Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

Arar

Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kan warka wanaagsan keena, oo nabadda naadiya, oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena, oo badbaadada naadiya…
                                                                                                            — Kitaabkii Nebi Ishacyaah 52:7

Inta aan qormadan qorayo, waxaa i hor taalla jariirada New York Times tan oo maanta qortay in dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay shalayto huteel ku yaalla caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ku dileen dad gaadhaya ilaa iyo soddon qof, maalin kaddibna waxay madaafiic ku garaaceen ruggihii dowladdu degganayd, dad badan ayaana ku dhintay. Rooxaantan dagaalka jeceli waa isla rooxaantii ku jirtey kuwii isku deyey inay dilaan qoraha buuggan xasuusta ah ee Axmed Cali Xayle, muddo hadda siddeed iyo toban sanno laga joogo isagoo markaa isku deyaya inuu qabaa’il dagaallamaya heshiisiiyo. Dadkii isaga la socday ayaa mindiyo ku gooyey lugtii uu ka dhaawacmay inteedii badnayd si ay naftiisa u badbaadiyaan. Markii ay bakteeriyada la yidhaahdo “necrotizing fasciitis” bilowday inay lugtiisii cunto oo baabi’iso, kuwii nafahoodii khatarka u geliyey si isaga Nayroobi loogu qaado si halkaa loogu daaweeyo waxay ahaayeen isla hoggaamiyayaashii qabaa’ilkii uu isagu doonayey inuu heshiisiiyo.

Dhacdooyinkii isaga halkan soo gaadhsiiyey waxay ka soo bilowdeen dhallinyaranimadiisii, waayo Axmed hooyadii iyo aabbihii waxay ahaayeen Muslimiin daacad ah; laakiinse, isagu wuxuu doortay inuu Ciise rumeeyo, isagoo markaa maraya waddadii uu maray kii Muslinka ahaa ee ugu horreeyey ee sida la qoray Masiixi noqday, kaas oo ka tirsanaa asxaabtii Maxamed ee u soo haajirey Ardul-Xabash [Abasiiniya]. Gobolkan waxay taariikhyahanada Carabtu ugu yeedhaan Ardul Xabash, meeshaas loolama jeedo Itoobiyada hadda oo keliya, laakiinse sidoo kale Geeska Afrika, oo ay Soomaaliyana ka mid tahay, ama ugu yaraan qaybo Soomaaliya ah. Sidaas oo ay tahay halka uu kii ugu horreeyey ee Muslinka ahaa laakiinse markii dambe Masiixiga noqday, uu sida la rumaysan yahay ka soo cararay khilaaf qarnigii toddobaad ka jirey Makka, Axmed-kan hadda Masiixiga noqday marar badan buu Geeska Afrika ku soo laabtay si uu isagu khilaaf u dhexdhexaadiyo.

Nolosha Axmed waxay casharro badan baraysaa khilaafaadka badan ee maanta jira, ha ahaadeen kuwo diimeed ama kuwo qabiil. Waa marka ugu horraysee ku koritaankiisii diinta Islaamka ayaa isaga u diyaariyay inuu oofiyo ama fuliyo warka wanaagsan ee injiilka. Wuxuu isagu Islaamka dhexdiisa iyo dhaqanadii hore ee Soomaalida saamaynta ku yeeshay ka dhex arkay sheekooyin, astaamo iyo dhaqamo u eg bixinta laga helo Masiixa, sidaa daraadeed marna isagu wax xun kamuu sheegin diintiisii hore.

Waa marka labaade, wuxuu isagu isticmaalay hababkii nabadaynta ee maxkamadaha iyo sharciyadii la dhaxlay wakhtigii gumeysiga, maxkamadaha qaadiga iyo Shariicada Islaamka, dhaqankii caddaalada ee Islaamka ka horreeyey ee tusayey xidhiidhka ku sallaysan axdiga dadku dhigto iyo masuuliyadaha wada dhaqanka dadka, kuwan oo lagu xoojiyey waxyaalo laga soo xigtey culuunta kala ah cilmi nafsiga (pyschology) iyo cilmiga barashada bulshada (sociology). Laakiinse wuxuu isagu ugu dambayntii ogaadey inuu injiilku soo afjari karo hab dhaqankan aargoosiga ku dhisan, sidii tan loogu sameeyey Masiixa dhexdiisa iyo iskutallaabtisii iyo Ruuxa Quduuska ah kaas oo kaniisadda daraadeed heshiis dhexdhigay dadka iyo Ilaahay iyo dadka dhexdiisa.

Sidaasoo ay tahay sheekadani ma aha oo keliya in la liis gareeyo casharro ku saabsan hababka nabadda loo dhaliyo. Laakiinse kuwan waxaa laga dhex arkayaa hab dhaqankii qof dhab ah oo jirey iyo dhacdooyin run ah oo dhacay. Sidii uu isagu aadka isugu hawlay inuu dhaliyo nabad ku dhisan isbeddel xagga fikirka iyo hab dhaqanka ah (transformative peacemaking), wuxuu isagu hawshan ku qabanayey iyadoo ay ka soo horjeedaan caqabado waaweyni. Ugu dambayntiina kuwii isaga aadka u taageerayey ee ilaalinayey waxaa ku jirey imaam masjid, kaas oo mar markaa ka horreysey ku dhawaaqay in isaga la dilo maadaama uu gaaloobey.

Waxaan anigu Axmed oo bilaa lug ah la kulmay dhowr sannadood ka hor. Haddii aan ka fekero erayada Ishacyaah, “Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kuwa…nabadda naadiyaa…oo badbaadada naadiyaa” (Ishacyaah 52:7), isaga cagtiisu aad bay runtii u qurux badan tahay. Inta aad sheekadiisa akhriyeysid, adiguna sidan oo kalaad odhan doontaa.

— J. Dudley Woodberry

              Dean Emeritus and Senior Professor of Islamic Studies School of International Studies

              Fuller Theological Seminary, Pasadena, California, USA

 

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin (David W. Shenk)

Su’aalahan waxaa loo qaybiyey laba iyo toban qaybood, oo tobanka cutub ee buuggu ka kooban yahayba hal qayb baa laga diyaariyey, tan oo ay soo raacdo qayb laga soo diyaariyey hordhaca iyo qaybta ugu dambaysa ee eegeysa saamaynta ay shakhsi ahaan mid kasta oo innaga ah inagu yeelanayso qisada socdaalka nolosha ee Axmed. Buuggani wuxuu si fiican ugu habboon yahay kooxaha tirada yar ee wax isla barta, kuwan oo buuggan u isticmaali kara wax wada barasho saddex iyo toban usbuuc ama saddex bilood qaadanaysa.

Qiso nololeedka Axmed waxaa si weyn saamayn ugu lahaa Kitaabka Quduuska ah (Baybalka), kaas oo qaybtan ugu dambaysa cutub kasta hal qorniin lagaga soo qaatay, qorniinkaas oo aasaas u ah cutubkaas. Masjidkii ku yaalley meeshii uu Axmed ku koray, mar kasta oo ay halkaa ka jireen arrin ay ahayd in laga wada hadlo, imaamka ayaa mar kastaba ugu horraynta aayadda Quraanka ah ee arrintaa ku habboon akhrin jirey. Sidaas oo kale, waxaannu annaguna soo jeedineynaa in marka hore aayadaha aasaaska ah ee Baybalka laga soo qaatay si qoto dheer loo akhriyo ka hor inta aan wakhtiga munaashaqada ama wadahadalka la bilaabin.

Su’aal Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Arar:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Falimaha Rasuullada 22:1-22

  1. Dudley Woodberry wuxuu ararta ku qorayaa in qiso nololeedka Axmed wax weyn oo wanaagsan ku soo kordhineyso adduunkeenna ay dagaallada diinta iyo qabaa’ilku aafeeyeen. Soo saar oo ka hadal siyaalaha kala duwan ee nabadaynta ah ee uu Dudley carrabbaabay.

Tusmada Buugga                                                                                                                   Hordhac



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved

BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (SoundCloud)