Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

CUTUBKA 7-AAD

Nabaddoon Dhaawacan

Kaqaybgalkii Xallinta Khilaafka Soomaaliya (1989-92)

Cadowgaaga caano mac baa la siiyaa.
                                                — Maahmaah Soomaaliyeed

 

Sii joogitaankii Maraykanku wuxuu Martha iyo aniga noo ahaa hakad lama filaan ah. Soomaaliya ayaan anigu lixdii sanno ee la soo dhaafay intooda badan joogey, Martha-na saddexdii sanno ee ugu dambeeyey intooda badan ayay halkaa joogtay. Waxaa qorshahayagu ahaa inaannu Soomaaliya sida ugu dhakhsaha badan dib ugu laabano isla marka uu wiilkayaga yari diyaar u noqdo inuu socdaal geli karo, oo joogitaankayagii Maraykanka muddo yar ayaannu ku qiyaaseyney. EMM waxay sii kordhineysey shaqaalaheedii Soomaaliya. Laakiinse, markii xafiisyadii Barnaamijyada Horumarinta la weeraray kaddib, Eastbrook wax shaqaale ahi Soomaaliya kama joogin. Eastbrook waxay go’aansatay inay sugto oo eegto waxa dhici doona. Hal qoys ayaa sii joogey Nayroobi, Kiiniya, iyagoo rajeynaya in qalalaasuhu joogsan doono oo ay halkaa dib ugu laaban doonaan. Laakiinse, annagu kumaannu calool fayoobeyn inaannu dib u laabano. Waxaannu rumaysnayn in isla xooggagii biishobkii Kaatooligga ahaa diley ay annagana na bartilmaameedsan doonaan haddii aannu halkaa dib ugu noqono.

 

U Diyaargarowgii Kaqaybqaadashada Dib-U-Heshiisiinta

Ugu dambaystii waxaannu gaadhney go’aankii adkaa ee ahaa inaan dib u noqoshadayadii dib u dhigno. Waxaannu ka tagnay Milwaukee iyo asxaabtayadii qaaliga ahayd ee Kaniisaddii Eastbrook oo waxaannu u guurney Elkhart, Indiana, si aannu Associated Mennonite Biblical Seminary (AMBS) uga sii baranno waxbarasho dheeraad ah oo ku saabsan nabadaynta, halkan oo aan mar hore sannad wax ka bartay, kaddib markaan Goshen College ka qalinjebiyey. Anigu waxaan rumaysnaa in nabadayntu ahayd hawsha cusub ee degdega loogu baahnaa ee ay ahayd inay Masiixiyiintu Soomaaliya ka qabtaan. Si aan si dheeraad ah hawshan ugu qalab qaato, waxaan u baahnaa waxbarasho Baybalka oo dheeraad ah iyo xirfad waxqabad oo dheeraad ah oo ku saabsan nabadaynta, AMBS-na waxaa lagu bari jirey koorsooyin heerkoodu aad u sarreeyo oo dib-u-heshiisiinta ku saabsan.

Mararka qaarkood waxaa na daalinayey daryeelkii aan wiilkayagii yaraa ee Afrax daryeeleyney, tanoo aan haddana aad uga heli jirney, oo iyadoo kharashku aad noogu yaraa, ayaa haddana waxaa noo bilowday maadooyinkii adadkaa ee AMBS. Tan waxaa sii dheeraa xiisad qoto dheer oo guurkayaga soo dhex gashay. Guurarka dadka kala dhaqanka ah waxaa mar kasta la soo gudboonaada caqabado gaar ah. Anigu waxaan guurka la dhex imid fikradahaygii Soomaaliga ahaa ee guurka la xidhiidhey, Martha-na kuweedii Maraykanka ahaa ayay la dhex timid. Fikradahan kala duduwani kuwo si fiican isu dhisaya ayay ahaayeen, laakiinse annagu kuwan mar kasta sidaa uguma aannu arki jirin.

Aabbahay ayaa aniga tusaale ii ahaa, iyadana hooyadeed ayaa tusaale u ahayd. Aabbahay oday Soomaaliyeed oo dhab ah ayuu ahaa, oo waxaa isku dhac ka yimid sidii uu isagu guurka u arki jirey iyo dhaqankii reerka Martha ka timid. Guurka caafimaadka qabaa waa sidii laba qof oo dun labadeeda cidhif kala haya. Haddii uu midkood jiido, waa in ka kale debciyaa, haddii kale duntu way kala go’aysaa. Markaa annagu dunta sidii loo baahnaa umaannu debcineyn. Markaa guurkayaga dhibaato ayaa la soo gudboonaatey, tan oo keentay inaannu badanaa dad kale talo ka doono. Si weyn baannu Ilaahay ugaga mahadcelinaynaa inuu guurkayaga dhawray. Shaqadii dhibta badnayd ee Soomaaliya kaddib, AMBS ayaa ahayd meel fiican oo aannu guur xoog leh ku sii dhisi karney.

Isla markaana, waxaannu sii wadney waxbarashadayadii. Anigu shahaadadaydii nabadaynta ku saabsanayd waan dhammeeyey, Martha-na waxay diiradda saartay waxbarashada diinta Masiixiga, gaar ahaan taariikhda kaniisadda. Martha dukaan buuggaagta lagu iibiyo bay ka shaqayn jirtey, aniguna waxaan ilaalin jiray oo nadiifin jiray dhismaha jaamacadda. Waxaa kaloon ka shaqayn jirey laybereeriga, muddana waxaan ka shaqeeyey qaybta horumarinta ardayda ee Goshen College oo deris nala ahayd.

Kani wuxuu ahaa wakhti barako leh oo aannu dib u soo cusboonaysiinay xidhiidhkaygii aannu la lahayn Assembly Church oo ahayd kaniisad ku taalley Goshen oo nagu dhoweyd, kaniisaddan oo muhiimad gaar ah ii lahayd berigii aan jaamacadda ku jirey. Martha ayaa wakhtigan wax dheeraad ah ka baratay mad-habta Masiixiyiinta ee "Mennonites" iyo "Anabaptists" la yidhaahdo. Muddadii lixda sanno ku dhoweyd ee aannu Maraykanka joogney inteeda badan waxaannu degganeyn Elkhart, laga soo bilaabo Ciiddii kowaad ee Masiixiga ee Afrax oo ahayd 1988 ilaa laga gaadhayey Luulyo, 1994. Muddadan dhexdeeda saddex jeer uun baan socdaal ugu baxay Soomaaliya iyo Stockholm, oo Sweden ah.

 

Waalidiintey

Martha iyo anigu waxaannu ku dhex jirney waxbarashadayadii markii Janaayo 15, 1990, uu aabbahay dhintay. Si kastoo aan maktabadahii AMBS wax fiican uga baraneyneyba, anigu waxaan rumaysanahay inaan anigu wax ka sii badan oo qiimo leh ka bartay aabbahay iyo hooyaday (oo iyaduna saddex iyo toban sannadood markaa kaddib dhimatay) marka la barbardhigo buuggaagtii badnayd ee aan akhriyey. Iyagoo aan ogeyn, ayaa Ruuxa Quduuska ahi si qunyar ah iyaga fikradahoodii iyo hab dhaqankoodii ruuxiyanka ahaa u isticmaalay inaan naftayda ku abuuro baadidoonkaygii ruuxaaniga ahaa ee uu hadda Ciise buuxiyey. Waxaan anigu marar badan dareemay siyaalihii badnaa ee kala duduwanaa ee ay iyagu ii barakeeyeen, oo u taageereen go’aankaygii ahaa inaan Masiixa rumeeyo. Iyagu anigoo keliya imay barakayn, laakiinse sidoo kale Masiixa oo ah xuddunta noloshayda ayay sharfeen.

Waxaa intan sii dheer, sidii aan anigu markii dambe hoggaamiyayaashii qabiilka ugala qaybgalay dib-u-heshiisiinta waxaa saamayn ku lahaa sidii aabbahay nabadda u raadin jirey uguna dhaqmi jirey. Siyaalaha dib-uheshiisiinta ee kala duduwan ee ku salaysan dhaqankii Soomaalidu lahayd diinta Islaamka ka hor, kuwan oo aan mar dhow qeexi doono, waxay ku salaysan yihiin tusaalihii iyo dhaqankii aabbahay. Laakiinse, injiilka Masiixiyiintu wuxuu ina geynayaa meel ka shisheysa waxa dhaqanka suurtaggalka ka ah, gaar ahaan marka laga eego dhinaca saamaxaada iyo xataa sida ay tahay inaan cadawga u aragno.

 

La Shaqayntii Ergada ERGADA

Markii lagu dhex jirey mashaqadii keentay in Madaxweyne Siyaad Barre waddanka masaafuris ahaan uga baxo, qurbajoogtii Soomaalida ayaa la shaqayneysey hay’adaha la kala yidhaahdo MCC iyo Life and Peace Institute iyo mad-hab Masiixiyiin "Quakers" la yidhaahdo, oo Sweden laga leeyahay, si ay u dhisaan dad nabaddoono ah oo wax ka qabta dhibaatooyinkii Soomaaliya ka jirey. Kulankii ugu horreeyey wuxuu dhacay Diseember 14, 1990, oo waxaa lagu qabtay Harrisonburg, Virginia, gaar ahaan Eastern Mennonite College (tan hadda loogu yeedho Eastern Mennonite University). Kuwan waxaa kaloo loo yaqaaney Ergada. Dadkii arrinta sida weyn uga qaybqaatay ee aan Soomaalida ahayn ka ugu muhiimsani wuxuu ahaa John Paul Lederach. Kuwa fikradaha muhiimka ah keenay waxaa ku jirey dhowr Soomaalida waxbaratay ee qurbaha ku nool ah, oo aan anigu ka mid ahaa. Qaar kuwan ka mid ah waxaa saamayn ku yeeshay iskuulladii SMM ee ay wax ka dhigteen sannado badan ka hor.

Janaayo 26, 1991-dii, lix usbuuc kaddib markii Ergada la sameeyey oo keliya, ayaa dowladdii Siyaad Barre la ridey. Khilaafkii qabaa’ilka ee ka dhashay kacdoonkii Soomaaliya ka dhacay ayaa si toos ah bulshooyinkii qurbaha ku noolaa u soo dhexgalay. Sidaa daraadeed shaqada adag ee ugu horreysey ee noo taalley waxay ahayd sidii aannu nabad u dhex dhigi lahayn qabiillada isu xanaaqsan ee qurbaha ku nool. Kooxda wakhtigeedii intiisii badnaa hawshan ayaa qaadatay dhowrkii bilood ee ugu horreeyey ee ka dambeeyey markii iyada la abuuray.

Ergooyin kala duduwan oo loo diray Soomaaliya ayaa kuwii dagaalsanaa si dhiirran ugu guubaabiyey inay doonaan maalin ay wiilasha dhallinyarada ahi waxbartaan, intii ay ka baran lahaayeen sidii ay qoriga u isticmaali lahaayeen. Bilowgii 1991-kii, ayaa reerkayga iyo saaxiibbadaydii Soomaaliya joogey igu dhiirrigeliyeen inaan anigu Soomaaliyana tago, oo aan halkaasna hawlo dib-u-heshiisiineed ka bilaabo. Facyaal badan ayaa reerkaygu xil gaar ah iyo dadaal iyo xiisayn dheeraad ah iska saareen dib-u-heshiisiinta, tan oo sabab u ahayd in aniga halkaa la igu martiqaado. Markaa, anigu waan tegey anigoo Ergadii oggolaansho ka haysta, iyadoo ay kharashkii igu baxayeyna reerka iyo asxaabtu qabeen. Saddex bilood ayaan Soomaaliya joogey.

Xubnihii kale ee Ergada ka tirsanaa ayaa iyaguna mar mar Soomaaliya imaanayey si ay habsami u socodkii dib-u-heshiisiinta u dhiirrigeliyaan. Mid safiirradan nabadaynta ka mid ahi wuxuu ahaa gabyaaga la yidhaahdo Maxamuud Siyaad Togane. Markii ay diyaaradiisii soo fadhiisatay ayaa diyaaradda agteedii waxaa ka bilowday is xabadayn kulul oo ka dhex dhacaysey laba kooxood oo kala duwan. Aniga ayaa garoonka diyaaradaha joogey si aan Togane u soo dhoweeyo, oo intaan dhabacdey ayaan gabbaad ka dhigtay geedo yar yar gadaashooda. Nasiibdarro, Togane wuxuuba u maleeyey in xabadaha isaga imaanshihiisa lagu soo dhoweynayo, oo isagoo xaragoonaya ayuu diyaaraddii ka soo degey, isagoo aan ka warqabin khatarta jirtey. Anigoo qaylinaya ayaan isaga ugu dhawaaqay, "Dhabaco, dhabaco, dhabaco, haddii kale waa lagu dilayaa." Ugu dambaystiina wuu fahmey sida ay xaaladdu khatar u ahayd oo geedihii aan gabbaadka ka dhiganayey ayuu ila soo galay. Isagu wuxuu ka dhashay qabiil kale oo qabiilkayga hirdan kala dhexeeyey. Laakiinse waxaa oo dhan waannu illowney, oo waxaannu isu raacnay meeshaan degganaa, oo u wada hawlgalay dadaalkii aan ugu jirney inaannu qabaa’ilka nabad dhex dhigno.

 

Dib-U-Heshiisiinta iyo Soomaalida

Intii aan kaalintaydii dib-u-heshiisiinta gudanayey oo aan u tusayey sida aan dagaalka uga soo horjeedo, waxaan anigu ogaadey inay jiraan saddex siyaalood oo ay Soomaalidu wax u nabadeeyaan: ka hore waa habab sharciyeedka cusub ee xukunnada maxkamadaha, kuwan oo ay hirgeliyeen gumeysteyaashii; ka labaadina waa maxkamadaha Islaamka ama Qaaddiyada kuwan oo ku dhisan Shareecada Islaamka; ka saddexaadina waa hab caddaaladeed ka horreeyey Islaamka, kan oo loo yaqaan Xeer. Hab caddaaladeedka noocan ahi wuxuu ku salaysan yahay wada dhaqanka bulshadu isku og tahay iyo mas’uuliyadda bulshadu qofka ka filayso. Ka hor intii aan dowladdii waddanku burburin saddexda nooc ee caddaaladda waa la wada isticmaali jirey, oo ilaa iyo heer ah way is kaamili jireen. Qofka dacwada qaba ayaa doorasho u lahaa hab caddaaladeedka uu isagu ku kalsoon yahay.

Markii uu waddankii dagaal iyo khilaaf qabaa’il burburiyey, dad bulshada dhexdeeda awood ku lahaa ayaa si weyn ugu dooday in la xoojiyo hab caddaaladeedka shareecada Islaamka. Soo jiidashada ugu muhiimsan ee tani waxay ahayd in Islaamku uu ugu yeedhay in laga qaybqaato bulsho iyo nooc caddaalad ah oo ka sarreeya qabyaaladda. Bulshada Islaamka ahi (Ummah) waa mid caalami ah oo ay qabiillada oo dhammi ka tirsan yihiin. Waxaa loo arkey inay shareecada Islaamku tahay mid la soo dejiyey, taas uu Ilaah bixiyey, oo ay wadaadadu fasiraan. Awoodda Ummada Islaamku waa Quraanka, kan oo isna ka sarreeyey is qabqabsigii qabiillada. Imaamada ayaa wacdiyadooda mawduucan aad ugu celcelinayey. Iyagu waxay sheegayeen in Islaamku yahay diin nabadeed, oo Muslimiintuna dad nabadeed yihiin kuwan oo ay dhammaan qabiillada Soomaalidu ka tirsan yihiin.

Laakiinse haddii dhabtii loo hadlo, hab caddaaladeedka Islaamka ee Soomaaliya lagaga dhaqmo marna mid nabad weyn dhaliya ma ahayn. Sababta ay tani ku dhacdayna waxay ahayd in shareecada Islaamku ay mar kasta xoogga saartaa habka caddaaladda ee ciqaabta ku salaysan. Iyadoo uu Islaamku oggolaan karo caddaaladda dib-u-heshiisiinta ku dhisan, hoggaamiyayaashii Muslimiinta xagjirka ah ee Soomaalidu waxay xoogga saaraan dhinaca ciqaabta. Sidaa daraadeed, markii uu dagaalkii qabiilku sii weynaadey, ku dhaqankii ciqaabta Islaamka ayaa si dheeraad ah qabaa’ilka u saamaysay. Ciqaabtii waxay keliyoo sii badisay dacwooyinkii dadka, halkii ay ka bogsiin lahayd xidhiidhkii dadka kala go’ay. 

 

Dib-U-Heshiisiinta Ku Salaysan Dhaqankii Soomaalida ee Islaamka Ka Horreeyey

Sababtan daraadeed ayaa hoggaamiyayaashii nabadayntu bilaabeen inay dib ugu laabtaan oo caawimaad ka raadiyaan dib-u-heshiisiintii ku salaysnayd dhaqankii Soomaalida ee Islaamka ka horreeyey, oo ka baydhaan dib-u-heshiisiinta Shareecada Islaamka ku salaysan. Iyagu Islaamka ma diidin, laakiinse iyagu waxay dhaqankoodii diinta Islaamka ka horreeyey ka dhex arkeen qodobo ku salaysan caddaaladda xidhiidhka wanaagsan ee dadka dib u soo celisa kuwaas oo ay rajeynayeen inay adeegsan kareen.

Soomaalidu waxay sheegtaa inay diinta iyo dhaqanka labaduba awood leeyihiin, laakiinse uu dhaqanku labadooda sii xoog weyn yahay. Hoggaamiyaashii waxay garowsadeen in Xeerkii (dib-u-heshiisiinta ee Soomaalida ee diinta Islaamka ka horreeyey) uu wax badan hawsha nabadaynta ku soo kordhin karey. Oo aniguna aasaaskan dhaqanka ayaan u jeestey markii aan Soomaaliya dib ugu soo laabtay anigoo ay ujeeddadeyda koowaad tahay inaan hawlaha dib-u-heshiisiineed ka qaybqaato. Anigoo ah Masiixi aamminsan caddaaladda keenta xidhiidhkii wanaagsanaa ee dadka ka dhexeeyey oo la soo kabo, waxaan isu ekaansho ku arkay siyaalihii ay dhaqan ahaan Soomaalidu Islaamka hortii u heshiin jireen iyo aragtiyada Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub ee "shalom"(nabadda) ku saabsan.

Anigoo kaalintaydii la taliyanimada gudanaya, ayaan ogaa inaan u baahnaa inaan xeerka dhaqanka Soomaalida ee Islaamka ka horreeyey isticmaalo intii aannu ku dhex jirney dib-u-heshiisiintii khilaafkii qabaa’ilka Soomaalida. "Nabad" ayaa ah sida ay dhaqan ahaan Soomaalidu isu salaamaan. Sidaas oo ay tahay nabaddu waa inay caddaalad ku salaysan tahay, oo caddaaladuna Ilaahay ayay ka timaadaa. Magaca dhaqanka ee Ilaahay waa Waaq. Marka uu roob badani da’o, oo dhulku cagaarka noqdo, oo nabadina jirto, tan waxaa loogu yeedhaa Barwaaqo, tan oo macnaheedu yahay meeshii Ilaahay (Bar—meel; Waaq—Ilaah). Meel kasta oo Ilaahay joogo nabad ayaa ka jirta. Waana sababtaa ta ay nabaddu u tahay salaanta ay Soomaalidu maalin kasta isku salaamaan, tan oo tusaysa wanaagga u jira shakhsiga iyo bulshada labadaba. Tan waxay isu eg yihiin aragtida Axdigii Hore ku jirta ee "shalom" oo ah af Cibraani.

Dhaqanku siduu yahay, marka ay caddaalad la‘aani jirto oo ay odayaashu shiraan si ay caddaalad u sameeyaan, waxay iyagu la hadlaan kuwa wax geystey iyo kuwa loo geysteyba, "Gar Waaq." Garka macnihiisu waa daanka qaybtiisa hore. Waa gadhka ka uu geeljirahu awrta ka hoggaamiyo. Kuwan is dacweynaya waxaa lagula taliyaa inay garta aqbalaan iyagoo loo hoggaaminayo caddaaladda Ilaahay. Tan ujeeddadeedu waa inay mas’uuliyada odayaasha tahay inay kuwan is dacweynaya caddaalad dhex dhigaan. Waxaa laga yaabaa inay sidoo kale yidhaahdaan, "Garwaaqso" ama "Adigu caddaaladda Ilaahay qaado, ee tayda ama taayada ha qaadan." Xaqiiqdii, xaakinka waxaa loogu yeedhaa garsoore", tan oo macnaheedu yahay "ka caddaaladda u shaqeeya." Markaa xaakinku waa ka caddaaladda u adeega oo hoggaamiya, laakiinse maaha inuu isagu yahay ka wax ka xukumaya. Ugu dambaystana, Ilaahay ayaa xaakinka ah, shaqada xaakinka binii’aadanka ahina waxay keliyoo tahay inuu isagu odayaasha u hoggaamiyo inay gartaan caddaaladda Ilaahay. Inkastoo ay odayaashu tashadaan, caddaaladdu Ilaahay ayay ka timaadaa, markaa waxay kuwa maxkamaddaas yimid ku adkeeyaan inay oggolaadaan caddaaladda Ilaahay.

Kuwa wax geystey iyo kuwa loo geystey labaduba waxay yimaadaan xaakinka hortiisa kaas oo ay mas’uuliyadiisu tahay inuu labadaba oggolaysiiyo caddaaladda Ilaahay. Tan waxaa ku jirta go’aano ku saabsan aqbalaadda magta ku habboon ee caddaalad iyaga dhex dhigi karta. Ka wax geystey ayaa bixiya tiro xoolo ah taas oo loo gartay inay ku habboon tahay inuu wuxuu geystey soo gudo. Haddii aan dhimasho dhicin, qofka dulmanaha ahi marka dambe xoolihii la siiyey intooda badan wuu sii qaybiyaa. Xoolahaas kala badh ayuu siiyaa kii isaga wax u geystey iyo odayaasha qabiilkiisa, in intaa le’egna isaga iyo odayaasha qabiilkiisuu u qaybiyaa. Labada kooxoodba xoolahaas la qaybiyey qaarkood ayay allabbari (ama waaqdhac) ahaan u qalaan oo cunaan. Kan weeye xeerku! Sidan ayaa dib-u-heshiisiinta dadka xidhiidhkoodii soo celisaa u dhacdaa.

Aniga qabiilkayga, marka qof lagu soo eedeeyo inuu caddaalad-darro sameeyey, oo kaas xukunka la hor keeno, isagu wuxuu yidhaahdaa, "anigu madaxaygaan bixinayaa." Kaddib marka arrinta go’aan laga gaadho, eedaysanaha ayaa keena allabbari isaga booskiisii gala, kan oo badanaa sabeen ah. Markaa "madaxii" (noloshii) kii khaladka geystey waxaa lagu badbaadiyey allabbarigan beddelkiisii galay. Marka sabeenta loo qalo si nabad loo gaadho, tan waxaa loogu yeedhaa Waaqdhac — tan oo macnaheeda tooska ahi yahay, Ilaahay baa dhintay ama Ilaahay baa dhacay. Sidaas oo kale, marka sabeen la qodbo waxaa tan loo sheegaa sidii Ilaahay oo la qodbay. Marka ay hilibka sabeenta ka xadgudubka loo geystey iyo ka eedaysanaha ahiba wada cunaan, labadoodu waxay halkaa ku dhigtaan axdi nabadeed kaas oo tusaya in kii wax loo geystey uu raalligelin buuxda helay, oo caddaalad la sameeyey. Axdigan saamaxaadda ahi isaguna waa mid ka mid ah siyaalaha kale ee xeerku u shaqeeyo.

 

Masiixa oo La Qaabbilsiiyay Dib-U-Heshiisiinta Dhaqanka Ku Salaysan

Ninka dhaqammada dadyowga ku xeesha dheer ee magaciisa la yidhaahdo René Girard, ayaa arkay in dhammaan diimaha dhaqanka dadka ku salaysani ay mar kasta isticmaalaan allabbariyo ah xoolo ama binii’aadan marka dib-u-heshiisiin iyo dib-u-soo-celin xidhiidho la samaynayo. Neefka allabbariga loo bixin lahaa waa inuu ahaado mid wanaagsan oo aan iin lahayn, oo aan la isku haysan. Marka ay kuwa uu khilaafku ka dhex jiraa neef xoolo ah allabbari ahaan u qalaan, iyagu waxay khilaafkoodii dusha ka saaraan neefkaa la qalay kaas oo cadaawadii iyaga ka dhexaysey dusha saarta isagoo aan qofna ka aargoosanayn. Ka dembiga laga galay iyo ka galayba waxay eedayntoodii iyo cadaawadii ka dhexeysey dusha ka saaraan neefkaa aan waxba galabsan. Allabbarigaas waxaa badanaa loo arkaa inuu qaab Eebbenimo leeyahay. Oo Ilaahay ama ilaahyo ayaa allabbarigan lala xidhiidhiyaa. Marka uu kani cadaawadii qaato, qofka lagu xadgudbey wuxuu ka joogsadaa inuu dhib geysto oo uu isagu aargoosto. Sidan ayaa kii aan eedda lahayn ee la qalay nabaddii ku soo celiyaa. Nabaddani waxay ku hirgashaa axdi ay dhigtaan labada qof ee dhibtu ka dhex jirtey kaddib marka ay iyagu isla cunaan hilibkii allabbarigaas la qalay.

Girard wuxuu rumaysan yahay in allabbariyadan dib-u-heshiisiinta keenaa ay yihiin sawiro uu markii dambe Masiixu kaamilay, kan oo ahaa Wankii Ilaahay. Isagu waa ka ugu wanaagsan ee samada iyo dhulkuba bixin karaan. Isagu wuu ka eed la’aa dhibtii isaga loogu geystey iskutallaabta. Isagu waa allabbariga samaawiga ah kaas oo dusha iska saara cadowtinimada oo saamaxa, oo markaa dib-u-heshiisiin keena. Cashada Rabbiga, qof wuxuu wax ka cunaa oo ka cabaa kibista iyo sharaabka midhaha canabka laga sameeyey, kuwan oo calaamado u ah jidhkii iyo dhiiggii Masiixa. Cashada Rabbiga ee kibista iyo cabitaanka ahi waxay calaamad u yihiin iskutallaabtii iyo sarakiciddii Masiixa, oo markhaatina ka yihiin axdiga dib-u-heshiisiineed ee uu rumaystuhu la dhigtay Ilaahay iyo dadka kaleba.1

Anigu waan ku raacsanahay Girard aragtidiisan xigmadda leh ee ku saabsan qaybta uu allabbarigu ka qaato inuu hirgeliyo dib-u-heshiisiinta. Marka allabbariyada dadkayga la fiiriyo, Ilaahay laftiisa ayaa allabbarigaa isla xidhiidhinaya. Caddaaladda, cafiska, iyo dib-u-heshiintu run ahaantii aad bay qaali u yihiin! Anigu mawduucyadan oo dhan waan ka dhex arkaa sida dhaqanka ku salaysan ee caddaaladda iyo heshiiska loo raadiyo, sidii calaamado uu kaamilay Masiixa oo ah Wankii Ilaahay, iyo dhimashadiisii allabbariga ahayd ee uu iskutallaabta dembigeennii ugu dhintay. Anigu waxaan rumaysanahay in axdiga nabadda lagu xidho marka sabeentaa allabbariga ah la wada cuno, iyadoo ah calaamad lagu kaamilay axdigii lagu tusay cashada Rabbiga.

Intii aan anigu hawlahaygii dib-u-heshiisiinta ee Soomaalida dhexdeeda ku dhex jirey, waxaan isla xidhiidhiyey iskutallaabtii Masiixa iyo mawduucyada dhaqanka ah. Waxaan anigu rumaysanahay in allabbariga xoolahu uu yahay calaamad dib-u-heshiisiineed, laakiinse aanay iyada lafteedu awood u lahayn inay isbeddel wanaag oo gudaha ah keento oo ay qofka ka saarto cadowtinimada iyo nacaybka qofkaa qalbigiisa ku jira. Heshiiska dhabta ahi kaas oo cadowtinimada qalbiyada binii’aadanka ku jira xiddidada u saaraa waxaa xuddun u ah iskutallaabta iyo sarakicidda Masiixa iyo shaqada bogsiinta ah ee Ruuxa Quduuska ahi qabto.

 

Xidhiidhintii Nabadaynta

Sidaa daraadeed shaqadayda dib-u-heshiisiinta ah waxaa saldhig u ah Masiixa, oo waxaan si dadaal dheeraad ah u leh ugu taliyaa jidka Masiixa ee dagaalka ka soo horjeeda. Laakiinse, kuwa aan anigu la shaqeeyo badankoodu ma qaadan habka nabadayneed ee Masiixa ku salaysan, oo iyagu waxay rumaysan yihiin inuusan kani suurtaggal ahayn. Waxay iyagu qodobo ka soo qaataan fikradaha iyo waxyaalaha kale ee qiimaha leh ee diinta Islaamka iyo dhaqankii Islaamka ka horreeyey. Anigu ma yasayo qiimaha habab diineedka kale ama xigmadaha dhaqammadii hore. Sidoo kale anigu habka dib-u-heshiisiinta ah ee Masiixa ku salaysan kuma khasbayo kuwa aan iskutallaabta rumaysnayn tan oo saldhig u ah nabadda Masiixa.

Anigu weli si firfircoon ayaan isugu xidhaa kuwa aadka u raadiya inay khilaafka dadka Soomaaliyeed ka dhex jira dhammeeyaan. Waa sababtan daraadeed ta aan saddexdaa bilood isugu hawlay inaan isku xidho odayaashii ay ka go’nayd inay raadiyaan sidii cadaawadii dagaalka loo soo afjari lahaa. Hay’ado kala duduwan, sida MCC iyo Ergo, ayaa aniga i caawinayey intii aannu dooneyney inaan diyaarino oo gacanta ku hayno habab xidhiidh oo isku xidha kuwa khilaafka lugta ku lahaa. Aad baan anigu mararka qaarkood u niyadjabi jirey; sidaas oo ay tahay anoo rajo qaba ayaan hore u sii socon jirey.

 

Yeedhitaankaygii Inaan Safiir Nabadeed Soomaaliya Ka Noqdo

1991-kii ayaan muddo gaaban Maraykanka dib ugu noqday si aan u nasto oo aan reerkaygiina dib ugu arko. Bil kaddibna waxaa noo dhashay gabadhayada Safiya la yidhaahdo. Dhab ahaantii qoys barakoobey baannu ahayn! Waxaannu kaloo ogeyn in yeedhitaankii Ilaahay noogu yeedhayay inaannu si joogto ah Soomaaliya ugu hawllaanno uu ahaa mid weyn oo waajib ahayd. Markaa waxaan anigu dhexgalay dhowr shaqo anigoo sugaya wakhtigii ku habboonaa ee aannu Soomaaliya ku noqon lahayn.

Sebtembar, ayaa World Concern, oo ah hay’ad binii’aadannimo oo aan dawli ahayn, ay annaga nagala soo xidhiidhay suurtaggalnimada hawl oo aan ka dhex qabanno Soomaalida Bariga Afrika. Arrintan si dadaal leh ayaan u sii dabaggalay. Waxaannu rajeyneyney inay World Concern noo raadiso meel iyo hab aan anigu kaga shaqeeyo hawlahaygii dib-u-heshiisiinta ahaa. Anigu ma fileyn in xidhiidhkan hordhaca ah ee aan World Concern la sameeyey uu aad lagama maarmaan ugu noqon dooney badbaadintii naftayda ee afar bilood markaa kaddib.

Bil keliya kaddib ayaan anigu odayaashii qabiilka ka helay codsi degdeg ah oo aan Soomaaliya dib ugu soo noqonayo. Annagu waxaannu ogeyn inay ahayd inay jawaabtu ‘Haa!" noqoto. Maalmo yar codsigan kaddib, anigu Soomaaliya aan ku sii jeedey.

Waxaan tegey 20 Oktoobar 1991, oo waxaan Maraykanka dib ugu soo laabtay 26 Janaayo1992. Markii hore waxaannu ku fekerayney inaan laba usbuuc Soomaaliya ku maqnaan doono. Laakiinse, saddex bilood oo kalaan maqnaa. Bishii ugu horreysey, marmar ayaan Martha iyo anigu telefoon iskula xidhiidhi jirney. Dabadeedna telefoonadii way joogsadeen kaddib markii ay xooggagii baaba’u sii xoogeysteen. Way ii fiicnayd inay Martha Soomaaliya hore ugu noolaan jirtey oo uga shaqayn jirtey. Sidaas oo ay tahay, haddana wakhti aad niyadjab u ah ayuu kani iyada u ahaa. Markii feestadii "Thanksgiving" (Mahadnaqa) la gaadhey anigu lamaan joogin iyaga. Oo haddana Kirismaskii ayaa la joogey, oo weli war la igama hayn. Iyadu waxay la xidhiidhay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, laakiinse maadaama aan anigu baasaboor Soomaali ah watey, iyagu waxba iimay qaban karin. Martha aad bay u welwelsaneyd.

Anigu waan garanayey waxa aan samaynayey, laakiinse Martha waxba tan kamay ogeyn. Waxay keliya oo ay ogeyd waa inaan hawl khatar badan ku gudo jirey. Xidhiidhkii is gaadhsiineed ee Soomaaliya iyo adduunka intiisa kale oo keliyahi muu go’in; laakiinse dagaaloogihii Maxamed Faarax Caydiid ayaa isaguna garoonkii diyaaradaha ee Muqdisho xidhay. Hay’adihii caawimaada iyo horumarka oo dhammi Nayroobi bay u guureen.

Markii Disembar 1992-dii la gaadhey, oo ahayd sannad kaddib markii aan Soomaaliya dib ugu soo noqday, ayaa ciidammadii Maraykanka iyo kuwii Qarammada Midoobey bilaabeen inay Soomaaliya galaan. Xataa faragelintaa militeri ee xoogga leh ayaa qaskii joojin kari weydey. Toban bilood ka bacdi, Oktoobar 1993-dii, burburkii diyaaradii qumaatiga u kici jirtey ee Maraykanka ("Black Hawk Down") ayaa si xun saamayn ugu yeelan doontay xusuusta dadka Maraykanka ahi ay Soomaaliya ka haystaan.

Laakiinse dhammaadkii 1991-dii, anigu faraggalin aad tan uga duwan baan ku dhex jirey. Aniga iyo kuwo kale, ayaa si dahsoon aan kala joogsi lahayn marba dagaal-ooge u tegeyney. Booqashooyinkaygii hore, ayaa aniga iyo nabaddoonadii kale waxaannu kula kulannay mid ka mid hoggaamiyayaashii kooxihii dagaalamayey kuwii ugu xoogga badnaa, kaas oo ahaa Maxamed Faarax Caydiid. Isaga ayaannu bishii Maajo kula kulannay magaalada Jilib. Fursaddan ayuu isagu u isticmaalay inuu qudbad dheer oo macno darro ah, oo hay’adaha caalamiga iyo dimoqraadiyada ku saabsan soo jeediyo. Kulankaas ayaa aniga igu qanciyey in iskudayga in saamayn lagu yeesho ama la khasbo dagaal-oogayaasha sida Caydiid lagu hungoobi dooney. Waxaan dareemay in siyaasaddii dhul miino ka buuxdo gashay. Waxaan ka cabsi qabey inay faragelinta shisheeye noqon doontey sidii dab saliid lagu shubey oo kale.

Wakhtigaas, markii aan anigu markii hore Muqdisho imid, dawladdii ku meelgaadhka ahayd ayaa aniga igu martiqaaday inaan noqdo kaaliya Wasiirka Arrimaha Dibedda. Mid odayaashii qabiilkeyga ah ayaa ii sheegay inay iyagu tartan kubadda cagta ah ku jireen, oo jilibkaygu waxay anigana iga doonayeen inaan tartankaa dhexda u galo. Dabcan, wuxuu si sarbeeb ah uga hadlayey siyaasaddii ay iyagu ciyaarayeen. Tan anigu waan ka cudurdaartay. Waxaan dareemay inaan meel fiican ka ciyaari karay haddii aan si dahsoon uga shaqeeyo arrimaha dib-u-heshiisiinta ee ka baxsan siyaasadda.

Qorshahaygu wuxuu ahaa in qabiil kastaa uu dad metela ku soo darsado gole shacbi — oo ka koobnaa dad aannu isku xidheyney oo samaysmayey saddexdii bilood ee hore ee aan anigu Muqdisho joogey. Markaa hadda waxaan anigu la shaqaynayey koox odayaal ah kuwaas oo la hadlayay dadkaa la soo doortay. Waxaa dhismayey oo korayey gole qabiillada oo dhan ka tirsan. Waxaannu kaloo dhiseyney gole ah la taliyayaal nabaddoono ah kuwaas oo aan awood siyaasadeed lahayn, laakiinse shaqadoodu talo oo keliya ay ku ekayd. Halkaa, rajadii ayaa in yar nooga muuqatay, laakiinse, tani kagamay farxin Caydiid.

 

Weerar Gantaal

Janaayo 12, ayaa maleeshiyadii Maxamed Faarax Caydiid bambaano gantaal laga soo ridey (RPG) ku soo rideen barxaddii gurigii aan annagoo tiro nabaddoono ahi wada hadal ku lahayn. Aniga ayaa weerarkani igu socdey. Anigu ma arkayn markay bambaanadu soo dhacaysey. Qaybta sare ee jidhkayga ayay dhaaftay, laakiinse waxay qaraxday markay lugtayda ku dhacday, meel jilibkayga ka hoosaysa. Kuwii dhinacyadayda fadhiyey ayaa mindi soo qaatay oo lugtaydii ku jaray. Daawo la igu suuxiyaa meesha ma oolin. Markaa anigu waan miyir beelay, oo waxaan arkay jidhkaygii oo iga hooseeya. Waxaan ani gu ku sugnaa xaalad aan anigoo jidhkayga dibaddiisa jooga jidhkaygii halkaa ka daawanayey. Dhimashadii ayaa albaabka garaacaysey.

Saaxiibbaday ayaa iyagoo gaadhi-gacmeed igu wada i geeyey guri ku yaalla "Saddex Geesoodka Bermuuda" oo ah qayb Xamar ka mid ah. Saddex Geesoodkani wuxuu magacan ba’an kula baxay weerar militeri oo hore oo Caydiid halkaas ku soo qaaday, oo dabadeedna ciidammadiisii iyo hubkuu wateyba la "liqay." Markaa kaddib qaybtan magaalada ah waxaa loo haystey inay tahay barta dhimashada. Halkaas ayaan anigu jiifey laga bilaabo Axaddii ilaa iyo Jimcahii. Dabadeedna waxay igu qaadeen baabuur Land Rover ah oo i geeyeen guri kale oo ku yaalla qayb kale oo Muqdisho ah oo Kaaraan la yidhaahdo. Kuwii ila joogey waxay u qaateen inaan anigu meeshaas dhimashada ku sugayey.

Wax daryeel daawo ahi ma jirin. Xanuunku aad buu u darnaa. Calal dhiig miidhan ah ayaa meeshii lagu duubay si uu dukhsiga uga ilaaliyo. Aniguna marna waan soo miyirsanayey marna waan miyir beelayey. Dabadeedna lugtaydii baan xasuustay.

Asxaabtaydii baan amray oo ku idhi, "Orda oo lugtaydii soo raadiya."

"Lugtaadii waa la xabaalay," ayay aniga ii sheegeen.

"Waa inaan lugtaydii helaa. Orda oo hadda keena!"

Wiil aan adeer u ahay baa sidaan rabey yeelay oo keenay lugtii iga go’day.

Markaasaan isagii ku idhi, "Eeg sharabaadka weli cagta ku jira."

Hubaal, taasi weli halkaasay ku jirtey. Lacagtaydii, saddex boqol iyo shan iyo toban doolar! Lacagta waxaan sharabaadka ugu dhex ridey si aan halkaa ugu ilaashado. Lacagtaas ayaan u baahan doonaa si aan waddanka uga tago, haddii ay fursadaasi mar uun jiri doonto. Nasiib wanaag, waraaqahaygii aqoonsiguna jeebkay iigu jireen.

Walaalkaygii Masiixa, Maxamed Shiikhdoon, ayaa wuxuu ku noolaa xaafad kale oo magaalada ah. Qabiilkiisa iyo kayga cadowtinimo weyn baa ka dhexaysey. Sidaas oo ay tahay, isla markii ay bambaanadu qaraxday, qaar asxaabtaydii ka mid ah ayaa is diray oo intay magaaladii sii dhex ordeen Maxamed Sheekhdoon ku yidhi, "Saaxiibkaa waa la dhaawacay."

Isla markiiba magaaladii dhibta miidhan ahayd buu soo dhex maray si uu aniga ii helo. Nasiibdarro, markii uu isagu jiidihii dagaalka ka soo gudbey, dagaalyahanadii ayaa u diidey inuu soo gudbo oo aniga i arko. Waxay ku yidhaahdeen, "Waannu ognahay in walaalkaa la dhaawacay, laakiinse isaga uma tegi kartid si aad u aragto."

Inkastoo uu Maxamed i arki kari waayey, isla fiidkaas magaaladii oo dhammi way ogeyd inuu isagu jiidihii dagaalka soo dhex jiidhay si uu isugu dayo inuu aniga ila kulmo, walaalkiisii xagga rumaysiga. Doonitaankiisii ahaa inuu aniga ila kulmo isagoo naftiisa khatar gelinaya ayaa magaaladan dhaawacan u noqday calan markhaatifur ah: kuwa Masiixa rumaysan waxaa isku xidha jacayl walaaltinimo oo ka sarreeya qabiilka ay ka dhasheen.

Maalmihii si dhib leh ayay igu dhaafeen. Usbuuc baa dhammaaday iyadoo aan caawimaadi ii muuqan. Waxaan ogaa inaan anigu faragelin mucjiso ah la’aanteed dhiman doono. Safarkii aan Soomaaliya ku imid waxaa soo codsaday dadka Soomaaliyeed; hay’adna safarkaygan ma kharash garayn. Ergo safarkan raalli bay ka ahayd, laakiinse iyagu hay’ad iyo shaqaale midna gobolka kumay lahayn. Qofna ma ogeyn cidda lala xidhiidhi karo. Maalmuhu way dheeraayeen, habeenaduna way adkaayeen. "Rabbiyow, ilaa iyo goorma?" ayaan anigu ku ducaystey.

 

Diyaarad Ambalaas Ah Ayaa I Soo Qaaday

Dhowr maalmood dhibkii igu dhacay dabadeed, ayaan anigu dib ugu soo kabtay in aan kaga fekeri karo cidda awoodi karta inay aniga caawiso. Waxaa ii muuqatay in hay’addii World Concern, oo annaga nagala hadleysey suurtaggalnimada inaannu annagu ka shaqayno Bariga Afrika, ay hadda i caawin kartey. Sidaa daraadeed tagsi ayaan magaaladii u soo qaatay oo waxaan soo aadey xafiiskii weynaa ee Bisha Cas. Waxaan Bishii Casayd ka codsaday inay eray iga gaadhsiiyaan xafiiskii World Concern ee Nayroobi oo u sheegaan inaan dhaawacmay. Markii uu warkii dhibtii aan ku sugnaa ku saabsanaa ugu dambaystii World Corcern gaadhey, isla markiiba waxay iyagu ii diyaariyeen diyaarad ay leedahay African Medical and Research Foundation (AMREF) si ay aniga Xamar iiga soo saarto.

Isla markaana mid Soomaali ah ayaa Martha kala hadlay Muqdisho dhexdeeda. Iyadu maalintaa Axadda ahayd kaniisadda ayay ku sii jeedey markii ay telefoonkaa heshay. Markii ay iyadu maqashay inaan anigu noolaa, inkastoo aan dhaawacnaa, iyadu way barooratay. Ninkii telefoonka u diray ayaa iyada canaantay oo ku yidhi, "Kumanyaal ayaa Xamar ku dhimanaya. Ninkaagii weli waa nool yahay. Markaa, maxaad adigu u ooyaysaa?"

Hadalkan degdega ah ee qofka aanay iyadu garaneyn u sheegay ayaa Martha kaga yaabiyey, oo iyada u sababay inay arrinta dhinac kale ka eegto oo Ilaahay uga mahadnaqdo inuu naftaydii badbaadiyey, iyadoo isla markaana dhaawacaygii ka murugooneysa. Iyadu waxay warkaa inaan anigu weli noolaa ah u qaadatay sidii hadiyad khaas ah oo Ilaahay ka timid; kani wuxuu yimid wax yar ka hor intaan maalintii sannadguuradii dhalashadeedii loo dabbaaldegin.

Kow iyo toban maalmood kaddib markii aniga lugtu iga go’day, diyaarad AMREF leedahay oo laba saac sii soconaysa ayaan anigu Nayroobi u saarnaa. Waxaan Nayroobi soo gaadhey galabnimadii Khamiista, oo ahayd Janaayo, 23-keedii. Madaxdii World Concern, Michael Madany iyo Craig Anderson, ayaa aniga igula kulmay garoonka diyaaradaha. Dabadeedna, kow iyo toban maalmood kaddib, ayaan anigu markii ugu horreysey daaweyn iyo daryeel caafimaad helay. Subaxdii ku xigtey Harold Miller iyo kuwo kale oo kooxdii Mennoniteka ka socda, oo ka shaqaynayey xafiisyadii EMM iyo MCC ee Nayroobi ayaa iyaguna isbitaalkii iigu yimid. Asxaabtan ayaa ii shubay dhiiggii aan anigu sida xun ugu baahnaa. Habeen kale ayaan isbitaalka ku sii jirey, dabadeedna sariirta qofka dhaawacan lugu qaado ayaa aniga la i saaray si aan u raaco diyaarad Chicago ku socotey, oo Amsterdam sii mareysey. Ilaa intaa waxaa ila socotey kalkaaliso caafimaad oo World Concern ka socota.

 

Go’aankii Baadhitaankii Dhakhtarka: Adigu Waad Dhimanaysaa

Janaayo 26, 1992-dii, ayaan anigu Chicago soo gaadhey. Ed Wenzler oo Kaniisaddii Eastbrook ka socdey ayaa baabuurkiisii yaraa ee baska ahaa soo qaatay, isagoo wadaadkii kaniisaddaa ee Marc Erickson-na uu la socdo. Laakiinse ta ugu wada muhiimsani waa, waxaa kaloo iyaga soo raacay Martha, iyo carruurtii, Afrax iyo Safiya, iyo Martha walaasheed. Dhammaanteen waannu barooranay annagoo mahadnaq qalbigeenna ka buuxo. Dabadeedna waxaannu si toos ah u tagnay mid ka mid isbitaallada Milwaukee ugu wanwanaagsan meeshaas oo isla markiiba la i dhigay.

Koox dhakhaatiir kubaro ah ayaa lugtii dhaawacnayd eegay oo baadhitaano kala duduwan sameeyey. Dhowr maalmood kaddib ayaa baadhitaankii wuxuu tusay in jeermis aad u xumi uu meeshii lugtu iga go’day gudaha u galay. Kan waxaa loo yaqaanaa necrotizing fasciitis. Dhakhaatiirtii waxay bilaabeen inay intii lugtayda ka hadhay hadba in sii gooyaan si ay jeermiskaa uga hor maraan, laakiinse way joojin kari waayeen isaga. Shan jeer bay lugtii qaybo ka sii gooyeen.

Dabadeedna waxay igu soo xidheen qol gaar ah oo xidhan si ay si khaas ah iigu daaweeyaan. Qolkaas caddaadis ogsojiin baa ka buuxey kaas oo la mid ahaa sidii adiga oo biyo hoos laguu muquuriyey ilaa iyo 20 mitir. Tan waxay u sameeyeen si ay bakteeriyada u dilaan waayo iyadu uma dulqaadato ogsojiinka. Aad bay meeshaasu u qaboobeyd. Aad bay u xumayd. Waxaan dhakhtaradii ka baryey inay qolkaas iga soo saaraan!

Intii dhakhtarada garashadoodu gaadhsiisnayd, iyagu waxay ku go’aamiyeen inay daaweyntii shaqayn weydey. Oo wax kale oo ay samayn kareenna ma jirin; dhammaan saddexdii dhakhtarba waxay anigu ii sheegeen inaan anigu dhiman dooney, Ilaahay oo si mucjiso ah arrintayda u soo faraggeliya mooyaane. Waxaan anigu u baahnaa inaan xaaladda reerkayga habeeyo, oo aan markaasna reerkayga iyo saaxiibbaday macasalaameeyo. Anigu diyaar baan u aha inaan dhinto. Laakiinse, boqolaal qof ayaa bilaabay inay aniga ii duceeyaan iyagoo Dhakhtarka Weyn (Ciise Masiix) ka baryayaa inuu arrintayda soo farageliyo. Kalkaaliyayaashii caafimaadka ayaa moodey inaan anigu nin madax ah oo caan ah ahay, waayo waraaqo badan ayaan adduunka oo dhan ka helayey. Iyagoo yaaban bay i weydiinayeen, "Kumaad tahay adigu?"

 

Faraggelin Ilaahiyan Ah

Ilaahay ayaa ka dhex hadlay saaxiibkay Philip Accad (Akkad), kaas ahaa nin reer Lubnaan ah oo Milwaukee ku noolaa. Maalin daaweynteydii kaddib, Philip ayaa sariirtaydii isbitaalka iigu yimid isagoo uu wiilkiisii yaraana la socdo, iyo Marc Erickson. Philip wuxuu yidhi, "Markii aan anigu kuu ducaynayey, Rabbigu aniga wuu ila hadlay, oo igu yidhi, "Axmed ma dhiman doono. Aniga ayaa Axmed toosinaya, oo caafimaadkiisii u soo celinaya, waayo, waa inuu isagu weli Afrika iga sii adeego."

Salaad mahadnaq ah ayaannu wada tukanney. Maxaa kaloo aan anigu odhan karay, oo aan ka ahayn inaan Rabbiga uga mahadnaqo ballanqaadkiisan ah inaan anigu noolaan doono? Taasi waxay ahayd subaxdii Sabtida. Isla subaxdaa markii ay dhakhtarradii boogtaydii eegeen, iyagu wax jeermis ah way ka waayeen! Oo baadhitaanadii oo dhammina waxba way waayeen. Dhakhtarradii way yaabeen.

Oo waxay dhakhtarradii aniga ii sheegeen, "Wax jeermis ahi boogta kuma jiro. Oo meel uu jeermiskii ka baxayna garan mayno. Adigu waad noolaan doontaa!" Dhakhtarradaydii waxay garteen inay run ahaantii tani mucjiso ahayd, iyo inaanay bogsashadayda iyagu ku faani karin.

Bil kaddib ayaan isbitaalkii ka soo baxay, markay taariikhdu ahayd Febraayo 28, 1992.

Markii ugu horreysey ee aan isbitaalka ka soo baxay ayaa isbitaalka dibaddiisii Martha igu weydiisey, "Maxaad jeceshahay inaad adigu cuntid?"

Aniguna waxaan ugu jawaabey, "Jalaato!— iyo hilib digaag."

Cutubka 6aad                                                                                                                Cutubka 8aad

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Cutubka 7-aad: Nabaddoon Dhaawacan:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Matayos 5:1-16

  1. Qeex hawshii nabadaynta ee Ergo . Ka baaraandeg baahida loo qabo iyo waxtarka dadaalka noocan ah ee dad diimo kala duduwani nabadda ku wada raadinayaan.

  2. Qeex mocduucyada nabadaynta ku saabsan ee kala jaadka ah ee jira dhaqanka bulshada Soomaaliyeed, diinta Islaamka iyo Injiilka. Maxay ku kala duwan yihiin nabadaynta iyo hadiyadda dib-u-heshiisiinta ee Masiixu bixiyaa? Fikraddaada ka dhiibo sida uu Axmed u isticmaalo mowduucyadan kala duduwan marka uu isagu nabadaynta ku guda jiro.

  3. Waa maxay jawaabtaada ku aadan qeexida Axmed ee sida khaaska ah ee uu Ciise Masiix nabadaynta wax ugu soo kordhiyey? Siyaalehee ayaa xoolihii allabbariga ee dhaqan ahaan la qali jirey inoo tusayaan allabbariga heshiiska keena ee uu Masiixu noqday? Muxuu Rene Girard mowduucaas ku soo kordhiyey?

  4. Maxay Caydiid iyo kuwuu u talinayey u go’aansadeen inay Axmed dilaan?

  5. Sheeg siyaalo badan oo Axmed loogu muujiyey daryeelka Ilaahay ee noloshiisa kaddib markii madfacu isaga ku dhacay?

Qoraal Gunaanad Ah:

  1. Rene Girard, Violence and the Sacred, trans. Patrick Gregory (Baltimore: John Hopkins University Press, 1972), 1-76, 250-273.

Cutubka 6aad                                                                                                                Cutubka 8aad



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved