Skip Navigation Links

Skip Navigation Links

Hordhac

Axmed Cali Xayle wuxuu ka soo jeedaa Buulo Burte oo ku taalla badhtamaha Soomaaliya. Isagu Muslin buu ahaan jirey, oo dhammaan asxaabtiisii iyo dadkii uu yaqaaneyna ilaa iyo 15 jirkiisii sidoo kale Muslin bay ahaayeen. Masiixa ayaa isaga la kulmay intuu ku jirey sannadihiisii dhexe ee qaangaadhka. Isagoo u yeedhitaankan Ilaahay ka jawaabaya ayuu Axmed noqday mid Masiixa si buuxda u rumaysan. Shaqadiisa ama adeeggiisu wuxuu ahaa mid caalami ah, laakiinse dadaalkiisa ugu horreeyaa wuxuu ku jeeday dadka Soomaali-yeed kuwaas oo uu isagu ka dhex shaqaynayey isagoo safiirkii injiilka nabadda ah. Socdaalkiisa waxaa ka buuxay caqabado badan oo maskaxda ka weyn. Laakiinse marka kuwaas oo dhan laga soo tago, Axmed wuxuu dadkiisa ugu adeegey si naf hurid ah.

Markii ugu horreysey ee aan isaga la kulmay, Axmed wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo faraxsan, oo kaftan badan, oo asxaabtiisa si farxad leh ula kaftamaya. Waxaannu ku kulannay xaflad ka dhacaysey magaalada Muqdisho, ee ah caasimadda Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaaliya dhexdeeda. Xafladdaasi waxay ahayd tii 21-kii Oktoobar, markaasoo uu waddanka Soomaaliya u dabaaldegeyey sannadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtey kacaankii Shuuciga. Kacaankaasi wuxuu xoog ku baabi’iyey habkii dimoqraadiga ahaa ee baarlamaankii qabiilka ku salaysnaa, kaas oo ay Soomaaliya isku xukumeysey laga soo bilaabo madaxbanaanideedii ahayd 1960-kii.

Laakiinse markaan Axmed la kulmay taageeradiisa koowaad lamay jirin kacaankii Shuuciga ahaa. Xaqiiqdii wuxuu isagu si weyn daacad ugu ahaa kacaan gebi ahaantiisba kan ka duwan. Sannad intaanan kulmin ka hor ayaa wiilkan dheer ee siddeed iyo toban jirka ah la baabtiisay oo uu taageeradiisoo dhan siiyey kacaanka nolosha bixiya ee Masiixa. Isaga waxaa lagu baabtiisay biyaha xeebta Badweynta Hindiya. Annagu marna umaannu malaynayn in xafladdaas dabadeed aannu marar badan oo kale kulmi doonno, oo uu xidhiidhkayaga sii adkayn doono rumaysi naga dhexeeyey, annagoo wadaagney daacadnimo aan u hayney Masiixa iyo kaniisadda oo aan u shaqayno.

Sidoo kale maskaxda kumaannu hayn socdaalkii afartanka sanno ahaa ee yaabka lahaa ee Masiixu nolosha Axmed la soo gudboonaysiin dooney. Isagoo xerta Masiixa ka mid ah ayuu haddana si weyn ugu dhex jirey noloshii casriga ahayd ee waddamada reer Galbeedka iyo noloshii Isbedbeddelka badnayd ee aan la saadaalin karin ee Soomaali-da iyo dhaqammadii Islaamka kuwaas oo lagu qasay fikradii shuuciyada iyo siyaasad ku dhisan qabiil. Socdaalkiisii nolosha ee cajiibka ahaa wuxuu ahaa mid silic iyo dhibaato badan, iyo sidoo kale horumar qunyar ah iyo ka guuleysi caqabado adadag.

Ku dhowaad afartan sanno kaddib sheekadeennii ugu horreysey, xaaskayga Grace iyo anigu waxaannu hadda Axmed iyo xaaskiisa Martha la leenahay kulan kii berigaas hore ka duwan. Waxay iyagu gurigooda oo ku yaalla Lancaster, Pennsylvania, oo Maraykanka ah ku booqanayeen Kenneth iyo Elizabeth Nissley, kuwan oo ah lamaane isqaba oo aan labadayaduba saaxiib la nahay. Waxay ahayd Agoosto 2009-kii. Axmed waxaa markaa ku dhacay cudurka kansarka, oo markaasay isaga iyo qoyskiisu ka soo laabteen Bariga Afrika si ay u nastaan oo uu isaguna isu daaweeyo. Halkaasay ahayd meeshii uu Axmed iigu sheegay arrin isaga ka go’nayd oo uu aad u doonayey inuu hirgeliyo.

Inkastoo ay Axmed daciifiyeen daawooyinkii badnaa ee uu cudurka u qaadanayey iyo cudurkii haddana si xoog leh ayuu u hadlayey, “Anigu ma garanayo intaan sii noolaan doono, laakiinse waxaan og-ahay inay tahay in sheekadayda loo qoro Muslimiinta iyo Masiixiyiinta labadaba. Waa sheeko ka kooban wanaag aad u qoto dheer oo aan u hayo dhaxalkaygii hore ee Muslinnimo iyo reerkayga. Waa sheeko ka markhaatifuraysa markii aan Masiixa la kulmay iyo kaniisadda, taasoo ahayd meeshii aan ku soo hoydey. Dhaxalkaygii hore ee Muslinnimo ayaa ii diyaariyey inaan Ciise Masiix rumeeyo. Oo markaa adigoo David ah ayaan kaa doonayaa inaad igala shaqaysid sidii aan sheekadayda ku qori lahaa. Markaa saaxiibkayga qaaliga ahow sidan ayaan kaa codsanayaa, Martha ayaana ku caawin doonta.”

Dabadeedna wuxuu keliyoo yidhi, “Waan daallanahay. Aynu ducaysano, dabadeedna waxaan u baahanahay inaan nasto.”

Markaannu wada ducaysaney kaddib waan isa salaannay oo is nabadgelyeyney. Wuxuu isagu isku taagey lugtiisii keliya isagoo cuskanaya qoryaha curyaamiintu ku boodaan. Axmed hal lug uun buu lahaa intii sannado badan ah, waayo lugtiisii midig waxaa burburiyey madfac isagoo Soomaaliya jooga oo isku deyeya inuu nabadeeyo qabiilooyin is dilaya. Mararka qaarkood waxaan Axmed kula kaftami jirey inuu yahay saaxiibkayga qaaliga ah, kaas oo ah nabaddoonkii halka lug lahaa (lugey). Haddii kaftanka laga baxana, Axmed wuu ku sii adkaystay nabadaynta xataa markii sidan loo soo weeraray kaddib, weerarkan oo aan keliyoo lugtiisii ka goyn laakiinse ku dhoweeyey inuu isaga nafta ka qaado. Ku adkaysigiisan nabadaynta ayuu sharaf weyn kaga kasbaday bulshooyinka Muslinka ah ee ay nabaddu daacadda ka tahay, gaar ahaan kuwa ku nool Bariga Afrika. Sidan uu nabadda ugu silcayey ayaa waxay isaga gaadhsiisey inuu xataa si weyn ula xaajoodo dhaqdhaqaaqyada dagaalka jihaadka ah aaminsan.

Grace iyo anigu waxaannu ogeyn inay ahayd inaannu codsigan Axmed ka aqbalo, oo aan kaa “haa!” kaga jawaabno.

Saddex bilood markaa kaddib Grace iyo anigu waxaannu ku sugnayn dhinaca Galbeedka Dhexe ee Maraykanka meeshaasoo ku dhow meesha ay reer Xayle ku nool yihiin oo ah Glendale, taas oo in yar waqooyi ka xigta Milwaukee, Wisconsin. Waxaannu ku kulanay guriga Dr. Marc iyo Nancy Erickson kuwaas oo ay sannado badan reer Xayle asxaab ahaayeen. Shan maalmood ayaannu ku dhex jirney qisadii nolosha Axmed. Mararka qaarkood qisadani way nagaga oohineysey, mararka qaarkoodna waxay noo ahayd mid farxad iyo yaab weyn leh. Sheekadii ayaan bilownay inaan duubno. Nasiibdarro, dhowrkii saacaddood ee ugu horreeyey way naga khasaareen, kaddib markii aan anigu anoo ku faraxsan wixii Axmed ii sheegayey markaa aan kursigii ka boodey, oo uu rikoodhkii yaraa ee aan wax ku duubayey igaga dhacay isbarmuuto aan cabayey. Tani namay niyad jebin, laakiinse rikoodh cusub baan soo iibsaney, oo waxaan sii wadnay dhegeysigii dheeraa. Martha iyaduna way na ag joogtey si ay fikraddeeda ugu kordhiso, oo ay iyaduna sheekadeeda ugu soo darto.

Dhegeysigii sheekada Axmed way sii socotey iyadoo Axmed aad u xanuunsanayo. Caafimaadkiisu aad buu markaa u liitey, oo waxaa isaga daaliyey daawooyinkii xoogga lahaa ee uu isagu qaadanayey. Mararka qaarkood dhegeysiga waan joojineyney si uu isagu daawadii u qaato. Sidan ayaannu u shaqayneyney, marka hore waxaannu dhegeysan-eyney qayb qiso nololeedkiisa ka mid ah, dabadeedna wuxuu nagu odhanayey, “Hadda waan daaley.” Dabadeedna wuu nasanayey ilaa uu mar kale diyaar u noqdo duubitaankii socdey.

Marka aan kala tegeyno oo ku ballamayno kulankeenna dambe, waan istaageyney oo intaan iska soo horjeesano ayaan ducaysaneyney. Axmed ayaa annaga sidan na xasuusiyey, “Ha ilaawina markii ugu horreysey ee aan anigu Ciise la kulmay, waxaan ogaa inaan soo hoydey. Markaa muhiimaddu ma aha haddaan noolaado ama dhinto, waayo hadda waxa la iigu yeedhay waa inaan Ciise Masiix ammaano wakhtigan xaadirka ah iyo aakhiroba. Oo xasuus-qorkanina taas ayuu ku saabsan yahay.”

Dhowr usbuuc kaddib ayay Grace bilowday qoritaankii hawsha badnaa ee qiso nololeedkii Axmed ee aan soddonka saacaddood duubeyney. Qalabkii aan wax ku duubeyney ayaa noo geli waayey kii kale ee erayada qoraal ahaan u soo saarayey, markaa gacantay inta badan ku qoreysey. Sida habaysnayd ee wanaagsanayd ee ay gacmaha ugu shaqayneysey ayaa aniga igaga fajicisey. Dabadeedna Janaayo oo ahayd dhowr bilood markaa kaddib ayaan anigu Glendale dib ugu soo laabtay hal maalin oo waraysi ah annagoo dhex qaadayna 200 ee bog ee aan ilaa iyo markaa qornay oo meelaha banbannaan buuxinayna. Axmed macluumaadka qaarkood wuu sii ballaadhiyey: tusaale ahaan, hababka nabadaynta ee dhaqanka ku salaysan marka la barbardhigo nabadaynta Masiixa ku salaysan. Taasi maalin wanaagsan bay ahayd, oo wakhtiga badankiisa labadayada oo keliya ayaa sheekaysaneyney, iyadoo ay Martha-na mararka qaarkood nagu soo biiraysey. Iyaga wuxuu Ilaahay ku barakeeyey saddex carruur ah. Afrax jaamacadduu ku maqnaa, laakiinse Geeddi iyo Safiya way joogeen, iyagoo mar mar noo imaanaya oo nagu biirinaya kaftankooda.

Markii aan anigu diyaarintii qoritaanka buugga dhammeeyey, mar saddexaad ayaannu inaannu fallanqayno ku kulanay annagoo afar qof ah: Axmed, Martha, Grace iyo aniga. Intii aanan kulankan isugu imaan waxaannu ka qaybqaadanay kulan Alle caabud ah oo ay lahaayeen kuwo reer Xayle saaxiibbadood ah oo ku noolaa Landis Homes, oo ku dhow Lancaster, Pennsylvania. Tani waa meel ay deggan yihiin bulsho ah dadka waaweyn ee hawlgabka ah, waxaana halkan hadda deggan tiro ah Masiixiyiin hore Soomaaliya uga shaqayn jirey. Axmed ayaa kulankan codsaday si uu iyaga u maca-salaameeyo. Kulan fiican ayuu kani ahaa: waaya-waayo ayaan xasuusanay, oo dabcan waxaannu ku heesnay kuwo ka mid ah qasiidooyinka Masiixiga ee Ilaah ammaanka ah ee aan ka helo!

Dabadeedna waxaan ku kulanay gurigii Kenneth iyo Elizabeth Nissley si aan nakhtiin ugu samayno qoraalkii. Inkastoo uu Axmed ku soo daaley kulankii asxaabta ee aan ka nimid, wuxuu ku adkaysay inaan tan samayno, oo si taxaddar leh baan qoraalkii u nakhtiinay. Martha ayaa kor u akhriyeysey, iyagoo mid kastoo annaga ahi uu waxay akhrineysey kala socdey nuqulkii uu haystey. Way sii akhriyeysey ilaa uu Axmed fartiisa ka taagayey, oo ka odhanayey, “Jooji!” Dabadeedna wuxuu isagu sharraxayey sida uu jeclaa in tan loo dhigo. Mararka qaarkood wuxuu isagu odhanayey, “sadarkaasi wax micne leh kuma soo kordhinayo ee ka saara.” Goor dambe oo fiidkii Axadda ah ayaannu ku dhoweyn inaannu dhammayno, markii ay Kenneth iyo Elisabeth sambuuse iyo Kitaabka Quduuska ah (Baybalka) noo keeneen si aan tan ugu soo gabaggabayno akhrinta erayga Ilaahay iyo duco. Goor hore oo subaxdii dambe ah Axmed iyo Martha waxay dib ugu laabanayeen Milwaukee. Oo waxaa la gaadhey wakhtigii ay iyagu yara nasan lahaayeen.

Dhowr bilood kaddib ayaa reer Xayle ku soo laabteen Lancaster si ay uga qaybgalaan kulan ay lahaayeen Soomaalidii iyo Masiixiyiintii ajnabiga ahayd ee Soomaaliya hore uga shaqayn jirey. Kaniisada la yidhaahdo James Street Mennonite Church ayaa martigelisey dad 150 ah oo ka kala yimid dacallada Waqooyiga Ameerika iyo xataa hal qof oo Ingiriiska ka yimid. Kani wuxuu ahaa wakhti farxad leh iyo caabudaad iyo dhereg annagoo cunayna cuntada dhaqanka u ah Soomaalida oo ahayd hilib riyood iyo bariis, annagoo Ilaah uga mahadinayna sidii uu saaxiibtinimo weyn noo dhex dhigay annagoo ka koobnayn Soomaali intooda badani Muslin ahayd iyo Masiixiyiintii Soomaaliya hore uga shaqayn jirtey.

Kulankaa kaddib mar kale ayaan isugu nimid gurigii reer Nissley iyadoo reer Xayle nala joogaan si aan faahfaahintii ugu dambeysey ee buugga isugu duba ridno. Laba carruurta Xayle ah ayaa dabaqa sare jiifey. Markaasaan anigu dhallinyaradan hoos ugu yeedhay oo ku idhi, “Bal noo sheega hal arrin oo muhiim ah oo aabbihiin ku saabsan, oo aan buuggan ku daro.”

Xishood ayaa wejigoodii ka muuqday: markaasay aamuseen.

Axmed ayaa markaa iyagii si kaftana u su’aaley, isagoo leh, “Waan ogahay sababta aad waxba u odhan weydeen, waayo waan ogahay inaad soo wadaan aabbahayo waa keligitaliye. Laakiinse idinku waad ii naxariisanayaan oo ma doonaysaan inaad taa yidhaahdaan!”

“Maya, maya!” ayay la soo boodeen. “Adigu keligitaliye ma tihid.”

Dabadeedna aniga ayay igu soo jeesteen, oo nusa-saacii ku xigey waxay iyagu si diiran uga hadlayeen wax ku saabsan martigelinta. “Aabbahayo waxaa dabeecad u ah martisoor. Isagu qof kastoo gurigayaga yimaada wuu soo dhoweeyaa. Martigelintu waa soo dhoweynta dadka xataa haday goor xun socdaan. Oo aabbahayo qof marti ahi marna wakhti xun ma socdo, xataa haddii uu kaa martida ahi saq-dhexe isagoo aan qofna u sheegin yimaado.”

Oo anaa ku daray, “Waxaan filayaa in martisoorkan uu macnihiisu ahaa inaad idinku mararka qaarkood sariirihiinna dad uga kacdaan.”

“Dabcan!” ayay ku adkaysteen. “Laakiinse kuwo badan oo na soo martiyey waxay heleen fursad ay ku arkaan reer Masiixi ah oo jacayl iyo tixgelin ku wada nool. Martisoorkii aabbahayo kaas oo aan dhammaantayo ka wada qaybqaadanay wuxuu tusayey jacaylka Masiixu u qabey qaxooti badan oo aan annagu dhaqaalayn jirney.”

May ahayn qaxootiga oo keliya kuwii arkay martisoorkii fiicnaa ee Axmed. Marar badan ayaan aniga iyo Grace sidoo kale helay martiqaadka gurigan annagoo nalaga dhergiyey digaag la shiilay, hilib riyaad, iyo wada sheekaysi xiiso badan. Mar kasta waa nala soo dhoweyn jirey, xataa haddaanu wakhtigu ku habboonayn!

Dhowr iyo toban buug ayaan anigu qoray ama tifatire ayaan ka ahaa, laakiinse midna weligiis iimuu soo jiidan sida kan. Waxaan la qorayaa saaxiib qaali ah, laakiinse tan waxaa ka sii muhiimsan, aniga isbeddel weyn ayaa igu dhacay intii aan ku dhex jirey sheekadan ku saabsan socdaalkii uu Axmed la socdey Masiixa, kaas oo ahaa mid ay la soo gudboonaadeen caqabado aad u badani, kuwaas oo badankoodu ka soo wajahay Muslinka dhexdiisa. Si qoto dheer bay ii taabatay intii aan dhegeysaneyey sidii uu Axmed isugu tolayey qiso nololeedkiisii taas oo uu ku darayey culuun iyo fikrado diimeed iyo kuwo markhaatifur Masiixa ah kuwaas oo maantadan muhiimad aad u weyn leh.

Qiso-nololeedkani wuxuu kugu soo dhoweynayaa inaad isaga dhegeysatid. Sidee ayuu Ciise u beddeley Axmed kaas oo uu dhaxalkiisii hore ahaa diinta Islaamka ee dhabta ah? Sidee ayuu Ciise u beddeley Axmed kaas oo reerkiisu ahaa mid la qaderiyo oo sharaf leh, oo ehlu diin ah? Waa maxay wanaagga uu Axmed ka helay Masiixa iyo kaniisadda taas oo sabab u noqotay inuu markuu isagu Masiixa rumaystay yidhaahdo, “Hadda ayaan anigu soo hoydey”? Sidee ayuu Axmed ugu adkaystay oo u fuliyey yeedhidii isaga loogu yeedhay inuu noqdo safiirka nabadda ee Masiixa oo ka dhex noqdo Muslimiinta dhexdooda?

 Dhammaadka buuggan, waxaa ku qoran casharo su’aalo ah oo loogu talaggalay kuwa xiisaynaya inay wada baadhaan muhiimadda iyo saamaynta qiso nololeedkii Axmed.

 — David W. Shenk           Global Consultant Eastern Mennonite Missions, Salunga, Pennsylvania, US

 

Su’aalo Loogu Talaggalay Fikir Iyo Wax Is Weydiin - Hordhac:

Aayadaha Aasaaska Ah ee Kitaabka Quduuska Ah: Falimaha Rasuullada 22:1-22

  1. Waa maxay sababaha ay Axmed ula wanaagsanaatey in qiso nololeedkiisa la qoro? Muxuu rajeynayay inay Muslimiintu tan ka bartaan? Maxay tani Masiixiyiinta ku soo kordhineysaa?

  2. Waa maxay waxyaalo noloshii Axmed ka muuqda oo tusaya dadaalkiisii weynaa ee ahaa inuu ka shaqeeyo nabadayntii Soomaaliya iyo dadkii kale ee ku noolaa meel kasta oo kale oo uu isagu markaa degganaa?

  3. Waa maxay muhiimadda ay leedahay jawaabtii ay carruurtu bixiyeen markii iyaga la weydiiyey fikraddooda ahayd wixii qisada aabbahood lagu dari lahaa?

  4. Muhiimad intee le’eg bay soo dhoweynta iyo martigelintu noloshaada, ta bulshadaada ama ta kaniisaddaada u leedahay?

Arar                                                                                                                               Cutubka 1aad



Hosted by WinHost    |    © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved

BishaaroWeyn (Facebook)     NoloshaCusub (YouTube)

@somalinewlife (Twitter)     +NoloshaCusub (SoundCloud)