Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

CUTUBKA 5-AAD

Ka Dhex Adeegiddii Bulshada Muslinka

Soomaaliya (1982-87)

Nin aan dhul marin, dhaayo ma leh.
                                                — Maahmaah Soomaaliyeed

 

Toban sannadood ayaa ka soo wareegtey markii aan anigoo labaatan jir ah baabuur xamuul ah Xamar ka soo raacay oo aan laba usbuuc Nayroobi u sii socdey. Sannadahaas dhexdooda waxaan anigu xidhiidh wanaagsan oo firfircoon la dhistay dad badan oo Soomaalidayda ah oo ku nool Waqooyiga Ameerika iyo Soomaaliya labadaba. Beryahan telefoonka gacanta ayaa qayb weyn ka qaata gacan ku haynta wada xidhiidhkan, laakiinse sannadihii toddobaatanaadkii telefoonka gacanta iyo email-ka midna muu jirin, oo Soomaaliya dhexdeedana badanaa telefoonadu way kharaabsanaan jireen. Sidaas oo ay tahay, waxaan aniguna qayb ka ahaa wada xidhiidh ballaadhan, oo farriin afka ah ku salaysan kan oo ay Soomaalidii socdaali jirtey iyo kuwii qurbaha ku noolaa dhisteen sannadihii siddeetanaadkii. Markaa, in kastoo ku soo laabashadii waddankaygu ay aniga igu abuurtay walaac iyo rajo labadaba, waxaan filayey inaanan marna mid qalaad dareemi doonin. Waan ogaa ka aan ahay, dadkiina kamaan goosan, oo wararka waddankayga ku saabsana waan la socon jirey.

 

Soomaaliya Ayaa La Iiga Yeedhay

Intii aan anigu warka ka heyey ma jirin mid saaxiibbaday ah oo Soomaaliya dib ugu soo laabtay kaddib markii ay waxbarashadoodii ay qurbaha ku joogeen dhammeeyeen. Qaar baa booqashooyin dhaadheer ku yimid, laakiinse umay imaan inay halkaa ku noolaadaan. Mid sababahan ka mid ahina waxay ahayd qaskii siyaasadeed iyo kii dhaqaale ee Soomaaliya ka bilowday sannadihii toddobaatanaadkii, kaas oo weli socdey, oo u ekaa mid aan dhammaanayn.

Laakiinse, aniga way ii caddayd inuu Ilaahay iigu yeedhayey inaan noloshayda u hibeeyo inaan dadka Soomaaliyeed u adeego. Anigu maan ogeyn waxa i sugaya. Wax qorshe ah maan lahayn, wax shaqo ahna la iiguma yeedhin. Ma jirin hay’ad ama qof aniga i martiqaaday. Oo mana aan garaneyn meesha aan wax aan ku noolaado ka heli dooney. Waxa keliya ee aan anigu ogaa waxay ahayd inuu Ilaahay iigu yeedhayey inaan dadkayga dib ugu soo laabto. Sidaa daraadeed, 1982 ayaan anigoo tan addeecaya Soomaaliya diyaarad u soo raacay. 

Soomaaliya qaran dhaawacan buu ahaa. Siyaad Barre ayaa weli si arxandarro ah waddanka ugu talinayey, oo xooggagii mucaaradkuna waxay ku hanjabayeen inay dowladdiisa burburinayaan. Waddanku wuxuu dagaal xun kula jirey Itoobiya. Waxaa jirey qaxooti hal malyuun ka badan, kuwaas oo in 750,000 ka badani ku jireen xeryo qaxooti. Dhaqaalahii waa burburay. Waxaa jirey dhowr hay’adood oo Masiixiyiin ah oo isku deyayey inay caawimaad binii’aadannimo fidiyaan. Dhowr bilood ka hor intaanan soo laaban ayaa koox yar oo macallimiintii Somalia Mennonite Mission ka tirsan lagu marti qaaday inay waddanka dib ugu soo laabtaan. Aad baan uga fekereyey waxa uu booskaygu noqon dooney.

 

Kuma Ayaan Ahay Anigu?

Soomaaliya oo keliya isbeddel weyni kuma dhicin; laakiinse sidoo kale aniguna waan isbeddeley. Waxaan Soomaaliya ka tegey anigoo ah wiil dhallinyaro ah oo fikradihiisa badankooda ay ku salaysan yihiin hab dhaqankii Buulo Burte; haddana waxaan soo laabtay anigoo nin weyn ah kaas oo ku soo dhex noolaadey dhaqammo badan oo kala duduwan. Siddeed sanno waxaan arday ka ahaa afar mac-had waxbarasheed oo kala duduwan: Western Mennonite High School, Goshen College, Associated Mennonite Biblical Seminary, iyo Indiana State University. Waxaan si qoto dheer u dhexgalay hababka waxbarasho ee awoodda badan, ee mararka qaarkood iska hor imaanaya ee waxbarashada Maraykanka.

Hadda waddankaygii baan ku soo noqday. Kuma ayaan anigu noqday? Waa maxay hadiyada aan dadkayga siin karaa? Su’aalahan ayaa aniga igu khasbay inaan si taxaddar leh uga fekero khilaafaadkii bulshada shacabka ah ee Soomaaliya sii duminayey. Waa maxay waxa aan Maraykanka ka soo bartay ee caawimaadda geysan karey? Mise waxaan anigu noqday mid dadkaygii aad uga duwan kaas oo aan dadkiisa waxba ku caawin karin? Su’aalahan ayaa igu khasbay inaan baaro sidii aan uga shaqayn lahaa adduun ay ka jireen jawaabo kala duwan oo laga bixinayey su’aalaha la xidhiidha caddaaladda, runta, isbeddelka, iyo kala duwanaanshaha bulshooyinka dhexdooda ka jira. Xataa Soomaaliya dhexdeeda, qabiil kastaa dagaal qabiil buu Soomaaliya ka wadey oo wuxuu hubey inuu isagu caddaalad iyo xaq u dagaalamayey.

Maahmaah Soomaali ah baa tidhaahda, Nin aan dhul marin dhaayo ma leh. Bulshooyinka xidhxidhan ee dhaqammadooda keliya ku dhegga dhibtan oo kale ayaa indho la’aan ku ridi karta. Aabbahay ayaa aniga igu caawiyey inaan sii siyaadiyo hadiyadan ah inaan anigu adduunka arko. Isagu Ingiriiskii iyo Talyaanigiiba wuu u soo shaqeeyey, oo si dhib yar ayuu u dhex geli kari jirey qabiilooyinka Soomaalida ee kala duduwan. Laakiinse wuxuu mar kasta sidan samayn jirey isagoo weli ah wiilkii Xayle Afraxyare. Sidaas oo kale intaan socdaalladaydii oo dhan ku jirey anigu marna ma illaawin meesha aan ka soo jeedo. Hadda oo aan dadkayga dib ugu soo noqonayey, anigu qofka aan ahay ma aanan illaawin.

Anigu waxaan ku koray gurigii Axmed Cali Xayle iyo Xirsiya Shiiraar, kuwan oo ahaa Muslimiin ehlu diin ah, iyo reer baadiye Buulo Burte degey. Laakiinse, tobankii sanno ee ugu dambeeyey ayaa aniga i baray adduunyo aad u kala duduwan. Haddii aan adduunkaa iska indhatiro waxay la micne tahay inaan anigu noqdo xagjir, dhaqankiisa oo keliya tixgeliya, oo dadka kale iyo dhaqammadoodaba neceb. Dhaqan wuxuu baaba’aa marka ay bulshadu ku adkaysato inay dhaqanka ugu fiican leedahay; kanina waa cudurka dhaqanka Soomaalida maanta aafeeyey. Dhaqdhaqaaqa al-Shabaab ee xagjirka ah ayaa doonaya inay Soomaalida ku khasbaan Islaamka nooca ugu xagjirsan. Kacdoonkan dhallinyarada u badani ma aamminsana oo keliya inay iyagu ugu fiican yihiin, laakiinse waxay kaloo aamminsan yihiin inay tahay in wax kasta oo kale oo iyaga ka duwan la baabi’iyo.

Indhahaygu waxay markii ugu horreysey bilaabeen inay dadyowga kala duduwan u furmaan 1968 markaas oo ay kalkaaliso caafimaad oo Masiixiyad Ustareeliyaan ahi caafimaadkaygii dib iigu soo celisey, kaddib markii aan anigu kaneecadii aadka u xumayd ee igu dhacday daraadeed dhimasho ku dhowaadey. Tani waxay ahayd markii iigu horreysey ee aan qof Masiixi ah la kulmo. Laba sanno kaddib dhowr jeer ayaan gurigii Marc iyo Nancy Erickson tegey iyadoo ay halkaa ku sugan yihiin dhammaan kooxdii Masiixiyiintii ajnabiga ahayd ee Buulo Burte ka shaqayn jirtey. Dhowrkii sanno ee aan wax ka baraneyey Dugsigii Sare ee 15-ka May ayaa ii daahfuray adduunyo Xamar ka shishaysa. Doodihii kululaa ee aan la yeelan jirney macallimiintii Ruushka ee Shuuciyiinta diin la’aanta ah ahaa ayaa waayaaragnimadayda ballaadhiyey.

Intii aan ku jirey socdaalkii afar iyo tobanka maalmood ahaa ee aan galay markii aan Nayroobi ku socdey oo aan baabuurka baadiyaha maraya la socdey, anigu marna ma illaawayo markii aan dhex marayey dhulka uu qabiilka Turkaanuhu deggan yahay; anigu waan amakaagay markaan jidkii hareerahiisa ku arkay haween maro yar oo keliya dhexda ku xidhan, oo ay naasahoodu iska qaawan yihiin. Tani dhakafaar bay ku ahayd indhaha nin dhallinyaro ah oo labaatan jir ah oo dhaqan adag haysta. Nayroobi, xataa dadka kaniisadaha ayaa kala duduwanaa: Kaniisaddii Pentecostal-ka ahayd ee Nayroobi, Kulankii Soomaalida Masiixiyiinta ah, ama Kaniisaddii Mennonite-ka. Islaamka adduunka oo dhan isku si bay wax u caabudaan. Anigu waxaan Nayroobi kula kulmay Masiixinimo kala noocnooc ah.

Siddeedii sanno ee aan Marykanka wax ka baranayey ayaa iyaguna i muquuriyey kala duwanaansho, kan oo aan keliyoo dadka, qiimaynta dhaqanka, iyo aamminaadaha ka dhex jirin, laakiinse fikraddaha badan ayaa iyaguna kala duduwanaa. Sidee ayuu mid tiirdhexaad uu qabsado ku heli karaa isagoo ku dhex jira fikradaha isku qasan ee hab nololeedka ilbaxay, jiritaanka Ilaahay ee Baybalka ah, dhaqdhaqaaqyada cusub ee kala duduwan ee dadku waxay ka helaan rumeeyaan, kuwa wax kasta saxda u arka, kuwa ka shakiya inuu Ilaahay jiro, kuwa sayniska aamminsan, kuwa naftooda oo keliya daneeya, diimaha kala duduwan ee wada nool, kuwa maalkooda isku halleeya, kuwa aamminsan binii’aadannimada aan diinta ku dhisnayn, kuwa guud ahaan wanaagga bulshada u dhaqdhaqaaqa, iyo Masiixiyiinta Baybalka ku dhaqma? Isku dhicii Islaamkii iyo Shuuciyaddii ee dhallinyaranimadaydii mid fog buu noqday marka loo eego fikraddahan badan ee kala duduwan ee Maraykanka ka jirey. Qaar ka mid ah Soomaalidii aan isku da’da ahayn ayaa kuwan ku wareeray oo ay iyaga ku noqdeen dabin aanay dhinacna uga bixi karin. In kastoo ay qaar kuwan ka mid ahi wax fiican ku soo kordhiyeen horumarka bulshada, kuwo kale ayaa rumayntii Ilaahay lumiyey oo u gacangalay khamri cab iyo ka daba orodka lacagta ee Maraykanka ka jirta. Haddaan isticmaalo erayadii qoraaga reer Nayjeeriya, ee Chinua Achebe la yidhaahdo, kuwan ku tilmaamay: "Arrimihii way kala daateen."1

 

Kaniisadda Iyo Isbeddelka Dhaqanka

Noloshayduna way kala daadan lahayd haddaanay kaniisadda ahayn. Isagoo arrimihii Nayjeeriya ka taagnaa wax ka qoraya, Achebe wuxuu kaniisadda u arkaa mid aan loo baahnayn, oo xataa ku lid ah habsami u shaqaynta dhaqanka bulshada qabiiliga ah. Bilcagsi, anigu waxaan kaniisadda u arkay ta koowaad ee bulshada midaysa. Ilaa iyo maalintaa ugu horreysey ee aan 1970-kii gurigii Marc Erickson ku rumeeyey Masiixa, anigu maan garaneyn oo keliya meeshaan ka imid, laakiinse waxaan kaloo garanayey meeshaan ku socdey. Jihada socdaalkayguna waxay ahayd hoygaygii aan Masiixa ku lahaa, oo kaniisadduna waa bulsho dib-u-heshiineed oo uu Masiixu abuurayo. Anigu marna keligey Masiixi ma ahayn. Ilaa iyo intaan Masiixi noqday, waxaan mar kasta ka tirsanaa isutaga kaniisadda.

Kaniisadda iyo kala duwanaansheheeda oo dhan, waxay iyadu ka kooban tahay noocyo badan oo ah dhaqammo guud iyo kuwo gaar ah; mararka qaarkood dhaqammadaasi way iska hor yimaadaan. Soomaaliya waxaa maanta ka jira khilaaf ka dhexeeya qabiillada. Khilaafku wuxuu keeni karaa burbur, laakiinse mar kasta burbur ma keeno. Filosoofigii la odhan jirey Hegel wuu saxsanaa markuu arkay inuu horumarku ka dhasho khilaafka dhexdiisa. Sidii ay macallimiintaydii Shuuciga ahaa ee dugsigii sare u sharaxeen. Mar kasta oo dhaqammada is khilaafsan laysu geeyo waxa ka dhalan karaa ra’yiyo ama fikraddo cusub.

Anigu waxaan arkay sidan oo ka dhex dhacaysa qoyskaygii Soomaaliyeed iyo masjidkii bulshadayda dhexdiisa. Hooyaday wax ma qori karin mana akhrin karin. Aniga ayaa Quraanka bartay oo iyada aayadaha muhiimka ah qaarkood baray. Intii ay iyadu aayadahan dusha ka qabaneysey, reerkayagii wuu isbeddeley iyadoo xoogga la saarayo inaan Muslimiin wanaagsan noqono. Dabadeedna waxaan bartay sida saxsan ee loo tukado, oo tanna hooyaday baan baray. Oo iyana waxay bilowday inay sida saxda ah u tukato. Casharka ku xigaa wuxuu ahaa shuruucda Islaamka, oo mar kalena qoyskayagii wuxuu bilaabay inuu isu beddelo dhinaca ah sidii aan ugu noolaan lahayn si qaabilsan shuruucda Islaamka. Kani waa jidka ay qaadaan dhammaan bulshooyinka Islaamku; marka ay bulshadu muddo badan Muslin tahay waxaa sii bata inay iyadu isugu timaado hab dhaqanka ay shuruucda Islaamku iyada u dhigeen. Habkan isbeddelka ahi si tartiib ah buu ku socdaa, isagoo ka bilaabanaya qiritaanka iimaanka ah inaan Alle maahee ilaah kale jirin iyo inuu Maxamed yahay nebigii Ilaahay. Sharciga Islaamku saamayn kumuu yeelan dhaqanka markii ugu horreysey ee qirashada iimaanka la sameeyey. Laakiinse, marka Islaannimada bulshadu sii kortaba, si tallaabo tallaabo ah ayaa fikraddo cusub oo Islaamka ku dhisan loo aqoonsadaa.

Markhaatifurayaashii yaraa ee Buulo Burte joogey waxay ka koobnaayeen koox yar oo Masiixiyiin ajnabi ah, kuwaas oo sidoo kale keenayey isbeddel. Isbitaalkii yaraa ayaa noqday rajo ifaysa maadaama ay dadku intii xad ah ka helayeen daaweyn heer sare ah taasoo ay u baahnayeen. Awoodda isbitaalka ka dambaysaa may ahayn filasoofiyaddii Hegel ee isbeddelka, laakiinse waxay ahayd tii Ciise Masiix. Isbitaalkii wuxuu tusay sida ay kaniisaddu u tahay bulsho ay ujeeddadeedu tahay sidii ay u meel marin lahayd Boqortooyada Ilaahay, sidii tan Ciise loogu muujiyey. Isagu waa hab nololeedka habboon ee uu Ilaahay dadka ugu yeedhayey intii taariikhdu soo jirtey oo dhan. Madax-furashada ku salaysan naxariista jacaylka leh ayaa kan xuddun u ah, oo waxaa tan mar kasta khilaaf kala dhexeeyaa dabeecadaha ku salaysan dhaqammada markaa jira. Xitaa markay kaniisaddu aragtidan ku dhisan tahay oo ay dadka dhexdooda kaga camalfalayso, waxay iyadu noqotaa bulsho dhaqanka ka tirsan oo bixasa isbeddel nolol keena.

John Paul Lederach, oo ah nin ku xeel dheer xallinta khilaafaadka, ayaa aniga iga caawiyey inaan arko in qayb ka mid ah hawsha kaniisaddu ay tahay inay ka qaybgasho xallinta khilaafaadka.2 Isagu culayska ma saarin dhammaynta khilaafaadka, laakiinse xallinta khilaafaadka iyadoo kan loo beddelayo siyaalo kale oo faa’iido leh. Waxaan rumaysanahay in xallinta khilaafku ay tahay hal si oo ay kaniisaddu u tahay bulsho nolol bixisa.

Lederach habkuu soo jeediyey in khilaafka loo xaliyo wuxuu si weyn ugu salaysan yahay fikradaha iyo siyaalaha uu cilmiga bulshadu u abbaaro xallinta khilaafka, oo aniguna waxaan fikradahaas u arkay kuwo si fiican iiga caawiya shaqadaydii nabadaynta. Waxaan kaloo habab nabadayn ka raadiyaa dhaqankayga Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka dhexdooda. Laakiinse, waxaan ugu dambaysta rumaysanahay inuu Masiixu yahay Bogsiiyaha, iyo Heshiisiiyaha ugu fiican. Dabeecaddeenna binii’aadanka oo keliyahi kuma fila inay keento heshiisiin dhab ah. Ciise ayaynu u baahannahay; waxaynu u baahannahay nimcada iyo saamaxaada uu inagu siiyo iskutallaabta iyo sarakicidda; waxaynu u baahannahay Ruuxa Quduuska ah.

 

Hadiyaddee Ayaan Anigu Bixin Karaa?

Haddii aanu ahayn habkii Masiixa ku salaysnaa ee aan anigu ku abbaaray dhaqammada kala duduwan, khilaafka iyo isbeddelka, waxaan noqon lahaa qof wax kasta iska oggolaada oo ku dhex luma doonitaanadii dhaqammadii kala noocnooca ahaa ee aan ku soo dhex noolaaday. Anigu waxaan ahay mid dhaqammada oo dhan aqbala laakiinse xuddun leh. Sidii ay hooyaday igula talisay, haddii ay dadku hal il leeyihiin, adiguna iley noqo. Taladan waxay si isugu eg yihiin go’aan ay kaniisaddii bilowgii gaadhey, oo lagu qoray Falimaha Rasuullada 15 ee ku saabsan shirkii muhiimka ahaa ee Yeruusaalem. Shirkaa waxay kaniisaddii ku go’aansatay inay dadka aan Yuhuudda ahayni dhaqankooda sii haystaan halka ay Yuhuuddiina dhaqankooda ka sii haysanayaan, laakiinse labadoodaba loogu yeedhay rumaysi uu Masiixu aasaas u yahay, iyagoo xaqnimada Masiixa ku tusaya dhaqankooda dhexdiisa. Kani wuxuu ahaa mabda’a ku dhisan aqbalid dhaqan oo Masiixa salka ku haya. Kaniisaddii way ku kortay meelihii ay dadka aan Yuhuudda ahayni degganaayeen, oo saamaynihii dhaqan ahaaneed ee Shirkii Yeruusaalem waxay u sii faafeen siyaalo yaab leh. Dadkii aan Yuhuudda ahayni doofaarka way cuni kareen laakiinse waxay ahayd inay galmada xaaraanta ah ka dheeraadaan. Yuhuuddu way is gudi kareen laakiinse waxaa iyaga lagu dhiirrigeliyey inay dadkii aan Yuhuudda ahayn kuwaas oo ay markii hore ka dheeraan jireen ay hadda wax la cunaan. Shirkii Yeruusaalem wuxuu go’aamiyey in habka Masiixa ku salaysan oo dhaqammada iyo diimaha badan loo eegaa ay saamaynta dhaqankaa yaraynayso, iyadoo isla markaana si adag ugu dheganaanaysa Masiixa oo ah udubdhexaadka adduunka.

Anigu waan ogaa inaan ku soo laabanayey Soomaaliya oo uu aafeeyey dhaqan ku sumaysan rabsho ama dagaal badan iyo xoog la isku muquuniyo. Si dhaba ayay arrimuhu u kala daadanayeen. Sidaas oo kale, dhaqankii Nayjeeriya ayaa dhibaato haysatey markii uu Chinua Achebe 1958-dii qoray buuggiisa la yidhaahdo, Things Fall Apart. Isagu wuxuu gartay in dhibaatada dhaqanka haysatey ay ka imaaneysey is hirdiga ka dhexeeyey xooggaga casriga ah iyo qiimaynta uu dhaqanku leeyahay, kuwaas oo Soomaaliyana ka jirey. Soomaaliya dhexdeeda, hay’adihii Masiixiga ahaa sidii Somalia Mennonite Mission waxaa loo arkayey inay ahaayeen kuwo saamayn casri ah keenaya, oo tan gaar ahaan ku keenaya iskuulladii. Bulshadii waxaa qaybiyey mawduucyo wax casriyaynaya iyo dhaqammo ku salaysan dhaqankii reer baadiyaha. Waxaan anigu ogaa in joogitaankaygii Soomaaliya loo qaadanayey inuu ahaa mid casriyeyn keenaya. Sidaas oo ay tahay, waxaa aniga naftaydu ogeyd inaanu furaha daawada bulshadu ku jirin xooggaga casriyeynta iyo kuwa dhaqanka ku dhisan midkoodna.

Achebe wuxuu qaar fikradihiisa ah ka soo xigtey gabay yar oo kulul oo uu tiriyey William Butler Yeats, oo cinwaankiisu ahaa "Soo Noqoshadii Labaad" (The Second Coming), kan oo la qoray waagii lagu dhex jirey baabi’ii xumaa ee uu keenay Dagaalkii 1-aad ee Adduunku.3 Falanqayntiisii murugada lahayd ee dagaalkan, ayuu Yeats wax ka qorayaa in eed la’aantii ay dhammaatay, oo fadqalalo ay dhacday: "Arrimihii way kala daateen; oo xudduntiina way isku hayn kari weydey" (Things fall apart; the center cannot hold). In kastoo uu Yeats shaki ka qabey aamminaadda, haddana wakhtigii lagu jirey baabi’ii dagaalka wuxuu isagu ku hal qabsaday rajada ka dhalatay Beytlaxam, taas oo ah Masiixa.

Gabaygaas gaabani si qoto dheer buu anigana ii saameeyey isla sidii Achebe. Kani wuxuu si weyn u qeexayaa Soomaaliyadii aan anigu ku soo noqonayey. Waan ogaa inaan ku soo laabanayey bulsho sii kala daadaneysey, oo uu udubdhexaadkeedii hayn kari waayey. Laba iyo labaatan sannadood oo keliya markaas ka hor ayuun bay Soomaaliya xorriyaddeedii qaadatay, isagoo ah waddan casri ah kaas oo ku dhisan hab dimoqraadi ah oo baarlamaani ah oo firfircoon, rajadiisuna wanaagsan tahay. Waxaas oo dhammi way kala daateen, oo rajooyinkii hal fac ka hor la qabey oo dhammi way burbureen.

Sidee ayay waxyaalahani oo dhammi ku dambeyn dooneen intii aan anigu Soomaaliya ku soo laabanayey? Intii aan bilaabayey socdaalkaygii soo laabashada, isla rajadaa Beytlaxam ka dhalatay ayaan aniguna qiray. Tani waxay ahayd rajo daahsoon oo ku salaysnayd Mid ku dhashay qabaal, oo awooddihii berigaas dibedda ka ahaa, rajo ka dhex dhalatay khilaaf. Carruurtii reer Beytlaxam waxaa la laayey in yar kaddib markii uu cunuggii Maryan dhashay. Sidaas oo ay tahay, isagu waa nabaddii oo ina dhex joogta. Isagu waa Ilaahay oo innaga ina dhex jooga. Anigu waan ogaa in ku soo noqoshadaydii Soomaaliya ahayd mid uu Masiixu ii diray. Hadiyadda aan halkaa keenayeyna waxay ahayd anigoo ahaa safiirkii Ciise, Ka ah rajadii Beytlaxam. 

 

Helitaankii Meeshii Aan Anigu Ku Habboonaa

Markii aan Afrika dib ugu soo noqonayey, usbuuc baan Rooma ku hakaday si aan bulshada Soomaaliyeed ee halkaa deggan, saaxiibbaday iyo qaraabadayda ula xidhiidho. Taasi waxay iga caawisay inaan xog-ogaal u noqdo waxa Soomaaliya igaga horreeya. Dabadeedna Juunyo 10, 1982, ayaan Xamar imid. Markii aan diyaaraddii ka soo degey, waxaa igu dhacday laydhii wanaagsanayd ee cusbada lahayd ee Badweynta Hindiya ka soo dhacaysey. Isku dhex yaacii qaylada badnaa ee laanta socdaalka iyo cashuuraha ayaa firfircooni dheeraad ah igu abuuray. Waxaan arkay walaalkay Maxamed, oo si qaylo dheer ah ayaannu isu salaanay. Ugu dambayntiina qaybtii socdaalka waan soo dhaafay oo waxaa si diiran ii salaamay saaxiibbaday iyo qoyskaygii. Qalbigaygii farxad baa ka buuxsantay. Habeenkaas waannu dabaaldegney, oo si aan kala joogsi lahayn baannu u sheekaysaneyney, oo mararka qaarkood hadalkaba la iskama sugeyn. Maalin kaddib, Maxamed iyo aniga ayaa Buulo Burte u safarray. Aabbahay ayaa ri’ noo qalay; Hooyadayna sidii aan jeclayn ayay taa u karisay, oo xawaashkii ku habboonaa ayay ku dartay, oo si buuxda ayaannu u dabaaldegney.

Jimcihii ugu horreeyey ayaan Xamar ku soo laabtay, oo waxaan Ilaahay la caabudey Walaalihii Soomaaliyeed ee Masiixiyiinta - ama, sidii ay bulshada badankeedu iyaga ugu yeedhi jireen, Dadkii Masiixa. Rumaystaayashani way ka warwareegi jireen in loogu yeedho Kiristaan waayo siyaalaha ay tan Soomaalidu u arkaan waxaa ku jirey cabitaanka khamriga iyo edebdarrooyin kale. Soomaalidu waxay fikraddan ka heleen kaddib markay arkeen hab nololeedkii kuwo badan oo ah gumeystayaashii reer Galbeedka, kuwaas oo Axaddaha kaniisadda tegi jirey laakiinse siday u noolaayeen uu ka duwanaa nolosha sidii ay Muslimiintu u dhaqmi jireen. Kiristaannimadu waxay la mid ahayd reer Galbeed tan oo aan Soomaalida dhexdeeda qaderin weyn looga hayn.

Qiso Axdiga Cusub ku jirta ayaa ina xasuusisa inay xertii Ciise sidoo kale wajaheen magac xumo laga faafiyey. Filibos, oo Ciise rumaysnaa ayaa wuxuu helay saaxiibkii Nataana’el, oo isaga ku martiqaaday inuu raaco oo arko kii ay nebiyadu wax ka sii qoreen. Filibos ayaa wuxuu u sheegay in Badbaadiyahii la ballanqaaday uu yimid, kaas oo ahaa Ciisihii reer Naasared.

Nataana’el ayaa si kajan ah isaga ugu jawaabey oo ku yidhi, "Naasared! Ma wax wanaagsan baa halkaa ka iman kara?"

Filibos wuu diidey in garabka lagu riixo, oo wuxuu isagii kula taliyey, "Kaalay oo arag!" (Injiilka sida rasuul Yooxanaa u qoray 1:43-46).

Sidaas oo kale, dabeecad shaki ku jiro ayaa ku baahsan inta badan ee dunida Muslinka ah, halkaas oo loo haysto inaan wax wanaagsani reer Galbeedka ka imaan karin, sidaas darteed, dad badan ayaa rumaysan in haddii Masiixinnimadu ay reer Galbeedka ka timid, aan iyada la oggolaanin. Xataa tilmaan kasta oo dadka lagu xasuusinayo iskutallaabta ayaa laga soo horjeestaa, waayo iskutallaabtu waxay meteleysaa dagaalyahannadii Saliibiinta (Crusaders), kuwaas oo kumanaan sanno ka hor Muslimiinta laayey iyagoo calaamadda iskutallaabta isticmaalaya.

Markaa haddaannu Soomaalida Masiixiyiinta ah nahay badanaa waannu ka warwareegi jirney inaannu Kiristaan isku magacowno. Sidaas oo ay tahay, waan ogaa inaanan ka baxsan karin su’aalaha diinta aan aamminsanahay ku saabsan. Dadka Soomaaliyeed waa dad aad u ehlu diin ah, oo wax tixgelin ah uma hayaan dadka aan diinta lahayn. Sidaa daraadeed, inaan helo meesha aan kaga habboonaa bulshada Soomaalida ah ee wax aamminsan muhiimad weyn bay u lahayd inaan ku guuleysto ku xeeldheeranimadaydii arrimaha horumarinta. Waxaan doonayey in si fiican la iigu fahmo inaanan ahayn mid calan fikradeed sita, laakiinse sidii mid yaqaana hoygiisa ruuxiyanka ah.

Sidaa daraadeed, Jimcihii ugu horreeyey ee aan Xamar joogey waxaan Ilaahay la caabudey Kulankii Walaalihii Masiixiyiinta ahaa ee Soomaaliyeed. Markaan sidaa sameeyeyna waxaan si sanqadh yari ah u tusay waxa aan aamminsanahay. Kulanku wuxuu isugu iman jirey qol yar oo ku dhex yaalley Kaniisaddii Kaatooligga ee ku dhex taalley magaalada badhtankeeda. Biishobku taageero ayuu u hayey isu imaatinkan tirada yar ee Protestant-ka ah, kan oo ka koobnaa ilaa iyo labaatan qof.

Ka hor intii aanay dawladdu la wareegin Somalia Mennonite Mission 1972, Soomaalidii Masiixiyiinta ahayd ee Xamar joogtey waxay usbuuciiba mar caabudaad ugu kulmi jireen xafiisyadii SMM, intii ay SIM joogteyna qaar kuwan ka mid ahaa ayaa xafiisyada SIM ku kulmi jirey. Markii kuwan dowladdu la wareegtey tani suurtaggal may ahayn. Sidaa daraadeed Kulankii Muuminiinta Soomaaliyeed wuxuu bilaabay inuu ku kulmo kaniisaddii weyneyd. Soomaalidu way sii wadeen inay kulmaan kaddib markii ay SIM iyo SMM Soomaaliya ka tageen. Iyagu Jimcaha ayay isu imaan jireen, waayo Soomaaliya oo Muslin ahayd daraadeed Jimcaha ayaa ahayd maalinta nasashada, meesha ay Axaddu ka ahayd maalin shaqo. Soomaalida Masiixiyiinta ah maahee, waxaa kaloo kulanka ka qayb geli jirey dad ajnabi ah oo aan badnayn oo ay ka mid ahaayeen dhowr ah macallimiintii ka socdey Eastern Mennonite Missions (EMM), oo ay ku jireen saaxiibbaday Kenneth iyo Elizabeth Nissley, kuwan oo maamuli jirey hawlihii EMM ka haysey Soomaaliya. In kasta oo Somalia Mennonite Mission la kala diray kaddib markii ay dowladdu la wareegtey, oo dhammaan Masiixiyiintii halkaa ka shaqayn jirtey laga codsaday inay 1976 waddanka ka baxaan, markii 1982 la soo gaadhey waxaa jirey koox yar oo dib loo martiqaaday si ay waxbarashada heerka jaamacadeed macallimiin uga noqdaan.

Jimcihii ugu horreeyey, waxaan kaniisadda kula kulmay Art DeFehr. Isaga iyo xaaskiisa, Leona, waxay ka tirsanaayeen Mennonite Brethern, kuwa ku nool Winnipeg, Canada. Isagu wuxuu markaas ahaa safiirka Hay’adda Qaxootiga ee Adduunka (UNHCR) u fadhiya Soomaaliya. Waxay isaga la ahayd inaan ka fekero inaan siyaasadda dhexgalo maadaama aan soo bartay cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha, oo wuxuu igu dhiirrigeliyey inaan soo qoro waxyaalihii aan soo bartay iyo waxqabadkaygii. Ta xiisaha lahaydi waxay ahayd, inuu Madaxweyne Siyaad Barre mar horeba igu casuumey inaan dawladdiisa shaqo ka qabto, jago kasta oo aan anigu doorto. Anigu waan iska celiyey inaan qabto dhinaca shaqo xafiis oo siyaasadeed, nidaamka siyaasadeed oo inta badan wax kala qaybiya daraadiis, ayaan anigu u doonayey inaan ka shaqeeyo hawlaha samafalka ah ee dib-u-heshiisiinta.

Waxbarashadaydii iyo waxqabadkaygii waan soo qoray, oo maalmo gudahoodna hay’adda samafalka ee World Vision la yiraahdo ayaa igu martiqaaday inaan noqdo agaasimahooda waaxda caawimaada iyo hawlahoodii horumarinta ee Soomaaliya ku faafayey. Martiqaadkan waan aqbalay. Tan waxaa sii dheer, hay’ado kala duduwan oo Soomaaliya ka shaqayn jirey ayaa taladayda dooni jirey, markaa waxaan yeeshay xidhiidho badan kuwaas oo aan saamayn ku yeelan karey hawlihii ay iyagu hayeen. Waxaan Ilaahay ugu mahadnaqayay in albaabo iiga furmaan inaan la taliye u noqdo hay’ado binii’aadannimo oo kala duduwan.

Mas’uuliyaddii aan World Vision ka hayey ayaa ii keentay inaan Nayroobi saddex bilood oo tababbar xagga hoggaaminta ah u tago. Way fiicnayd inaan Kiiniya ku soo laabto, oo aan mar kale la xidhiidho qaar ka mid ah dadkii aan aqaaney markii aan anigu toban sanno ka hor Nayroobi joogi jirey. Laakiinse, agaasimihii World Vision ee Afrika ayaa si aan ula kac ahayn u dhexgalay dhibaatooyinkii siyaasadeed ee Afrikada Galbeed ka jirey. Oo sharaftii ay World Vision ku lahayd Afrika ayaa muddo kooban dhaawac soo gaadhey, tan oo keentay in hawlihii ay World Vision ka wadey Soomaaliya la xidho.

Sidaa darteed Abriil 1983 ayaa shaqadaydii muddada kooban socotey ee World Vision soo gabaggabowdey. Tani waxay sii weyneysey go’aankaygii ahaa inaan kala dheereeyo hawlihii Masiixinnimo ee aan hayey iyo arrimihii siyaasadda; kaniisaddu waa kaniisadda dawladuna waa dowladda. Waxaa xusid mudan in markii ay shaqaalihii World Vision ka baxayeen Soomaaliya ay iyagu fuulayeen isla diyaaradii keentay koox ka socotey Eastbrook Church. Kaniisaddaasi waxay anigu ii haysatey inaan kooxdoodaa ka tirsanahay, oo muddo yar dabadeedna waxaa aniga la ii magacaabay inaan noqdo maamulaha qorshahooda horumarineed ee Soomaaliya, shaqadaasna isla markiiba waan ku boodey!

Mararka qaarkood waxaan faraha la geli jirey shaqooyin yaab leh. Tusaale ahaan, Mennonite Central Committee (MCC) – oo ah hay’adda arrimaha caawimaada binii’aadminimo iyo horumarinta ee kaniisadaha Mennonite-ka ayaa keentay fikrad ah in isku tallaalka geela Aasiya iyo ka Soomaaliya uu keeni karey in geel adkaysi badani halkaa ka soo baxo. Sidaa daraadeed aniga ayay iga codsadeen inaan ka caawiyo sidii ay tani ku suurtaggeli lahayd. Markaa aabbahay ayaan u sharaxay inay Mennonite-ka ahaayeen kuwii igu caawiyey lacagtii aan Maraykanka wax kaga soo bartay, oo ay iyagu hadda u baahnaayeen awr geel ah. Isagu wuu ku faraxsanaa inuu awr geeliisa ah hadiyad ahaan iyaga u siiyo. Xaqiiqdii, isagu mar dambe shan halaad oo kale oo geel ah ayuu qorshahaas isku tallaalka geela ee MCC ka iibiyey. Aniga ayaa qorsheeyey in geelan la kexeeyo ilaa shan boqol oo mayl (800 oo kiilomitir) oo ah Buulo Burte ilaa iyo Mandheera oo ku taal xuduudka Kiiniya iyo Itoobiya, halkaas oo isku tallaalka geelaasu ka dhici lahaa. Noloshaydu mid xiiso badan bay ahayd! Sannad ka hor, waxaan Jaamacadda Indiana State takhasus ahaan u baranayey fikraddii Adam Smith ee hanti-goosadka. Hadda, waxaan isku dubbarridayey sidii saddex usbuuc ilaa lix geel ah loo sii marin lahaa baadiyahii Soomaaliya, si kuwan geel kale loogu tallaalo, iyadoo la rajeynayo in la horumariyo tayada geela gobolladaas. Geeljire ayaan soo kiraystay; haddana maalmo ayaan geeljirayaashii la shaqeeyey si aan u hubiyo in geelii meeshii la rabay la gaarsiiyo.

Maalmahaa aan geela duurka ku wadey waxay ahaayeen kuwo fiican oo nasasho iyo fekeraad leh. Waxaan ku faraxsanaa inaan habeenkii cirka oo aan daah lahayn arko. Dhinaca Galbeed, waxaan ka arkay koox xiddigo ah oo isku urursan oo la yidhaahdo "Pleiades" kuwan oo Soomaaliduna u taqaanno "Xayntii Riyaha." Kaddib markii aan muddo sannado badan ah magaalo ku noolaa, aad baan ugu faraxsanaa inaan muddadan gaaban ku noolaado dhaxalkii reer baadiyaha ee dadkaygu lahaayeen.

 

Barnaamijkii Horumarinta Ee Eastbrook

Markii 1983-dii la gaadhey Sudan Interior Mission diyaar bay u ahayd inay Soomaaliya mar kale ka shaqayso. Kaniisaddii Eastbrook iyo wadaadkeedii, Marc Erickson, ayaa lahaa fikradda barnaamijkani qalbigiisa ka soo duxdey, in kasta oo kuwo kalena sidoo kale ka qayb qaateen. Markii ay kooxdii timid, shaqada ugu horraysa ee iyaga u taalley waxay ahayd inay isbitaalkii Buulo Burte dib u furaan, kaas oo la xidhay markii ay SIM 1974-tii ka baxday Soomaaliya. Marc wuxuu rumaysnaa inaan anigu agaasime ka noqdo barnaamijkaa SIM, oo aan kooxdana hoggaamiyo. Laakiinse, hoggaamiyayaashii sarsare ee SIM lamay ahayn inay fikrad fiican ahayd in qof Soomaali ah loo dhiibo inuu hawlahoodii Soomaaliya madax ka noqdo. Markii labadan fikradood ee hoggaanka la heshiisiin kari waayey, ayaa SIM iskaga baxday Soomaaliya, oo go’aansatay inay xoogga saarto shaqadii ay Soomaalida Kiiniya ka dhex hayeen. Anigu marna ma fahmin sababta uu xafiiska SIM-ta ugu sarreeyaa go’aankan u qaatay. Laakiinse, anigu waxaan go’aan ku gaadhey inaannu go’aankani saamayn ku yeelan sidaan ula dhaqmayey SIM oo aniga ii sababtay inaan Masiixa rumeeyo.

Ugu dambaystii, kaniisaddii Eastbrook ayaa Soomaaliya soo gashay iyadoo ah hay’ad horumarineed oo madaxbannaan, oo heshiis la leh Wasaaraddii Caafimaadka si ay u caawiso dadkii reer Buulo Burte. Dawladda waxaannu iskaga qornay magaca ah, Eastbrook Development Program (Barnaamijka Horumarinta ee Eastbrook), oo aniga ayaa la ii doortay inaan kooxdii Eastbrook ka socotey madax u noqdo. Si buuxda ayaan Kulankii Masiixiyiintii Soomaaliyeed iyo barnaamijkii Eastbrook labadaba ugu hawlanaa.

 

Ka Tirsanaantii Kaniisadda

Kulankii Muuminiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho wuxuu ka koobnaa ilaa dhowr iyo labaatan qof oo rumaystaayal ah, oo wuu korayey. Buulo Burte waxaa joogey dhowr qof oo Masiixiyiin ah. Haddaannu nahay kuwii ka shaqaynayey Barnaamijkii Horumarinta ee Eastbrook, waxaannu isku deyi jirney inaannu dhiirrigelino Masiixiyiintii Soomaaliyeed, SMM iyaduna sidaas oo kale ayay samayneysey. Marka Masiixiyiintii Xamar la fiiriyo, waxaannu xoogga saareyney tababbarka hoggaanka. Waxaannu isku daynay inaannu caawino walaalihii baayacmushtarka ku fiicnaa si ay baayacmushtarka yar yar u dhexgalaan, si ay iyagu shakhsiyaad ahaan iyo kaniisad ahaanba u noqdaan kuwo isku filan. Waxaannu isku deyi jirney inaannu bulshada oo dhan u caawino siyaalo koritaanka dhaqaalaha kobcin karey. Waxaannu gacan saar la lahayn SMM iyo Mennonite Central Committee (MCC), kuwaas oo iyaguna ku hawlanaa sidii ay siyaalo kala duduwan uga qaybqaadan lahaayeen barnaamijyadii la xidhiidhey horumarka beeraha, waxbarashada, dejinta manhajyada, iyo markii dambe, nabadaynta.

Koorsadii magaceeda la odhan jirey, Dadkii Ilaahay, ee lagu diyaariyey Eastleigh oo Nayroobi ah, shan iyo toban sannadood hortood, ayaa ahayd ta ugu muhiimsan ee aannu waxbarashada Baybalka u isticmaali jirney. Dhowr jeer baa dad la baabtiisay, kuwaas oo ay ku jreen lix arday oo jaamacadda wax ka barta. Siyaalo badan ayaa annaga lanoo dhiirrigeliyey.

 

Barnaamij Daacadnimo iyo Naxariis Leh

Anigoo ah agaasimaha Barnaamijka Horumarinta Soomaaliya ee Eastbrook, waxaa iga go’nayd inaannu diyaarino barnaamij caafimaad oo isagoo kale laga hirgelin karo meel kasta oo Soomaaliya ah. Taas macnaheedu wuxuu ahaa inuu kani noqdo mid si fiican u shaqeeya, oo aan lacag aan badnayni ku baxayn, oo isku filan. Waxay ahayd in la beddelo sidii isbitaalkii Buulo Burte ku dhacday oo ahayd inuu mar kasta meel kale ku tiirsanaado oo uusan isku filaansho gaadhin. Waxaannu sidan ku gaadhney annagoo bilownay inaan dadka jiran lacag ka qaadno. Markii la gaadhey 1985-tii isbitaalku si buuxda buu isugu filaa, inta aan ka ahayn shaqaalihii ajnabiga ahaa ee halkaa ka shaqaynayey.

Barnaamijkii caafimaadka ee Buulo Burte waxaa qabatay ishii dowladda, taas oo isbitaalladeeda kharash la’aani haysatey, tan oo iyaduna keentay inaanay haysan shaqaale iyo daawo ku filan. Wafdi dowladda ka socda ayaa isbitaalkayaga soo booqday. Oo way la dhaceen isbitaalkayaga, oo waxay doonistoodu ahayd in isbitaallada Soomaaliya oo dhan laga dhigo sida kaayaga. Kani wuxuu tusaale u ahaa shaqada kaniisadda ee ah inay isbeddel u keento dhaqanka.

Lacagta sannadka oo dhan barnaamijkayaga loogu talaggalay waxay ahayd 150 kun oo doolar, halka isbitaalkii Beledweyne ee ay hay’adda samafalka ee Talyaanigu maamuli jirtey uu ku bixin jirey 14 malyuun oo doolar sannadkiiba. Sidaas oo ay tahay iyagu wax saamayna kumay lahayn bulshadii ama dhaqankaba. Kooxdii Talyaaniga ee horumarka ka shaqayn jirtey waxay joogi jireen xeradayada. Shaqaalihii dhallinyarada ahaa ee annaga noo shaqayn jirey dadka magaalada ayay dhex geli jireen, oo iyaga aad baa loo jeclaa. Ciise ayaa sheegay inaynu innnagu nahay iftiinkii iyo milixdii dunida (Injilka sida Matayos u qoray 5:13-16). Iftiinkii Buulo Burte ka jirey ayaa si deggan ugu faafayey bulshadii halkaa degganeyd iyo barnaamijyadii caafimaad ee meelaha kale ka jirey labadaba.

Barnaamijyo kala duduwan ayaannu aad uga shaqaynay. Hoggaamiyayaashii Masiixiyiintii Muqdisho waxay fiiro dheeraad ah siiyeen baahidii waxbarasho ee dhallinyarada. Hal qorshe oo guuleystey oo aan anigu bilaabay wuxuu ahaa barnaamij iskaa wax u qabso ku dhisan oo ahaa in ceel laga qodo Ceelbuur oo 120 mayl (193 kiilomitir) waqooyiga ka xigtey Buulo Burte. Ceelkaas ilaa maantadan la joogo biyaha waa laga cabaa. Barnaamijyada noocan ahi waxay ka jawaabayeen baahidii dhabta ahayd iyo codsigii dadkii aannu caawinayney. Dadka magaaladu shaqadayada way qiimayn jireen iyo doonistayadii ahayd inaan noloshayada iyaga la qaybsano.

Si daacadnimo weyn leh baannu u shaqayn jirney; weligayo laaluush maannu bixin. Haddii uu sarkaal lacag na weydiisto, waxaannu kaas ku odhan jirney, "Ina keen aan booliiska isula tagnee, si aan iyaga ugu sheegno waxa aad na weydiisanayso." Sidaas oo kale, si sax ah oo aan khalad lahayn ayaannu u diyaarin jirney xisaabta lacagta nagu baxda. Wax kasta oo aan barnaamijkayga u soo dejino waannu qori jirney oo gudbin jirney. Si buuxda oo aan marmarsiinyo lahayn ayaannu cashuurtayada u bixin jirney. Eastbrook waxay yeelatay daacadnimo lagu yaqaaney taas oo aasaas u ahayd go’aankayagii ahaa inaan ahaanno safiirada Masiixa oo daacad ah.

 

Martha Ayaan Guursadey

Intii uu barnaamijkii Eastbrook sii korayey, hadiyad wanaagsani waxay ahayd imaanshihii Martha oo u timid inay muddo kooban kooxdii Eastbrook la shaqayso. Iyadu waxay u timid inay u soo dhowaato meeshii aan anigu ka shaqaynayey, iyo sidoo kale si ay wax uga barato dadkayga. Oo way jeclaatay iyaga iyo inay iyaga u adeegto. Martha oo kooxdii xubin ka noqotay waxay ahayd hadiyad nimcada Ilaahay ah. Intii ay iyadu ila shaqayneysey, hawshii aannu wadney ayaa iyada soo jiidatey, oo dhiirrigelisey, iyo yeedhitaankii Ilaahay ee nolosheeda. Maxay noqon lahayd haddaannu is kaashan lahayn, annagoo ah nin iyo xaaskiis si aannu Soomaalida ugu bandhigno Masiixa?

Markii ay labadii sanno ee shaqadeedu soo dhammaanayeen annagu waannu joojiney inaannu wada kulanno, oo waxaannu bilownay inaannu xidhiidhkayaga u tukanno. Anigu Maraykanka ayaan sannad fasax ah dib ugu laabtay. Martha-na Maraykanka ayay dib ugu soo noqotay markii ay muddadeedii u soo dhammaatay. Dabadeedna jacaylkii aan isu qabney baa dib isugu kaaya soo jiidey, iyo doonistayadii ahayd inaannu annagoo wada jirna Ilaahay raacno. Sidaa daraadeed, duco badan iyo talo badan dabadeed ayaannu annagu is guursanney maalin dayreed oo qurux badan, oo ahayd Oktoobar 17, 1987, isagoo uu wadaadka Dr. Marc Erickson isu kaaya meheriyey. Arooskayagu wuxuu ka dhex dhacay kaniisad duq ah oo qurux badan oo ku taalla dhinaca bari ee Milwaukee.

Intii aannu annagu shaqadayadii ama adeeggayagii sii wada wadney, Martha waxay iga caawisay hawlaha uu Ilaahay aniga iigu yeedhay oo ii diyaariyey. Annagu sidii koox isla shaqaysa baannu nahay. Midkaaya kastaaba hadiyado khaas ah ayuu adeegga ku soo kordhiyaa. Waxaannu sii wadnaa inaannu baranno waxa uu guurku ka dhigan yahay, iyo sidii aannu si ka sii fiican isugu jeclaan lahayn.

Arooskayagii kaddib Soomaaliya ayaannu ku soo wada laabanay. Anigu sannad baan ka maqnaa, oo markaan soo laabtayna dhowr hay’adood ayaan faraha la galay, anigoo iyaga la talinaya, oo dhiirrigelinaya. Kuwan waxaa ku jirey Somalia Mennonite Mission, laakiinse meesha koowaad ee aan weli shaqaalaha ka ahaa waxay ahayd Eastbrook. Berigaas ayuu ahaa markii aan bilaabay inaan si dheeraad ah u dhexgalo hawlihii nabadaynta. Tani shaqo sahlan may ahayn, sida aan labada cutub ee kan ku xiga ku qeexi doono.

Cutubka 4aad                                                                                                                Cutubka 6aad

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Cutubka 5-aad: Ka Dhex Adeegiddii Bulshada Muslinka:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Falimaha Rasuullada 15:1-11

  1. Siyaalehee ayay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah "Nin aan dhul marin dhaayo ma leh" uga caawisay Axmed inuu la qabsado noloshii aadka ugu cusbayd ee uu isagu ku noolaa siddeeddii sannadood ee uu qurbaha joogey? Oo sidee ayay isla xeerarkani isaga uga caawiyeen inuu la qabsado bulshadii waddankiisa ee uu ku soo laabtay?

  2. Qoraaga Nayjeeriyaanka ah ee Chinua Achebe la yidhaahdo ayaa qoraya in arrimuhu kala daataan haddii aanay xuddun iyaga isu haysaa jirin. Axmed wuxuu qorayaa in xudduntiisa ama udub-dhexaadkiisu uu isaga siiyo isku-kalsooni iyo bartilmaameed uu higsado. Qeex xuddunta ama tiir-dhexaadka Axmed.

  3. Sidee baad u aragtaa caqiidada Axmed ee aragtidiisa bulshada iyo isbeddelka dhaqanka? Oo sideed u aragtaa fikradihiisa ku saabsan doorka ay kaniisaddu ka ciyaarto isbeddelka bulshada?

  4. Waa maxay faa’iidada ama dhibaatada ka imaan karta marka uu qof hay’ad horumarka bulshada ka shaqaysa madax ka yahay sida Axmed, uu haddana ka tirsan yahay kaniisad ku dhex taalla bulsho Muslin ah? Sidee ayaad adigu uga jawaabaysaa go’aankii Axmed ku gaadhey in isaga si cad kaniisadda loola xidhiidhiyo?

  5. Ka baaraandeg habkii uu Axmed wax uga qaban jirey xallinta khilaafaadka iyo nabadaynta?

  6. Ka feker hawlihii Axmed laga rabey markii uu ahaa agaasimaha Barnaamijkii Horumarinta Soomaaliya ee Eastbrook. Maxay ahaayeen caqabadihii khaaska ahaa ee isaga la soo dersey, isagoo madax ka ah hay’ad shisheeye ah, oo haddana doonayey inuu ilaashado sharaftii uu bulshadii magaaladiisa ku lahaa?

Qoraal Gunaanad Ah:

  1. Chinua Achebe, Things Fall Apart (New York: Anchor Books, 1959).

  2.  John Paul Lederach si weyn buu hawlanaa geedi socodka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya isagoo la taliye ka ahaa. Aad buu wax u qoray, gaar ahaan buuggiisa arrintan ku lugta lihi waa: Little Book of Conflict Transformation (Intercourse, PA: Good Books, 2003).

  3. William Butler Yeats, Michael Robartes and the Dancer (Churchtown, Dundrum, Ireland: The Chuala Press, 1920). 137.

Cutubka 4aad                                                                                                                Cutubka 6aad



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved