Waxaad si buuxda u hubsan kartaa xiriirka aad Ilaah la
leedahay. Waxaad waaya-aragnimadii Ibraahim ka baran kartaa sida qudhaadu aad ugu
hoggaansami lahayd Eebbe oo aad u heli lahayd barakadii uu ballanqaaday. Ilaah wuxuu
Ibraahim u doortay in uu noqdo khaaddunkiisa iyo saaxiibkiis. Ilaah wuxuu tan u
sameeyey si uu u hawlgal ka dhigo qorshihiisii uu ku barakadaynayey dadka dhaqangeliya
doonistiisa.
Qisada noloshii Ibraahim waxaad ku arkaysaa caqiidooyin
loo baahan yahay inaad noloshaada ugu rogto dhinaca ulajeeddadeeda runta ah. Ibraahim
wuxuu aqoonsaday dabeecadda iyo khatarta dembiga. Wuxuuna rumaystay in Eebbe isaga
iyo dadkiisaba danaynayey. Wuxuuna aqbalay ballankii Ilaah. Wuxuu addeecay tusmooyinkii
Ilaah. Wuxuu naftiisa si buuxda ugu hoggaamiyey doonista Eebbe isagoo la imanaya
addeecis iyo jacayl.
Casharkan waxaad ku baran doontaa wax badan oo ku saabsan
caqiidooyinkaas iyo sida aad ugu dhaqmi lahayd isla sidii Ibraahimba sameeyey. Waxaad
kaloo garan doontaa waxa loola jeedo in la noqdo saaxiibka Ilaah.
Casharkan waxaad ka baran doontaa...
- Ibraahim wuxuu ka jawaabay baaqii Ilaah.
- Ibraahim wuxuu muujiyey rumaysadka.
- Ibraahim wax kasta Ilaah buu siiyey.
Casharkani wuxuu kaa caawinayaa inaad...
- Faallo ka bixiso xiriirka dadku la leeyahay Eebbe.
- Tafaasiir ka bixiso sidii Ibraahim u muujiyey rumaysiga iyo hoggaansanaanta.
- Garato sidii aad baaqa Eebbe uga jawaabi lahayd.
IBRAAHIM WUXUU KA JAWAABAY BAAQII ILAAH
Ilaah Wuxuu Isticmaalaa Dadka
Maxaad keligaa samayn kartaa? Haddaanay jirin qof kaloo
ku caawinaya adiga amase wax kula wadaagaya, amase ku wehelinaya, maxaad awoodi
lahayd inaad dhammayso?
Keligaa waad tukan kartaa, laakiin markaad tukanaysid
waxaad aqoonsataa in lagula joogo. Ilaah ayaa kula joogaa.
Keligaa waad akhrin kartaa, laakiin markaad wax akhriso
aqoonsataa inay jiraan kuwo kale. Kuwaasoo noqon kara mid qoraa ah, mid wax daabaca,
ama laga yaabo aqoonyahan kaasoo calaamado u sameeyey luuqaddaada oo haddii kale
noqon lahayd wax aadan waxba ka garateen isaga la'aantiis.
Way yar yihiin waxa aad keli ahaan u samayn karto.
Muxuu Eebbe keli ahaan samayn karaa? Ilaah ayay awood
oo dhan u sugnaatay. Cidna kuma xirna, oo qofna fasax kama qaato. Isagu waa awood
madax bannaan oo caalanka oo dhan ka sarreeya. Abuuris kasta gacantiisay ka soo
baxdaa ulajeeddadeeduna waa inay ammaan magaciisa u keento.
Iyadoo ay saas tahay ayuu haddana dadka abuuray waayo
ma aanu doonayn inuu keli ahaado. Wuxuuna dadka u abuuray inay isaga la wadaagaan
nolosha iyo bilicsamida abuuristiisa oo ay la xiriiraan oo caabudaan isaga.
Waxaynu og nahay in Eebbe qorshe u hayay dadka uu abuuray.
Wuu u carooday markii ay dembiga ku dhacaan. Daad buu xukun ahaan dadkii ugu halligay,
si uu u muujiyo sida dembigu u xun yahay, waayo wuxuu dadka ka fogeeyaa Ilaah. Daadkii
weynaa kaddib, Ilaah wuxuu mar kale bilaabay inuu dadkiisa la shaqeeyo oo uu dhammeeyo
ulajeeddadii uu iyaga ka lahaa. Wuxuu bilaabay inuu dhiso qaran si daacad ah isaga
u raacsan oo magaciisa sharaf u keena; barakeeyana dadka oo dhan.
Mar kale Eebbe wuxuu muujiyey ama tilmaan cad ka bixiyey
dabeecadda xiriirka uu la leeyahay dadka. Ilaaha weyn wuxuu doortay inuu shaqadiisa
dadka u adeegsado. Keli ahaantiisa ayuu wax kasta samayn karay, laakiin mas'uuliyaddii
buu qaybiyey oo wuxuu dadkii u xil-saaray inay adduunka wakiillo uga noqdaan. Waxaa
taasi ina baraysaa in nolosheenna ay isku laran yihiin ulajeeddada Eebbe. Heli mayno
nabad haddii aynaan samayn doonistiisa. Oo isagu inama deyriyo isagoon ina siin
naxariis. Waa qayb ka mid ah dabeecaddiisa inuu innaga doono inaan u soo jawaabno.
Ma uusan bilaabin qarankiisa cusub isagoo keligiis shaqaynaya. Waxaase uu helay
nin kaasoo uu xaggiisa ku caddeyay si loo aqoonsado doonistiisa. Wuxuu doortay in
Ibraahim noqdo Aabbihii rumaystayaasha. Wuxuuna Ibraahim ku magacaabay saaxiibkiis.
LEYLI
Qayb kasta oo ah Leyliyadan ama su'aalahan waxay kugu
caawinayaan inaad dib u eegto amase isticmaasho wixii aad hadda soo baratay. Waxay
kugu caawinayaan inaad ogaato inaad fahantay casharka iyo in kale. Raac tilmaanbixinta
qayb walba laga bixiyey.
1. Waxaad goobaabin gelisaa xarfaha si saxa ah u dhammaystiraya
weedha hoos ku qoran. Waxaynu og nahay in dadku ay Eebbe muhiim u yihiin waayo: