Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

CUTUBKA 4-AAD

Ka Daba-Orodkii Waxbarashada

Mac-hadkii Ameerikaanka (1974-82)

Haddaad meel laga il la’ yahay tagto, il baa la iska ridaa.
                                                                           — Maahmaah Soomaaliyeed

 

Dhowr iyo toban sannadood markaa ka hor waxaan anigu ahaa wiil yar oo isagoo dameer fuushan, Buulo Burte oo badhtamaha Soomaaliya ku taalla, lo’da iyo riyaha hooyadiis ku daajiya. Haddana diyaarad ayaan Amsterdam u saarnaa anigoo ku sii socda Dugsiga Sare ee la yidhaahdo Western Mennonite High School oo ku yaal Gobolka Oregon, oo Maraykanka ah, anigoo ku sii hakanaya Chicago. Waxay ahayd inaan diyaaradaha ku kala beddesho Amsterdam oo Chicago sii maro. Laakiinse wax fikrad ah kamaan qabin isbeddelka wakhtiga, sidaa daraadeed waxaa iga tagtay diyaaradii aan Chicago u raaci lahaa, oo waxay noqotay inaan habeenkaas seexdo garoonka diyaaradaha ee Amsterdam leedahay, kaasoo la yidhaahdo Schiphol.

Markii aan Chicago gaadhey, waxaa halkaa igula kulmay Bob Guth. Oo wuxuu isagu ii qaaday Evanston, Illinois, oo ah meesha ay ku taallo kaniisadda la yidhaahdo Reba Place Fellowship. Marka si loo eego kulankani wuxuu i xasuusiyey Kulankii Masiixiyiinta Soomaalida ee Eastleigh, kani wuu ka weynaa oo keliya. Meeshan Reba Place la yidhaahdo waxay ahayd bulsho ka kooban xerta Masiixa oo aad u daacad ah tan oo markii ugu horreysey iyadoo kale lagu sheegay Kitaabka Falimaha Rasuullada—halkaas oo ay xertu hantidooda isla qaybsan jireen—taasoo ah sida ay tahay inay nolosha kaniisadda caadiga ahi ahaato (Falimaha Rasuullada 2:42-47). Kulankii Masiixiyiinta Soomalida ee Eastleigh-na sidan oo kale ayuu si deeqsinimo leh wax isula qaybsan jirey.

Inkastoo qof Reba Place ka tirsani uusan marna aniga hore iila kulmin, markii ay iyagu maqleen go’aankii aan ku gaadhey inaan Soomaaliya ka tago, intii Jarmalka Bari la ii diri lahaa, ayay iyagu go’aansadeen inay iga caawiyaan waxbarashadaydii Dugsigii Sare ee Western Mennonite High School. Kaniisad Mennonite ah, oo ka tirsan isutagga kaniisadaha la yidhaahdo Franconia, ayaa iyaduna kharashkii ku baxayey tigidhkii diyaaradda caawimaad ka geysatey. Dadkan isku xidhan, ee aniga caawinayey in kastoo aanay marna hore iila kulmin ayaa aniga ii noqday muujin kale oo ah inuu runtii Sayidku Adhijirkayga ahaa oo aaanan markaa marna baahanayn!

Waxaan dadkii Reba Place ka socdey ee i martigeliyey u sheegay inaan jecelahay inaan la kulmo saaxiibkay Marc Erickson, kaas oo sabab u ahaa inaan Masiixa rumeeyo markii aan anigu Buulo Burte ku noolaa, kan oo hadda ku noolaa Milwaukee, Wisconsin. Markii hore iyagu kan magaciisa buugga telefoonada dadku ku qoran yihiin way ka waayeen, markaasaan anigu magaciisa dhexe u sheegay. Taas ayaa xalkii keentay! Oo muddo yar dabadeed waxaan baabuur bas ah u saarnaa Milwaukee. 

Isla usbuucaa ayaa Marc loo caleemasaaray inuu wadaad ka noqdo kaniisadda la yidhaahdo Elmbrook Church oo ku taal Brookfield, Wisconsin, markaa waxaan anigu ku hagaagey iyadoo ay meeshaa dhacdo barakaysani ka dhacayso. Kaddib markii Dr. Marc Erickson iyo xaaskiisa Nancy ay Soomaaliya ka soo laabteen, wuxuu isagu si firfircoon uga mid noqday kaniisadda Elmbrook Church, isagoo si gaar ah diiradda u saaraya dhallinyarada jaamacadaha ku jira, iyo kuwa markaa jaamacadaha dhammeeyey ee shaqada bilaabaya. Nin qoraa ah, oo caan ah oo magaciisa Stuart Briscoe la odhan jirey ayaa wadaadka ugu weyn ahaa; oo isagaa markaa Marc iyo Nancy tababbaray. Toban sanno kaddib, sannadihii Siddeetamaadkii, ayaa kaniisaddan Elmbrook Church bilowday inay kaniisado ay iyada walaalo yihiin aasaasto kuwaas oo ay ka mid tahay kaniisadda la yidhaahdo Eastbrook, taas oo ku taalla tuulada Glendale, ee waqooyiga Milwaukee. Marc hoggaamiye muhiim ah ayuu Eastbrook Church ka ahaa.

1986-dii, ayuu codsi kaniisadda ka yimid daraadeed, isagu ka tegey shaqadiisii dhakhtarnimo, si uu si buuxda kaniisaddan koreysa, ee firfircoon, ee injiilka faafinaysa ugu noqdo wadaadkeeda. Wakhti farxad leh buu kani ahaa, inaan anigu la kulmo macallinkaygii iyo saaxiibkay kan oo shan sanno markaa ka hor, ay noloshiisii iyo markhaatifurkiisii aniga i soo jiiteen, oo ii keeneen inaan Masiixa rumeeyo anigoo toddoba iyo toban jir ah oo Buulo Burte ku nool.

Anoo reer Erickson macasalaameynaya, ayaan socdaalkaygii sii watay anoo sii marayo magaalada Portland dabadeedna uga sii gudbaya beledka Salem, oo Oregon ku yaal. Garoonka diyaaradaha ayaan kula kulmay saaxiibkay Aardoon! Isla sidii uu isagu u ahaa qofkii ugu horreeyey ee aan la kulmo markaan Eastleigh imid, ayuu haddana u noqday qofkii ugu horreeyey ee aan garaney ee Salem igula kulma. Isagu wuxuu halkaa yimid in yar ka hor intaanaan anigu weli halka imaan, si uu wax uga barto Western Mennonite High School. Way fiicnayd inay laba axsaab ahi wadda joogaan oo la qabsadaan dhaqankii Maraykanka!

 

Western Mennonite High School

Aad baan uga helay maadooyinkii aan ku dhigan jirey Western Mennonite High School (WMHS). Waxaa gaar ahaan aad ii caawiyey koorsooyinkii hordhaca ahaa ee Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub ee Baybalka. Sannad ka hor, kooxdii Nayroobi ee dhigayey koorsada la yidhaahdo Dadkii Ilaahay ayaa aniga Baybalka ii baray sidii qiso ah jacaylka badbaadada ee Ilaahay. Hadda casharradaydan barashada Kitaabka Quduuska ahi waxay aniga i siinayeen fahan dheeraad ah oo qisadan ku saabsan. Waxaan anigu ogaadey sidii furashadu u dhacday laga soo bilaabo markay Aadan iyo Xaawa joogeen Beertii (Bilowgii 1-3), tan oo ku soo gabaggaboobeysa wakhtiga Yowmal- Qiyaamaha, iyo magaalada samaawiga ah ee uu Ilaahay dhisayo (Muujintii 21-22). Bil cagsi, Quraanku ma aha taariikh; kani waa amarro ku saabsan wixii ay dadku rumayn lahaayeen iyo wixii ay samayn lahaayeen. Waxaa Quraanka ku jira qisooyin xiiso leh oo aan dhammaystirnayn oo taariikh u eg, laakiinse kuwaasi ma laha mawduuc iyaga isku xidhaya oo ah taariikhda badbaadada sida uu Baybalku sameeyo. Tan fahankeedu wuxuu aniga igu riday isbeddel weyn, oo wuxuu si weyn u qoto dheereeyey sidii aan ugu qanacsanaa muhiimadda Baybalka uu u leeyahay dhibaatooyinka dhabta ah ee nolosha, ee innaga inala soo gudboonaada wakhtigan casriga ah.

Xidhiidh fiican ayaan la lahaa macalimiinta iyo ardayda labadaba, oo si daacad ayaan wax u baran jirey. Casharradaydii Af-Ingiriiska ayaan si qoto dheer luuqaddan ugu bartay. Tan waxaan u isticmaali dooney waxbarashadaydii sare iyo hawlahaygii caalamiga ahaa. Waxaan kaloo bartay koorsooyin kale sida xisaabta aljabrada iyo bay’oolojiga (cilmiga barashada nafleyda). Arrin xiiso lihi waxay ahayd markaannu barasho bay’oolojiga la xidhiidha u tagnay lama degaanka. Wax ka barashadii iyo la joogitaankii ardayda kale ee lama degaanka ayaa aniga i dardar geliyey. 

Glen Roth iskuulka ayuu maamule iyo macallin ka ahaa. Wuxuu kaloo isagu hore Mennonite-ka ugala soo shaqeeyey Soomaaliya. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa mid ardaydii ka mid ahi aniga iigu yeedhay "nigger," Glen tan aad buu uga cadhooday, oo wuxuu diyaar u ahaa inuu ardaygaa iskuulka ka caydhiyo. Laakiinse anigaa isaga ka codsaday inuusan ardaygaa caydhin laakiinse uu isaga canaanto oo iska saamaxo.

Mararka qaarkood waxyaalihii ay ardaydu samayn jireen ayaa aniga dhakafaar igu ridi jirey. Tusaale ahaan, kuwo wiilashii ah ayaa nal dhex dhigey meel biyo kor uga soo boodayaaan oo ku hor tiil gurigii gabdhuhu seexanayeen. Goor habeennimadii ah ayay kuwani meeshaas biyuhu ku jiraan tegayeen oo ay iyagoo nigisyadoodii oo keliya gashan halkaa ku wareegeysaneyeen, iyagoo qoob ka ciyaaraya. Dhaxalkaygii Muslinnimo xishoodka muhiimad weyn buu siin jirey. Xaqiiqadu, anigu waxaan joojiyey inaan surwaal luga gaab xidho markii aan laba iyo toban sanno jirka ahaa. Waan ka xumaaday markaan anigu arkay inay dhallinyaro Masiixiyiin ahi sidaas xishood darrada ah u dhaqmaan. Edebdarro aan anigu u arkay inay tan dhaantey waxay ahayd markay wiilashu subaxdii hore toosaan, oo magaaladii noo dhoweyd u dhuuntaan si ay halkaas uga soo quraacdaan. Dabadeedna markay gabdhuhu quraacda u soo toosaan waxay arkayeen iyagoo aan hal wiilna meeshaas ku sugnayn.

Cuntada halkan ayaa iyaduna xiiso lahayd. Mar ayaa mid macallimiintii ahi gurigiisa igu macsuumey oo ii sheegay inuu casho bakayle ah igu macsuumayo. Waxaan isagii weydiiyey, "Sidee ayuu bakayluhu u dhadhamaa?" Wuxuuna iigu jawaabey, "Sida digaagga."

Beri dambe, mar aannu casharro ku soo qaadaneyney iskuulka dibeddiisa, ayaa macallin ii sheegay inuu hilibka maska "rattlesnake" la yidhaahdo ah ii qaadayo.

Markaasaan isagii weydiiyey, "Waa sidee dhadhanka maskani?"

Isna wuxuu iigu jawaabey, "Sida digaagga."

Markaa waxaan anigu ogaadey in hilib kastoo aan ka lo’da ahayni, uu kuwan Maraykanka ah ugu dhadhamayo sidii digaaga. Sidaas oo ay tahay, wax kastoo dadku i siiyaan anigoo ku mahadnaqaya ayaan cunayey, inkastoo cunitaanka hilibka doofaarku aniga igu adkaaday. Sidii Axdigii Hore, ayaa Quraankuna si buuxda u eedaynayaa cunitaanka doofaarka oo uu xaaraan u arko. Markaa cuntadayda doofaar kuma jiri jirin!

Anigu dugsigii sare ee Western Mennonite High School waan ku aflaxay. Saaxiibtinimo qoto dheer ayaan la yeeshay ardaydii iyo macallimiintii. Kaniisaddii Mennonite-ka ee iskuulka ku dhex taalley ayaa noqatay hoygaygii xagga ruux ah. Caabudaaddii maalinlahaa ee ardaydu ayaa iyana farxad ii ahayd, waayo halkaas waxaan ku arkay dhallinyaro hoggaaminaya kaniisaddoodii iskuulka dhexdiisa. Kani wuxuu ahaa markii ugu horreysey ee aan la dhaqmo dhallinyaro badan oo Ciise Masiixa aad u rumaysan oo isaga u go’ay.

Iyagoo ii qiimaynaya saddexdii sanno ee aan wax ku soo bartay Dugsigii Sare ee 15-ka May, ee Muqdisho, iyo sannadkii aan wax ku soo bartay Central High School, ee Nayroobi, ayaa WMHS shahaado dhammaystirka dugsiga sare ah i guddoonsiiyey, kaddib markaan halkaas ku dhammeeyey sannadkii ugu dambeeyey ee dugsiga sare oo keliya. Dabadeedna qaybtii dambe ee sannadkii 1975-tii, ayaan bilaabay Goshen College, oo ku taal beledka Goshen la yidhaahdo, oo ku yaal gobolka Indiana. Koleejadan oo ay kaniisadda Mennonite-ku taageerto, waxay bixisaa shahaado jaamacaddeed sharci ah oo culuunta bulshada ah (liberal arts). Marcus Lind, oo ahaa mid ka mid ah macallimiintaydii WMHS, wadaadna ka ahaa Western Mennonite Church oo iskuulka dhexdiisa ku taalley, ayaa 2,400 oo mayl baabuur iigu qaaday si uu ii geeyo Goshen! Isaga walaalkii Wilbert, ayaa ahaa ninkii ugu horreeyey ee madax ka noqda Mennonite Mission-kii Soomaaliya joogi jirey.

Marcus wuxuu igu booriyey inaan sannadkayga ugu horreeya ee koleejada galo Rosedale Bible Institue oo Ohio ku yaalla. Wuxuu isagu dareemay in waxbarashada diinta Masiixiga ah ee feejigan (conservative) ee Rosedale lagu baraa ay aniga aasaas fiican ii noqonayso. Wuxuu ka welwelayey inaan anigu ku wareero isku dhac ka yimaada habkii waxbarasho ee Goshen iyo dhaqankaygii hore Muslinnimada. Laakiinse, waxay u ekayd inay aniga Goshen i siinaysey shahaadada aan u baahnahay si aan Soomaaliya dib ugu laabto anoo wata tababbar shahaado oo aan ku qaban karo shaqo ay dawladdii Soomaaliya tixgelineyso.

Marcus si fiican buu u fahmayey dhibaatada ka imaan karta in Soomaaliya laga shaqeeyo, oo isagu wuu fahmayey waxyaalaha aan anigu muhiimmada koowaad siiyo. Maalmahaas aan Marcus jidka la marayey way wanaagsanaayeen, intii aannu annagu ka wada hadleyney arrimo kala duduwan oo nolosha iyo iimaanka ku saabsan. Talooyinkiisii xigmadda lahaa ee uu isagu socdaalkaas igu siiyey ayaa ahaa tallaabo dheeraad ah oo aan ku awoodayo inaan injiilka iyo nolosha is qaabilsiiyo.

 

Bulshooyin kala Cayn Cayn ah

Adduunyadii cusbayd ee aan galay mid aad u kala cayn cayn ah bay ahayd. Khilaafkii ka dhex jirey fikirkii aan kala imid meeshaan ka soo jeedey oo ahayd Buulo Burte, halkaas oo aan Quraanka ku xafiday, iyo WMHS, halkaas oo aan ku bartay bay’oolojigu, wuxuu ahaa sidii cinjir inta aad loo kala jiidey u dhow inuu kala go’o. Haddana waxaan u sii gudbi dooney Goshen College, meeshaas oo cinjirkaa aad u sii kala jiidi doonta. Intaan anigu noloshan is bedbedelka badan ku dhex jirey, xigmaddii hooyaday ayaa muhiimad weyn ii lahayd markii ay iyedu igula talisay: "Haddaad meel laga il la’ yahay tagto, il baa la iska ridaa."

Laba talo ayaan maahmaahdaas kala soo baxay. Ta hore waa, dadka aan la noolahay ayaan anigu ka tirsanahay anigoo aan iyaga xukumayn. Haddii ay iyagu iga duwan yihiin aniga, markaa hal il uun baan iyaga ku eegaa. Iintooda aad uma fiiriyo, laakiinse iyaga waxaan ku fiiriyaa ishayda wanaagsan taas oo ku faraxda waxyaalaha qiimaha leh ee aan iyaga ka baran karo. Ta labaad, maaddaama ay aniga dhaqammo badani hoy ii noqonayaan, waxaan u baahanahay inaan dhaqankaas aan markaa ku suganahay aad u dhexgalo. Oo haddii ay iyagu il la’ yihiin, anna il baan iska ridayaa. Taas macnaheedu waa inaan iyaga barakeeyo, laakiinse aanan habaarin kuwaas aniga i martigeliyey si kastoo ay dadkayga uga duwan yihiinba. Markaa, labadan talo ee is kaamilaya ayaan raacaa. Dhaqanka ay leeyihiin dadka deggan meeshaan ku noolahay ee aan ka hor imaanayn mabaadi’dayda waan qaataa; marka aanan dhaqankaa qaadan karin, dhaqankaa dadka aan la noolahay ee aanan qaadan karin anigu ma xukumo.

Anigu Goshen College ayaan iska qoray, anigoo eegaya inay macallimiinta iyo ardaydu yihiin dad hal il leh iyo in kale. Isla markaana, anigu wax kasta iskama oggolaaneyn. Waan ogaa meeshaan taaganahay, waayo Masiixa ayaa ahaa udubdhexaadka aqalkayga, oo kaniisadduna reerkayga ayay ahayd. Dad kasta si wanaag iyo la qabsasho ku salaysan baan ugu dhex noolaan karaa, si kastoo ay iyagu iiga duwan yihiinba, waayo anigu waan ogaa meeshaan ka imid iyo meeshaan u socdey.

 

Goshen College

Goshen College waxay ahayd meel ay isugu yimaadaan Soomaalidii wax ku bartay iskuulladii Mennonite-ka ee Soomaaliya, kuwaas oo ka baxsanayey cadaadiskii ka jirey Soomaaliya ee dowladdii Siyaad Barre. Bilowgii iskuulka ee sannadkii 1975, shan Soomaali ah ayaa halkaa iska qoray: Maxamed Cabdullaahi Caagane, Saalax Warsame, Cabdulcasiis Shariif, Xasan Siyaad Togane, iyo aniga. Sannadkii ka dambeeyeyna siddeed Soomaali ah ayaa jaammacadda ku jirey, muddo yar kaddibna saddex iyo toban baannu ahayn. Macallinkii jaamiciga ahaa ee magaciisa la odhan jirey Roy Umble ayaa annaga nagu naanaysi jirey "Ururka Walaalaha Soomaalida." Annagu waxaannu ahayn kuwo hadal badan; oo qosolkayaga iyo sheekaysigayagii qaylada dheeraa dhismayaasha jaamacadda aad baa looga maqli jirey. Kuwo is qariya maannu ahaan jirin; si fiican baa annaga naloo yaqaaney, oo joogitaankayaga waa la wada ogaa. Anigu waxaan si firfircoon uga qaybqaadan jirey ururka ardaydii ajnabiga ahayd, oo sannadkaygii ugu dambeeyey ee jaamacadda ayaa la ii doortay inaan ururkan guddoomiye ka noqdo.

Arrin aad u muhiim ahi intaan Goshen College ku jirey waxay ahayd kaqaybqaadashaydii kaniisaddii la odhan jirey Assembly Mennonite Church. Kaniisaddani waxay inta badan ka dhalatay dhaqdhaqaaq arday kaas oo bilowday sannad keliya ka hor intaanan anigu halkaa imaan. Kani wuxuu ahaa kulan su’aal kasta la isku weydiin karey. War, muxuu kani aad uga duwanaa masjidkii Buulo Burte! Sidaas oo ay tahay isu imaatinkani wuxuu ahaa kaniisad uu si cad Ciise Masiix tiir ugu yahay sida lagu muujiyey Axdiga Cusub iyo markaatifurka Baybalka ku salaysan ee Masiixa ku saabsan. Si fiican oo aanan weligey hore ugu arag ayaannu annagu Erayga Ilaahay u wada baran jirney oo farxaddayada iyo culayskayaga isula wadaagi jirney. Masiixiyiintani waxay ahaayeen kuwo is caawiya; waxay iyagu ahaayeen bulsho ay ka go’an tahay inay jidka isla raadiyaan. Barashadooda Baybalku xataa way ka sii qoto dheerayd tii aan ku arkay Goshen College oo aqoontii aan Ilaah u lahaa halkan bay si fiican ugu kortay marka Goshen College la barbardhigo. 

Waxaa kaloo sannadihii aan Goshen College ku jirey muhiim ahaa xidhiidhkaygii sii qoto dheeraanayey ee aan la lahaa Eastern Mennonite Missions (EMM), kuwaas oo xafiisyadoodu ku yaalleen 500 oo mayl (800 oo kiilomitir) bariga Goshen meesha la yidhaahdo Salunga, oo gobolka Pennsylvania ah. EMM ayaa dad Mennonite ah u dirtay Soomaaliya sannadkii 1953-dii. Marmar ayaan Masiixiyiintii Mennonite-ka u shaqayn jirey booqan jirey intaan anigu Xamar iskuulka ka dhiganayey. Markii ay noqotay inay qaar Mennonite-ka ahi Soomaaliya ka tagaan bilowgii 1972-dii, qaar ka mid ah kuwii Soomaaliya hore uga shaqayn jirey ayaa lagu qoray xafiisyada beledka Salunga la yiraahdo ku yaalla. Marka ay kuwani Goshen College yimaadaan, iyagu mar kasta waxay codsan jireen inay aniga iyo Soomaalida kale la kulmaan. Gaar ahaan waxaa muhiim ahaa isla xidhiidhkii joogtada ahaa ee aan la lahaa Harold iyo Barbara Reed iyo Kenneth iyo Elizabeth Nissley.

Fasaxyadii iskuulka dhowr jeer ayaan anigu joogey guryihii Ken iyo Elizabeth Nissley ama Marc iyo Nancy Erickson. Inkastoo aan anigu waxbarashadaydii Goshen College ee heerka sare ahayd jeclaa, qaybta ugu muhiimsan ee waxbarashaydii waxay ahayd xidhiidhadii sii qotada dheeraanayey ee aan la lahaa kaniisaddii Mennonite-ka iyo hay’adaheedii, iyo sidoo kale xidhiidh fiican oo dheer oo aan la yeeshay asxaab ay ka mid ahaayeen reer Nissley iyo reer Erickson.

Intii aan sannadkaygii ugu dambeeyey ee Goshen soo gabaggabeynayey, afar arrimood oo waddammo fogfog ka dhacay ayaa jahwareer geliyey, oo wax ka beddeley degganaanshihii waddammada Islaamka iyo adduunka oo dhan. Sannadkaa, oo ahaa 1979-kii, isbeddel aad u muhiim ah ayaa adduunka Islaamka ka dhacay. Waa marka ugu horraysee, Ruushka ayaa qabsaday Afgaanistaan, tan oo saamayn ballaadhan ku yeelatay xidhiidhkii Islaamka iyo reer Galbeedka. Ta labaad, Aayatulaah Khumeyni ayaa masaafuriskii uu Baariis ku joogey ka soo laabtay si uu u hirgeliyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee Iiraan. Ta saddexaad, koox Wahaabiyiin ah oo kacdoon wada ayaa galay oo qabsaday Masjidka Weyn ee Makka. Ta Afraad, Xisbigii Kacaanka ee xukunka hayey ayaa Soomaaliya laga aasaasay. Gaar ahaan waxaa muhiimmad gaar leh in arrimahan oo dhan daraadood ay ka dhasheen inay samaysmaan Islaamiyiinka jihaadka aamminsani. Iniintii mujaahidiinta maanta waxaa laga beeray Bariga Dhexe iyo Koonfurta Dhexe ee Aasiya. Markaan anigu ku jirey Goshen College taas oo nabad ahayd, marna anigu maan fileyn inay dhacdooyinkan 1979-kii dhacay saamayn weyn ku yeelan doonaan qaabka ay noqon doonto shaqadaydii tobannaankii sanno ee soo socdey.

 

Waxbarashadii Nabadaynta ee Associated Mennonite Biblical Seminary

Isla wakhtigaas waan ka qalin jebiyey Goshen, oo ka qaatay shahaadada Bajalaarka oo dhaqaalaha ah. Doonistaydu waxay ahayd inaan waxbarashadayda jaamacaddeed sii wato oo ku takhasuso Maamulka Arrimaha Dadweynaha (public administration). Laakiinse dhowr arrimood baa dhacay sannadkaygii ugu dambeeyey ee jaamacadda kuwaas oo ujeeddadii aan lahaa iga duwey.

Waxaan anigu lahaa saaxiib wanaagsan oo ardaydii Itoobiyaanka ka mid ah. Oo mar ayaannu labadeenna iyo arday kale casho ku lahayn gurigii Nancy Hertzler, taas oo iyaduna ardayad kale ahayd. Cashada dabadeed waxaannu annagu shabakada wararka ee ABC ka daawaneyney diyaaradaha dagaalka ee F5-ka ee Itoobiyaanka oo bambaynaya magaalada Jigjiga oo ku taal xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Taasi mid laga naxay ahayd; bamam-kii qarxayey ayaa kala jarjarayey jidhadhka dadka oo dhiig baa meel kasta ka buuxey. Nancy oo nala daawaneysey ayaa markay tan aragtay oydey.

Dabadeedna Nancy ayaa annaga na weydiisey, "Labadiinnu saaxiibbo fiican baad tihiin. Markaa maxaad idinku isu dilaysaan?"

Su’aashaasi maskaxdayda way ka bixi weydey.

Muddo yar markaa kaddib, John Howard Yoder, oo ka socdey Associated Mennonite Biblical Seminary (AMBS) iyo jaamacadda la yidhaahdo Notre Dame, ayaa cashar ka bixiyey fasalkii siyaasadda caalamiga. Isagu wuxuu yidhi, "Marka aan anigu dhar militeri xidho oo aan wax dilo, waxaa loo qaataa inay tani saxsan tahay. Laakiinse marka aanan dhar militeri xidhnayn ee aan wax dilo, waxaa la igu eedeeyaa inaan qof diley. Laakiinse ma farqi dhab ayaa labadan u dhexeeya?"

Su’aalahan ayaa saamayn ku yeeshay go’aankii aan ku gaadhay inaan AMBS galo kaddib marka aan qalinjebiyo oo wax ka barto John Howard Yoder. Gaar ahaan waxaa isbeddel igu ridey casharradii aan ka qaatay Yoder iyo ninkii anthropology-ga1 iyo missiology-ga2 ku xeesha dheeraa ee Roelf Kuitse la odhan jirey, iyo kii kale ee cilmiga damiirka iyo aadaabta ku xeesha dheeraa ee J. R. Burkholder la odhan jirey. Mid saamaynta ugu muhiimsan igu yeeshay wuxuu ahaa macallinkaygii iyo saaxiibkay J. R. Burkholder. Isagu wuxuu ka tirsanaa Assembly Mennonite Church halkaas oo aan anna ka tirsanaa sannaddihii aan koleejada ku jirey iyo sannaddihii aan jaamacaddii Baybalka jirey. Isagu si gaar ah ayuu anigu ii xiisayn jirey, taas oo keentay inaannu saaxiibtinimo qoto dheer yeelano. Isagu xagga ruuxana wuu iga hagi jirey, oo wuxuu si weyn sabab ugu noqday go’aankii adkaa ee aan ku gaadhey inaan ka shaqeeyo nabadayn ku salaysan Masiixa.

Waxbarashadaydii nabadaynta diinta Masiixiga ku salaysnayd waxaa si weyn loo habeeyey sannadkaa wacan ee aan wax baranayey AMBS (1979-80). Markaan hal sanno oo waxbarasho AMBS ku dhammeeyey kaddib, waxaan waxbarasho sare u galay Indiana State University, oo ku taal Terre Haute, Indiana, halkaas oo aan ka sii watay doonistaydii ahayd inaan qaato shahaado Maamulka Arrimaha Dadweynaha ah (1980-81). Waxaan rajeynayey in shahaadadan oo jeebka iigu jirtaa ay albaabo badan ii furi doonto si aan Soomaaliya ugu noqdo, oo aan dadweynaha ugu shaqeeyo — oo tanina way dhacday! 

 

Eastbrook Church iyo Soomaaliya

Intii aan soo dhammaystirayey waxbarashadaydii Gobolka Indiana, Dr Marc Erickson ayaa aniga ila soo xidhiidhay. Isagu wuxuu hayey fikrad gaar ah iyo martiqaad. "Waxaan adiga kugu martiqaadayaa inaad timaadid kaniisaddii Eastbrook Church ee Milwaukee," ayuu igu yidhi. "Adigu lix bilood baad shaqada ardayda dibbedaha ka yimid laga dhex hayo ka shaqayn doontaa, si aad halkaa khibrad ugu qaadatid. Annaguna mushahar yar baannu ku siin doonaa. Dabadeedna Soomaaliya ayaad dib ugu laaban kartaa, adigoo ay kaniisaddu tigidhka kaa bixin doonto." Sidii ay ila ahayd qorshe kan ka fiican ma jirin. Aad baan uga mahad hayey inuu isagu doonayey inaan kooxdiisa la shaqeeyo.

Inkastoo aannu qofna waxbarashadaydii Goshen iga bixineyn, oo aan laba jaamacaddood oo sare wax ka bartay, haddana wax lacag ah la iguma lahayn, sidaa daraadeed diyaar baan u ahaa inaan Soomaaliya aado. Quudinta Ilaahay ayaa igaga yaabisay! Goshen, AMBS iyo Indiana State, waxay saddexduba i siiyeen deeq waxbarasho. Xilliyada fasaxa waan shaqayn jirey, marka jaamacaddu billaabatana jaamacadda ayaan si bilaash ah ugu shaqayn jirey si aan waxbarashadayda lacag la iiga qaadin. Marc Erickson ayaa isna si deeqsinimo leh ii caawiyey. Saddex jaamacaddood ayaan bilaa deyn ka qalinjebiyey! Oo hadda Soomaaliya ayaan tegi karey anigoo aan lacag la igu lahayn.

Hadda si farxad leh ayaan martiqaadkii Marc ku oggolaaday. Janaayo 1982-dii ayaan Eastbrook ku biiray sidii mid muddo gaaban ka shaqaynaya shaqadii laga dhex hayey ardaydii waddammada dibedda ka yimid. Waxay ahayd inaan ilaa Agoosto shaqeeyo laakiinse waxaan aad u rabey inaan waddankaygii dib ugu laabto, markaasaan Marc weydiiystey inuu muddada shaqadu soconayso ii gaabiyo, taas oo uu iga oggolaaday. Siddeed sanno markaa ka hor, ayaan ku soo degey garoonka diyaaradaha ee O’Hare, ee Chicago ku yaal; hadda oo ah Juunyo 3, 1982-dii, ayaan haddana diyaarad O’Hare ka raacayey taas oo Soomaaliya iyo Bariga Afrika ku socota, tan oo Rooma sii maraysey. Waxyaalo badan ayaa noloshayda ku dhacay muddadii aan dalka Maraykanka joogey! Siddeeddan sanno waxaa ka buuxey caqabado iyo fursado lama filaan ah.

 

Martha!

Laakiinse, qof qiimo weyn ii leh ayaa Eastbrook Church igaga hadhay. Taasi waa gabadha farxaanada ah ee Martha Jean Wilson la yidhaahdo. Iyadu waxay ka soo jeedaa magaalada Richmond, ee Indiana ku taal. Oo Milwaukee ayay u soo guurtey si ay halkaas uga shaqayso, oo waxay xubin ka noqotay kaniisaddii Eastbrook Church. Muddadii gaabnayd ee aan anigu halkaas ka shaqaynayey ayaannu si gaar ah annagu asxaab u noqonay. Sidaas oo ay tahay, waxaannu garowsanay inuu farqiga xagga dhaqanka ah ee noo dhexeeyey weynaa—Martha, oo ahayd Maraykanka asalkoodu Afrikaanka yahay oo ah haweenay reer magaal ah, iyo aniga oo ka soo farcamay Muslimiin, oo ka yimid tuulo yar oo Soomaaliya ku taal. Way adag tahay in la mala-awaalo kala duwanaan intaa le’eg oo laba is guursanaysa u dhexaysa. Xidhiidhkii naga dhexeeyey Sayidka ayaannu u hibeyney, isla sidii aan anigu ku soo laabashadaydii Soomaaliya Sayidka ugu halleeyey. Laakiinse waxaan anigu rajeynayey oo ku ducaysanayey in saaxiibtinnimadayadu, wakhti uu Ilaahay ugu talaggalay, ku dambayn doonto in aan annagoo sida nin iyo xaaskiisa oo wada shaqeeya ah, u adeegi doonno dadkayga.

Cutubka 3aad                                                                                                                Cutubka 5aad

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Cutubka 4-aad: Ka Daba-Orodkii Waxbarashada:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Filiboy 4:8-19

  1. Sidee ayay kaniisadda iyo saaxiibbadii uga qaybqaateen waxbarashadii Axmed? Siyaalehee ayaa WMHS uga caawiyey Axmed la qabsashadiisii Waqooyiga Ameerika? Waa maxay waxa aan khibradiisa ka baran karno ee la xidhiidha dhiirrigelinta hoggaamiyayaasha soo baxaya?

  2. Sidee ayaa taladii hooyadiis ee ku saabsanayd dad hal il leh, isaga uga caawisay inuu la qabsado dadyow kala dhaqamo duwan? Sidee ayaad adigu taladeedan u aragtaa?

  3. Ka feker qof ka yimid tuulo yar oo Soomaaliya ah oo dhaqankii hore haysata, kan oo isla markiiba waxbarasho jaamacadeed ka gelaya Waqooyiga Ameerika. Ka feker kala duwaansha labadaa meelood. Sidee ayuu Axmed udub-dhexaadkiisii iyo dabeecadiisii wanaagsanayd u xejistey, markii uu soo galay marxaladdaa aadka uga duwan tiisii hore?

  4. Door intee le’eg ayay saaxiibbadii Masiixiyiinta ahaa ee Axmed ka ciyaareen inay isaga dhiirrigeliyaan? Waa maxay waxa aan khibradii Axmed ka baran karno ee la xidhiidha soo dhoweynta ardayda ajnabiga ah?

  5. Ka feker go’aankii Axmed ee ahaa inuu nabadaynta ku takhasuso. Maxay ahaayeen arrimaha saamaynta ugu weyn isaga ku lahaa ee ku kallifey inuu isagu doorashadan sameeyo?

  6. Intii lagu jirey bilihiisii ugu dambeeyey ee Goshen College, waxaa meelo fogfog oo dunida Islaamka ah ka dhacay dhacdooyin saameyn weyn ku yeelan dooney noloshii iyo shaqadii ama adeeggii Axmed. Maxay dhacdooyinkaasi ahaayeen, oo sidee ayay dhacdooyinkani markaa dabadeed saamayn ugu yeelan dooneen xidhiidhka Masiixiyiinta iyo Muslimiinta?

Qoraal Gunaanad Ah:

  1. Cilmiga dadka iyo dhaqamadooda ku saabsan.

  2. Cilmiga adeegidda llaah iyo diin faafinta ku saabsan.

Cutubka 3aad                                                                                                                Cutubka 5aad



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved