibna maan eegin (Injiilka sida Luukos u qoray 9:62). Laakiinse, tan macnaheedu ma aha inaanay mararka qaarkood i soo marin wakhtiyo aad u xunxuni kuwaas oo ahaa qiimihii ay ahayd inaan ku bixiyo go’aankaa aan gaadhay.

Dhibaatadii ugu horreysey ee iga hor timid kaddib markii aniga la i baabtiisay kaddib waxay ahayd sidii aan ula dhaqmi lahaa kacaankii Shuuciga ahaa ee Soomaaliya ka dhashay laba sanno markaa ka hor. Kacaankaasii wuxuu dhashay 21-kii Oktoobar, 1969-kii, markii ay ciidammadii qalabka siday dileen madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Markaa ka hor, siyaasadda Soomaaliya waxay ahayd mid musuqmaasuq ah, laakiinse isbedbeddel badan. Soomaalidu waxay ku dhaqmi jirtey oo jeclayd hab dimoqraadi ah oo ku dhisan qabaa’il. Raysal-Wasaarayaashu waxay ku soo bixi jireen oo ku dhici jireen habkii is jiidjiidka badnaa ee sannadihii ka dambeeyey xorriyada. Xataa Madaxweynayaashu doorasho ayay ku imaan jireen. Oo sheekooyinka makhaayadaha ee xiisaha lihi waxay ahaan jireen doodaha markaa baarlamaanka ka socda. Dimoqraadiyada Soomaaliya waxay ahayd mid ku dhisan is doorasho inkastoo ay mararka qaarkood qas badnayd.

Dabadeedna Kacaankeenii Oktoobar ayaa waxaas oo dhan beddeley. Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, oo ciidammadu taageerayaan oo welibana taageero xoog leh ka haysta Ruushka, ayaa Soomaaliya ka hirgeliyey kacaan Shuuci ah. Oo waxaa la rabey in Soomaaliya laga dhigo mid Ruushka hoos tagta. Markii uu kacaankii hirgalay, hay’adaha badankoodii dawladda ayaa la wareegtey. Markii 1972-kii la gaadhey dawladdu way la wada wareegtey hantidii ay lahaayeen Sudan Interior Mission (SIM) iyo Somalia Mennonite Mission (SMM).

 Tani waxay ahayd dhibaatadii labaad ee weyneyd ee la soo gudboonaata SIM iyo SMM. Tii ugu horreysey waxay dhacday 1964-tii, oo ahayd shan sanno ka hor kacaankii 1969-kii. Berigaas, SIM iyo SMM waxaa labadaba la soo gudboonaadey caqabad adag. Dawladdii markaa xornimada qaadatay ayaa iskuulladii ay Masiixiyiintu maamulayeen ku soo rogtay inay iskuulladooda ku baraan Af-Carabiga iyo Diinta Islaamka, iyagoo isla markaana laga rabey oo kale inay mamnuucaan in la faafiyo diin aan ta Islaamka ka ahayn. Oo dawladdii waxay u ballanqaaday iyaga macallimiin maaddooyinkan dhiga. Maxay SIM iyo SMM tan ka yeeli dooneen? Wakhtigaa waxaa jirey dhowr kooxood oo ah Soomaali rumaysan Ciise Masiix, kuwaas oo diyaar u ahaa inay labadan hay’adood ee Masiixiga ah la taliyaan. Inkastoo ay fikraddo kala duduwani jireen, waxaa aniga la ii sheegay inay kuwo badani hay’adahan kula taliyeen inay rabitaanka dawladda yeelaan. Waxay iyagu ku taliyeen inay tani keeni karto is aamminaad. Masiixiyiintii Soomaalidu waxay ogaadeen inaan Ruuxa Quduuska ah xaallado jirey hor istaagi karin, iyo inuu injiilku ahaa awoodda Ilaahay. Markaa, may ahayn inay hay’adahan Masiixiyiinta ahi ka cabsadaan ama diidaan caqabadahan.

Intii ay tan go’aanka ka gaadhayeen, SIM iyo SMM laba waddo oo kala duwan bay qaadeen. SIM iskuulladoodii way xidhay, kuwaas oo uu ku jirey iskuul ay iyagu Buulo Burte ku lahaayeen, oo waxay doorteen inay shaqada caafimaadka keliya ka shaqeeyaan, laakiinse SMM waxay go’aansatay inay dawladdii la shaqayso; tan oo keentay inay SMM si weyn u sii ballaadhiso barnaamijkoodii waxbarashada, oo markii dambe uu ka mid noqday dugsi sare oo aad u wanaagsanaa oo magaciisa la odhan jirey Dugsiga Sare ee Shabeelle.

Markii la gaadhey la wareegidii dawladda ee 1972-dii, shaqaalihii SIM ee joogey aad buu u yaraa. 1973-dii oo ahaa sannad kaddib markii ay dawladdu xarumahoodii la wareegtey, SIM intii wakhti ah Soomaaliya way ka wada baxday. Laakiinse, waxaa markaa SMM Soomaaliya ka joogey 40 shaqaale Masiixiyiin ah, kuwaas oo badankoodu ka shaqaynayey hay’ado dawli ah oo ay dawladdu iyaga ku qortay. SMM waxay rajeyneysey inay shaqada sii waddo iyadoo ay shaqaalohoodu ka shaqaynayaan barnaamijyada dawladda. Laakiinse, dawladdu waxay dooneysey inay si tartiib tartiib ah u yarayso shaqaalihii SMM. Afar sannadood kaddib, oo ahayd 1976-dii, dawladdii waxay SMM uga mahadcelisay shaqadoodii, oo waxay ka codsatay inay shaqaalihii Masiixiyiinta ahaa oo dhammi waddanka ka baxaan. Muslimiintii may ahayn, ee waxay ahaayeen kuwii kacaanka watay ee bilaa-diinta ahaa kuwii ku adkaystay in Somalia Mennonite Mission ay Soomaaliya ka baxo, isla sidii ay Sudan Interior Mission hore u samaysay. Wakhtigaas ayaa aniga la i baabtiisay markaasoo ay xooggagii siyaasaddu caqabadaha adag ku keeneen joogitaankii SIM iyo SMM ee Soomaaliya. Dhab ahaantii waxaa berigaasi ahaa wakhtiyo kacaannimo.

 

Diidmadaydii Inaan Habkii Shuuciyadda Doorto

Kacaanku wuxuu u baahnaa saraakiil iyo hoggaamiyayaal fikradda shuuciyadda aamminsan. Tan aawadeed waxaa la bixin jirey deeqo waxbarasho oo badan kuwaas oo loo tegi jirey jaamacadihii waddamadii Shuuciga ahaa ee Bariga Yurub iyo Ruushka. Kuwo badan oo saaxiibbaday ah ayaa deeqahan waxbarasho la siiyey isla markii ay iyagu dugsiyadii sare dhammeeyeen. Saaxiibkayagii ugu fiicnaa wuxuu waxbarasho ka helay Jarmalka Bari, oo halkaasuu aadey. Aniguna aad baan ugu hiloobayey inaan isaga ka daba tago.

 Laakiinse, kacaanka markaa hanaqaadayey aniga welwel buu igu dhaliyey. Jeneraal Maxamed Siyaad Barre waxaa loogu yeedhi jirey, “aabbahayaga guuleysta.” Waxaa la qaadi jirey hees lagu magacaabi jirey “Guulwade Siyaad, Aabbahii garashada”. Sidani waxay ahayd sanam-caabudis oo kale. Ilaahay oo keliya ayaa wax kasta og. Aad baan anigu tan uga biyaddiiday.

Dabadeedna waxaa Muqdisho badhtankeeda yimid wafti ka yimid Almaty, Kazakhstan, oo ahayd mid ka mid ahayd Jamhuuriyadaha Ruushka ee Badhtamaha Aasiya ku yaal. Bannaanbixii weynaa ayaa waftigii annagoo Soomaalidii ah noo qaaday heeso ku saabsan Lenin. Masiixiyiintu waxay ku heesaan inuu Masiixu nool yahay. Oo wafdigan reer Kazakhstan wuxuu soo xaday muusikadii hees Masiixi ah oo ku saabsan sarakiciddii Ciise oo lagu magacaabo “Isagu Waa Nool Yahay,” laakiinse meeshii “Ciise” ayay magaca “Lenin” ku beddeleen. Aad baan tan uga naxay oo uga xumaaday! Lenin wuxuu ahaa ninkii hindisey Kacaankii Shuuciyadda ee Soofiyeedkii hore; oo isagu konton sanno ka hor ayuu dhintay. Sidaasoo ay tahay iyagu kumay heesayn “Masiixu waa nool yahay”, laakiinse waxay ku heesayeen “Lenin waa nool yahay!” Aad baan tan uga qalbi xumaaday!

Waxyaalahaas oo dhan waxaannu kuwayagii ardaydii dugsiga sare ka dhex arkeyney in jidka heerka sare, sharafta iyo shaqo fiican lagaga gaadhayo Soomaaliyadii kacaanku haystey uu ahaa in la aqbalo deeq waxbarasho oo loo tago Jarmalkii Bari. Laakiinse anigu waan ogaa inaanan labadan daacad u wada ahaan karin – oo aanan daacad u wada ahaan karin Masiixa iyo Shuuciyaddii Siyaad Barre labadaba. Doorashadu aniga way ii caddayd: taajirnimo ama Masiixa. Waxaan anigu go’aansaday inaan iska ilaawo hankaygii ahaa lacag iyo shaqo aan habkaa ku helo. Waxaanna gaadhey go’aan kama dambays ah oo aan ku diidayo deeqdii waxbarasho ee Jarmalka Bari. Soomaaliya waa ka tegayey, oo Jarmalka Bari maan aadeyn, laakiinse xaggaa iyo koonfurta oo ah Kiinya.

Waxaan anigu rajeynayey inay Kiinya i siin doontey fursad si dheeraad ah iigu caddaynaysa la socodkaygii Masiixa. Inkastoo aan markaan Masiixa la kulmay ogaadey inaan gurigii imid oo soo hoyday, haddana waxaan weli la legdamayay su’aalaha aasaasiga ah ee ku saabsan Masiixa iyo kaniisadda. Sidii Bawlos, kaas oo saddex sanno Careebiya ka shaqaynayey oo ka fekerayey waxa macnaheedu ahaa inuu isagu Masiixi noqday (Warqaddii rasuul Bawlos u qoray dadkii Galatiya 1:17-18), aniguna sidaas oo kalaan ugu baahnaa wakhti iyo meel aan kaga fekero macnihii ay lahayd la kulankaygii Masiixa.

Fikradahayagii Muslinnimada marka la eego, Ilaahay maskaxdeenna aad iyo aad buu uga weyn yahay, isaga ayaana awood oo dhan leh. Sababtan daraadeed Muslinka kuma jirto Ilaahay oo binii’aadan noqday (Ilaahay oo si buuxda Masiixa dhexdiisa binii’aadan ugu noqday), iyo iskutallaabta (Masiixa oo silcaya oo dhimanaya). Fikradahaygii hore ee Muslinnimada ahaa waxay ku adkaysanayeen in binii’aadan noqoshada Ilaahay iyo iskutallaabtu aanay suurtaggal ka ahayn Ilaaha weyn ee awoodda leh; sidaas oo ay tahay Ilaah oo binii’aadan noqday iyo iskutallaabtu waa nafta injiilka ama akhbaarka wanaagsan. Markaa waxaan anigu u baahnaa wakhti aan dadkayga kaga dhex baxo oo ka fekero fekerro diineedkan cusub ee isbeddelka weyn leh ee uu injiilku rabey. Sidaasna dalka Kiinya dhexdiisa ayaan ku sameeyey, meel ka fog dhulkaygii, iyo fikradihii hirdamayey ee Shuuciyada iyo Islaamka. Asxaab ayaan Kiinya ku lahaa; oo dhab ahaantiina iyagu way i soo dhoweyn dooneen.

Ka hor intii aanan ka soo bixin Soomaaliya, anigu waxaan socdaal macasalaamo ah ugu baxay Buulo Burte, tuuladaydii siigada badnayd ee aan jeclaa. Oo aabbahay iyo hooyaday ayaan u sheegay qorshahaygii ahaa inaan Kiinya u safro. Xidhiidh fiican ayaa waalidiintay la lahaa. Markii aan ku jiray sannadihii dhexe ee qaangaadhnimadayda ayaa aabbahay ogaadey inaan anigu noqday mid Ciise Masiix rumaysan. Markii ay odayaashii magaaladu aabbahay ku eedeeyeen inuusan aniga tan igu canaanan, isagu mar kasta wuu igu difaaci jirey go’aankaygii ahaa inaan Masiixa rumeeyo. Dhowr sanno kaddib markii aan Soomaaliya dib ugu laabtay, oo aan ka shaqaynayey dhowr mashruuc oo horumarineed oo Masiixi ah, odayaashii qabiilku waxay aabbahay ku adkeeyeen inuu aniga tallaabo adag iga qaado. Laakiinse intaan anigu ka war hayo, aabbahay wuxuu mar kasta ahaan jirey difaacahayga ugu fiican. Kuwa isaga eedaynaya wuxuu ugu jawaabi jirey, “Markaa ma waxaad igu leedihiin, ‘Wiilashayadu waa Muslimiin fiican? Intee jeer bay iyagu tukadaan? Oo maxay iyagu horumarka bulshada ka qabteen? Marka hore idinku fiiriya wanaagga uu wiilkaygu samaynayo intaydaan isaga caqiidadiisa daraadeed ku eedayn.’”

Anigu aad baan mahad weyn ugu hayey sidii uu aabbahay iigu taageeray go’aankaygii ahaa inaan Masiixa raaco, markii aan rabey inaan Kiinya u safro isaga barakadiisa ayaan aad u doonayey. Ta intaa ka weyn ee kale ee aan isaga ka rabey waxay ahayd caawimaadiisa xagga kharashka. Markaa aabbahay waxaan hordhigay codsi laga xishoodo, oo ahaa, “Fadlan aabbow, aniga hadda dhaxalkaygii i sii.” Dhaxalka waxaa la qaybiyaa marka uu aabbuhu dhinto. Oo waan ogaa inuu codsigaygani ahaa mid aan meesha ku haboonayn oo indho-adayg ah.

Nasiib wanaag, aabbahay si deggan buu niyadda iigu dejiyey. Siduu mar kasta samayn jirey, deeqsinimadiisii way igaga yaabisay. Codkiisii degganaa, kaas oo aan u tixgelin jirey, ayuu aniga iigu jawaabay, “Dhaxalkaaga hadda kuma siinayo. Lacagna adiga kuma amaahinayo. Laakiinse waxaan adigu ku siinayaa 500 oo Shilin Soomaali ah oo hadiyad ah. Intaa waxaa sii dheer inaan ku siiyey barakadayda oo buuxda! Wiilkaygiiyow, aaditaankaaga Kiinya waa go’aan sax ah. Waxaad adigu go’aansatay inaadan Jarmalka Bari tegin; kaasina waa go’aan xigmad ah. Mustaqbalka, haddii aad guriga dib ugu soo noqotid, waxaa jiri doona wakhti ku habboon oo adiga iyo carruurtayda kale oo dhan dhaxalka loo qaybiyo.”

 

Socdaalkii Kiinya

Inaan gurigayagii ka soo baxo anigoo wata barakadii iyo caawimaaddii lacag ahaaneed ee aabbahay waxay ahayd mid aad niyad wanaag iyo dhiirrigelin ii siisay. Qalbigayga waxaa ka buuxay mahadnaq; tani waxay ahayd jawaab uu Aabbahayga jannadu ka bixiyey ducooyinkaygii!

Markaan Muqdisho ku soo laabtay, si hoos hoos ah ayaan saaxiibbaday iyo kaniisaddii u macasalaameeyey. Taasi maalin muhiim ah ayay ahayd; Soomaaliya ayaa hoygayga ahayd labaatankii sanno ee la soo dhaafay. Luulyo 4, 1973-dii, ayaan Kiinya u socdaalay. Baabuur xamuul ah ayaan raacay, kaas oo afar iyo toban maalmood sii socon dooney, jid aan la dayactirin oo dhex maraya duurka ee koonfurta galbeed ee Soomaaliya iyo waqooyiga bari ee Kiinya, dhererkiisuna ahaa 1,000 mayl (1,600 kiilomitir).

Aad bay u dhib badnayd in laga gudbo xuduudka fog ee u dhexeeya Ceel Waaq iyo Mandheera. Anigu waraaqo sharci ah maan haysan. Markaa iyadoo aan xuduudka weli la gaadhin ayaan anigu baabuurkii ka degey, oo aniga keligey ayaa intaas oo mayl soo lugeeyey anigoo dhex maraya jiqdii.

Si rajadaydii loo dhiso, waxaa aniga i dhiirrigeliyey Sabuurka 23-aad. Sabuurkani wuxuu qeexayaa Rabbiga oo ah Adhijirkayga Wanaagsan - Wehelkayga, Badbaadiyahayga iyo Hogaankayga socdaalkii dhibta badnaa ee aan anigu bilaabay. Anigu ma dareemin doonis ah inaan u baahnaa xirsi ama qardhaas aayado Quraan ahi ku qoran yihiin. Awoodahan sixirka ku dhisani dhadhan iima lahayn, waayo waxaan anigu si shakhsiyan ah u aqaaney Adhijirka Wanaagsan. Waa la i dhiirrigeliyey intii aan anigu akhrinayey Sabuurkaa. “In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya. Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis.” (Sabuurkii 23:4-5). Anigu waan ogaa in haddii la i qabto uu halkaa socdaalkaygu ku dhammaan lahaa oo xataa taasi ay naftayda khatar gelin kartey. Laakiinse xataa dooxadii dhimashada dhexdeeda, Ilaahay halkaas wuu joogey.

 Intii aan xuduudka u soo lugaynayey ayaa alaabtaydii la waayey, kuwaasoo uu Baybalkaygiina ku jiro. Anigu ma garanayo sidii ay taasi ku dhici kartey, laakiinse waxaa laga yaabaa in kuwaas la xaday intii aan nasanayey oo gama’sanaa. Lumitaankii alaabtaydu wuxuu aniga ii ahaa digniin ah sidii aan xaalad aan la isku hallayn karin ugu jirey. Sidaas oo ay tahay waan diidey inaan baqo oo waxaan ku dhegey in “Rabbigu Adhijirkayga yahay!”

Darawalkii baabuurka ayaa mar labaad meel shishe oo Kiinya ah iga qaaday. Marka aan meel booliisku dadka baadhayo ku soo dhowaanaba baabuurkaan ka degayey, oo dhowr mayl soo lugeynayey oo haddana meel xerada booliiska ka shishaysa baabuurka kula kulmayey. Markii la gaadhey Wajeer oo ku taal gobolka Soomaalidu degto ee waqooyi bari ee Kiinya dhexdiisa, darawalkii ayaa habeenkii gurigiisii i geeyey, oo iiga digey inaanan qofna la hadlin haddii kale lahjadaydii Af-Soomaaliga ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa i fashili lahayd.

Ugu dambayntii, Luulyo 18, 1973-dii, 9:00 fiidnimo, ayaan baabuurkii kaga degey Jidka Lix iyo Tobnaad ee Islii (Sixteenth Street, Eastleigh) ee Nayroobi. Oo isla halkaana waxaa markaa taagnaa saaxiibkaygii qaaliga ahaa ee Aardoon! Runtii Rabbigu wuxuu ahaa Adhijirkayga oo Isagaa i ilaalinayey ilaa iyo hadda.

Markaasaan Aardoon weydiiyey, “Xaggee ayay David iyo Grace Shenk, iyo Ron iyo Rufus Hartzler ku nool yihiin?”

Reer Shenk iyo reer Hartzler waxay ka mid ahaayeen Masiixiyiintii Mennonite-ka ahaa ee ugu horreeyey ee Soomaaliya ka soo baxay isla markii ay dawladdu bilowday inay iskuulladii la wareegto 1972-dii.  Qoysaskani waxay soo degeen xaafadda Eastleigh ee Nayroobi si ay halkaa uga sii wadaan doonistoodii ahayd inay dadka Soomaaliyeed caawiyaan. Meeshan Soomaali baa aad u degganayd, oo waxay ahayd oo kale xarun ay ku kulmaan oo ay ku kala warqaataan Soomaalidii degganeyd waqooyi bari ee Afrika. Aardoon ayaa aniga i geeyey guryihii ay reer Shenk iyo reer Hartzler ku noolaayeen. Goor dambe oo fiidkii ah bay ahayd oo way yaabeen markay aniga i arkeen, laakiinse si fiican bay iyagu ii soo dhoweeyeen. Habeenkaa gurigii reer Shenk baan ku baryey.

Shantii boqol ee shilin ee aabbahay safarkayga Kiinya ii soo siiyey waxaa markaa iiga sii hadhay 180 shilin. Safarkii waxaa igaga baxay 320 shilin. Ilaahay baan uga mahad celiyey jacaylkiisa iyo daryeelkiisa, oo uu ku jiro siduu baahidaydii u daboolay!

 

Kaniisaddii Eastleigh

Sannad iyo wax yar waxaan degganaa xaafadda Eastleigh ee Nayroobi oo guri ii ahayd. Mennonite-ka ayaa dhisme shan guri ka kooban ka kiraystay Jidka Siddeedaad ee Eastleigh (Eighth Street) si ay taas uga dhigaan xarun bulsho. Wakhtigaas waxay iyagu fureen oo kale hal fasal oo wax lagu dhigto iyo maktabad. Hal guri oo ka kooban laba qol ayaa waxay guri u ahayd ilaa lix wiil oo walaalo Soomaaliyeed oo Masiixiyiin ah kuwaas oo Kiinya yimid sidii anigoo kale. Dermooyinkayaga ayaannu dhulka ku gogli jirney oo habeenkii ku seexan jirney, oo maalintiina waxaannu ku mashquulsanayn hawlo kala duwan oo xarunta ka jirey.

Kooxdii Mennonite-ka ee Soomaaliya laga soo saaray waxay halkaa ka bilaabeysey kaniisad taas oo isu keenta Masiixiyiintii Mennonite-ka ahaa ee reer Kiinya iyo Tansaaniya kuwaas oo markaa Nayroobi ku noolaa. David luuqadda Sawaaxiliga ayuu yaqaaney, maadaama uu isagu Tansaaniya ku dhashay, oo isaga ayaa wadaad ka noqday kaniisaddaa Af Sawaaxiliga ku hadleysey. Masiixiyiintani waxay ku tukan jireen meel ilaa laba mayl magaalada u jirta, dhisme magaciisa la odhan jirey Avon. Isla markiiba si buuxda ayaan anigu kuwan uga mid noqday. Inkastoo aan anigu ahaa Soomaaliga keliya ee kaniisaddaa ka qayb geli jirey, marar badan ayaan aniga iyo carruurta reer Shenk iyo asxaabtoodii Kiinyaatiga ahaa ee aan deriska ahayn kaniisadda u soo lugeyn jirney ilaa shan-iyo-afartan daqiiqo. Taasi mid aan caadi ahayn bay ahayd, waayo Soomaalidu aad uma dhexgalaan dadyowga kale. Inkastoo ay khibradani aniga igu cusbayd, aad baan haddana uga heli jirey kaniisaddan dadyowga kala duwan ka kooban. Inyar markaa kaddibna waxaa aniga la ii doortay inaan khasnajigii kaniisadda noqdo. Waxaan bartay Af Sawaaxili igu filan oo aan isku deberi karo. 

Kulan kale ayaa markaa ka bilaabmayey dhismihii ku yaalley Eighth Street ee Eastleigh dhexdiisa — kaasoo ay ku kulmayeen koox Soomaali Masiixiyiin ahi. Kulankana si buuxda ayaan uga mid noqday. Subaxda Jimcaha ayaannu gurigaannu degganeyn ee Eastleigh ku kulmi jirney. Ujeeddadayaduna waxay ahayd inaan magaalada ka diyaarino kulan firfircoon ay Soomaalida Masiiyiinta ahi leeyihiin. Kulankani isbeddelo badan ayuu soo maray, kuwaas oo hoos u dhac iyo sare u kacba lahaa, oo kani muu ahayn mid mar kasta si toos ah u socda. Laakiinse labaatan sannadood kaddib, qoyskaygii ayaan Nayroobi kula soo laabtay oo waxaan hoggaan u noqday kulan Masiixiyiin Soomaaliyeed oo koraya. Rabbiga ayaa runtii hirgeliyey riyadayadii hore ee aan labaatan sanno hortood Eastleigh ka lahayn.

Hadday tirada rumaystayaashu sannadahaas badnayd ama yaraydba, waxaa mar kasta jirey doonitaan ku adkaysi leh oo ahaa inay Nayroobi ka soo baxdo Kaniisad af-Soomaaliga ku hadasha. Marka riyadan laga hadlayo, Nairobi Mennonite Church oo ay 1970-kii Eastern Mennonite Mission ka bilowday xarunta Eighth Street, hadda wuxuu noqday xarun ay ka socdaan hawlo noocyo kala duduwan isugu jira, oo waxaa hadda taa lagu magacaabaa Eastleigh Fellowship Center. Toban sannadood ayay qaadatay in lagu sameeyo xaruntan iyo hawlaha kala duwan ee iyada lagu qabto. Maanta, kun qof ayaa toddobaadkii xaruntaa isticmaala, kuwaas oo ay ku jiraan boqolaal Soomaali ah. Tani waxay ku taallaa meel warka ku habboon oo ay warka ku kala qaataan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga-bari iyo Bariga Afrika.

Nairobi Mennonite Church taas oo ku kulmi jirtey meel dhowr mayl u jirta Eastleigh ayaa ahayd khibaraddaydii ugu horreysey ee aan ku arko kaniisad ay wax ku wada caabudayaan qoysas isu yimid oo isku meel ku nooli. Masiixiyiinta Soomaalidu si aan joogto ah ayay isugu imaan jireen iyagoo ka koobnaa kooxo yar yar oo niman dhallinyaro ah. Dumarka Soomaaliyeed ee Masiixiyiinta ahi way yaraayeen, carruurtuna kamay soo qaybgeli kari karin. (Marka laga reebo in koonfurta Soomaaliya uu ka jiri jirtay koox Soomaali Baantuu ah oo isu imaan jirey oo xidhiidh la lahaa Kiinya.) Tan waa in la sheego inaanay jirin qoysas Soomaaliyeed oo Masiix ahi. Dabcan, caabudaaddii Muslimiinta ee bulshadaydii iyadana marna qoysaska oo dhammi kama qaybgeli jirin. Kaniisaddii soo baxaysey ee Soomaalidu way ka gudbi weydey dhaqankii Muslinka ee ahaa in ragga iyo dumarku aanay isku meel ku wada tukan karin. Inkastoo kulamadayadii caabudaadda Soomaaliyadii Islaamka ahayd looga dulqaadan jirey, haddana sharcinimada jiritaanka kuwan calaamatul su’aal ayaa saarnayd. Laakiinse Eastleigh dhexdeeda si bayaan ah ayaannu annagu kaniisad u ahayn. Aad baan uga heli jirey xorriyadaha diinta ee Kiinya ka jirey.

Fiidadka Axadda waxaan Ilaah kula caabudi jirey Kaniisadda Pentecostal-ka ee Nayroobi (Nairobi Pentecostal Church). Bal ka feker sidii ay iiga yaabisay markii ugu horreysey ee aan kaniisaddan ka qaybgalay. Halkan, boqolaal qoys ayaa Ilaah wada caabudayey! Kun niman, haween, iyo carruur ah ayaa isku meel isugu yimid inay Ilaah ku caabudaan. Wadaadkii Kanadiyaanka ahaa ee Mervyn Thomas si xoog leh ayuu Baybalka uga wacdiyi jirey; anigu wacdi kan oo kale ah weligey hore umaan maqlin. Bogsiin mucjiso leh iyo nololo isbeddel ku dhacay waxay ahaayeen waxyaalo dadku caadi ahaan ka fili jireen inay ka dhex dhacaan caabudaaddooda toddobaadlaha ah.

Markaa si buuxda ayaan anigu u dhexgalay saddexdan nooc ee Masiixiyada ah: Mennonite-ka bariga Afrika, Soomaali asal ahaan Muslin ka soo jeeda, iyo caabudaaddii Pentecostal-ka ee firfircoonayd. Waxay u eg tahay inay caabudaadda masaajidku adduunka oo dhan isku mid tahay; sida ay iyagu u tukadaan waa isku mid, laakiinse Nayroobi waxaan ku arkay kaniisad noocyo badan isugu jirta, tan oo aad u wanaagsanayd. Aad baan jeclaaday hab caabudaaddii yaabka lahaa ee kaniisadda Ciise Masiix.

 

Fursado Aan Ku Adeego

Xarunteenna Eighth Street jidka ayay dhinaca kale kaga taalley, oo waxay ilaa boqol tallaabo u jirtey masjidkii jidka geeska kale kaga yaalley. Xidhiidh fiican ayaannu annagu la samaysanay dadkii masjidka ku tukan jirey. Mararka qaarkood qaar masjidka madaxdiisa ah ayaa xaruntayada noogu imaan jirey oo aannu wada sheekaysan jirney waxna wada cuni jirney. Xidhiidhkaasi wuxuu caawimaad ka geystey in la aqbalo inuu aasaasmo kulan Soomaaliyeed oo Soomaali Masiixiyiin ah, kuwaas oo dhammaantood asalkoodii hore Muslin ahaa. Berigaas masjidkaas Suufiyiin baa lahaa, oo ah firqo ka mid ah firqooyinka Islaamka oo caabudaadda Ilaah jecel, kuwan oo badanaa u dulqaata dadka diimaha kale aamminsan. Dhaqdhaqaaqa Suufiyiintu waxay doonaan inay Ilaahay dareemaan; Islaamka noociisa kale wuxuu isku hawlaa inuu sameeyo doonista Ilaahay, laakiinse iskuma dayaan inay Ilaahay dareemaan ama khibrad aad u dhow u yeeshaan. Marar badan injiilku wuu xiisageliyaa Suufiyiinta, dhab ahaantiina Ciise iyo shaqadiisii uu Ruuxa Quduuska ah ku dhex sameeyey ayaa ah mid kaamishay doonitaanka ruuxiyanka ah ee Suufiyada. Bulshooyinka Suufiyiinta ah waxaa badanaa loo aqoonsadaa inay yihiin bulshooyin nabadda jecel. Xaruntayadu waxay ahayd xarun nabadeed taas oo Masiixu tiir dhexaad u yahay. Suufiyiintu waxay isku hawli jireen caabudaad jibbaysan oo qoto dheer; annaguna waxaannu ahayn bulsho uu Ruuxa Quduuska ahi xooggeeyey, si ay ugu adeegaan oo waxyaalo kala duwan ugu qabtaan bulshada oo dhan.

Muddadii saddex iyo tobanka bilood ahayd ee aan halkaa ku noolaa, xaruntaa Eighth Street ku taalley ayaa ii suuraggelisey inaan siyaalo kala duwan bulshada ugu adeego. Wakhtigayga firaaqada iskama khasaarin jirin, laakiinse fiidadkii waxaan si iskaa wax u qabso ah uga shaqayn jirey maktabadda. Wax kastoo aan qaban jireyna waxaan u qaban jirey si aan caawimaad uun meel uga geysto. Xarunta boqolaal arday ah ayaa waxyaalo kala duduwan ku baran jirey; gaar ahaan qolka wax akhriska iyo maktabadda ayaa waxaa si weyn u jeclaa ardayda aan haysan meel kale oo ay wax ku akhristaan, maadaama kuwo badani ku noolaayeen guryo yar yar oo dad badani ku wada noolaayeen, oo ay meel cidhiidhi ah wada seexanayeen. Hawlahan iskaa wax u qabso ah marka laga soo tago, si fiican baan waxbarashadaydii dugsiga sare ee la yidhaahdo Central High School uga soo bixi jirey.

Isla wakhtigan waxaan kaloo anigu ka qaybqaadan jirey koox – tan oo uu hoggaaminayey David Shenk — kuwaa oo ku hawlanaa inay diyaariyaan casharro barashada Baybalka ah oo Muslimiinta loogu talaggalay. Xasuuso inaan hore u sheegay in waaya-aragnimadii aan Islaamka u lahaa ay aniga ii diyaarisay inaan injiilka rumeeyo. Way naga go’anayd annaga inaannu koorsadan diyaarino, tan oo ahayd casharro barashada Baybalka ah oo taxane ah kana bilaabanaya Bilowgii cutubka 1-aad oo isugu soo biyo shubanaya taariikhda gabaggabada ah ee lagu sheegay Kitaabka Muujintii Ciise Masiix oo Yooxanaa loo muujiyey 21 iyo 22, oo ah labada cutub ee Baybalka ugu dambeeya. Meel alla meeshii Quraanka ah ama Islaamka ah ee aan ka dareenno inay kaga jiraan calaammado injiilka ah oo taxanaheenna muhiimad u leh, sharaxaad dheeraad ah ayaannu calaammadahaa ka bixineyney. Tusaale ahaan, waxaannu xaqiijiney rumaynta uu Islaamku qorayo ee ah in Ciise yahay Masiixa, iyo in Tawreeddu ay eraygii Ilaahay tahay. Isla mawduucyada noocan oo kale ah ee Islaamka ku jira ayaan sii faahfaahinay kuwan oo iga caawiyey inay qalbigayga u furaan injiilka sannado ka hor markaan Buulo Burte ku noolaa.

Waxaannu koorsadan ku magacownay Dadkii Ilaahay. Oo markii qoraalkeedii ugu horreeyey la dhammeeyey, asxaabtayadii Muslimiinta ahaa ayaannu weydiiney inay koorsada noo qiimeeyaan. Talooyinkoodii si weyn baannu u qiimaynay taas daraadeedna nakhtiin ayaannu koorsadii ku samaynay. Markii ugu dambaystii koorsadan af-Ingiriis, af-Sawaaxili, iyo af-Soomaali lagu daabacay, waxaa annaga nagaga yaabiyey xiisaha tan loo yeeshay. Sannadaha qaarkood, kun qof ayaa sannadkii soo dalban jirey oo dhammayn jirey koorsadan ka kooban afarta buug ee taxanaha ah. Kuwo kale oo waddammo fog fog ku nool ayaa tan sii ballaadhiyey, oo maanta waxaa koorsadan lagu turjumey shan iyo afartan luuqadood oo adduunka lagaga hadlo. Inta aan anigu ogahay, Muslimiintu marna koorsadan may eedayn oo may diidin, waayo Masiixa ayay tani u soo gudbinaysaa hab ah inuu injiilku Muslimiinta u yahay warka wanaagsan. Xaaskayga Martha iyo aniguba koorsadan Muslimiinta waannu u isticmaallay; oo farxad weyn bay noo ahayd inaan aragno Ruuxa Quduuska ah oo casharradan u isticmaalaya inuu qalbiyada dadka u furo Ciise Masiix iyo hadiyadda badbaadada uu Ciise bixinayo.

Hawlahan oo dhan si iskaa wax u qabso ah baan u qabanayey waayo waxaan anigu doonayey inaan u adeego Masiixa. Laakiinse meel aan seexdo iyo cuntona waan u baahnaa. Nasiibwanaag xaruntii ayaa i siisay meel aan seexdo. Ta yaabka lihi waxay ahayd in kharashkii aan raashinka ku iibsan jirey ka imaan jirey kaniisad ku taalla Chicago oo magaceeda la odhan jirey Reba Place. Markii ay aniga iga war heleen, ayay waxay iyagu go’aansadeen inay ii qoraan kharash ku filan cuntadayda iyo waxyaalaha yar yar ee kale ee aan anigu u baahanahay. Tani waxay aniga si weyn iigu caddaysay in dhab ahaantii uu Ciise ahaa Adhijirkayga Wanaagsan. 

     

Niyadjab Iyo Dhiirrigelin

Laakiinse intii aan hawlahaas oo dhan ku mashquulsanaa, haddana anigu kelinimo ayaan dareemayey. Tani waxay ahayd markii ugu horreysey ee aan muddo dheer dalkaygii iyo dadkaygii ka maqnaado. Oo labaatan sanno ayaan anigu jirey. Saaxiibbaday badankoodii Jarmalka Bari ayay aadeen, oo qaarkoodna Soomaaliya ayay dib ugu soo noqonayeen iyagoo helay shaqooyin wanwanaagsan oo sharaf leh. Markaa waxaan anigu dhexgalay dooxo hoos u dheer oo niyadjab ah. Waxaan anigu is weydiiyey sababta uu rumaysadkaygii Masiixu halkan iigu xannibey. Marka xurunta dhowr guri la sii dhaafo, halkaas ayaa Eighth Street ku soo dhammaanayey; oo tani waxay tusaale u ahayd jidka noloshayda ee soo dhammaaday. Si dheeraad ah ayay aniga iigu caddaaneysey in raacitaankayga Masiixu ay ahayd inaan iska ilaawo guulaha xagga waxbarashada, shaqada iyo hantida ah. Jidkaygii Eastleigh ayuu ku dhammaaday!

Maalin maalmaha ka mid ah, waxaan la kulmay dhowr nin oo aannu isku qabiil nahay. Aad baan tan ugu farxay. Maadaama aannu isku qolo nahay, dabcan waxay ahayd inay iyagu wehel ii noqdaan. Waa sidaan anigu u malaynayey. Waxaan ogaa inay Soomaali badan oo aan Nayroobi waxba ku haysan doondooni jireen dadka ay isku qolada yihiin iyo kuway yaqaaniin si ay iyaga caawimaad uga helaan. Markaa, anigu waxaan raggan aan isku qolada nahay hubaal uga dhigay inaanan iyaga wax kharash ah uga baahnayn; asxaabnimo uun baan iyaga ka rabey. Laakiinse si adag bay iigu jawaabeen, oo waxay aniga igu canaanteen rumayntaydii aan Masiixa rumeeyey oo xataa iyagu wayba ii dhaarteen aniga.1 Diidmadoodaasi barako ayay aniga ii ahayd, laakiinse waxay tan macnaheedu ahayd inaanan anigu haysan mid aan la socsocdo oo meelahaa la warwareego. Tan daraadeed, waxaan ka badbaadey jirrabaado ay kuwo badan oo Soomaali ah oo Eastleigh ku noolaa ku dhaceen. Nimanka dhallinyarada ah ee reerahoodii ka soo haajirey, waxaa mar kasta hor yaalley jirabaadaha ah dumarka, khamriga, iyo daroogada. Qaarkood suuqa madow ku hawlan ayaa lacag degdeg ku heli jirey; qaarkoodna maalintii oo dhan meelahaasay taagtaagnaan jireen iyagoo aan camal hayn. Ilaahay ayaa jidadkaa dhiiqada leh iga badbaadiyey.

Dabadeedna kuwo aan asxaabtaydii ka mid ah ayaa aniga ii qorsheeyey inaan ka qaybgalo kulan ay soo qabanqaabisay hay’adda la yiraahdo Erayga Nolosha Ah (The Word of Life) oo ka dhacayey meel Nayroobi dibaddeeda ah. Halkan ayaan kula kulmay dhallinyaro badan oo Kiinyaati ah kuwaas oo Rabbiga jecel. Taasi muhiim bay ahayd. Laakiinse ta ugu muhiimsani waxay ahayd casharradii Baybalka ee laga soo guuriyey Warqaddii rasuul Bawlos u qoray dadkii Filiboy. Ruuxa Quduuska ah ayaa naftayda u furay inaan maqlo oo aqbalo hab dhaqanka cajiibka leh ee lagu sheegay Warqaddii rasuul u qoray dadkii Filiboy 2:1-11. Oo muujintaasi fikir nololeedkaygii si buuxda ayay u beddeshay. Barashadan Filiboy aad bay muhiim u ahayd markaa waxaan u baahanahay inay ka sii hadlo qiimo badnaanteeda. Qodobbada ugu muhiimsani kuwan ayay ahaayeen:

Mabaadi’dani si weyn bay uga duwanaayeen wax kasta oo dabeecad u ahaa waxyaalihii aan qiimayn jirey oo aan rumaysnaa markaan Muslinka ahaa. Wakhtigaas, Soomaaliya waxay si tartiib ah ugu dhacaysey god ah khilaaf qabaa’il. Dhaqankii bulshada ee soo jireenka ahaa iyo kii Islaamka ee bulshadu labaduba way qiimo dhacayeen. Oo dhaqankeennii Muslinka ahaa iyo keennii soo jireenka ahaa ee Islaamka ka horreeyey labaduba way ku guuleysan waayeen inay joojiyaan kala jajabkii sida tartiibta ah loogu socdey. Laakiinse halkan Filiboy ku qoran waxaan anigu la kulmay iimaan uu Masiixu udubdhexaad u yahay iyo hab feker dib u cusboonaysiin run ah. Maxaa dhici lahaa haddii qabiillada iska soo horjeedaa midba ka kale u tixgelin lahaa siday iyagu isu sharfaan? Sidee ayay noqon lahayd haddii ay dadku dooni lahaayeen inay cadowgooda u dhintaan intii ay isaga ka adkaan lahaayeen? Iniintii shaqadaydii nabadaynta ee sannado badan kaddib waxaa naftayda lagu abuuray berigaan casharradan Baybalka baranayey.

 Waxaan anigu ogaadey inaan aniga iyo rasuul Bawlos aad isugu dhoweyn, marka laga eego dhinaca ah inaan aniguna lahaa dhaxal iyo abtirsiimo fiican. Laakiinse dhaxalkaygaa sharafta lahi dadkayga badbaado ma siin karin. Inaan Masiixa la kulmo macnaheedu waxay ahayd inaan dhaxalkaygii isla weynaa ka soo qaado sidii qashinka waayo Masiixa ayaa ka wanaagsan wax kastoo aan anigu ku abtirsan karey.

Go’aannadan aan gaadhey tijaabadoodii waxay igu dhacday muddo aad uga soo horreysey intii aan anigu filayey. Markaan Eastleigh ku soo laabtay, nin aan Soomaaliya ku aqaaney ayaa ii yimid. Isagu qabiil ay kayga iska soo horjeedeen buu ka dhashay. Xaqiiqadiina, dadka qabiilkayga ka dhashay kiisa way yasi jireen. Ninkan i soo booqday, kaas oo aan marar badan oo kale la kulmi dooney, wuxuu badanaa sheegaa siduu u xasuusto inuu yaabay inaan anigu isaga siiyey sariirtaydii inuu ku seexdo, oo aan anigu dhulka seexday. Aniga tani culays igumay ahayn, laakiinse weliba si farxad leh ayaan tan u sameeyey.

 

Islaamka Iyo Injiilka

Barashadaa Kitaabka Quduuska ah ee Warqaddii Filiboy ayaa ii caddaysay inay Islaamka iyo injiilku aad u kala duwan yihiin, khilaafkan oo ku salaysan iskutallaabta. Islaamku wuxuu aamminsan yahay inaannu Ilaahay marna inoo silcin innaga. Muslimiintu waxay aamminsan yihiin inuu Ciise yahay Masiix mucjisooyin sameeyey; ee uusan ahayn Masiixa u yimid sidii midiidin silcaya sida lagu qeexay Warqaddii Filiboy. Taasi waa sababta ay Muslimiintu u rumaysan yihiin in iskutallaabidii Masiixu aanay suurtaggal ahayn – oo aanay iyadu awoodda Ilaahay tusayn dhammaan kuwa rumaysan, sida uu rasuul Bawlos ku qoray Warqaddiisa 1aad ee dadka Korintos (1 Korintos 1:18-25). Isla sidii Yuhuuddii iyo Giriigtii qarnigii koowaad noolaa kuwaas oo iskutallaabta nacasnimo iyo caqabad u arkayey, ayay Muslimiintuna rumaysan yihiin inay dhab ahaantii iskutallaabtu tahay daciifnimo, ee aanay hubaashii awood ahayn.

Islaamku iskutallaabta wuu diidaa waayo Ilaahay awood oo dhan isagaa leh, oo isaga dembigeennu marna saamayn kuma yeesho. Markaa iskutallaabta waxaan dhici karin baa loo arkaa. Muslimiintu waxay iskutallaabidii Ciise ee Axdiga Cusub lagu qoray u arkaan mid dhalanteed ah. Ilaahay ayaa Ciise ka badbaadiyey iskutallaabtii. Sidaa daraadeed, Islaamku wuu ka indho la’ yahay heshiisiintii iskutallaabta lagu bixiyey. Islaamku wuu ka indho la’ yahay furashada iyo hubsiimada ah saamaxaadda dembiyadeenna. Islaamku wuxuu ka indho la’ yahay guusha Masiixii la iskutallaabay oo soo sarakacay isagoo ka guulleysanaya awood kasta. Islaamku ma fahansana inuu Ilaahay aad inoo jecel yahay ilaa uu Isagu adduun dembi miidhan ah soo dhexgalay Isagoo u silcaya sidii Midiidin Silcaya (Filiboy 2:1-8), sidii Adhijir Wanaagsan kaas oo doondoona idaha lumay (Luukos 15:1-7), kaas oo naftiisa u bixiyey idaha (Yooxanaa 10:1-15).

Inkastoo ay Islaamka ku dhex jiraan calaamado badan oo aniga igu caawiyey inaan injiilka eego, haddana diinta Islaamku iskutallaabta way diidaysaa. Aqoonyahan diinta Islaamka bartay oo reer Lubnaan ah, oo magaciisa la yidhaahdo Tarif Khalidi, ayaa sheegaya in inkastoo ay Muslimiintu Ciise jecel yihiin, Ciisaha ay Islaamku weyneeyaan waa mid iskutallaabta ka fogaanaya, halka uu Ciisaha Injiilka yahay mid iskutallaabta u soo dhowaanaya; oo Injiilka dhexdiisa noloshiisii iyo shaqadiisii waxay ku salaysan yihiin iskutallaabta iyo sarakicidda.2

Kaddib markaan casharradii Filiboy bartay, waxaan anigu hore ugu sii socday inaan Masiixa si fiican u sii barto. Anigoo ku nool Eastleigh oo dad badan laakiinse aan cidlo ku ahaa, taasi haddana mar dambe niyadjab iguma ridin, waayo Masiixa ayaa aniga mar kale si cusub ii taabtay. Waan garanayey meeshaan ka imid iyo meeshaan ku socdey. Anigu waxaan xerow u ahaa Masiixa oo way iga go’nayd inaan Isaga u raaco meel kasta oo uu ii hoggaamiyaba. Hadda waan ku qanacsanaa go’aankaygii ahaa inaan diido fursaddii aan waxbarashada kaga helay Jarmalka Bari. Anigu waan ogaa inuu Rabbigu i keenay Eastleigh, halkii uu isagu Jarmalka Bari iga geyn lahaa. Masiixa ayaa ahaa hanti aad uga weyn waxyaalaha kale ee dadku guusha u haystaan.

 

Khilaafkii Siyaasaddeed ee Soomaaliya Wuu Ka Sii Daray

Inkastoo aan kun mayl waddankaygii u jirey, haddana si fiican ayaan ula socday in xaallada siyaasadda ee Soomaaliya oo meel xun mareysey. Khilaafkan waxaa xuddun u ahaa diidmo ku salaysan xuquuqda haweenka. Waxaa siyaalo kala duwan isku dhac weyni uga dhex dhashay xuquuqdii binii’aadanka ee Shuuciyada iyo wadaadadii Islaamka, gaar ahaan marka xuquuqda haweenka laga hadlayo. Khilaafkani wuu jirey laga soo bilaabo 1974-tii. Dabadeedna 1975-tii ayaa khilaafkii faraha ka baxay. Maarso 8, oo ahayd maalintii haweenka adduunka ayaa Madaxweyne Siyaad Barre amar ku bixiyey in markaa laga bilaabo Soomaaliya dhexdeeda ninka iyo haweeneydu siman yihiin. Dawladdii ayaa amartay in dhaxalka qoyska si is le’eg gabdhaha iyo wiilasha loogu qaybiyo marka uu aabbuhu dhinto. Koox sheekhyo ah ayaa tan ka soo hor jeestey iyagoo ku doodaya inay ragga iyo haweenku kala duwan yihiin, oo sharuucda dhaxalkuna kala duwanaantaa tusaale ka bixinayaan. Madaxweynihiina wuxuu tan kaga jawaabey inuu Quraanku buug gaboobey yahay kaas oo aan wakhtiga la socon.

Hoggaamiyayaashii Islaamiyiinta ahaa ayaa bilaabay mucaarid kulul; kow iyo toban sheekh ayaa dawladdu markaa dishey. Intii ay tani socotey ayaa laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ahi Muqdisho korkeeda isku dhaceen, dabadeedna xaafad dadku deggan yihiin ku soo dhaceen, iyagoo dad badan dilaya. Kuwo badan oo Muslimiintii ahi waxay diyaaradahan isku dhacay u qaateen inay ahayd xukun Ilaahay ku soo dejiyey dawladdii Shuuciga ahayd. Giraantii iska aargoosigu si tartiib tartiib ah bay u sii siyaaddey. Laakiinse, ta yaabka lihi waxay ahayd inay dawladdii Siyaad Barre ku guuleysatey inay toddoba iyo toban sanno oo kale xukunka sii haysato; ugu dambayntiina waxay tani dhacday 1991-dii.

Eastleigh waxay ahayd sidii jasiirad deggan oo boqolaal mayl u jirta khilaafkii siyaasadda ee Soomaaliya la hirdameysey. Sidaasoo ay tahay kaasi annagana wuu na saameeyey. Aad baan uga xumaaday markii ay dhowr Soomaalidii Masiixiyiinta ka mid ah oo naga tirsanaa ay ka qaybgaleen khilaafkii siyaasaddeed ee Soomaaliya ka jirey, iyagoo ku kala biiray kooxihii jabhadaha ahaa ee Soomaaliya isku hayey. Oo dhowr walaalahan qaaliga ka mid ah ayaa dagaalladii lagu diley.

Laakiinse anigu waxaan rumaysnaa in daawada keliya ee rajada waddanku ahayd jacaylka Masiixa ee furashada keena, ee uusan ahayn dagaalka baaba’a keena. Si dheeraad ah ayaan ugu ducaysaneyey oo u rajeynayey inuu Sayidku ii furo albaab aan dadkayga ugu markhaatifuro oo iyaga kula qaybasado Jacaylka Masiixa. Waxaan Rabbiga weydiistey inuu aniga i siiyo jid waxbarasho oo aan fahankeyga iyo xirfadayda ku ballaadhiyo. Inkastoo ay tani u muuqatey riyo aan suurtaggal ahayn, waxaan rajeynayey inay Eastleigh noqon doonto waddadii aan u mari lahaa waxbarasho dheeraad ah oo aan helo. Waxaa jirey waxyaalo badan oo aan rabey inaan ogaado anigoo isticmaalaya maskaxdii uu Ilaahay aniga i siiyey.

 

Socdaalkii Gobolka Oregon

Intii aan anigu ducaysanayey waxaan sugayey in tallaabada labaad ee aan qaadayaa ii caddaato, oo waxaan si fiican isugu deyayey inaan maalmahayga si fiican ugu dhex istimcaalo Easleigh-dii isku raranta ahayd, anigoo fiidadkii iskaa wax u qabso uga shaqaynaya qolkii wax akhriska, anoo isla markaana sii wata waxbarashadaydii Central High School. Dabadeedna arrimo isku xigxiga oo yaab leh ayaa dhacay. Waxaan helay deeq waxbarasho oo aan ku tago Western Mennonite High School, oo Gobolka Oregon ee Maraykanka ku yaalla. Dhibaatadii xagga waraaqaha aqoonsiga iga haysatey, taas oo iga hortaagney fursad kastoo aan Kiinya kaga bixi lahaa hadda waa la saxay. Dhowr asxaabtaydii iyo kaniisadihii ah ayaa kharashkii tigidhka igu caawiyey. Oo Ron iyo Rufus Hartzler ayaa door muhiim ah ka qaatay inay isku dubaridaan lacagtii aan ku tegi lahaa Maraykanka, si aan halkaa wax uga barto.

Go’aankaygii hore ee ahaa inaan Soomaaliya ka tago oo aan Kiinya aado ayaa u ekaa mid keenay in hankaygii guul xagga kharashka, waxbarashada iyo shaqadaba albaabada loo laabay. Kaddib markaan deeqdii waxbarasho ee Jarmalka Bari diidey, waxay u muuqatey inaan anigu iska xidhay albaab furan oo aan guullo dhaba ku gaadhi karey. Markaa albaabkan sida yaabka leh iigu furmay ee ahaa inaan Maraykanka waxbarasho u tago mucjiso ayuu aniga igu noqday. Ciise wuxuu kuwa isaga daraadiis uga tegey reer ama dhul ugu ballanqaaday inay iyagu nolosha weligeed ah ma ahee, intaas labanlaabkeed heli doonaan. Dhab ahaantiina, ballanqaadkaas aniga waa la ii oofiyey. (Matayos 19:29).

Markaa, Agoosto 26, 1974, 10-kii subaxnimo, muddo saddex iyo toban bilood ku dhow kaddib markaan Nayroobi imid, ayaan tegey Garoonka Diyaaradaha ee Embakasi, oo fuulay diyaaradii DC8, ee shirkadda duulitaanka KLM iska lahayd, taas oo tegeysey Amsterdam, siina mareysey Entebbe, Uganda, iyo Munich oo Jarmalka ah. Aad baan anigu u faraxsanaa; tani waxay ahayd markii ugu horreysey ee aan anigu diyaarad raaco. Waxaan la yaabay sidii ay shimbirtan xoogga lihi uga kacday garoonkii Nayroobi. Waxaan la yaabay markii aan meel toddoba mayl oo cirka dushiisa ah hoos uga soo fiiriyey daruurihii iyo dhulkii. Markaan daacad u hadlo, tani mucjisay aniga igu ahayd. Ilaahay ayaa aniga Buulo Burte oo badhtamaha Soomaaliya ah iga soo waday, oo haddana i geynayey Oregon, oo Maraykanka ah!

Cutubka 2aad                                                                                                                Cutubka 4aad

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Cutubka 3-aad: Masiixa Mise Taajirnimo:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Luukos 9:57-62

  1. 1964-tii, markii uu Axmed kow iyo toban sanno jirey, ayaa SIM iskuulkoodii Buulo Burte ku yaalley xidhay, intii ay ka oggolaan lahaayeen in maado Islaamka ah iskuulkoodaa laga dhigo. SMM ayaa iyadu u oggolaatay in maadadaas Islaamka ah iskuulkooda laga dhigo intii ay iskuulka ka xidhi lahaayeen. Talo sidee ah ayaad adigu SIM iyo SMM siin lahayd oo ku saabsan arrintan iyaga laga rabey?

  2. Muxuu Axmed Ciise Masiix u doortay halkii taajirnimada ka dooran lahaa?

  3. Bal ka feker markii uu Axmed reerkiisii macasalaameynayey oo uu isu diyaarinayey inuu Kiinya aado? Sidee ayuu aabbihiis tan uga jawaabey? Qiime intee le’eg ayay jawaabtani u lahayd Axmed?

  4. Qeex siyaalaha uu Axmed u arkay inuu Rabbigu Adhijirkiisa Wanaagsan ahaa markii uu isagu Soomaaliya ka tegayey oo mustaqbalkiisii ku sii socdey. Sheeg wakhtiyo adiga noloshaada ah oo aad Rabbiga aad ugu dareentay inuu Adhijirkaaga Wanaagsan ahaa.

  5. Marar badan Axmed wuxuu ka hadlayaa isu imaatin uu ka qaybgalay oo ay soo qabanqaabiyeen ururka la yidhaahdo Erayga Nolosha (Word of Life) iyo casharkii halkaa lagu bartay ee laga soo guuriyey Baybalka, gaar ahaan Warqaddii loo Qoray Filiboy 2:1-11 iyo 3:4-8 kan oo isaga fikrad nololeedkiisii iyo aragtidiisii adduunka beddeley. Sidee ayaa qorniinadani u tuseen Axmed kala duwanaanshaha Islaamka iyo Injiilka?

  6. Qeex kala duwaanshaha noloshii Axmed ee Nayroobi iyo tiisii wiilnimo ee Buulo Burte. Sidee ayuu isagu ugu xejistey rumeysigiisii iyo dabeecaddiisii wanaagsanayd isagoo ku dhex jira noloshii magaalada Nayroobi ee jirabaadaha badnayd?

Qoraal Gunaanad Ah:

  1. Beri dambe ayaan Maraykanka dhexdiisa kula kulmay gabadh uu dhalay nimankan midkood iyadoo ay dhibaato xumi haysato. Iyada si deeqsinimo leh ayaan u caawiyey, anigoo doortay inaanan iyada ula dhaqmin sidii uu aabbeheed iila dhaqmay.

  2. Tarif Khalidi, The Muslim Jesus (Cambridge, MA: Harvard University Press, 2001), 15.

Cutubka 2aad                                                                                                                Cutubka 4aad



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved