Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

CUTUBKA 9-AAD

Rajo Khilaafka Dhexdiisa

Kaniisaddii Soomaalida iyo Jaamacaddii Daystar (1994-2009)

Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;
                                           — 1 Butros 3:11 iyo Sabuurkii 34:14

 

Markaannu Nayroobi nimid, shaqadayada koowaad waxay ahayd Jaamacaddii Daystar, taas oo ahayd jaamacad Masiixi ah oo Afrika oo dhan ka dhexaysa oo aad u koreysey. Ardayda wax ka dhigataa markaa toddoba boqol oo arday bay ku dhoweyd; maantana waxay gaadhayaan saddex kun oo arday. Hawshayada kale ee gebi ahaanba tan jaamacadda ka duwani waxay ahayd doonistayadii ahayd inaannu ka qaybgallo isu imaatinkii rumaystayaasha Masiixa ee Soomaaliyeed ee markaa dhashay oo korayey. Markaa, markii madaxdii jaamacaddu nagu martiqaadeen inaannu macallimiinta ka mid noqonno, waxaan iyaga u caddeeyey in arrin kale oo annaga aad muhiim noogu ah ay ahayd inaannu sidoo kale dhisno oo dhiirrigelino kaniisadda Soomaalida. Oo madaxdaa jaamacadduna tan si buuxda bay taageeradooda u siiyeen.

Berigaas, waxaa jirey Masiixiyiin Soomaaliyeed oo kulma oo labaatan ilaa soddon qof ka koobnaa. Intaa waxaa sii dheeraa, inay Masiixiyiintii diinta faafinayay ee ajnabiga ahaa ay sameeyeen xarun tababbar xernimo oo la seexdo taas oo ay ku jireen ilaa laba iyo toban nin oo dhallinyaro ah. Filitaankaygii ahaa inaan wax ka baro xaruntan tababbarka xernimada Masiixu aad bay iiga farxisay aniga. Anigu weligey adeeg noocan oo kale ah maan qaban.

 

Khilaafkii Kaniisadda Dhexdeeda

Mid ka mid ah sababihii aan xaruntan tababbarka xernimada ugu hanka weynaa waxay ahayd xasuustaydii sidii uu sida weyn saamaynta iigu yeeshay isu imaatinkii ay Erayga Nolosha (Word of Life) soo qabanqaabisay. Halkaas wax weyn baan anigu ka bartay anigoo labaatan jir Soomaali qaxooti ah ah. Hadda, labaatan sanno kaddib, niman dhallinyaro ah oo qaxooti Soomaali ah ayaa iyaguna isbeddel ruuxiyan ahi kaga dhacayey barnaamijkan tababbarka ah dhexdiisa. Intii aan weli Maraykanka joogey, waxaan anigu maskaxda geliyey farxadda ay leedahay inaan saamayn fiican ku yeesho nolosha raggan dhallinyarada ah. Markii aan imid kaddib ayaa laba ka mid ah madaxdii Masiixiyiintii aan Soomaalida ahayni igu martiqaadeen inaan halkaa ka dhigo maado hoggaaminta ku saabsan. Tani aad bay aniga iiga farxisay, oo si fiican baan casharkaygii u soo diyaarsaday.

Nasiibdarro isla markii aan casharkaygii bilaabayba, dagaal xun ayaa isla fasalkii dhexdiisii ka qarxay. Kuwo si dib yar isu dagaali kara ayaannu noqon karnaa haddaannu Soomaali nahay; laba ardaydii ka mid ah ayaa feedh isku bilaabay. Fasalkii qaylo iyo rabshaa ka bilaabmay. Intii karaankayga ah ayaan isku deyey inaan ololka demiyo. Markaa, waa kaa iskuulkayagii tababbarka xernimadu! Dhakafaar baa aniga igu dhacay. Maadaama ay kuwii casharkan ka qaybqaadanayey ay sidoo kale kaniisadda ka tirsanaayeen, qaskii kaniisaddii buu ku faafay. Tan daraaddeed, laba ajnabigii ka mid ah ayaa go’aan ku gaadhey inay xidhaan iskuulkii iyo kaniisaddii labadaba.

Tan aad baan anigu uga xanaaqay. Intii aan anigu ogaa, Soomaalidii kaniisadda ka tirsanaa arrintan lagalama tashan. Masiixiyiintan ajnabiga ahi kaniisadda Soomaaliyeed may ahayn; kaniisaddu waa kaniisadda. Iyada waxaa loogu yeedhaa inay noqoto bulsho dib-u-heshiisiineed. Sidaa daraadeed, waxaa aniga aad iiga dhaadhacsan in marka dhibaato timaado, aan tan jawaabteedu noqon karin in kaniisadda la xidho. Laakiinse, jidka Ciise waa in khilaafka lagu xalliyo, la toobadkeeno, lays cafiyo, la heshiiyo, oo la helo hadiyadda isbeddelka keenta ee Ruuxa Quduuska, isla markaasna hore loo sii socdo. Khilaafkii kaniisadda ka dhex dhacay khalad laga naxo ayuu ahaa. Sidaas oo ay tahay wuxuu khilaafkaasi keenayey fursad dahabi ah oo ah in wax laga wada barto macnaha in la noqdo bulsho ku dhisan cafis iyo dib-u-heshiisiin. Taasi marna ma dhici karto haddii ay kaniisaddu xidhanto oo aanay kulmin. Sidee ay kaniisaddu u noqon kartaa iftiinkii dib-u-heshiisiinta iyo nabadda haddii aanan kaniisadda dhexdeedaba nabadi ka jirin?

Taladaydii waa la dhegeysan kari waayey. Qaar Masiixiyiintii aan Soomaalida ahayn ah ayaa ku taliyey inay shaqadaydu ahayd Daystar oo aan macallin ka noqdo, ee aanay ahayn inaan kaniisadda faraha la soo galo. Waxay u ekayd inay kuwii ajnabiga ahaa ee lagu soo qoray inay kaniisadda la shaqeeyaan ay doonayeen inaan kiniisadda Soomaalida iyaga u daayo, oo aanan anigu markaa iyaga shaqadooda faraha la soo gelin. Waxay ahayd in aan anigu meel kale oo aan kaniisadda Soomaalida ahayn wax ku caabudo. Fikraddoodani aniga way igaga yaabisay. Sannado badan ka hor, waxaan halgan kula jirey hoggaamiyayaashii Muslimiinta ahaa ee Muqdisho si ay aniga iiga qaybgeliyaan hawlihii bulshada Muslinka dhexdeeda laga qabanayey. Haddana waxaan halgan ugu jirey in la iga qaybgeliyo hawlaha ka socda kaniisadda Soomaalida!

Masiixiyiintan ajnabiga ah waan ka hor imid, oo waxaan iyagii si naxariis leh laakiinse go’aan leh ugu idhi, "Anigu Soomaali baan ahay, oo anigu hooyaday caloosheedii inta aan dib ugu noqdo qof kale aniga oo ah mar kale kama dhalan karo! Anigu kaniisadda ayaan xubin ka ahay. Sannadihii aan Soomaaliya joogey oo dhan si firfircoon baan kaniisadda Soomaaliyeed isugu hawlay. Markii aan Soomaaliya ka soo tegey oo Nayroobi imid labaatan sanno ka hor, markaana kaniisadda si daacad ah ayaan uga shaqeeyey, taas oo ay ku jirto sidii ay Soomaaliduna kaniisad ku noqon kareen. Markaa, anigu ma aqbalayo inaad idinku awood u yeelataan inaad aniga kaniisadda Soomaaliyeed iga saartaan. Kaniisadda Masiixa ayaa iska leh, ee idinka oo kuwan ajnabiga ah ee diinta faafiyaa ma lihidin. Markaa idinku awood uma lihidin inaad dibedda ii saartaan!"

Sidii aan hore u soo sheegay, haddaannu annagu Soomaali nahay xidhiidhkayagu mid kala qaybsan buu noqon karaa. Qaar Soomaalidii ah ayaa la saftay kuwii ajnabiga ahaa oo igula taliyey inaan ka joogsado inaan Soomaalida Masiixiyiinta ah la tukado. Waxaan ka niyad xumaaday kala jajabka Soomaalida ku dhaca iyo naf jacaylka iyo isbedbeddelka badan kan oo keenay in Kulankii Soomaalidii Masiixiyiinta ahaa ee Nayroobi kala jajabo oo kala firdho.

 

Rajada Iyo Doonista Kaniisadda

Muddo khilaafkii dabadiis, walaal Masiixi ah oo reer Switzerland ah oo magaciisa Siegfried la yidhaahdo iyo aniga ayaa bilownay inaan duco isugu nimaadno maalin kasta oo Arbaco ah 6-da subaxnimo. Muddo yar kaddib dad kale ayaa nagu soo biirey. Usbuuc ka usbuuc ayaannu kaniisadda Soomaalida u duceyn jirney. Sannad gudahiis ayay walaalihii bilaabeen inay mar kale kulmaan. Kuwii kala firdhay markii kaniisadda la xidhay qaar ayaan dib dambe u soo noqon, laakiinse qaar kale ayaa soo laabtay, oo qaar baa rumaystayaal cusub keenay. Annagoo farxad iyo han cusub leh, ayaannu markhaati ka noqonnay Ruuxa Quduuska ah oo kaniisadda dib u cusboonaysiinaya.

Korodhkan kaniisadda oo ka koobnayd rumaystayaal Soomaaliyeed oo asalkoodu Muslin ahaa wuxuu ahaa riyadii aan lahayn markii aan labaatan sanno ka hor Eastleigh joogney. Hadda, labaatan sannadood kaddib, waxaa Nayroobi ka jirey kaniisad Soomaaliyeed oo koreysa. Tani waxay ahayd riyo hore oo hirgashay. Martha iyo aniga lanagama leexin karin sidii ay nooga go’nayd in aannu kulankii Soomaalidii Masiixiyiinta ahaa caawinno.

Rumaystayaashii Soomaalidu mar kale ayay bilaabeen inay isu soo uruuraan, oo markan ku kulmaan meel gurigayaga ku dhow. Laakiinse, annagoo tixgelineyna kala duwanaanshihii hay’adihii ajnabiga ahaa ee Soomaalida la shaqaynayey, ayaannu badanaa meesha kulanka lagu qabanayo bedbeddeli jirney, annagoo marba hay’ad xafiiskeed ku kulmayna. Mararka qaarkood waxay walaaluhu isugu imaan jireen annaga gurigayaga. Waxaa farxad ahayd inaannu aragno carruur ka soo qaybgelaysa kulamada; xooggooda oo dhan bay iyagu ku heesi jireen, iyagoo badanaa sacabinaya ama miiska durbaan ka dhiganaya, oo boodboodaya iyagoo tusaya farxaddooda ku aaddan hadiyadda badbaadada ee Ciise.

 

Mucaaradkii Ka Yimid Islaamiyiinta

Ka hawlgeliddii kaniisaddii Soomaalidu khatarteeday lahayd. Islaamiyiintu si fiican bay aniga ii yaqaaneen, oo qaar iyaga ka mid ah ayaa iigu hanjabey inay aniga dhibaato ii geysan doonaan. Labaatan sanno ka hor, markii aan anigu Eastleigh ku noolaa, xaafaddan oo ah mid ay Soomaalidu ku badan yihiin, annagu waxaannu degganeyn meel ka soo horjeeda masjid ay Suufiyiin lahaayeen oo ku yaalley Jidka Siddeedaad (Eighth Street), oo dhowr jeer ayaannu wada cuntaynay hoggaankii Muslimiinta ee meeshaas. Beryahaasi hadda xasuus fiican uun bay ahaayeen. Qaskii Soomaaliya ka dhacay dhexdiisa iyo awooddii dawladnimo oo meesha ka baxday daraaddood, Soomaaliya waxaa ku xiddideysanayey Islaamiyiinta jihaadka xoogga saara, oo Islaamiyiintan dagaalka jeceli Eastleigh lafteedana way soo dhexgaleen.

Asxaabtaydii waxay ii sheegeen in dhowr jeer wacdiska masaajidadu ku saabsanaa aniga oo la igu eedaynayo inaan Muslimiinta ku dhiirrigelinayey inay Masiixiyoobaan. Oo waxaa jirtey in lagu dhaartay in aniga la i waxyeeleeyo, tan oo xataa idaacadda Raadiyo Muqdisho laga sii daayey. Sidaa daraaddeed tegitaankayga Eastleigh aad buu u yaraa. In kasta oo ay inta badan ee xubnaha kulankii Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee korayey ay Eastleigh ka imaanayeen, badanaa waxaannu annagu ku kulmi jirney xaafado kale oo magaalada ah.

Laakiinse, anigu Eastleigh waan tegi jirey marka aan dareemo in joogitaankayga meeshaasi nabadaynta wax ku soo kordhin karey. Hawlaha noocaas oo kale ahi waxay muhiim u ahaayeen shaqadaydii ahayd inaan buundooyin la isaga gudbo dhiso intii aan gidaaro dhisi lahaa. Waxaa aniga iga go’nayd inaanan marna baqdinta u oggolaan inay iyadu go’aamiso wixii aan anigu qaban lahaa. Waxaan ogaa inuu Rabbigu i soo kiciyey anigoo dhimasho ku dhow, tiraba ilaa laba jeer—mar ay kaneecada ugu xun igu dhacday markaan Buulo Burte ku noolaa iyo markii jeermiska "necrotizing fasciitis" igu dhacay anoo Milwaukee jooga. Noloshayda Masiixa ayaa iska lahaa. Anigu waxba kama cabsaneyn waayo isaga daryeelkiisa ayaan ku jirey.

Haddii yeedhitaankaygii ahaa inaan anigu noqdo safiirka injiilka dib-u-heshiisiinta, uu markaa dhimasho ii keenayey, anigu yeedhitaankaas diyaar baan u ahaa Masiixa daraaddiis. Anigu marna wax ma dilayo, waayo aniga waxaa maskaxdayda iyo qalbigayga ka buuxey silicii furashada jacaylka ah keenay ee lagu tusay isaga iskutallaabtiisii. Islaamiyiinta jihaadka ku dhaqmaa waxay madaxa ku xidhaan kafan cad si ay u tusaan inay iyagu diyaar u ahaayeen inay waxay aamminsan yihiin u dhintaan. Aniga dhinacayga, kafantaa cadi waxay calaamad u tahay dhimashadii aan Masiixa ku dhintay. Kafantaydu waa iskutallaabtii Masiixa. Anigu diyaar baan u ahaa inaan Ciise u dhinto, waayo waan ogaa in marka aan isaga isla xidhiidhiyo, aan anigu dhimashada ka soo sara kici doono isla sidii uu isagu sameeyey, oo aan isaga boqortooyadiisa ugaga adeegi doono weligeyba. Markaa dhimashadu aniga cabsi iima keeni karin. Anigu waan taxaddarayey, oo waan la socdey waxa hareerahayga ka dhacayey, laakiinse aniga baqdini ima xukumi jirin, tan oo ay keentay dhaarihii Eastleigh ama Muqdisho iiga imaanayey.

Dhammaan eedaymihii iga soo horjeedey aniga shakhsi ahaan iyo adeegiyadii aan ku hawlanaa kuligood saamayn xun may keenin. Hal mar ayaa Raadiyaha Muqdisho laba saacadood aniga uun iga hadlayey. Run ahaantiina, tani waxay keentay inay dadka qaarkood u qaataan inaan anigu nin muhiim ah ahay. Intaa waxaa sii dheer, kuwii raadiyaha ka hadlayey ayaa si faahfaahsan u qeexay adeegiyadii aan anigu hayey, sida inaan anigu maado nabadaynta ku saabsan ka dhigayay jaamacad muhiim ah oo Nayroobi ku taalla. Waxay kaloo iyagu sheegeen sidii aannu annagu ugu hawlanayn kaniisadda iyo sidii ay Soomaalidu u noqonayeen Masiixiyiin. Soomaalidii waxaa kaga yaabisay in qof sidaa caan u ah, oo ka dhashay reer Soomaaliya magac ku lihi, uu markaa sidaa firfircoon ugu hawlanaa kaniisadda. Sidaa daraadeed, ta yaabka lihi waxay noqotay, in warbixintani keento in dadkii xiise dheeraad ah u yeeshaan injiilka iyo kaniisadda.

 

Caqabadihii La Soo Gudboonaadey Midnimadii Kaniisadda

Haddaannu Soomaali nahay waxaannu nahay dad qof walba tiisa uun daneeyo. Dabeecaddan madaxa bannaan ayaa mar kasta kaniisadda Nayroobina saamayn ku lahayd. Mararka qaarkood waxaa jiri karey kulan ballaadhan; mararka kalena waxaannu u kala jajabi jirney dhowr kulan oo yaryar. Mararka qaarkood aniga ayaa hoggaamiye la ii aqoonsan jirey, mararka qaarkoodna la iima aqoonsan jirin. Caqabado badan ayaa annaga nagala soo gudboonaadey sidii aannu annagu Masiixa ugu midoobi lahayn.

Laakiinse, dhacdo wanaagsan oo nolosheennii kaniisadeed ahi waxay ahayd shirarkii aannu isugu imaan jirney sannadkiiba hal mar, markaas oo Masiixiyiintu oo dhammi isugu imaan jireen si ay Ilaah isula caabudaan oo wax u bartaan. Shirarka noocan oo kale ah waxaa lagu qaban jirey meelo Nayroobi dibedooda ah. Dadka halkaa isugu tegi jirey badankoodu wuxuu ahaan jirey Soomaali, Soomaali Keenyaati ah, iyo Soomaali qaxooti ah. Kuwa qaxootiga ahi waxay mar kasta ka welweli jireen inuu booliisku iyaga qabqabto, oo waxyeelo u geysto, oo la xidho, ama in iyaga waddanka laga saaro. Kulammada noocan ahi waxay ahaayeen afar maalmood oo lagu nasan jirey wada joogid, waxbarasho, Ilaah oo la wada caabudo, iyo in wakhti fiican oo kale la isla qaato. Barashooyinkii Erayga Ilaahay iyo waxbarashooyinkii kale ayaa cunto ruuxiyan ah na siin jirey. Xusuusaheennii kulamadan oo kale ayaa annaga na sii dhiirrigelin jirrey oo noo keeni jirrey inaannu nafaheenna imtixaanno.

 

La Legdankii Hay’adaha Qaarkood

Khilaafkii ka dhacay barnaamijkii tababbarka xerta iyo kaniisadda ee aan cutubkan bilowgiisii ku soo hadal qaadnay kuma koobnayn oo keliya sida aan haddaan Soomaali nahay xidhiidhkayaga kooxeed u adkayn lahayn; laakiinse kan waxaa kaloo saamayn ku lahaa dhowr hay’adood oo Masiixiyiin ah oo ka dhex shaqaynayey Soomaalida Kiinya joogta. Kan oo dib ugu noqonaya gudaha Soomaaliya laftiisa, sannadihii 1950-kii iyo 60-dameeyadii, halkaas oo ay joogeen Somalia Mennonite Mission iyo Sudan Interior Mission labaduba. Labadan hay’ad Masiixi waxay lahaayeen xidhiidh wanaagsan, laakiinse lagama maarmaan bay ahayd inay soo baxaan laba kooxood oo Soomaali Masiixiyiin ahi, kuwaas oo taageero u kala haya labadan hay’adood. Nayroobi dhexdeedana labadan hay’adood waxay sii wadeen inay la sii xidhiidhaan Soomaalidii Masiixiyiinta ahayd. Iyagu midnimo ayay dhiirrigelin jireen, sidaas oo ay tahay midnimadaasi mar kasta ma jirin. Qaar ah kuwa hay’adahan u shaqeeya ayaa si gaar ah xoogga u saari jirey arrimaha nabadda iyo caddaalada, halka kuwo kale ay aad isugu hawli jireen sidii Soomaalida diinta Masiixiyadda loogu faafin lahaa. Anigu waxaan aamminsanahay inay labadan hawlood yihiin kuwo is kaamilaya, oo xaqiiqdiina kaniisadda Soomaaliyeed waxay rumaysnayd isku wadida nabadaynta iyo faafinta diinta.

Laakiinse xidhiidhkii hay’adaha Kiinya joogey ka dhexeeyey mid dhinacyo badan leh buu ahaa. Waxaa kaloo meesha soo galay hay’ado iyo kaniisado aan xusuus taariikhiyan ah u lahayn SIM iyo SMM ama MCC iyo EMM. Dhowr kooxood oo kaniisadahan dhowaan soo galay ku xidhan ayay u muuqatey inay lahaayeen hab dhaqan ah inay siday doonaan yeelaan oo wax kala qaybiyaan. Kuwan qaarkood Kiinya way ku cusbaayeen, oo waxay kaniisadda Soomaalida u arkeen bulsho u qalanta inay si khaas ah isugu mashquuliyaan. Mararka qaarkood waannu murugoon jirney marka aannu aragno sida ay hay’adaha iyo kooxahan gaarka ah qaarkood Masiixiyiinta dhinacyo kala duduwan ugu kala jiidayaan. Dhowr kooxahan ka mid ah ayaa annaga noo yimid iyagoo doonaya inay caawimaadooda noo fidayaan. Caawimaadda aan heli karno oo dhan waannu soo dhoweyn jirney. Laakiinse, arrintii ku xigtey ee aan ogaanney waxay ahayd inay kuwan qaarkood isku deyayeen inay awooddayada wiiqaan.

Tusaale ahaan, hoggaankii Soomaalida iyo Masiixiyiintii ajnabiga ahaa ee ay iyagu aamminaada ku qabeen, si tartiib ah ayay baabtiisanka u diyaarin jireen. Tan mid ka duwan, oo gaar ahaan dhacdo laga naxo ahi waxay ahayd markii mid ka mid kooxahan markaa uun yimid ay go’aansadeen inay Masiixiyiinta Soomaaliyeed oo dhan isku mar wada baabtiisaan. Iyagu way degdegayeen. Iyagoo aan cidna la tashan oo marna annaga na wargelin, ayay iyagu si qarsoodi ah rumaystayaashii ku baabtiiseen. Annaga lanama martiqaadin, oo qorshahoodana waxba kamaannu ogeyn. Kuwa la baabtiisay oo dhan, oo dumar u badnaa, waxaa loo sheegay inay khamiisyo khafiif ah oo cadcad oo lagu baabtiiso gashadaan. Markii ay iyagu biyihii dhexgaleen, khamiisyadii ayaa jidhkoodii ku dhegey. Dhacdadan oo ahayd inay mid farxad weyn leh noqoto ayaa isu beddeshey mid ceeb keenta. Dumarkii waxay mar dambe sheegeen in iyagu aad u ceeboobeen ilaa ka gaadheen inay biyahii lagu baabtiisayey ku dhex kaajaan. Markii Eastleigh dib loogu noqday dhacdadan ceebta miidhan ah ee iyaga ku dhacday ayaa Muslimiintii deriskooda ahaydna gaadhey.

Inkastoo aannu ka welweli jirney Islaamiyiinta xagjirka ah sannadihii aannu annagu Nayroobi joogney, mid ka mid ah caqabidihii ugu waaweynaa ee nala soo gudboonaadaa waxay ahayd sidii aannu ula dhaqmi lahayn qaar ka mid ah kooxahan Masiixiyiinta ah ee Kiinya u yimid inay annaga na "caawiyaan."

 

Dhiirrigelintii Kaniisadda

Anigu waxaan doonayaa inaan carrabka ku adkeeyo inay tiro shakhsiyaad iyo hay’ado ahi u hawlgeli jireen si ammaan mudan. Kuwani waxay ahaayeen dhiirrigeliyeyaal dhab ah, oo kuwan la’aantood annagu marna hore umaannu sii wadi kari karneen shaqooyinkii kala duduwanaa ee kaniisadda muhiimka u ahaa. Waxaa kuwan ku jirey kuwii annaga nala qaybsan jirey xirfadahoodii iyo aqoontoodii ahaa dhinaca baayacmushtarka yar yar, shaqada harqaanlaha ah, tolidda dharka, waxbarashada dadka waaweyn, adeegga carruurta iyo kuwii wax ka qaban jirey arrimaha qaxootiga.

Kooxdii dumarka ee dharka tolayay, casharradii wax qorida iyo wax akhriska, iyo tababbarradii kale waxay ahaayeen siyaalo kala duduwan oo dumarka iyo ragga lagaga caawinayey inay xirfadahooda sii ballaadhiyaan, oo rumaysigooda si ficil ahaan ah u muujiyaan intii ay iyagu wada shaqaynayeen. Dhar toliddu waxay kaloo suurtaggal ka dhigtay inay dumarkii kabaan lacagtii yarayd ee iyaga soo geli jirtey si ay u helaan cunto maalmeedkooda iyo hoy. Tallaabadii koowaad, hal hay’ad, oo magaceeda la yidhaahdo Amani ya Juu (Nabad Xagga Sare Ka Timid), ayaa dumarka u sameeyey siyaalo ay ku shaqaystaan. Hawshu waxay ahayd mid socota oo dhowr dumar ah ayaa baayacmushtar yar yar bilaabay, iyagoo badeecadahoodii iib geynaya. Shaqaalihii hay’adii Mennonite-ka ee kala ahaa Jerry iyo Ann King-Grosh ayaa si weyn nooga caawiyey markii ay annaga nagu soo biireen si ay u xannaaneeyaan koritaankii ruuxiyanka ahaa ee Soomaalida. Marka aannu shirarka magaalada dibeddeeda ku yeelanno ayay iyagu Baybalku wax naga bari jireen, oo Ann iyaduna shaqo weyn bay ku qabatey iyadoo baraysa sida uu Baybalku u arko guurka.

Shan qof buu qoyskayagu ka koobnaa markii aannu annagu Kiinya tagnay. Afrax shan jir buu ahaa, Safiyana saddex jir, Geeddina lix bilood buu jirey. Intii aannu ku jirney sannadihii hore ee shaqadeenna, caadi bay iska ahayd inay jireen dad annaga ku dhowaad si joogto ah noola noolaa. Waxaa jirtey mar ay saddex iyo toban ku noolaayeen gurigayagii yaraa. Raashin kasta oo la kariyo marti baa nala cuni jirtey. Kuwo badan oo martidayadan ahi qaxooti bay ahaayeen, kuwan oo ka imaanayey, oo ka baxayey gurigayagii, oo wajahayey caqabadihii adadkaa iyo cabsiyahii jirey. Baahi ayaa annaga noo geysey inaannu mar kasta qof guriga nooga shaqeeya yeelanno. Intii karaankayga ah ayaan anigu isku deyi jirey inaan Martha caawiyo, laakiinse culayska soo dhoweynta badankiisu iyada ayuu ku dhici jirey. Labadayaduba mashquul ayaannu ahayn. Martha wakhtiga badhkii (part time) ayay Jaamacaddii Daystar macallimad ka ahayd, iyadoo haddana qaadaysa culayska soo dhoweynta ee qaxootigii. Waxay kaloo hoggaamin jirtey casharro barashada Baybalka ah oo haweenka Soomaalidu lahaayeen. Intaa waxaa sii dheer, iyadoo ahayd xaas iyo hooyo saddex carruur oo koraya aadna u firfircoon. Intii karaankayga ah ayaan isku deyey inaan iyada caawiyo.

Annaga waxaa naga go’nayd inaannu quudino dhammaan kuwii gaajaysnaa ee gurigayaga imaanayey. Taasi culays weyn oo xagga kharashka ah bay keeneysey. Mushaharkii ay hay’adaannu u shaqeyney na siineysey kuma fileyn baahiyihii nala soo gudboonaayey. Hal tusaale oo ah waxyaalaha lacagta badani ku bixi jirtey wuxuu ahaa sonkorta. Waxaannu u baahnayn 100 kiilo oo sonkor ah bishiiba si aannu shaah ugu karino kuwa xaafadayada soo mara oo keliya! Tan kumay jirin bariiskii ay baahnaayeen kuwa caadi ahaan annaga noola joogey ama kuwii booqashada u imaan jirey. Hay’adaha MCC iyo EMM midkoodna ma dooneyn inay dhiirrigeliyaan inay qaxootiga Soomaalidu gacan qof kale uun ku noolaadaan. Hay’adahani waxay ka cabsanayeen inay qaxootigu kaniisadda ugu soo biiraan si ay cunto u helaan intii ay rumaysi dhaba la imaan lahaayeen. Markaa, dhowrkii sanno ee ugu horreeyey ee wakhtigii aan annagu Nayroobi joogney hay’adahan annaga na kafaala-qaadayey may oggolayn inay arrintan caawimaad ka geystaan. Laakiinse, sannadkii 2004 ayaa koox Kaniisaddii Eastbrook ka socotaa annaga na soo booqdeen. Tani waxay calaamad u ahayd inuusan Rabbigu illaawin annaga iyo kuwii gaajaysnaa ee ka tirsanaa kuwii aannu u adeegeyney. Markaa kaddib caawimaad baannu helay. Mar dambena EMM iyo MCC ayaa iyaguna bilaabay inay dadkii aannu martiqaadayney ee baahnaa caawimaad u fidiyaan. Aad baannu tan mahadcelin uga hayney.

Inta badan kuwii MCC iyo EMM nagala shaqayn jirey intii karaankooda ayay na dhiirrigelin jireen oo na taageeri jireen. Laakiinse, hay’adaha iyo shakhsiyaadka qaarkood ayaa hawshan aan hayno dan ka lahayn ama ka soo horjeedey. Qof mar na soo booqday ayaan haba yaraatee wax naxariis ah u hayn xaaladdii aan ku jirney iyo qaxootigii nala joogeyba, kan oo qaxootiga hortooda aniga igu eedeeyey inaanan Martha u naxayn maadaama ay iyadu hawshaa oo dhan qabaneysey. Kuwo kale ayaa dareemayey in kaniisaddayadii, taas oo inteeda badani qaxooti ka koobnayd, ay lacag isticmaaleysey si ay Muslinka ugu soo jiiddo inay Masiixiyoobaan. Anigu dacwooyinka noocan oo kale ah waan ka qalbi xumaaday.

Si buuxda ayaan Jaamacaddii Daystar macallin uga ahaa. Intii muddo ah gaadhi weyn oo bas ah ayaan jaamacadda u raaci jirey; laakiinse sii socod iyo soo socod maalintiiba saddex saac buu qaadan jirey. Xataa markii aannu baabuurka yeelanay kaddib, cidhiidhiga baabuurta ayaa aad u darnaa, oo socdaalkaasi weli laba saac buu qaadanayey. Anigoo aad u daallan ayaan gabbaldhicii guriga soo gaadhi jirey, sidaas oo ay tahay waxaan isku deyi jirey inaan la kulmo dad deyrka shaah ku cabaya, oo sugaya inay aniga ila hadlaan, oo inaan iyaga la taliyo doonayaan. Anigu waxaan isku deyi jirey inaan kuwo badan oo gurigayaga imaan jirey kala taliyo dhibaatooyinkii iyo cabsiyihii ay iyagu qabeen. Mararka qaarkood kuwani way nala cashayn jireen, oo sheekadu ilaa fiidka dambe ayay sii socon jirtey. Marka ay tagaan, waxaan u baahnaa inaan casharkii berrito diyaariyo, iyo inaan imtixaanaadkii iyo qoraalladii ardayda aan hore u qaaday saxo.

Maalmaha nasashada ee Sabtida iyo Axadda waxaa buuxin jirey hawlo kaniisadda la xidhiidha. Muddo dheer ayay kaniisaddu gurigayaga usbuuc kasta ku kulmi jirtey. Dadku goor hore, intaan caabudaaddu bilaabin ayay gurigayaga imaan jireen, oo inta badan waxaannu marka dambe iyaga u diyaarin jirney qado khafiif ah oo ka kooban ama bariis, ama baasto ama chapatti (kimis), iyo sukuma wiki (khudaar caleen ah). Sabtida saddexaad ee bisha wakhti dheer ayaannu dhammaantayo isla qaadan jirney oo Ilaah wada caabudi jirney oo isla ducaysan jirney, kaddibna wada cunteyn jirney (siday Masiixiyiintii hore yeeli jireen oo ku qoran Falimaha Rasuullada 2:42) Dhowr Masiixiyiintan ah ayaa caawimaad ka geysan jirey inay cuntada diyaariyaan, laakiinse isku dubbarridka oo dhan Martha ayuu madaxa ka saarnaa.

 

Qoyskeygii Oo Ilaah U Adeegaya

Markaannu annagu 1994 Nayroobi nimid, Afrax, oo wiilkeyga ugu weyn ah, waxaa lagu daray iskuulkii la odhan jirey Rosslyn Academy, oo ahaa iskuul Masiixi ah oo caalami ah. Markii ay Safiya iyo Geeddi yara koreen, iyagana halkaas ayaa lagu daray, inkasta oo ay carruurnimadoodii iskuulka carruurta ee Kiinyaatiga soo dhigteen. Rosslyn iskuul fiican buu ahaa, kan oo ay EMM bilowday sannadihii 1960-kii dhexdooda, markii dambena laba hay’adood oo kale ayaa ku soo kordhay. Martha ayaa ka mid noqotay guddigii iskuulka sannadihii badnaa ee ay carruurtayadu halkaas dhigan jireen daraadood. Annaga iyo carruurtayaduba waannu ka heli jirney iskuulkan ardayda isku dhafani dhigtaan, iyo bulshadii Masiixiyiinta ahayd ee Rosslyn ka shaqayn jirtey, oo waxaa annaga na raalligeliyey waxbarashadii heerka sare ahayd ee Rosslyn bixin jirtey. Carruurtayadu aad bay uga qaybqaadan jireen iskuulka, laakiinse sidoo kale caawimaadooda bay diyaar la ahaayeen mar kasta oo aannu isu dubarrideyno inay kaniisaddii Soomaalidu maalmo muxaadaro iyo nasasho ah magaalada dibeddeeda ugu baxdo. Mararkan oo kale, carruurtayadu iyagoo yaryar ayay haddana ka heleen inay caawiyaan kuwii u adeegayey carruurta kale ee halkaa timaada.

Mararka qaarkood ayaannu qoys ahaan fasax u bixi jirney. Waxaan ka shallaayaa dhowr jeer oo aan dareemay inaanan hawlahii ii yaalley ka tegi karin, oo sidaa daraadeed aniga oo aan la socon Martha iyo carruurta keligood fasax u diray. Sidaas oo ay tahay, si mahadnaq ka buuxo ayaannu annagu u xasuusanaa marar ay iyadoo ay kuwa nala shaqaynayey nagu dhiirrigelinayaan, aannu qoys ahaan fasax qaadannay. Sharciga hay’addayadu wuxuu ahaa in saddexdii sanno gudahoodba nala siiyo fursad aannu laba bilood dalka Maraykanka dib ugu noqonno. Oo toddobadii sanno mar ayaa annaga nala siin jirey sannad fasax waxbarasho (sabbatical), xidhiidh dhisid, iyo wakhti aan xidhiidhka dhexdayada ku cusboonaysiino oo ku adkayno. Wakhtiyadan aan Maraykanka fasaxa u tegi jirney, waxaannu booqan jirney qaraabadayada iyo asxaabtayada, oo hawlahayaga ayaannu dadka kale wargelin ka siin jirney, oo xidhiidho cusub baannu dhisan jirney oo xooggeyn jirney, oo waxaannu dooni jirney inaannu sii korino awooddii aannu annagu u lahayn inaannu jacaylka Masiixa dadka kale la qaybsanno.

 

Ku Faraxsanaantii Macallinnimadaydii Iyo Hawlahaygii Nabadaynta

Anigu waan jeclaa macallinnimada, gaar ahaan maadaama ay qaar ardaydayda ahi ka yimaadeen waddamo uu dagaal aafeeyey sida Burundi, Suudaan, iyo Ruwaanda. Jaamacaddii Daystar ayaa aniga igu aammintay inaan koorso nabadaynta ku saabsan ah diyaariyo, oo maaddooyinkeediina si fiican baa loo soo dhoweeyey. Maaddooyinkaygii dib-u-heshiisiintu waxay aad ugu habboonaayeen dhibaatooyinkii dhabta ahaa ee nolosha ardayda Afrikaanka soo wajahayey. Cutubkii shanaad ayaan ku soo qeexay qaar ka mid ah mawduucyada nabadaynta ee dhaqanka Soomaalida ee diinta Islaamka ka horreeyey. Mawduucyo noocan oo kale ah ayaa laga heli karaa dhammaan bulshooyinka Afrikaanka ah ee dhaqammadooda. Koorsooyinkaygii Daystar, si faahfaahsan ayaan mawduucyadan u sii ballaadhiyey, tan oo ardaydaydii aad uga heleen. Sidoo kale anigu ardaydaydii ayaan kala shaqayn intii ay iyagu Ciise Masiix sii baranayeen iyo hab nabadeedka khaaska ah ee uu Isagu keeno. Waxaannu wada baadhnay siyaalihii kala duduwanaa dhaqammadu dib-u-heshiisiinta u samayn jireen, kuwan oo ahaa calaamado dadka u diyaarinaya inay aqbalaan nabadda kaamilka ah ee uu Ciise Masiix ku bixiyey noloshiisii, dhimashadiisii, iyo sarakiciddiisii. Koorsooyinkaygii, waxaan kaloo ku baray muhiimmadda ay iskutallaabtu u leedahay nabadaynta heshiiska dhabta ah keenta.

Sannadahaygii Kiinya waxaan sii waday inaan ku sii hawlanaado geedi-socodka nabadda ee Soomaaliya dhexdeeda ka socdey. Sannad iyo wax yar, ayaa odayaal qabiillada Soomaaliyeed ka socdaa Nayroobi ku kulmayeen, kulammadan oo uu sii qorsheeyey ninka la yidhaahdo Betheul Kiplagat, kan oo ah nin Masiixinimada ku adag oo si caalami ah u shaqeeya. Kuwani Kiinya dhexdeeda ayay ku kulmi jireen si ay u joogaan meel nabad ah oo ka fog buuqii badnaa ee Soomaaliya ka jirey.

Intii sannado ah ayaa hoggaamiyayaashan qabaa’ilka ee geedi socodka nabadda ka qaybgelayaa ay galab kasta oo Arbaco ah gurigeyga isugu imaanayeen, si ay uga wada tashadaan tallaabooyinkii hore loogu socon lahaa ee ay iyagu qaadi kareen. Dhaqankayaga ayaannu annagu gaar ahaan caawimaad weyn ka helnay intii aannu fursadaha raadinayney, gaar ahaan wuxuu kani naga caawiyey booska odayaasha uga bannaan sidii dadka loo nabadayn lahaa, tan oo noqota mid midho dhalisa. Si kooban oo waxtar leh ayay wada tashiyadani wax fiican ugu soo kordhiyeen shirkii nabadda ee Nayroobi ka dhacayay.

 

Si Firfircoon Baan Arrimaha Diinta U Dhexgalay

Dhinac kale, imaamo Muslimiin ah ayaa mararka qaarkood gurigayaga imaan jirey si aannu si qoto dheer arrimaha diinta uga sheekaysano. Sheekooyinkan oo ka dhici jirey geedkii gurigayagii Nayroobi daaradiisa ku yaallay muhiim bay u ahaayeen sidii ay caawimaad uga geysan lahaayeen inay meesha ka saaaraan waxyaalaha khaladka ah diinta Masiixiyada laga qabo, iyo ogaansha ah in akhbaarka wanaagsan ee Masiixu nagu martiqaadayey inaannu Ilaahay iyo annaga dhexdeennaba heshiis la yeelanno.

Kulanada noocan oo kale ah ee ka dhex dhaca Muslimiinta iyo Masiixiyiintu waxay badanaa ku saabsanaan jireen afar su’aalood oo Muslimiintu weydiiyaan. (1) Idinku maxaad ula jeedaan markaad tidhaahdaan "Ciise waa Wiilkii Ilaahay?" (2) Maxaad ka wadaan Saddex-midnimada Ilaahay (Trinity)? (3) Sidee bay ku dhici kartaa in Masiixa iskutallaabta lagu qodbo? (4) Baybalka miyaa la beddeley ama la kharribay? Buug kale ayaan anigu ka qori karaa sheekooyinka na dhex mari jirey annaga iyo wadaadadan Muslimiinta ah iyo xataa qaar kale oo aan tababbar diin lahayn. Halkan waxaan keliyoo si kooban u dulmarayaa sidii aan anigu afartan su’aalood u wajihi jirey:

1) Annagu ma aamminsanin inuu Ilaahay leeyahay xaas taas oo isaga wiil u dhashay. Taasi waxay la mid tahay ilaahyo badan oo la caabudo, oo waxay si xun uga soo horjeeddaa injiilka. Laakiinse, "Wiilka Ilaahay" waa magac uu Ilaahay laftiisu Ciise Masiix u bixiyey, waana tan ta ay tahay inaannu fiiro gaar ah siinnaa. Oo Ilaahay muxuu magacan ka wadaa? Quraanka ayaa albaabka inoo furaya si aan u bilowno inaan fahanno qarsoodiga la xidhiidha ka uu Ciise Masiix yahay, waayo, Quraanku wuxuu sheegayaa inuu isagu yahay Eraygii Ilaahay (Kalimatullaah)1 Muslimiinta iyo Masiixiyiinta labaduba waxay rumaysan yihiin inuu Ilaahay adduunka Eraygiisa ku abuuray oo ku maamulo. Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray waxaynu ka akhrinaa inuu Ciise Masiix yahay Eraygii oo binii’aadan noqday oo innaga inagu dhex noolaaday (Injiilka Sida Yooxanaa u Qoray 1:14). Masiixa, Erayga, ayaa adduunka yimid isagoo ka dhashay bikradii Maryan. Waxay ila tahay inay mid muhiim ah tahay inay Muslimiintu Ciise ugu yeedhaan Wiilkii Maryan ama Ina Maryan; iyada ayaa ahayd midiidinkii Ilaahay ee uu isagu u doortay inay noqoto tii uu Erayga nooli adduunka u soo mari lahaa ama ku imaan lahaa.

Ilaahay iyo Eraygiisa lama kala saari karo, waayo Ilaahay iyo Eraygiisu waa mid. Sidaa daraadeed, Eraygu waa muujintii Ilaahay oo dhab ah. Marka aynu innagu Ciise Masiix la kulanno, waxaynu la kulmaynaa ka ah kaamilaaddii muujintii Ilaahay. Markaa, "Wiilka Ilaahay" waa hal si oo loo sheegayo inuu Masiixu yahay Erayga Ilaahay nool ee nolosha bixiya.

2) Ilaahay Saddex-midnimadiisu (Trinity) macnaheedu maaha in laga wado ilaah abuure ah, ilaah hooyo ah iyo ilaah wiil ah, sida ay qaar moodaan. Muslimiintu waxay rumaysan yihiin inuu Ciise Ruuxii Ilaahay (Ciise Ruuxullaah) iyo Eraygii Ilaahay (Ciise Kalimatullaah)² labadaba yahay. Fahankaasi wuxuu noqon karaa tallaabo horay loo qaaday oo ah in la fahmo qarsoodiga ah Ilaahay oo Saddex-midnimo ah. Masiixiyiintu waxay rumaysan yihiin Ilaaha ah Abuuraha wax kasta. Ilaaha Abuuraha ahi aad buu innaga inoo jecel yahay, oo wuxuu innaga inoo raadiyaa sidii adhijire idihiisii ka lumay doondoonaya. Ciise Masiix dhexdiisa, ayuu Ilaahay taariikhda adduunka ku soo galay isagoo ah Badbaadiye, kaas oo raadinaya oo dembiileyaasha ka samatabbixinaya dembi-badnaantooda iyo dhimashada. Intaa waxaa sii dheer, Ruuxa Quduuska ah ayuu Ilaahay inagu xoogeeyaa si aan ugu noolaanno nolol xaqnimo leh, iyo si aynu Ilaah ula lahaanno xidhiidh jacayl oo barakaysan. Ilaahay iyo Eraygiisu waa mid. Sidaas oo kale, Ilaahay iyo Ruuxiisu waa mid. Sababtaas daraadeed, Masiixiyiintu markay qirtaan Ilaahay oo Aabbaha ah iyo Ilaahay oo Wiilka ah iyo Ilaahay oo Ruuxa Quduuska ah waxay qiranayaan midnimada Ilaahay isagoo ah Badbaadiyaheennii jacaylku ka buuxey, sidoo kale Ilaaha innaga inoogu dhex jira Ruuxiisa Quduuska ah.

3) Muslimiintu inta badan way dafiraan in Ciise Masiix iskutallaabtii lagu qodbay oo u dhintay, waayo waxay iyagu rumaysan yihiin in Ciise loogu subkay awoodda Ilaahay, oo aan markaa awoodda Ilaahay laga adkaan karin. Laakiinse, Masiixiyiinta dhinacooda, Ciise lama iskutallaabin oo keliya, laakiinse sidoo kale isagu dhimashadii buu ka sarakacay. Markaa iyagu waxay la oggol yihiin in aanay dhimashadu Masiixa ka adkaan karin; Ilaahay ayaa isaga dhimashadii ka sarakiciyey! Sidii aan anigu buuggan hore ugu soo sheegay, waxaa Islaamka dhexdiisa iyo diimaha dhaqanka ee Afrikaanka ku jira calaamado tilmaamaya iskutallaabidii Ciise. Calaamadahan waxaa ka mid ah xoolaha allabbari ahaanta loo qalo iyo qeexidda Quraaniga ah ee allabbarigii wanka ahaa "ee aadka u weynaa" ee galay booskii wiilkii Ibraahim ee la qali lahaa.3 Allabbariyadani waxay wada tilmaamayaan Ciise, kan oo ah wankii Ilaahay ee dunuubtii dunida qaaday! Intii uu Ciise isagoo gacmihiisu fidsan yihiin iskutallaabta ku dhimanayey, isagu wuxuu ku dhawaaqay cafis. Gacmihiisii furnaa ee iskutallaabta dusheedu waa martiqaadka uu Ilaahay innaga inoogu fidinayo saamaxaadiisa iyo inaynu isaga la heshiinno.

4) Muslimiintu waxay rumaysan yihiin in awood oo dhammi Ilaahay u sugnaatay, oo uusan isagu marna oggolaan doonin waxyigiisa la kharribo. Sababtan daraadeed ayaa Quraanka iyo Maxamedba si aad u sarraysa Baybalka u tixgeliyaan, oo aanay u barin Baybalka la kharribey. Xaqiiqdu waxay tahay, iyadoo loo jeedo diimihii iyo nebiyadii Maxamed ka horreeyey, Quraanku wuxuu sheegayaa inaan qofna beddeli karin Erayga Ilaahay. Hubaal weeye in tan Baybalka loola jeedo.4

Waxaa jira kumanyaal ah qoraalo hore oo Baybalka ah oo qadiimi ah oo la qoray Maxamed hortiis, kuwaas oo tusaya in af-Cibraanigii Axdigii Hore lagu qoray iyo af-Giriiggii Axdiga Cusub lagu qoray kuwaas oo aan maanta haysano ay yihiin kuwo si la aamminayo loo soo gudbiyey isla sidii luuqadihii hore loogu qoray.Waxaan si isku kalsoonaan leh u odhan karnaa in Ilaahay iyo dadka Ilaahay ay si daacad ah Eraygiisa u dhowreen oo u xejiyeen. Baybalku wuxuu muujinayaa Ilaahay iyo Eraygiisa binii’aadanka ku socda; waa Baybalka dhexdiisa halka aan Ciise kula kulanaa kaas oo ah Erayga Ilaahay ee nool oo qaab binii’aadan yeeshay.

Kuwani waa jawaabahaygii afarta su’aalood ee muhiimka ah ee Muslimiintu badanaa Masiixiyiinta weydiiyaan. Jawaabahaygu waxay tusayaan sidii aan anigu uga jawaab celiyey su’aalaha noocan oo kale ah, intii aan anigu hoggaamiyayaashii iyo culimmadii Muslimiinta kula kulmayey Nayroobi dhexdeeda iyo meelaha kaleba. Hadday suurtaggal tahay, waxaan ku bilaabi jirey kitaabka Muslimiinta, laakiinse kaddibna waxaan iyaga tusi jirey muujinta Baybalka ku jirta iyo Masiixa uu Baybalku inna barayo. Kitaabka Falimaha Rasuullada, waxaynu ku aragnaa rasuul Bawlos oo isla sidan samaynaya markii uu isagu filasoofiyiintii Giriigga ahaa kula kulmay Buurta Mars (Are’obagos) ee magaalada Ateenay ku taal; isagu wuxuu soo xigtey gabayyahanadoodii (Falimaha Rasuullada 17:22-31). Isla tabtan bay ahayd tii aannu annagu isticmaallay soddon sanno ka hor markii aannu diyaarineyney koorsada barashada Baybalka ah ee Muslimiinta loogu talaggalay, ee Dadkii Ilaahay (The People of God) la yidhaahdo. Tani waxay buundo ama waddo oo kale u tahay kuwa injiilka ka fekeraya oo danaynaya.

Kulammadii Nayroobi ee koox yar oo aqoonyahano Muslimiin ah ayaa muhiimad weyn u lahaa in is aamminaad la dhisto. Dabcan, soo dhoweynta ayaa furaha ahayd, oo Martha ayaa soo dhoweynta, diyaarinta cuntada, iyo weji furnaanta qayb weyn ka qaadan jirtey. Aqoonyahanadani jawaabahayga su’aalahooda way ka heli jireen. Tan waxaa ka dhashay inay iyagu difaacaan aniga laftayda iyo Soomaalidii kale ee Masiixa rumaysnaa ee ku dhex noolaa bulshadii Islaamka ahayd. Ugu yaraan hal mar oo kale ayaannu kuwo kale ku martiqaadnay inay wada sheekaysiyadan ka qaybgalaan, sida Harold Miller, oo ah Masiixi la sharfo oo nabadda u ololeeya. Wada sheekaysiyadan xusidda mudani way sii socdeen ilaa aannu annagu Kiinya ka soo tagnay.

 

Midho-dhal Farxad Leh

Sannadahayagii Nayroobi aad bay u fiicnaayeen! Sidaad garan kartaanba, waxaa annaga na riixey, oo qarka na geeyey xaaladdii adkayd ee isbedbeddeleysey ee Soomaaliya ka jirtey. Sidaas oo ay tahay, annagoo meeshaas joogna ayaannu haddana awoodney inaannu u gudaggalo yeedhitaankii Ilaahay ee ahaa inaannu safiiro u noqonno injiilka nabadaynta ah. Kaniisad ahaan caqabadeenna khaaska ahi waxay ahayd sidii aannu annagu ku noqon lahayn bulsho dib-u-heshiisiineed. Kaniisaddu waa bulshada keliya ee ifka joogta ee aamminsan in Badbaadiye la iskutallaabay oo sarakacay uu xuddun u yahay qorshaha weyn ee Ilaahay ee ah in wax kasta oo samada iyo dhulkaba yaal ay heshiis Isaga kula yeeshaan (1 Taariikhdii 29:11; Kolosay 1:20). Sidaas oo ay tahay waxaa loo baahan yahay in qorshahan kaniisadda dhexdeeda laga muujiyo.

Intii aannu Nayroobi joognay, marar badan kaniisaddii Soomaalidu way kala jajabnayd—sidaas oo ay tahay annagu waxaannu ahayn dad lagu samatabbixiyey nimcada Ilaahay ee Ciise Masiix ku jirta, oo ka markhaatifureysey dib-u-heshiisiinteenna Masiixa ka timaadda. Sidii farxadda lahayd ee ay carruurtu Ilaah ugu heesi jireen marka aannu annagu usbuuciiba mar isugu nimaadno inaannu wada tukanno, ayaa markhaatifur u ahayd farxadda dib-u-heshiisiintan.

Sidoo kale waxaannu aragnay calaamado dib-u-heshiisiineed. 1999 ayaa Masiixiyiin badan oo Soomaali ahi isugu yimaadeen shir ka dhacay meel ka yara baxsan Addis Ababa, Itoobiya. Ugu yaraan laba iyo toban waddan ayay kuwani ka kala yimaadeen, kuwan oo ay ku jireen Soomaalida waddanka gudahiisa ku nool iyo kuwa qurbaha labaduba. Kani wuxuu ahaa xidhiidho wanaagsan oo heshiis ah la wada dhisto.

Luulyo 2004, shir kale oo ay Soomaalida Masiixa rumaysan isugu yimaadeen ayaa Nayroobi dibeddeeda ka dhacay. Soomaali ayaa Bariga Afrika oo dhan ka kala yimid. Ugu yaraan qabiil kasta hal qof baa ka socdey. Halkan waxaa ka dhacay arrin aanan weligayo hore u arag. Dadkii qabiillada kala duwan metelayey ayaa mid kastaa qirtay dembiyadii cadowtinimada ahaa ee ay u qabeen qabiillada kale, oo waxay ku ducaysteen saamaxaad iyo dib-u-heshiin. Iyagoo qaranka Soomaaliyeed metelaya, ayaa shirkii sidoo kale Eastern Mennonite Mission ka codsaday inay iyaga ka saamaxaan dilitaankii Merlin Grove ee 1962, kan oo ahaa mid ka mid agaasimayaashii ugu horreeyey ee EMM ee Soomaaliya. Samada iyo dhulka ayaa isa salaamay intii aannu shirkan wanaagsan wada lahayn.

Cutubka 8aad                                                                                                              Cutubka 10aad

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Cutubka 9-aad: Rajo Khilaafka Dhexdiisa:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Filiboy 2:1-11

  1. Waa maxay siyaalaha wanaagsan iyo kuwa xun xun ee ay hay’adihii Masiixiyiinta ee shisheeyaha ahaa iyo kuwii horumarka ka shaqayn jirey u saameeyeen horumarkii kaniisaddii Soomaalida? Waa maxay qaynuunada ay tahay inay hay’adaha noocan oo kale ahi ku dhaqmaan marka ay la shaqaynayaan kaniisadaha soo koraya ee bulshooyinka Muslinka ah ku dhex yaalla?

  2. Sheeg doorka ay u tukashada iyo ducadu ka ciyaarto bogsiinta iyo dib-u-cusboonaysiinta kaniisadda. Kuwa kale la qaybso tusaalayaal khibradaada ah oo ah kaniisad tukanaysa tan oo iyadu dhibaato weyn kaga dhex baxday.

  3. Sheeg dhibaatooyinkii waaweynaa ee la soo dersey noloshii qoyska Axmed, iyo Martha, iyo carruurtooda. Sidee ayuu qoysku dhibaatooyinkan kaga jawaabey?

  4. Axmed wuxuu ka hadlay tabaha nabadaynta ee odayaashii qabiilka intii ay iyagu usbuuc kasta ku kulmayeen geedkii gurigoodii Nayroobi hortiisa ku yaalley hoostiisa. Inta aad ka fekereysid waxyaalihii Soomaalinimadooda iyo Muslinnimadooda ahaa ee ay iyagu qiimayn jireen, waa maxay fikradaha nabadayneed ee ay kula tahay inay iyagu ka munaashaqoodeen iyagoo ahaa hoggaamiyayaal bulsho oo la tixgeliyo? Waa maxay waxyaalaha iyaga yaabka ku noqday ee injiilka ku jira ee laga yaabo inuu Axmed wada hadalladaas ku soo kordhiyey?

  5. Sidee ayaad adigu u qiimaysay jawaabtii Axmed ka bixiyey afarta su’aalood ee muhiimka ah ee ay Muslimiintu weydiiyaan Masiixiyiinta iyo diintooda? Door intee le’eg ayay Martha iyo carruurtu ka ciyaareen wada sheekaysiyadaa?

Qoraal Gunaanad Ah:

  1. Quraan, An-Nisaa’ (Haweenka): Suuradda 4:171.

  2. Quraan, An-Nisaa’ (Haweenka): Suuradda 4:171.

  3. Quraan, As-Saaffaat (Kuwa la kala Qaybqaybiyey): Suuradda 37:107. "Waxaana ku furanay loog weyn (wan)."

  4. Quraan, Al-Ancaam (Lo’da): Suuradda 6:34. "Waxaa dhab loo beeniyey rasuullo kaa horreeyey, waana ku samreen wixii lagu beeniyey, waana la dhibay intaa uga yimaaddo Gargaarkannagu. Wax beddeli hadalka Eebbana ma jiro, waxaana kuu soo gaadhay warkii rasuuladii."

Cutubka 8aad                                                                                                              Cutubka 10aad

 



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved