Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

CUTUBKA 8-AAD

Aasaaskii Nabadaynta

Ballaadhintii Fikirka (1992-94)

Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.
                                                                                — Rasuul Bawlos (Filiboy 2:5)

 

Dhowrkii bilood ee markaas ku xigey waxaan ku mashquulsanaa soo jeedinta khudbado ku saabsan sida ay Masiixiyiintu dib-u-heshiisiinta ugala shaqayn karaan Muslimiinta. Bishii Maajo, waxaa shir ka dhacay meel shirarka lagu qabto oo Toronto ku taal, kan oo ay dad badani ka soo qaybgaleen, waxaana shirkan soo qabanqaabiyey Ergo, oo ah kooxdii dhiirrigelineysey socdaaladaydii aan Soomaaliya ku tegi jirey. Haddaannu Soomaali nahay waxaannu nahay dad aad u buuq badan, markaas qaylo badan ayaa kulankaas ka dhacday. Kuwo aan Soomaali ahayn oo nala joogey ayaa ka yaabanaa buuqii badnaa ee u ekaa sidii la isku xanaaqsan yahay. Laakiinse waa sidan sida aannu haddaannu Soomaali nahay niyadjabkayaga iyo cadhadayada u muujino; waannu isku qaylinaa. Markaa kulan fiican buu kaasi ahaa!

Waxaannu annagu garowsannay inaanan dib-u-heshiisiinta waxba u tari karin haddii aanan annagu dhexdeenna ka wada kulmeyn oo iskala tashaneyn. Hoggaamiyayaasha dhaqdhaqaaqa Ergo badankooda waxaa saamayn ku yeeshay iskuulladii Mennonite-ka ee Soomaaliya. Mararka qaarkood waxaa nalagu naanaysi jirey Muslimiintii Mennonite-ka ahayd. Kuwani wada hadalka si deggan oo qabow bay uga qaybgeli jireen.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii nasiibka ku yimid ee Ergo ka dhashay waxay ahayd inay Mennonite Central Committee (MCC) iyo Eastern Mennonite Missions (EMM) taageero u fidiyaan odayaashii ka tirsanaa golayaashii nabadaynta ee Soomaaliya. Anigu waxaan aad uga soo shaqeeyey inaan arko sidan oo kale oo ka dhacda Muqdisho. Golayaashii odayaasha ee ka jirey gobollada kale ayaa ka saamayn badnaa, marka la barbardhigo kuwii joogey Xamar oo siyaasaddeedu kacsanayd. Golayaashani wax fiican bay ku soo kordhiyeen geedisocodkii nabadaynta ee gobollo kala duduwan, gaar ahaan waqooyiga.

 

La Kulankii Soomaalida Reer Sweden

Intii aan isbitaalka ku jrey waxaan anigu martiqaad ka helay Lutheran Evangelical Fellowship ee Sweden (EFS) si aan uga qaybgalo wada tashiyo taxane ah oo la xidhiidha Soomaalida ku soo badaneysey Sweden. Waxaan ku xidhay inaan halkaas tegi dooney oo keliya haddii ay Martha, Afrax iyo Safiya i soo raacaan. Way iga aqbaleen. Markaa, Luulyo, wax yar kaddib markuu shirkii Ergo ee Toronto uu dhammaaday, diyaarad ayaannu annagu Stockholm u raacnay halkaas oo aannu kaga qaybgalay shir weyn oo EFS lahayd. Dabadeedna waxaannu aadney Uppsala halkaas oo uu ka dhacayey kulanka weyn ay isugu timaado Kaniisadda Lutheran-ka ee Sweden (Swedish Lutheran Church). Shirkani wuxuu ka dhacayey kaniisad weyn oo qadiimi ah oo damaashaad badani ka jirey; tani way nagaga yaabisay annaga oo u barannay shirar caadi ah oo sidan ka deggan oo ay hoggaamiyayaasha kaniisaduhu isugu yimaadaan. Shirkan kaddib waxaannu la kulannay hoggaamiyayaashii Soomaalida.

Aniga oo ay saddex qof oo Ergo igala shaqeeya ila socdaan, ayaan Oktoobar-taa dib ugu soo laabtay Sweden si aannu uga qaybgallo shir ay Soomaalidu ku lahaayeen magaalada koonfurta ku taalla ee Lund. Maadaama uu khilaafkii Soomaaliya ka jirey ku faafay xidhiidhkii ay Soomaalida Sweden ku nool wada lahaayeen, shirkani wuxuu ahaa mid fashilmay oo eexasho iyo rabsho badan. Dareen xun baa dadka ka dhex jirey, oo xanaaqii ayaa qarxay! Waxaan iyaga weydiiyey sababta ay iyagu isula dagaallamayeen. Waxay iigu jawaabeen inuu kani ka dhashay taageerida ay iyagu taageerayeen hoggaamiyayaal qabaa’il oo kala duduwan oo Soomaaliya jooga, iyo inuu mid kastaa uu dad ku lahaa Soomaalida ku nool Sweden. Waxaan iyaga u sheegay inaanay Soomaaliya ka jirin hoggaamiyayaal dhab ah oo wanwanaagsani, waayo hoggaamiye-ku-sheegyadani dhexdooda ayay ka dagaallamayeen. Tani dadki way dejisey. Waxaan kaloo iyaga ku booriyey inay haddii ay iyagu Soomaalida qurbaha yihiin hawshooda ugu weyn u arkaan mid dib-u-heshiisiineed, oo aanay noqon inay colaadaha sii huriyaan. Mid dadkii meesha joogey ah ayaa halxiraale i weydiiyey, oo igu yidhi, "Haddii afartiinna Erga-da ka socda saddex saxan oo raashin ah la idin soo hordhigo, sidee ayaad idinku cuntadaas u qaybsan lahaydeen?"

Sidan ayaan anigu halxidhaalihii uga jawaabey, "Hal saxan saaxiibkaygan Cali ah ayaa qaadan lahaa, kan oo qabiilkaa ka dhashay. Saxanka labaad saaxiibkaygan Cismaan oo isna qabiilkaa kale ka dhashay baa qaadan lahaa. Saxanka saddexaad aniga iyo Safiya oo qabiilkayga ah baa wada cuni lahayn. Sidaas ayaan samayn karnaa, ama waan ku dagaalami karnaa oo ugu dambaystana cuntada oo dhammi ama way naga quban doontaa ama naga qudhmi doontaa."

Iyagu tan way fahmeen, wayna qosleen. Waxaan ku guuleystey inaan colaaddii yareeyo. Iyagu way u furnaayeen talooyinkii ahaa sidii ay colaadda qabiilladooda ka dhex jirta u beddeli lahaayeen oo nabadaynta uga shaqayn lahaayeen.

 

Casharro Badan Oo Aan Meelo Kala Duwan Ka Soo Jeedinayey

Toronto iyo Uppsala waxay keliyoo ahaayeen bilowgii hawshaydii ahayd inaan dib-u-heshiisiinta ka hadlo. Luulyo 1992, waxaan anigu ka hadlay shir ay dariiqa Kaatooligga ee la yidhaahdo Franciscans la yidhaahdo ku lahaayeen Burlington, Wisconsin. Oktoobar 1-deedii, Winnipeg, Manitoba, ayaan aadey si aan ula hadlo isutagga nabadda ee jaamacadaha Mennonite-ka. Dabadeedna waxaan u kacay Kidron, Ohio, oo waxaan hadal ka soo jeediyey kulan sannadeedkii ay lahaayeen MCC Great Lakes. Nofeembar, waxaa annaga nalagu martiqaaday inaannu ka hadallo Charlotte Street (oo hadda lagu magacaabo James Street) Mennonite Church, Lancaster, Pennsylvania. Xidhiidh muhiim ah ayaa halkan nooga dhashay waayo waxaa kaniisaddan ka tirsanaa dhowr qof oo Soomaaliya hore uga soo shaqeeyey, oo kuwani waxay aad u doonayeen inay shaqadeenna xidhiidh la yeeshaan.

Isla Nofeembar-taa, ayaan aniga iyo kuwo kale samaynay Somali Conservation Corps, oo ah koox xiisaynaya sidii ay hab nabadayn ah ugu ilaalin lahaayeen bii’adda dabiiciga ah ee Soomaaliya. Goynta dhirtu nolosha dadka ayay cidhiidhi gelisaa, oo khilaafyada ayay sii xoojisaa. Dhibaatadan waxaa sababa daaqsintii oo aad u badatay iyo dhirtii oo la jaray si dhuxul looga shido. Riyadayadu waxay ahayd inaannu dhallinyarada dib-u-heshiisiinta danaysa la shaqayno, iyadoo la kala dirayo dadka dagaalka qabaa’ilka ku jira, iyadoo isla markaana dhallinyaradan lagu dhiirrigelinayo, oo loo abaabulayo inay awooddooda saaraan sidii ay dhul beeroodka u dhawri lahaayeen.

Muddo sannad ku dhow ayaan qorshahan diyaarinayey iyadoo uu Marc Erickson i dhiirrigelinayo. Fikraddani waxay nooga timid ninka la yidhaahdo Doug Coe, kan oo madax ka ah Koox Masiixiyiin ah (The Fellowship) oo Washington, D.C. ku kulma, oo iyagu abaabula dhacdada sannad-laha ah ee la yidhaahdo Quraacda Ducada ee Madaxweynaha (Presidential Prayer Breakfast). Doug wuu u dego furnaa fikrad aan anigu soo habeeyey, Marc Erickson-na wuu i raacay iyo laba nin oo Fellowship-ka ka socdey oo Cortez Ragland iyo Jim Kielsmeier la kala yidhaahdo.

Qorshahan waxaa markii hore xarun u noqon lahaa magaalada Buulo Burte. Diyaarad ay UN leedahay ayaa naga qaaday Nayroobi, oo na geysey xaafadda Kaaraan, ee magaalada Muqdisho, halkaas oo aannu kula kulannay hoggaamiyayaal Soomaali ah si aannu u gudaggallo sidii aannu qorshahan u meelmarin lahayn. (Laba sannadood kaddib, 1994-tii, ayaan anigu haddana socdaal kale oo wargelin ah u tegey meeshaas. Hay’adda CARE ayaa 300,000 oo doolar nagu caawisey. Markan diyaaraddii UN waxay toos noo geysey Buulo Burte, oo taladayadiina si fiican baa loo aqbalay. Laakiinse, intii aannu ku mashquulsanayn inaannu xidhiidho dhisno oo aannu qorshahayaga tijaabino, ayaa waxaa qarxay dagaal qabiilooyin oo kale, oo waxay noqotay inaannu war degdeg ah u soo dirno UN si ay diyaarad noogu diraan oo ay dib noogu soo celiyaan Nayroobi).

Febraayo iyo Maarso, 1993, shaqo kale ayaan Bariga Afrika ugu kicitimay—markan, si aan uga qaybgalo shirkii la odhan jirey Addis Peace Forum ee ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, kan oo ay qabanqaabiyeen hay’ada Swedish-ka ah ee la yidhaahdo Life and Peace Institute iyo UNOSOM, shirkan oo ahaa hawlgal UN ugu jirtey nabadaynta Soomaaliya. Kani wuxuu ahaa iskuday aad u weyn oo ahaa in la isu keeno odayaasha Soomaaliyeed iyo dadka kale ee arrimaha Soomaaliya ka go’aan, si ay u wada raadiyaan sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa.

 

U Diyaargarowgii Ku Soo Laabashadii Soomaaliya

Intii aan hawlahan oo dhan ku gudo jirey, ayaa Martha dhammaysay shahaadadeedii Master-ka ee diinta Masiixiyadda ku saabsanayd oo ay ka qaadatay jaamacadda la yidhaahdo AMBS. Dabadeedna waxaannu u gurney Terre Haute, Indiana, halkaas oo ay Martha ka gashay Indiana State University, si ay iyadu ugu takhasusto taariikhda kaniisadda. Professor Robert Clouse casharradiisa ayaa ugu muhiimsanaa, waayo aad buu wax uga qoray fikradaha ay Masiixiyiintu ka aamminsan yihiin dagaalka.1 Tani muhiimad weyn bay u lahayd Martha, waayo kaniisaddii ay iyadu ku soo barbaartay aad xoogga uma saari jirin nabadda iyo Masiixinimada. Aad bay iyadu u jeclayd casharradeedii taariikhda kaniisadda ahaa, gaar ahaan geedi-socodkii dhaqdhaqaaqii Masiixiyadda ee qarnigii 16-aad iyo kii 17-aad. Sannadihii aannu dalka Maraykanka joogay, waxaannu ka faa’iideysan jirney fursad kasta oo aannu waxbarashadayada ku sii kordhin karno. Labadayaduba waxaannu wax ka barannay Indiana State University iyo AMBS labadaba. Labada waxbarasho ee aannu ku soo takhasusney marka la isku daro aad bay hawshii aannu Soomaalida u hayney ugu habboonaayeen: nabadaynta, arrimaha siyaasadda, taariikhdii kaniisadda iyo cilmiga diinta Masiixiga.

Sannadihii 1992 iyo 1993 waxay iyaguna sidoo kale ahaayeen wakhti khaas ah aannu samaysano xidhiidh aan la yeelanno kaniisado iyo shakhsiyaad kuwaas oo nagu caawin dooney tukasho, dhiirrigelin, iyo caawimaad dhaqaale mar alla marka uu albaab nooga furmo inaannu Afrikada Bari dib ugu laabano. Lixdii sanno ee aannu Maraykanka joogney ee ka dambeeyey 1988 oo aannu Soomaaliya ka soo tagnay kumaannu ciyaarin. Sannadahaasi waxay na siiyeen fursado wanwanaagsan oo aannu injiilka ugaga markhaatifuri karney Waqooyiga Ameerika dhexdeeda. Waxaannu kaloo annagu ogeyn in marka allaale marka ay noo furanto fursad ah inaannu ku noqonno inaannu dadka Soomaaliyeed ka dhex shaqayno, aannu diyaar u ahayn inaannu u tagno sidii safiiradii daacadda ahaa ee Ciise Masiix, kaas oo ah Amiirka Nabadda. Sidee ayaannu annagu markhaatifurada akhbaarkaa ku noqon karney marka aannu dib ugu laabano Afrikada Bari iyo bulshooyinka Soomaaliyeed dhexdooda?

 

Waa Maxay Akhbaarka Nabaddu?

Waxaa jira fikrado iyo hab diineedyo badan oo nabadda lagu raadiyo. Xataa Shuuciyaddii ayaa sheegata inay fikrad nabadayneed tahay. Xerta Ciise Masiix ahaan, waxaannu annagu ku hawlan nahay nabadayn uu Masiixu xuddun u yahay. Nabadda Ciise way ka duwan tahay nabadda Islaamka ama nabadda dhaqanka Soomaalida. Xaqiiqadii, nabadda Masiixu lama mid aha nabadaha kale ee adduunka ka jira.

Waxaan anigu rumaysanahay in injiilka Ciise Masiix ina siinayo hadiyad nabadaynta ah oo khaas ah oo aan hore u jiri jirin. Marka aan sidan leeyahay ma dafirayo qiimaha ay leedahay in la barto siyaalaha wax loo nabadeeyo iyo sida khilaafaadka loo xaliyo ee ku salaysan cilmiga barashada bulshada (sociology) iyo cilmi nafsiga (psychology). Koorsooyin badan oo aan ka qaatay AMBS ayaa culuuntan ku saabsanaa. Cutubkaygii kan ka horreeyey ayaan anigu ku tusay inay qiimo leedahay in la baadho mawduucyo ku saabsan siyaalaha ay Islaamka iyo diimaha dhaqanka ku salaysani dib-u-heshiisiinta u sameeyaan. Mawduucyadaasi way ina caawin karaan, laakiinse waxay kaloo leeyihiin daldaloolo badan, isla sida ay hababka kale ee nabadaynta oo dhammi daldalooladaa u leeyihiin.

Laakiinse, Ciise Masiix wuxuu inagu martiqaadayaa inaan ka sii gudubno siyaalaha khilaafaadka lagu xalliyo, iyo inaan la kulanno Ciisaha la iskutallaabay ee sarakacay. Iskutallaabtu waa mid wax kasta ka duwan oo kacaan cusub oo kale ah. Masiixii iskutallaabta lagu qodbay, ayaa Ilaaha adduunku innaga inoogu dhimanayaa oo inoo saamaxayaa. Iskutallaabtii iyo sarakiciddii, ayuu Ciise si buuxda u jebinayaa hab caddaaladdeedkii ahaa aargoosiga aan dhammaadka lahayn. Isagu wuxuu innagu martiqaadayaa soo dhoweynta Ilaahay ee ku dhisan saamaxaadda iyo heshiiska. Ma jirin filosoofiyad iyo diin ay hore maskaxdeeda u soo gashay inuu Ilaahay sidaa badan inoo jecel yahay. Aniga noloshayda waxaa loogu yeedhay inaan safiirka daacadda ah ee Ciise Masiix iyo nabaddiisa dhabta ah ee daawada leh ee uu bixiyo noqdo.

Islaamku iskutallaabta wuu dafirayaa, waayo Islaamku ma fahmi karo inuu Ilaahay sidaa aadka ah inoo jecel yahay. Kuwo badan oo saaxiibbadayda Muslimiinta ah ayaa aamminsan inay iskutallaabtu tahay awooddii iyo weynaantii Ilaahay oo meel lagaga dhacay. Dhab ahaantii, Islaamku wuxuu aamminsan yahay in Ciise Masiix iskutallaabtii laga badbaadiyey, oo samada loo qaaday isagoo aan dhiman. Laakiinse maaha Islaamka oo keliya ka aan iskutallaabta fahansaneyn. Xataa markii aan casharrada siin jirey Masiixiyiin badan oo Waqooyiga Ameerika ku nool (sidii aan hore u soo sheegay) waxaan anigu mararka qaarkood la kulmi jirey dad aad uga yaabi jirey inuu runtii Ilaahay sidaa aadka u badan innaga inoo jecel yahay.

Cutubka saddexaad waxaan ku qeexay isbeddel nolol bixiya oo aniga igu dhacay markii aan ka qaybgalay kulan ay Erayga Nolosha (Word of Life) soo qabanqaabisay oo Nayroobi dibeddeeda ka dhacay muddo yar kaddib markii aan 1973 Muqdisho ka tegey. Waxaan sheegay, in isbeddelkaygii fikirku uu ku salaysnaa cashar Baybalka ah oo laga soo qaaday Warqaddii Loo Qoray Dadkii Filiboy 2:1-11. Qorniinka wuxuu Bawlos ku odhanayaa:

5Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro. 6Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis, 7laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg, 8oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto. 9Haddaba sidaas daraaddeed Ilaah isaga aad buu u sarraysiiyey, oo wuxuu isaga siiyey magaca magac kasta ka sarreeya; 10in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan, 11iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano. (Filiboy 2:5-11).

Isu imaatinkii Masiixiyiinta ee berigaa xarunta Word of Life lagu qabtay, Ruuxa Quduuska ah ayaa muujiyey inaanay iskutallaabtu daciifnimo ahayn, laakiinse ay bilcagsi tahay awoodda wax beddesha ee jacaylka Ilaahay. Waxaannu annagu ogaanney in marka wax kastoo kale shaqayn waayaan ay weli iskutallaabtu inoo hadhay. Iskutallaabta oo keliya ayaa arrinta gunteeda gaadha, tan oo ah sida aynu Ilaahay uga dheeraannay iyo sida aynu innagu dhexdeenna u kala dheeraannay. Marka aynu xaqiiqadaa ka markhaatifurno, joogitaankeenna iyo markhaatifurkeennu wuxuu dadyowga adduunka, oo ay Soomaalida iyo Muslimiinta adduunkuna ku jiraan, u noqdaa mid bogsiino u keenaya. Tani xataa waa run haddii bulshada kuwa Ciise Masiix u rumaysan sidii Badbaadiyahooda iyo Sayidkoodu ay tahay mid aad u tiro yar. Ciise wuxuu sheegay in meesha ay laba ama saddex ugu kulmaan magaciisa daraaddiis uu isna halkaa la joogo (Injiilka sida Matayos u qoray 18:20).

Tani kaniisadda ayay noo geyneysaa. Injiilku fikrad kacdooneed cusub oo keliya maaha—in kastoo uu isagu dhab ahaantii sidaas yahay—haddana wuu ka sii badan yahay. Ciise Masiix wuxuu doonayey inuu dhiso bulsho ka kooban dad heshiis ah. Dhimashadiisii iyo sara kiciddiisii kaddib, dad cusub ayaa ka dhashay kuwan oo uu Ruuxa Quduuska ahi xooggeeyey. Qorniinka, sidii uu Bawlos u qoray, ayaa dadkan ku sheegaya bulsho dib-u-heshiisiineed:

14Waayo, isagu waa nabaddeenna, oo waa kan labada mid ka dhigay, oo dumiyey qoqobkii derbiga dhexe, 15isagoo jidhkiisii ku buriyey cadownimadii taas oo ah sharciga amarrada ku jira qaynuunnada, inuu isaga qudhiisu labadii isugu abuuro nin cusub, isagoo saas nabad ku samaynaya, 16iyo inuu labadooda oo isku jidh ah Ilaah kula heshiisiiyo xagga iskutallaabta, isagoo halkaas ku dilay cadownimada. (Warqaddii rasuul Bawlos u qoray dadkii Efesos 2:14-16)

Qaranka Soomaaliyeed wuxuu ka mid yahay waddamo aad u yar oo Afrikaan ah oo ka kooban hal qolo oo isku luuqad ah. Intii aan ka ahayn tiro aad u yar, Soomaalida oo dhammi waa Muslimiin Sunni ah. Sidaas oo ay tahay, wada dhalashadan, isku luuqad ahaantan, iyo isku diin ahaanshahoodu kuma filayn inay qaboojiso xooggii qabiilka ee iyaga iska hor keenayey. Waana sababtan daraaddeed ta aanan anigu u oggolayn inaan xasuus-qorkan magaca qabiilkayga ku sheego. Waa inaynu innagu hellaa aqoonsi ka sara mara taageerada aan qabiilka siinno. Aniga aqoonsigan kaniisadda ayaa ii noqotay. Kaniisadda daacadda ah jiritaankeeda dhabta ahi waa bulsho dib-u-heshiisiineed.

Qorniinka aan soo tixraacay, Bawlos wuxuu garowsanayaa in kaniisaddii Efesos ka dhalatay meel ay ka jirtey xaalad cadaawadeed ku dhisan qolo iyo diin oo ka dhexeysey Yuhuuddii iyo dadkii aan Yuhuudda ahayn. Cadaawadani mid qoto dheer bay ahayd ilaa ay ka gaadhay heer aanay xataa labada kooxood wax isla cuni jirin. Laakiinse, kuwii helay hadiyada heshiiska ee uu Ciise Masiix bixiyey, kii la iskutallaabay ee sarakacay, Ilaahay wuxuu halkan ka abuurayey dad cusub oo heshiis ah. Bulshadan heshiiska ahi mucjiso ayay ahayd. Waana sababtan ta aan anigu hawlahayga dib-u-heshiisiineed oo dhan kaniisadda ugu saleeyo. Isla sida uu Bawlos u qorayo:

18Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada, 19taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada. 20Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baryaynaa, Ilaah la heshiiya. 21Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga. (Warqaddii 2aad ee rasuul Bawlos u qoray dadkii Korintos 5:18-21).

Waxaan anigu u haystaa sharaf ta ugu sarraysa inuu Ilaahay iigu yeedho inaan ergo u noqdo injiilka dib-u-heshiisiinta. Bawlos ayaan anigu isla xidhiidhinayaa, kaas oo aad u fajacay markii uu isaga Ilaahay u yeedhay, sidii uu isagu u qoray, "Laakiin Ilaah nimcadiisa ayaan ku ahay waxaan ahayba, oo nimcadiisii lay siiyeyna wax aan waxtar lahayn ma ay noqon, laakiin anigu waxaan u hawshooday si ka badan dhammaantood, anigase ma aha laakiin waa nimcada Ilaah ee ila jirtay" (1 Korintos 15:10). Safiirka waddan wuxuu raadiyaa sidii uu waddankiisa sharaftiisa u ilaalin lahaa. Nimcada Ilaahay daraaddeed, waxaan anigu aad u dooni jirey inaan safiir aad u wanaagsan u noqdo Ciise Masiixa iyo boqortooyadiisa, oo aan si dhaba oo daacad ah ergo ugu noqdo injiilka nabadda ah.

Iyadoo uu Ruuxa Quduuska ahi awood u yeelayo, ayuu injiilka dib-u-heshiisiintu dhaliyaa abuur cusub oo heshiis ah. Abuurkan cusub ee heshiiska ah waxaa dabeecad u ah hab dhaqan ay iskutallaabtu xuddun u tahay. Hab dhaqankaygii safiirnimo waxaa ku dhawaaqay Masiixa wacdiskiisii loo bixiyey Wacdiskii Buurta Dusheeda (Injiilka Sida Matayos u Qoray – Cutubyada 5-7). Halkan waxaan kaga soo qaadanayaa dhowr odhaahood oo wacdiskaas ku jira:

Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah. (Matayos 5:9).

38Waad maqasheen in la yidhi, Il il ha loo rido, iligna ilig ha loo rido. 39Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi, 40oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa, 41oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco. 42Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan. (Matayos 5:38-42).

43Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 44laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya. 45si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira. (Matayos 5:43-45).

Marka aynu waraaqaha Baybalka akhrinno, kuwan oo ah waraaqo la talin iyo waxbarasho u ahaa kaniisadihii cusbaa ee la aasaasay, waxaynu innagu helnaa fahanno ku saabsan hab dhaqanka ficilka ku dhisan ee ah sida ay kaniisaddu ku noqonayso bulsho dib-u-heshiisiineed. Warqaddii rasuul Bawlos u qoray dadkii Rooma 12 ayaa aniga saamayn muhiimad weyn leh igu yeeshay; kani waa dastuurka dhaqan ee qoyskeenna:

14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina. 15La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya. 16Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina. 17Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa. 18Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan. 19Gacaliyayaalow, ha aarsanina, laakiin meel u banneeya cadhada Ilaah, waayo, waxaa qoran, Aarsasho anigaa leh; anaa u abaalmarin, ayaa Rabbigu leeyahay. 20Laakiin haddii cadowgaagu gaajaysan yahay, cunto sii; hadduu harraadsan yahayna, waraabi, waayo, haddaad saas samayso waxaad madaxiisa ku kor ururin doontaa duxulo dab ah. 21Sharku yuusan kaa adkaan, laakiinse sharka wanaag kaga adkow. (Rooma 12:14-21).

Kuwa aan ku dhex noolaaday oo keliya ayaa qiimayn kara ilaa heerka aannu annagu sidan ugu noolaannay—laakiinse tan baannu annagu higsaneyney. Iinaheenna iyo kacaa kufkeenna badan iyagoo jira, haddana waxaannu aad uga mahadnaqaynaa inuu Masiixu noogu yeedhay inaannu annagu noqonno safiiraddii injiilka dib-u-heshiisiinta! Macnaha dhabta ah ee yeedhitaankaas ayaa aniga si dheeraad ah iigu caddaaday. Sida uu Bawlos u qorayo, doonistayda weyni waa inaan markhaati u noqdo Masiixa la iskutallaabay, ee sara kacay, kaas oo ah awoodda Ilaahay (1 Korintos 2:2). Anigu waxaan rumaysanahay inuu Masiixu yahay, Bogsiiyahii Dhaawacmay (The Wounded Healer), sida uu ahaa cinwaankii iyo odhaah ku jirtey buuggii uu qoray Henri Nouwen.

 

Martiqaadkii Afrikada Bari

Markii ay 1993 soo dhowaatey, waxaan anigu ku barakoobey cunug saddexaad, Geeddi. Imtixaankii ugu dambeeyey ee Martha ee Indiana State University wuxuu dhacayey Disembar 17-keedii. Laba maalmood kaddib, oo Disembar 19-keedii ahayd ayaa Geeddi dhashay. Wakhtigii Kirismaska loo dabaaldegayey ayaa cunuggani farxad ka buuxiyey gurigayagii. Afrax (shan sanno) iyo Safiya (laba sanno), iyaguna way jeclaayeen cunuggan walaalkood ah.

Baraka tan lagu daray kale waxay ahayd, in dhowr bilood gudahood markii uu Geeddi dhashay, annaga ugu dambaystii nalagu martiqaaday in aannu Bariga Afrika ku noqonno. Waxaa si wada jir ah noo shaqaalaysiinayey labada hay’adood ee la kala yidhaahdo Eastern Mennonite Missions (EMM) iyo Mennonite Central Committee (MCC), oo Nayroobi baannu ku noolaan doonney. Martha iyo anigu waxaannu macallimiin ka noqon doonney Jaamacadda Daystar. Waxaa aniga la ii sheegay in laga yaabey inaan maado Islaamka ku saabsan halkaa ka dhigo, in kasta oo ay bulshadii Muslinka ee reer Kiiniya ka xumaayeen in mid hore Muslin u ahaan jirey uu maadadaas dhigo. Anigu waxaan ogaa in shaqadani ay qayb ka noqon doontey dhisadda xidhiidh is aamminaad ah oo lala yeesho buslshada Muslinka ah.

Waxaannu lahayn taageero xoog leh oo isku xidhan. Kaniisaddii Eastbrook, ee Milwaukee ku taalley ayaa si joogto ah, oo wanaagsan noo kharash garayn jirtey, sidoo kale Kaniisadda Mennonite-ka ah ee Charlotte Street (tan oo hadda la yidhaahdo James Street) oo Lancaster ku taalla, iyo weliba kaniisadda kale ee la yidhaahdo Assembly Mennonite Church oo iyaduna ku taalla Goshen. Laakiinse MCC iyo EMM ayaa iyaguna qayb ka ahaa habaynta iyo bixinta kharashka barnaamijkan. Kaniisadahan iyo hay’adahani xagga kharashka oo keliya nagama ay caawin jirin, laakiinse sidoo kale way noo tukan jireen. Waxaa kaloo jirey dad shakhsiyaad ah oo kale oo badan oo iyaguna na caawin jirey oo noo tukan jirey. Iyagu waxay si daacad ah ugu dadaali jireen qoyskayaga iyo yeedhitaankii annaga naloogu yeedhay inaannu safiiradii injiilka nabadda noqonno.

Annaga oo rajooyin waaweyn leh ayaannu u socdaallay Nayroobi, Luulyo 18, 1994. Annagu markii aannu Afrikada Bari ku soo laabayney, ma aanan mala-awaali karin caqabadaha na hor yaalley. Usbuucyo gudahood ayaannu khilaaf lugaha la geli doonney.

Cutubka 7aad                                                                                                                Cutubka 9aad

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Cutubka 8-aad: Aasaaskii Nabadaynta:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Efesos 2:14-19; Rooma 12:9-21

  1. Qeex waxa uu Islaamku nabadda ka qabo.

  2. Ka feker siyaalaha ay bulshada Islaamku nabadda uga shaqaysay ee qisadan lagu sheegay.

  3. Qeex nabadda Masiixa.

  4. Ka feker siyaalaha ay kaniisaddu u tustay nabadda Masiixa ee qisadan lagu sheegay.

  5. Siyaalehee ayuu Axmed u ahaa safiirkii injiilka ee dib-u-heshiisiinta? Maxaa kaaga yaabiyey ee ka mid tabihiisii? Sidee ayaad adigu u qiimaynaysaa shaqadiisii safiirnimo ee nabadda Masiixa?

  6. Axmed wuxuu soo qaadanayaa qorniino kala duwan oo Kitaabka Quduuska ah inta uu isagu baadhayo macnaha buuxa ee nabad iyo dib u heshiisiin uu Masiixu udub-dhexaad u yahay: Filiboy 2:1- 11; Efesos 2:14; 2 Korintos 5:18-21; Rooma 12:14-21. Dooro mid ama dhowr Qorniinadan ka mid ah, oo ka feker siyaalaha ay injiilka dib-u-heshiisiinta ee aayadahan lagu sheegay uga dhex muuqdaan adeegyadii Axmed iyo Martha.

Qoraal Gunaanad Ah:

  1. Robert G. Clouse, War: Four Christian Views (Downers Grove, IL: Intervarsity Press, 1981).

Cutubka 7aad                                                                                                                Cutubka 9aad



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved

BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (SoundCloud)