Nebi Daa'uud wuxuu ahaa nin muusikada ku wanaagsan oo jecel inuu
heeso, qorona heesaha. Waxaa kaloo uu jeclaa inuu shareerada ku cayaaro oo uu heesahiisa
ku heeso. Heesihii uu qoray qaarkood waxay inoo sheegaan wax ku saabsan waaya-aragnimaddiisii
iyo waxyaalihii qabsaday.
Habeen cirku caad la'aan yahay oo xiddiguhu wada iftiimayaan, ayaa Daa'uud oo joogay
bannaanka, isagoo idihii aabbihiis halkaasi la jiray, ayuu eegay cirka, wuxuuna
arkay iftiimo badan oo wada dhalaalaya. Markaasaa wuxuu qoray hees:
"Rabbiyow, Sayidkayagiiyow,
Magacaagu dunida oo dhan ku fiicnaa!
Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey,
Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga?
Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?"
- Sabuurka 8:1,3,4
Nebi Daa'uud wuxuu aad ula yaabay uumista Ilaah siday u weyn tahay. Isagu wuxuu
garan waayey Ilaah adduunkan sameeyey sida uu banii-aadmiga isugu xiisanayo. Daa'uud
wuxuu la yaabay markii uu gartay in Ilaaha dayaxa iyo xiddigaha uumay uu banii-aadmiga
ammuurihiisa oo dhan isku xiisanayno.
Mar kale ayaa nebi Daa'uud wuxuu qoray wax ku saabsan Arijirkiisii Weynaa. Wuxuuna
sheegay in Arijirkiisa Weyn isaga siiyey nolol barakadaysan. Oo wuxuu yiri:
"Rabbigu waa arijirka i jira; waxba u baahan maayo.
Wuxuu i fadhiisiiyaa doog qoyan dhexdiis,
Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
Naftayda wuu soo celiyaa.
Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada."
- Sabuurka 23:1-3
Isla sabuurkaas qudhiisa wuxuu ku sheegay dhimasho barakadaysan Wuxuu yiri:
"In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada,
Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa,
Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya."
- Sabuurka 23:4
Sabuurkaas wuxuu ku soo koobay inuu rajo weyn ka qabo aakhiro suubban. Wuxuu yiri:
"Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis,
Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa."
- Sabuurka 23:6
Nebi Daa'uud wuxuu lahaa rajo wanaagsan. Wuxuu u lahaa nolol barakadaysan. Wuxuuna
ogaa inuu helayo dhimasho barakadaysan oo wuxuu ogaa inuu dhimashadiisa dabadeed
nolosha barakadaysan tegi doono. Adigu ma leedahay rajadaas oo kale? Waad lahaan
kartaa haddii aad sidii nebi Daa'uud oo kale u doonaysid inaad Ilaah dembigaaga
dhaafo. Nebi Daa'uud Ilaah ayuu u qayshaday, isagoo leh:
"Ilaahow, iigu naxariiso sida raxmaddaadu tahay,
Oo xadgudubyadaydana igaga tirtir sida naxariistaada badnaanteedu tahay.
Xumaantayda iga wada mayr, oo iga nadiifi dembigayga."
- Sabuurka 51:1,2
Nebi Daa'uud wuxuu marar badan sabuurradiisii ku sheegay nin dhimasho aad u xun
oo xanuun badan leh ku dhiman doona. Wuxuu sii sheegay mid lagu majaajilloon doono,
oo la yasi doono, oo si xaasidnimo ah loo dili doono. Taasna wuxuu ka yiri:
"Laakiinse waxaan ahay dixiri, oo dad ma ihi,
Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado...
Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan,
Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii waa ka kala bexeen.
Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo,
Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha,
Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa,
Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan."
- Sabuurka 22:6,7,14-18
"Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal."
- Sabuurka 69:21
"Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey,
Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday."
- Sabuurka 116:3
Nebi Daa'uud yuu ka sheekaynayey markii uu waxyaalahaas lahaa? Waayo nafsaddiisa
kama uusan hadlayn markuu waxyaalahan lahaa, isagana kuma aanay dhicin xanuunnadaas.
Nebi Daa'uud wuxuu ka sii warramayey mid dembiyadeenna aawadood u dhiman doonaa.
Buuggan sii baro, waxaad ka baran doontaa mid u dhintay inuu dembigaaga kaa wada
cafiyo aawadeed.
Hosted by WinHost | © 2019 Nolosha Cusub - All Rights Reserved