Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

CUTUBKA 6-AAD

U Halgankii Ka Tirsanaanta Bulshada

Bulshada Islaamka ah (1988)

Qasab ma ahaa diinta gelideedu...
                                                — Quraan (Suurat Al-Baqarah 2:256)

 

Markii aannu Soomaaliya ku soo laabanay, dhibaatooyin badan baa nala soo gudboonaadey, kuwaas oo ahaa iyada oo laga soo horjeestay aniga shakhsi ahaan, iyo shaqooyinkii ama adeegyadii aan ku hawlanaa. Caqabaduhu mar kasta way iska jireen, laakiinse hadda mucaaridkii wuu sii xooggeystey. Hoggaamiyayaashii diinta iyo madaxdhaqameedyadii ayaa ku kala qaybsamay sidii ay joogitaankayga uga jawaabi lahaayeen marka loo eego hab dhaqanka Muslinnimada iyo Soomaalinimada. Murankani wuxuu u ekaa mid aan la xallin karin.

 

Iska Difaacii Digniinaha Baqdin Gelinta Ah

Annagu waxaannu ku dhex noolayn xafiiskii ay Eastbrook waddanka ku lahayd kaas oo ku yaalley Xamar, kuna dhowaa Wasaaraddii Tacliinta Sare. Waxaannu dooneyney inaannu kulan la yeelano madaxdii qabaa’ilka, laakiinse iyagu way diideen inay gurigayaga yimaadaan, oo ay xataa koob shaah ah ka cabaan. Iyagu waxay rumaysnaayeen in kuwa diinta Islaamka ka baxay si buuxda bulshada inteeda kale looga jaro.

Laba arrimood ayaa gaar ahaan kuwan na mucaaradayey welwel ku hayey. Waa ta koowaade, waxay rumaysnaayeen in ceelkii sida guusha leh looga qoday agagaarka Ceelbuur uu qayb ka ahaa dadaal lagu doonayey in dad Masiixi laga dhigo. Welwelkooda labaad wuxuu la xidhiidhey casharradii ku saabsanaa dhaqaalaha iyo horumarka dhaqaalaha ee aan anigu ka dhigi jirey Mac-hadkii Tiknikada ee Macallimiinta ee ka tirsanaa Jaamacaddii Waddanka. Casharradaydii dhaqaalaha aad baa looga helay. Marmar ayaan arday gurigayaga ku martiqaadnay. Mar mararkaa ka mid ah ayaa afartan ardaydii Jaamacaddii Waxbarashada ee Lafoole yimaadeen gurigayaga. Mar kalena waxaa yimid toddobaatan wax ka dhigta Jaamacaddii Gahayr. Cuntadii Martha u karin jirtey way macaaneyd, oo taas ardaydu iyada way uga mahadcelin jireen. Markaa waxaa aniga la igu eedeeyey inaanan keliyoo Masiixiyiin ka dhigeyn dadkii reer Ceelbuur, laakiinse aan sidoo kalena ardayda jaamacadda diinta ka beddelayey. Waana run inay dhowr ardaydaas ka mid ahi noqdeen kuwo Ciise rumaysan.

Dacwooyinku kuwo khatar ah bay ahaayeen, oo afar hoggaamiyayaashii qabiilkayga ka mid ah ayaa si toos ah iigu hanjabey inay aniga i dili doonaan. Waxaan ogaa in habsami u shaqayntayda si buuxda loo wiiqayey haddii dabeecadda noocan ahi sii socoto. Waxaan ku dooday inaan anigu Soomaali sidooda oo kale ah ahaa. Waxaan ku dooday inaan doonayey inaan wax kastoo aan qabanayo Ilaah ku sharfo. Waxaan iyaga xasuusiyey wanaaggii badnaa ee aan iyaga iyo reerahoodaba u sameeyey. Waxaan iyaga u sheegay inaanan marna weligey qofna Masiixi ka dhigin; taasi waa shaqada Ilaahay. Waxaan iyaga u sheegay in qofna uusan annaga weligiis lacag naga qaadan si uu diintiisa u beddelo.

Laba arrimood oo muhiim ah ayaa dhacay intii aan anigu raadinayey in arrimaha reerka la iga qaybgeliyo. Ta hore waxay la socotey qoditaankii ceelka ee Ceelbuur. Qaar madaxdii qabiilka ka mid ah ayaa tan u arkay inay guul u tahay iskudaygaygii ahaa inaan dadka meeshaas diintayda ku soo duwo. Hanjabaadahoodii ahaa inay aniga i dilayaan ayaa soo gaadhey mid qaraabadaydii ka mid ah, oo wuxuu isagu ku adkaystay inaannu kuwaas la fadhiisano oo welwelkooda kala hadallo. Sidaa daraadeed, galab galbaha ka mid ah, afar wadaad ayaa Ceelbuur ka yimid oo gurigaygii yimid, oo halkaa kula kulmay wiil aan adeer u ahay, laba walaalahay ah, iyo aniga laftayda.

Ardaaga ayaannu fadhiisanay, oo Martha ayaa shaah iyo sambuusi noo samaysay. Welwelkoodii ayay iyagu sheegteen. Waxaan anigu u sheegay iyaga inaan qabiilka sidooda oo kale ka tirsanaa! Waxaan carrabka ku adkeeyey inaan doonayey inaan bulshada caawiyo anoo ku caawinaya ceel aan gobolka u qodo. Iyo in kasta oo aan anigu Ciise rumaysnaa, aanan anigu dadka beddelin. Ilaahay oo keliya ayaa qalbiyada dadka beddela. Iyagu sharaxaddaydii way fahmeen, oo aqbaleen iyada.

Arrinta labaad ee dhacday waxay ahayd markii aniga la ii oggolaaday inaan si buuxda uga qaybgalo shir muhiim ah oo reerku lahaa. Nin dhallinyaro ah oo qabiil kale ka soo jeeda, ayaa waxaa diley mid qabiilkayga ka dhashay. Ugaaskii qabiilkayga ayaa shir u qabtay odayaashii reerka oo dhan si arrintan loo xalliyo. Waxaa laga wada hadlayey dib-u-heshiisiin, xaalmarin iyo magtii la siin lahaa reerka wax laga diley. Aniga ayaa ku martiqaaday iyaga inay gurigayaga shirka ku qabtaan. In kastoo uu ugaasku tan doonayey, qaar hoggaamiyayaasha ka mid ah ayaa markii hore diidey inay shirka yimaadaan kaddib markii la sheegay in meesha shirka lagu qabanayaa gurigeyga tahay. Waxay iyagu sheegeen in saxamada iyo malqadahu ay nijaas yihiin maadaama aan anigu gaal ahaa. Laakiinse markii ay ugaaskii iyo kuwo kale ganjeelladii ka soo galeen, ayay madaxdani garowsadeen inuu shirku dhacayo. Intii uu shirku socdey, afar nin baa ganjeelladii gurigayaga isa soo taagey oo ku adkaystay inaan anigu dibedda ugu soo baxo iyaga si aan ula hadlo. Dhowr walaalahay ah ayaa markaa gurigayga ku sugnaa, iyo odayaal kale oo qabiilka hooyaday ka soo jeeda. Iyagoo wada jira ayay kuwani aniga ii diideen inaan dibedda u baxo, ay iyagu dibedda ugu baxeen. Waxay iyagu arkeen in mid afartii nin ee ganjeellada taagnaa ka mid ahi ahaa imaamkii si bayaan ugu dhawaaqay inay tahay in aniga la i dilo. Laakiinse, ugu dambeyntii afartaa nin waxay oggolaadeen inay guriga soo galaan, oo halkaasay wax nagula cuneen.

Fiidkaasi aad buu muhiim u ahaa. Ka wada cashayntayadii gurigeygu waxay lahayd muhiimad gaar ah; waxaa tan macnaheedu ahaa in markaa laga bilaabo la iga aqbalay reerka dhexdiisa, marka la sii ballaadhiyona in aniga la iga aqbalay inaan arrimaha Soomaalida oo dhan ka qaybgalo. Mar kale gudahaan soo galay. Laakiinse, in arrimaha lagaa qaybgeliyaa way ka sii badan tahay in cunto la wada cuno oo keliya. Waa in xidhiidho la samaystaa oo la dhowraa. Taana waannu samaynay. Usbuuc kasta toban ilaa labaatan odayaashii qabiilkayga ah ayaa gurigayaga u imaan jirey inay wada tashadaan oo halkaa ku cunteeyaan. Martha ayaa cuntada isku dubbarridi jirtey. Waannu isla cuni jirney, oo aad u wada sheekaysan jirney. Sidaas ayaa heshiiskayagii nabadda ahaa loo cusbooneysiin jirey toddobaad kasta.

 

U Markhaatifurkii Masiixa Ee Lagu Muujiyey Nolosha Dadka Dhexdooda

Maadaama hadda bulshada la igu soo daray, waxaan isku taxalujinayey inaan u adeego kaniisadda iyo bulshada Soomaaliyeed ee Muslinka ah labadaba. Hawlahan aan bulshada u hayey waxay ku salaysnaayeen sidii aan ugu dheganaa rumayntii Masiixiyadda ee ahayd inuu Ciise oo ahaa Eraygii Ilaah oo noqday binii’aadan oo uu ku dhex noolaa dadka. Quraanku wuxuu sheegayaa inuu isagu yahay Ciise Kalimatulaah – Ciise Eraygii Ilaahay.1 Tani aad bay muhiim ugu tahay dib-u-heshiisiinta iyo shaqada nabadaynta ah. Haddii uu Ciise yahay Eraygii oo binii’aadan noqday, Ilaahay wuxuu xertiisa ugu yeedhay inay noqdaan kuwo Masiixa u eg.

Aniga la iiguma yeedhin oo keliya inaan kaniisadda ka tirsanaado, laakiinse aan sidoo kale ka tirsanaado bulshadii Soomaaliyeed ee Muslimiinta ahayd ee Muqdisho. Magaalada oo dhammi way ogeyd inaan anigu si buuxda u rumaysnaa Ciise Masiix, oo si buuxda hawlaha kaniisadda uga qayb ahaa. Waxay kaloo iyagu ogaayeen in aniga la iga aqbalay inaan ka tirsanaado bulshada Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah. Anigoo xubin ka ah kaniisaddii, ayaan doonay inaan bulshadii Soomaaliyeed ee Muslinka ahayd dhexdeeda ka noqdo calaamadda Ciise, isagoo ah Ilaaha inala jira. Albaabku wuxuu furmay markii ay odayaashii Soomaaliyeed gurigeyga wax ka cuneen. Iyagu waxay aqbaleen joogitaankeygii bulshada dhexdeeda anigoo Ciise xerow u ah.

Qaar ayaa dareema in si iyaga loo aqballo oo dadka loogu soo daro, ay tahay in Masiixiyiintu ay markhaatifurkooda yareeyaan. Tan anigu kuwaas kuma raacsani. Fikraddan ah in markhaatifurka la qariyaa waxay aniga i xasuusinaysaa Bilaal, ninkii ugu horreeyey ee madow ee Islaamay. Markii Makka la joogey ayuu Maxamed u doortay Bilaal inuu salaada aadaamo. Laakiinse, Bilaal wuxuu ka cabsanayey reer Makka, sidaa daraadeed marka uu isagu aadaamayo dheri ayuu ku aadaami jirey si uu codka aadaanka u gaabiyo. Qofna taas ma maqli jirin, sidaa daraadeed dhaqdhaqaaqii Muslinku muu korin.

Dabadeedna Maxamed iyo Muslimiintii ayaa Madiina u haajirey, halkaas oo akhbaarkii Islaamka si dheeraad ah looga soo dhoweeyey marka Makka la barbardhigo. Madiina dhexdeeda, Bilaal si fiican buu u aadaami karey isagoo aan qofna ka baqayn. Markaa munaaraddii dusheeda ayuu ka aadaamey si ay dhammaantood u maqlaan. Tanina waxay keentay inuu Islaamkii koro. Sidaas oo kale, rumaystayaasha Ciise Masiix waxay u baahan yihiin inay helaan siyaalo ay markhaatifurkooda kaga soo gudbin karaan sida munaaradda dusheeda oo kale. Waxaan anigu isku deyey inaan markhaatifurkayga Masiix ka dul sheego dhowr nooc oo munaarado mala-awaal ah.

 

Ka Mid Noqoshadii Kaniisadda

Kaqaybgalkaygii kaniisadda ee joogtada ahaa waxaa arki jirey bulshadii Muslinka ahayd ee Muqdisho oo dhan. Anigu kamaan qaybgeli jirin oo keliya, laakiinse si firfircoon baan isugu hawlaheeda uga qaybqaadan jirey, oo dhowr jeer ayaan ka mid noqday guddigii odayaasha kaniisadda. Saddex jeer ayaa la ii xidhay kaqaybgalkaygii kaniisadda daraadeed. Mar ayaa goor fiidkii ah saraakiil yimaadeen gurigii Kenneth iyo Elizabeth Nissley markaas oo aan ka qaybgalayey fadhi ay guddiga odayaashu lahaayeen. Kuwani waxay iigu yeedheen inaan albaabka ugu soo baxo, oo markaan dibedda imidna si degdega ayay baabuur ii saareen oo xabsiga igu tureen.

Ma jirin qof kuwii kulanka igula jirey oo ogaa wixii dhacay; waxay keliyoo giddigood ogaayeen inaanan kulankii ku soo laaban. Waxay bilaabeen inay i raadiyaan, iyagoo isu maraya xafiisyadii kala duduwanaa ee booliiska, iyo xabsiyadiiba. Oo saraakiishii oo dhammina waxay ku adkaysteen inaanay xaaladdayda waxba kala socon. Fiidnimadii dambe ayay iyagu heleen xabsigii aniga la igu hayey. Subaxdii ku xigtey ayaa aniga la i soo daayey. Anigu hanjabaadaha noocan ah uma aan oggolaan inay iga celiyaan inaan si buuxda uga qaybgalo noloshii iyo shaqadii kaniisadda. Shaqadaasi waxay ahayd mid ka mid ah munaaradaha aan Masiixa uga markhaatifuray.

Mar kale waxaa munaaraddii markhaatifurka ii noqotay maxkamad, mar uu mid isku deyey inuu kufsado haweeney hay’adda MCC u shaqayn jirtey. Ninkii sidan sameeyey ayaa maxkamaddii la geeyey, oo anigana waxaa la iigu yeedhay inaan dacwadan ka turjumo—reer Nisley ayaa iyaguna halkaas ku sugnaa. Dacwadan oo ka dhacaysey Maxkamaddii Amniga Waddanku waxay ahayd mid muhiimad weyn la siiyey. Xaakinkii ayaa aniga i weydiistey inaan Quraanka ku dhaarto inaan runta sheegi doono. Aniguna waxaan ugu jawaabey, “Anigu Ciise Masiix baan rumaysanahay, markaa ma dhaaranayo.”

Isku mar ayaa maxkamaddii oo dhammi ku dhawaaqday, “Oooooooooooooo!”

Xaakinkii ayaa ku sii adkaystay, “Adigu runta ma sheegi doontaa?”

Aniguna waxaan ugu jawaabey, “Si buuxda ayaan runta u sheegi doonaa.”

Dabadeedna wuxuu xaakinkii ii sheegay inaan sii wato hawshaydii turjumaadda.

Maxkamaddaasi munaarad bay aniga ii ahayd. Dadkii oo aniga sheekaysanayay daraaddeed ayaa kuwo badani eraygii markhaatifurkayga iyo qirashadaydii iimaanka maalintaas maqleen. Geesinimada noocan ahi igama xidhin albaabkii ka tirsanaanta bulshada. Dabcan, waxaan u baahnaa inaan tan ku sii adkaysto, anigoo xataa mararka qaarkood ku doodaya inaan la i takoorin. Socdaalkaygii dhexdiisa waxaan ku ogaadey in ku adkaysiga aan kala go’a lahayni uu muhiim yahay.

 

Isbeddel iyo Kacdoon

Markii aan fasaxa ku jirey 1986-87, qof ajnabi ah ayaa hoggaankii barnaamijkii Eastbrook sii hayey. Markii aan Martha iyo anigu Muqdisho dib ugu soo noqonnay, guurkayagii kaddib, Soomaaliya mar horeba waxaa isbeddel ku ridey xoogag baaba’ wadey. Intii ay sannadihii 80-naadku socdeen, waddanku wuxuu u kala sii socdey dhinacyo kala duwan oo laga naxo.

Waxaannu ka murugooneyney in joogitaankaygu uu mid gaaban ahaado. Dagaalkii Itoobiya lala galay ayaa labada dhinacba dad badani kaga dhinteen. Dagaal sokeeye ayaa gobollada waqooyi aafeeyey, oo in yar dabadeedna Muqdisho ku soo faafay. Dagaalladii qabaa’ilka ka dhexeeyey ma joogsaneyn, oo xooggagii Siyaad Barre ka soo horjeedeyna way sii xoogeysanayeen.

Daryeeladii caafimaadka oo sii xumaanaya daraadeed, ayaa Martha tagtay July 1988, oo ahayd dhowr bilood ka hor intaanu cunuggayagii ugu horreeyey dhalan. Anigu bil kaddib oo Agoosto ahayd ayaan tegey. Waxaannu annagu tagnay annagoo niyadda ku hayna inaannu Soomaaliya dib ugu soo laabano markuu curadkayagu dhasho kaddib, laakiinse taasi waxay noqotay mid aan suurtaggal ahayn, markaasaannu go’aansanay inaannu Maraykanka sii joogno. Intii kale ee kooxdii Eastbrook ka shaqayneysey waxay sii joogeen sannad kale. Sidaas oo ay tahay, xiisaddu kor bay u sii kacaysey, gaar ahaan Xamar dhexdeeda. Xafiisyadii Eastbrook ayaa u soo guurey meel masjid agtiisa ah, halkaasoo wax kastoo xarunta ka dhaca si sahlan loogala socon karey. Calaamadda Eastbrook waxay ahayd iskutallaab iyo qoolley, tan oo baabuurtayadana ku sawirayd. Qaar baa rumaysnaa in calaamaddan Kiristaanka ee aan la qarinayn dadka cadho aan loo baahnayn ku abuureysey. Laakiinse, anigu waxaan rumaysanahay inaanay calaamad ahani wax saamayna ku lahayn inuu khilaaf abuurmo. Xiisadda sannadkaasi waxay qayb ka ahayd khilaaf ballaadhan oo qabaa’ilka ka dhex taagnaa.

Luulyo 9, 1989, waxaa Xamar lagu diley biishobkii qaaliga ahaa ee la odhan jirey Father Salvatore Columbo. Markii Luulyo 14 la gaadhey waxaa magaalada qarqiyey dibadbax rabshado wata, oo xafiisyadii Eastbrook ee Muqdishona waa la burburiyey. Waxaa xusid mudan, in isla markaas aannu Marc Erickson iyo anigu ka qaybgelayney shirkii caalamiga ahaa ee Lausanne II ee magaalada Manila ka dhacayay, oo ahaa kulan caalami ah oo looga hadlayey sii waditaanka in qarammada oo dhan warka wanaagsan ee Masiixa la gaadhsiiyo. Waxaannu keliyoo burburka ka war hellay, kaddib markii kooxdayadii la soo badbaadiyey.

Weerarkan waxaa loo soo qorsheeyey in saddex kooxood oo rabshoolayaal ahi ay si isdabajoog ah u weeraraan xarunta Eastbrook. Dadkii yaacayey ayaa ku dhawaaqay doonitaankoodii ahaa inay doonayeen inay Masiixiyiintii ajnabiga ahaa laayaan. Darryl iyo Debbie Zeibarth iyo saddexdoodii cunug ee yaryaraa ayaa xafiis uu albaabkiisu muraayad ballaadhan yahay ku dhuuntay. Saddexdii kooxood ee wax burburinayey waxay cagta mariyeen qol kasta oo xaruntii ka tirsanaa, laakiinse albaabkii muraayadda ahaa may taaban. Waxaannu rumaysanahay inay malaa’igta Ilaahay albaabka ilaalineysey. Markii ay mooryaantii tagtay, ayaa reer Zeibarth u duseen guri ku dheganaa, laakiinse carruurtoodii waxay mid kasta ku qariyeen foostooyin daaradda yaaley.

Isla maalintan isla dhacdadan oo kale ayaa diyaar u ahayd inay Buulo Burte ka qaraxdo. Wadaadkii masjidka ayaa soo jeediyey wacdis kulul oo ka dhan ah kooxdii Eastbrook ka shaqayneysey, isagoo dadkii ugu yeedhaya inay halkaa weerar ku qaadaan. Laakiinse, odayaashii magaalada ayaa wadaadkii soo qabtay, oo isaga xidhay. Madaxdii magaalada ayaa isbitaalkii Eastbrook iyo kuwii degganaaba dad difaaca ku wareejiyey. Habeenkaa Muslimiintii magaaladu waxay seexdeen daaradihii guryihii Masiixiyiintii iyagoo kuwan ilaalinaya. Maalintii ku xigtey ayaa Muslimiintan dhiirani kuwii Masiixiyiinta ahaa ee ay ilaalinayeen ee ahaa kooxdii Eastbrook ay u soo kaxeeyeen Muqdisho, si iyaga halkaas looga sii badbaadiyo oo dibedda loogu saaro. Qofna dhib ma gaadhin, oo qofna lama dilin.

Markii la bilaabay in dadkii laga soo badbaadiyo magaaladii Muqdisho dhexdeeda oo garoonkii diyaaradaha la keeno, dadkii berigii hore diidey inay aniga wax ila cunaan oo ii hanjabey ayay ahaayeen kuwii kooxda Eastbrook soo badbaadiyey oo gaadhsiiyey meeshii nabadgeliyada ahayd oo ahayd garoonkii diyaaradaha. Markay sidan samaynayeen khatar weyn ayay iyagu noloshooda gelinayeen. Imaamkii iigu hanjabi jirey inuu i dilayo ayaa isaga laftiisu ahaa kii baabuurka shidhkiisa fadhiyey, oo ahayd meesha ugu khatarta badan ee baabuurkii dadkan lagu wadey!

Waxaan dareemay in halgankaygii ahaa inaan ku adkaysto in bulshada la iga qaybgeliyo uu ahaa mid saxsan. Haddii aan raalli ku ahaan lahaa in aniga la takooro, markaa ma rumaysni inay nimankani kooxdayadii badbaadin lahaayeen. Laakiinse markii derbiyadii wax kala qoqobayey la jebiyey kaddib, albaabadii aniga oo keliya la iima furin, laakiin dhammaan xubnihii kale ee kooxdaydii oo dhanna waa loo furay. Oo waxan oo dhan waxaan ku tusayaa sida ay tukashu muhiimka u tahay. Soomaaliya gudaheeda iyo waddamo kale oo fogfogba, midiidinadii Rabbiga ayaa salaad u jilbajoogsadey. Ilaahayna wuxuu salaadahan uga jawaabey siyaalo aan mucjiso uun ku tilmaami karno. Ilaahay ayaa si naxariis iyo nicmo leh midiidinadiisa u daryeelayey.

Waannu ka murugooney burburkii, dagaalkii, iyo dhimashadii ka dhacday Soomaaliya. Laakiinse, markii ay arrimihii isa soo tareen, waxaa caddaatay in go’aankayagii ahaa inaan Maraykanka joognaa uu mid saxsan ahaa. Waxaannu si buuxda diyaar ugu ahayn inaannu raacno talada Ruuxa Quduuska ah, iyo tii walaalihii Masiixiyiinta ahaa ee go’aankayaga nagu raacay. Waxaa dhici kartey in ay anigana igu dhacdo sidii ku dhacday biishobkii Kaatooligga ahaa, intii uu dagaalkii wax baabi’inayey Soomaaliya ku sii faafayey.

Laba sanno iyo wax yar kaddib markaannu Maraykanka ku soo laabanay, oo ahayd Janaayo 26, 1991, ayaa Siyaad Barre waddanka ka cararay. Hab siyaasadeedkiisii Shuuciyadda ee burburka keenay ee laba iyo labaatanka sannadood jirey halkaasuu ku dhintay. Sannadihii markan ka dambeeyey, dadka Soomaaliyeed dhiba dhib bay uga sii gudbayeen, intii ay raadinayeen sidii ay u qarankoodan dhaawacmay u bogsiin lahaayeen. 

 

U Silciddii Masiixa

Waxaannu Ilaahay uga mahadcelinaynaa calaamadihiisii badnaa ee tusayey joogitaankiisii iyo ilaalintiisii ee Soomaaliya dhexdeeda. Laakiinse, waxaannu kaloo garowsanaynaa inaan dhammaan xertii Soomaaliyeed dhimashadii laga badbaadin; qaskii dhexdiisa, kuwo badan baa lagu diley. Markii 1994 la gaadhey Masiixiyiinta intoodii badnayd ama way dhinteen ama waddanka way ka baxsadeen. Qaarkood, baxniinada Ilaahay ee mucjisada leh ayaa sugeysa sarakicidda ugu dambaysa markaas oo uu Masiixu soo laabanayo. Sidii ay kuwani u dhinteen way kala duduwanaayeen. Mid walaalahaas ka mid ah oo la oran jiray Liibaan Ibraahim Xasan wuu ogaa in noloshiisu khatar ku jirto, laakiinse inuu joogo ayuu go’aansaday. Wuxuu isagu riyo ku arkay foosto malab ah oo cirka Soomaaliya dushiisa ah sudhan, taas oo waddanka oo dhan lagu soo dul shubay, tan oo meel kasta oo malabkaasi gaadhaba nolol cusub geyneysa. Wuxuu isagu rumaysnaa in foostadaasi ay Masiixa ka dhigan tahay, oo uu malabkuna Ruuxa Quduuska ah metelayo kaas oo uu Masiixu ku soo shubi dooney dhammaan dadkii dhaawacnaa ee Soomaaliya oo dhan. Isagu wuu joogey si uu u noqdo webiga ay noloshaa cusubi soo marayso. Muddo yar riyadan kaddib ayaa isaga la diley, isagoo ifka kaga tegey carmalad dhallinyar iyo hal cunug.

Shaahidiintan oo xer daacad ah ahaa waxay hadda joogaan jannada oo waxay qayb ka yihiin daruur markhaatiyaal badan ah kuwaas oo socdaalkeenna rumaysiga inagu dhiirrigelinaya (Warqaddii loo qoray Cibraaniyada 12:1).

 

Afraxyare!

Intii ay arrimahani Soomaaliya ka dhacayeen, annagu waxaannu joognay Milwaukee. Oo Sebtembar 17, 1988, ayaannu ku barakowney dhalashadii wiilkayagii curad, Afraxyare! Waxaannu kan ugu magacdaray awowgiisii hore ee caanka ahaa.

Magacan waxaa wiilkayaga loo sii qorsheeyey annagoo Soomaaliya joogna, oo ay isaga weli Martha caloosha ku sido. In yar ka hor intaanay weli Soomaaliya ka soo bixin si ay Maraykanka ugu soo dhasho, ayaa ugaaska ugu sarreeya ee qabiilkayga iyo odayaashii reerku iyada u yimaadeen, si ay hadiyad u siiyaan oo ayna ugu duceeyaan. Ugaaskii wuxuu sii sheegay inay Martha wiil dhali doontey, oo uu magaciisuna Afraxyare noqon dooney, kaas oo ahaa magacii awowgey. Isagu wuxuu ahaan jirey nin aad loo maamuuso, oo ugaaskana la taliye ayuu u ahaan jirey.

Intii aan Afrax laabta ku hayey ayaan Ilaahay ka baryey inuu na siiyo xigmad ah inaan garanno tallaabada tan ku xigtey ee ku saabsanayd yeedhitaankayagii ahaa inaannu dadka Soomaaliyeed u adeegno. Waxaan anigu si kalsooni leh qalbigayga dhexdiisa uga ogaa inuu Masiixu igu hagayey inaan dib-u-heshiisiinta ka dhex shaqeeyo. Afraxyare ayaa yeedhitaanka calaamad u ahaa, waayo magaciisa ugaaska ayaa ku dardaarmay, kaas oo si diiran aniga qoyska qabiilkiisa iigu soo dhoweeyey, isagoo haddana og inaan anigu Masiixi ahaa. Anigu waxaan ogaa inuu Masiixu iigu yeedhayey inaan noqdo safiirkiisa injiilka nabadda ah.

Cutubka 5aad                                                                                                                Cutubka 7aad

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Cutubka 6-aad: U Halgankii Ka Tirsanaanta Bulshada:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Falimaha Rasuullada 21:26-22:2

  1. Maxay ahaayeen sababihii ay qaar ka mid ah odayaashii qabiilka Axmed ugu go’aansadeen in isaga la dilo?

  2. Sidee ayuu Axmed ugu qalmay inuu xaq u lahaado in arrimihii bulshada Muslinka ah laga qaybgeliyo? Door intee le’eg ayay Martha arrintan ka ciyaartay?

  3. Sidee ayaad adigu uga faalloon kartaa isbeddelkii ku dhacay imaamkii markii hore hoggaanka ka ahaa dhaarihii dilka ahaa iyo ka soo horjeedkii Axmed, kaas oo markii dambena barakeeyey Axmed iyo adeeggiisii, oo ugu dambaystiina isagoo naftiisa khatar gelinaya kooxdii Eastbrook ka shaqayneysey ka soo badbaadiyey magaalada Xamar?

  4. Sidee ayaad adigu uga jawaabeysaa ku adkaysashadii Axmed ee inuu isagu ka qaybgalo hawlihii kaniisadda, iyadoo haddana culays badan isaga lagu saarayey inuu taas faraha kala baxo?

  5. Axmed wuxuu munaaradda masjidka Muslimiinta ee laga aadaamo u ekaysiinayaa yeedhitaankii Ciise Masiix xertiisa ugu yeedhay inay isaga markhaatifuradiisa noqdaan. Sheeg qaar ka mid ah siyaalaha uu Axmed markhaati ugu noqday Masiixa.

Qoraal Gunaanad Ah:

  1. Quraan, An-Nisaa’ (Haweenka): Suuradda 4:171. Inkasta oo uu Quraanku ugu yeedhayo Ciise Kalimatullaah, aqoonyahannada Muslimiinta intooda badani waxay ku adkaystaan inaan tan macnaheedu ahayn Ilaah oo nin noqday, laakiinse in tan loola jeedo in uu Ilaah hadlay, oo Ciise lagu dhex abuuray uurkii bikrada. Sidaas oo ay tahay, Masiixiyiintu waxay fahansan yihiin in odhaahdan Ciise ku saabsani ay albaabka u furayso in laga fekero arrinta ah Ilaahay oo ina dhex yimid.

Cutubka 5aad                                                                                                                Cutubka 7aad



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved